-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wadamada Mali iyo Ruushka ayaa kala saxeexday heshiisyo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu ballaadhiyo ganacsiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhaqaale kuwaas oo ay ka mid yihiin ballan qaadka iskaashiga tamarta nukliyeerka, sida ku cad faahfaahinta Kremlin-ka. Ku dhawaaqista heshiisyada ayaa yimid xilli uu booqasho ku yimid Moscow hogaamiyaha milatariga Mali Col Assimi Goïta, oo wadahadal laba saacadood ah la qaatay madaxweyne Vladimir Putin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka. Goïta ayaa sare u qaaday xidhiidhka Ruushka tan iyo markii uu la wareegay awooda 2021, iyada oo hoos u dhigtay xidhiidhkii uu la lahaa gumeysigii hore ee Faransiiska. Tani waxay ka tarjumeysaa isbeddel ballaadhan oo gobolka ah, iyada oo deriska Burkina Faso iyo Niger ay sidoo kale u janjeedhaan dhanka Ruushka ka dib markii la afgambiyay hoggaamiyeyaasha rayidka ahaa. Isaga oo ka hadlayay Isniintii, Putin wuxuu sheegay in inkasta oo xidhiidhka ganacsi ee Mali uu ahaa “mid dhexdhexaad ah” waxaa jiray isbeddel sare oo mustaqbalka noqon doona iskaashiga sahaminta juqraafi, tamarta, saadka iyo arrimaha bini’aadanimada”. Maali iyo Ruushka ayaa horay uga wada hadlay dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah oo uu Ruushka u qaabeeyay si ay u noqoto mashruuc istaraatiiji ah oo tamarta Mali. “Booqashadan rasmiga ah waxay gacan ka geysan doontaa sii qoto dheereynta xidhiidhkayaga si ay ku dheehan tahay is-aaminaad labada dhinac ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida,” ayuu yidhi Col Goïta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Mali. Iskaashi militari ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah isbahaysiga Ruushka iyo Mali. Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee Ruushka ayaa taageerayay dowladda Col Goïta tan iyo markii ciidamada Faransiiska iyo kuwa Qaramada Midoobay laga saaray dalka kadib sanado badan oo ay socdeen howlgalo ka dhan ah fallaagada. Kooxda Wagner ayaa dhawaan ka baxday dalka, laakiin ciidan kale, oo Afrikaan ah, ayaa weli ah. Markii ay ciidamadu la wareegeen awoodda dalka Maali, waxay sabab uga dhigtay in loo baahan yahay in la xakameeyo xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa. Si kastaba ha ahaatee rabshadaha ayaa ka sii daray sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo la ballanqaaday in wax laga qabanayo colaadda. Wasiirka Difaaca Ruushka Andrei Belousov, oo wadahadalo gooni gooni ah la yeeshay dhiggiisa Mali Sadio Camara, ayaa sheegay in muhiimada iskaashiga Ruushka iyo Mali uu yahay “in la gaadho natiijooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo amniga iyo madax banaanida”. “Habkani waa furaha guul kasta iyo guul kasta,” wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay isaga. Source
-
Holland ayaa si rasmi ah dib ugu soo celisay 119 alaab qadiimi ah oo laga xaday boqortooyadii hore ee Nigeria ee Benin in ka badan 120 sanno ka hor xilligii gumeysiga. Olugbile Holloway, oo ah agaasimaha guud ee Komishanka Qaranka Nigeria ee Matxafyada iyo Taallooyinka, ayaa Sabtidii sheegay in alaabtan farshaxanka ahi ay yihiin ” ruuxda iyo aqoonsiga dadkii laga soo qaaday”. “Waxa kaliya ee aan waydiisanno aduunka waa in na loola dhaqmo si caddaalad ah, sharaf iyo ixtiraam,” ayuu ka yidhi xaflad lagu qabtay Matxafka Qaranka ee Lagos. Holloway wuxuu intaas ku daray in Jarmalku uu sidoo kale ogolaaday inuu soo celiyo in ka badan 1,000 qaybood oo dheeraad ah. Farshaxankan qadiimka ah, oo loo yaqaan Benin Bronzes, ayaa ah soo laabashadii ugu dambeysay ee taariikhda qaaliga ah ee Afrika iyada oo ay kor u kacday cadaadiska dawladaha reer galbeedka si ay u soo celiyaan alaabtii ay qaateen xilligii boqortooyadii. Afar ka mid ah farshaxannadan ayaa lagu soo bandhigay barxadda madxafka waxayna sii ahaan doonaan kaydka joogtada ah ee madxafka, halka kuwa kalena lagu celin doono Oba of Benin, Ewuare II – oo ah taliyaha dhaqanka ee Boqortooyada Benin ee koonfurta Nigeria. Alaabtan Bronze of Benin waxaa ka mid ah farshaxanno bir ah iyo fool maroodi oo soo taxnaa qarniyadii 16-aad ilaa 18-aad. Alaabtan ayaa la xaday 1897-kii markii ciidamada Ingiriiska oo ka amar qaadanayay Sir Henry Rawson, ay xoog ku qabsadeen boqortooyadii Benin oo maanta ah koonfurta Nigeria – waxayna ku qasbeen Ovonramwen Nogbaisi, boqortooyadii xilligaas, inuu musaafuris lix bilood ah u baxo. 2022, Nigeria waxay si rasmi ah u codsatay soo celinta boqollaal walxood oo madxafyada adduunka oo dhan ah. Isla sanadkaas, ilaa 72 walxood ayaa laga soo celiyay madxaf ku yaalla London, 31 ka mid ahna waxaa laga soo celiyay Jasiiradda Rhode ee Maraykanka. Source
-
Garowe (HOL) — Puntland warned Sunday that Somalia’s federal government will be held accountable for any violence in the disputed Sanaag region after regional troops seized the coastal village of Elbuh and forced rival political figures to withdraw overnight. Source: Hiiraan Online
-
HELSINKI, Finland (HOL) — The Finnish Film Foundation has awarded nearly €2.2 million in production support to 16 new projects, with a standout among them: Halima, the debut feature by Somali-Finnish filmmaker Naima Mohamud. The groundbreaking film, which secured the largest grant at €738,000, marks a historic milestone as Mohamud becomes the first Black Finnish woman to direct a feature-length film. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud met Sunday with Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi, further deepening security and trade ties while navigating rival pressure from Cairo and Addis Ababa over the Nile’s contested waters. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ku tilmaamtay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka. Madaxweynuhu Federaalka waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdigiisa , taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab. Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda gobolka geeska afrika ay meel adag marayso, waxaana la filayaa in masar ay Soomaaliya kala hadli doonto xoojinta iskaashiga laba dal maadaama ay si weyn isku hayaan Itoobiya oo dhowaan shaacisay inay dhammaystirtay biya-xireen ay muddo ka dhisanaysay webiga Niil. Sidoo kale Xukuumadda Qaahira waxay doonaysaa inay garab u noqato Eritrea oo ay xiisad adagi kala dhexayso Addis Ababa, arrimahaasoo dhamina waa kuwo saamayn xooggan ku yeelan doona Soomaaliya, balse lama oga sida ay DFS uga dabaalan doonto. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ku tilmaamtay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka. Madaxweynuhu Federaalka waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdigiisa , taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab. Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda gobolka geeska afrika ay meel adag marayso, waxaana la filayaa in masar ay Soomaaliya kala hadli doonto xoojinta iskaashiga laba dal maadaama ay si weyn isku hayaan Itoobiya oo dhowaan shaacisay inay dhammaystirtay biya-xireen ay muddo ka dhisanaysay webiga Niil. Sidoo kale Xukuumadda Qaahira waxay doonaysaa inay garab u noqato Eritrea oo ay xiisad adagi kala dhexayso Addis Ababa, arrimahaasoo dhamina waa kuwo saamayn xooggan ku yeelan doona Soomaaliya, balse lama oga sida ay DFS uga dabaalan doonto. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ansixiyay in hub iyo saanad militari la geeyo magaalada Laascaanood Jimcihii, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan. Tallaabadaas ayaa halis u ah inay sii qoto dheerayso xiisadda kala dhaxaysa maamul-goboleedka Puntland, oo si xooggan uga soo horjeeda in la taageero SSC-Khaatumo, islamarkaana weli diidan jiritaanka maamulkaas. Hubkan la diray ayaa ku soo beegmay ka hor shir Laascaanood lagu qabanayo oo loogu talagalay in si rasmi ah loogu dhiso maamulka “Khaatumo” oo taageero ka helaya dowladda dhexe—hindisahan oo ah mid siyaasad ahaan xasaasi u ah gobol ay horayba uga jireen is-qabqabsi dhuleed iyo loolan beeleed. Mas’uuliyiinta deegaanka ee Puntland ayaa hor istaagay kulan gaar ah oo uu soo abaabulay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasoo soo gaaray deegaanka Ceelbuh isagoo wata ciidamo ilaalo ah, kuna damacsanaa inuu ergooyin uga sii qaado shirka Laascaanood. Tallaabadaas ayaa loo arkay mid liddi ku ah saamaynta ay dowladda dhexe ku yeelanayso gobolka. Saraakiisha Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Muqdisho inay hurinayso xasilooni-darrada iyo inay hub geysay deegaanka iyadoon la tashan maamullada maxalliga ah—arrintaas oo ku sheegeen “mid noqon karta ku xadgudub dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo dammaanad qaadaya mabaadi’da federaalka iyo awood-qaybsiga ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.” “Tallaabada kali-taliska ah ee ay qaadday dowladda dhexe waxay wiiqaysaa awooddeena gobolka, waxayna khatar gelinaysaa isku-dheelitirnaanta jilicsan ee ka jirta waqooyiga Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Puntland, oo codsaday in aan la magacaabin. Horumarkan ayaa sii kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oognayd Muqdisho iyo Puntland, taasoo bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa isaga fogeynaysay dowladda dhexe, khilaafkaas oo salka ku haya is-maandhaaf la xiriira dib-u-habeynta dastuurka, habraacyada doorashooyinka, iyo maamulka kheyraadka. Dowladda dhexe ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrinta ku saabsan hubka la geeyay iyo taageerada ay u hayso hindisaha Khaatumo.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ku tilmaamtay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka. Madaxweynuhu Federaalka waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdigiisa , taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab. Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda gobolka geeska afrika ay meel adag marayso, waxaana la filayaa in masar ay Soomaaliya kala hadli doonto xoojinta iskaashiga laba dal maadaama ay si weyn isku hayaan Itoobiya oo dhowaan shaacisay inay dhammaystirtay biya-xireen ay muddo ka dhisanaysay webiga Niil. Sidoo kale Xukuumadda Qaahira waxay doonaysaa inay garab u noqato Eritrea oo ay xiisad adagi kala dhexayso Addis Ababa, arrimahaasoo dhamina waa kuwo saamayn xooggan ku yeelan doona Soomaaliya, balse lama oga sida ay DFS uga dabaalan doonto. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo Villa Soomaaliya ay ku tilmaamtay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka. Madaxweynuhu Federaalka waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdigiisa , taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab. Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda gobolka geeska afrika ay meel adag marayso, waxaana la filayaa in masar ay Soomaaliya kala hadli doonto xoojinta iskaashiga laba dal maadaama ay si weyn isku hayaan Itoobiya oo dhowaan shaacisay inay dhammaystirtay biya-xireen ay muddo ka dhisanaysay webiga Niil. Sidoo kale Xukuumadda Qaahira waxay doonaysaa inay garab u noqato Eritrea oo ay xiisad adagi kala dhexayso Addis Ababa, arrimahaasoo dhamina waa kuwo saamayn xooggan ku yeelan doona Soomaaliya, balse lama oga sida ay DFS uga dabaalan doonto. Source: goobjoog.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa adkeeyay taageeradiisa Soomaaliya, isagoo shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray sanduuqa kaydka xaaladaha degdegga ah, taas oo lagu taageerayo hawlgalka AUSSOM. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), oo kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo hawlgalka cusub, ayaa caddeeyay ka-go’naanshihiisa taageerada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta. Goluhu wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah, taasoo wadarta guud ee la heli karo sanadkan 2025 ka dhigeysa $20 milyan, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo saaxiibada kale inay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wado hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Goluhu wuxuu muujiyay walaac ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaada saaxiibada caalamka. Dhinaca kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, inay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo uu dowladda federaalka ku ammaanay dadaallada ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran. Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa toddobaadyada soo socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbin doona warbixin dhameystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka, iyo baahiyaha duulimaadyada.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxa shirkadda Tesla, Elon Musk, ayaa maalintii Sabtida sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasadeed cusub oo uu ugu magac daray America Party, kaddib markii uu dib u soo cusboonaaday khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Trump. “Marka la eego saami ah saddex meelood laba meel, waxaad dooneysaan xisbi siyaasadeed oo cusub, waana heli doontaan!,” ayuu Musk ku soo qoray bartiisa X, oo ah bar bulsho oo uu isagu leeyahay. “Maanta, waxaa la aasaasay Xisbiga America Party si la idiinku soo celiyo xorriyaddiina.” Musk iyo la-taliyeyaashiisa midkoodna weli ma uusan gudbin wax waraaqo ah oo ku aaddan Guddiga Doorashooyinka ee Federaalka (Federal Election Commission) oo muujinaya aasaaska urur siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo “America Party.” Magaca xisbigan wuxuu la mid yahay kan guddi-hoosaad siyaasadeed oo uu ka caawiyay in la yagleelo, kaasoo lagu magacaabo America PAC. Sida ku cad diiwaannada la shaaciyay, Musk wuxuu ku bixiyay lacag ku dhow $300 milyan sanadkii 2024 si uu u taageero Trump iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Si kastaba ha ahaatee, tallaabada uu Musk qaaday ee uu ku dhisayo xisbi saddexaad oo suurtagal ah ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee uu bilyaneerkan kaga hor imanayo Trump, kaddib markii uu ahaa mid ka mid ah taageerayaashiisa ugu weyn. In kasta oo aanu jirin musharrax xisbi saddexaad ka socda oo weligii madaxweyne noqday, haddana waxay u dhaqmi karaan sidii cod-jabiyeyaal oo ay codadka ka weeciyaan labada xisbi ee waaweyn. Mar la weydiiyay Trump arrinta ku saabsan aasaasidda xisbi saddexaad ee Musk, wuxuu Axaddii sheegay in ay taasi keeni doonto oo kaliya jahwareer. “Wuu ku madadaalan karaa, laakiin waxaan u arkaa wax lagu qoslo,” ayuu yiri. Trump wuxuu sheegay in Musk uusan ku faraxsaneyn sababtoo ah sharcigan, oo uu Trump saxiixay Jimcihii, ayaa meesha ka saaraya kabidda dhaqaale ee tamarta cagaaran ee loogu talagalay baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla. Madaxweynaha wuxuu ugu hanjabay inuu kala laaban doono bilyannada dollar ee ay shirkadaha Tesla iyo SpaceX ka helaan qandaraasyada iyo kabidda dhaqaale ee dowladda, isagoo uga jawaabaya dhaleeceynta Musk. Trump wuxuu sidoo kale faallooyin uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay inay ahayd wax “aan habboonayn” in xulafada Musk ee Jared Isaacman loo magacaabo maamulaha NASA, marka la eego ganacsiga uu Musk la leeyahay hay’adda hawada sare. Bishii December, Trump wuxuu Isaacman, oo ah bilyaneer duuliye hawada sare ah oo gaar loo leeyahay, u magacaabay inuu hoggaamiyo NASA, laakiin wuxuu magacaabistaas kala laabtay 31-kii May, ka hor codka ansixintiisa ee Senate-ka iyo iyadoo aan wax sabab ah la bixin. Trump, oo aan weli ku dhawaaqin musharrax cusub oo loo magacaabayo NASA, wuxuu maalintii Axadda xaqiijiyay warbixinnada warbaahinta ee sheegayay inuusan raalli ka ahayn taageeradii hore ee Isaacman uu siin jiray siyaasiyiinta Dimuqraadiga. “Waxaan sidoo kale u arkayay wax aan habboonayn in saaxiib aad ugu dhow Elon, oo ku jira Ganacsiga Hawada Sare, uu maamulo NASA, xilli ay NASA qayb weyn ka tahay nolosha shirkadaha Elon,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social. “Waajibkeyga Koowaad waa inaan difaaco Dadweynaha Mareykanka!” Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, oo Axaddii ka hadlayay barnaamijka “State of the Union” ee telefishanka CNN, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in guddiyada maamulka ee shirkadaha uu Musk maamulo aysan ku farxi doonin go’aanka bilyaneerkan ee ah inuu aasaaso xisbi saddexaad. Musk waa madaxa fulinta ee shirkadda baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla iyo sidoo kale shirkadda SpaceX, oo ah shirkad farsamada hawada sare ku takhasustay oo uu isagu aasaasay. “Waxaan qiyaasayaa in guddiyadaas maamulka aysan jeclaysan ogeysiiskaas shalay soo baxay, ayna ku dhiirigelin doonaan inuu diiradda saaro hawlihiisa ganacsi, ee uusan ku mashquulin kuwa siyaasadeed,” ayuu yiri Bessent. Dagaalka dib u soo cusboonaaday ee u dhexeeya Trump iyo Musk wuxuu billowday markii xildhibaannada Jamhuuriga ee fadhigoodu yahay Capitol Hill ay billaabeen inay ku dhowaadaan meel marinta hindise-sharciyeedka weyn ee misaaniyadda ee uu Trump waday, kaasoo ay ku jirtay in canshuur-dhimis badan oo uu sameeyay sanadkii 2017 laga dhigo mid joogto ah. Musk ayaa markii hore ka soo horjeeday hindise-sharciyeedkaas. Laakiin, markii uu sharcigu marayay Golaha Senate-ka, wuxuu billaabay inuu cadaadis saaro Jamhuuriga si ay uga hor yimaadaan, isagoo ku hanjabay inuu taageeri doono loollan lagula galo doorashooyinka isreeb-reebka ee xubnaha u codeeya sharcigaas. “Xubin kasta oo ka tirsan Congress-ka oo ku ol’oleeyay dhimista kharashaadka dowladda, kaddibna isla markiiba u codeeyay kororka deynta ee ugu weyn taariikhda waa inuu ceeb la foorarsado madaxiisa!,” ayuu Musk ku soo qoray bartiisa X maalintii Isniinta. “Wayna ku guuldarreysan doonaan doorashada isreeb-reebka ee sanadka soo socda, taasina waxay noqon doontaa waxa ugu dambeeya ee aan dhulkan ka qabto intaan noolahay.” Trump ayaa jawaab celin kulul ka bixiyay, isagoo tilmaamay inuu adeegsan karo Waaxda Hufnaanta Dowladda (Department of Government Efficiency – DOGE) oo uu suurtagal tahay inuu beegsado qandaraasyada dowladda ee shirkadaha Musk. Musk wuxuu aasaasay, sidoo kalena ka caawiyay hirgelinta DOGE xilli uu ka shaqeynayay Aqalka Cad isagoo ahaa la-taliye sare oo aad ugu dhow Trump. “Ma jiri doonaan wax gantaallo ah oo la sii daayo, dayax-gacmeedyo, ama wax soo saar baabuur oo koronto ku shaqeeya, dalkeenuna wuxuu badbaadin lahaa HANTI BADAN. Waxaa laga yaabaa inaan u baahannahay in DOGE ay si fiican oo qoto dheer u eegto arrintan? LACAG BADAN OO LA BADBAADIN KARO!!!” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Truth Social maalintii Talaadada. In kasta oo ay jireen hanjabaadaha Musk, haddana hindise-sharciyeedka miisaaniyadda ayaa markii dambe ka gudbay labada aqal ee Golaha Wakiillada iyo Senate-ka, waxaana madaxweynuhu saxiixay si uu u noqdo sharci maalintii 4-ta Luuliyo. Kaliya shan xubnood oo Jamhuuri ah oo ka kala socday labada aqal ee Congress-ka ayaa ka codeeyay sharcigaas. Aasaasidda xisbiga cusub ee Musk ayaa keentay in xulafada Trump ay ku dhiirigeliyaan guddiga maamulka ee Tesla inay xakameeyaan isaga. Ganacsade James Fishback, oo xulafo la ah Trump, isla markaana si weyn u taageersan Musk, ayaa si weyn uga soo horjeestay aasaasidda xisbi cusub ee bilyaneerkan. Fishback wuxuu Sabtidii bartiisa X ku soo qoray warqad uu u diray Robyn Denholm, oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka ee Tesla. Warqadda ayaa ku dhiirigelineysa guddiga inay la kulmaan Musk si ay ugala hadlaan haddii himilooyinkiisa ku aaddan aasaasidda xisbi cusub ay “la jaanqaadi karaan waajibaadkiisa waqtiga buuxa ah ee uu u hayo Tesla isagoo ah Maamulaha Guud.” Fishback wuxuu sidoo kale warqaddiisa ku ogeysiiyay Denholm in shirkaddiisa maalgashiga ee Azoria ay dib u dhigtay qorshe ay ku dooneysay inay ku liis gareyso sanduuq maalgashi oo Tesla ah sababo la xiriira diiradda uu Musk saarayo xisbigiisa cusub. Dan Ives, oo ah falanqeeye muddo dheer ka faalloonayay arrimaha Tesla oo ka tirsan shirkadda maareynta maalka ee Wedbush Securities, ayaa sheegay in guddiga maamulka laga yaabo inay ku qasbanaadaan inay soo farageliyaan si ay ugala hadlaan Musk doorkiisa Tesla. “Haddii Musk uu waqti sii kordhaya ku bixiyo dadaalka baaxadda leh ee lagu aasaasayo xisbi siyaasadeed cusub si loogu diyaar garoobo doorashooyinka xilliga dhexe, guddiga maamulka waa inay ugu yaraan la yeeshaan dood Musk [oo ku saabsan] waxa u danaynaya Tesla,” ayuu Ives u qoray wargeyska The Wall Street Journal.
-
Elon Musk ayaa sheegay inuu bilaabayo xisbi siyaasadeed oo cusub, toddobaadyo kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Maalqabeenkan ayaa bartiisa bulshada ee X, ee horrey loo oran jiray Twiter, kaga dhawaaqay inuu aasaasay xisbi uugu yeedhay (America Party) isagoo tilmaamay inuu caqabada ama tartan adag ku noqonayo nidaamka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddayn in xisbiga si rasmi ah looga diiwaangeliyay hay’adaha doorashada Maraykanka, sidoo kalena Musk muubixin faahfaahin ku saabsan cidda hogaamin doonta ama qaabka uu xisbigu yeelan doono. Wuxuu markiisii kowaad soo jeediyey filashada furitaanka xisbigan intii lagu jiray khilaafkii isaga Trump, taas keentay inuu ka tago doorkiisii maamulka una galay dagaal afka ah oo xun oo uu la galay saaxiibkiisii hore. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-dhac ayaa ku yimid oggolaanshaha iyo imaatinka ciidamada Masar ee Soomaaliya, taasi oo sababtay firaaq weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Arrintan ayaa khasabtay in ciidamada Burundi ay sii joogaan dalka muddo ka badan intii markii hore qorshuhu ahaa. Sababtoo ah dib-u-dhacan, ciidamada Burundi oo qorshuhu ahaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bishii Juun, ayaa hadda sii joogi doona ugu yaraan lix bilood oo kale si ay gacan uga geystaan buuxinta baahida ciidan ee ka dhalatay la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Go’aankan ayaa waxaa gaaray Khamiistii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), oo ah hay’adda go’aannada ka gaarta arrimaha amniga qaaradda. Kal-fadhigiisii 1287-aad, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda, Jeje Odongo, wuxuu ku soo gabagabeeyay in joogitaanka ciidamada milatariga iyo booliska ee goobta ay muhiim u tahay jihada istiraatiijiyadeed ee howlgalka iyo ka adkaanshaha al-Shabaab. “Golaha Nabadda iyo Ammaanka wuxuu go’aaminayaa in dhammaan ciidamada milatariga iyo booliska ee Aussom ee hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa bixitaankooda la hakiyay 30-kii Juun 2025 sababo hawlgal awgood, ay xaq u yeeshaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badnayn lix (6) bilood, inta laga dhammaystirayo geeynta dhammaan ciidamada dalalka ku jira Aussom (TCCs),” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka fadhiga. Qorshaha asalka ahaa wuxuu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Burundi ka dib khilaaf weyn oo dhexmaray Gitega iyo Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore, kaasoo salka ku hayay tirada ciidamada loo qoondeeyay Burundi ee habka cusub ee amniga ka dib markii uu dhammaaday howlgalkii Atmis 31-kii Diseembar, 2024. Imaatinka ciidamada Masar ayaa markii hore ka dhashay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Qaahira ay garab siisay Muqdisho. Waxaa qorshuhu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafkooda, waxaana Muqdisho ay ogolaatay sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka. Ma cadda haddii dib-u-dhacyada hareeyey imaatinka ciidamada Masar ay la xiriiraan go’aankaas, ama haddii ay tahay arrin ku kooban farsamo oo keliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan Qaahira, waxaan suurta-gal ah in kulamada uu la yeelanayo madaxda Masar laga helo war cad oo ku saabsan arrintan. Si kastaba ha ahaatee, habraacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee lagu geynayo ciidamada Masar ayaa jiitamay, taasoo lagama maarmaan ka dhigtay in Burundi lagu sii hayo howlgalka, oo ay weheliyaan cutubyo boolis ah oo ka socda Ghana iyo Sierra Leone, kuwaasoo sidoo kale qorshuhu ahaa inay baxaan. Golaha ayaa caddeeyay in ciidamada Masar la geyn karo oo keliya marka tiro la mid ah ciidamada Burundi ay ka baxaan Soomaaliya si loo ilaaliyo saqafka tirada guud ee loo oggol yahay howlgalka. Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa inta badan sii haystay ciidamadii ku jiray howlgalkii hore ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) marxaladdii hore ee kala-guurka ilaa 30-ka Juun. Iyadoo Midowga Afrika uu la tacaalayo farqiga dhaqaale ee ka dhashay bixitaanka deeq-bixiyeyaasha, haddana wuxuu hadda wajahayaa khatarta amni ee joogtada ah ee Al-Shabaab iyo culeys dhaqaale oo ka culus. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa faray ergooyinka inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (United Kingdom) iyo saaxiibbada kale si loo qabanqaabiyo shir loogu ururinayo kheyraadka howlgalka, kaasoo u baahan $166.5 milyan sannadkii. Toddobaadkan, si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub wuxuu u sheegay wargeyska The EastAfrican: “Ma hayno wax kale oo aan ku darno marxaladdan” isagoo tixraacaya xaaladda ka dhalatay ka dib markii Midowga Afrika uu ku guuldareystay inuu helo maalgelin uu ka helo nidaamka Qaramada Midoobay, taasoo dabooli lahayd boqolkiiba 75 miisaaniyadda howlgalka. Si taas wax looga qabto, kulankii wasiirrada waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo Sanduuqa Keydka Dhibaatooyinka ee Midowga Afrika (Crisis Reserve Facility) oo la gaarsiiyo $20 milyan sannadka 2025. Go’aankan lagu sii haynayo ciidamada Burundi ayaa yimid ka dib markii al-Shabaab ay dib ula wareegeen dhulal ay ka mid tahay saldhigga Biyo Cadale oo ay hore u joogeen ciidamada Burundi, taasoo muujineysa in awood-dhismaha ciidamada Soomaaliya aysan u xoogganeyn sidii ay Muqdisho sheegtay. Shir degdeg ah oo lagu qabtay Entebbe 25-kii Abriil, 2025, ayaa lagu ansixiyay codsi ah 8,000 oo askari oo dheeri ah si loo xoojiyo Aussom, waxaana lagu meel mariyay Fikradda Hawlgallada (Conops). Iyadoo 3,000 oo askari oo Burundi ah ay horay ugu sugan yihiin Soomaaliya, Midowga Afrika wuxuu raadinayaa 5,000 oo askari oo dheeri ah si wax looga qabto baahiyaha hawlgal ee sii kordhaya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu oggolaaday qayb milatari oo Aussom ah oo ka kooban 12,626 askari laga bilaabo 1-da Jannaayo ilaa 30-ka Juun, 2025, taasoo hoos ugu dhacaysa 11,146 askari laga bilaabo Luulyo ilaa Diseembar. Qorshaha Hawlgallada (Conops) wuxuu qeexayaa ka-bixitaan marxalado ah oo horseedaya bixitaan buuxa bisha Diseembar 2029. Inta la sugayo bixitaanka qorsheysan ee Burundi iyo dib-u-soo-celinta Itoobiya, tirada ciidamada ee lagu heshiiyay bishii Febraayo waxay Uganda u qoondaysay 4,500 oo askari, Itoobiya 2,500, Djibouti 1,520, Kenya 1,410 iyo Masar 1,091.
-
Israa’iil ayaa oggolaatay “shuruudaha lagama maarmaanka ah” si loo dhammeeyo xabbad joojinta 60-ka maalmood ah ee Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa, ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Inta lagu guda jiro heshiiska la soo jeediyay, “waxaan la shaqeyn doonnaa dhammaan dhinacyada si loo soo afjaro dagaalka”, Trump ayaa ku yiri boostada Truth Social, isaga oo aan faahfaahineynin waxa shuruudaha ah. “Qadar iyo Masaarida, oo aad uga shaqeeyay in ay gacan ka geystaan sidii Nabad loo keeni lahaa, ayaa soo jeedin doona soo jeedintan kama dambaysta ah. Waxaan rajeynayaa… in Xamaas ay qaadato heshiiskan, sababtoo ah ma fiicnaan doonto – KALIYA WAY KA SII DARI DOONTAA,” Trump ayaa qoray. Israa’iil ayaa olole militari ka billowday Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa ka dib markii Xamaas ay 7 Oktoobar, 2023 weerar ku qaadday Israa’iil, halkaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay. Ugu yaraan 56,647 ayaa lagu dilay Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xidhan xabbad-joojin ka hirgasha Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Durba ma caddeyn in Xamaas ay aqbali doonto shuruudaha xabbad joojinta. Hadalka Trump ayaa imaanaya ka hor kulan uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo la qorsheeyay toddobaadka soo socda, kaasoo madaxweynaha Mareykanka uu sheegay in uu “aad u adag yahay”. Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii sheegay inuu rumeysan yahay in Netanyahu uu doonayo inuu soo afjaro colaadda Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa. “Wuxuu rabaa, waxaan kuu sheegi karaa inuu rabo, waxaan u maleynayaa inaan heshiis isla geli doonno toddobaadka soo socda,” ayuu Trump ku daray. Talaadadii, wasiirka istaraatiijiyada Israa’iil Ron Dermer ayaa lagu waday inuu Washington kula kulmo ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Steve Witkoff, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance. Toddobaadkii hore, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da inay dhexdhexaadiyeyaasha kordhiyeen dadaallada lagu dhexdhexaadinayo xabbad-joojin cusub iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha ee Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xidhan xabbad-joojin ka hirgasha Qasa, laakiin wada-xaajoodyadii lala yeeshay Israa’iil ayaa weli hakad ku jira. Israa’iil ayaa sheegtay in colaadda ay dhammaan karto marka Xamaas gebi ahaanba la burburiyo. Xamaas ayaa muddo dheer ku baaqday xabbad joojin joogto ah iyo in Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxdo Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa. Ilaa 50 la haystayaal Israa’iiliyiin ah ayaa weli ku sugan Gaza, kuwaas oo ugu yaraan 20 ka mid ah la rumeysan yahay inay nool yihiin. Hadalka Trump ayaa imaanaya wax yar kadib markii Israa’iil ay amartay in laga daadgureeyo waqooyiga Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa ka hor inta aan la kordhinin dhaq dhaqaaqyada militari. Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday goob shaaha laga cabo oo ku taal xeebta magaalada Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa Isniintii, sida ay sheegeen dhakhaatiir iyo dad goob joogayaal ah. Milatariga Israa’iil ayaa todobaadkan sidoo kale sheegay in ay baarayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay “waxyeelleeyeen” xilli ay ku soo dhawaadeen xarumaha gargaarka lagu qaybiyo ee Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa oo ay maamusho Hay’adda Gargaarka Bani’aadamnimada ee Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa ee Maraykanka iyo Israa’iil ay taageeraan (GHF). In ka badan 170 hay’adood oo samafal iyo NGO-yo kale ayaa ku baaqay in la xidho kooxda muranka dhalisay. Ururo ay ka mid yihiin Oxfam iyo Save the Children ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay “si joogto ah” u furaan rasaas ay ku furaan dadka Falastiiniyiinta ah ee gargaar doonka ah. Israa’iil ayaa beenisay eeddan waxayna sheegtay in ururka uu lagama maarmaan u yahay in laga gudbo faragelinta Xamaas ee qaybinta gargaarka. Bishii Maarso, heshiis xabbad-joojin oo hore ayaa burburay markii Israa’iil ay weerarro cusub ku qaadday Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa. Milateriga Israa’iil ayaa ku tilmaamay falkan “weerarro horudhac ah…oo ku salaysan diyaar garowga Xamaas ee ah fulinta weeraro argagixiso, dhisidda cudud iyo dib u hubaynta”. Heshiiskii xabbad-joojinta ee hore ee Israa’iil iyo Xamaas – oo bilaabmay 19-kii January – waxa loo dejiyay in uu yeesho saddex marxaladood, balse ma aanu dhaafin heerkii koowaad. Marxaladda labaad waxaa ka mid ahaa in la sameeyo xabbad-joojin joogto ah, soo celinta la haystayaasha ku nool Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa oo lagu beddelanayo Falastiiniyiinta ku xiran Israa’iil, iyo in gebi ahaanba ciidamada Israa’iil laga saaro Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dalka Mareykanka kaddib fatahaado ba’an oo ku dhuftay gobolka Texas, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof, welina la la’yahay tobannaan kale, oo ay ku jiraan carruur ku maqan xero xagaaga ah oo ku taalla meel u dhow Kerrville. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axadda, ayay dowladdu ugu muujisay shacabka iyo hoggaanka Mareykanka dareen murugo qoto dheer, iyadoo ku tilmaantay dhacdadan “musiibo dabiici ah oo naxdin leh,” ayna muujisay garab istaag ay la garab taagan tahay dhammaan dadka ay saamaysay. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay dalka Mareykanka xilligan adag ee murugada leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Qalbigeennu wuxuu la jiraa qoysaska geeridu ku habsatay, gaar ahaan kuwa ay saamaysay masiibada ka dhacday degmada Kerr, iyo dhammaan bulshooyinka la tacaalaya saameynta musiibadan dabiiciga ah.” Fatahaadaha ayaa ka dhashay duufaan xooggan oo si kedis ah uga dhacday gobolka Texas subaxnimadii hore ee Jimcaha, taasoo sababtay in webiyadu ay si xawli ah u buux-dhaafaan. Webiga Guadalupe ayaa kor u kacay 26 fiit (8 mitir) muddo 45 daqiiqo gudahood ah, taasoo lama filaan ku noqotay dad badan oo deegaanka ah iyo dalxiisayaal, waxaana biyuhu ay qaadeen guryo, la dageen gaadiid, ayna go’doomiyeen deegaanno dhan. Muuqaallada ugu murugada badnaa waxay ka dhaceen xero lagu magacaabo Camp Mystic, oo ah xero xagaagga loo dalxiis tago oo gabdhaha loogu talagalay, kuna taalla daanta webiga ee degmada Kerr. Hay’adaha ayaa xaqiijiyey in weli la la’yahay 11 carruur ah oo xerada ku jirtay iyo hal macallin. Qoysaskii ayaa Axaddii bilaabay inay ku laabtaan goobta burburtay si ay u raadsadaan hantidoodii ayna u helaan xog ku saabsan aayaha ehelkooda. “Waan sii wadi doonnaa baadigoobka ilaa qof walba la helo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Booliska degmada Kerr, Larry Leitha, oo xaqiijiyey in 70 meyd ah laga helay degmadiisa oo keliya – oo ay ku jiraan 21 carruur ah. “Waa waajib na saaran inaan sidaas u samayno qoysaska.” Xilli ay qoysasku dhex marayeen xerada ay fatahaaduhu baabi’iyeen, qaar badan ayaa ilmeeyey markii ay arkeen sariirihii oo isku maroorsamay, dhar biyo ka buuxaan, iyo aqallo dumay. Nin ayaa la arkay isagoo ku dhex lugeynaya daanta webiga, oo eegaya geedaha isku baxay iyo dhagxaanta hoostooda, isagoo rajeynaya inuu helo calaamad muujinaysa alaabtii gabadhiisa. Haweeney iyo gabar kuray ah oo ku labisan kabo caag ah oo biyaha looga gudbo ayaa isku duubay oo ku ooyey bannaanka aqal burburay. Qoys kale ayaa xerada ka baxay iyagoo sido sanduuq buluug ah, wejigoodana ay ka muuqatay tiiraanyo. Dadaallada samatabixinta iyo baadigoobka ayaa waxaa ka qaybqaadanaya hawlgal ballaaran oo ka socda dhowr degmo. Guud ahaan, dhimashada ayaa laga soo sheegay lix degmo: Kerr (59), Travis (4), Burnet (3), Kendall (2), Tom Green (1), iyo Williamson (1). Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay taageerayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo doonyo, ayaa samatabixiyey in ka badan 850 qof 36-kii saac ee ugu horreeyey musiibada. Tobannaan kale ayaa weli la la’yahay, hay’aduhuna weli ma aysan soo saarin tirakoob rasmi ah oo ku saabsan dadka maqan. Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii saxiixay bayaan musiibo weyn ku dhowaaqaya oo loogu talagalay degmada Kerr, kaasoo u saamaxaya in kheyraadka dowladda dhexe, iyadoo la marinayo Hay’adda Maareynta Gurmadka Degdegga ah ee Federaalka (FEMA), lagu caawiyo dadaallada heer gobol iyo heer degmo. “Qoysaskani waxay la kulmayaan masiibo aan la qiyaasi karin, iyadoo dad badan ay dhinteen, kuwa kalena ay weli maqan yihiin,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. “Qaranka oo dhan wuxuu la garab taagan yahay Texas xilligan murugada leh.” In kasta oo ay jireen digniino rasmi ah, qoysas walaacsan iyo mutadawiciin ayaa sii waday inay lugeeyaan oo ay ka baaraan deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen, iyagoo inta badan shanleynaya daamaha webiyada, halkaas oo rajada laga qabay in la helo dad kale oo badbaaday ay sii yaraanaysay saacad kasta oo dhaafta. Kooxo wata mashiinno culus ayaa meelaha u dhow ka shaqeynayay si ay biyaha uga saaraan burburka, geedaha waaweyn ee salka go’ay, iyo laamaha isku cakiran. Dhanka kale, waxaa soo badanaya su’aalaha la xiriira in la bixiyey digniino ku filan iyo in loo sameeyey diyaar-garow ku habboon deegaankan oo taariikh ahaan u nugul fatahaadaha dilaaga ah. Dhulka buuraleyda ah ee Hill Country iyo dooxooyinka ciriiriga ah ee webiyadu ku yaallaan ayaa muddo dheer ka dhigay mid u nugul kororka degdegga ah ee biyaha – khatartaas oo khubaradu sheegeen inay sii kordhiyeen isbeddellada cimilada ee xad-dhaafka ah. War-saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliya, oo ah dal aan ku cusbayn musiibooyinka dabiiciga ah iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo, ayaa xoojiyey dareenka caalamiga ah ee is-damqashada iyo wadajirka marka la wajahayo nuglaansho la wadaago. “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa dareenkeeda murugada leh iyo qaddarinta qotoda dheer ee ay u hayso hoggaanka iyo shacabka Mareykanka xilli ay marayaan marxaladdan adag,” ayay tiri wasaaraddu. Labada dal waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga bini’aadannimo, la-dagaallanka argagixisada, iyo xiriirka jaaliyadaha. Iyadoo la saadaalinayo roobab dheeraad ah maalmaha soo socda, ayna weli jiraan digniino ku saabsan fatahaado kedis ah oo ka jira qeybo ka mid ah bartamaha Texas, mas’uuliyiintu waxay ka digeen in khatartu ay weli taagan tahay, geeddi-socodka soo kabashaduna uu noqon doono mid dheer oo adag. Hase yeeshee, qoysaska dadka la la’yahay, diiradda ugu weyn ayaa weli ah sidii loo heli lahaa ehelkooda iyo in la xuso nolosha dadkii ku geeriyooday musiibada.
-
MOGADISHU, Somalia — The Federal Republic of Somalia has extended its deepest condolences to the United States following catastrophic flash floods that have ravaged central Texas, killing at least 70 people and leaving dozens still missing, including children from a summer camp near Kerrville. In a statement released on Sunday by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, the government expressed profound sympathy to the American people and leadership, calling the event “a tragic natural disaster” and voicing solidarity with all those affected. “The Federal Republic of Somalia stands in unwavering solidarity with the United States during this time of profound sorrow,” the statement read. “Our thoughts are with the bereaved families, especially those impacted by the tragedy in Kerr County, and with all communities enduring the effects of this natural disaster.” The flash floods were triggered by a sudden and intense storm system that swept across the Texas Hill Country early Friday morning, causing rivers to swell at a dangerous pace. The Guadalupe River rose 26 feet (8 meters) in just 45 minutes, catching many residents and vacationers off guard as homes were washed away, vehicles submerged, and entire areas left isolated. Among the most heart-wrenching scenes unfolded at Camp Mystic, an all-girls summer camp nestled along the riverbanks in Kerr County. Authorities confirmed that 11 campers and one counselor remain missing. Families began returning to the shattered site on Sunday to search for belongings and seek closure. “We will keep searching until everybody is found,” said Kerr County Sheriff Larry Leitha, who confirmed that 70 bodies have been recovered in his county alone — including 21 children. “We owe that to the families.” As families walked through the flood-damaged camp, many broke down in tears at the sight of twisted bunk beds, drenched clothing, and broken cabins. One man was seen walking along the riverbank, peering into clumps of trees and under rocks, hoping to spot any sign of his daughter’s belongings. A woman and a teenage girl dressed in rubber waders embraced and wept outside a wrecked cabin. Another family left the camp carrying a blue footlocker, their faces marked by grief. The search and rescue effort has mobilized an enormous response across multiple counties. In total, fatalities have been reported in six counties: Kerr (59), Travis (4), Burnet (3), Kendall (2), Tom Green (1), and Williamson (1). Emergency crews, supported by helicopters, drones, and boats, have rescued more than 850 people in the first 36 hours of the disaster. Dozens remain unaccounted for, and authorities have yet to release a full estimate of the missing. President Donald Trump on Sunday signed a major disaster declaration for Kerr County, enabling federal resources through the Federal Emergency Management Agency (FEMA) to assist local and state efforts. “These families are enduring an unimaginable tragedy, with many lives lost and many still missing,” Trump said in a statement posted on social media. “The entire nation stands with Texas during this time of grief.” Despite official warnings, concerned families and volunteers continued to search flood-stricken areas on foot, often combing the riverbanks themselves as hopes of finding more survivors faded with each passing hour. Heavy machinery teams worked nearby to remove debris, uprooted trees, and tangled branches from the water. Meanwhile, questions are mounting over whether sufficient warnings were issued and adequate preparations made in a region historically prone to deadly flash floods. Hill Country’s rugged terrain and narrow river canyons have long made it vulnerable to rapid water rises — a hazard that experts say has been intensified by increasingly extreme weather patterns. The statement from Somalia, a country also no stranger to natural disasters and humanitarian crises, emphasized international empathy and solidarity in the face of shared vulnerability. “Somalia reaffirms its heartfelt sympathy and profound regard for the leadership and people of the United States as they navigate this difficult moment,” the ministry said. The two countries have long-standing ties, particularly in areas of humanitarian cooperation, counterterrorism, and diaspora relations. With more rainfall forecast in the coming days and flash flood watches still in effect across parts of central Texas, officials warned that dangers remain and that the recovery process will be long and difficult. For the families of the missing, however, the focus remains on finding their loved ones and honoring the lives lost.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda, taas oo muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab. Sidii aan saakay waaberigii baahinay Madaxweynaha Masar ayaa casuumaad u soo diray madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda wajahaya cadaadis uga imaanaya Addis Ababa iyo Qaahira, kaas oo u baahan maarayn iyo go’aan qaadasho adag. Masar ayaa doonaysa in Xasan Sheekh dib u soo celiyo go’aanadii saddex-geesoodka ahaa ee lagu gaaray dalka Eritrea, kuwaas oo xambaarsanaa qorshe lagu go’doominayo Itoobiya. Dhinaca kale, waxaa xoogaystay khilaafka u dhexeeya Addis Ababa, Asmara, iyo Qaahira. Madaxweynaha Masar ayaa wada cadaadis uu Xasan Sheekh ku saarayo, si uu uga qeyb noqdo go’doominta Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa isna dhankiisa Xasan Sheekh ku casuumay xaflad xarigga looga jarayo biyo-xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya dhistay, kaasi oo haddii uu Xasan ka qeyb galo, ay taasi ka dhigan tahay inuu si bareer ah uga hor yimid Masar iyo Suudaan.
