-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Istanbul (HOL) — Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdisalam Abdi Ali met Sunday with his Azerbaijani counterpart, Jeyhun Bayramov, on the sidelines of the 51st session of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Council of Foreign Ministers in Istanbul. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo ka socda deegaanka Burjeed ee duleedka magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed, waxayna wararku sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta oo isku dhinac ah iyo xubno ka tirsan Alshabaab uu dagaalku u dhexeeyo. Inkastoo aan xogo dhammaystiran laga haynin dagaalka haddana dad ku sugan gobolka ayaa sheegay in dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar ku soo qaadeen fariisinka Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Burjeed ee, waxaana halkaas ka dhacay iska-hor-imaad xoogan, balse lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo laamaha ammaanka Koonfur galbeed, balse dadka deegaanka iyo wariyaal gobolka ku sugan ayaa sheegay xogta dagaalkaas. 17-kii bishii April ayay ahayd markii xubno ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur galbeed ku lahaayeen isla deegaankaas, balse xilligaas khasaare xooggan ayaa la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed soo bandhigeen meydad badan iyo hub ay gacanta ku dhigeen. Source: goobjoog.com
-
At least seven Ugandan soldiers have been killed in Somalia, an army spokesperson said Sunday, part of the ongoing fight against the Al-Shabab terrorist group. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Qaraaje oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa sheegay in dowladdu hawlgal xooggan ku qaadi doonto argagixisada Al-shabaab ee buuraha Calmadow, si cirib-tir dhammaystiran loogu sameeyo kooxdaasi. Guddoomiye Qaraaje ayaa sheegay in argagixisada Calmadow dhac iyo dil aan kala sooc lahayn ku sameeyeen rayid badan oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ka soo jeeda degaannadaasi, halka qaar kalena si khasab ah uga bara-kiciyeen guryahooda, sidaasi darteedna dowladda Puntland go’aansatay in au ku kooxdaasi ku qaaddo hawlgal ciribtir ah. “Hawlgalkii Calmiskaad, waxaa ku xiga Hawlgalka Calmadow oo isagana bilaabanaya, nimankaasi Al-shabaab ee Calmadow waxay dhibaato badan gaarsiiyeen shacabkii degaanka oo ay ku sameeyeen dhac iyo dil aan kala sooc lahayn, halka qaarna ay si khasab ah guryahoodii uga bara-kiciyeen, marka waxaan rabnaa in si dhammaystiran loo soo afjaro kooxdaasi” ayuu yiri Cabdirisaaq Qaraaje. Warkan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaanahan xukuumadda Puntland bilowday diyaar-garow ciidan oo ku jihaysan argagixisada Al-shabaab ee buuraha Calmadow, maadaama uu geba-gabo marayo Hawlgalkii Calmiskaad ee bilowday horraantii sannadkan, kaasi oo lagu burburiyay awooddii Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland: Waxaan hawlgal tirtirid ah ku qaadaynaa kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Baarlamaanka Iiraan ayaa u codeeyey in la xiro marin-biyoodka Hormuz, ka dib markii Mareykanku duqeyn la beegsaday dhowr goobood oo xuddun u ahaa barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Suryada Hormuuz oo ah marin-biyood dhuuban oo isku xirta Gacanka Faris iyo Badweynta Hindiya waa mid ka mid ah surimada ugu muhiimsan dunida, maaddaama uu maro shan meelood oo meel shidaalka adduunka laga isticmaalo, iyo afar meelood oo meel gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo. Qaraarka ka soo baxay baarlamaanka Iiraan haddii uu hirgalo saameyn daran ayay ku yeelanayaa sicirka shidaalka ee suuqyada adduunka oo si weyn ugu tiirsan saliidda ceeriin iyo gaaska dabiiciga ah ee ka gudba surinkaas. Go’aanka baarlamaanka Iiraan oo fulintiisu ku xiran tahay Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Jahuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, kaas oo uu guddoomiyo hoggaamiyaha sare ee dalkas Ayatullaah Cali Khamani, ayaa wuxuu u muuqdaa mid looga jawaabayo tillaabada Madaxweyne Donald Trump uu ku beegsaday xarumaha lagu naaxiyo barnaamijka nukleerka Iiraan. Marinka Hormuz oo ballaciisa meesha ugu dhuuban ay dhan tahay 40 Km gees-ka-gees, waa waddada qura ee dunida ku xirta shidaalka ka yimaada dalalka kulaala Gacanka Persia, dhiilladan la xiriirta xiritaankiisana waxaa durbadiiba laga dareemay suuqyada dunida oo walaac uu soo food saaray. Haddaba ahmiyadda marinka Hormuuz ku fadhiyo, waxaa noo sharraxaya Axmed Maxamed Mooge oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa shidaalka dunida. “Hormuuz wuxuu ka mid yahay shan marin oo baddu ka siriqsan tahay, kuwaas oo kala ah Hurmuz, Suez, Baab ul Mandab, Malaika iyo Panama canal. Marka shantaas marin la eegana Hormuz kan ugu saxmadda badan. Waxaana maalintii mara 17 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Shidaalkaas wuxuu ka kala yimaadaa dalalka kala ah Iran, Ciraaq, Kuweyd, Baxrayn, Qadar iyo qayb ahaan Sacuudi Careebiya iyo Imaraadka Carabta. Tusaale ahaan Sacuudiga oo maalintii dhoofiyta 10 milyan oo barmiil maalintii, 7 milyan oo ka mid ah wuxuu ka dhoofiya dhinaca Hormuuz. Waxaana la oran karaa Hormuz waa halbowlaha shidaalka dunida”. Dowladda Iiraan oo ka falcelisey weerarka cirka ah ee lagu soo qaaday dalkeeda, ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu diillin cas oo halis ah ka soo tallaabay, waxayna wacad ku martay in ay jawaab kulul ka bixin doonto waxa ay ku tilmaantay “weerar bareer ah lugu soo qaaday sugnaanteeda dhuleed iyo haybaddeeda gobannimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Cabbaas Aragji oo ka hadlayey shir ay magaalada Istanbul ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo looga arrinsanayey xiisadda Bariga Dhexe, ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyey in uu ku dhacay dabin halis ah, ka dib markii uu fuliyey rabitaanka Israa’iil. Hase yeeshee Donald Trump oo u qiildayaya weerarka uu ku qaaday Iiraan, ayaa tillaabadan ku sheegtay mid looga gaashaamanayey in Iiraan yeelato hubka halista ah. Tillaabada baarlamaanka Iran uu ku oggolaaday in la xiro Marinka Hormuz, ayaa loo arkaa farriin toos ah oo ku socota Mareykanka iyo xulufadiisa reer-galbeedka, ku waas oo loogu shegayo in haddii ay isku soo bahaystaan weerar Iran ka dhan ah, ay dhaqaalaha dalalkooda dhulka la degi doonto. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay Shiinaha in la hubiyo in Marinka Hormuz uu furnaado Waana sababta keentay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Marko Rubio uu si deg deg ah uga falceliyo hanjabaadda Iiraan, tillaabadaas oo haddii lagu dhaqaaqo uu ku tilmaamay mid xaaladda cakiran uga sii daraysa. Xogahaye Rubio ayaa intaas ku daray in Marinak Hormuz oo la xiro aysan cidna dan ugu jirin, islamarkaana ay taasi wiiqeyso dhaqaalaha Iiraan iyo kan dunida intaba. Wuxuuna baaqay u diray dalal uu ka xusay Shiinaha oo uu ku boorriyey in ay Iiraan ka waaniyaan wax kasta oo carqaladeynaya habsami u socodka badeecadda ku gooshta surinkaas. “Waxaan ku boorrinayaa dowladda Shiinaha ee Beijing fadhida in ay arrintaas kala hadlaan Iiraan. Sababtoo ah si weyn ayey ugu tiirsan yihiin saliidda marta Marinka Hormuz. Waayo haddii ay sidaas sameeyaan, taasi waxay ka dhigan tahay khalad kale oo halistiisa leh. Tan kale waa ismiidaamin dhaqaale oo iyaga toos u saameynmeysa. Waxaana ka fikireynaa sidii aan ula tacaali lahayn. Laakiin waxaa loo baahan yahay in dalal kale ay sidoo kale arrinta il gaar ah ku eegaan. Waayo haddii tani dhacdo waxay saameynta ugu daran ku yeelaneysaa dalalkaas kale oo annaga nooga baahi badan”. Ayuu yiri. Si kastaba ha ahaatee lama hubo in Iraan ay fulineyso qaraarka baarlamaanka iyo in kale, waxaase hubanti ah in ay saami ku leedahay xasilloonida sicirka shidaalka dunida, islamarkaana tillabadani ka dhigan tahay qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Bbcsomali Qaran News
-
Waxaa isa-soo taraya hawl-wadeenada iyo shaqaalaha hay’adaha dowlada Puntland ee ka cabanaya wasiiro iyo agaasimayaal awood dowladeed isticmaalaya oo xaqooda hor-taagan, isla markaana waayay cid u qareenta iyo hay’ado kale oo xaqooda usoo dhiciya. In ka badan 35 dhalinyaro ah oo ka tirsan hawl-wadeenada wasaarada beeraha Puntland gaar ahaan qaybta Ayaxa oo ka shaqeeya Garoowe iyo Qardho ayaa mudo ku dhaw 8 bilood waxay la’ayihiin xaquuqdoodii mushahar iyo midii guno hawleed ee ay mudadaas ay shaqaynayeen, siday qaarkood nala soo wadaagen iyadoo cadaymo wadato. Musharaadka ka maqan ayaa qofka uga yar wuxuu bishii heli-jirey 250 dollar, halka qofka ugu badana uu yahay 1500 oo dollar, Wasiirka beeraha Puntland Doonyaale iyo Madaxda Ayaxa ayaa xataa awoodi waayay in dhalinyaradaas dhididkooda iyo xaquuqdoodu maqan-tahay ay xataa ka jawaabaan fariintooda. Qaarkood oo qoysas leh waxaa loo haystaa kirooyin, kuwa korontada iyo biyaha ayaa laga goostay, bakhaarada raashinkana daymo ayaa lagaga leeyahay, waxayna noqdeen qof shaqo haysta hadana koob shaah ah aan shuban-karin. heshiiska qofkasta lala gallay wuxuu ahaa inuu si joogta ah mushaharkiisa u hellayo. Puntland waxaa caan ah qofkii dowlad shaqo u qabta ee xaquuq ku yeesha in daahin iyo is-dabarin lagu sameeyo ilaa la gaarsiiyo qofkaas heer lacagkasta oo loosoo diro uusan diidin maadaama uu baahi xoogan u qabo, dadka ka shaqeeya maamulka iyo maaliyadaha xafiisyada dawlada ayaana farsamadaan si fiican ugu shaqaysta. PUNTLAND POST The post Shaqaalihii Mashruuca Ayaxa Puntland oo is daba-marin lagu sameeyay xuquuqdoodii mushaarka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loo qabtay ergadii ka qeyb-gashay gogashii dhowaan ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka. Xamsa, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo. “Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u mahadceliyey ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay gogoshii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, isla markaana la yimid go’aanno muhiim ah oo ku aaddan masiirka dalka, kaalin weynna ka qaatay dooddii iyo aragtiyihii lagu soo bandhigay gogosha. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia — At least seven Ugandan soldiers were killed in a fierce three-day battle to recapture the key town of Sabiid-Anole from Al-Shabaab militants in southern Somalia, Uganda’s Ministry of Defence confirmed on Sunday. The troops, part of the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), were conducting a joint operation with the Somali National Army (SNA) in Lower Shabelle, a region long plagued by insurgent activity. “Unfortunately, we lost seven soldiers during the battle,” said Brigadier General Felix Kulayigye, spokesperson for the Uganda People’s Defence Forces (UPDF). “I commend the bravery of our gallant AUSSOM-UPDF troops and the Somali National Army. This operation is part of our ongoing effort to degrade Al-Shabaab and implement the Somali Transition Plan.” According to AUSSOM officials, the town of Sabiid-Anole served as a critical logistical and operational base for Al-Shabaab, which is linked to Al-Qaeda. Brigadier General Joseph Musoke Ssemwanga, AUSSOM Sector One Commander, described the area as a major hub for planning and executing attacks across southern Somalia. Following the recapture, AU and Somali forces began clearing surrounding areas and are now conducting follow-up operations to eliminate remaining Al-Shabaab fighters in the wider Afgooye district, military sources said. The remains of the fallen soldiers will be repatriated to Uganda and laid to rest with full military honors, the defense ministry stated. The operation comes at a time of heightened concern over a possible resurgence by Al-Shabaab. Although the group was pushed onto the defensive in 2022 and 2023 through joint offensives led by Somali forces and African Union troops, it has continued to carry out deadly attacks. In March, Al-Shabaab reportedly attempted to target President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in Mogadishu, underscoring the persistent threat posed by the group. Security analysts warn that the militant group is adapting its strategy and exploiting the withdrawal of international forces. AUSSOM, which officially replaced the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) earlier this year, currently fields around 11,146 troops. However, AU officials said an additional 8,000 personnel were urgently needed to meet operational demands in April. Uganda had been a frontline in Somalia’s stabilization efforts since 2007 when it became the first African country to contribute troops under the AU peacekeeping umbrella. Over the years, Ugandan forces have been instrumental in driving Al-Shabaab out of major urban centers. However, the group maintains control over vast rural areas and frequently stages attacks on military and civilian targets. The Somali Transition Plan — endorsed by both the AU and Somali government — aims to gradually hand over security responsibilities to Somali forces by the end of 2024. However, with ongoing funding shortfalls, overstretched troops, and a determined insurgency, achieving that goal remains an uphill battle. While the recapture of Sabiid-Anole was a tactical victory, it highlights the urgent need for sustained international support to prevent a reversal of gains made against Al-Shabaab over the past decade.
-
Ankara (Caasimada Online) – Inkasta oo dalal badan oo xulafo la ah Iran iyo kuwo gobolka ka tirsan ay si adag u cambaareeyeen weerarada Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, hadana Turkigu wuu ka gaabsaday inuu si toos ah u dhaleeceeyo tallaabadaas, taasoo ay u arkaan khatar cusub oo keeni karta isku dhacyo hor leh. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii fiidkii khudbad telefishanka laga sii daayey ku sheegay in Washington ay beegsatay saddex xarumood oo muhiim ah oo nukliyeerka Iran ah, si loo curyaamiyo awoodda dalkaasi ee lagu hodminayo uranium-ka. “Waxaan u xaqiijin karaa dunida in weeraradaasi ay guul weyn u ahayd millatariga Mareykanka. Xarumo muhiim ah oo lagu kobcin jiray uranium-ka Iran si buuxda ayaa loo burburiyay,” ayuu Trump ku yiri khudbadiisa, isagoo intaas ku daray in Tehran ay tahay inay “nabadda doorato,” haddii kale ay wajihi doonto weerarro kale oo ka xoog badan kuwii hore. “Waxa jiri doona nabad, ama musiibo ka ba’an middii aynu aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Saacado uun ka dib markii weeraradaas dhaceen, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabooyinkaas ay khalkhal gelin karaan xasilloonida guud ee gobolka. “Turkiga wuxuu si weyn uga walaacsan yahay saameynta laga yaabo inay ka dhalato weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda. “Horumarka hadda socda wuxuu gobolka ka dhigi karaa meel uu dagaal ballaaran ka qarxo, xitaa heer caalami ah. Ma rabno in khariidadaas musiibada ah ay rumowdo,” ayay wasaaraddu ku dartay. Dib u dhigashada hadalka adag ee Erdogan Hadalkan xakameysan wuxuu si weyn uga duwanaa hadalkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu jeediyay maalintii ka horreysay, markaas oo uu weerarada Israa’iil ku qaadday Iran toddobaadyadii la soo dhaafay ku tilmaamay “burcadnimo”. In kasta oo Ankara ay muddo dheer kasoo horjeedday in Iran ay hesho hubka nukliyeerka, hadana waxay si joogto ah u taageertay xalka diblomaasiyadeed. Waxaa xusid mudan in 2010-kii, Turkiga iyo Brazil ay wada-hadallo fududeeyeen oo la xiriiray isdhaafsiga shidaalka nukliyeerka si loo dejiyo xiisadaha. “Iran waxay ku andacootaa in barnaamijkeeda nukliyeerku uu yahay tallaabo difaac ah, balse Turkigu wuxuu u arkaa arrin halis ah oo dhalin karta tartan hub oo gobolka ka qarxa,” ayuu qoray Murat Yesiltas, khabiir amni oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista SETA iyo Golaha Diblomaasiyadda Madaxweynaha Turkiga. “Sikastaba ha ahaatee, diidmada Turkiga ee gardarrada Israa’iil micnaheedu maaha inuu taageersan yahay hamiga nukliyeer ee Iran.” Xisaab siyaasadeed oo fog Dowladda Turkiga ayaa weerarada Israel ku qaadday xarumaha Iran ku tilmaantay kuwo aan sabab lahayn, iyada oo tixraacaysa warbixino ay hayaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo IAEA oo sheegaya inaysan jirin caddeyn muujinaysa in Tehran si firfircoon uga shaqaynayso horumarinta hub nukliyeer ah. Arrintan ayaa sharaxaysa sababta ay saraakiisha Turkigu si degdeg ah u cambaareeyeen weerarada Israa’iil, iyagoo u arka kuwo sii hurinaya xiisadaha gobolka, xilli ay horey Israa’iil uga geysatay weerarro kale Gaza, Lubnaan iyo Suuriya. Warbaahinta dowladda Iran ee Nour News, oo soo xigatay Wasaaradda Caafimaadka Iran, ayaa sheegtay in weerarada Israa’iil tan iyo 13-kii Juun ay dileen 430 qof, halka ay ku dhaawaceen qiyaastii 3,500. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 25 qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen weerarada Iran, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Erdogan oo isu muujinaya dhexdhexaadiye Madaxweyne Erdogan ayaa halkii uu cambaareyn lahaa Mareykanka, wuxuu doortay inuu xaaladda dejiyo, isagoo taleefanno kula hadlay madaxda muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Masoud Pezeshkian ee Iran iyo Trump. Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay Istanbul inay noqon karto goob loogu talagalay wada-hadallo nukliyeer ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iran. Erdogan wuxuu u muuqdaa inuu sii ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Trump, xiriir hore uga caawiyay inuu Mareykanku ka laabto cunaqabatayntii saarneyd maamulka Madaxweyne Axmed Al Sharaa ee Suuriya. Sida ay u xaqiijiyeen saraakiil Turkiga ah, kana jawaabayay warbixin uu Axaddii daabacay wargeyska Axios, Erdogan ayaa ikhtiyaar u helay inuu Trump ku qanciyo dirista Madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo Wakiilka Gaarka ah Steve Witkoff, si ay ula kulmaan wafdi Iran ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi. Trump laftiisu wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu kulankaas ka qeyb galo. Hase yeeshee, kulankii la qorsheeyay wuu baaqday, kadib markii aan la helin go’aan kama dambeys ah oo kasoo baxa Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay sheegeen saraakiisha Turkigu. Doorka Turkiga ee xalka siyaasadeed Bayaan cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa muujinaya rabitaanka Erdogan ee ah in dalkiisu martigeliyo wada-hadallo Mareykanka iyo Iran dhex mara. “Xalka kaliya ee lagu gaaro heshiis ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran waa wada-hadal,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Turkiga wuxuu diyaar u yahay inuu guto mas’uuliyadiisa, kuna bixiyo dadaallo wax ku ool ah.” Inkasta oo Erdogan uu mararka qaar hadallo kulul jeediyo, hadana siyaasaddiisa ku aaddan khilaafaadka gobolka waxay ku saleysan tahay in aanu si cad dhinac ula safan, taasoo Turkiga u ogolaaneysa inuu helo meel dhexe oo istaraatijiyadeed. Xubinnimada Turkiga ee NATO iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Mareykanka ayaa siinaya fursad uu kula falgalo labada dhinac – kuwa xulafo ah iyo kuwa cadawga u ah – si uu u gaadho yoolkiisa istaraatijiyadeed. “Sikastaba, aragtida Turkiga ee ku aaddan khilaafka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil kama imanayso dan siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Yesiltas. “Khataraha taagan ma aha kuwo maldahan. Waxay si toos ah u saameyn karaan amniga dhuleed ee Turkiga, xasilloonida tamarta, yoolalka dhaqaale iyo isu dheellitirka tirada dadka.”
-
Geelu waxa uu kamid yahay xoolaha ugu qiimaha badan ee Soomaalida ay dhaqato, waana xoolo leh kaalmo dhaqaale, dhaqan, nololeed iyo mid taariikheed oo aan sahlaneyn. Soomaalida oo ah dad xoolo-dhaqato u badan ayaa muddo qarniyo ah geela u arkayey tiir-dhexaadka noloshooda, wuxuuna u ahaa gaadiid, cunto caano iyo cadba leh, hanti qaali ah oo magta iyo yaradkaba lagu bixiyo, iyo dhaqaale lagu faano. Dhaqaalaha iyo Nolol maalmeedka Geelu waxa uu si toos ah iyo si dadbanba u taabanayaa dhaqaalaha Soomaalida, Caanaha geela ayaana ah cunto muhiim u ah bulshada, gaar ahaan reer miyiga, waxaa sidoo kale magaalooyinka si maalinle ah looga cunaa hilibkiisa, ayadoo ay intaas dheer tahay in dibedda loo dhoofiyo dhaqaale badani ka soo galo dalka. Caanaha geelaha ayaa lagu tiriyaa daawo lagula tacaalo xanuunno badan sida calool xanuunka, dhiig-yarida iyo xasaasiyadda, halka hilibkiisuna uu aad u qiimo badan yahay, gaar ahaan xilliyada ciida iyo munaasabadaha. Suuqyada xoolaha, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Hargeysa, iyo Boosaaso, waxaa geelu leeyahay qiime sarreeya, waxa ayna xoolaha uu asagu ugu horreeyaahi kamid yihiin afarta tiir ee ugu muhiimsan ilaha dhaqaalaha Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo kaalimaha hore uga jirta dalalka ugu geela badan dunida, ayaa haatan u muuqanaysa inay la jaan qaadayso hababka casriga ah ee dhaqaalaha meesigaas, inkastoo ay jiraan dhiilo ay kamid tahay in mararka qaar la qalo ubadka yar yar, gaar ahaan dhedigga, taas oo xeeldheereyaashu ay ka dayrinayaan, keenina karta dabar go’ iyo cudurrada geela ku dhaca oo dalka ku soo badanaya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya laga saaray liiska Qaramada Midoobey ee askareynta carruurta, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay QM, kaas oo lagu cadeeyey in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed aysan ku lug laheyn kiisaska askareynta carruurta. Dowladda Sooomaaliya ayaa sheegtay inay masuuliyad iska saartay dhowrista badqabka shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dasturka dalka, heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiiday. “Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalaba Sida, guusha go’aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, oo Ciidamada Qalaba Sida si rasmi ah looga saaray Liiska kuwa ku lugta leh askaraynta carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankaan uu caddeyn u yahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay. “Guushan taarikhiga ah waxay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adaha UNICE iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka carruurta, si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucdan caalamiga ah ee la xiriira carruurta xiliyada colaadaha hubaysan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruurta ayaa si gaar ah u bogaadineysa go’aanka Qaramada Midoobey “Wada-shaqeyntaas mugga leh waxay xoojisay hannaanka ilaalinta carruurta, waxayna horseeday in Soomaaliya ka gudubto heerar adag oo horay loo soo maray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Ugu dambeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku balan qaaday inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyada iyo heshiisyada kala dhexeeya Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan.
-
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka si rasmi ah looga saaray liiska madow ee Qaramada Midoobay ee wadamada lagu eedeeyo askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan. Wasaaradda waxay sheegtay in talaabadan ay tahay guul taariikhi ah oo ka dhalatay wadashaqeyn dhow oo ka dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF iyo UNTMIS. Tallaabadan waxay daba socotaa dadaallo ballaaran oo lagu sugayey badbaadada carruurta Soomaaliyeed si waafaqsan dastuurka dalka iyo heshiisyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya saxiixday. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay in guddiga badbaadinta carruurta ay si gaar ah ugu bogaadinayaan xubnaha ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwii kale ee ka shaqeynayey ilaalinta xuquuqda carruurta. Wasaaraddu waxay tilmaantay in la xoojiyey hanaanka ilaalinta carruurta taas oo horseeday guushan. Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo hufan, xirfad leh, kana madax bannaan fal kasta oo wax u dhimaya badbaadada bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitriy Medvedev ayaa sheegay in “dalal badan” ay diyaar u yihiin inay siiyaan Iran madaxyo hub nukliyeer ah, kaddib weerarro Maraykanku ku qaaday xarumo nukliyeer oo Iran ku yaalla goor hore oo Axaddii ah. Qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter), Medvedev wuxuu ku tilmaamay weerarradii Mareykanka ee lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo kala ah Isfahan, Natanz, iyo Fordow inay noqdeen kuwo keena natiijo ka duwan tii uu doonayay madaxweyne Donald Trump. “Habka bacriminta maadada nukliyeerka — waxaan hadda si toos ah u oran karnaa: soo saarista hubka nukliyeerka mustaqbalka — way sii socon doontaa,” ayuu yiri Medvedev. Medvedev wuxuu intaas ku daray in “dalal badan ay si toos ah ugu diyaar garoobeen inay Iran siiyaan madaxyo hub nukliyeer ah oo ay iyagu leeyihiin.” Medvedev oo tan iyo 2020 ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Qaranka ee Ruushka, wuxuu sidoo kale sheegay in “nidaamka siyaasadeed ee Iran uu ka badbaaday weerarradaas — xitaa suuragalnimadu ay tahay inuu sii xoogaystay.” ] Wuxuu intaa ku daray in shacabka Iran ay hadda “ku mideysan yihiin hoggaanka ruuxiga ah ee dalka, xitaa kuwa horey uga aamusnaa ama kasoo horjeeday.” Medvedev ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu bilowday dagaal cusub markii uu weeraray Iiraan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii si adag u cambaareysay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran. “Go’aanka masuuliyadda ka fog ee lagu beegsanayo dhul ay leedahay dawlad madax bannaan iyadoo la adeegsanayo gantaallo iyo duqeymo cirka ah — xitaa haddii ay jiraan dood uu Mareykanku u soo bandhigo — wuxuu si cad uga hor imaanayaa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan gardarrada oo ay kordhiyaan dadaallada dib loogu soo celinayo xaaladda xalka siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed,” ayaa lagu daray. Kremlin-ka, oo iskaashi istiraatiiji ah la leh Iiraan isla markaana xiriir dhow la leh Israa’iil, ayaa si isdaba-joog ah ugu digay Washington in weerarrada Mareykanka ee Iiraan ay gobolka oo dhan u ridi doonaan “god mugdi ah.” “Trump, oo ku yimid madaxweyne nabad-doon ah, ayaa dagaal cusub u bilaabay Mareykanka,” ayuu yiri Dmitry Medvedev, oo hadda ah ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Amniga ee Ruushka, isagoo intaas ku daray in “guul noocan oo kale, Trump uusan ku guuleysan doonin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel (Nobel Peace Prize).” “Nidaamka siyaasadeed ee Iiraan waa bad-baaday, waxaana aad u badan tahay inuu xoogeystay,” ayuu yiri Medvedev. “Dadku waxay ku midoobayaan hoggaanka ruuxiga ah, xitaa kuwa aan markii hore la dhicin.” Medvedev wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha nukliyeerka ee Iiraan aysan u muuqan inay saameeyeen weerarradii Mareykanka, iyo in Mareykanku uu halis ugu jiray in lagu jiido hawlgal dhulka ah. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si isdaba-joog ah u soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iiraan, inkastoo madaxa Kremlin-ku uu toddobaadkii hore diiday inuu ka hadlo suurtagalnimada in Israa’iil iyo Mareykanka ay dilaan Khamenei. Putin wuxuu sheegay in Israa’iil ay Moscow siisay dammaanad qaadyo ah in khubarada Ruushka ah ee gacan ka geysanaya dhismaha laba reactor oo kale oo ku yaalla warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr ee Iiraan aan waxyeello ka soo gaarin weerarrada cirka. Inkasta oo Moscow ay hub ka iibsatay Iran si loogu adeegsado dagaalka Ukraine, isla markaana ay sannadkan horraantiisii kala saxiixdeen heshiis istiraatiiji ah oo soconaya 20 sano, xiriirka labada dhinac ayaa taariikh ahaan ahaa mid marar badan mugdi galay tan iyo qarnigii 16-aad markii boqortooyadii Muscovy ay si rasmi ah xiriir ula samaysay Boqortooyadii Faaris. Gudaha Ruushka, waxaa kordhay baaqyada loo jeedinayo Kremlin-ka si uu u garab istaago xulafadiisa, una siiyo Iran taageerada uu Mareykanka siiyo Ukraine – taasoo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca cirka, gantaallada iyo xogaha dayax-gacmeedka. “Waa waqtigii aan Tehran caawin lahayn,” ayuu yiri ganacsade Ruush ah oo lagu magacaabo Konstantin Malofeyev. “Isla markaasna, waxaan u bandhigi karnaa Mareykanka iyo Iran dhexdhexaadin diblomaasiyadeed iyadoo loo magacaabayo ergay gaar ah oo arrintan u xilsaaran. Labada dhinacba way ciyaari karaan ciyaartan.” Halgamaa Ruush ah oo xiran oo lagu magacaabo Igor Girkin ayaa isna sheegay in haddii aan la garab istaagin Iran, Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeyn doonaan ilaa ay ku celiyaan “xilligii jaahiliyada”, taasoo keeni doonta fowdo baahsan. “Haddii Iran aysan helin taageero dhab ah oo ka timaadda xulafadeeda, sida Ruushka iyo Shiinaha – oo noqon karta mid weyn oo xooggan – markaa, dhanka kale, waxaa suuragal ah in muddo bil gudaheed ah, cadowgeedu uu gaari doono yoolkiisa,” ayuu ku qoray Girkin bartiisa Telegram.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Carsten Carlsen iyo madax sare oo ka socota hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS) oo booqasho rasmiya ku soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Hoggaamiye SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo xafiiskiisa ku qaabilay. Hoggaamiyaha iyo danjiraha ayaa kulankooda kaga wada-hadlay arrimaha horumarka, mashaariicda gargaarka, nabadda iyo geeddisocodka dawlad-dhiska SSC-Khaatumo. Hoggaamiyuhu ayaa ugu horeyn xusay saaxibtinimada taariikhiga ee Dawladda Norway iyo shacabka SSC. Isagoo sidoo kalana Danjiraha uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen SSC-Khaatumo. Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa xusay in SSC-Khaatumo tahay astaan nabadeed oo u taagan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida geeska, markastana ay diyaar u tahay nabad kula noolaanshaha derisyadeeda. Danjiraha ayaa dhankiisa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha badan ee uu kala kulmay shacabka iyo masuuliyiinta Caasimadda, isagoona ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada horumarineed ee deegannadda Ssc-Khaatumo. Danjire Carlsen ayaa maanta si rasmi ah u furay dib-u-dhiska Isbitaalka Guud ee Laascaanood, kaasoo lagu sameeyay dayactir, qalabeyn, iyo dib u dhis buuxda. Dib-u-dhiska cisbitaalka waxaa suurtagal ka dhigay iskaashi ka dhexeeya Dowladaha Norwey iyo Switzerland, iyo sidoo kale taageero ka socotay Hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS), oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo xarunteedu tahay Oslo, Norwey. Isbitaalka ayaa si weyn u burburay intii uu socday dagaalka gobolka ee 2023, waxaana mashruuca loo sameeyay in cisbitaalkaas dib loogu soo celiyo si buuxda oo u adeegi karo bulshada deegaanka.
-
Dowladda Iran ayaa xiraysa marin biyood Hormuz oo in ka badan 20% ganacsiga adduunka uu maro waqtiga, waxayna tillaabadani jawaab u tahay cadaadiska ay reer Galbeedku ku hayaan dalkaas. Baarlamaanka Iran ayaa dhowaan qalinka ku duugay in si rasmi ah loo xiro marinkaas oo u dhexeeya badweynta Hindiya iyo gacanka Beershiya ama faaris ee ay saameynta xooggan ku leedahay Iran. Marinka Hormuz waxaa mara markab kasta oo shidaal sida, oo ka tagaya dalalka bariga dhexe sida Saudi Arabia, UAE, Kuwait iyo Iraq, kuna sii jeeda dalalka reer Galbeedka, Aasiya, iyo Yurub. Xiritaanka marinka ayaa sii kordhinaya waxyeellada dhaqaale ee laga dhaxlay dagaalka Israa’iil iyo Iran, waxaana la filayaa in qeymaha saliiddu uu si weyn u kordho. Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) ayaa shaaca ka qaaday in wejigii 18-aad ee Hawlgalka Wacadka Dhabta ah ee Sabtidii uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu guulaha badan toddobaadkii la soo dhaafay ee lagu qaado Israa’iil. Bayaan uu soo saaray aroornimadii hore ee Axadda maanta ah, wax yar ka hor inta aan la bilaabin wejiga 19-aad, afhayeenka IRGC Brig. Gen. Ali Mohammed Naeini ayaa sheegay in wejigii hore uu ka mid ahaa howlgaladii ugu guulaha badnaa ee gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ciidamada Cirka ee IRGC. Wuxuu xusay in hawlgalkani uu ku jiray waxyaabo cusub oo ku saabsan xulashada gantaalaha, doorashada bartilmaameedyada, iyo waddooyinka jihaynta ee labada gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo keentay in la bartilmaameedsado 14 goobood oo milateri oo istiraatiiji ah oo ku yaalla magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv. “Sail Tower” oo ku yaal bartamaha Haifa, kaas oo hoy u ah xafiiska shirkadda sirdoonka macmalka ah ee AI12 Labs iyo shirkado kale oo software ah oo ku xiran warshadaha milateriga ee Wasaaradda Dagaalka ee maamulka Sahyuuniadda, ayaa lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan gantaal noociisu yahay Qadr-F oo ah mid meel dheer wax ka weerara. Goobaha kale ee la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah warshadda korontada ee Hadera, warshadda sifeynta saliidda ee Haida, saldhigga cirka ee Ovda (taliska cyber-ka), aagga warshadaha semiconductor ee Kiryat Gat, iyo xarunta Rafael ee Haifa, sida uu sheegay Brig. Gen. Naeini. Wuxuu intaa ku daray inuu uga digay maamulka Sahyuuniadda in wejiga 19-aad ee hawlgalku uu noqon doono “mid joogto ah, waara, oo carqaladaynaya isu-dheelitirkooda.” Ciidamada hubaysan ee Iiraan, oo ay hoggaaminayaan Qaybta Cirka ee IRGC, ayaa ilaa hadda fuliyay 19 weji oo Hawlgalka Wacadka Dhabta ah tan iyo 13-kii Juun, markii maamulka Israa’iil uu billaabay gardarro aan sabab lahayn oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. Gardarradaas ayaa sababtay dhimashada saraakiil badan oo sare oo milateri, saynisyahanno, macallimiin jaamacadeed, ciyaartoy iyo arday, oo ay ku jiraan carruur. Kadib gardarradaas, Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga Ayatollah Seyyed Ali Khamenei wuxuu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ay si xooggan u dhaqmi doonaan isla markaana ay ka dhigi doonaan maamulka Israa’iil mid aan waxba ka qaban karin. Ayatollah Khamenei wuxuu intaa ku daray in maamulka Israa’iil uusan ka badbaadi doonin dambigan isagoo u xaqiijiyay shacabka Iiraan inaan arrintan laga tagi doonin. “Shacabka weyn ee Iiraan waxa loo xaqiijin karaa in Ciidamada Qalabka Sida ay si awood leh ugu istaagi doonaan garabkooda ayna gaarsiin doonaan dharbaaxooyin culus maamulkan,” ayuu carabka ku adkeeyay.
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah uga degay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Socdaalka Axmed Madoobe ee Garowe ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo mar kale isku dayaya in ay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Labada maamul ayaa si gaar ah diiddan qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay u wajahday doorashooyinkii dalka ka dhacay, gaar ahaan doorashadii Jubbaland ee sanadkii hore oo ay DFS si cad u diiday in ay aqoonsato. Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , si loo dejiyo qorshe siyaasadeed mideysan, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland. Is-mari waaga siyaasadeed ayaa gaaray heer labada maamul ay diideen ka qeybgalka gogoshii siyaasadeed ee dhawaan uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Gogoshaas oo loogu talagalay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, haddana waxay Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyeen dowladda dhexe in ay ku socoto hannaan gooni ah oo aysan qayb ka ahayn. Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Axmed Madoobe ee Garowe ayaa muujinaya isku day cusub oo lagu xoojinayo isbaheysiga siyaasadeed ee ka dhanka ah DFS, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda la shaaciyo go’aano siyaasadeed oo muhiim ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay kulanka qaran ee isu-duwidda dowladaha hoose. Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay shirweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha dowladaha hoose, xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay doorasho qof iyo cod ah lagu soo doorto xubnaha goleyaasha deegaanka. “Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh. Waxa uu intaas kusii daray “Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka.” Shirweynaha oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dowladaha hoose. Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay weerarradii Maraykanku ku qaaday Iiraan “guul milateri oo cajiib ah,” khudbad uu jeediyay habeenimadii Sabtida, isagoo sidoo kale ka digay in weerarro kale ay imaan karaan haddii “nabadi degdeg u imaan weyso.” Maraykanku waxa uu bartilmaameedsaday saddex ka mid ah goobaha Nukliyeerka Iiraan: Fordow, Natanz iyo Isfahan, kuwaas oo ah udub-dhexaadka kaabayaasha nukliyeerka Iiraan. Khudbaddiisa, Trump waxa uu sheegay in goobahaas “si buuxda oo dhammaystiran loo burburiyay.” “Iiraan, oo ah gardarrada Bariga Dhexe, waa in ay hadda nabad samayso,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Aqalka Cad. “Haddii ay taasi dhici weydo, weerarrada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo aad uga waaweyn oo aadna uga sahlan.” Go’aanka Trump ee lagu duqaynayo goobaha nukliyeerka Iiraan ayaa ahaa isbeddel lama filaan ah oo ku yimid diidmadii muddada dheer ee madaxweynaha ee ku aaddanayd inuu ku lug yeesho colaadaha shisheeye—iyo hadalkii Aqalka Cad ee laba maalmood ka hor. Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in madaxweynuhu uu go’aan ka gaari doono weerarrada “labo toddobaad gudahood,” taas oo u muuqatay inuu dib u dhigayo tallaabada milateri. Jimcihii, Trump waxa uu sharraxay sababta uu u qaatay muddada labada toddobaad ah, isagoo sheegay inuu sugayay “in dadku ay caqli yeeshaan iyo in kale.” Isagoo Jimcihii u safrayay halka lagu cayaaro golf-ka ee New Jersey, Trump waxa uu kala saaray mucaaradadiisa ku wajahan dagaalkii Maraykanka ee Ciraaq iyo tallaabada suurtagalka ah ee Iiraan. “Waxaan u malaynayaa dhowr toddobaad gudahood, ama hubaal dhowr bilood gudahood, inay awood u yeelan doonaan inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Taas ma ogolaan karno inay dhacdo.” La-taliyayaasha Trump ayaa ku adkaystay in inkasta oo madaxweynuhu aanu doonayn in Maraykanku uu ku lug yeesho colaad kale, haddana uu ku adkaysanayay in Iiraan aanay yeelan karin awood nukliyeer ah. Farriintooda waxaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Trump ee “Make America Great Again,” kaas oo ku kala qaybsanaa arrinta madaxweynaha ee tallaabada milateri. Aqalka Cad ayaa la xiriiray dhaqdhaqaaqayaal saameyn leh sida Charlie Kirk si ay ugu qanciyaan weerarrada suurtagalka ah, sida uu horay u soo tebiyay wargeyska The Wall Street Journal. Kahor khudbaddii Trump ee Sabtida, Kirk waxa uu bartiisa X soo dhigay, “Marka Trump hadlo, waa inaad dhageysataa,” isagoo ku daray qoraal Trump uu soo dhigay 2011 kaas oo ku tilmaamaya raadinta Iiraan ee hubka nukliyeerka “khatar weyn oo ku ah danaha amniga qaranka ee dalkeenna.” Trump waxa kale oo uu qado la qaatay Khamiistii Steve Bannon, oo ah la-taliye hore oo ka soo horjeeda faragelinta milateri, waxaana uu sheegay inuu la hadlay Tucker Carlson, oo ah shakhsi caan ah oo hore uga tirsanaa Fox News, ka dib markii Israa’iil bilowday weerarradeeda, ku eedeeyay Trump inuu “ku lug lahaa ficilka dagaalka.” “Taageerayaashaydu maanta aad ayay ii jecel yihiin sidii ay doorashadii horeba ii jeclaayeen,” ayuu yiri Trump horraantii toddobaadkan. Ka dib markii uu muddo sanadka intiisa badan ku dadaalayay xal diblomaasiyadeed oo lagu dhameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, Trump ayaa dhawaan sare u qaaday hadalkiisa ka dhanka ah Iiraan, isagoo ku baaqay is-dhiibitaan shuruud la’aan ah isla markaana soo jeediyay in Maraykanku uu ogyahay goobta uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei laakiin aanu dilayn, “ugu yaraan hadda.” La-taliyeyaasha ayaa sheegay in Trump uu ku soo gebagebeeyay in heshiis diblomaasiyadeed oo lala galo Iiraan ay u muuqato mid sii adkaanaysa. Markii ay Israa’iil weerarro ku qaadday Iiraan, wuxuu si dhow ula safnaa baaqa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan burburinta goobaha nukliyeerka Iiraan. Ka dib weerarradii Sabtida, Trump waxa uu sii watay hadalkiisii dagaal-doonka ahaa. “Waxaa jiri doona nabad ama waxaa Iiraan ka dhici doona masiibo, taas oo aad uga weyn intii aan ku aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.
-
Riydha (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si kulul uga hadashay weerararka Mareykanka uu ku qaaday Iran, kaas oo sii kordhiyay xiisadda ka aloolsan bariga dhexe, kadib markii uu si toos ah ugu biiray dagaalka, isaga oo la saftay Srael. Bayaan culus oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa waaxaa marka hore walaac xooggan looga muujiyay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumo xarumaha nukliyeerka ee dalka Iran, kadib markii ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla dakaasi. Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa ku baaqday xasillooni deg-deg ah iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta inuu sii xoogeysto dagaalka bariga dhexe. Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in la qaboojiyo xiisada xoogeysaneysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, si looga hortago in xaaladdu ay faraha kasii baxdo. Tallaabada uu qaaday Trump oo isagu amray weerarka lagu qaaday dalka Iran ayaa durbo dhalisay saameyn xoogan, waxaana dhalatay cambaareyn gudaha iyo dibadda ah. “Weerarkii Iran ee uu amray Trump isagoo aan fasax ka haysan Congress-ka wuxuu calaamad u yahay khatar weyn oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Waxa uu sii kordhinayaa colaadda; weerarada ciidamada nabad ma keenayaan, kaliya waxay sii hurinayaan rabshadaha socda, waxayna qalqal gelinayaan gobolka oo dhan,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo kamid ah siyaasiyiinta sida wayn u naqdiya Madaxweyne Donald Trump. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay “Weeraradan waxay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Shacabka Mareykanka waxay ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaan u baahanahay inaan joojino waalidan, ka hor inta aanan lumin dad badan,” Ujeedada ugu weyn ee Mareykanku uga qeyb-galayo dagaalkan ayaa ah inuu xoojiyo dadaalka Israel ee lagu doonayo in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran. Trump oo ka hadlayay weerarkan ayaa sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 Stealth Bombers), balse ma uusan caddayn noocyada bambooyinka la isticmaalay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka. Duqeymahan waa go’aan halis ku ah Mareykanka, maadaama Iran ay ballanqaadday inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku si buuxda ugu biiro weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan wuxuu khatar ugu jiraa Trump, maadaama uu horey ugu guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday in uu Mareykanka ka ilaaliyo khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana uu quursaday qiimaha faragelinta Mareykanka.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Garoowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Puntland, Saciid Cabdullahi Deni. Labada madaxweyne oo haatan wajahaya duruuf isku mid ah oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay kulamo xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Garoowe, iyaga oo dib usoo celinaya isbahaysigoodii siyaasadeed ee hore. Qorshaha ugu wayn ee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ah in la sii adkeeyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda guud ee amniga dalka. Wadahadallada la qorsheeyay ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dibna ay u dhisaan kalsoonida siyaasadeed iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya. “Kulanka Madaxweyne Madoobe iyo Madaxweyne Deni waa mid muhiimad gaar ah u leh is-waafajinta istaraatiijiyadaha gobollada iyo in laga yeesho aragti mideysan arrimaha waaweyn ee qaranka,” waxaa sidaa u sheegay Caasimada Online sarkaal ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Labada hoggaamiye waa xulafo soo jireen ah oo u ololeeya nidaam federaali ah oo awoodda la baahiyo, waxaana iskaashigooda loo arkaa mid culeys siyaasadeed ku keeni kara dadaallada awood-urursiga ah ee ay dowladda dhexe ka waddo Muqdisho. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, labaduba, waxay si isdaba-joog ah u dhaliileen maamulka Madaxweyne Xasan, iyagoo ku tilmaamay mid wada go’aanno aan lagala tashan oo kor laga keenay, kuwaasoo meesha ka saaraya codka iyo aragtiyaha maamul-goboleedyada. Falanqeeyayaasha siyaasadda waxay tilmaamayaan in kulankani uu gacan ka geysan karo abuurista aragti mideysan oo ku aaddan habraacyada doorashooyinka, isla markaana uu xoojinayo baaqa loo jeedinayo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, kuna dhisan is-afgarad. Sidoo kale, labada maamul-goboleed waxaa ka dhaxeeya walaac amni oo qoto dheer. Puntland iyo Jubaland waxay labaduba xuduud la wadaagaan goobo ay colaado ka oogan yihiin, waxayna safka hore kaga jireen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish. Si kastaba, Xilliga ay booqashadani ku soo aadday ayaa hoosta ka xarriiqaysa sida ay muhiim ugu tahay xaaladda taagan. Soomaaliya waxay wajahaysaa isku-dhaf caqabado ah oo isugu jira fadhiidnimo siyaasadeed, amni-darro, iyo dhibaatooyin bani’aadannimo.
-
Faysal Khaliif Wacays Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays oo dhaawac fudud ka soo gaaray qoorta, kaddib markii xalay toorrey lagu weeraray. Qoraal uu soo saaray duqa Garoowe ayuu ku sheegay in uu saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays oo dhaawac fudud ka soo gaaray toorrey uu xalay ku weeraray eedaysane hadda ku jira gacanta laamaha Ammaanka. “Duqa Caasimadda Garoowe, Mudane Hon. Cabdulkadir Geedi, ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Carafaad ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu ku dabiibanyahay Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif, kaasi oo dhaawac fudud kasoo gaaray qeybta qoorta.” “Maayir Geedi ayaa warbixin caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta la tacaalaya xaaladda guddoomiyaha, isaga oo uga mahadceliyay dedaalka iyo daryeelka ay u hayaan.Duqa Caasimadda ayaa booqashadiisa ku muujiyay dareen garab istaag iyo walaaltinimo, isaga oo sidoo kale Alle uga baryay in uu si dhaqso leh u bogsado Mudane Faysal Khaliif” ayuu Geeddi ku sheegay qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo isbitaalka ku booqday guddoomiyaha Eyl oo xalay dhaawac fudud gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si rasmi ah u muujisay walaac weyn oo ay ka qabto horumarka iyo xaaladda cakiran ee ka taagan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, gaar ahaan weerarrada ay Dowladda Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iran. Boqortooyada Sacuudigu waxay mar kale xasuusisay war-murtiyeedkii ay soo saartay 13-kii Juun 2025, kaas oo ay si adag ugu cambaareysay ugana soo horjeesatay ku xad-gudubka madax-bannaanida iyo qarannimada Iran. Warsaxaafadeedka maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in la muujiyo xakameyn, la dejiyo xiisadda, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal ka dhex qarxa gobolka. Boqortooyada Sacuudigu waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka in ay xoojiyaan dadaallada lagu gaarayo xal siyaasadeed oo dhammaanaya khilaafka, taasoo ay sheegtay in ay muhiim u tahay in la helo amni iyo xasillooni. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo saaka ka amba-baxay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa lagu wadaa in uu goor dhaw ka dego caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026. Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubaland ka istaagaan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo 27 bishii hore ee May shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo goor dhaw ka dagaya garoonka diyaaradaha Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee Puntland ayay si ba’an ugu burburiyay godad ka samaysan dhadhaab oo ay keydad Raashin ah uga firxadeen argagixisada Daacish. Hawlgalkan oo ciidamada Puntland ka fuliyeen aagga togga Baallade ayay ku burburiyeen, islamarkaana dab qabad-siiyeen keydad Raashin ah oo argagixisadu ku qariyeen godad ka samaysan dhadhaab oo dhaca nawaaxiga Ceelka Cadeyle. Ciidamada dowladda oo dhawr jiho kaga yimid degaanka Cadeyle waxay halkaasi ku gubeen dhammaan keydadkii raashinka uga harsanaa firxadkii mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo kabihii ka cararay, kaddib markii ciidanku si kedis ah u weeraray. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo gubay dhammaan keydadkii Raashinka ee Daacish appeared first on Puntland Post.
