Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cape Town - The Delft Community Policing Forum (CPF) said it has become difficult to police shootings at informal shops. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Wednesday launched consultations on the new National Transformation Plan (NTP), a new strategy aimed at improving governance in the country. Source: Hiiraan Online
  3. Former Halifax Wanderers midfielder Mohamed Omar now plies his trade in the USL Championship with San Antonio, but some of his upcoming games could see him feature on the national stage in Africa. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul ayaa ka hadlay muranka ka dhashay aqoonsiga degmada Daarusalaam, saddexda degmo ee ku soo biirtay caasimadda iyo degmooyin kale oo hadda uu codsaday in lagu soo daro Muqdisho. Nabadoon Abaabul ayaa ugu horeyn bulshada caasimadda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qoqob bulsho, isagoo maamulka iyo hey’adaha amniga ku bogaadiyey sida ay u uga hortageen dadkii isku dayey inay xasaradda abuuraan. Nabadoonka oo aad u soo dhoweeyey aqoonsiga ay dowladdu siisay degmooyinka Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ku jirto xaalad ciriiri ah. Cabdulqaadir Abaabul oo ku hadlay afka golaha uu hoggaamiyo ee badbaado bulsho ayaa dalbaday in Muqdisho lagu soo daro degmooyinka Afgooye, Balcad, Warsheekh iyo deegaanka Jazeera. “Muqdisho way soo yaraatay, waxaana codsanaa in Jasiira, Afgooye, Balcad iyo Warsheekh lagu soo daro Muqdisho,3-da degmo ee cusubna waan soo dhaweynayaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Cabdulqaadir Abaabul. Wuxuu sheegay in bulshada caasimadda afkeeda uu ku hadlayo, isagoo baarlamaanka dalka ugu baaqay inay qorshe gaar ah ka yeeshaan sidii loo fidi lahaa caasimadda Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in lagu soo daro degmooyinka daafaha ka xiga. Nabadoon Abaabul ayaa ku eedeeyey Suldaan Hooley inuu dab ku sii shidayo xiisadda ka taagan degmada Daarusalaam, isagoo sheegay in hadda xaaladu ay soo hagaageyso oo wadahadallo loo furay dhinacyada is haya, si loo kala saaro bulshada. “Hadii Hooley dhaho degmada reer Hebel ayaa leh oo ana ka daba dhaho oo waayeelkii talada goyn lahaa uu beelaha kala hoggaamiyo waxa laga faa’iidaayo oo kala qeybsanaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul. Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho oo hadalkiisa sii watay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkii Suldaan Hooley, “Dadkaas ha fariisteen talo haka gaareen waxa dhex maray iyo sidey u wada noolaanayaan, qofkii uga dareysa xaaladda haka leexdo,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Nabadoon Abaabul oo war ka soo saaray xiisada Daarusalaam, kuna taliyey in Muqdisho… appeared first on Caasimada Online.
  5. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareyn Soomaalinimada. “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaagga dadkeena Soomaaliyeed-na horay ayaanu u sii wadaynaa,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay sida xukuumadiisu ay diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isagoo balan qaaday inay la fariisa doonaan cid kasta oo Soomaaliuyeed oo wada xaajood diyaar u ah. “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadalkaan ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garowe. Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka inay sharciga dhowraan, isagoo ku baaqay in la wadahadlo, si gaar ah wuxuu u duray qorshaha dowladda federaalka iyo maamullada kale ay isla qaateen ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka. Puntland oo si adag uga soo hor jeeda qorshaha socda ee wax ka bedelka dastuurka, sidoo kale khilaaf guud uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka ayaa muujineysa adkeysi iyo inay ka maarmeyso la falgelidda dowladda dhexe, taas caqabad weyn ku ah dowlad dhiska dalkaan. Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo isku garab siiyey doorashadii kursiga madaxweynaha qaranka ayaa kala booday markii xasan Sheekh uu Ra’iisul wasaarihiisa u xushay Xamza Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubbaland. Deni ayaa rabay in kursiga Ra’iisul Wasaaraha la siiyo isaga ama siyaasi uu qato, balse ma noqon, wuxuuna arrintaas kula dagaalay saaxiibkiis Xasan Sheekh oo shalay ay Farmaajo isugu tageen, markii dib loo xusuusto loolankii doorashada ee May 2022. Hoos ka daawo The post Daawo: Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wada-jirka iyo Soomaalinimada appeared first on Caasimada Online.
  6. Waxaa caawo Magaalada Muqdisho, Gaar ahaan Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan lagu dilay xildhibaan lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dowlad gobolleedka koofur galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaanka, asagoo ku eedayay kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada koofur galbeed. War ay soo saartay dowlad gobolleedka KGS ayaa lagu “Inalilaahi wainna ileeyhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska Dowladnimada iyo Dib u heshiisinta Bulshada, Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”. Si kastaba ha ahaatee sida uu dilku u dhacay ayaan illaa hadda faahfaahin laga bixin, balse koofur galbeed waxay ku eedaysay kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
  7. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qeybgalay shir looga hadlaayay Arrimaha dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha muhaajiriinta ah ee u dhexeeya wadamada Afrika iyo Carabta. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada gobol iyo xoojinta wdashaqeynta ka dhexeysa, sida xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo qoritaanka shaqaalaha ee dalalka Afrika. Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaan, isagoo bogaadiyay dowlada Qatar maadama ay martigelisey shirkan, sido kale wasiirka ayaa muujiyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed Ee ka shaqeeya dalalka carabta. Ugu dameyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshey wasiiradda dhiggisa ah oo ka socday dalalka Carabta iyo wadamada Afrika inta uu socdey shirkaan. Source: goobjoog.com
  8. London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ku dhowaaqay in waddankaas ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka guud 4-ta bisha July ee soo soocta, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka Associated Press iyo warbaahinta UK. Rishi Sunak ayaa hadalkan maanta kaga dhowaaqay afaafka hore ee aqalka looga taliyo dalkaasi ee 10 Downing Street. Sunak ayaa sheegay inuu go’aankan kala hadlay boqorka dalkaais, Charles, uuna ka codsaday in la kala diro baarlamaanka. Kala-dirista baarlamaanka ayaa ka dhigan in dalkaasi toos u aadiyo olole doorasho oo ku soo afjarmaya maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan Khamiis, 4-ta July. Ra’iisul Wasaaraha waddankaasi ayaa in muddo ah cadaadis uu uga imanayey hoggaanka xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ugu baaqayey inuu muddeeyo xilliga doorashada. Xisbiga bidixda xiga ee Shaqalaha oo uu hoggaamiyo Keir Starmer ayaa saadaasha laga qaaday afkaarta dadweynaha ay muujinaysaa inuu ka horreeyo xibsiga midigta ee uu Sunak hoggaamiyo ee (Conservative). Wakaaladda wararka AP ayaa qortay in xisbiga Conservative uu dalkaasi kasoo talinayey muddo 14 sano ah. Hoggaamiyahasha Conservative ee muddadaas soo maray UK ayey ka mid yihiin David Cameron, Boris Johnson, Theresa May, Liz Truss, iyo Rishi Sunak oo xilligan talada haya. Dadweynaha UK ayaa u codeeya axsaabta, iyadoo xibsiga ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka uu soo dhisayo dawladda soo socota. VOA The post Ra’iisul Wasaaraha UK oo ku dhawaaqay doorasho deg deg ah oo la soo hormariyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeer ku tagey Jaamacadda Ummadda faraceeda degmada Caabudwaaq iyo xarunta Agoonta Taakulo, isaga oo sidoo kale la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaas. Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo ardayda Jaamacadda Ummadda, dadaallkooda ku qotoma aqoonta iyo waxbaridda bulshada deegaanka, si jahliga looga baxo, Wasiirka Amniga, ayaa sheegay in aqoontu ay aasaas u tahay nabadda iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay aqoonyahanka in ay xoojiyaan kaalintooda muhiimka ah, si ay horseed ugu noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo kormeer ku tagey xarunta Agoonta degmada Caabudwaaq, ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay maamulka xarunta gacanta ku haya, isaga oo ku ammaanay sida ay mudnaanta u siinayaan aqoonta iyo waxbaridda ubadka, taas oo sii xoojinaysa nabadda iyo horumarka deegaanka. Dhanka kale, Wasiir Fartaag ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmada, waxana uu kala hadlay doorkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida degmada Caabudwaaq, waxuuna oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalintooda nabadeynta. Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Saraakiil kale. Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii Al Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada yar ay kaga joogaan Dowaladda Hirshabeelle. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha la wadaagay sida loo soo af-jarayo iyo diyaar-garoowga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. “Ugu horreyn Wasiirka, Taliyaha iyo Saraakiisha kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammeystirka dagaalka Khawaarijta iyo dadaalka ay ku bixinayaan sidii loo soo af-jari lahaa iyagoo gacan ka helayo ciidamada deegaanka.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u rajeeyay guul naftood-hurayaasha ku howlan sidii dalka looga xorreyn lahaa Shabaab. Source: goobjoog.com
  11. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa guddoomiyay Xeritaanka Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaa soo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka. Shirkan oo socday mudo sadex casho ah ka Socday magaalada Nairobi ayaa lasoo gebo-gabeeyay iyadoo ay goobjoog yihiin Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu. Sadexda Dal ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho sare u qaadidda amniga iyo Caafimaadka Gobolka, iyadoo la Mideynayo dadaalada wadajirka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee ku Qotoma hirgalinta Caafimaadka Mideysan. Munaasabada Xeritaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed Cumar Nuur iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha & Deegaanka. Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in si wada-jir ah looga hortago Cudurada faafa ee xuduudaha sida sahlan isaga gudba iyadoo la hirgaliyo Caafimaad Mideysan, iyadoo Dhanka Soomaaliya ay Balan-qaaday dar-dar gelinta adeegyada aasaasiga u ah hirgalinta Qodobada ku Xusan War Murtiyeedka ay sida wada jirka ah usoo saareen Dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka. Source: goobjoog.com
  12. Maamulka Israa’iil oo ka falcelinaya tillaabadii ay Norway, Ireland iyo Spain sida rasmiga ah ugu aqoonsadeen dowladda Falastiin ayaa degdeg ugu yeertay ergadeeda Ireland iyo Norway u fadhisay si ay la tashi degdeg ah ula yeeshaan. “Maanta waxaan fariin adag u dirayaa Ireland iyo Norway,Israa’iil kama gudbi doonto arrintan aamusnaanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz, Wuxuuna ku hanjabay in sidoo kale ay kala soo bixi doonnaan safiirkooda dalka Spain. wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa asna sheegay in uu joojin doono u wareejinta lacagaha canshuurta maamulka Falastiiniyiinta oo ay Israa’iil ka aruursato Daanta Galbeed, taasoo sida waafaqsan sharciga caalamiga ah looga baahan yahay in ay ku wareejiso maamulka falastiiniyiinta ee Maxamuud cabaas hoggaamiyo. Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhowaaqay in dalal badan oo dunida, gaar ahaan Yurub ka tirsani ay si cad uga fiirsanayaan in Falastiin loo aqoonsado dowlad. Dalalka Slovenia, Malta iyo Belgium ayaana la filayaa inay todobaadyada soo socda si rasmi ah u aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, waxaana hadda si buuxda u aqoonsan 9 dal oo Yurub ka tirsan Qaraar ay dhowaan golaha guud ee Qaramada Midoobay ka doodeen oo ku saabsanaa in Falastiin ay golaha xubin buuxda ka noqato ayaa waxaa oggolaaday 143 ka mid ah 193-ka xubnood ee uu Goluhu ka koobanyahay, inta badan Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya ayaana aqoonsan dawladnimada Falastiin. Dalalka sanadkan aqoonsaday Falastiin ayaa kala ah Bahamas, Trinidad iyo Tobago, Jamaica , Barbados, iyo 3-da dal ee hadda aqoonsaday. Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta ka hadlay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyey madaxda dawlad goboleedyada koonfurta in ay doonayaan waqti kororsi ay xafiiska ku sii joogaan, kaas oo ay kala shaqaynayso dawladda federaalka Soomaaliya. “State- hebel markaan doorasho ma galayee hal sano ayaan siiyey, labo sano ayaan siiyey, saan ayaan yeellayaa, waxay la micno tahay, sharciyadda oo burburtay oo dadkiina iska daawanayaan” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa mar uu ka hadlayey arimaha siyaasadda Soomaaliya waxaa uu sheegay inaan xoog laysku muquunin karin taas badalkeeda Puntland ay diyaar u tahay garnaqsi iyo in ay cadayso waxa ay diidan tahay. “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” Madaxweynaha ayaa ku sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey xiritaankii shirka jiheynta xukuumadda fowladda Puntland. “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Alle idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Puntland. Puntland ayaa ka qaybgalin shirarka golaha wadatashiga qaran, waxayna sheegtay inay diidan tahay wax ka badelka dastuurka iyo siyaasadda dawladda federaalka Soomaaliya, iyadoo madaxda dawladda federaalka ay ku celcelinayaan inaan loo joojinayn taas oo sii xoojisay khilaafka labada dhinac. Hoos ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo madaxda dawlad goboleedyada ku eedeeyey in ay wadaan waqti kororsi appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov. Kulanka wasiirka iyo danjiraha ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta dadaallada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan gobolka. Mudane Jaamac ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka cirib-tiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya Safiirka Ruushka ayaa maalmihii dambe kulamo ka waday magaalada Muqdisho, wuxuuna Isniintii Madaxtooyadda Qaranka ee Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Safiirka ayaa markaas sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka argagixisada. Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal. The post Xogta kulan xarunta gaashaandhiga ku dhex-maray wasiirka difaaca iyo safiirka Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaran (NDP). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaasi oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Waxa uu xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, islamarkaana diiradda saaraya maal-gelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed. “Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.” Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taasi oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo. Soomaaliya ayuu tilmaamay ra’iisul wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika. Qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) ee ra’iisul wasaaruhu maanta daah-furay oo beddelaya qorshaha 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP) ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya. The post Sawirro: Qorshaha isbeddelka qaran ee 5-ta sano ee soo socota oo maanta la daah-furay appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga magaalada Muscat ee Dowldda Cumaan ayaa kulan miradhal ah la qaatay dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi. Masu’uuliyiinta labada dal ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee laba dowladood, iskaashi dhinaca Kalluumesiga ah, in laga wada shaqeeyo sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen fursadaha ganacsiga ee dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waaweyn ee Cumaan ay maalgashi ku sameeyaan Kalluumeysiga Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Wasiir Axmed Xassan Aadan aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey iyo sida wax ku oolka ah ee ay u wadaageen macluumaadka fursadaha Kalluumeysi iyo iskaashiga labada dowladood, waxaana uu la wadaagay sida ay xukuumad ahaan diyaarka ugu yihiin iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waa weyn ee dalkan ay maalgashi wax ku ool ah ku sameystaan Soomaaliya. Wasiir Mudane Axmed Xassan Aadan oo ka mahadcliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey ayaa sheegay dalkeennu uu furay albaabada Maalgashiga waxa uu si gaar ah uga hadlay dhinaca Kalluumeysiga isaga oo sheegay in jiraan sharciyo maxali ah oo la jaanqaadaya kuwa gobolka iyo caalamka kuwaas oo suuragal ka dhigaya in dalkeennu uu qaabilo maalgashadeyaal caalami ah si kor loogu qaado wax soosaarka Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka. Source: goobjoog.com
  17. Guddiga dab damiska iyo ka hortagga masiibooyinka ee magaalada Addis ababa ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba la xakameeyay dab ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Bole. Ngatu Mamo oo ah khabiirka xiriirka dadweynaha ee guddiga, gaar ahaan ayaa sheegay in dabka ay si buuxda gacanta ugu hayaan xirfadlayaasha guddiga, dab-damiska diyaaradaha iyo ciidamada kale ee ammaanku. Mr. Nigatu ayaa xaqiijiyay in wararka sheegaya in dabka uu ka kacay garoonka ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog, wuxuuna tilmaamay in shilkaasi uu geystay khasaare kooban oo soo gaaray mid ka mid ah gaadiidka dab damiska. Khabiirka ayaa sheegay in sababta keentay dabkan ay bulshada u soo bandhigi doonaan marka ay soo dhamaato howsha baaritaanku. Source: goobjoog.com
  18. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadad Alio ayaa soo xiray Shirwaynaha Qaran ee Dib-u-eegista Hirgalinta Ballanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Adduunka 2019. Wasiir Saadaad ayaa bogaadiyay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, isagoo sidoo kale ammaan usoo jeediyay madaxda iyo wakiillada ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir, SSC Khaatumo iyo martida kale sida ay talooyinka muhiimka ah ugu biiriyeen Shirka seddexda maalin ee uu socday. Ugu Dambayn, Munaasabadda Gabagabada kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaanno, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada. Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov. Duqa Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Ruushka booqashada uu ku yimid Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, Dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada shacab, iyo doorka Dowladda Ruushka ee garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Danjire Mikhail ayaa bogaadiyay horumarada ka socda Caasimadda Muqdisho, asigoona dhankiisa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonnaan arrimaha Bini’aadanimada, Horumarka Magaalada Muqdisho, Iskaashiga iyo isku xirka labada Caasimadood. Source: goobjoog.com
  20. Dublin (Caasimada Online) – Ireland, Spain iyo Norway ayaa Arbacada maanta ah ku dhowaaqay inay aqoonsanayaan Dowlad Falastiin laga billaabo 28-ka May, ayaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedka ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeerato safiiradeeda. Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin laga gaaro dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza. “Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigeena iyo sababaheena ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababtoo ah kullamaa aan badanno, waxaa sii kordhaysa awoodda aan u yeelaneyno in aan xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la-haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed,” ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay aqalka hoose ee dalka. Israel ayaa dagaalkeeda Gaza billowday iyadoo ka aargoosanaysa weerar 7-dii October ay Xamas ku qaadday oo ay ku dishay 1,200 oo qof ayna ku qafaasheen in ka badan 250 qof. Howlgallada Israel ay ka fulisay Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Spain iyo xulafadeeda ayaa muddo bilo ah ka ololeynayay wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin. “Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin. “Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas.” Waxa uu intaa ku daray in Ireland ay si aan mugdi ku jirin u aqoonsaneyso Israel iyo xaqa ay u leedahay “inay si ammaan ah oo nabad ah kula jirto deriskeeda,” wuxuuna ku baaqay in dhammaan la haystayaasha Gaza si deg deg ah loo soo celiyo. Magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed oo dhexmara Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay tahay “laba Dal oo isku dhinac yaalla oo ku wada nool nabad iyo amni”. Jawaabta Israel Isaga oo ka jawaabaya ku dhawaaqista, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz waxa uu amar ku bixiyay in si deg deg ah usooo laabtaan safiirada Israel u fadhiya saddexda waddan si ay wadatashi ula yeeshaan, waxa uuna ka digay “cawaaqib xun”. “Waxaan maanta dirayaa fariin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri. Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wadaxaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado. Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya. Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ah ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan. Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddooda ay tahay Bariga Qudus. Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada. Reuters + VOA The post Saddex dal oo Yurub ah oo maanta ku dhowaaqay in ay aqoonsadeen FALASTIIN appeared first on Caasimada Online.
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalad adag oo ka dhalatay fatahaad horleh oo uu sameeyay wabiga Shabelle ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka socdo barakac ay sameynayaan dadka deegaanka. Wabiga ayaa xalay ku fatahay xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi. Dadka deegaanka oo ay saameysay fatahaadan ayaa bilaabay barakac, waxaana intooda badan ay deegaansadeen dhulka taagga ah ee ka fog goobaha biyaha ay galeen. Barakacayaasha ayaan weli helin wax gurmad ah, mana jiro tallaabo ay illaa iyo hadda qaadeen madaxda gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan xaaladdaasi. Qaylo dhaanta shacabka ayaa durbo bilaabatay, waxayna baaq culus u direen dowladda federaalka, HirShabelle iyo hay’adaha ka shaqeeya samafalka. Fatahaadan oo horay looga digay ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn guud ku yeelato magaalada Beledweyne oo uu dhex maro wabiga Shabelle ee ka yimaada Itoobiya. Dowladda dhexe ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad. Si kastaba, marar badan ayay soo laa laabtay fatahaadda Beledweyne, mana muuqato qorshe cad oo wax looga qabanayo, marka laga tego gurmadka loo sameeyo shacabka. The post Sawirro: Xaalad aad u adag oo kasoo cusboonaatay Beledweyne kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhaqaalaha Itoobiya ayaa kor u kacay 7.9% sanad xisaabeedkan, sida uu sheegtay wasiirad Fitsum Assefa Dhaqaalaha Itoobiya ayaa kor u kacay 7.9% sanad xisaabeedkan, sida uu sheegay wasiir Fitsum Assefa Fitsum Assefa, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta (Sawirka: MoPD) Addis Ababa – Dhaqaalaha Itoobiya ayaa ku socda waddadii uu ku kobcin lahaa 7.9% sannad-maaliyadeedka hadda, sida uu sheegay wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Fitsum Assefa. Isagoo iftiimiyay horumarka qaranka intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay shalay, Fitsum ayaa soo bandhigtay guulo la taaban karo oo laga gaaray dhinacyada beeraha, warshadaha, iyo waaxda adeegga. Sida uu sheegay wasiirku, qaranku waxa uu kor u kacay wax-soo-saarka beeraha sagaalkii bilood ee u dambeeyay, iyadoo wax-soo-saar dheeraad ah laga helay 100 milyan oo quintal oo dalagyo waaweyn ah marka loo eego isla muddadaas sannad-maaliyadeedkii hore. Gaar ahaan beerashada sarreenka, Itoobiya waxay ku beeran jirtay sarreen afar milyan oo hektar oo dhul ah xilliyadii hore ee qalalan iyo belggu (yaryar). Baaxadda dhulka la beeranayo ayaa kor u kacday ilaa 6.5 milyan hektar sanad miisaaniyadeedkan, taas oo ay tilmaantay in uu keenay wax-soo-saarka in ka badan 80 milyan oo quintal oo sarreen ah. Intaa waxaa dheer, wax-soo-saarka bariiska ayaa arkay koror aad u weyn, oo kor uga kacay sideed milyan oo quintal isla muddadaas, sida uu sheegay wasiirku. Qaybta warshadaha ayaa sidoo kale muujisay horumar la taaban karo, sida ay muujisay Fitsum. Celceliska awoodda ka faa’iidaysiga warshadaha wax soo saarka ayaa kor u kacday 56% sanadkan, in ka yar 50% sannadkii hore, taas oo ay tidhi “waxay muujinaysaa dib u soo kabashada wax soo saarka warshadaha. Qaran News
  23. Bihi knows a new conflict in the North will postpone elections he believes to be a verdict on his conflict-prone leadership. Hargeisa (PP Editorial) — The President of Somaliland Administration, Muse Bihi Abdi, mobilised militias to attack positions of SSCK forces at Oog and Maygaagle. His goal is to use a renewed conflict as a pretext to stay in power in Hargeisa. The Somaliland administration cannot simultaneously prepare for elections in November and wage a war. Waging a war puts the electoral schedule on the back burner. A new conflict would be significantly more devastating than the six-month-long conflict on the outskirts of Laascaanood (February 6 – August 25, 2023). Bihi rebranded his forces in Togdheer, known by the acronym SSB, comprising clan militias. The defeat of Somaliland forces at Gooja’adde foxholes diminished Bihi’s chances of being re-elected. One year ago, in a brazen display of hubris, Bihi claimed, “I have the key to peace.” The man aiding Bihi in his quest to find a pretext to delay elections is Mohamed Kahin, his Interior Minister and a former colonel in the Somali Army before defecting to the Somali National Movement in the early 1980s. Yesterday, SAAB TV released a documentary detailing the impact of the Sool conflict on businesses and nomads. Many businesses in Burao have collapsed, including a popular restaurant that had been open for over 45 years. The new private hospital in Burao, established in August 2023, was severely affected by the war; residents from Puntland State of Somalia who used to seek medical care in Burao are now going to hospitals in other parts of Somalia or Ethiopia. A female trader who sells camels succinctly described how the conflict has affected businesses: “Prices for camels have skyrocketed; the muqmad (camel meat delicacy) I used to sell in Laascaanood is no longer in demand. I pray for peace.” A researcher in Burao informed SAAB TV that “all factories based in Burao have ceased production; their products were primarily marketed to Puntland and Galmudug.” In 2023, the President of Somaliland Administration Muse Bihi Abdi misrepresented the nature of the conflict in Laascaanood. He claimed his forces were fighting Al-Shabaab and caused the death of more than 1000 civilians and the displacement of more than 350,000 people in Laascaanood due to shelling by Somaliland forces. “We want peaceful co-existence. We did not attack territories of people loyal to Somaliland Administration, but we have the right to defend ourselves,” said Abdulkadir Aw Ali, the Leader of the Sool, Sanaag, Ceyn, and Khatumo Interim Administration, who was attending a conference in Rome. © Puntland Post, 2024 The post A war in the North Will Postpone November Elections and Keep Bihi in Somaliland Presidency appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo culus oo dad badan lagu soo qab-qabtay ka fuliyay maaalada Muqdisho, waxaana gacanta dowladda soo galay eedeysanayaal tiro badan. Dadka soo galay gacanta dowladda ayaa isugu jiro kuwa lagu soo qabtay dibad-bax rabshada watay oo ay ka dhigeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, wiil ku hanjabay inay sameynayaan ‘gagembi, oday wayn oo lagu magacaabo Mascuud Garwayne oo dhaliili jiray garsoorka dalka iyo gabdho iyo wiilal baraha bulshada ka bilaabay dagaal qabiileysan. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa la boggaadiyay, waana kuwo lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo waxyaabaha liddiga ku ah amniga magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay qaadeen ciidanka dowladda, wuxuuna sheegay inay tahay shaqo haboon oo ku aadan akhlaaqiyaadka bulshada. Sidoo kale, Cali Yare ayaa ku taliyay in hay’adda isgaarsiinta qaranka si deg-deg ah loogu soo magacaabo mas’uul dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta ee bulshada, si ay isula jaanqaadaan tallaabada ay qaadayaan ciidanka booliska Soomaaliya. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran: Meeshii Muqdisho aheyd gacan aamaano ah ayay gashay maalmahaan waanan u riyaaqay shaqada dowladda dhanka akhlaaqiyaadka bulshada iyo la xariirta u qaaday gaar ahaan booliska qeybta guud. Waa laga yaabaa ineey bulshada qaarkood ay sahashadaan ama ay xaajo iska caadi ah u qaataan dadka baangadaha isku qaatay ee waddooyinka magaalada isku ballansaday, kuwa iyagoo shacab ah sheegay in ay dowladda afganbinayaan iyo kuwa degmooyin dowladdu aqoonsatay dab qabadsiiyay intaba ee Rati weyne iyo reer-koraad u kala baxay, laakiin waxaa marqaati madoonto in dowladdu ay xabsiyada ku gurtay. Markaan tallaabada xigta ee naga dhimman waa dowladdeenna oo si degdeg ah hey’adda isgaarsiinta qaranka ugu soo magacoowda qof aan LIIDAN oo dowladda ka xigsan kara culeysyada dhanka isgaarsiinta bulshada ka heeysta, si ay iskula jaanqaadaan tallaabooyinka laamaha amnigu qaadeen iyo dagaal dhanka hey’adda isgaarsiinta qaranka looga qaado markii maareeye shaqada qaban kara la soo magacaabo. Sidoo kale wasaarad warfaafinta oo siyaasadda dowladda bulshada u fasiri karta iyo haddiiba la heli karo nuu lagu soo nooleeyn karo telefeshinkii dowladda ee burburay. The post Kadib go’aanka DF, tallaabo kale oo mudan in deg deg loo qaado appeared first on Caasimada Online.
  25. Shirka Guddida Fulinta ee Xisbiga rejada shacabka ee WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI. Kulankan oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Musharraxa madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xubnaha kale ee hoggaanka waxaa si weyn loogu lafo guray arrimaha doorashooyinka ee dalku wajahay. Kulanka waxa ka soo qeyb galay oo lagu soo dhaweeyay mudane Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee xisbiga. Sida oo kalena waxa kulankan xubnaha Guddida Fulinta lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo la xidhiidha hannaan u diyaar garowga doorashooyinka. Ugu dambeynna waxaa guddida fulintu ay si buuxda oo kumeel gaadh ah ugu ansixiyeen soo jeedin nuxurkeedu ahaa in xilal dheeri ah lagu soo kordhin doono dhammaan qeybaha kala duwan ee Xisbigu ka koobaan yahay. Qaran News