-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar, kaddib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka heley Dawladda Dalka Qatar. Safarka Madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo dhawr cisho ah, Idamka Allah. Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne ka socda Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad khaas ah. Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta ito Awqaafta, La-Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff-ka). Muddada ay Madaxweynaha iyo wefgigiisu ku sugan yihiin magaalada Dooxa, Caasimadda dalka Qatar, waxa ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda iyo Masโuuliyiinta sarsare ee Dawladda Qatar, iyaga oo ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dhinac; gaar ahaan xagga amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, iskaashiga iyo wax wada qabsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tagay dalka Qatar waxa ay ka turjumayaa sida ay Madaxweynaha Somaliland uga goโan tahay dardargelinta iyo tayeynta Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka firfircoon ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka iyo muhiimadda ay Somaliland u leedahay guud iyo danaheeda ay u marayso dariiq kasta oo suurto gal ah. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News
-
Haweenka danyarta ah ee ganacsiga yar yar ku haysta suuqa magaalada Gaalkacyo oo maanta bannaanbax sameeyay ayaa cabasho ka muujiyay dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen. Haweenkan bannaan-baxa ka sameeyay Gaalkacyo oo xirtay laamiga weyn ee bartamaha magaalada ayaa joojiyay isu socodkii gaadiidka, waxaana ay sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin, islamarkaana cabasho ka muujinayaan dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen. Intaasi kaddib, ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee Gaalkacyo oo goobta tegey ayaa rasaas ku furay haweenkii bannaanbaxa sameeyay ee cabashada ka muujinayay dowladda hoose inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaasi, haddana waxaa joogsaday bannaan-bixii. PUNTLAND POST The post Haweenka ganacsiga yar yar ku haysta suuqa Gaalkacyo oo cabasho ka muujiyay dowladda hoose appeared first on Puntland Post.
-
UK MP Launches Somaliland Recognition Report A British Member of Parliament, Sir Gavin Williamson, has announced the release of a new report titled Roadmap to Recognition, which urges the United Kingdom to formally recognize Somaliland as an independent state. The report was launched under the auspices of the UK Parliamentโs All-Party Parliamentary Group (APPG) on Somaliland, which Williamson chairs. Speaking during the launch event, Sir Gavin emphasized that Somaliland has met the criteria of statehood under international law and that recognition by the UK would support stability, democracy, and development in the Horn of Africa. โThe Roadmap to Recognition lays out a clear, evidence-based path for the UK Government to lead the way in recognizing Somalilandโs right to self-determination,โ said Williamson. โSomaliland has shown remarkable resilience and democratic progress in a challenging region, and now it is time for the international communityโstarting with Britainโto acknowledge that reality,โ he added. The report outlines legal, political, and strategic arguments for recognition, including Somalilandโs sustained governance structures, peaceful elections, and cooperation with international partners. It also includes recommendations for bilateral engagement and suggests a phased approach toward full recognition. The move is likely to stir debate within UK foreign policy circles, as the British government has historically maintained support for Somaliaโs territorial integrity. However, the APPGโs initiative reflects growing parliamentary interest in reevaluating that stance, especially given Somalilandโs relative stability compared to the rest of Somalia. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized by any sovereign state. The region has since developed its own political institutions, currency, and security apparatus. So far, the UK Foreign, Commonwealth & Development Office has not issued an official response to the report. However, analysts expect the Roadmap to Recognition to influence future parliamentary debates and international diplomacy regarding Somalilandโs status Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Qatar, ayadoo la filayo inay la kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo ganacsato u dhashay dalkaas. Dalka Qatar oo ka tirsan kwa ugu dhaqaalaha fiicacan Khaliijka Carabta ayaa muddooyinkii dambe si xowli ah u kordhiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo saamaynta ay ku leedahay gobolka geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, ayadoo ku hoos gambanaysa maalgashi, iyo taageero siyaasadeed. Xariirka Qatar iyo Soomaaliya ayaa aad u xoogaystay wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2017-kii ka dhacday Soomaaliya, iyadoo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa dowlad-goboleedyadu si isdaba joog ah u booqdeen dalkaas. Madaxda Dowlad-Goboleedyada Soomaaliyeed ee Booqday Qatar: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) โ Jubbaland: Waxaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowr jeer booqday Qatar, ayadoo Socdaalladiisa la sheegay in ay la xiriireen taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo iskaashi amni, waxayna xogaha qaarkood tilmaamayaan in Qatar ay Jubbaland ugu deeqday mashaariic horumarineed iyo gargaar biniโaadannimo Sidoo kale madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay inay xilliyo kala duwan dalkaas booqdeen, sidoo kalena ay Muqdisho kula kulmeen saraakiil iyo dublamaasiyiin u dhashay Qatar. Inkastoo Xariirka ay Qatar la leedahay dowlad goboleedyadu aanu u muuqan sida Imaaraadka haddana Dooxa sanadihii dambe waxay dadaal xooggan gelinaysay sidii ay iskaashi ula yeelan lahayd maamullada Qaarkood, iyadoo sidoo kale taageero xooggan siisa dowladda dhexe. Si kastaba ha ahaatee Qatar iyo Imaaraadka ayaa u muuqda inay si weyn ugu hardamayaan gudaha Soomaaliya, ayagoo xariirro toos ah la yeelanaya dowladda federaalka, maamullada, iyo xittaa kooxaha dowladnimada diiddan ama dalalka deriska ah ee Soomaaliya sida joogtada ah u farageliya. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Eritrea ayaa si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Itoobiya, iyada oo ku eedeysay inay wado olole diblomaasiyadeed oo loogu talagalay in lagu muujiyo Eritrea inay khatar ku tahay Itoobiya, isla markaana ay ku xad-gudubtay dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay fariimo dirayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo lagu sheegayo in Eritrea ay ku kacayso dhibaatooyin soo noqnoqda iyo faragelin gudaha Itoobiya ah. Eritrea waxay sheegtay in farriimahaasi yihiin kuwo ku saleysan been-abuur iyo khiyaali siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin โqorshe cad oo Itoobiya ku dooneyso hurinta dagaalโ iyo inay si khaldan uga dhaadhiciso beesha caalamka in ay halis kaga imanayso dhanka Eritrea. Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin ay kamid yihiin: Iibsiga hub tiro badan, Abaabulka hawlo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida gobolka, Hanjabaado cad-cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Eritrea. Dowladda Eritrea waxay sheegtay inay muujisay dulqaad โxad-dhaaf ahโ, iyadoo ay weli ku dadaalayso inaysan gudo galin fal-celin militari ah. Waxay sidoo kale sheegtay inay ogtahay ajandaha Itoobiya ee ah โin la abuuro iska horimaad dagaal ah oo muddo laga shaqeynayay.โ Source: goobjoog.com
-
Wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la soo taagi doono qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacade. โMaxaabiistan waxay isugu jirtaa labo nooc, saraakiishii hoggaaminta la ahayd iyo ciidankii askarta ahaa. Saraakiisha oo ay ku jiraan ragii madaafiicdii Laascaanood hagayay waxay mari doonaan maxkamad. Askarta oo ku dhow hal guuto waa la sii daynayaa, haddii madaxda cusub ee maamulka Somaliland ka laabtaan mabdaโii hore ee Somalilandโ ayuu yiri wasiir Najiib Barkhadle oo wareysi bixiyay. SSC-Khaatumo ayaa bishii April ee sanadkan siidaysay dhowr iyo labaatan ka mid ah maxaabiista Somaliland, kuwaas oo qabay duruufo gaar ah, waxaana siidayntooda ka qaybqaatay Raโiisul Wasaare Xamse. Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya maxaabiis ka soo jeeda deegaannada SSC-Khaatumo, halka uu siidaayay kuwii ka soo jeeday deegaannada Puntland. PUNTLAND POST The post SSC-Khtaatumo: Maxkamad ayaa la soo taagi doono maxaabiista Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ay suurtagal tahay toddobaad gudihiis. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax wada-hadallo rasmi ah oo socda, taasoo muujineysa in hadalku ku imaan dadaal nabadeed oo dhab ah, balse ay tahay goโaan siyaasad oo ku wajahan cadaadis uu Trump ku kordhinayo Netanyahu , oo dhawaan booqanaya Aqalka Cad. Xaaladda Qasa waxay u muuqataa mid uu Netanyahu ka dhigtay kaar siyaasadeed, isagoo ku ilaashanaya kursigiisa , xilli uu cadaadis badan kala kulmayo gudaha. Maxkamadda Isr4l ayaa ka diiday in dib loo dhigo dacwadda musuqmaasuq ee loo heysto , kaddib codsi uu u gudbiyay Netanyahu, taasoo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidaa darteed, Trump wuxuu qorsheynayaa in markuu Netanyahu soo gaaro Aqalka Cad, uu ku cadaadiyo heshiis nabadeed โ isagoo ka dhigayaa isku beddel: nabad Qasa โ aqoonsi cusub iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay Isr4l la yeelanayso dalal Carbeed oo Suuriya ugu horreyso. Laakiin Trump kuma ekaan doono bariga dhexe. Isagoo eegaya jihada kale, wuxuu u jeesanayaa Badda Koonfureed ee Aasiya, halkaas oo uu isku diyaarinayo cadaadis millatari iyo istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Tani waxay qeyb ka tahay qorshihiisa weyn ee ah in la xakameeyo is-ballaarinta Shiinaha, islamarkaana Mareykanka dib loogu muquuniyo inuu sii heysto boosta hoggaaminta caalamka. Trump wuxuu ku socdaa xeelad laba waji ah qaboojinta xaaladda Bariga Dhexe si kumeelgaar ah, iyo diyaar-garow dagaal istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Waxaa suuragal ah in kahor dhammaadka sannadkan la arko tijaabooyin siyaasadeed iyo millatari oo Mareykanku ku cabbirayo sida uu Shiinaha uga hortagi karo. PUNTLAND POST The post Trump oo sheegay in ay suurta-gal tahay xabbad-joojin laga gaaro Qasa appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo muddo dheer ay xurgufi ka dhexaysay ayaa heshiis nabadeed oo Mareykanka iyo Qatar ay dhexdhexaadiyaal ka yihiin ku kala saxiixday magaalada Washington. Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa heshiiskan ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo horumar weyn, Wuxuuna hadalkaas ka sheegay Aqalka Cad, isagoo ay garab fadhiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo wakiillo ka socday DR Congo iyo Rwanda. Madaxweynaha DR Congo, Fรฉlix Tshisekedi, oo bogaadiyey heshiiskan ayaa ku fasiray guushii diblomaasiyadeed ee ugu weynayd muddo 30 sano ah, waxaana la filayaa in asaga iyo dhiggiisa Rwanda Paul Kagame ay safar ku tagaan Washington si ay ula kulmaan Trump, inkasta oo taariikh rasmi ah aan la shaacin. Xiisadda u dhexaysa dalkan oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa ka dhalatay dagaallada ka taagan bariga DR Congo oo u dhexeeya dowladda iyo Jabhadda M23 oo ay Rwanda taageerto iyo arrimo kale, waxayna Xukuumadda Kinshasa si joogto ah Rwanda u eedeyn jirtay ku lug lahaanshaha rabahadaha gudaha. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay horaantii sanadkan ka dib markii M23 ay qabsatay magaalooyin waaweyn sida Goma, waxayna xilligaas dowladda DR Congo taageero ka dalbatay Mareykanka, iyadoo la sheegay inay siisay oggolaansho uu Mareykanku ku qaadan karo khayraadka dabiiciga ah ee dalkaas sida coltan-ka, oo muhiim u ah warshadaha elektaroonigga. Rwanda waxay beenisay inay taageerto M23, inkastoo caddaymo badani jiraan, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda jooga DR Congo ay u joogaan difaac ka dhan ah kooxaha hubeysan sida FDLR โ oo ah jabhad Hutu ah oo lala xiriiriyo xasuuqii Rwanda 1994, waxayna Dhinaceeda Rwanda waxay ku eedeysay dowladda Congo inay taageerto FDLR, taasoo Congo beenisay. Qodobada Heshiiska Waxyaabaha ay labada dhinac ku heshiiyeen waxaa kamid ah ixtiraamka xuduudaha iyo mamnuucidda dagaalka, iyo in la fududeeyo soo celinta qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay. Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, wafdiga Congo waxay dalbadeen in ciidamada Rwanda si degdeg ah uga baxaan dalka, balse Rwanda oo la rumeysan yahay inay ugu yaraan 7,000 askari ka joogaan dalkas ayaa diidday codsigaas. Maalin ka hor saxiixa heshiiska, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda Olivier Nduhungirehe ayaa si kulul u cambaareeyay warbixin la sheegay in lagu daabacay nuqulka qabyada ah ee heshiiska, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ilaaliyaan sirta wada-hadallada, waxa uuna sheegay in Ciidanka Difaaca Rwanda ay Congo ka bixi doonin. Si kastaba ha ahaatee, xafiiska Madaxweyne Tshisekedi ayaa sheegay in heshiiska ay ku jirto bixitaanka ciidamada Rwanda, balse ay doorbideen isticmaalka erayga ka fogaansho, halkii laga dhihi lahaa ka bixid , maadaama uu yahay eray baaxad ballaaran leh. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda. Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga goโan tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) โ Jabuuti waxay xorriyaddeeda ku hanatay 27-kii Juun 1977, balse waddada ay ku gaartay madax-bannaanidaasi ma ahayn mid fudud. Halgan adag iyo taageero dibadda ah ayaa saldhig u ahaa guushaas, iyadoo Soomaaliya ay kaalmo muhiim ah ka geysatay sidii walaalaheeda Jabuuti ay u heli lahaayeen gobannimo buuxda. Markii ay Soomaaliya xorowday 1960-kii, waxay isla markiiba u aragtay in Jabuuti ay tahay qeyb aan ka maqnayn dhulka Soomaaliyeed. Aragtidan ayaa horseedday in dowladdii Soomaaliyeed ay si buuxda u garab istaagto shacabka Jabuuti, iyadoo taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeedba si joogto ah u fidisay. Xilligii aftida Faransiisku qabtay sanadihii 1958 iyo 1967, Soomaaliya waxay si weyn uga hor timid natiijooyinkii la shaaciyay, iyadoo sheegtay in codka shacabka Jabuuti la musuqay. Warbaahinta Soomaaliyeed waxay xilligaas noqotay mid afhayeen u ah dadka Jabuuti, waxayna arrintooda gaarsiisay fagaarayaal caalami ah. Sanadihii 1970-meeyadii, diblomaasiyadda Soomaaliya waxay ahayd mid firfircoon, waxaana si joogto ah looga hadli jiray qaddiyadda Jabuuti fadhiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Soomaaliya waxay dadaal badan ku bixisay in beesha caalamka ay aqbasho xaqa shacabka Jabbuuti ee madax-bannaanida. Markii ugu dambeysay, 27-kii Juun 1977, Jabuuti waxay noqotay dal xor ah. Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahayd goobihii ugu horreeyay ee si weyn looga dabaaldegay maalintaasi taariikhiga ah. Calanka Soomaaliya waxaa lala taagay calanka Jabuuti, taas oo muujisay xiriirka aan goโnayn ee labada shacab. Soomaaliya ma aysan joojin taageeradii ay u fidinaysay walaalaheeda Jabuuti xitaa markii ay madax-bannaanideeda heshay. Labada dal waxay noqdeen laba dowladood oo walaalo ah, kuwaas oo mar walba isku garab taagan xilliyada muhiimka ah ee noloshooda siyaasadeed iyo midda bulsheedba.
-
Mogadishu (HOL) โ Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has welcomed the recent meeting between President Hassan Sheikh Mohamud and the Somali Salvation Forum in Mogadishu, describing it as a positive step toward resolving key political disagreements over the countryโs future. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) โ Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa loo magacaabay โsafiirka cusub ee dalkaas u fadhin doonaโ dalka Kenya. Magacaabistiisa ayaa timid ku dhowaad bil kadib markii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax kala duwan oo uu ku jiro Madaxweyne William Ruto. Dr. Cumar ayaa xilka kala wareegaya Maxamed Maxamuud. Isbeddelkan ayaa salka ku haya isbeddelka hoggaanka ee ka dhashay doorashadii Somaliland ka dhacday bishii November 2024, taasoo uu Madaxweyne Biixi kaga guuleystay Cabdiraxmaan Cirro. Magacaabista Dr. Cumar ayaa loo arkaa inay Somaliland kor ugu qaadayso dadaallada ay ku doonayso inay ku sii xoojiso xiriirka u dhexeeya Nairobi iyo Hargeysa. Si kastaba, Kenya ma aqoonsana safiir Somaliland, balse waxay maamulka Hargeysa ka aqbashay in ay xafiis wakil ku yeelato Nairobi. Dr. Cumar waxa uu sidoo kale horey usoo noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga. Magacaabistiisan ayaa sidoo kale ka dhigaysa inuu noqdo wasiirkii arrimo dibadeed ee ugu horreeyay ee loo magacaabo xil safiirnimo. Imaanshaha uu imaanayo Nairobi ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta iskaashiga, nabadeynta, iyo barwaaqada gobolka, sida ay sheegtay Somaliland. Xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cumar waxa uu horseed ka ahaa dadaallo lagu xoojiyay dublamaasiyadda iyo iskaashiga dhaqaale ee Somaliland. Waxa si gaar ah loogu xasuustaa inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay wada-hadalladii taariikhiga ahaa ee siyaasadeed ee dhexmaray Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya sannadkii 2012, kaddib in ka badan labaatan sano oo xiriirku goโnaa. Tobankii sano ee lasoo dhaafay, Dr. Cumar waxa uu ahaa dhex-dhexaadiye sare oo ka tirsan Xarunta Dhexdhexaadinta Arrimaha Baniโaadannimada (Centre for Humanitarian Dialogue โ CHD) oo fadhigeedu yahay Geneva, isagoo diiradda saarayay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale macallin kasoo noqday Jaamacadda Brunel iyo Machadka Waxbarashada ee Jaamacadda London (Unvisersity of London), wuxuuna sii wadaa inuu isku xiro aragtiyihiisa aqooneed iyo dublamaasiyad wax-qabad leh si uu u horumariyo iskaashiga caalamiga ah. Khibaradda Dr. Cumar ayaa udub-dhexaad u ahayd kobcinta nabadda iyo abuurista xalal waara oo lagu wajaho caqabadaha adag ee gobolka. Waayihiisa shaqo ee hodanka ah waxaa ka mid ah in uu kasoo shaqeeyay dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, dhexdhexaadinta, iyo tacliinta, iyo qaybo kale. Waxa uu shahaadada PhD-da ka qaatay cilmiga Dhaqaalaha Siyaasadda Caalamiga ah (International Political Economy) ee dalka UK. Somaliland, oo in ka badan 30 sano ka hor ka goโday Soomaaliya inteeda kale, ayaa muddo dheer ku taamaysay in loo aqoonsado dal madaxbannaan, tallaabadaas oo tobannaan sano ahayd isha khilaafka iyo xiriirka aan wanaagsanayn ee labada dhinac
