Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegaya in dowladdu ay ciidamada Haramcad geyneyso gobolka Sool, oo haatan ay dhaq-dhaqaaq xooggan ka waddo Villa Somalia. Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladdu qorsheynayso inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geyso gobolka Sanaag. “Waxba kama jiraan in ciidanka Haramcad la geyn doono gobolka Sanaag, shacabka waxaa ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Beenintan ayaa imaneysa xilli ay gobolka Sanaag iyo weliba kan Highland ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kuwaas oo u dhexeeya siyaasiyiin ay riixeyso Villa Somalia iyo hoggaanka sare ee Puntland. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu ku xiran yahay Villa Somalia, isla markaana wata ciidamo maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo. Cabdirashiid ayaa ka shaqeynaya sidii gobolkaas uu ugu biiri lahaa dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo qaban-qaabinaya shir guud oo lagu diyaarinayo ergadii metali lahayd gobolka Sanaag. Dhankeeda, Puntland ayaa si weyn uga hortimid dhaq-dhaqaaqan, waxaana ciidamadeeda ay haatan abaabul culus ka wadaan gobolka, si ay uga hortagaan qorshaha Cabdirashiid iyo Villa Somalia ee ku aaddan sidii gobolkan uu ugu biiri lahaa maamulka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa ku dadaaleysa sidii ay u baajin lahayd shirka loo qabanayo reer Sanaag, iyadoo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka iyo ciidamo taabacsan. Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka waddo gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi.
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Berri oo Isniin ah, waxaa la filayaa in guud ahaan dalka Kenya ay ka dhacaan mudaharaadyo ballaaran. Boqollaal kun oo qof ayaa la filayaa inay magaalada Nairobi isugu soo bixi doonaan bannaanbaxyadaas. Markasta oo ay dhacaan banaanbaxyada noocaan ah, waxaa soo noq-noqda dhacdooyin lagu bartilmaameedsado ganacsiyada ay Soomaalidu ku leeyihiin bartamaha magaalada Nairobi. Horey ayaa dhowr jeer loo jabiyay tukaamo ay Soomaalidu leeyihiin, arrintaasoo walaac weyn ku haysa bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan. Maanta muuqaal laga duubay bartamaha Nairobi ayaa muujinayay qaar kamid ah ganacsatada oo alaabtooda ka daad-gureynaya tukaamadooda, si ay uga hortagaan khasaare suurtagal ah oo ka dhalan kara rabshadaha la filayo. Sidoo kale, toddobaadkan baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal uu iska soo duubay wiil dhalinyaro ah oo Kenyan ah, kaasoo sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya uu wado abaabul dhalinyaro badan ah oo lagu doonayo in lagu weeraro xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. Wararka la isla dhex-marayo ayaa waxay sheegayaan in ujeedku yahay bililiqeysi iyo waxyeello loo geysto hantida dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. Waxaa xusid mudan in wiil Soomaali ah uu ku dhintay mudaharaadyadii dhacay 25-kii bishii hore, taasoo cabsi horleh ku abuurtay bulshada Soomaalida ee Kenya. Dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Islii ayaa looga digay in ay ka fogaadaan bannaanbaxyada isla markaana ay taxadar muujiyaan. Waxaa muhiim ah in qof walba uu iska ilaaliyo meelaha rabshaduhu ka dhici karaan, ayna doorbidaan in ay guryahooda joogaan si ay u badbaadaan.
  3. MOGADISHU, Somalia – The African Union has been forced to extend the presence of its Burundian contingent in Somalia for at least six months, a stopgap measure to prevent a security vacuum after a planned deployment of Egyptian troops was unexpectedly delayed. The decision, made late Thursday by the African Union’s Peace and Security Council (AUPSC), highlights the significant logistical and political hurdles facing the new AU mission in the war-torn Horn of Africa nation as it continues its protracted fight against Al-Shabaab insurgents. Burundian forces, along with police units from Ghana and Sierra Leone, were scheduled to withdraw by the end of June as part of a transition to the new African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). However, they will now remain to maintain operational strength on the ground. In a communique following its 1287th session, the AUPSC stated that the continued presence of these forces was critical. The council, chaired by Uganda’s Foreign Minister Jeje Odongo, determined that all current military and police personnel “shall be entitled to UNSOS logistical support, for a period not exceeding six (6) months,” pending the full deployment of all troops from contributing countries to AUSSOM. The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides crucial logistical support to the AU mission. Shifting regional alliances The delay in the arrival of the Egyptian contingent is intertwined with the shifting diplomatic landscape in the Horn of Africa. Egypt’s initial offer to contribute troops came earlier this year amid a severe diplomatic fallout between Somalia and Ethiopia. The crisis was triggered by a controversial Memorandum of Understanding signed in January between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland, which would grant Addis Ababa naval access to the Red Sea in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence. In a show of solidarity with Mogadishu, Cairo fast-tracked a security pact with Somalia, with its troops originally slated to replace Ethiopian forces within the AU mission. However, recent diplomatic efforts have mended the rift between Mogadishu and Addis Ababa, leading Somalia to approve the continued presence of Ethiopian troops. It remains unclear whether the delay in deploying Egyptian forces is a direct political consequence of this reconciliation or stems from purely technical and procedural hold-ups within the AU and UN systems. Funding shortfalls and security gaps A severe funding crisis compounds the mission’s operational challenges. AUSSOM, which officially succeeded the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) at the beginning of 2025, requires an estimated annual budget of $166.5 million but faces a significant financial gap. Major international partners, including the European Union, have indicated they are not prepared to increase funding. “We have nothing further to add at this stage,” the EU told The EastAfrican newspaper this week, following the AU’s failure to secure a UN funding mechanism that would have covered 75% of the mission’s budget. In response, the AUPSC has resolved to double the AU’s own Crisis Reserve Facility to $20 million for 2025 and has instructed envoys to organize a resource mobilization conference with the UN, EU, United Kingdom, and other partners. The security situation on the ground remains volatile. The mission’s struggles are underscored by recent territorial gains made by Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate. The militants recently recaptured strategic areas, including the Biyo Cadale base in the Hirshabelle state, which was previously secured by Burundian troops. Such events challenge the Somali government’s assertions about the readiness of its national army to assume full security responsibility. The AUSSOM mission’s approved concept of operations (CONOPS) outlines a force of over 12,000 soldiers for the first half of 2025, which is set to decrease to just over 11,000 in the second half. An agreement reached in February allocated troop contributions as follows: Uganda (4,500), Ethiopia (2,500), Djibouti (1,520), Kenya (1,410), and Egypt (1,091). The current framework envisions a gradual, phased drawdown of international forces, culminating in a complete withdrawal and handover of security responsibilities to Somali forces by December 2029. However, the delay in deploying new troops, coupled with persistent funding shortages and a resilient insurgency, casts a shadow over this timeline and presents a formidable challenge to establishing lasting stability in Somalia.
  4. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar Balcad, ayaa si adag uga hadlay doorashadii lagu qabtay degmada Balcad, isaga oo eedeyn culus u jeediyey hoggaanka maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe. Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay “doorasho ku sheeg” taas oo ku dhacday xilli aan habboonayn, xadgudubna ku ah heshiisyadii horey loo gaaray iyo shuruucda dalka u yaalla. Waxa uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in maamulka Hirshabeelle uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xiligeedii dhacay, halkii uu ka qeyb qaadan lahaa diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee ay ka go’an tahay dowladda federaalka. “Waxaa nasiib darro weyn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, iyadoo aan dhawaan aragnay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo saf ugu jira isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod, in uu Maamulka Hirshabeelle ee Madaxweyne Cali Guudlaawe mashquul ku yahay qabashada doorasho dadban oo waqti-geedii dhammaaday,” ayuu yiri Cali Balcad. Wasiiru-dowlaha ayaa doorashadii maanta lagu qabtay degmada Balcad ku tilmaamay mid sharci darro ah, kuna xad-gudubtay heshiisyadii ay horay u gaareen Guddiyada Doorashada iyo shuruucdii ay ansixiyeen golayaasha qaran. Waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay abuurayso khilaaf, walwal siyaasadeed, iyo isku dhac beeleed, taasoo dhaawici karta xasiloonida gobolka. Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweyne Cali Guudlaawe in uu ku deydo saaxiibadiis, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kuwaasoo si buuxda ugu hawlan diyaarinta doorashada qof iyo cod ee ay dhammaan dhinacyadu saxiixeen. Source: goobjoog.com
  5. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar Balcad, ayaa si adag uga hadlay doorashadii lagu qabtay degmada Balcad, isaga oo eedeyn culus u jeediyey hoggaanka maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe. Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay “doorasho ku sheeg” taas oo ku dhacday xilli aan habboonayn, xadgudubna ku ah heshiisyadii horey loo gaaray iyo shuruucda dalka u yaalla. Waxa uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in maamulka Hirshabeelle uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xiligeedii dhacay, halkii uu ka qeyb qaadan lahaa diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee ay ka go’an tahay dowladda federaalka. “Waxaa nasiib darro weyn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, iyadoo aan dhawaan aragnay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo saf ugu jira isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod, in uu Maamulka Hirshabeelle ee Madaxweyne Cali Guudlaawe mashquul ku yahay qabashada doorasho dadban oo waqti-geedii dhammaaday,” ayuu yiri Cali Balcad. Wasiiru-dowlaha ayaa doorashadii maanta lagu qabtay degmada Balcad ku tilmaamay mid sharci darro ah, kuna xad-gudubtay heshiisyadii ay horay u gaareen Guddiyada Doorashada iyo shuruucdii ay ansixiyeen golayaasha qaran. Waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay abuurayso khilaaf, walwal siyaasadeed, iyo isku dhac beeleed, taasoo dhaawici karta xasiloonida gobolka. Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweyne Cali Guudlaawe in uu ku deydo saaxiibadiis, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kuwaasoo si buuxda ugu hawlan diyaarinta doorashada qof iyo cod ee ay dhammaan dhinacyadu saxiixeen. Source: goobjoog.com
  6. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ciidamo ka qoranayso gobolka Sanaag, si ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan DFS oo gobolkaas ka soo jeeda. Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Geesood oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inay gobolka joogaan ciidan dadka deegaanka ah oo doonaya inay ku biiraan xoogga dalka, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay waajib dowladdu leedahay oo aan cidna halis ku ahayn. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland uu dhowaan ka digey ciidamo uu sheegay inay dowladdu ka qoranayso deegaannada maamulkiisa, taas oo uu ku tilmaamay mid nabad-gelyada halis ku ah. Source: goobjoog.com
  7. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ciidamo ka qoranayso gobolka Sanaag, si ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan DFS oo gobolkaas ka soo jeeda. Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Geesood oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay inay gobolka joogaan ciidan dadka deegaanka ah oo doonaya inay ku biiraan xoogga dalka, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay waajib dowladdu leedahay oo aan cidna halis ku ahayn. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland uu dhowaan ka digey ciidamo uu sheegay inay dowladdu ka qoranayso deegaannada maamulkiisa, taas oo uu ku tilmaamay mid nabad-gelyada halis ku ah. Source: goobjoog.com
  8. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan billowday dadaallo lagu doonayo in lagu dhammaystiro dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana la mideynayo gobollada Sool iyo Sanaag oo hadda u kala qeybsan dhowr maamul. Gobolladan oo horay ay u kala sheegan jireen Soomaaliland iyo Puntland ayaa hadda la doonayaa in laga dhigo maamul goboleed dastuuri ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana socda dadaallo qorshahaas lagu hirgelinayo. Dhaqdhaqaaqan oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helaya siyaasiyiin, odayaal dhaqan, iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolladaas, balse waxaa jira dhinacyo si weyn u diiddan oo aan saamayntooda la dhayalsan karin. Dhinacyadaas waxaa kamid ah Puntland oo qeyb maamulkeeda u aqoonsan gobolladaas, islamarkaana si weyn uga soo horjeeda qorshaha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo SSC-KHAATUMO, waxayna gacanta ku haysaa gobolka Sanaag intiisa badan. Sidoo kale Soomaaliland iyo dad taageersan maamulka Maakhir ayaa degmooyinka qaar saamayn xooggan ku leh, taasina waa mid kamid ah caqabadaha ku hor gudban maamul u samayn deegaannadaas. Dhinac haddii laga eego maamul u saamaynta labadaas gobol waxay waafaqsantahay hannaanka Federaalka ee uu dalku 20 sano ka hor qaatay, waxayna dhammaystir u tahay maamulka SSC-KHAATUMO, balse caqabadaha hortaagan sida looga gudbi karo ayaa ah layli aan jawaabtiisu fududayn. Puntland oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadda dalka ugu khilaafsanayd ayaa haatan u diyaar-garowbaysa qorshaha maamul u samayn deegaannadaas, waxaana laga yaabaa inay xiisadda labada dhinac gaarto meel aan waxba laga qaban karin. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa kala qeybsan oo la kala safan Puntland, SSC-Khaatumo, Maakhir, iyo xittaa Soomaaliland, taasina waxayna Sool gelinaysaa sida loo mideyn karo Sool, Sanaag, iyo deegaanno ka tirsan gobolka Togdheer. Si kastaba ha ahaatee dhammaystirka SSC-KHAATUMO waa arrin dastuuri ah, balse si loo xallin karo is diidooyinka hortaagan ayaa ah waxqabad aan si fudud lagu gaari karin. Source: goobjoog.com
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan billowday dadaallo lagu doonayo in lagu dhammaystiro dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, islamarkaana la mideynayo gobollada Sool iyo Sanaag oo hadda u kala qeybsan dhowr maamul. Gobolladan oo horay ay u kala sheegan jireen Soomaaliland iyo Puntland ayaa hadda la doonayaa in laga dhigo maamul goboleed dastuuri ah oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana socda dadaallo qorshahaas lagu hirgelinayo. Dhaqdhaqaaqan oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helaya siyaasiyiin, odayaal dhaqan, iyo aqoonyahanno ka soo jeeda gobolladaas, balse waxaa jira dhinacyo si weyn u diiddan oo aan saamayntooda la dhayalsan karin. Dhinacyadaas waxaa kamid ah Puntland oo qeyb maamulkeeda u aqoonsan gobolladaas, islamarkaana si weyn uga soo horjeeda qorshaha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo SSC-KHAATUMO, waxayna gacanta ku haysaa gobolka Sanaag intiisa badan. Sidoo kale Soomaaliland iyo dad taageersan maamulka Maakhir ayaa degmooyinka qaar saamayn xooggan ku leh, taasina waa mid kamid ah caqabadaha ku hor gudban maamul u samayn deegaannadaas. Dhinac haddii laga eego maamul u saamaynta labadaas gobol waxay waafaqsantahay hannaanka Federaalka ee uu dalku 20 sano ka hor qaatay, waxayna dhammaystir u tahay maamulka SSC-KHAATUMO, balse caqabadaha hortaagan sida looga gudbi karo ayaa ah layli aan jawaabtiisu fududayn. Puntland oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadda dalka ugu khilaafsanayd ayaa haatan u diyaar-garowbaysa qorshaha maamul u samayn deegaannadaas, waxaana laga yaabaa inay xiisadda labada dhinac gaarto meel aan waxba laga qaban karin. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa kala qeybsan oo la kala safan Puntland, SSC-Khaatumo, Maakhir, iyo xittaa Soomaaliland, taasina waxayna Sool gelinaysaa sida loo mideyn karo Sool, Sanaag, iyo deegaanno ka tirsan gobolka Togdheer. Si kastaba ha ahaatee dhammaystirka SSC-KHAATUMO waa arrin dastuuri ah, balse si loo xallin karo is diidooyinka hortaagan ayaa ah waxqabad aan si fudud lagu gaari karin. Source: goobjoog.com
  10. Ruushka ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ​​tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 2021,kadib markii Ruushka aqbaleen safiir ka socda xukuumada Afganistan. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Andrey Rudenko ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka cusub ee dowlada Afganistan Gul Hassan Hassan. “Waxaan aaminsanahay in ficilka aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ​​ay siin doonto dhiirigelin horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee wax soo saarka leh ee u dhexeeya dalalkeena dhinacyo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban ayaa go’aanka ku tilmaantay mid wanaagsan oo muhiim ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ​​Amir Khan Muttaqi ayaa ku tilmaamay aqoonsiga dowlada Ruushka Go’aan geesinima tusaalana u noqon doono dalalka kale ee caalamka. Kooxda Daalibaan ayaa la wareegtay awooda Afgaanistaan ​​bishii Agoosto 2021, markii ciidamada Mareykanka ee taageerayay dowladda caalamku aqoonsan yahay ay isaga baxeen. Moscow, oo ku tilmaantay ka bixitaanka Mareykanka mid guuldarreystay, ayaa qaaday tillaabooyin ay ku caadiyeyso xiriirka ay la leedahay mas’uuliyiinta Taliban. Kooxdan ayaa la aas aasay sanadkii 1994-tii xiligaasi oo uu socday dagaaladii sokeeye ee dalka Afgaanistaan, waxaana inta badan iska kaashaday mujaahidiin uu Mareykanka taageero oo horey ula dagaalamay midowgii Sofiyeeti sanadihii sideetamaadkii. Dawladda Afgaanistaan ​​si rasmi ah uma aqoonsana hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobayna waxay maamulka ku tilmaamtaa Mas’uuliyiinta Taliban. Source
  11. Taliyaha militariga Iiraan ayaa wacad ku maray in uu aargoosi curyaamin haddii ay Israa’iil markale isku daydo weerar ka dhan ah dalkiisa, isagoo wacad ku maray inuusan xitaa Maraykanku badbaadin doonin Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, kaas oo amray dagaalkii Tel Aviv ee dhawaan ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday caasimadda Tehran Jimcihii, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran, Sarreeye Gaas Abdolrahim Mousavi ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay qorsheysay aargoosiga iyadoo la raacayo dardaaran uu soo saaray Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah Ayatullah Sayyid Ali Khamenei. Taliyaha ayaa waxa uu caddeeyay in waddankiisu uu dhab ahaantii qaadi doono aargoosiga haddii ay suurtagal tahay xadgudubyada cusub ee Israel. “Haddii ay mar kale weeraraan Iran, waxay arki doonaan waxa aan awoodno inaan sameyno, haddii ay taasi dhacdo, xitaa Mareykanka waxaa laga yaabaa inuusan awoodin inuu badbaadiyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.” Source
  12. Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay kala tashanayso dhinacyo kala duwan oo falastiiniyiin ah hindisahii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta Gaza, iyadoo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil ay ku hayso Gaza ay gashay bishii 22-aad. Bayaan ay soo saartay Jimcihii, Xamaas waxay ku sheegtay inay wadahadal la gashay “hogaamiyeyaasha ciidamada Falastiiniyiinta iyo kooxaha ku hareeraysan soo jeedinta ay ka heshay” dalalka dhexdhexaadinta wadda. Ilo ku dhow Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxdu ay raadsatay dammaanad ah in hindisaha cusub ee xabbad joojinta ee uu Maraykanku taageerto, waxa weli laga shaqaynayaa xabbad joojintan, ay horseedi doonto in la soo afjaro dagaalka Gaza oo aana loo oggolaan Israa’iil inay jebiso xabbad-joojintan oo aysan markale dib u bilaabin weerarradeeda, sidii kal hore. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu wadaa inuu Isniinta la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu filayo jawaab ay Xamaas dhawaan ka bixin doonto haddii ay aqbali doonaan waxa uu ku tilmaamay “soo jeedinta ugu dambeysa” ee xabbad joojinta. Source
  13. Islamabad ayaa Hindiya ku eedaysay inay taageerto kooxaha weerarada ka geysta Pakistan, arrintaas oo India ay beenisay. Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan oo isku dayay in ay ka soo gudbaan xadka Afgaanistaan, maalmo uun ka dib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay isla gobolka lagu dilay 16 askari oo Pakistani ah. Dagaalyahannada, kuwaas oo dhamaantood dhintay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay ka tirsanaayeen Taliban Pakistan ama xulafadeeda, sida laga soo xigtay militariga Pakistan, kuwaas oo ku ammaanay ciidamadooda maanta oo Jimce ah. Mid ka mid ah garabyada Taliban Pakistan, oo ah koox ka duwan Talibanka Afghanistan, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ah oo todobaadkii hore ka dhacay degmada xuduuda ee Waqooyiga Waziristan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Dilka ciidamada Pakistan ee dagaalyahanada ayaa ka dhacay isla degmadaas. Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa jimcihii ku amaanay ciidamada dalkiisa “in ay fashiliyeen isku day weerar gudaha ah”. Hadalka ra’iisul wasaaraha iyo ciidamada labadaba waxay ku eedeeyeen Hindiya inay taageerto dagaalyahannadan. Inkastoo India aysan weli ka hadlin eedeynta ugu dambeysay, waxay si isdaba joog ah u beenisay sheegashada Islamabad ee ah inay hurinayso rabshadaha gudaha Pakistan. Source
  14. Ugu yaraan 43 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kadib fatahaado degdeg ah oo ka dhacay bartamaha gobolka Texas, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadku. Gurmad xoogan ayaa wali socda, waxaana la raadinayaa dad badan oo ka mid ah dadka deegaanka, dalxiisayaal iyo carruur ku sugnaa xerooyin waqti fasaxeedka lagu qaato, kuwaas oo weli la la’yahay. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada dadka dhintay ay kordhi karto maadaama fatahaaddu ay saameysay deegaanno badan oo ka baxsan goobta ugu weyn ee musiibada, gaar ahaan halka loo yaqaanno Kerr County. Mas’uul ka tirsan gobolka Travis ayaa sheegay in 4 qof halkaas ku dhinteen, 13 kalena aan la hayn, Sidoo kalena hal dhimasho ayaa laga soo wariyay gobolka Kendall, ayadoo Warbaahintu ay sheegeyso in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 52 qof. Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah 27 gabdhood oo ka tirsanaa xero fasaxeedka <span;>Camp Mystic<span;>, sida uu sheegay Maareeyaha Magaalada Kerrville, Dalton Rice, oo shir jaraa’id oo uu qabtay uga hadlay arrintaas. Source: goobjoog.com
  15. Ugu yaraan 43 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen kadib fatahaado degdeg ah oo ka dhacay bartamaha gobolka Texas, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadku. Gurmad xoogan ayaa wali socda, waxaana la raadinayaa dad badan oo ka mid ah dadka deegaanka, dalxiisayaal iyo carruur ku sugnaa xerooyin waqti fasaxeedka lagu qaato, kuwaas oo weli la la’yahay. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirada dadka dhintay ay kordhi karto maadaama fatahaaddu ay saameysay deegaanno badan oo ka baxsan goobta ugu weyn ee musiibada, gaar ahaan halka loo yaqaanno Kerr County. Mas’uul ka tirsan gobolka Travis ayaa sheegay in 4 qof halkaas ku dhinteen, 13 kalena aan la hayn, Sidoo kalena hal dhimasho ayaa laga soo wariyay gobolka Kendall, ayadoo Warbaahintu ay sheegeyso in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 52 qof. Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah 27 gabdhood oo ka tirsanaa xero fasaxeedka <span;>Camp Mystic<span;>, sida uu sheegay Maareeyaha Magaalada Kerrville, Dalton Rice, oo shir jaraa’id oo uu qabtay uga hadlay arrintaas. Source: goobjoog.com
  16. Warbixinta uu baahiyay TV-ga Jarmalka (DW iyo ARD) ee la xiriirta Yacquub Siyaad iyo Ayuub Cabdirisaaq waxay si qoto dheer u iftiimisay sida qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Jarmalka iyo guud ahaan Yurub ay ugu lug leeyihiin dhiirrigelinta colaadaha Soomaaliya, iyagoo adeegsada baraha bulshada si ay u faafiyaan farriimo dagaal hurin ah. Warbixintu waxay caddeysay in labada nin – Yacquub oo ku sugan agagaarka Düsseldorf iyo Ayuub oo hore u joogay Jarmalka – ay si toos ah u faafinayeen hadallo dhiirrigelinaya in la beegsado qabiilo gaar ah, la adeegsado hub, lana taageero kooxo hubeysan. Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintani aysan ahayn mid ku koobban hal ama laba qof oo keliya. Inta lagu guda jiray baaritaannada ay sameeyeen hay’adaha ammaanka iyo ilaalada sharciga ee Jarmalka, waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan shan ruux oo Soomaali ah sharcigii laga laabtay kaddib markii lagu helay hadallo nacayb ah, ama taageero ficillo liddi ku ah xasilloonida. Dadkaasi waxaa laga xayuubiyay xuquuqdii ay ku joogeen dalka, iyadoo qaarna laga musaafuriyay halka qaar kalena sugayaan maxkamado. Mid ka mid ah soomaalida kunool Jarmalka ayaa Goobjoog u sheegay in shanta ruux sharciga lagala laabtay ay jaajuuseen Soomaali kale oo ku caddeeyay in aysan ka imaan deegaanada ay sheegteen markii hore. Dhalinyarada kasoo jeedda Somaliland, Khaatumo iyo Puntland ayuu sheegay in khilaafkii ka taagnaa deegaanadooda ay usoo rareen Yurub ayna isku bilaabeen in ay is dacweeyaan. Tani waxay muujinaysaa in dadka baraha bulshada ka wadda abaabulka in dowladaha Yurub ay ka qaadayaan tilaabo, gaar ahaan marka lagu xiro hadallo ama ficillo loo arko halis amni. Dowladaha Yurub, sida Jarmalka, waxay si dhab ah u eegaan xog kasta oo la xiriirta taageerada argagixisada, nacaybka, iyo hurinta colaadda, taasoo ka dhigaysa in eed kasta – xitaa haddii ay tahay mid aan sal lahayn – ay dhici karto inay burburiso nolosha qofka lagu tuhunsan yahay. Dhinaca kale, waxaa soo baxay walaac laga qabo in arrimahan ay salka ku hayaan colaado beeleed iyo danaha gaarka ah ee shakhsiyaadka, taasoo dhaawacaysa sumcadda guud ee Soomaalida Yurub ku nool. Arrintan waxay sare u qaaday feejignaanta hay’adaha amniga Yurub, waxayna sababtay in Soomaalida loo arko bulsho ay ka dhex taagan tahay xasarad, taasoo keeni karta in magangalyo-doonka dhabta ah la iska indho tiro. Source: goobjoog.com
  17. Warbixinta uu baahiyay TV-ga Jarmalka (DW iyo ARD) ee la xiriirta Yacquub Siyaad iyo Ayuub Cabdirisaaq waxay si qoto dheer u iftiimisay sida qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Jarmalka iyo guud ahaan Yurub ay ugu lug leeyihiin dhiirrigelinta colaadaha Soomaaliya, iyagoo adeegsada baraha bulshada si ay u faafiyaan farriimo dagaal hurin ah. Warbixintu waxay caddeysay in labada nin – Yacquub oo ku sugan agagaarka Düsseldorf iyo Ayuub oo hore u joogay Jarmalka – ay si toos ah u faafinayeen hadallo dhiirrigelinaya in la beegsado qabiilo gaar ah, la adeegsado hub, lana taageero kooxo hubeysan. Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintani aysan ahayn mid ku koobban hal ama laba qof oo keliya. Inta lagu guda jiray baaritaannada ay sameeyeen hay’adaha ammaanka iyo ilaalada sharciga ee Jarmalka, waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan shan ruux oo Soomaali ah sharcigii laga laabtay kaddib markii lagu helay hadallo nacayb ah, ama taageero ficillo liddi ku ah xasilloonida. Dadkaasi waxaa laga xayuubiyay xuquuqdii ay ku joogeen dalka, iyadoo qaarna laga musaafuriyay halka qaar kalena sugayaan maxkamado. Mid ka mid ah soomaalida kunool Jarmalka ayaa Goobjoog u sheegay in shanta ruux sharciga lagala laabtay ay jaajuuseen Soomaali kale oo ku caddeeyay in aysan ka imaan deegaanada ay sheegteen markii hore. Dhalinyarada kasoo jeedda Somaliland, Khaatumo iyo Puntland ayuu sheegay in khilaafkii ka taagnaa deegaanadooda ay usoo rareen Yurub ayna isku bilaabeen in ay is dacweeyaan. Tani waxay muujinaysaa in dadka baraha bulshada ka wadda abaabulka in dowladaha Yurub ay ka qaadayaan tilaabo, gaar ahaan marka lagu xiro hadallo ama ficillo loo arko halis amni. Dowladaha Yurub, sida Jarmalka, waxay si dhab ah u eegaan xog kasta oo la xiriirta taageerada argagixisada, nacaybka, iyo hurinta colaadda, taasoo ka dhigaysa in eed kasta – xitaa haddii ay tahay mid aan sal lahayn – ay dhici karto inay burburiso nolosha qofka lagu tuhunsan yahay. Dhinaca kale, waxaa soo baxay walaac laga qabo in arrimahan ay salka ku hayaan colaado beeleed iyo danaha gaarka ah ee shakhsiyaadka, taasoo dhaawacaysa sumcadda guud ee Soomaalida Yurub ku nool. Arrintan waxay sare u qaaday feejignaanta hay’adaha amniga Yurub, waxayna sababtay in Soomaalida loo arko bulsho ay ka dhex taagan tahay xasarad, taasoo keeni karta in magangalyo-doonka dhabta ah la iska indho tiro. Source: goobjoog.com
  18. Loollan xooggan ayaa ka aloosan gobollada Sanaag iyo Highland, halkaasi oo ay dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wadaan siyaasiyiin ay riixayso Villa Somalia, kuwaasi oo doonaya in degaannadaasi ku biiraan Maamulka SSC-khaatumo. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo labadaasi gobol ka soo jeeda ayaa qorshaynaya in ay socdaal ku tagaan degmooyinka; Badhan, Dhahar iyo Xingalool oo ay ka qoreen ciidamo heer federaal ah; waxa ay doonayaan in ay magaalada Ceelbuh ku qabtaan shir ku saabsan in gobolladaasi lagu daro Khaatumo. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo kamid ah siyaasiyiinta loo xilsaaray hawshaasi ayaa hadda ku sugan degaanka Ceelbuh, halkaasi oo ay ku ilaalinayaan ciidamo sheegay in ay taabacsan yihiin Villa Somalia, halka dhinaca kale siyaasiyiinta u dhashay Sanaag iyo Highland ee xilalka ka haya Puntland ay wadaan abaabul ciidan oo ka horjeeda arrintaasi. Odayaasha dhaqanka Sanaag iyo Highland oo ay ku jiraan isimada guud ilaa iyo hadda kama muuqdaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta Villa Somalia riixayso ka wadaan labadaasi gobolka, si ay ugu biiraan Maamulka Khaatumo. PUNTLAND POST The post Puntland: Dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo xiisad ka aloosan Gobollada Sanaag iyo Highland appeared first on Puntland Post.
  19. Gudoomiyihii degmada Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle ayaa Saaka oo Sabti ah ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii, kaddib markii ay mooshin ka soo gudbiyeen xubno ka tirsan golaha degaanka degmadaasi. ” Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/7/2025, waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Boosaaso” ayuu yiri maayirkii Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle oo warkan kaga dhawaaqay Kal-fadhigii golaha degaanka Boosaaso oo saaka furmay. “Maalintan xafiiskan imaanayay oo hadda laga joogo mudda laba sano ah, waxaan si hufnaan iyo xilkasnimo ah ugu soo shaqeeyay umadda ku dhaqan magaalada Boosaaao, aniga yoolkeygu kursi ma ahayn ee wuxuu ahaa in aan wax u qabto dadweynaha Boosaaso, wixii aan qaban kareyna waan qabtay” ayuu sii raaciyay Cabdifitaax Xaaji Shanle. Intaasi kaddib, wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa xubnaha golaha degaanka ku wargeliyay in doorashada Maayirka cusub ee Boosaaso la qaban doono 09/7/2025. PUNTLAND POST The post Maayirkii degmada Boosaaso oo saaka ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.
  20. Moqokori, Hiiraan – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday kooxda Shabaab ee ku sugneyd deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu jebiyey kooxda Shabaab, iyadoo laga saaray deegaanka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in firxadka kooxda Shabaab ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle. Goobaha lagu dagaalamay ayaa la sheegay in ay daadsan yihiin meydadka xubno ka tirsan kooxda Shabaab oo halkaas lagu dilay. Howlgalka wali wuu socdaa, wixii kasoo kordha kala soco Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  21. Moqokori, Hiiraan – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday kooxda Shabaab ee ku sugneyd deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu jebiyey kooxda Shabaab, iyadoo laga saaray deegaanka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in firxadka kooxda Shabaab ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle. Goobaha lagu dagaalamay ayaa la sheegay in ay daadsan yihiin meydadka xubno ka tirsan kooxda Shabaab oo halkaas lagu dilay. Howlgalka wali wuu socdaa, wixii kasoo kordha kala soco Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  22. Gudoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) ayaa lagu wadaa in uu saaka si rasmi ah xilkii isaga casilo, kaddib markii uu wajahay mooshin xooggan oo uga yimid xubnaha golaha degaanka degmadaasi. Guddoomiye Cabdifitaax Shanle ayaa qorshaynaya in uu is casilaaddiisa kaga dhawaaqo Kal-fadhiga golaha degaanka degmada Boosaaso oo Sabtida Saaka ah furmaya, kaddib markii inta badan xubnaha golahaasi ka diyaariyeen mooshin xilka qaadis ah. Ilaa 26 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Boosaaso oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii degmada Bashiir Faarax Siciid ayaa diyaarinayay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Shanle oo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay shaqada degmada islamarkaana waxqabad la’aan ku sifoobay. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha degmada Boosaaso oo saaka xilkii iska casilaya kaddib markii uu wajahay mooshin appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka, Mudane Donald J. Trump, iyo shacabka Mareykanka munaasabadda dabaaldegga 249-aad ee Maalinta Xorriyadda Mareykanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalintan ay xasuus u tahay cutub muhiim ah oo taariikhda dadka Mareykanka, isla markaana ay caddeyn u tahay halganka joogtada ah ee loogu jiro xorriyadda, caddaaladda, iyo is-maamulidda shacabka. Soomaaliya waxay qadarin gaar ah u hayaa mabaadi’dan qiimaha leh, kuwaas oo dhiirrigeliya dalal badan oo caalamka ka tirsan oo u taagan ilaalinta qiyamka dimuqraadiyadda. Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada, kuwaas oo door weyn ka qaatay horumarka dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Madaxweyne Trump iyo dhammaan shacabka Mareykanka maalmo farxad leh oo ay ku xusayaan Maalinta Xorriyadda. Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka, Mudane Donald J. Trump, iyo shacabka Mareykanka munaasabadda dabaaldegga 249-aad ee Maalinta Xorriyadda Mareykanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalintan ay xasuus u tahay cutub muhiim ah oo taariikhda dadka Mareykanka, isla markaana ay caddeyn u tahay halganka joogtada ah ee loogu jiro xorriyadda, caddaaladda, iyo is-maamulidda shacabka. Soomaaliya waxay qadarin gaar ah u hayaa mabaadi’dan qiimaha leh, kuwaas oo dhiirrigeliya dalal badan oo caalamka ka tirsan oo u taagan ilaalinta qiyamka dimuqraadiyadda. Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada, kuwaas oo door weyn ka qaatay horumarka dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Madaxweyne Trump iyo dhammaan shacabka Mareykanka maalmo farxad leh oo ay ku xusayaan Maalinta Xorriyadda. Source: goobjoog.com
  25. Kabtan Ayuub Dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa beenisay warbixin laga sii daayay warbaahinta dalka Jarmalka, taasi oo ku eedeysay Kabtan Ayuub oo baraha bulshada caanka ah in uu ka tirsanaan jiray burcad-badeeddii Soomaalida. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu beeniyay dhammaan eedeymaha ku xusan warbixintii ay xalay sii daysay warbaahinta Jarmalka ee DW iyo ARD, taasi oo Kabtan Ayuub ku eedeysay in uu baraha bulshada ka huriyo colaadda gudaha Soomaaliya, islamarkaana horay uga tirsanaan jiray burcad-badeeddii Soomaalida. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay kuwa beenta ka faafinaya Kabtan Ayuub in ay taabacsan yihiin kooxaha Al-qaacida iyo Daacish, waxaana ay sheegtay in Kabtan Ayuub in uu ciidamada difaaca Puntland kala qeyb qaatay kuna dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad ee ciribtirka argagixisada Daacish, kaasi oo taageero ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ee Maraykanka iyo Imaraatiga Carbeed (UAE). “Kuwa beenta ka faafinaya Kabtan Ayuub waa kuwa taabacsan Al-Qaacida iyo Daacish. Kabtan Ayuub wuxu dagaal la galay Daacish isagoo ka garab dagaallamay ciidamada difaaca Puntland oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah oo kala duwan sida Maraykanka iyo Imaaraatiga (UAE), waxaana soo gaaray dhaawac, isagoo diyaarad loogu qaaday isbitaalka Boosaaso” ayuu u qornaa bayaanka dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: Kuwa Kabtan Ayuub beenta ka faafinaya waxay taabacsan yihiin Daacish iyo Al-Qaacida appeared first on Puntland Post.