Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saudi Arabia’s Al Hilal have sent English giants Manchester City crashing out of the Club World Cup, snatching a shock 4-3 victory in extra time in the biggest upset of the tournament so far. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopia has begun exporting electricity to Tanzania for the first time, delivering power through Kenya’s high-voltage transmission network in a successful pilot that marks a milestone in regional energy trade. Source: Hiiraan Online
  3. The US military did not use bunker-buster bombs on one of Iran’s largest nuclear sites last weekend because the site is so deep that the bombs likely would not have been effective, the US’ top general told senators during a briefing on Thursday. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Magaaladda Garoowe ayaa sheegay inay jiraan dad ciidamo ka qoraya deegaannada maamulkaas, ayagoo aan Xukuumaddiisa oggolaansho ka haysan. Deni wuxuu tilmaamay in dad laabtoobyo wataahi ay dhex wareegayaan magaalooyinka Puntland si ay ciidamo qarsoodi ah halkaas uga qoraan, asagoo ka dhigey in arrintaasi ay halis weyn abuuri karto. ” waxaa nasiib darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wataahi ay leeyihiin Puntland baan ciidamo ka qoranaynaa oo qarsoodi ah oo ay hadda meel kaa laabanayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu haddii tilaabayo ka qaadi lahaa dadkaas ciidamada qoraya lagu fasiri doono cabburin, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay arrintan ka garsooraan. Puntland ayaa horay ugu eedeysay siyaasiyiinta deegaannadeeda ka soo jeeda ee dowladda federaalka Soomaaliya ku jira inay ciidamo qoris ka wadaan deegaanada maamulkaas. Source: goobjoog.com
  5. Munaasabado si heer sare ah loo agaasimey oo lagu weynaynayo 1-da Luulyo oo ah maalin qaran oo qeymo badan, islamarkaana laba astoomood oo midnimo iyo madax-bannaani ah u leh ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, Baydhabo, Nairobi, iyo qaarka mid ah dalalka kale ee afrika iyo kuwa reer Galbeedka ee jaaliyada Soomaaliyeed ku nool yihiin. Caasimadda Muqdisho fagaare weyn oo ku yaalla bartamaha jidka makka Al-karama waxaa isugu soo baxay kumannaan kun oo qof oo madax, saraakiil, bahda fanka, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada isugu jira, kuwaas oo si aan u horay loo arag u muujiyay maamuuska maalinta qaran ee 1-da luulyo. Sidoo kale madaxda qaranka ugu sarraysa, guddoonka gobolka Banaadir, danjireyaasha dalalka Soomaaliya saaxiibada dhow la ah, iyo hoggaamiyaasha mucaaradka ayaa xaflado waaweyn uga qeyb galay madaxtooyada qaran iyo goobo kale oo ka tirsan Muqdisho, waxaana calanka baluugga ah la saaray saacaddu markii ay gaartay 12-ka habeennimo ee saqda dhexe. Dhanka magaalooyinka Garoowe, Kismaayo Dhuusamareeb, iyo Baydhabo madaxda dowlad goboleedyada deegaannadaas ayaa ka qeyb-galay munaasabado heer sare ah, ayadoo calanka si weyn kor loogu qaaday intii ay soo socdeen isku soo baxyadii ka dhacay magaalooyinkaasi. Sidoo kale magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo boqolaal dad ahi ay ka qeyb galeen, inkastoo la sheegay in ciidamada nabad-gelyada ee dalkaasi meelaha qaar ay dadka dabaaldegaya is hor istaag ku sameeyeen. Si kastaba ha ahaatee 1-da Luulyo oo ku astaysan maalinta is raaca gobollada waqooyiga iyo Koonfur Soomaaliya, iyo madax-bannaanida Soomaalidii Talyaanigu gumeeysan jiray ayaa 65 sano ka dib haatan la xusayaa ayadoo wadajirka dowladnimadu ay wajahayaan xaalad nuglaasho ah. Source: goobjoog.com
  6. Waxa aan halkan ka cadaynyaa in aanay waxb ka jirin kooxda sheeganaysa magaca Dhuuxweyn ee leh waxa la kala saaray ragii ku tartamaayay ka mid noqoshaha golayaasha deegaanka iyo wakiiladda ee degmada Hargeisa iyo gobolka Maroodijeex ee matali doona beesha Dhuuxweyne ee Cabdalle Isaxaaq arinkaasi waa been cad oo ah waxba kama jiraan. Kooxdan ama garabkani is soo urursday waxa ay ku guuldaraysteen in ay kala saaraan ragii tartamaayay, kulankii ugu danbeeyay ee todobaadkani dhacay waxa uu ahaa mid burburay oo lagu kala kacay. Cali Cabdilaahi Daahirna ma aha shaqsiga kali ah ee reerka ama golaha wakiilda u sharaxan waxa xaqiiq ah in ay wataan garab gaar ah oo dano shaqsiyadeed eryanaaya Kooxdani caawa xaflada qabsatay waxa ay ka been sheegeen in ay ragii tartamaayay ay kala reebeen hadalkaasi waa been cad oo iyaga dib ugu soo noqonaysa wali murankii iyo is qancin laantii way taagantahay Waxa kale oo ay jideeyeen in qof kastaaba uu qabsado xaflad taasi oo ka soo hor jeeda in la sugo oo aan wax xaflad ah aan musharaxna aanu qabsan tan iyo inta beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacayso qokii matali lahaa. Waxa ay kooxda Cali Cabdilaahi Daahir uu hor boodayaa ay jabisay habkii soo jireenka ahaa ee beesha Maxamed Ismaciil ay wax ku dooran jirtay taasi oo ahayd in xaflad lagu shaaciyo qofkii ay beesha Maxamed Ismaciil ay isku raacdo. Waxana ay ka masuul noqon doonaan wixii halkaas kanyimaada Maxamed Cismaan Qaran News
  7. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro met with Qatari Prime Minister and Minister of Foreign Affairs Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani in Doha to discuss expanding cooperation in trade, energy, education, and regional stability, according to a statement released Monday by the Somaliland Presidency. Source: Hiiraan Online
  8. Buurta Daallo ee gobolka Sanaag waxaa ka kacay dab xooggan oo sii fidaya sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dabka ayaa ku faafay dhir badan oo ku taalla dhulka buuraha ah, taas oo keentay inay adag tahay in si fudud loo xakameeyo. Dadweynaha deegaanka iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya daminta dabka, iyaga oo adeegsanaya agabyo kooban oo ay heli karaan, dadaalladaas ayaana ah kuwo aan weli si buuxda ugu guuleysan xakameynta dabka. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa amar degdeg ah ku bixiyay in gurmad ciidan loo diro deegaanka uu dabku ka kacay, wyxuuna wasiirka Deegaanka Somaliland, Cabdillaahi Cismaan Geeljire sheegay in madaxweynaha uu si gaar ah ciidamada u faray inay ka qayb qaataan daminta dabka, isla markaana ay garab siiyaan shacabka deegaanka ee howsha wada. Wararkii ugu dambeeya ayaa sheegaya in dabku yahay mid aad u xooggan, loona baahan yahay in si weyn loogu gurmado si loo yareeyo waxyeello ka dhalanaysa gubashada baaxadda leh. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in nabad ka dhalata bariga dhexe aan la gaari doonin ilaa laga dhiso dowlad madax banaan oo Falastiin ah oo lagu sameeyo xuduudihii 1967-kii. Waxa uu intaa ku daray in sii socoshada dagaalka iyo qabsashada dhul cusubi aysan dhalin doonin nabad, balse ay sii hurineyso nacaybka iyo colaadda. Mareykanka ayaa wada qorshe lagu caadiyaynayo xariirka Israa’iil iyo dowladaha Carabta, balse dhammadka xiisaddda gobolka ayaa ku xiran xallinta qadiyadda Falastiin sida ay inta badan dalalka gobolka iyo kuwa dunida qaarkooda qabaan. Source: goobjoog.com
  10. Ayadoo madaxweynaha Soomaaliland uu maalintii seddaxaad ku suganyahay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar, ayay Wasaaradda arrimaha dibedda dalkaasi war ka soo saartay kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar. Warka ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu yiri “Mudane Sheekh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa maanta qaabilayey Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Madaxweynaha Somaliland, oo booqasho ku jooga dalka. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida halkaas, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo dhisida kalsoonida dhinacyada kala duwan. Intii kulanka uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar waxa ay xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isgaarsiin wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Wefdiga madaxweynaha Soomaaliland oo markii hore sheegay inay marti-qaad booqasho oo rasmi ah ka heleen dowladda Qatar ayaa dhawr maalmood sugayay la kulanka madaxda sare ee dalkaas, ayadoo ay xusid mudan tahay in amiirka Qatar uu dalka Spain u dhoofay intii ay wafdiga Soomaaliland joogeen, halka lagu kulanka Ra’iisul Wasaarahana lagu tilmaamay mid looga hadlay hormarka iyo xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa maanta si rasmi ah ugu qaabilay magaalada Doha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan MaxamedCabdillaahi(Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo arrimaha bini’aadantinimada. Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada nabadeed ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo ballanqaaday in Qatar diyaar u tahay inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha. Booqashada Madaxweyne Cirro ee Qatar ayaa la filayaa in ay socoto muddo dhowr maalmood ah, iyadoo uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda Qatar iyo ganacsato doonaya in ay maalgashi ka sameeyaan gobolka. Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro si rasmi ah loogu casuumo dalka Qatar tan iyo markii loo doortay hoggaanka Somaliland horraantii 2025. Source: goobjoog.com
  12. Ciidanla Booliska dowladda Puntland iyo Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR), gaar ahaanna Hawlgalka ATLANTA ayaa Shir ku saabsan Amniga Badda ku yeeshay dusha sare ee markabka dagaalka ee Isbaanishka laga leeyahay ESPS Navarra (F85), calansidaha howlgalka Atalanta. Wefdi ka socday Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Dhexe Sakariya Abdiraxmaan, oo uu weheliyo G/le dhexe Aadan ayaa ka qayb galay Shirkaasi oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, gaar ahaan waqooyiga dekedda Bosaaso, waxaana lala yeeshey Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan EUNAVFOR, iyadoo diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee amniga badda. Waxaa si gaar ah looga hadlay xeeladaha lagula dagaallamo burcad-badeednimada, iyo dambiyada kale ee badda ka dhaca. “Booqashadani waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaalladayada joogtada ah ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Sakariya. Wuxuu intaas ku daray in “fahanka awoodaha ciidamada badda ee aan bahda nahay ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta howlgaladeena amniga xeebaha iyo xaqiijinta badqabka badaheena.” Gaashaanle Dhexe Aadan, oo ah taliyaha qaybta CID-da ee gobolka Bari, ayaa isna muujiyay qaddarinta uu u hayo iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya EUNAVFOR iyo Booliska Puntland, isagoo soo dhaweeyay hor u wadidda iskaashigaan. Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz ayaa isna muujiyey dareenkan, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “dhisidda xiriir adag oo lala yeesho bahwadaagta Puntland ay tahay tan ugu muhiimsan”. Wuxuu xaqiijiyay sida EUNAVFOR uga go’an tahay taageeridda dadaallada Dowladda Puntland ee lagu doonayo in lagu helo amniga badda oo ballaaran. PUNTLAND POST The post Puntland iyo EUNAVFOR oo yeeshay Shir ku saabsan Xaqiijinta ammaanka Badda appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka kaluumaysigga Puntland Cabdirisaaq Cabdilaahi Xagaa oo maanta hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale tiro badan oo shirkado kaluumaysigga laga qaaday ay maqantahay. Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas oo aad u tiro badan uu lunsaday Agaasimihii hore ee wasaarada Eng Sharmaarke Beeldaaje oo xusay in uu dalkana ka baxay. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dhaqaalahaasi magaca wasaarada lagu qaatay ayna ka timi dad doonayay shatiyo iyo adeegyo dowladeed. Ilaa hadda xariir kama helin agaasimaha la eedeeyay, si uu uga jawaabo in uu lacago dowladeed la baxsaday. Horey ayaa agaasimahaas shaqo joojin loogu sameeyay, ka dib khilaaf soo jiitamay oo isagga iyo wasiirka ka dhaxeeyay. Warkaan cusub ayaa daaha ka rogaysa musuqmaasuqa iyo isla-xisaabtan la’aanta ku hareeraysay hay’adaha dowlada Puntland. Isla-xisaabtan la’aanta iyo inaan cidna loo ciqaabin lunsashada hantidda ummada ayaa dhiirigelisa in aan wax laga soo qaadin. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo agaasime guud ku eedeeyay in uu musuq maasuq sameeyay appeared first on Puntland Post.
  14. Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayaa walaac weyn ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad ee ay ka cabanayaan ciidamadii dowladda ee ku soo dhaawacmay Hawlgalkii Calmiskaad ee Ciribtirka Argagixisada Daacish. Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee Puntland ayuu ku sheegay in uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin. “Goluhu waxa uu si gaar ah uga xun yahay in ciidamo dhaawac ah ay maanta ku qasbanaadaan in ay waddo xirtaan gudaha magaalada Boosaaso, si ay cabashadooda uga muujiyaan dayacaad dhanka caafimaadka iyo taageerada nolosha ee ay u baahanyihiin” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedkaasi. Golaha ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay dhab ah uga jawaabto tabashooyinka iyo cabashada ciidamada dhaawaca ah oo marwalba u baahan gargaar iyo daryeel joogto ah, islamarkaana samayso baaris madaxbannaan oo lagu hubinayo halka ay ku dambeeyeen taakuladii shacabka, lana xaqiijiyo in cidna aysan si gaar ah ugu takrifalin hantida dadweynaha. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan “In la hirgeliyo hannaan hufan oo lagu maamulo taageerada shacabka si loo ilaaliyo kalsoonida bulshada ee taageerada ciidamada jiidda hore ku sugan.” Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Walaac weyn oo laga muujiyay daryeel la’aanta Caafimaad ee ku dhacday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  15. Qaar kamid ah ciidamadii ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka guud ee Boosaaso. Ciidamada dowladda ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in ay wajahayaan xaalad daryeel la’aan caafimaad ah, islamarkaana waxay ku eedeeyeen guddigii Taakuleynta ciidamada ee Puntland in ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu dhiibeen ciidamada. “Wax allaale iyo wax naloo qabtay ma jirto, waxaan joognaa isbitaalkii guud ee Boosaaso wax daryeel caafimaad ah kama helin dowladda, dhaqaalihii shacabka Puntland laga ururshay waxaa lunsaday guddi Calooshood u shaqaystayaal ah oo aan wax naxariisa noo gelin” ayuu yiri askari ka tirsan ciidanka soo dhaawacmay. “Waxaan nahay ciidankii Daraawiishta Puntland ee ku soo dhaawacmay dagaalka Daacish, waxaan ka cabanaynaa in aanan wax daryeel caafimaad ah dowladda ka helin, waxaan dowladd ka codsanaynaa caafimaadkii aan xaqa ugu lahayn in aan ka helno” ayuu yiri askari kale oo isna ku soo dhaawacnay Hawlgalkaasi. “Isbitaalka guud ee Boosaaso markii nala keenay waxaa nagu dhacday daryeel la’aan iyo caafimaad-darro mana helin wax adeeg caafimaad ah oo ka socda dowladda, marka waxaan ka dalbanaynaa dowladda in ay noo samayso daryeelkii caafimaad ee aan xaqa ugu lahayn” ayuu sii raaciyay askari kale. PUNTLAND POST The post Ciidamadii Puntland ee ku soo dhaawacnay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad appeared first on Puntland Post.
  16. Saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay warar ku saabsan in ciidamo u dhashay degaankaasi ay ku biireen Somaliland. Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac iyo Taliye Maxamed Xasan Shirdoon oo ku sugan Xiingalool ayaa si wadajir ah u beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in ciidamo ka tegey degmada Xiingalool ay ku biireen ciidamada Somaliland. “Waxaan halkaan ka caddaynaynaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid ah ama hub ah oo degaankan ka tegey oo ku biiray Somaliland waxaan sheegaynaa aysan waxba ka jirin oo been abuur yihiin wararka sheegaya in ciidamo ka tegey halkaan ay ku biireen Somaliland” ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Shirdoon. Sidoo kale, Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa yiri” Anigoo ah Maxamuud Maxamed Jaamac Buurmadow, waxaan halkaan ka caddaynayaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid dagaal ah oo ka tegey degaanka Xiingalool kuna biiray Somaliland warkaasi waa waxba kama jiraan.” PUNTLAND POST The post Sanaag: Ciidamo ku sugan magaalada Xiingalool oo beeniyay in ay ku biireen Somaliland appeared first on Puntland Post.
  17. Sidee bay shahwadu u dhaqaaqdaa? Sidee bay u socdaan? Maxay shahwadu ka samaysan tahay? Muxuu ka leeyahay koodh jabiyaha dagaalkii labaad ee aduunka? BBC-du waxay kala furfurtay sababta aan wax yar uga ogaanay unuggaan dahsoon. Garaac walba oo wadnaha ah, ninku waxuu soo saari kara qiyaastii 1,000 xabbo oo mani ah inta lagu guda jiro galmada, in ka badan 50 milyan oo ka mid ah manidaas geesiyaasha ah ayaa u kicitima si ay u bacrimiyaan ugxan. Keliya tiro yar ayaa gaadha meesha loogu talagalay, ka hor inta aysan hal mani ka ah oo ku guleysata tartanka aysan dhex galin ugxanta. Laakiin wax badan oo ku saabsan safarkan dheer – iyo manida laftaheeda ee yaryar weli waa sir aan cilmiga sayniska si fiican loogu fahmin. “Sidee bay manidu u socotaa? Sidee bay ku heshaa ugxanta? Sidee bay u bacramisaa?” ayey is weydiinaysaa Sarah Martins da Silva, oo ah bare sare oo ku takhasustay cudurka macaanka, hormoonnada, iyo cilmi-nafsiga taranka oo ka howgasga jaamacadda Dundee ee UK. In ka badan 350 sano kadib markii la helay manida, su’aalo badan oo la xidhiidha arrimahan ayaa weli si la yaab leh u ah kuwo aan weli la isku raacsanayn. Iyagoo adeegsanaya farsamooyin cusub, saynisyahannadu waxay hadda si dhow ula soconayaan socdaalka manida; laga soo bilaabo markay ku samaysmaan xiniinyaha ragga ilaa marka ay ugxanta bacraniyaan gudaha jirka dumarka. Natiijooyinkuna waxay horseedayaan helitaanka waxyaabo cusub oo la yaab leh, laga bilaabo sida dhabta ah ee manidu u dhaqaaqdo ilaa isbeddellada waaweyn ee ku dhaca markay gaaraan jirka haweeneyda. Ma jiro unug kale oo jidhka ka mid ah oo u beddela qaab-dhismeedkiisa iyo samaysankiisa – sidaas jaadgooniga ah –adam Watkins “Manidu – ama spermatozoa – aad bay uga duwan yihiin dhammaan unugyada kale ee jirka bini’aadamka,” ayey leedahay Martins da Silva. “Ma laha hab tamar qaadasho oo la mid ah unugyada kale. Ma laha hab-dhismeedka tamar-dhallinta iyo habraacyada unugyada kale ee aan ka filan karno dhammaan unugyada kale ee jirka.” Sababo la xidhiidha shaqooyinka badan oo kala duwan oo laga rabo manida, waxay u baahan yihiin tamar ka badan tan unugyada kale. Intaas waxaa dheer, manidu waa inay noqdaan kuwo dabacsan, si ay uga falceliyaan deegaannada kala duwan iyo baahiyaha tamareed ee isbeddelaya inta lagu jiro biyo-baxa iyo safarka ay ku marayaan marin-haweeneedka ilaa ay ka bacramiyaan ugxanta. Martins da Silva waxay sidoo kale sheegtay in manidu ay tahay unugyada kaliya ee aadmiga leeyahay ee awooda inuu ka badbaado dibadda jirka. “Taasi darteed, aad bay u takhasus gaar ah u leeyihiin.” Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay aad u yar yihiin, unugyadan yaryar aad bay u adag tahay in la barto, ayey tidhi. “Wax badan ayaan ka ognahay taranka – laakiin weli waxaa jira waxyaabo aad u fara badan oo aanan fahamsanayn.” Su’aal aasaasi ah oo aan weli jawaab rasmi ah loo helin in ka badan 350 sano oo cilmi-baadhis ah kadib ayaa ah: Waa maxay manidu dhab ahaantii? “Manidu si cajiib ah ayaa loo xirxiray oo loo habeeyey,” ayuu yidhi Adam Watkins, borofisar ku xigeen ku takhasusay hab-dhiska taranka iyo korriimada jirka, jaamacadda Nottingham ee UK. “Caadiyan waxaan u aragnay manida in ay tahay bac hiddo-side oo daboleh. Laakiin hadda waxaan fahmaynaa in ay tahay unug aad u adag – waxaa ku jira xog badan oo hidde-sideed ah oo kale.” Cilmiga manidu wuxuu bilaabmay sanadkii 1677, markaasoo saynisyahan Dutch ah oo lagu magacaabo Antoni van Leeuwenhoek uu eegay mid ka mid ah 500 mikroskoob oo uu gacantiisa ku sameeyey, wuxuuna arkay waxa uu ugu yeeray “xayawaanka shahwada ku jira”. Markii la gaaray 1685, wuxuu rumaystay in unug kasta oo manida ah uu xambaarsan yahay qof yar oo dhamaystiran, xitaa leh “nafsad nool oo u gaar ah.” Manidu weli ma noqon qaangaadh marka ay ka soo baxdo xiniinyaha – horumarkeedu weli wuu socdaa.” Isdhexgal adag oo muhiim ah ayaa dhex mara manida iyo marinnada taranka ee haweeneyda, ayuu yidhi. Xigashada Sawirka,Alamy Qoraalka sawirka,Saynisyahan Dutch ahaa oo noolaa qarnigii 17aad, laguna magacaabo Antoni van Leeuwenhoek, wuxuu aaminsanaa in ”bani’aadam yar oo dhameystiran” uu ku jiro gudaha unugga manida (spermatozoa “Hadda waqti badan ayaanu gelinaynaa barashada waxa aan ugu yeerno isbeddellada manida ku dhaca ka dib marka la biyobaxo, guud ahaan boqortooyada xayawaanka.” Inkasta oo saynisyahannadu ay si tartiib tartiib ah u furfuraan hababka faraha badan ee manidu u marto si ay u bacrimiso ugxanta, haddana cilmi-baaris kale ayaa muujinaysa walaac dhab ah oo la xidhiidha xaaladda manida bini’aadamka maanta. Raggu waxay inta ay nool yihiin soo saaraan ku dhowaad hal trillion (1,000,000,000,000) oo mani ah, sidaas darteed way adkaan kartaa in la qiyaaso in manidu ay dhibaato ku jirto. Laakiin cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in tirada manida (tirada laga helo muunad shahwo ah) ay hoos u dhacayso guud ahaan dunida isla markaana hoos u dhacaasi uu si xawli ah u socdo. Sida lagu sheegay warbixin 2023 ah oo ay daabacday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ku dhawaad lixdii qof ee qaan-gaarka ah ee adduunka oo dhan mid ka mid ah ayaa la kulma dhalmo la’aan – dhalmo la’aanta ragga ayaana ah qiyaastii kala badh dhammaan kiisaska. (Waxaa sidoo kale xusid mudan in dad badan oo adduunka ah aysan dhalin caruur badan inta ay rabaan sababo kale sidoo kale, sida qiimaha mamnuuca ah ee waalidnimada, sida warbixintii Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ay dhawaan iftiimisay). Wasakhowga hawada, sigaarka, khamriga, cunto xumo, jimicsi la’aanta iyo walbahaarka ayaa dhamaantood loo maleynayaa inay saameeyaan dhalmo la’aanta ragga. Hase yeeshee badi ragga qaba dhibaatooyinka bacriminta, sababta ayaa ah mid aan la sharraxin. Bbcsomali Qaran News
  18. WADAADDADA WAX KA SHEEGGOODU MA BANAANA EE HALLA DHAWRO. Waqtiyadan danbe dadkii sifaha nebimaxamad iyo asxaabta sitay waxbaa soo dhexgalay xoog ayaa loo dhaleecaynayaa waana arrin diinta ka baxsan wadaadada in la aflagaadeeyaa. Shiikh markay wax aad diiddaa kaaga yimaaddaan ka gaabso ilaahay u daa ciyaayir maaha ceebaynta wadaaddadu Waayo waxay sitaan Camalkii nebiga SCWS. Maalin kasta dad aynu jecelnay oo ay ka mid yihiin aabboyaal, hooyooyin iyo ubad aynu dhalay ayaynu aasnaan oo dhinaceena jiifa dhulka hoostiisa xabaalaha miyaanaydaan arkayn waxa innaga danbeeyaa waa godkaas madow ee dhibta ah maxaynu u ixtiraamiweynay ee aynu u cabsanweynay?. Waxaynu tacab gelinay dimuqraadiyad cid aan ilaahay ahayn wax lagaga doonayo, tii wax lagu helayay oo ah diinta nebi mohamedna waynu ka baydhnay oo waynakaas muraayadda isu soo fadhina. Dadyahow adduunyadu waa waaddo dhamaad leh MAWDKAA soo af jara ee xabaalaha iyo dadka ku jira waxa adduunka ka raacay oo aan ahayn CAMAL SAALAXA bal isweydiiya, aakhiro kulmiye, waddani, kaah iwm waa sanammo ilaahay markaad hor joogto dunuubtii aad ku gashay wuu kugu ciqaabayaa. Dadyahow dariiqii nebiga raaca oo is nabadgeliya ciqaabta ilaahay way culustee. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  19. The President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, who also serves as chairman of the Waddani Party, endorsed the indiscriminate shelling of Laascaanood in 2023. Garowe (PP Editorial) — The Information Minister of Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo administration, Najib Barkhadle Warsame, has briefed the media on the legal process wherein the new Federal Member State will lawfully prosecute Somaliland Administration detainees in Laascaanood. On 25th August 2023, allied Harti forces overran a Somaliland Administration “army” battalions then based at Gojaade Barracks, on the outskirts of Lascanood. More than 350 Somaliland administration troops were captured along with their heavy and light weapons and supplies. Somaliland Administrator Forces began to shell Lascanood from 6 February 2023, when the formation of the SSCK Administration was declared. The secessionist administration falsely claimed that its forces were fighting Al-Shabaab. That claim is a lie. No Somaliland Administration political party rejected that blatant falsehood. The SSCK Administration released over twenty detainees from the Somaliland Administration on humanitarian grounds. The incumbent President of Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, who is the chairman of Waddani Party, supported the pretext that his predecessor, President Muse Bihi Abdi, used to authorise indiscriminate shelling of Laascaanood. This led to the death of more than 900 civilians and the destruction of houses, schools, health clinics and businesses in Laascaanood. The Somaliland political class supported the secessionist administration’s claim used by Bihi to justify continued shelling of Laascaanood. Bihi claimed that the city was not part of the Federal Republic of Somalia. What made the 2023 Lascanood conflict different from previous conflicts in Somalia was not only its duration (6 months and 19 days), but also the wilful reporting of atrocities by Somaliland Administration forces. The SSCK Interim Administration Minister said that Somaliland detainees fall into different categories. He noted that some soldiers had direct involvement in the shelling and obeyed orders to wage war against the people of Laascaanood, who have suffered untold and unprecedented hardship since the 1990s. SSCK leader Abdulqadir Aw Ali stated that his administration was open to mediation by the Federal Government of Somalia to help resolve the conflict in northern Somalia. The Somaliland administration rejected calls from the UN Security Council to withdraw its troops from the outskirts of Lascanood. In response, Harti clansmen mobilised forces, pushing them as far as Baargaal, Caluula, Bosaso, Galdogob and other districts in the Puntland State of Somalia. Earlier this year, Abdulqadir Aw Ali, leader of the SSCK Administration, suggested that his administration “welcomed mediation by the Federal Government of Somalia” to end the conflict in northern Somalia. The new Somaliland Administration turned a blind eye to the displacement of Somali citizens in Ceerigaabo, who are politically represented by SSCK Administration and Puntland State. Militias formed by the former Somaliland Administration President following the Gojaade defeat seized properties in Ceerigaabo that belonged to Sool clan and East Sanaag Clan residents. The planned prosecution of Somaliland Administration detainees in Lascanood marks a new chapter in holding perpetrators of political violence and forced displacement accountable for war crimes. The SSCK Administration should ensure that detainees put on trial receive legal representation. The oversight of the Federal judiciary in this prosecution is crucial. SSCK Administration has been commended for releasing over twenty Somaliland detainees on humanitarian grounds. © Puntland Post, 2025 … The post SSCK Information Minister Outlines Legal Framework for Prosecuting Somaliland Administration Detainees in Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi oo maalmahii u danbeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Lugadheere, wuxuuna magacaabay guddi qabanqaabiya aaskiisa oo ka dhici doona magaalada Kismaayo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubaland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  21. Allaha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa madaxweyne ku xegeenkii labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Lugaha Dheere muddooyinkii dambe xaalad caafimaadka oo adag ku jiray ayaa ugu dambeyn saacado ka hor dhintay, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qoyskiisa. Siyaasigan oo muddo dheer ka tirsanaa masuuliyiin sare ee maamulka Jubbaland ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka hayay taniyo sanadkii 2013-kii, asagoo dhowr mar dib loo magacaabay. Lugaha Dheere dadka yaqaani waxay ku tilmaameen masuul af gaaban, balse waxqabad fircoon ku suntanaa, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, iyo xasilinta amniga deegaannadaas. Si kastaba ha ahaatee Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere wuxuu ahaahogaamiye caan ku ah dagaalka argagixisada, waxaana loo arkaa masuuliyiin kaalin firfircoon ku lahaa dhismihii maamulka Jubbaland iyo sugidda ammaanka deegaannadaas. Source: goobjoog.com
  22. Somaliland President Hon. Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro on Saturday travelled to Qatar on an official working visit after he received a formal invitation from the State of Qatar. The visit that Somaliland President embarked to Doha is expected to take a couple of days. It is the first time that a President from Somaliland travelled to Qatar since the inception of Somaliland. The President boarded a special plane. Somaliland Head of State is accompanied by the ministers of foreign affairs, interior and national security, presidency, religious and endowment, the adviser on economy and the Chief of Staff. During his stay in Doha, the President and his delegation will hold high level meetings with senior officials of the State of Qatar. Thy will discuss the mutual interests between the two sides particularly in the areas of security, stability in the Red Sea, the Gulf of Aden, Horn of Africa, investment, mutual cooperation, development of infrastructure and social affairs. The visit that Somaliland President embarked to Qatar represents the commitment of Somaliland President to expedite and enhance the quality of Somaliland’s foreign policy and the active relations that Somaliland has with the int’l community. Somaliland standar Qaran News
  23. 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 , 𝗦𝗮𝗿𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗚𝘂𝘂𝘁𝗼 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻, 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗿. 𝗦𝘂𝗻𝗶𝗹 𝗞𝘂𝗺𝗮𝗿, 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗜𝘀𝗯𝗼𝗼𝗿𝘁𝗶𝗴𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗼𝗻 𝘄𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 𝗣𝗼𝗹𝗶𝗰𝗲 𝗦𝗽𝗼𝗿𝘁𝘀 𝗨𝗻𝗶𝗼𝗻 (𝗖𝗣𝗦𝗨), 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝘂𝗴𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝘅𝗲𝗲𝘅𝗱𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗧𝗮𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 Heshiiskan ayaa dhigaya in Ciidanka Booliska JSL uu si rasmi ah uga mid noqdo 40 dal oo ku bahoobay CPSU , Somaliland noqotay dalka 41aad , midowgaan oo ah hay’ad isboorti oo heer caalami ah oo kor u qaadda iskaashiga, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo horumarinta ciyaaraha Booliska ee waddamada xubnaha ka ah. Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Xasan Daa’uud , saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Booliska JSL iyo wefti sare oo ka socday Common wealth Police Sports Union. Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in ku biirista CPSU ay horseedi doonto fursado badan oo dhanka isboortiga, tababarrada, iyo iskaashiga caalamiga ah ee ciidanka Booliska. Dhankiisa, Mr. Sunil Kumar iyo , ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Somaliland ka mid noqoto xubnaha CPSU dalka 41aad , isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xidhiidhka ka iyo wada-shaqeynta Booliska caalamka. Qaran News