-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo qeyb-galay Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo soconaya muddo labo maalmood ah. Shirkaan waxaa sidoo kale ka qayb-galaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, danjireyaal, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka. Shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa habraacyada looga loo marayo la jaanqaadida ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga Afrika, ayadoo diiradda la saarayo dhinacyada muhiimka u ah Soomaaliya ee ay is dhexgalka ururkaas uga faa’iidaysan karto. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore kulan muhiim oo ku saabsan tubta wada shaqaynta iyo shax howleedka Soomaaliya ay ururka kula jaanqaadayso lagu qabtay magaalada Nairobi. Source: goobjoog.com
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maanta oo Isniin ah shir albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Maanta oo ku beegan 24 June 2024 uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey shir ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka uu warbixin ka jeedin doono Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya Isniin taarikhda 24ka Juun saacadu markay tahay 5:00 galabnimo xiliga magaalada Muqdisho. Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka mid noqon doona dadka warbixinta ka jeedin doona” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 53 sanadood ah waxa dhawaan loo doortay in ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gelinka dambe ka shiraya xaaladaha dalka Soomaaliya. Kulankaan oo lagu gorfeyn doono xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dhacaya shanta galabnimo xilliga Soomaaliya waxaana lagu wadaa in uu halkaa hadal ka jeediyo ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.Sidoo kale mas’uuliyiin kale ayaa lagu wadaa in ay halkaa ka hadlaan. Si qoto dheer looma faahfaahin qodobbada sida gaarka ah looga hadli doono shirka, hase-yeeshee waxaan la fahamsanyahay in xaaladaha guud ee dalku marayo lagu soo qaadi doono kulanka. Qaran News
-
Mudaaharaadyo la filayo in ay ka dhacaan Kenya Mudaaharaadyo kale ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacaan dalka Kenya, kuwaas oo looga soo horjeedo canshuur kordhinta. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho dibadbaxayaasha. Dhallinyarada waddooyinka dibadbaxaysa marka lag ayimaado, badan oo Kenyan ah oo dabaqadda dhexe ah ayaa sidoo kale ka walaacsan tallaabooyinka ay dowladdu ku kordhineyso canshuuraha. Qaran News
-
Dowladda Sucuudiga wasaaraddeeda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday tiradadadka sanadkaan 2024 ku geeriyooday Xajka, xilli sanadkaan Maka uu ka jiray Kuleel saa’id ah marka loo eego sanadkii 2023 xilliga Xagaaga, dhimashada ayaa dhaaftay 1,000 ruux. Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay ilaa (1,301) qof ay ku dhinteen xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran. wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerka kulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da’ ah oo xanuunsan waxaana inta badan ku dhagay naqaska oo dhimasho sababtay. Wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bulshada dowladda Sucuudiga Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad nus malyuun xujey ah. Wasiirka ayaa hadalkiisa ugu duceeyay dadkii ku geeriyooday Xajka “Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlay arrinta ku saabsan geerida xujeyda. Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof. Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen, xilli Soomaaliya dadka sanadkaan ka dhintay ay gaarayaan 6 ruux, inta lagu guda jiray gudashada waajibaadka xajka 1445 sanadkaan. Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa Sabtidii shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad, waxaana lagu soo oogay in ay dayaceen badqabka ilaalada Xujeyda reer Masar ee sanadkaan tagay. Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka, maadaama ay jireen kuleel daran majirin digniino ay siiyeen marka laga reebo tan ka timid Sucuudiga. Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi, sababo la xiriira geerida in in ka badan 200 oo dalkaas u dhalatay taas oo aan mas’uul uu ka ahaa wasiirka oo gabay shaqadii uu dowladda u hayay. Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan 2024 kuna beegan 1445 Hijriya, xilli la warinayo in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badanaa muddo, waxaana loo aaneynayaa kulka saa’idka ah ee ka jiray Xajka marka la eego sida ay wararku ay tibaaxayaan. Source: goobjoog.com
-
VID-20240624-WA0001 448594613_1184140492598234_8174148944583178726_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, taas oo ku aadan roob xoogan oo la saadaalinayo in saacadaha soo socda uu ka da’o degmooyinka gobolka Banaadir. Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in saadaasha ay muujineyso halis ka dhalan karta roobkaas, ayna ka digayaan. Saalax ayaa ugu baaqay bulshada degan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool guryaha qadiimiga ah inay ka taxadaraan roobabkaasi. “Digniin, waxaa bulshada ku nool Gobolka Banaadir looga digayaa inay ka feejignaadaan, isla markaana ay ka taxadaraan sadaasha laga bixinayo roob xoogan oo saacadaha soo socda kusoo food leh magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa si gaar ah loogu digayaa dadka deggan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool hareeraha guryaha burbursan”. Dhinaca kale afhayeenka ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dhaliyay dhimasho, dhaawac iyo burubur. “Waxaa ku dumay 11 guri, waxaa ku geeriyooday canug yar ayada oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray hal qof” ayuu mar kale yiri afhayeenka gobolka. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in waddooyin badan ay burbureen, sidoo kalena qaarkood ay biyaha xireen, isla markaana uu hakad galay isku socodka gaadiidka. The post Digniin culus oo ku socota shacabka MUQDISHO oo la soo saaray kadib markii ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meherad ku taalla degaanka Laag ee gobolka Bari. Warbixin uu soo saaray Taliska qeybta Booliska Puntland ayuu ku sheegay in qaraxaasi laga soo saaray mid kamid ah meheradaha ku yaalla degaanka Laag ee ka tirsan degmada Boosaaso ee gobolka Bari. “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta Gobolka Bari ayaa fashiliyey Qarax lugu aasay mid ka mida meheradaha Kuyaal deegaanka Laag ee hoostagta magaalada Boosaaso” ayaa lagu yiri warbixinta Booliska. Taliyaha qybta Gobolka Bari ayay warbixintu ka soo xigatay in Ciidanka Booliska ay shaqo adag qabteen xaqiijinta amniga gobolka islamarkaana waqti walba ay ku bixin donaan Sidii oooga hortagi lahaa dhagarta Nabaddiidka. PUNTLAND POST The post Puntland: Booliska oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay goob meherad ah appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal beeleed xooggan ayaa maalintii labaad ka socda galbeedka gobolka Mudug gaar ahaanna degaanka lagu magacaabo Jiicboor. Dagaalka oo shalay bilowday ayaa u dhexeeya laba maleeshiyaad beelood oo ka soo kala jeeda degaannada Bandiiradley iyo Galdogob ee gobolka Mudug. Ugu yaraan 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen sida ay wararku sheegayaan. Sidoo kale waxa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beelood taasi oo ay wadaan waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan oo labada dhinac ah. Dhinaca kale guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac. Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed maalintii labaad ka socda galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
In the recent allegations made by Hon Fawsia Yusuf Adam about her candidacy to the African Union Chairwoman or leader - who stated that the Somali Government's leadership requested she pull out of the contest in favour of the Djibouti candidacy even after she received verbal and formal assurances from the Somali President Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
-
In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka. Bayaan aroornimadi hore ee saaka kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska. Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah. Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo askar boolis ah iyo dad rayid ah ku dilay dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Somali forces capture Yemeni Al-Shabaab leader in Galgaduud
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusamareb (HOL) —The Somali National Army (SNA) and local forces in the El-dher district of the Galgaduud region have captured a foreign national believed to be an Al-Shabaab operative. The suspect, identified as a Yemeni national, was apprehended while attempting to flee by boat from the Mareeg beaches area. This arrest marks a significant victory in the ongoing efforts to dismantle Al-Shabaab's presence in central Somalia. Source: Hiiraan Online -
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka. Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland. Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi. Qorshaha ciidamada ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta wajiga labaad ee dagaalka oo haatan ka billowday Jubbaland, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Shalay sidaan oo kale waxaa dowladda dhexe ay laba diyaaradood oo siday ciidamo uga dajisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo iyagana amniga degmadaas kala wareegaya ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo inay isaga baxaan halkaasi. Wasiirka amniha gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dhowaan hadal jeediyay ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose. Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Daawo: DF oo ciidamo ka dajisay Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS Mudane 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 ayaa daahfuray Kulan ku saabsan Aqoon isweydaarsi iyo sameynta Guddi Hawleedka Isku-dubbaridka Dambiyada laxariira Duurjoogta iyo guud ahaan deegaanka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS. Kulankan ayaa Hadafkiisu ahaa in laga doodo ka ganacsiga sharcidarada ah ee ka dhanka ah Duurjoogta islamakaana looga wada shaqayn lahaa ka hortaga dambiyada, sidoo kalana u wada shaqeen lahaayeen hay’adaha ay quseyso arintaani iyada oo la wadaagayo macluumaadka, samaynta hawlgalada tahriibinta sharci darada ah ee duurjoogta ku nool bad iyo beri iyo dedejinta dacwadaha loogu talagalay la dagaalanka dambiyada duurjoogta ah ee Soomaaliya. Gabagabadii Kulankan oo uu soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilad Mudane 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 ayaa laysku waafaqy dhaqan galinta Gudiga qaran oo ka shaqeeya Isku-dubbaridka Dembiyada Duur-joogta oo ka kooban hey’adaha kala duwan ee dowlada ee heer qaran iyo heer Dowlad goboleed si loo bad baadiyo kheyraadka dabiiciga ah oo ay Duur joogtu kamid tahay. Source: goobjoog.com
-
Djibouti (HOL) — Djibouti authorities are voicing strong dissatisfaction with their port's ranking in the Container Port Performance Index (CPPI) 2023, which placed it at 379th out of 405 global ports, raising concerns about the factors influencing its standing. Source: Hiiraan Online
-
Saddex qof ayaa xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Dilla ee gobalka Awdal Somaliland. Shilka ayaa dhacay Kaddib markii ay isku dhaceen gaari Fitsa ah iyo Bajaaj marayay meel udhow saldhigga degmada. Saddexda qof ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen mootada. Saacadahii la soo dhaafay Somaliland dad tiradoodu gaarayso 6 qof ayaa u geeriyooday Shil baabuuur. Maamulada Isbitaallada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Isbitaallada la keenay dhaawacyo badan kuwaasoo ka dhashay shilal ka dhacay gudaha Somaliland. Shilalka gawaarida ee ka dhacaya Somaliland ayaa kordhay billihii lasoo dhaafay. waxaa loo sababayay waddo xumo iyo dhalinyarada oo gawaarida ku wadda xawaare sare. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali government announced a new military operation to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which will withdraw by the end of this year. National Security Adviser Hussein Sheikh-Ali disclosed that a contingent of 12,000 troops from various African countries will temporarily take over the responsibilities of ATMIS. Source: Hiiraan Online
-
Geologist Abbas Sharaky estimated earlier this week that the middle wall of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) would be raised from 625 meters to 640 meters, and that the maximum quantity of the fifth filling would be 23 billion cubic meters upping the total in the reservoir to 64 billion cubic meters from 41 billion cubic meters. Source: Hiiraan Online
-
Niclas Fullkrug's late goal helped hosts Germany tie Switzerland 1-1 on Sunday and advance to the Euro 2024 round of 16 top as Group A winners. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Puntland ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo indhowaanahan ciidamada ammaanka ay ka wadeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana taliska uu shaaciyay natiijada laga gaaray. Afhayeenka Booliska Puntland Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana ay ka gaareen guullo waa wayn. Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi ayaa xusay in lagu guulaystay in ammaanka Garoowe uu ku soo laabto sidii looga bartay, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalladooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgallada inta ay socdeen ay gacanta ku soo dhiigeen kooxo cabtooy ah, kuwa dhac u geysan jiray gaadiidka iyo shaqsiyaad watey hub sharci darro ah, wuxuuna tilmaamay in dhammaantood lala tiigsan doono sharciga. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaq u diray shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Garoowe, wuxuuna ka codsaday inay ka gacan siiyaan amniga guud. “Nolosha fureheedu waa in ammaan la helo, lama soo ganacsan karo, cid lama soo booqan karo waxkalena lama qabasan karo haddaan nabad lahelin, cidkasta oo dalkaan lexejeclo ka haysaana waa inuu la shaqeeyaa ciidanka”, ayuu yiri Afhayeenka boooliska Puntland. Howlgalladan ayaa si wayn looga dareemay Garoowe, waxaana aad usoo dhaweeyay bulshada deegaanka oo u mahadceliyay ciidamada amniga iyo saraakiisha horkaceysa. Garoowe oo caasimad u ah Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana howlgallo joogta ah ka sameeya ciidamada ammaanka ee Puntland The post PUNTLAND oo shaacisay natiijada howlgaladii Garowe appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland. Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda. Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha. Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa gool ilaaliye ka tirsan kooxda heerka kowaad ee wasaaradda maaliyada ee jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Guddoomiyaha Kooxda uu ka tirsanaa Boqole, Kamaal Maxamed Yuusuf oo BBCda la hadlay isagoo safar u sii ah halkii shilku ka dhacay ayaa xusay in ciyaaryahan Cabdishakuur geeriduusu ay si weyn u taabatay dhammaan bahda ciyaaraha gaar kooxdiisa. “Wuxuu kooxda u ahaa lafdhabar, waxaana geeriduusu nagu noqotay mid naxdin leh, runtii aniga iyo kooxda inteeda kalaba way na taabay waxaase la dhaafayn qadarta” ayuu yiri Kamaal. Boqole iyo booskii uu ugu jiray ciyaaraha kubada cagta Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi, oo yaraantii ay garoomo ku yaalla magaalada Burco ka wada ciyaari jireen kubada Allaha u raxmadee Cabdishakuur Boqole, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qof lahaa hibo hibo gooniya oo kubada cagta. “Cabdishakuur, wuxuu ahaa dhalinyaradii ciyaaryahannadii hayaanka kubadda cagta ka soo bilaabay magaalada Burco, waxaan xasuusta inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtay garoonka Alamze Studium ee Burco.”ayuu yiri Maxamed. Axmed Maxamed Iidaan, waa tababaraha allah u raxmadee Cabdishakuur Maxamed Boqole, wuxuu BBCda u sheegay in kooxdiisu wayday halbowlihii isku hayey kooxda. “Aniga naftay sida geeridiisu ii taaman horre iima taaban, qofksta oo bahda ciyaarahana waa mid taabatay, anigoo macallinkiisaa maalintii waxaan is maqli jirnay muddo badan anagoo ka wada hadli jirnay kooxda iyo nolosha adduunka ee kale” ayuu yiri. Tababare Iidaan ayaa intaa ku daray in gool ilaaliye Boqole uu ku suntanaa qof jecel isku haynta dhalinyarada “ Kooxkasta wuxuu la ahaa saaxiib xitaa kuwa ay xifaaltamayaan ee ay ku tartagamayaan koobabka” “Runtii waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qof xirfadiisa kubada cagtu ay dhaxalsiisay inuu qofkasta jeclaado, shaqsiyadiisa ayaa ahayd mid macaan oo dad isku wad leh” ayuu yiri Tababare Iidaan. Isagoo ka hadlayey doorkiisii kooxda iyo guulaha uu la gaaray ayuu xusay inuu boos muhima u yahay kooxda. Boqole, ayaa kooxda wasaaraddda Maaliyada ee Somalilnad ku soo biiray saddex sano ka hor isago la qaaday koobka horyaalka caasimada oo ay tobban kooxood oo heerka kowaada wada ciyaarayeen xilli ciyaareedka 2023/2024 oo ay ku guulaysteen. Ciyaaraha gobolada Somaliland, Cabdishakuur Boqole, wuxuu u saftay gobolka Howd oo ka mida gobolada ku caana kubadda cagta ee Soomaaliland. Boqole, ayaa ka soo ciyaaray Muqdisho, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida isagoo sidoo kale gudaha Soomaliland ka ciyaaraha kooxaha, dowladda hoose ee Hargaysa , asluubta, iyo kooxda duulista hawada. Kumu ahaa Cabdishakuur Maxamed Axmed ‘Boqole’ Cabdishakuur Maxamed Axmed oo loo yaqaaney Boqole, waxaa uu deegaanka Yaroowe oo u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer ku dhashay dhammaadka bishii afaradad sanadkii 1996-dii, sida ay BBCda u sheegtay walaashiis Bilan Maxamed Axmed. Marxuunka ayaa ifka ugu tagay saddex carruura, wiil iyo laba gabdhood. Sida ay noo sheegay maamulka kooxdii uu ka tirsanaa waxaa maalinta bari lagu wadaa in lagu aaso marxuunka magaalada Burco ee gobolka togdheer. Ka sokow inuu ahaa gool ilaaliye, wuxuu sidoo kale lahaa xirfada dhiggida garoomada rooga cagaaran ee macmalka kaas oo sidoo kale caan kaga ahaa Somaliland. Howshii ugu danbaysay ee dhigida rooga cagaaran ayuu shaqadeeda soo dhammeeyey degaanka wadaamo go oo u dhow Caynaba sida uu BBCda u sheegay tababe Iidaan. Iidaan, wuxuu kale oo sheegay in allaha u raxmadee Boqole, uu aha darawal xirfadaas sidoo kale ku shaqeeya oo kaxeeya gawaarida. Isha: BBC The post Cabdishakuur BOQOLE: Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.