-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa mar kale carrabka ku adkeysay sida ay uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah sida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio uu soo diray bayaan ku aaddan sannad-guuradii 65-aad ee xorriyadda Soomaaliya. Isaga oo hambalyo u diraya shacabka Soomaaliyeed, ayuu Rubio hoosta ka xariiqay danta fog ee Washington ay u leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal, xilli ay wadaagaan caqabado isku mid ah oo heer gobol iyo heer caalami ah. “Dowladda Maraykanka waxay rajaynaysaa in la sii adkeeyo xiriirkeena aan wadaagno, annaga oo ka wada shaqaynayna kobcinta dhaqaalaha iyo la-dagaallanka xagjirnimada,” ayuu yiri Rubio. Taageerada Maraykanka ayaa waxaa ka mid ahaa duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, tababarro la siiyay ciidamada Soomaaliya, iyo taageeridda dadaallada caalamiga ah ee xasilinta dalka, kuwaasoo loo soo mariyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Rubio waxa uu ammaanay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed ee la tacaalidda xagjirnimada iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka. “Waxaan bogaadinaynaa dadaalka shacabka Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha mustaqbal barwaaqo ah,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku uu rajaynayo “in laga wada shaqeeyo arrimaha danta guud ee labada qaran,” isaga oo tilmaamaya iskaashi suurtagal ah oo laga yeelan karo dhinacyada ay ka midka yihiin gargaarka horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo dib-u-habaynta hannaanka maamul-wanaagga. Soomaaliya ayaa noqotay mid si isa soo taraysa diiradda ugu saaran siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Geeska Afrika, iyadoo loo arko inay tahay dal lala kaashan karo la-dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale dal jilicsan oo xasilintiisu ay muhiim u tahay nabadda gobolka iyo amniga badaha. Maraykanku wuxuu sare u qaaday isku-duwidda uu la leeyahay mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyadoo ay barbar socdaan barnaamijyo horumarineed oo lagu bartilmaameedsanayo beeraha, waxbarashada, iyo abuurista shaqooyinka. Farriinta Rubio ayaa xoogga saartay rabitaanka Washington ee ah inay ahaato saaxiib la isku halleyn karo oo Soomaaliya ka garab siiya dadaalladeeda ku aaddan nabadda, dimuqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo dhanka kale qiray muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xiriirka labada dal. “Sannadka soo socda wuxuu bixinayaa fursado cusub oo iskaashi,” ayuu yiri Rubio, isagoo hoosta ka xariiqay danta Maraykanku u leeyahay xasilloonida iyo barwaaqada fog ee Soomaaliya. Bayaankan ayaa imanaya xilli meel xasaasi ah oo uu marayo xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya, kaasoo lagu garto iskaashi amni oo dhow iyo kalsooni darro dhawaanahan ka taagnayd dhanka maalgelinta horumarinta. Sannadkan 2025, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu fuliyay ugu yaraan 43 duqeyn cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab iyo ISIS-Soomaaliya, kuwaasoo inta badan lagu taageerayay Guutada Danab ee uu Maraykanku tababaray. Hase yeeshee, yididiilada Rubio waxaa hoos u dhigaya isbeddello siyaasadeed oo ka jira Washington. Bishii Janaayo 2025, amar madaxweyne oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa dhaliyay in dib-u-eegis dhammaystiran lagu sameeyo gargaarka, taasoo keentay amar shaqo-joojin ah oo lagu soo rogay Hay’adda USAID, laguna hakiyay dhowr mashruuc. Tan waxaa ku jira deeq horumarineed oo dhan $68.5 milyan oo la saxiixay bishii Oktoobar 2024, taasoo loogu talagalay in lagu ballaariyo waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya—taasoo hadda wajahaysa mustaqbal aan la hubin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiqeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in qalbigu xanuunay markii uu arkay qaabka ay dowladda Soomaaliya u xustay toddobaadka xorriyadda, si gaar ah, wuxuu ka carooday in aan la xusin halyeeyadii u soo halgamay xornimada. Cabdiqeybdiid oo ka hadlay goob lagu xusaayey halgamaa Cabdullaahi Ciise ayaa galabta sheegay inuu ka xumaaday in hal meel aan dabbaal-deggii toddobaadkaan looga xusin halgankii ra’iisul wasaare hore Cabdullahi Ciise Maxamuud. “Dadka Soomaaliyeed maysan gudan waajibkii ka saarnaa xuska Cabdullaahi Ciise oo sabab u ahaa inaan Calan yeelano, qalbigaa I xanuunaya, wax aan sheegana ma aqaan, waa nasiib darro wixii maanta dhacay,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid. Wuxuu si adag u sheegay in dadkii Cabdullahi Ciise uu xornimadooda u soo dagaalamay aysan gudin abaalkiisa oo ay dayaceen taariikhdiisa, xuskiisa iyo xusuustii uu ka mudnaa dadkiisa. “In maanta feystooyinkii 1-da Luulyo caasimadda Muqdisho laga dhigo, laakiin ciddii gobanimada dhalisay aan la xusin runtii waa nasiib darro, qalbigaan ka xanuunsanayaa,” ayuu yiri Qeybdiid. Wuxuu intaas ku sii daray in mudnaantii ay halgamayaasha qaar la haayeen dad gaar ah la siiyey, taasina ay qalbi xanuun ku riday, sida uu hadalkiisa u dhigay Cabdiqeybdiid. “Midda aan maanta arkayo waa nasiib darro, mudnaanta in dad gaar ah la siiyo, fiiri Calankii Jamhuuriyadda ayaa meel kasta la suray, ciddii keentana lama xusayo, wax rabana malaha, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid. Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu door weyn ka ciyaaray keenistii xornimada, madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu ahaa ra’iisul wasaarahii ugu horeeyey ee Soomaaliya ay yeelato. Hoos ka daawo Senator Cabdi Qeybdiid.
-
Moqokori (Caasimada Online) – Gurmad ciidan oo xoog leh ayaa ku sii qulqulaya aaggaga ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo deegaanada ku dhaw ay soo galeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Tan iyo markii Al-shabaab ay qabsadeen degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bishii April waxay bilaabeen weerarro ay ku qaadayaan macawiisleyda beesha Xawaadle oo iyagu jilibka dhigtay, kuna dagaalamaya dhulkooda, si cadowgu aysan uga qabsan. Deegaanada Ceel-Hareeri, Gayacad, Mubaax iyo tuulooyin kale oo hoosta Moqokori, ayey Al-Shabaab ku qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ayagana lagu laayey ciidanka iska difaacayana ay ku dhib muteen. Axadii toddobaadkaan Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen. Saraakiisha ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori. “Meel la dhaho Gayacad ayaan kula dagaallameynay, maalmo dhow ayey soo wareegteen, deegaanka Ceelqooxle oo Gumaraha hadda aan joogo u jira saddex ilaa iyo afar KM ayey soo galeen, marka dagaalkaas ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Idaacadda BBC. Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada ku garab wado dacaayad ay adeegsanayaan, iyagoo ujeedkoodu yahay in dadka ay deegaanadooda ka qaxinayaan. Kooxda ayaa baraha bulshada ku baahineysa in magaalooyin ay dadkoodii difaacanayaan laga baxay cabsi darteed, xalay oo ugu dambeysay waxay barahooda ku baahiyeen in shacabkii deganaa ay ka qaxeen Moqokori, taasi oo ciidamada iyo shacabka degmadaas ay beeniyeen. Inkastoo dagaalka ay ku dhiig baxeen macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wacad ku maray in dhulkooda aysan uga bixi doonin cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab, isla markaana ay difaaca doonaan ilaa ay ka guuleystaan ama ay ka dhamaadaan. Ciidamada Macawiisleyda Xawaadle waxay garab ka helayaan ciidamo aan badneyn oo militeriga iyo nabad sugidda Soomaaliya ka tirsan, si geesinimo leh ayey dhulkooda uga difaacdeen kooxda, balse hadda waxaa moodaa inay sii jilcayaan, maadaama dagaalku ku dheeraaday.
-
Marka laga hadlayo midnimada dhuleed ee Somalia waxay Ku egtahay dhulkii Somalia la odhan jiray ee Ku eg xaduudka Somaliland ee u dhexeeyay Italy iyo UK ee dunida laga aqoonsanyahay, markaa warbaahinta Somaliland waxay qayb Ka tahay jaahwareerka lagu rido shacabka Somaliland. Ictiraafka Somaliland sharci ahaa waa dhan yahay oo Somaliland 26/06/1960 ayaa la aqoonsaday lkn la soo noqoshadan aqoonsiga waxa hor taagani waa arrimo siyaasadeed Sidaas darteed Madaxweynaha Somaliland wuu Ku saxanyahay inuu albaab walba garaaci oo garnaqsado, tegitaanka Qatarna waxuu Ka mid yahay albaabada hore aan inagu isaga xidhnay ee hada Madaxweynahu garaacay khasabna maaha siduu wax u rabo madaxweynuhu inuu markiiba u helo. Waa siyaasad togan inaanad cid gaara u xidhnaan UAE waxay xidhiidh la leedahay Qatar iyo Israel, Somaliland maaha gobol Ka tirsan imaaraatka carabta ee waa dal u baahan inuu cid kasta xidhiidh la yeesho. Dalka Masar waxuu xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay Ethiopia inaguna waxaan qaadanay fikir odhanaya hadaan Masar la hadalno Ethiopia ayaa inaga cadhoonaysa. Madaxweynaha waxaan Kula talinayaa si degdeg ah xidhiidh loola sameeyo dalka Masar oo ah furaha siyaasada carabta wax bandana aan wada qabsan karo. Somaliland waa inay Ka baxdaa siyaasadan ma dhalayska ah ee 34 sano lagu soo jiray waa inay Ka faaiidaysataa is bedelka iyo is diidooyinka gobolka geeska Africa iyo Marin biyoodka Ka socda. Ibrahim duale Sulaiman Tallaabo Qaran News
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada deegaanka ka sameeyeen aagga deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday Warbaahinta Codka Ciidamada. Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Xamza Faracadde iyo maleeshiyaadkii kale ee la socday, uuna weerarka u dhacay sidii qorsheeyay. Xamza Faracadde ayaa ahaa sarkaal muhiim oo argagixisada u qaabilsanaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo haatan ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab. “Howlgalkan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamza Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaalkan uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi. Dhankooda saraakiisha deegaanka ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in qorshahooda uu kusoo dhammaaday guul, kadib markii la dilay horjoogaha iyo tiro kale oo maleeshiyaad ah oo la socday. Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla maanta dhacay, laguna dilay horjooge kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jaabir, kaas oo ay ciidamada Danab ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. “Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay dowladda. Howlgalladan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano ku yaal labada Shabelle.
-
WASHINGTON D.C. — The United States has reaffirmed its commitment to expanding cooperation with Somalia in key areas like security and economic development, as Secretary of State Marco Rubio outlined a forward-looking agenda in a statement marking Somalia’s 65th Independence Day. While offering congratulations to the Somali people, Rubio highlighted Washington’s long-term interest in deepening ties amid shared regional and global challenges. “The United States looks forward to strengthening our shared bonds as we work together on economic growth and combatting extremism,” Rubio said. U.S. support has included targeted airstrikes, training for Somali forces, and backing international stabilization efforts through the African Union and the United Nations. Rubio praised the Somali people for their resilience in confronting extremism and rebuilding national institutions. “We commend the Somali people for their efforts in the fight against terrorism and building a more prosperous future,” he said, reaffirming U.S. support for Somalia’s state-building efforts. He added that the U.S. looks forward to “working together on issues of mutual national interest,” signaling potential collaboration in areas such as development aid, infrastructure, trade, and governance reforms. Somalia has become a growing focus of U.S. foreign policy in East Africa, seen as both a partner in counterterrorism efforts and a fragile state whose stabilization is crucial to regional peace and maritime security. Under both the Biden and Rubio-led State Departments, the U.S. has stepped up coordination with Somali authorities alongside development programs targeting agriculture, education, and job creation. Rubio’s message emphasized Washington’s intent to remain a strong partner in Somalia’s pursuit of peace, democracy, and economic growth while also recognizing the strategic value of the bilateral relationship. “The year ahead offers new opportunities for cooperation,” Rubio said, underscoring U.S. interest in Somalia’s long-term stability and prosperity. The statement comes at a pivotal time in U.S.-Somalia relations, marked by close security cooperation and recent uncertainty in development funding. In 2025, the U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted at least 43 airstrikes targeting al-Shabaab and ISIS-Somalia, often in support of the U.S.-trained Danab Brigade. Despite this pressure, al-Shabaab remains active and has regained territory in parts of the country. The African Union’s follow-on mission, AUSSOM, also faces unresolved funding challenges. On the economic front, Somalia has shown modest growth. The World Bank projects GDP growth of 3–4% in the medium term. The country’s extensive coastline presents opportunities in fishing, offshore energy, and other sectors of the blue economy. Yet Rubio’s optimism is tempered by policy shifts in Washington. In January 2025, a White House executive order prompted a comprehensive review of aid, resulting in a stop-work order at USAID that suspended several projects. This includes a $68.5 million development grant signed in October 2024 to expand education and economic opportunity—now facing an uncertain future.
-
DAR ES SALAAM: Tanzania and Somalia plan to resume direct flights between Dar es Salaam and Mogadishu as part of renewed efforts to deepen diplomatic and economic ties. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska munaasabadda 65-aad ee Kowda Luulyo oo ah marka ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur, ayaa waxaa dabaal-degga kasoo muuqday diyaaradaha cusub ee ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay dhuulatus aad u wayn. Diyaaradahan oo ah kuwa dagaalka ayaa isugu jiray kuwo ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo uu Turkiga ugu deeqay dalka, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Inta ay duulimaadyada dabaal-degga ku jireen diyaaradaha ayaa soo daadiyay waraaqado lagu wacyigelinayo bulshada, kuwaas oo muujinayo in lagu jiro todobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo sidoo kalena in dalka uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Xuska 1da Luulyo 65 guurada, xoreynta dalka iyo xuska xoriyadda” ayaa ku qorneyd warqadaha ay maanta Muqdisho ku diyaadiyeen diyaaradaha Soomaaliya. Sidoo kale, inta uu socday bandhigga waxaa qayb ka ahaa gaadiidka ciidamada, fardo iyo geel kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda. Ujeedka ayaa ahaa maamuus iyo xasuus loo sameynayo halyeeyadii nafta u huray gobanimada iyo midnimada dadkeenna ee doorka wayn ka soo qaatay xorriyadda dalka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankooda si weyn ula dhacay bandhigga ay maanta sameysay dowladda, isla markaana uu goobjoogga u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo si weyn xuska sanadkan ee Kowda Luulyo looga dareemay guud ahaan dalka. Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana markii ugu horreysay burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee haatan loo soo tababaray Soomaaliya.
-
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay abaal-marin lacageed iyo dallacsiin isugu daray L/X/Le Saleebaan Maxamed Warsame oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland, kaasi oo arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Hawlgalka Calmiskaad 05 June 2025. X/Le Saleebaan Maxamed Warsame oo ka warbixiyay nafhurnimadii uu ka sameeyay dagaalka Calmiskaad ee ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marinta ayaa sheegay in 05 June 2025 uu dagaal adag ka dhacay togga Baallade, gaar ahaanna Ceelka Dacarre, maalintaasi oo ay go’doomeen isaga iyo sarkaal dhaawac ah. Wuxuu sheegay in uu 24 saac oo xiriir ah la dagaallamayay argagixisadii go’doomisay isaga iyo sarkaalka dhaawacmay, islamarkaana uu ku guulaystay in aysan gacanta cadowga gelin, isagoo maalintii labaad ciidamada dowladda ku soo hoggaamiyay halkii ay ku go’doomeen isaga iyo sarkaalka dhaawacmay. “05 June 2025 ayaanu galnay dagaal adag oo ka dhacay togga Baallade gaar ahaan Ceelka Dacarre, waxaana dagaalkaasi ku go’doomay aniga iyo sarkaal saaxiibkay ah oo dhaawacmay, halkaasi oo aan 24 saac oo xiriir ah ka dagaallanaynay cadowga dhexdiisa (Daacish), aniga oo saaxiibkay iyo naftayda ka badbaadiyay in aan gacanta u galno argagixisada” ayuu yiri L/X/Le Saleebaan Maxamed Warsame. “Maantii labaad waxaan ciidankeenni ku soo hoggaamiyay halkii dhaawaca saaxiibkay yaalla oo cadowguna joogay si na loo badbaadiyo, waana nala soo badbaadiyay, halkaasi oo aan cadowgii kaga guulaysanay kuna burburinay, ciidankana aan waxba soo gaarin” ayuu sii raaciyay L/X/Le Saleebaan Maxamed oo ka warbixinayay sababtii uu ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marintii xalay. Wuxu intaasi ku daray in dowladda Puntland diyaarad khaas ah kaga soo qaaday degaanka Dhaadaar ee buuraha Calmiskaad, kaddib markii amar Madaxweyne ku soo baxay, si abaalmarinta iyo dallacsiinta loogu siiyo Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo abaal-marin iyo dallacsiin isugu daray askari arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeyb-galay munaasabadda xuska maalinta Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo, taas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka shaqeynayso qorshe halis ku ah amniga maamulka. Madaxweyne Deni ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ugu horeyn diiradda ku saaray dhowrista gobannimada dalka, muhiimadda ay leedahay dib u soo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo daruufaha adag ee ka taagan guud ahaan dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhismaha hay’adaha dowladeed uu u baahan yahay hannaan daahfuran iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Intii uu hadalka jeedinayay, Madaxweyne Deni wuxuu si gaar ah uga digay fara-gelinta siyaasadeed ee uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso degaannada Puntland. Wuxuu xusay in ay jiraan qorshayaal qarsoodi ah oo lagu qorayo ciidamo aan sharciyeysnayn, kuwaasoo lagu biirinayo liis mushaar qaateyaal ah oo la xiriira Villa Somalia. “Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin ‘Puntland baan ciidamo ka qoraynaa’, kuwaas oo si qarsoodi ah u socda, marba meel ka bilaabaya,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray: “Arrimahaas waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha.” Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqatay digniin ku socota Dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay fara-gelin khatar ku hayso maamulka, gaar , xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Villa Somalia.
-
Waxaa soo baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ganacsadaha caanka ah Elon Musk. Donald Trump ayaa ku eedeeyay Elon Musk in uu ka faa’iidaystay deeqaha dowladda ee lagu taageero shirkadaha korontada ku shaqeeya. Wuxuu sheegay in Musk helay kaalmada ugu badan taariikhda, haddii laga jari lahaana uu shirkadihiisa xiri lahaa. Trump wuxuu xusay in dalku lacag badan badbaadin lahaa haddii la joojiyo deeqahaas, isagoo ku taliyay in guddiga DOGE ay arrintaas baaritaan ku sameeyaan. Elon Musk oo ka jawaabay hadalka Trump wuxuu si cad u sheegay: “Ha la joojiyo dhammaan. Hadda.” Tani waxay muujisay in Musk diyaar u yahay in la joojiyo deeqaha dowladda, taasoo ka dhigaysa mid si toos ah uga hor imaanaya hadalka Trump oo u muuqday mid ku eedeynaya Musk ku tiirsanaanta lacagahaas. Khilaafkan wuxuu muujinayaa is-maandhaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhexeeya laba shaqsi oo saameyn weyn ku leh Mareykanka – mid siyaasadda, midna tiknoolajiyadda. Musk ayaa aqalka cad si weyn uga soo dhex muuqday markii la doortay madaxweyne Trump. Wuxuu si weyn u taageeray ololihii doorashada balse labada nin ayaa is qabtay sababo la xariira Awooda maamulka. Source: goobjoog.com
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta (01.07.2025) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (Taiwan Business Association). Madaxweyne ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saciid Maxamed Buraale oo soo qaban-qaabiyey kulanka. Wasiirka oo kulanka hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay tahay irridda ay ka soo galaan cid kasta oo u socota in ay Somaliland maalgashato. Wasiirku waxa uu sheegay in shuruucdii iyo siyaasadihii Maalgashiga ay Wasaaraddu si aqoon sare leh ay u diyaarisay, si loo soo jiito loo hanto kalsoonida Maalgashadayaasha shisheeye. Wasiirku waxa uu Madaxweyne ku-xigeenka JSL u sheegay in Wasaaraddu ay Weftigan tusi doonto fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeena. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Ururka Ganacsatada reer Taiwan uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu soo dhaweeyey iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan. Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay abuurista jawi xasiloon oo dhiirri gelinaya maalgashadayaasha, isaga oo tilmaamay faa’iidada uu iskaashigu u leeyahay labada dhinac, gaar ahaan fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumaysiga, Beeraha, Macdanta, Tignoolajiyada, Ganacsiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Iyagana dhinacooda, Wafdiga maalgashatada Taiwan oo ay hor kacaysay Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧 𝐁𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐀𝐬𝐬𝐨𝐜𝐢𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) Marwo Alyne Chen, iyada oo ku hadlaysay afka weftiga, waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasaaradda Horrumarrinta Maalgashiga uga mahad naqday soo dhawaynta diirran, waxana ay sheegtay in ay diyaar u yihiin in laga wada faa’idaysto fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dalka Taiwan waxa ay sheegtay in ay aad u xiisaynayaan qaybaha Malgashiga ee kala ah: 1. Kaluumaysiga iyo khayraadka badda 2. Sifaynta biyaha, 3. Caafimaadka xoolaha, 4. Maalgelinta ganacsiyada yaryar, 5. Soosaarka iyo suuq-geynta qalabka Electronic-ga Shirkadaha ay ka koobnaayeen Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (Taiwan Business Association) ayaa kala ahaa: 1. YEN & BROTHERS ENTERPRISE CO., LTD, 2. Aquaponics Company, 3. ZTQ ENTERTAINMENT, 4. HW CAPITAL, 5. CENTRAL SKY INTERNATIONAL TRADING CO, 6. EXCELSIOR BIO-SYSTEM INCORPORATION Guntii iyo gabagabadii, labada dhinac waxa ay muujiyeen danaynta ay u qabaan ballaadhinta xidhiidhka dhaqaale, ganacsi iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh eeu dhexeeya labada dal, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Waxaa naloo sheegay in hal tufaax maalintii uu dhakhtarka kaa fogeynayo, laakiin mirahan ma waxay runtii saamayn togan ku leeyihiin caafimaadkeenna? Dunidu way jeceshahay tufaaxa. Sannad kasta, ku dhawaad 100 milyan oo tan oo tufaax ah ayaa laga soo saaraa caalamka. Mirahan oo leh midabyo iyo dhadhan kala duwan, ayaa muddo dheer sumcad ku lahaa inay naga caawiyaan inaan caafimaad qabno. Weedha caanka ah ee “ah tufaax ah maalintii ayaa dhakhtarka kaa fogeeya” waxay ka timid maahmaah Welsh ah oo la qoray 1866: “Cun tufaax markaad seexanayso, waxaadna ka ilaalin doontaa dhakhtarka inuu helo nolol-maalmeedkiisa.” Laakiin ma jirtaa wax run ah oo xuddun u ah weedhan muddada dheer? Oo tufaaxa si gaar ah miyuu caafimaadka ugu wanaagsan yahay marka la barbar dhigo midhaha kale? Marka hore, aan ka fikirno nafaqooyinka ku jira tufaaxa. Hal shay, waxay yihiin il qani ah oo laga helo phytochemicals, oo ay ku jiraan flavanols. Iskudhisyadaan ayaa lala xiriiriyay faa’iidooyin caafimaad oo badan, sida ilaalinta miisaanka caafimaadka leh iyo hoos u dhigida khatarta cudurrada wadnahaaga. Muxuu tufaaxu caafimaadka ugu wanaagsan yahay? Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenols kala duwan, oo ay ku jiraan anthocyanins, kuwaas oo gacan ka geysta siinta qaar ka mid ah tufaax diirka midabkiisa cas oo lala xiriiriyo horumarinta caafimaadka wadnaha. Polyphenol kale oo aad ka heli doonto tufaaxa waa phloridzin. Waxa la ogaaday inay gacan ka geysato xakamaynta gulukoosta dhiigga. Waxa kale oo jira faybar badan oo tufaaxa laga helo, oo u badan pectin, kaas oo yareeya xaddiga lipoprotein-ka cufan-hooseeya (LDLs) -nooca aan caafimaad qabin ee kolestaroolka – ee dhiigeenna. Pectin waxay sidoo kale hoos u dhigtaa xaddiga sonkorta iyo dufanka aan ka nuugno cuntada, waxay gacan ka geysataa xasilinta heerarka sonkorta dhiigga. Nafaqooyinkan ku jira tufaaxa waxay u muuqdaan kuwo leh faa’iidooyin caafimaad. Dib u eegis 2017 lagu sameeyay shan cilmi baaris ayaa lagu sheegay in cunista tufaaxa ay la xiriirto hoos u dhac 18% ah khatarta ah in uu ku dhaco nooca labaad ee sonkorowga. Dib u eegis kale oo laga sameeyay 2022, oo lagu falanqeeyay 18 cilmi-baaris, ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa badan, ama cuntooyinka laga helo tufaaxa, sida casiirka tufaaxa, ay yareyn karto kolestaroolka, haddii aad sii waddo caadada muddo ka badan hal toddobaad. TufaaxXigashada Sawirka,Getty Images Helidda cunto caafimaad leh guud ahaan waxay hoos u dhigi kartaa halista kansarka ilaa 40%, taas oo ay ugu wacan tahay isku-dhisyada bioactive, phytochemicals, ee ku badan tufaaxa. Daraasadaha qaar ayaa xitaa ku xiray isticmaalka tufaaxa inuu leeyahay khatar hoose oo ah inuu ku dhaco kansarrada qaarkood. Cunista joogtada ah ee tufaaxa waxay u muuqataa inay la xiriirto faa’iidooyin caafimaad oo kala duwan – waxaana ognahay inay ka buuxaan waxyaabo caafimaad leh. Laakiin tufaaxa, gaar ahaan, miyay ka waxtar badan yihiin cuntooyinka kale ee dhirta ku salaysan si ay dhakhtarka kaaga fogeeyaan? Muxuu tufaaxu caafimaadka ugu wanaagsan yahay? Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenols kala duwan, oo ay ku jiraan anthocyanins, kuwaas oo gacan ka geysta siinta qaar ka mid ah tufaax diirka midabkiisa cas oo lala xiriiriyo horumarinta caafimaadka wadnaha. Polyphenol kale oo aad ka heli doonto tufaaxa waa phloridzin. Waxa la ogaaday inay gacan ka geysato xakamaynta gulukoosta dhiigga. Waxa kale oo jira faybar badan oo tufaaxa laga helo, oo u badan pectin, kaas oo yareeya xaddiga lipoprotein-ka cufan-hooseeya (LDLs) -nooca aan caafimaad qabin ee kolestaroolka – ee dhiigeenna. Pectin waxay sidoo kale hoos u dhigtaa xaddiga sonkorta iyo dufanka aan ka nuugno cuntada, waxay gacan ka geysataa xasilinta heerarka sonkorta dhiigga. Nafaqooyinkan ku jira tufaaxa waxay u muuqdaan kuwo leh faa’iidooyin caafimaad. Dib u eegis 2017 lagu sameeyay shan cilmi baaris ayaa lagu sheegay in cunista tufaaxa ay la xiriirto hoos u dhac 18% ah khatarta ah in uu ku dhaco nooca labaad ee sonkorowga. Dib u eegis kale oo laga sameeyay 2022, oo lagu falanqeeyay 18 cilmi-baaris, ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa badan, ama cuntooyinka laga helo tufaaxa, sida casiirka tufaaxa, ay yareyn karto kolestaroolka, haddii aad sii waddo caadada muddo ka badan hal toddobaad. Xigashada Sawirka,Getty Images Helidda cunto caafimaad leh guud ahaan waxay hoos u dhigi kartaa halista kansarka ilaa 40%, taas oo ay ugu wacan tahay isku-dhisyada bioactive, phytochemicals, ee ku badan tufaaxa. Daraasadaha qaar ayaa xitaa ku xiray isticmaalka tufaaxa inuu leeyahay khatar hoose oo ah inuu ku dhaco kansarrada qaarkood. Cunista joogtada ah ee tufaaxa waxay u muuqataa inay la xiriirto faa’iidooyin caafimaad oo kala duwan – waxaana ognahay inay ka buuxaan waxyaabo caafimaad leh. Laakiin tufaaxa, gaar ahaan, miyay ka waxtar badan yihiin cuntooyinka kale ee dhirta ku salaysan si ay dhakhtarka kaaga fogeeyaan? “Tufaaxku ma laha fitamiin C badan, mana laha bir ama kalshiyam, laakiin waxay leeyihiin waxyaabo kale oo badan oo kor u qaada caafimaadka oo sameeya waxyaabo cajiib ah oo jirka ah,” ayay tiri Janet Colson, bare sare oo nafaqeynta iyo sayniska cuntada ah kana tirsan Jaamacadda Dhexe ee Tennessee State ee Maraykanka. Tufaaxa waxa ku jira isku dhisyo ay wadaagaan khudaar iyo miro badan, oo ay ku jiraan kuwa polyphenols-ka waxtarka leh, ayay tidhi Flavia Guzzo, oo bare sare ku xigeen ka ah bayoolajiga dhirta ee Jaamacadda Verona ee Talyaaniga. Polyphenols waa molecules antioxidant xoog leh. Waxay ka caawiyaan inay isku dheellitiraan saamiga walxaha sunta ka hortaga ilaa xagjirka xorta ah ee jirkeenna – xagjirrada xorta ah ayaa aad u falcelinaya, oo suurtagal ah unugyada waxyeellada leh unugyada ogsijiinta. Annagoo jirka ka ilaalineyna sunta, waxaynu yareeynaa khatarta ah inaan qaadno cuduro ay ka mid yihiin kansarka iyo cudurrada wadnaha oo ay keeneen barar iyo caabuq waqti dheer ah. Cilmi-baarayaasha qaar ayaa sheegaya in tufaaxa uu leeyahay “heerka labaad ee ugu sarreeya ee awoodda walxaha sunta ka ilaaliya jirka ee dhammaan miraha”. Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenol phloridzin, kaas oo aad ugu badan midhaha kale ee ku jira baaquligaaga khudaarta. Sida pectin oo kale, phloridzin waxay u muuqataa inay yarayso xaddiga sonkorta aan dhiigga ka nuugno cuntada. Tufaaxu sidoo kale waa il wanaagsan oo laga helo maaddooyinka phenolic, kuwaas oo ah nooc kale oo phytochemical ah. Waxaa jirta hal daraasad oo lagu ogaaday in dadka ku nool Mareykanka ay helaan ku dhawaad shan meelood meel ka mid ah wadarta guud ee phenolic qaadashada tufaaxa. Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in maddooyinka phenolic ee tufaaxa ay la xiriiraan khatarta hoose ee cudurrada wadnaha, kansarka, neefta, sonkorowga iyo buurnaanta. Laakiin kaliya maaha in polyphenols-ka xoogga badan iyo walxaha sunta ka hortaga ee badan ay u horseedeen qaar ka mid ah saynisyahannada inay ku taliyaan tufaaxa midhaha kale. Maqaallo dhowr ah, saynisyahannadu waxay ku talinayaan cunista tufaaxa joogtada ah sababtoo ah midhaha ayaa si fudud loo heli karaa. Taas macnaheedu waxa weeye in cunidda joogtada ah ee tufaaxa ay tahay shay ilaa xad ay sameyn karaan dad badan. Xigashada Sawirka,. Way caddahay in tufaaxu leeyahay awood uu ku wanaajiyo caafimaadkeena. Laakiin waa sheegasho weyn in la yiraahdo hal maalin oo la cunaa waxay naga hor istaagi doontaa inaan aadno dhaqtarka. Hal daraasad 2015 ayaase qaadatay su’aashan saxda ah. Cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen sahan ay ku sameeyeen ku dhawaad 9,000 oo qof, kuwaas oo ka qaybgalayaashu ay sheegeen inay cuneen muddo 24-saac ah, taas oo ay sheegeen in ay muujinayso cunto maalmeedkooda caadiga ah. Waxay ogaadeen in dadka cuna tufaaxa ay aad ugu dhow yihiin inaysan dhaqtar aadin marka la eego kuwa aan cunin, si kastaba ha ahaatee, natiijadani ma ahayn mid xisaabeed marka la tixgelinayo in dadka cuna tufaaxa ay u badan tahay inay noqdaan kuwo wax bartay oo ay u badan tahay inay sigaar cabaan. Daraasadaha qaarse waxay leeyihiin waa in hal ka badan la cunaa maalintii. Bbcsomali Qaran News
-
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo taageersan xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa riixaya in xasaanad ka qaadis lagu sameeyo guddoomiye hore Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo haddana ka tirsan golaha. Xildhibaannada muxaafidka ah ee taageersan Xukuumadda Siciid Deni ayaa doonaya in xasaanadda laga xayuubiyo mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii lagu eedeeyay in uu gobolka Sanaag ka wado dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah midnimada iyo wadajirka Puntland. Balse, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Qaraaje ayaa ilaa iyo hadda ka caga-jiidaya qorshaha maamuus ka xayuubinta Abwaan Cabdirashiid ee ay riixayaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Deni, kuwaasi oo aan weli ku guulaysan in ay guddoonka ku qanciyaan go’aankaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale horay ugu eedeeyay xildhibaan Cabdirashiid Jibriil in uu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, kuwaasi oo ay mushaarkooda bixinayso Villa Somalia, si ay ugu fuliyaan ajandayaal ka baxsan nidaamka Puntland. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo riixaya in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Abwaan Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.
-
Daaru-Nimca – Ciidamada deegaanka gaar ahaan Macaawislayda Daaru-Nimca ayaa howlgal gaar ah oo si xeel dheer loo qorsheeyay ku beegsaday horjooge caan ka ahaa dhibaatooyinka gobolka, laguna magacaabi jiray Faracadde. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha deegaanka Daaru-Nimca, halkaas oo ay si toos ah ugu galeen fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd. Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay halkaasi ku toogtaan Faracadde, oo u qaabilsanaa kooxda dhanka miinooyinka, isla markaana lagu eedeeyay inuu deegaanka ka geystay falal badan oo gumaad iyo dhaawac isugu jira. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in Faracadde uu ahaa shaqsi khatar badan oo muddo dheer lagu raad-joogay. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Macaawislayda ay gacanta ku dhigeen qorigiisii, waxaana si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa deegaanka Caddaan-laxey. Source: goobjoog.com
-
Maanta waa 1-da Luulyo, waa maalintii xoriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol, waxaa xanuun iyo nasiib darro ah in 65 sano kadib ay Soomaaliya shisheeye joogaan, midnimo aanay jirin oo la kala maqan yahay, dowladda xilligan jirtaana ay ka daciifsan tahay tii 1960kii!, cadawgii shalay maanta walaal yahay, qabiilkii uu isku badalay qaran, calankii ay ka soke mareen calammo kale, dhadhankii waddaniyaddu aad u shiikhay, inta ay weli ku dambeysona xamaasadda Soomaalinnimo ay maanta u joogto oraahsa ah“Inta Afka Soomaaliga ku hadasho”. Haddaba, maanta waxaa dib u xasuusan doonaa, Raggii iyo Ururradii ka dambeeyay in Soomaaliya ay xor noqoto, raggii diiday dullinimada iyo in dalka uu kala tago, maanta waxaan xuseynaa inta ku shahiiday in la ilaaliyo danta dadka, dalka iyo diinta. Halgankii Sayidka: Sayid Maxamed Cabduule Xassan ayaa ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee dagaal la gala gumeystaha, waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1921), waxaa uu ahaa hogaamiyhii Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Muddo 20 sano ah ayuu socday dagaalka Darwiish iyo gumeystaha, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe. Ugu dambeyntii diyaaradaha cadawga waxaa ay duqeeyeen Taleex iyo xarumihii Sayidka oo dhan, Sayid Maxamed intaa kadib wuxaa uu soo aaday koofurta Soomaaliya halkaas uu markii dambe uu ku geeriyooday degmo ku taallo webi Shabeelle. SYL: Ururka SYL, waxaa uu ahaa urur dhalinyaro oo la aasaasay May 15, 1943dii, ururkan waxaa lagu dhisay guri ku yaalla waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho. Dhalinyaradii dhistay waxaa ay kala ahaayeen: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax Berduda, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed C/llaahi Xayeysi, Huudoow Macalin Cabdulle iyo Maxamed Cusmaan Baarbe . Ururka SYL, waxaa madax u ahaa : • Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye • Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen • Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xogheyaha guud ee ururka SYL Markii dambe oo Yaasin Xaaji Cusmaan geeriyooday waxaa lagu badalay Cabdulahi Ciise Maxamud, dhalinyaradan waxaa lagu xasuustaa dhacdooyin badan oo ku tusinaya dadnimada iyo kartida ay lahaayeen. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Hanoolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysidiidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka side iyo afar ilaalo ah. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruurinay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay, kal-fadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegada waxay magaalada New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu cabbiro Mawqifka SYL . October 5, 1949 ayey SYL mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. November 21, 1949 ayey golaha guud ee qaramad midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: Bishii April 1950 ayey dowladda Talyaanigu la wareegay maamulidda koofurta Soomaaliya, waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal oo kala ahaa: Masar, Philibin iyo Colombia, dalalkan ayaa wakiil uga ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayeyna sida Talyaanigu u fulinayo shaqada loo dhiibay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani Gobollada Waqooyi-Somaliland Gobollada waqooyi ee dalka ama Somaliland, waxaa ay galeen halgan dheer, iyagoo ku guuleystay markii dambe in la siiyo xuriyad. April 6, 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa magaallada Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 maalmood u socday waftigii waqooyi ee kan koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafdi ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo watiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Xuriyaddii Koofurta iyo Midnimadii Labada Gobol: Xririyadii Somaliland 4 maalmood kadib, waxaa xuriyadii qaatay gobollada koofureed ee dalka iyagoo ka xuroobey gumeystaha Talyaaniga. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilligaa ra’isul wasaare ka ahaa Somaliland, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya Maalinta ay xuriyadda qaadatay koofura Soomaaliya, isla markaana ay midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya waxaa dalka Soomaaliya yimid wafdi ka socota goboladii kale ee ku haray gacanta gumeystaha. Dhanka Xeebta Soomaaliya(Djabuti) Waxaa ka yimid halgamaagii weynaa ee Maxamud Xarbi, Waxaa kaloo joogay Mas’uulyiinka ka timid gobollada Koofur Galbeed iyo NFD. Maalintaas waxaa xoog u kacay dareenkii umadda, Waxaa mar kale lasoo nooleeyay firkadii Pan-Somalism ama Somaliweyn. Markii xuriyadda la helay 1960-kii, isla markaana ay midoobeen labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur, baarlamaanka dalka waxaa uu aqlabiyad ku doortay Aden Cabdulle Cusmaan in uu noqdo madaxweyne muddo hal sano ah, isagoo maalmo kadib July 22, 1960-kii Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke. W/Q/Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
-
𝗦𝘂𝗯𝗷𝗲𝗰𝘁: 𝗨𝗿𝗴𝗲𝗻𝘁 𝗔𝗽𝗽𝗲𝗮𝗹 𝗳𝗼𝗿 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝘂𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁 𝗶𝗻 𝗥𝗲𝘀𝗽𝗼𝗻𝘀𝗲 𝘁𝗼 𝘁𝗵𝗲 𝗗𝗮𝗮𝗹𝗹𝗼 𝗠𝗼𝘂𝗻𝘁𝗮𝗶𝗻 𝗪𝗶𝗹𝗱𝗳𝗶𝗿𝗲 𝗖𝗿𝗶𝘀𝗶𝘀 𝗧𝗼: ▪︎ 𝗧𝗵𝗲 𝗚𝗼𝘃𝗲𝗿𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 ▪︎ 𝗡𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗗𝗶𝘀𝗮𝘀𝘁𝗲𝗿 𝗣𝗿𝗲𝗽𝗮𝗿𝗲𝗱𝗻𝗲𝘀𝘀 𝗮𝗻𝗱 𝗙𝗼𝗼𝗱 𝗥𝗲𝘀𝗲𝗿𝘃𝗲 𝗔𝘂𝘁𝗵𝗼𝗿𝗶𝘁𝘆 ▪︎ 𝗟𝗼𝗰𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗛𝘂𝗺𝗮𝗻𝗶𝘁𝗮𝗿𝗶𝗮𝗻 𝗢𝗿𝗴𝗮𝗻𝗶𝘇𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝘀 ▪︎ 𝗘𝗻𝘃𝗶𝗿𝗼𝗻𝗺𝗲𝗻𝘁𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗖𝗹𝗶𝗺𝗮𝘁𝗲 𝗥𝗲𝘀𝗶𝗹𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗣𝗮𝗿𝘁𝗻𝗲𝗿𝘀 ▪︎ 𝗧𝗵𝗲 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗗𝗶𝗮𝘀𝗽𝗼𝗿𝗮 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 Dear Respected Leaders, Partners, and Friends of Somaliland, The Somaliland Intellectual Forum (SLIF) expresses its deepest concern and sorrow over the devastating wildfire currently raging across the Gaacidh farmlands and surrounding areas of the Daallo Mountains in the Sanaag region. This unfolding crisis has already destroyed more than 200 farms, wiped out vital sources of rural livelihood, and placed one of Somaliland’s most treasured ecological and tourism zones in grave jeopardy. The fire began in the early hours of June 30, 2025 and has since spread at an alarming pace. Within less than ten hours, it has consumed an estimated 60 square kilometers of forest in the Daallo ecosystem—home to ancient woodlands, rare plant life, and species unique to this region. Despite the courageous efforts of local communities armed with nothing more than branches, shovels, and water containers the blaze remains dangerously uncontrolled. This wildfire has clearly surpassed the current response capacity of the Somaliland government. Its scale and speed of destruction are dangerously close to the kinds of wildfires seen in global forest disasters, such as those in the Amazon. For this reason, we urge the government to swiftly seek international assistance before the damage becomes irreversible. This is a national emergency. The loss goes far beyond trees and farmland. The wildfire has inflicted: ️The destruction of centuries-old forests and rare flora, some of which exist nowhere else in Somaliland. ️A collapse of local tourism and ecotourism-based livelihoods tied to Daallo’s natural beauty. ️The displacement of farming families, undermining food security and economic stability in the region. ️Severe threats to wildlife and the irreversible loss of biodiversity. In response, we at SLIF urgently call upon: 1. The Government of Somaliland to declare a state of emergency and coordinate a national-level response, mobilizing both civilian and institutional resources to contain the blaze and support recovery. 2. International humanitarian organizations, climate and environmental agencies, and Somaliland’s private sector to step forward with immediate assistance. This includes aerial firefighting support, fire containment tools, emergency food and shelter, technical experts, and logistical coordination. 3. The Somaliland Diaspora to act quickly—through financial contributions, fundraising campaigns, and resource mobilization—to assist in both immediate response and long-term recovery. This is not just an environmental disaster. It is a human crisis, an economic blow, and a cultural loss. The Daallo Mountains are more than landscape; they are a living symbol of Somaliland’s natural heritage, a pillar of local sustainability, and a sacred link between communities and the land they have protected for generations. Let this be a moment where national unity meets global solidarity. Let our collective action speak louder than the flames. SLIF stands ready to assist; in advocacy, coordination, research, and communication; with any partner or institution committed to protecting Daallo, supporting its people, and restoring what has been lost. With urgency, resolve, and shared purpose, 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗲𝗰𝘁𝘂𝗮𝗹 𝗙𝗼𝗿𝘂𝗺 (𝗦𝗟𝗜𝗙) 𝗘-𝗺𝗮𝗶𝗹: 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱𝗶𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗲𝗰𝘁𝘂𝗮𝗹𝗳𝗼𝗿𝘂𝗺@𝗴𝗺𝗮𝗶𝗹.𝗰𝗼𝗺 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝗶𝘀𝗮, 𝗥𝗲𝗽𝘂𝗯𝗹𝗶𝗰 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xalay Garoowe kaga qayb-galay Xuska Munaasabadda Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1da Luuliyo. Madaxweyne Siciid Deni oo Khudbad ka jeediyay Xuska Munaasabadda 1da Luuliyo ayaa ka hadlay Ilaalinta gobannimada Soomaaliya, dib u soo celinta Midnimadii iyo wadajirkii shacabka, hannaanka dowlad dhiska dalka, xallinta Khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo duruufaha qallafsan ee ka jira guud ahaan dhulka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, waxaa uu ka hadlay fara-gelin siyaasadeed oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso degaannada Puntland, gaar ahaanna ciidamo uu sheegay in si qarsoodi ah loo qorayo, kuwaasi oo loo diiwaan-gelinayo in ay mushaarka siiso Villa Somalia, si ay ajandayaal qarsoon uga fuliyaan degaannada Puntland. “Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal Laabtoobyo wata lee yihiin Puntland baan ciidamo ka qoraynaa oo qarsoodi ah, oo hadba meel ka laabanayaan, waxaasi waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Halkan ka daawo khudbadda Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay ciidamo qarsoodi ah ku diyaarinayso gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
