-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Manchester (Caasimada Online) – Magaalada Manchester ee boqortooyada Ingiriiska oo Soomaalida badan ay ku nool yihiin ayaa lagu amaanay inay kamid yihiin bulshooyinka ka shaqeeya nabadda iyo ka hortaga dambiyada ay ka midka yihiin dilalka iyo daroogada. Marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee Ingiriiska sida London iyo magaalooyinka kale, Soomaalida ku nool Manchester aad ayey ugu yar yihiin dhalinyaradooda isu geysta ama dadka kale u geysta dilalka iyo daroogada. Ugaas Cali Cabddulle Qaanso oo ka mid ah waxgaradka magaalada Manchester ayaa aaminsan in taasi ay ku timid dadaalka iyo wacyagelinta ay sameeyeen iyo in dhalinyarada Soomaalida loogu yeero farida wanaaga iyo diinta Alle. Mas’uuliyiin ka tirsan golaha deegaanka magaalada Manchester ee Boqortooyada UK ayaa abaal marin iyo soo dhoweyn lagu weyneynayo dhaqanka Soomaalida ay u sameeyeen Cali Cabdulle Qaanso (Ugaas Cali) oo mudo 20 sano ah usoo khidmeynayay Soomaalida Manchester. Nabaddoon Ugaas Cali ayaa hoyga golaha looga arrimiyo Manchester loogu qabtay xaflad, halkaasi oo lagu guddoon siiyay haddiyado ay ka mid yihiin dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida caanka ku tahay iyo abaal marino kale. Waxaana loogu mahad celiyay sida uu mudada 20-ka sano ugu shaqeynayay isku xirka bulshada Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka iyo weliba bulshooyinka kale ee Manchester ku nool. Dhinaca kale, waxaa bisha July guud ahaan UK ka qabsoomi doonta doorashada Ra’iisul wasaaraha iyadoo xisbiyada Conservative-ka iyo Lebour Party ay ku dagaalamayaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed. Ugaas Cali ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay codkooda ka taxadiran ciddii ay siin lahaayeen kana fiirsadaan cidda u roon iyo kan u daran. The post Soomaalida Manchester oo kaalin muuqata ka gashay bulshooyinka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
After more than 30 years, in 2023 the UN arms embargo on the government of Somalia was fully lifted. However, questions have been raised about the risks associated with this decision, with many fearing a further proliferation of weapons in a country where instability is widespread, the illicit arms market pervasive and the government lacks full control of its territory. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ooh adda la rumeysan yahay inuu khilaaf kala dhaxeyeo. Saciid Deni ayaa saaxiibadiisii hore ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya. “State hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay. “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu madaxweynaha ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland. “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa,“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland. Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac. Hoos ka daawo muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/05/An_X3t53iTKTTBbKWHi3mX8kzGl9rVhKk7AqhbtMYf48qM39y4K_6uue4ga5oxqDpC8pk7UT47uml_Ehnmx1mQ.mp4 The post Daawo: Deni oo weerar ku qaaday madax goboleedyada xilli uu socdo qorshe culus appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Biden ayaa soo jeediyay Khamiistii in go’aanka ah in Kenya ay hogaamiso howlgalka ammaanka ee Haiti, iyada oo aysan jirin ciidamo ka socda Mareykanka oo ku sugan gudaha Haiti, si ay uga qeybqaataan nabad kusoo dabaalidda dalkaasi. Mr. Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu ku biirin doono lacag, taageerada dhanka saadka iyo qalabaynta, iyadoo Kenya iyo dalal kale ay isku dayayaan inay joojiyaan rabshadaha kooxaha gaangiska ah ee halkaas ka qarxay ka dib dilkii madaxweynihii dalkaas ee 2021. Waxaa uu sheegay in ay maalgalin doonaan ciidamo ka socda dalalka bariga Afrika in ay ka howlgallaan dalkaasi si loogu soo celiyo xasilooni buuxda. Mr. Biden waxaa uu sheegay in uu Kenya u magacaabi doono “saaxiib weyn oo aan NATO ka tirsanayn,” tallaabadaas oo ka tarjumaysa go’aanka madaxweynaha ee ah in uu sii qoto dheereeyo xiriirka uu la leeyahay waddanka Bariga Afrika. Dhanka kale Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee, waxaana uu sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’ “Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook. Ducaale ayaa sheegay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono dagaalka Kooxda Shabaab ee ka howlgasha Soomaaliya iyo meelo ka mid ah dalka Kenya, Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’ Source: goobjoog.com
-
Ugu Yaraan 14 Qof oo Geeriyootay Dab Ka Kacay Dalka Vietnam
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku naf waayay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Dabka ayaa ka kacay dhismo shan dabaq ah oo ku yaalla bartamaha degmada ee Cau Giay ee magaalada Hanoi saacadu markay ahayd 12:30 habeennimo amminta maxalliga ah, wuxuuna mid aad u baaxad weyn oo qaraxyo badan sameeyay. Wakaaladda Wararka Vietnam (VNA) ayaa ka soo xigatay wasaaradda amniga Dadweynaha ee Vietnam in kooxaha dabdamisku ay ka soo badbaadiyeen 7 qof dhismaha ka dib markii uu dab qabsaday. Dabka ayaa la rumeysan yahay inuu ka kacay barxadda u dhexeysa laba dhisme oo lagu iibiyo laguna dayactiro baaskiillada korontadda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda maamusho ee VnExpress. Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinaya alaab gubtay oo yaalay barxadda dhismaha iyo gudaha dabaqa koowaad ee dabku ka kacay. Si kastaba ha ahaatee waxa dabkan baaxadda leh sababay ayaan illaa haatan caddayn, dowladduna faahfaahin dhammaystiran kama bixin. Source: goobjoog.com -
Poland iyo Giriiga , ayaa si wadajir ah warqad ugu diray Golaha Midowga Yurub, iyagoo u sheegaya inay u baahanyihiin nidaamka difaaca hawada. Waxa ay sababta ku sheegeen weerarka iyo hubka Ruushka oo xilli walba soo gaari karo , sida ay sheegeen Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk iyo dhiggiisa Giriiga, Kyriakos Mitsotakis. “Yurub waxa ay ahaan doonaan ammaan inta cirku nabdoon yahay,” ayaa lagu yiri warqadda, iyadoo lagu qeexay baahida loo qabo nidaamka difaaca hawada Yurub si loo ilaaliyo hawada guud ee ka dhanka ah khataraha sida diyaaradaha, gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Duullaanka Ruushka ee Ukraine waxa uu Midowga Yurub ku dhiirigaliyay in uu sare u qaado dadaallada difaaca ee wadajirka ah iyo in uu bixiyo gargaar milatari oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan difaaca hawada, Ukraine. Difaaca Yurub waxay si cad u muujin doontaa midnimada Yurub iyo xallinta is-difaaca, sida ay qabaan hoggaamiyeyaasha. Waqtigan xaadirka ah, Jarmalku wuxuu hogaamiyaa Hindisaha Sky Shield ee Yurub, kaas oo ujeedadiisu tahay in si wadajir ah loo soo iibiyo nidaamyada difaaca hawada ee Jarmalka, Maraykanka iyo Israel. Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku baaqay dadaalada difaaca wadajirka ah si looga wada hadlo shirmadaxeedka soo socda ee Midowga Yurub dhamaadka bisha June. Source: goobjoog.com
-
Markab laga leeyahay dalka Liberia oo lagu magacaabo M/V Basilisk, ayaa looga shakisan yahay in lagu weeraray meel qiyaastii 380 nautical miles bari ka xigta magaalada Muqdisho, arrintaa ayaa keentay kordhinta ciidanka. Falkaan waxaa geystay kooxo burcad badeed ah sida ay xaqiijiyeen hay,addaha la socda arrimaha badda. Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa xaqiijiyay in ay ku dadaalayaan sidii loo soo badbaadin lahaa Markabka oo bixiyay digniinta in uu gacanta u galay koox burcad ah. Markabka ayaa ku wajahnaa dhanka waqooyi markii ay dhacday dhacdada burcad badeednimo. “Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA oo ku sugan agagaarka goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka jawaabay digniinta. “EUNAVFOR ATALANTA waxay qaadaysaa tillaabooyinka ku habboon si ay si hufan oo degdeg ah uga jawaabto digniintan,” ayaa War kasoo baxay ATALANTA. Xaqiijinta EUNAVFOR ayaa timid ka dib markii xafiiska hawlgallada ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) uu helay warbixin ku saabsan markab ganacsi in kooxo hubeysan ay galeen. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dib u soo cusboonaatay burcad badeeda Soomaalida tan iyo bishii November. Labo markab oo ganacsi oo kala ah MV Ruen iyo MV Abdulla ayaa la afduubay tan iyo bishii December, iyadoo midkii hore ay soo badbaadiyeen ciidamada badda Hindiya ka dib muddo saddex bilood ah oo ay afduub ku haysteen, kan dambena la sii daayay ka dib markii la sheegay in laga qaatay madaxfurasho. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay ka hortagay weerar kooxda Al Shabaab ay kusoo qaaday degmada Bardaale sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga, ciidanka ayaa ku guuleystay fashilinta weerarka. Kooxda ayaa dooneysay in ay gacanta ku dhigta degmada balse ciidanka ammaanka oo haayay xogta kooxda waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah dableydii soo weerartay degmada halka kuwo kalena la dilay. Xaaladda degmada Bardaale ayaa hadda degan iyadoo ciidanka ammaanka ay ku jiraan heegan ku aadan sidii looga hortagi lahaa haddii kooxdaasi soo rogaal celiso. Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo howlgalkaan kasoo gaaray ciidanka Amniga ee ka howlgalla degmada Berdaale. Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaadda saldhigyada ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
The Labor Force Participation Rate (LFPR), as defined by the Somalia National Bureau of Statistics, quantifies the fraction of a nation's working-age populace, typically defined as individuals aged 15 years and above, who are actively involved in the labor market. This involvement encompasses both individuals currently employed and those actively seeking employment (i.e., the unemployed yet available for work). Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON (HOL) — Kenyan President William Ruto has raised alarms about the potential rise in terrorism following the withdrawal of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). During his state visit to the United States, Ruto urged American intervention to prevent security deterioration in the region. Source: Hiiraan Online
-
Tens of thousands of students in Somalia's central Hiran region have been forced to stay out of schools after heavy rains flooded the institutions. Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has won over key federal state leaders to amend the first four chapters of the constitution, part of the promise he made when he came to power two years ago. Source: Hiiraan Online
-
Kaxda is a post-1990 district in Mogadishu near semi-rural fiefdoms. Mogadishu (PP News Desk) — Since 1991 Mogadishu has undergone a phenomenal expansion partly because of demographic transformation that makes the capital city a choice for relocation for people living in other regions. The transformation took an uneven path ranging from an increased number of districts to the haphazard and belated planning permissions for areas that newcomers had settled after 1990. Areas that were known as zone militari (military zones) near the industrial road (Jidka Warshadaha) have become residential areas made up of Hawl Wadaag, Hodan and Wardhiigley, but not divided by the roads that define district jurisdictions. In post-1991 areas like Kaxda, a new district, property and land ownership disputes occupy most of the local civil courts’ time. A teacher who bought a plot of land in Kaxda had found out that sellers hoodwinked him into believing that the ownership deed (atto di proprietà) was authentic. After one month, owners of the plot of the land came to the teacher who was building a fence around the plot of land and asked him how he had acquired the plot of land. “I showed them the documents for selling the plot of land to me, the details of sellers and and notary public that certified the sale of the house before the district court registered the transaction” the teacher said. The men who claimed to have owned the plot of land used a fake ownership deed issued at Abdalla Shideeye forgery bazaar in Bakara Market. Other potential property and land disputes that may overwhelm Mogadishu’s civil courts include the semi-rural fiefdoms (goofaf) whose owners had been granted planning permission to be able to sell plots of land to buyers who find it difficult to persuade former owners to vacate the plots of land they had sold. © Puntland Post, 2024 The post Property and Land Ownership Disputes on the Rise in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaglladii ugu dembeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta. Afhayeenka ayaa faahfaahintiisa ku bilaabay howlgal ciidanka Danab ay ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale duqeymo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxda loogu geystay howdka Ruun-nirgood. Sidoo kale Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labo sarkaal iyo afar maleeshiyaad ah saacadihii lasoo dhaafay kooxda looga dilay howlgal ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose. Ciidanka guutada 77 ee ku sugan deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayuu sheegay afhayeenku inay gacanta ku dhigeen gaari Leylo ah oo hub iyo saanad kale u siday kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka xoogga dalka ayaa cagta mariyey fariisin ay Khawaarijtu ku laheyd deegaan lagu magacaabo Dhagaxyaale oo dhinaca galbeed ka xiga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Qaranka. Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal kale oo ka dhacay deegaan u dhow magaalada Golweyn ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjooge Cabdulqaadir Eenow, kaas oo aad u dhibay dadka deegaanadaas ku nool, ninkaas ayaa la dilay xilli uu xoog xoolo baad ah uga aruurinaayey shacabka. “Duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Xeyle ee degmada Ruunirgood hoos taga ayaa lagu gubay gaari Booyad ah, iyadoo halkaas lagu dilay maleeshiyaadkii watay gaarigaas, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Baraag Sheekh-caamir oo u dhow degmada Galcad ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah iyo dhagarqabayaashii watay,” ayuu yiri Sheekh Abuukar. Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyey magacyada xubno badan oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo goostay kooxda AL-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo war culus kasoo saartay dagaalka Al-Shabaab iyo xogta howlgallo dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Air Traffic Control (ATC) is a task that has to be taken very seriously to avoid disaster. Small mistakes can claim hundreds of lives in an instant, so to say it’s a stressful job is an understatement. Somalia’s air traffic controllers have been operating under even higher stress of late, thanks to fake air traffic controllers trying to sow discord in the troubled nation. Source: Hiiraan Online
-
A nonprofit created 25 years ago to help Somali refugees and immigrants get on their feet received over $1 million overseeing other nonprofits that claimed to give out free food to children during the pandemic, according to evidence presented Wednesday in the federal Feeding Our Future trial. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) — The European Union's anti-piracy force, Operation Atalanta, is responding to a reported attack on the Liberian-flagged merchant vessel Basilisk off the coast of Somalia. The incident highlights the resurgence of piracy in the region, which had been dormant until late last year. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Dr. Ali Saeed Faqi, former speaker of the South West administration parliament and now a member of Somalia's lower house of parliament, expressed concerns over reports that the Somali government is urging Fawzia H. Adam to withdraw her candidacy for the African Union Commission chairmanship. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale liiska dadka lagu soo rogay cuna-qabateynta ku daray saddex hoggaamiye oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan. Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maal-gelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab Bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cuna-qabateynta ee hoos yimaada qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713. “Al-Shabaab waa argagixiso rabshado badan oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka QM. Horjoogayaashan ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo weliba cuna-qabateyn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda. Tallaabbadan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qeybo kamid ah dalka ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee hubeysan, ayada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka. The post Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn cusub kusoo rogay madax Shabaab ah + Magacyada appeared first on Caasimada Online.