-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumada Puntland ayaa shir degdeg ah ugu yeertay dhamaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada Puntland 29-June-2025 oo ku beegan Axadda todobaadka danbe, shirkaan ayaa loo bixiyay shirka dardargelinta iyo maamul baahinta Puntland. Shirkaan oo madaxtooyada ka dhacaya ayaa ujeedkiisa waxa uu salka ku hayaa qiimayn shaqaalaha ah, in la oggaado tirada rasmi ah ee shaqada ku jirta, inta maqan, boosaaska shaqo ee banaan iyo qodobo kale kuwaas oo hadafka ugu danbeeyay yahay go’aan qaadashada isbedelka uu madaxweynuhu wado, daadejinta shaqada hay’adaha dawlada iyo in lagu wargeliyo siyaasada dowladda. ” Waxa la doonayaa axada inaad kasoo qayb-gashaan shir ka dhacaya madaxtooyada dowladda Puntland 29-06-2025 saacaddu waa 7:30AM haduu alle idmo. Fiiro-gaar ah: Maqnaanshuhu aad buu u adagyahay” farriin kooban oo loo diray dhammaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo shir ugu yeertay dhammaan agaasimayaasha iyo isu-duwayaasha wasaaradaha ee gobollada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo saameynaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa adeegga u doonta wasaaradda. Bayaan culus oo kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda (NIRA), lagana rabo qofka inuu marka hore soo qaato kaarka aqoonsiga. Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay daba socoto go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee soo baxay 7-dii April 2025, kaaso o xoogga lagu saaray muhiimadda isku xirka adeegyada dowliga ah iyo adeegsiga aqoonsi rasmi ah ee Hay’adda NIRA. Sidoo kale shuruudaha cusub ee lasoo rogay ayaa saameyn doono shirkadaha gaadiidka dadweynaha iyo kuwa saamilayda sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay wasaaraddu. “Qof kasta oo doonaya in uu helo adeegyada ay bixiso Wasaaradda sida ruqsadaha darawalnimada, is-diiwaangelinta gaadiidka, ama adeegyo kale oo la xiriira gaadiidka, waxaa looga baahanyahay in uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka akhriso:- Wargalin ku saabsan adeegsiga Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey “dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah. Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA). Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay “taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa: Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu. Wasiiraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA. Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan: – Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha; – Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda; – Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka; – Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka. Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka. Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.
-
In the grand theater of international law and politics, sovereignty and nationhood are often treated as interchangeable concepts. Yet history and practice reveal they are not. The Westphalian system, widely regarded as the foundation of modern state sovereignty, presupposes more than borders and flags. It rests on the existence of a shared political community—a nation. Without that foundation, sovereignty becomes a hollow shell, a legal fiction vulnerable to internal disintegration and external manipulation. Somalia illustrates the risks of sovereignty without nationhood. Its borders may be internationally recognized, but its deep internal divisions and the absence of a cohesive national identity render its sovereignty fragile, even performative. Source: Hiiraan Online
-
Israa’iil l ayaa ku eedeysay Iran inay jebisay xabbad-joojin, saacado un kadib markii la gaaray heshiis ay garwadeen ka yihiin Donald Trump iyo dalka Qatar. Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay si xooggan uga jawaabi doonaan jebinta xabbad-joojinta ee Iran, isagoo ballan qaaday in la fulin doono weerarro xooggan oo lagu beegsanayo Tehran. Dhinaca kale, Iran ayaa iska fogeysay eedeymaha, iyadoo sheegtay inaysan wax gantaal ah ku ridin dhanka Israa’iil. Guddiga amniga qaranka ee Iran ayaa sidoo kale ballan qaaday inay ka jawaabi doonaan haddii Israa’iil sii waddo weerarada. Waa kuwan waxyaabaha ilaa hadda la ogyahay: Goorma ayay dhaqan gashay xabbad-joojintu? Fadlan ha jebinina xabbad-joojinta!” ayuu ku boorriyey labada dhinac Donald Trump, isagoo fariin ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social. Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee xabbad-joojinta wax yar kadib markii Iran ay muujisay inay joojinayso weerarrada haddii Israa’iil ay sidaas oo kale Iyana sameyso. Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib, Israa’iil ayaa ku eedeysay Iran inay markale weerarro cusub ku qaadday dhulkeeda. Trump wuxuu markii ugu horreysay sheegay in “si buuxda” laysku afgartay xabbad-joojinta fiidnimadii Isniinta, isagoo sheegay in heshiiskaasi uu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray “dagaalkii 12-ka maalmood socday”. Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhig Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar Isniintii, iyadoo sheegtay inay uga aargudanayso weerarro uu Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran toddobaadkii hore. Sidee ayay Iran iyo Israa’iil uga jawaabeen? Laba saacadood kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay ogolaatay heshiiska xabbad-joojinta, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay ogaadeen gantaallo laga soo riday dhanka Iran. Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku eedeeyay Iran inay “si buuxda u jebisay” shuruudihii heshiiska, wuxuuna intaas ku daray inuu faray milatariga inay “sii wadaan hawlgallada xooggan ee lagu beegsanayo Tehran si loo burburiyo bartilmaameedyada nidaamka iyo kaabayaasha Iran.” Taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida ee Iran, Abdolrahim Mousavi, waxaa uu beeniyay in Iran ay gantaallo ridday. Bayaanka uu soo saaray Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarro kale oo ka yimaada Israa’iil laga bixin doono “jawaab degdeg ah,isla markaana adag, oo cad.” Xabbad-joojintii ma la jebiyey? Milatariga Israa’iil ayaa ku eedeeyay Iran inay gantaallo ku soo tuurtay dhulkeeda kadib markii xabbad-joojintu dhaqan gashay saaka, eedeyntaas oo ay Iran iska fogeysay. Kahor inta aysan xabbad-joojintu bilaaban, Iran iyo Israa’iil waxay is dhaafsadeen weerarro culus. Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in dhowr weerar ay dhaceen habeenkii Isniinta ilaa Talaadadii. Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in afar qof lagu dilay magaalada Beersheba, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen. Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Iran ay Israa’iil ku qaaday “weerarro gantaallo ah dhulka Iran.” Habeenkii xigay, telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in caasimadda Tehran ay wajahday mid ka mid ah weerarradii difaaca cirka ee ugu xoogganaa tan iyo markii dagaalku bilowday 13-kii Juun. Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC Persian inay maqleen qaraxyo xoog leh. IDF waxay sidoo kale sheegtay inay beegsatay oo ay burburisay meelo laga ganay gantaallo oo ku yaallay galbeedka Iran, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen kuwo “diyaar u ahaa in lagu duqeeyo dhulka Israa’iil.” Dowladda Tehran waxay sheegtay in saynisyahan kale oo ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka la dilay kahor inta uusan heshiisku dhaqan gelin. Ilaa hadda lama oga tirada saxda ah ee dadka lagu dilay ama ku dhaawacmay gudaha Iran tan iyo markii uu dagaalku billowday. Bbcsomali Qaran News
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta (24.06.2025) xadhiga ka jaray Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo dib-u-habayn iyo dib-u-dhisba lagu sameeyay, waxana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hoggaanka ciidanka Booliska, iyo marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha bulshada. Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, oo ah saldhig caan ah oo astaan taariikhi ah u ah nidaamka iyo kala dambaynta caasimadda, ayaa waxa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo dib-u-dhis casri ah oo dhan walba leh. Waxa xusid mudan in hal-abuurka, naqshadaynta iyo fulinta hawlaha dib-u-habaynta Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ay gebi ahaanba hirgaliyeen hoggaanka dhismaha iyo injineerrada Ciidanka Booliska JSL; taasina waxa ay ka turjumaysa sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad casriyaynta iyo dhisidda kalsoonida qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig ka jarka Saldhigga Dhexe ayaa ku ammaanay hoggaanka Ciidanka Booliska shaqada wacan ee ay soo ban-dhigeen, isaga oo sheegay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Ciidanka Boolis oo si fiican u qalabaysan in ay lagama maarmaan u tahay nabadgelyada guud iyo xasilloonida dalkeena. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Qaran News
-
As Somaliland navigates the complexities of state-building and democratic consolidation, the experience of other Global South nations can offer timely and instructive insights. One such instructive case is Bangladesh, which has periodically employed interim governance frameworks to steward national transitions. Source: Hiiraan Online
-
The Red Sea, a vital artery in global trade and maritime navigation, has long held strategic importance for the world’s economy and security. Connecting the Mediterranean Sea through the Suez Canal to the Indian Ocean, it serves as one of the busiest and most crucial maritime corridors. Every year, billions of dollars worth of goods, including oil, food, and manufactured products—pass through these waters, sustaining the lifelines of international commerce. Yet today, this region stands at a dangerous crossroads. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo maanta ciidamada NISA iyo saaxibada caaamiga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgallada oo dhacay laba mar oo is xigta ayaa laga sameeyay Isgoyska Gaycad oo ka tirsan deegaanka Mabaax , waxaana jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo abaabul ka waday halkaasi. Sidoo kale NISA ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan illaa 13 ka tirsanaa maleshiyaadka A-Shabaab oo firxad ah, sida ay hadalka u dhigtay. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda NISA. Waxaa kae oo lasii raaciyay “Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen”. Hay’ada NISA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonto beegsiga Al-Shabaab, si looga hortago dhibaatada ay kooxdan ku hayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugidda. Aaga Mabaax ayaa waxaa howlgalo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo inta badan weeraro ku qaado Al-Shabaabka ku sugan xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Labadan gobol oo la’isku yiraahdo HirShabelle ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay Shabaab oo dib u qabsatay deegaanno ku yaal gobolladaasi.
-
PPresident H.E. Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro warmly received a high-level delegation from the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC), led by Secretary-General Jagan Chapagain, at the Presidential Palace in Hargeisa on 23rd June, 2025. The visit, facilitated by an official invitation from the Somaliland Red Crescent Society (SRCS), underscores Somaliland’s growing engagement with global humanitarian organizations. During the meeting, President Irro expressed gratitude for the IFRC’s vital contributions to Somaliland, particularly in healthcare, disaster relief, and community development. “We deeply value the work of international organizations like the IFRC in supporting our people,” the President said, according to his spokesperson, Hussein Deyr. He urged the delegation to expand the scope and quality of their projects in Somaliland to further benefit local communities. Secretary-General Chapagain, whose Geneva-based organization represents 192 member states, praised Somaliland’s remarkable peace and stability. “I have visited Marodi-jeh, Sahil, anTogdheer regions, and what I’ve seen here contradicts the misconceptions often portrayed about Somaliland,” he remarked. He emphasized that the country’s secure environment enables humanitarian workers to operate freely and effectively across the nation. The delegation included senior Somaliland SRCS officials, such as Executive Director Ahmed Abdi Bakaal and Nairobi-based SRCS President Yusuf Hassan Mohamed, alongside IFRC representatives Mr. Nixon and Mr. AAzmat. The visit highlights Somaliland’s commitment to fostering partnerships with global humanitarian bodies to address pressing needs and promote sustainable development. The SRCS, an active member of the IFRC, continues to play a pivotal role in delivering aid and services across Somaliland, supported by the nation’s stable governance and peaceful environment. Qaran News
-
The All-Party Parliamentary Group on Somaliland will launch a report to mark the 65th anniversary of Somaliland’s independence and call for the UK Government to recognise it as an independent nation. The All-Party Parliamentary Group (APPG), chaired by Sir Gavin Williamson, will formally launch its report on Thursday 26th June in the House of Commons. The APPG was formed with the goal of promoting an understanding of and support for Somaliland’s achievements in building peace, democratic governance and a sovereign state in the Horn of Africa. It is chaired by the Rt Hon Sir Gavin Williamson CBE MP, with Kim Johnson MP as co-chair, Abtisam Mohamed MP as vice chair and Lord Udny-Lister as an officer. The APPG’s report, entitled “Roadmap to Recognition” argues that the UK should recognise Somaliland for economic, strategic, and moral reasons, and underlines Somaliland’s potential to be a key democratic partner in what is a volatile yet geopolitically significant region. In particular, the report highlights the leading role the UK should play in recognising Somaliland, considering its deep historical ties with the country, the presence of a large Somaliland diaspora in the UK, and the UK’s role as UN penholder for Somalia. The report also proposes the establishment of an “Independence Institution” to provide the government with independent and technical advice; ideas for and the development of government policy; and overarching implementation of government-agreed policy and initiatives. The All-Party Parliamentary Group on Somaliland will launch a report to mark the 65th anniversary of Somaliland’s independence and call for the UK Government to recognise it as an independent nation. The All-Party Parliamentary Group (APPG), chaired by Sir Gavin Williamson, will formally launch its report on Thursday 26th June in the House of Commons. The APPG was formed with the goal of promoting an understanding of and support for Somaliland’s achievements in building peace, democratic governance and a sovereign state in the Horn of Africa. It is chaired by the Rt Hon Sir Gavin Williamson CBE MP, with Kim Johnson MP as co-chair, Abtisam Mohamed MP as vice chair and Lord Udny-Lister as an officer. The APPG’s report, entitled “Roadmap to Recognition” argues that the UK should recognise Somaliland for economic, strategic, and moral reasons, and underlines Somaliland’s potential to be a key democratic partner in what is a volatile yet geopolitically significant region. In particular, the report highlights the leading role the UK should play in recognising Somaliland, considering its deep historical ties with the country, the presence of a large Somaliland diaspora in the UK, and the UK’s role as UN penholder for Somalia. The report also proposes the establishment of an “Independence Institution” to provide the government with independent and technical advice; ideas for and the development of government policy; and overarching implementation of government-agreed policy and initiatives. Sir Gavin said: “In a world that is becoming more unpredictable and unstable, the United Kingdom needs all the friends and allies it can get. Somaliland has built a stable and democratic society against all the odds, and is a bastion of good governance in an otherwise volatile region. Not only would recognising Somaliland grant the UK an immense strategic advantage in the Horn of Africa, but it would also open up new commercial opportunities and new markets. Moreover, recognising Somaliland’s efforts to promote democratic governance would send a strong signal to other developing nations. Somaliland deserved recognition when it re-established its independence from Somalia in 1991. The next best time to recognise Somaliland is now. Somalilandchronicle Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa saacadihii u dambeeyay kulamo xasaasi ah ku lahaa magaalada Garoowe. Kulamadan oo labada masuul uga arrinsanayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa lagu gaaray is-afgarad ballaaran oo ku aaddan sidii ay labada maamul uga mideyn lahaayeen mowqifkooda ku aaddan arrimaha doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo la dagaallanka siyaasadaha Villa Somalia. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay sidii ay dagaal mideysan ula geli lahaayeen hoggaanka Dowladda Federaalka, maadaama ay kasoo horjeedaan qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka qof iyo codka ah, iyo isbeddelka dastuurka ee lagu wado in lagu sameeyo marxaladdan kala guurka ah. Waxay sidoo kale shaaciyeen in dhowaan ay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin oo caddeyn doona mowqifkooda siyaasadeed ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka iyo dhismaha dowladnimada dalka. Saciid Deni oo markale la hadal hayo inuu u ordayo xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa haatan markan garab ka helaya Jubbaland oo ah saaxiibkiisii hore ee xulafada la ahaa, balse ay muddo kala geysay danaha siyaasadeed. Dhanka kale, Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli taageero ka haysata dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, iyadoo qaarkood loo sameeyey muddo kordhin ay kusii fadhiyaan kursiga. Si kastaba, Is-qabqabsiga siyaasadeed ayaa si gaar ah uga muuqda Muqdisho, halkaas oo mucaaridka siyaasadda dowladda dhexe – ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore – ay si weyn uga soo horjeedaan hanaanka doorasho ee ay wado Villa Somalia. Mucaaridku waxay sheegeen in aysan taageersanayn doorasho qof iyo cod ah oo ay gacanta ku hayso Villa Somalia, sidoo kalena aysan doonayn in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee 2022. Sida ay shaaciyeen siyaasiyiinta mucaaridka, waxay doonayaan hannaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, kaasoo aan loo adeegsan awoodda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taageersan. Arrintan waxay muujinaysaa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, iyada oo aan weli la helin hannaan loo dhan yahay oo ay ku qanci karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka. Isbaheysiga cusub ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland ayaa noqon kara caqabad weyn oo hor istaagta qorshayaasha dowladda dhexe, waxaana la filayaa in dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyadaasi uu sii xoogeysto, iyadoo dhinac kastaa isku dayayo inuu saameyn ku yeesho geeddi-socodka doorashooyinka iyo dib-u-habeynta dastuurka.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Ministry of Transport and Civil Aviation has announced that all services it provides will now require the use of a National Identification Card issued by the National Identification and Registration Authority (NIRA), in a nationwide effort to unify identity verification across public institutions. Source: Hiiraan Online
-
Marka (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in ay duqeymo qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Duqeymahan ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la fuliyay kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala kaashaday dowladda Soomaaliya, isla markaana ay keeneen khasaare kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku ma caddeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradan cirka ah, kuwaas oo ku soo beegmay xilli ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wadaan gobolka. Dhanka kale, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray deegaannada Sabiib iyo Caanoole, halkaas oo ay kormeer amni ku sameynayaan. Saraakiisha waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi, iyagoo xaqiijinaya sugidda amniga guud ee deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab. Taliye Sahal ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan deegaanno hor leh oo ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab, si amniga loo adkeeyo guud ahaan gobolka. Waxa uu xusay in tallaabooyinka socda ay yihiin kuwo qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dhowaan ayay aheyd markii ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole, kuwaas oo istiraatiiji ah marka la eego deegaanka ay kaga yaallaan gobolka Shabeellaha Hoose. Tani waxay calaamad u tahay guulo isdaba-joog ah oo laga gaarayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Howl-galladan militeri waxaa ciidamada Soomaaliya kala shaqeynaya ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda. Iskaashigan ayaa lagu doonayaa in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
-
Maamulka Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay xabbad-joojinta uu soo jeediyay Trump, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 12-kii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Bariga dhexe. War qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Ra’ïisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa lagu yiri ” Israa’iil waxay gaartay hadafkeedii ahaa in ay meesha ka saarto khatarta nukliyeerka iyo gantaalaha Iran, waxaana ku heshiinay soo jeedintii Trump ee xabbad joojinta Iran”. Israa’iil ayaa qiratay in dagaalkan oo ku dhowaad laba todobaad socday ay uga dhinteen in ka badan 24 qof, halka burbur xooganina uu gaaray dhammaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi gacanta ku hayo. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan, ay sheegtay in lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Xubnahan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal ayaa lagu beegsaday goob ay ku shirayeen, halkaas oo khasaare xooggani ka soo gaaray sida ay sheegtay NISA. Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay in howlgalkaas oo ahaa mid qorshaysan ay la kaashatay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa gebi ahaanba beenisay in weerar gantaallo ah ay saaka ku qaaday Israa’iil kadib markii ay bilaabatay xabbad-joojinta. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan “ma jiro weerar lagu beegsaday Israa’iil” taas oo waxba kama jiraan ku tilmaamaysa eedeynta Israa’iil. Israa’iil ayaa goor sii horeysay ku eedeysay Iiraan inay weerar kusoo qaaday xilli ay dhaqan-gelisay xabbad-joojintii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallo laga soo riday dhanka Iiraan. Weerarrada la beeniyay ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday waqooyiga, bartamaha – oo ay ku jirto magaalada Tel Aviv – iyo koonfurta dalkaas. Inkasta oo Israa’iil sheegtay inay u hoggaansantay xabbad-joojin uu horey ugu dhawaaqay Trump, haddana saacadihii lasoo dhaafay waxay geysatay weeraro, taas oo muujinaysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka jirta gobolka. Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay inay sii wadayso weerarrada haddii Iiraan ay jebiso heshiiska xabbad-joojinta. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in xukuumaddiisu gaadhay ujeeddooyinkeedii militari, gaar ahaan dhanka kahortagga khatarta ka imanaysa barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Wuxuu intaa ku daray in heshiiska xabbad-joojinta la ixtiraami doono haddii Iiraan aysan jabin. Netanyahu ayaa ku cel-celiyay in weerar kasta oo ka yimaada Iiraan uu noqon doono mid laga jawaabo si xooggan. Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda labada dal ay gaartay meel aad u kulul, taasoo cabsi gelisay gobolka Bariga Dhexe. Labada dhinac ayaa isd-haafsanayay gantaallo tan iyo markii Israel ay qaaday weerar lama filaan ah oo ay ku sheegtay “ka hor tag,” 13-kii June, kaasoo ay ku beegsatay xarumo nukliyeer iyo goobo milatari oo Iran ah, taasoo keentay in Trump uu uga digo khatar dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa. Si kastaba, xaaladda sii cakiran ee u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa muujinaysa in heshiisyada xabbad-joojinta aysan weli noqon kuwo si dhab ah loo fuliyo, iyadoo weerarro laga soo warinayo meelaha qaar, taasoo halis gelinaysa nabadda gobolka iyo xaaladda amni ee caalamka.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku sugan Garoowe ayaa wada yeeshay shirar aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka wax ka beddelka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka 2026. Sidaan ka xigannay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland, labada hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxay yeesheen kulamo si weyn loo xadiday xogtooda, oo aysan jirin cid ku wehelisay, kuwaasi oo ay kaga tashanayeen khilaafaadka siyaasadeed ee dalka iyo siday u midayn lahaayeen mowqifkooda marxaladda taagan, islamarkaana waxa weli u harsan kulamo kale. Ilo wareed aad ugu dhaw dhinaca Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xaqiijinaya in shirarkii labada hoggaamiye isfaham ku dhammaadeen, islamarkaana uu haray hal kulan oo ay ku diyaarinayaan warmurtiyeed wadajir ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii ka soo baxay shirarkii labada Madaxweyne uga socday Garoowe. Wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu isla berri dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Shirarkii Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku soo dhammaaday iyo warmurtiyeed laga sugayo appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi Mareykan ah ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, , halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale. Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley, iyo Sarreeye Guud Michael Langley, oo ah taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command). Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, wafdigu waxa uu Somaliland joogay intii u dhaxaysay Talaadadii iyo Khamiistii. “Waxay la kulmeen Madaxweyne Cirro iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland si ay ugala hadlaan danaha guud ee ka jira Geeska Afrika,” ayuu raaciyay afhayeenku. “Wafdiga Mareykanku wuxuu sidoo kale la kulmay saaxiibada caalamka iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.” Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro dareen sii kordhaya oo ka dhex jira sharci-dejiyeyaasha Mareykanka (Capitol Hill), kaas oo ku aaddan in Mareykanku uu dib-u-qiimeyn ku sameeyo siyaasaddiisa Soomaaliya, inkastoo arrimaha Afrika ay marar dhif ah mudnaanta helaan. “Waxaan aaminsanahay in dood dhab ah oo laga yeesho aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland ay lagama maarmaan u tahay in la hormariyo fahamka danaha amniga qaranka Mareykanka, waana arrin muddo la sugayay. Iskaashi xasilloon, oo muddada-dheer ah, isla markaana si cad u qeexan oo dhexmara Mareykanka iyo Somaliland wuxuu noqon lahaa mid labada dhinacba faa’iido u leh,” ayuu Senatar Ted Cruz, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto gobolka Texas u sheegay wargayska Washington Examiner. “Somaliland waxay noqon lahayd saaxiib dhaqaale oo adag, kana go’an tahay inay ku biirto nidaamka amniga caalamiga ah ee Mareykanka, taasoo fure u ah badqabka iyo barwaaqada dadka Mareykanka. Dabcan, waxaa jira arrimo kale oo u baahan in wax laga qabto, ugu dambayntana arrimahan waa inay xalliyaan dadka Soomaaliyeed.” Cruz ayaa ah guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Xiriirka Dibedda ee Aqalka Senate-ka u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Adduunka. Dhinaca kale, tiro yar oo xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa taageeray sharci toddobaadkii hore la soo bandhigay oo dhigaya in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland. “In ka badan soddon sano, Somaliland waxay muujisay nooca dowladnimo, xasillooni, iyo iskaashi ee ay tahay in Mareykanku taageero,” ayuu yiri Xildhibaan Scott Perry oo ah Jamhuuri laga soo doorto gobolka Pennsylvania, oo ah xubintii sharciga soo gudbisay. “Cadowga shisheeye ayaa saameyntoodu ku sii fidaysaa Afrika iyo daafaha adduunka, waxaana danta qarankeena ku jirta inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay saaxiibbo la isku hallayn karo oo aan isku aragti ka nahay qiyamka, isla markaana gacan ka geysta amnigeenna — goor kasta iyo goob kasta oo ay suurtagal tahay.” Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa 15-kii May u sheegay Washington Examiner, “Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wax wada-hadal ah oo ku saabsan heshiis loogu aqoonsanayo Somaliland dal ahaan kalama yeelan wakiillada Somaliland.” laakiin Jimcihii kama uusan jawaabin su’aal ahayd in hadalkaas weli taagan yahay. Mareykanku wuxuu isku dayayaa inuu iska caabiyo saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika. Soomaaliya waxay xiriir la leedahay Shiinaha, halka Somaliland ay xiriir aan rasmi ahayn la leedahay Taiwan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa horraantii sanadkan ku celisay inay Somaliland u aragto qayb ka mid ah Soomaaliya.
-
Duqa degmada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa ka dalbaday dhammaan shirkadaha ganacsiga Boosaaso in ay bixiyaan dhaqaalihii taakulaynta ciidamada dowladda ee ku jira Hawlgalka Calmiskaad. “Dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ku dhaqan Boosaaso waa in ay garab istaagaan Taakuleynta ciidamada difaaca Puntland ee ku jira Hawlgalka ciribtirka Argagixisada Daacish ee Calmiskaad, gaar ahaanna ciidamada ku soo dhaawacma furimaha dagaalka ee la keeno isbitaallada magaalada Boosaaso” ayuu yiri Cabdifitaax Shanle. Duqa degmada Boosaaso waxa uu sidoo kale digniin adag u jeediyay shirkadihii ganacsiga ee baadda siin jiray Argagixisada Daacish, kuwaasi oo sida uu sheegay hadda diidan in ay dhaqaale ku bixiyaan Taakulaynta Hawlgalka Calmiskaad, waxaana uu ku hanjabay in aysan Boosaaso ka sii shaqayn doonin shirkadaha ganacsi ee diidan bixinta Taakuleynta Ciidamada. “Waxaan kale oo u sheegaya in shirkadihi ganacsiga ee horay Argagixisadu baadda uga qaadi jirtay haddana diidan in ay bixiyaan dhaqaalaha Taakuleynta Ciidamada, in aysan ka sii shaqayn doonin Boosaaso. Wax la aqbali karo maaha in ay shalay argagixisada siin jireen baad aan ku waajibin maantana diidaan in ay wax ku darsadaan Raggga u dhiig-baxaya difaacooda” ayuu sii raaciyay Shanle. PUNTLAND POST The post Puntland oo digniin iyo hanjabaad culus u jeedisay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Bilowgii sannadkan, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku qaabilay dhiggiisa Iran, qasriga Kremlin-ka si ay u kala saxiixdaan heshiis cusub oo istiraatiiji ah, kaasoo lagu xoojinayay xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal – kuwaasoo tobankii sano ee u dambeeyay isku dayayay inay wiiqaan nidaamka caalamiga ah ee uu Mareykanku hoggaamiyo. Hase yeeshee, in ka badan usbuuc oo duqeymo xooggan ah oo Israel iyo Mareykanku ka fuliyeen gudaha Iran kadib, iskaashigaas istiraatiijiga ah wax faa’iido muuqata uma keenin Tehran. Isniintii, markii Putin la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, wuxuu si wajiga-qabow ah uga hadlay weerarrada Mareykanka, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sabab loo hayn oo aan cadaalad ahayn, wuxuuna sheegay in Ruushku doonayo inuu caawiyo shacabka Iran. Laakiin marna kama uusan hadlin wax taageero milatari ah oo Ruushku siinayo Iran, intii uu si fagaare ah u hadlayay ka hor kulanka. Halkii laga filayay ballanqaad ciidan, wuxuu Putin soo jeediyay in laga wada hadlo sidii looga bixi lahaa xiisadda sii kordheysa. “Tani waxay noo tahay fursad… aan si wadajir ah uga fekerno sida looga bixi karo xaaladdan,” ayuu yiri Putin. Duqeymaha Israa’iil ayaa si toos ah u beegsaday barnaamijka nukliyeerka Iran, gantaalaheeda iyo saraakiisheeda sar sare, halka Mareykanka uu isna usbuucii tagay ku biiray weerarrada isagoo adeegsanaya bamyo culus oo dhulka hoostiisa jeexa. Dhanka kale, Iran kama aysan helin wax ka badan taageero hadal ah oo uga timid xulafadeeda ugu awoodda badan — Ruushka iyo Shiinaha. Iskaashiga u dhexeeya Moscow iyo Tehran ayaa muddo dheer caqabad ku ahaa danaha Reer Galbeedka ee Bariga Dhexe iyo Yurub. Labadan dal waxay muddo ku dhowaad toban sano ah iska kaashadeen sidii xilka loogu sii hayn lahaa madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad. Intaas kadib, markii Ruushku la daalaa dhacayay duullaankii Ukraine, Iran ayaa la timid rasaas, madfacyo iyo kumannaan diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ay gacan ku siisay dagaalkaas. Si kastaba ha ahaatee, Moscow lama filayo inay sidii oo kale u gacan siiso Iran. Iyadoo Tehran ay wajahayo caqabado qaran oo aanay muddada dhow la kulmin – kuna jiraan baaqyo ka imaanaya Donald Trump oo isbeddel xukun ah dalbanaya – taageero milatari oo Ruushka uga timaada waxay u muuqataa mid fog, sida ay khubaradu sheegeen. Inkastoo heshiiskii istiraatiijiga ahaa ee labada dhinac aysan ku jirin qodob ku saabsan difaac wadajir ah, haddana wuxuu xoojiyay wadaagga sirdoonka, wuxuuna mamnuucay in midkood uu caawiyo cadowga kan kale. “Iran way codsan kartaa in Ruushku garab istaago si aargudasho ah oo ka dhan ah Mareykanka, balse Moscow weligeed ma aqbali doonto arrintaas,” ayuu yiri Nikolay Kozhanov, khabiir ku takhasusay xiriirka Iran iyo Ruushka, kana tirsan Jaamacadda Qatar. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida xiriirada ugu xooggan ee Putin ay weli u yihiin mid ku dhisan dano gaar ah, iyadoo Kremlin-ku wali ku mashquulsan yahay dagaalka Ukraine islamarkaana saaran cunaqabateyn adag oo Reer Galbeedku ku soo rogeen. Putin wuxuu doonayaa inuu ka fogaado in rabshaduhu sii fidaan, maadaama ay dhibaato u keeni karto Iran iyo Ruushkaba. Sidoo kale, wuxuu rabo inuu ilaaliyo xiriirka xilli-danbe u roon Israel iyo xiriirka uu la leeyahay Donald Trump — kaasoo illaa hadda ka caga jiiday inuu Ruushka ku soo rogo cunaqabateyn cusub, inkastoo Kremlin-ku diiday inuu si dhab ah ula fariisto Ukraine si loo gaaro heshiis nabadeed. Haddaba, taasi waxay u badan tahay inaysan Iran la yaab ku noqon — waa hore ayey ka niyad-jabtay Ruushka. Bishii xigtay weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay in ka badan 1,200 Israa’iiliyiin ah, dowladda Iran waxay ku dhawaaqday in ay dhammaystirtay heshiis hub ay kaga helayso Ruushka oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka Sukhoi Su-35, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mi-28, nidaamka difaaca cirka ee S-400 iyo diyaaradaha tababarka ee Yak-130. Laakiin waxa kaliya ee ay Iran heshay waxay ahaayeen diyaaradaha tababarka. Dhibaatooyin dhanka wax-soo-saarka ah iyo cadaadis diblomaasiyadeed oo uga yimid waddamada Khaliijka ayaa sababay in Ruushku dib u dhigo ama gabi ahaanba ka baaqdo inuu siiyo Iran hubka ugu culus, sida ay sheegtay Nicole Grajewski, oo ka tirsan xarunta Carnegie Endowment for International Peace kana qortay buug ku saabsan xiriirka Iran iyo Ruushka. Sannadkii hore, weerarro Israa’iil qaaday ayaa burburiyay nidaamyadii ugu tayada sarreeyay ee difaaca cirka Iran — kuwaasoo Ruushku horey u siiyay. Bilaha xigay, Moscow waxay muujisay in aysan awoodin ama aysan doonaynin inay beddesho. Isniintii, Araghchi wuxuu Putin ka codsaday nidaamyo difaac oo cusub iyo kaalmo dib loogu dhisayo shabakadda tamarta nukliyeerka ee Iran, sida uu sheegay qof si gaar ah ula socday wadahadalka. Usbuucii la soo dhaafay, su’aal ay weriyayaal weydiiyeen oo ku saabsan sababta Ruushku hub ugu diiday Iran si ay isaga difaacdo weerarrada Israa’iil, Putin wuxuu ku jawaabay in xiisaha Iran ay u qabto hubka Ruushka uu hoos u dhacay, islamarkaana aysan jirin codsiyo cusub oo rasmi ah. “Ma jirto wax muhiim ah oo laga hadlo,” ayuu yiri. Iran ma aha dalkii ugu horreeyay ee uu Ruushku u muujiyo in uusan garab taagnaan doonin xilliga ugu adag. Armenia — oo xitaa heshiis is-difaac oo rasmi ah la leh Ruushka — kama aysan helin wax gargaar ah sanadihii 2020 iyo 2023 markii ciidamada Azerbaijan ay gebi ahaanba qabsadeen gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh. Dhacdadaasi waxay dedejisay in Armenia ay si cad uga leexato xulafadii Moscow kuna jeesato dhinaca Mareykanka. Sidoo kale, markii madaxweynihii Suuriya Bashar al-Assad xukunka laga tuuray sanadkii hore, Putin wuxuu si fudud ugu fidiyay magangalyo isaga iyo qoyskiisa. “Ruushka ma ahan saaxiib dhab ah oo kalsooni leh sida uu isu muujiyo: Putin marar badan ayuu jeedsadaa marka saaxiibbadiisa kali-taliska ah ay u baahdaan garab istaag,” ayuu yiri Fabrice Pothier, la-taliye hore u ahaa hoggaanka Ururka NATO. Putin halkii uu caawin lahaa Iran, wuxuu hadda isku dayayaa inuu isu muujiyo dhexdhexaadiye suurtagal ah oo xal ka keeni kara dagaalka. Hase yeeshee, Trump ayaa toddobaadkii hore tuuray suurta-galnimadaas, isagoo sheegay in Putin uu marka hore diiradda saaro dagaalka Ukraine. Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran wuxuu dhinac uga faa’iideyn karaa Moscow, iyadoo kor u kac ku imaan karo qiimaha shidaalka islamarkaana warbaahinta dunida laga leexinayo duullaanka Ukraine — xilli Ruushka la filayo inuu bilaabo weerar cusub xagaagan. Balse dagaalka wuxuu Iran uga tagi karaa mid sii go’doonsan, kuna sii tiirsan Ruushka iyo Shiinaha — taasoo labadaas quwadood u noqon karta fursad ay ka faa’iidaystaan. “Dacwada ugu badan ee laga maqlo gudaha Iran waa in Shiinaha iyo Ruushku aysan ahayn saaxiibbo dhab ah, balse ay ka faa’iideystaan go’doonka Iran si ay u helaan khayraad dabiici ah oo raqiis ah, isla markaana ay siiyaan hub tayo hoose leh oo qiimo qaali ah, mararka qaarna aysan xitaa keenin qalabkii la ballan qaaday,” ayuu yiri Tino Sanandaji, cilmi-baare Swedish-Irani ah oo ka tirsan Dugsiga Dhaqaalaha ee Stockholm. Qaar kale waxay ka digeen in kalsoonida lagu qabo Ruushka ay dhantaalmi karto. “Xaqiiqda ayaa ah in Ruushku uusan awoodin inuu ka hortago weerarkii baaxadda lahaa ee Israa’iil ku qaaday dal ay shan bilood kahor kala saxiixdeen heshiis istiraatiiji ah,” ayuu qoray Andrey Kortunov, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda. “Moscow si cad uguma diyaarsana inay dhaafto hadal siyaasadeed.”
