Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u dhamaatay labo sano, waxaana u hartay labo kale oo maalmo dhiman. Dalka kama muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay kursi doonka sameynayaan. Nidaamkii hore ee Farmaajo waxaa la xasuusta markii uu hal sano jiray inuu wajahayay mucaaradad xoog leh. Madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mucaaradnimada ku bilaabay nidaamkii Farmaajo markii uu jiray hal sano iyo lix bilood. Laakiin maanta lama kulmaayo wax u dhigma intii uu falay. Mucaaradnimada marwalba waa dheelitir dowladeed, laakiin hadda mucaaradka wax hal abuur ah ma hayaan, ma keeni karaan qaladaad wax ku ool ah oo ay dowladda ku sugan tahay, qataraha waaweyn ee ku jira heshiisyadii la galay 24-kii billood ee lasoo dhaafay iyo wax dowladda ku qasbi kara inay shaqadeed laba jibaarto, qaladaadka iska yareyso oo ay xisaabtan ku shaqeyso. Saddex arrimood ayaa loo badinayaa sababta uu mucaaradka u dansan yahay. 1. Qeyb ka dambi badan Xasan Sheekh Mucaaradka waxaa ku jira kooxo ka dambi badan madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo dhibaatada lagu geystay dowladnimada. Waxaa kamid ah kooxda uu Farmaajo hoggaamiyo. Si walba oo uu Xasan Sheekh wax u qaldo waxaa la aaminsan yahay in uusan gaareynin xadkii Farmaajo, kaasi oo loo haysto inuu isku dayay inuu dilo madaxweynayaashii hore ee dalka. Si aad u eedeyso ninka xukunka jooga ama u toosiso waa inuu ku sugan yahay xaalad taadii ka daran, laakiin haddii uu weli ku dhaamo aamusnaanto waa dow. 2. Kuwo iska ilaalinaya dhiig-bax iyo in cid kale ka macaashto dagaalkooda Waxaa jira xubno mucaaradka kamid ah oo aan iyaga eed badan loo haysan, awoodna u leh inay Xasan Sheekh la dhigtaan, laakiin waxaa dhexdooda taalla dood ah yaa ka faa’iidaya dagaal xooggan oo siyaasadeed oo lala galo Xasan Sheekh. Kooxdan qaar kamid ah oo dagaalkii Farmaajo ku jiray waxay sheegayaan in aanay waxba ka faa’iidin dagaal siyaasadeedkii hore, haddana haddii ay iyagu bilaaban waxay ka walaacsan yihiin in qolo kale ay xukunka u salaxaan. Sidaas darteed waxay eegayaan in la helo cid kale oo si fiican iskugu biimeysa Xasan Sheekh. Halkan waa la isku dhakan yahay. 3. Dadka Soomaaliyeed oo ka niyad-jabay farqi la’aanta siyaasiyiinta Soomaalida Soomaaliya afartii sanaba shaqsiyaadka ayaa isbeddela, laakiin aragtida dowladnimada iyo jihada dalka loo wado wax badan iskama beddelaan. Kooxo kooban oo la yaqaano ayaa isku eryada xukunka, kuwaasi oo la yaqaano aqoontooda dowladeed, itaalkooda iyo halka ay wax gaarsiin karaan. Shacabka waxaa ka muuqda niyad-jab, waxaa laga dareemayaa inay ka daaleen qof qof ku beddelka aan waxba u kordhineynin qaranka. Saddexdaas arrimood marka la isku geeyo waxaa muuqata inuu Xasan Sheekh oo hadda qaatay labo sano oo buuq la’aan, inuu heli karo sanad saddexaad oo uusan jirin mucaarad macno badan oo kasoo horjeeda. The post Mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh oo sabab yaab leh u bixiyay fursad weyn appeared first on Caasimada Online.
  2. Ciidanka boliiska gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray labo eedeysane oo lagu kala magacaabo. D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen. Labada eedeysane ayaa ku eedeysan in ay taariikh 21-5-2024 in ay dhac iyo dhaawac u geysteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh degmada Garsbaaleey. Laba muwaadin ee dhibaatada loo geystay ayaa tagay saldhiga Booliiska waxaana islamarkiiba ka jawaabay cabashadooda ciidanka Booliska. Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka bilaabay howlgallo ay kaga hortagayaan kooxaha Burcada ah iyo kuwa u taagan kicinta bulshada Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhowaan dhaawac iyo dhac ka gaystay degmada Garasbaaley. Booliska oo qoraal soo saaray ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada labada nin oo kala ah Dable Xoogga dalka Cabdullahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo isna ah darawal mooto Bajaaj, sida lagu sheegay warsaaxaafadeedka kasoo baxay Booliska. Raggan ayaa loo haystaa inay dhaawac iyo dhac ay isugu dareen ganacsato ku suganayd Garasbaaley oo kamid ah degmooyinka cusub ee gobolka Banaadir. “Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo 1-D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed 2-Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen kuwaas oo ku eedeysan in ay taariikhda 21-5-2024 ay dhac iyo dhaawac u geesteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh Dagmadda Garsbaaleey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska gobolka. Sidoo kale taliska ayaa ballan qaaday in labada eedeysane laga qaadi doono tallaabo sharci ah, isla markaana loo sii gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh. “Waxaana la horgeydoonaa Maxkammadda awooda u leh insha-Allah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ammaanka iyo sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo dambi gaysata. “Muwaadin haddii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa lasii raaciyay. Maalmihii u dambeeyay ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagu qabtay burcad badan iyo dad ku eedeysan anshax xumo. The post Raggii dhibaatada ka gaystay Xamar oo gacanta lagu soo dhigay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. Ciidamada Israa’iil ayaa sabtidi shalay sii xoojiyay duqeymaha iyo weerarada ay ka wadaan koofurta iyo bartamaha Gasa, iyada oo dhanka kalana ay soo baxayaan warar sheegaya in todobaadkan dib loo amba-qaadi doono wadahadallada lagu raadinayo xabbad-joojin ka dhaqan gasha marinka Gasa. Weeraradi ugu danbeeyay ee ay ciidamada Israa’il ka fuliyeen Gasa shalay iyo xalay ayaa yimid, maalin kaddib marki ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ku amartay Israa’iil in ay si deg deg ah u joojiso duullaanka ay ku qaadday magaalada Rafax ee marinka Gasa. Rafax oo ku taalla xadka Gasa ay la wadaagto Masar ayaa waxaa ku nool inta badan qaxootiga iyo barakacayaasha Gasa, inkasta oo ay dhawaan dib uga carareen ku dhawaad 900 kun oo ruux. Dhanka kale afhayeenka kooxda iska caabinta Qasa Abuu Cubayda oo hadal ka jeediyey telefishinka Al-jazeera ayaa ku dhawaaqay inay qabteen askar ka tirsan ciidanka Israa’iil, iyagoo soo bandhigay muuqaal askari mayd ah oo ku jiidayaan godadka ay ku leeyihiin Qasa . PUNTLAND POST The post Xamaas oo soo bandhigtay muuqaalada askar Israa’iil ah oo ay qabteen appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee Muqdisho. Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah. Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah. Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarreyso, loona baahan yahay in la sameeyo feejignaan dheeri ah. “Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale yareysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda. Digniintan ayaa la gaarsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi. Si kastaba, waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay. The post Mareykanka oo DIGNIIN kasoo saaray weeraro ka dhaca Muqdisho + Bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo maanta soo gaaray Muqdsho. Xildhibaannada maanta Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas ayaa kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow , waxaana inta ay joogaan dalka kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan madaxda dalka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  7. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay heshay xog cusub oo ku saabsan halis ku aaddan magaalada Muqdisho oo dhici kara maalmaha soo socda. Mareykanka ayaa ka digay baabuur qaraxyo ah oo ka dhici kara dhowr goobood oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Mareykanka. Mareykanka ayaa hakiyay shaqada safaaradiisa Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqa shaqaalihiisa, wuxuuna sheegay in aan Soomaaliya loo safri karin oo ay tahay meel aan amnigeeda sugneyn. Mareykanka ayaa bil ka hor sidaan oo kale xadiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaddib markii uu helay xogo amni oo ku saabsan weeraro Al-shabaab qorshaynayeen in ay ka geystaan Muqdisho. Digniinaha Mareykanka ayaa inta badan waxaa xiga weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan ahayn goobaha laga digay. PUNTLAND POST The post Maxay tahay digniinta cusub Mareykanka ee Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Kenya, kaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wafdigan oo xildhibaano ah ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow oo dhammaantood baarlamaanka Kenya ku metala Soomaalida ku dhaqan gudaha dalkaasi. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa xildhibaannada kusoo dhaweeyay Muqdisho oo ay ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah. Sida uu qorshuhu yahay xildhibaanada ka yimid Kenya ayaa la shiri doono madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Imaanshaha xildhibaanadan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay xiriirka labada dal oo iska kaashaday amniga iyo dagaalka Al-Shabaab. Labada dowladood ayaa heshiis taabanaya ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha ku gaaray Nairobi oo ay dhowaan booqashooyin ku gaareen madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre oo labaduna uu qaabilay madaxweyne William Ruto. Kenya ayaa maalin kasta qaad fara badan usoo dhoofiso Soomaaliya, sidoo kale waxay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Kenya oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  9. 446135385_1145272433171463_3065412800522043831_n Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir oo bari yeeshay isaga iyo agaasimihii ka dambeeyay ee Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Muxidiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhammaantood lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne. Koofi ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda gobolka, wuxuuna sheegay in maxkamadda ay garab istaagtay xaqa, uuna ku faraxsan yahay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwaa lasoo dhoo-dhoobay oo la doonayay in lagu sumcad dilo isaga, loogana hor istaago damaciisa ku aadan doorashada soo socda ee dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi ayaa u mahadceliyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay diideen in la’isku dulmiyo magaca dowladnimada. Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- GO’AANKA MAXKAMADDA G/BANAADIR AY IIGA BARI YEESHAY EEDEYMIHII LA SOO ABAABULEY Waxaan ku faraxsanahey, soona dhoweynayaa go’aanka Maxkamadda Gobolka Benaadir ay iiga bari yeeshey eedeymihii la soo abaabuley. Go’aankaani wuxuu garab istaagey xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed. Diidmada maxkamadda ee eedeymiha la soo abaabuley oo xariir la lahaa hammigeyga ku wajahan madaxtinimada Galmudug, waxay caddeyn u tahey in Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba aysan ogolaaneyn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada. Sooyaalkeyga waxaa ku dhiggan in aan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto ugu adeegay dadkeyga Soomaaliyeed, ugana qeyb qaatey difaaca dalkeyga, aniga soo qabtey xilal iyo masuuliyado kala duwan oo isugu jirey amni, difaac, socdaal iyo qaar kale. Mudadaas aan qarankeyga u shaqeynayey waxay nafteydu halis gashey in ka badan toban jeer, iyada oo dhaawacyadii qaarkood iga soo gaarey aan weli la tacaalayo. Waxaan dadkeyga Soomaaliyeed u ballan qaadayaa in aanan ka siiban doonin dhaqanka hufnaanta iyo daacadnimada ee la igu yaqaaney, wax saameyn ahna aysan igu yeelan doonin eedeymaha aan sugneyn ee la iga sameeyey, kuwaas oo maanta ay maxkamaddu meeshaba ka saartey. Waxaan u mahadcelinayaa qareenadeyda sida hagar la’aanta ah ii difaacey iyo garsoorka maxkamadda oo iyaguna caddaaladda fuliyey. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xaaskeyga Dr. Asma Cabdullaahi Sheekh iyo sidoo kale, asxaabta iyo taageereyaasha i garab taagnaa muddada ay dacwadu socotey. Mahad badan Dr. Maxamed Aadan Koofi The post Koofi oo war kasoo saaray go’aanka kiiskiisa iyo cidda ka dambeysa xukunkii la riday appeared first on Caasimada Online.
  11. Jowhar (HOL) - Hirshabelle Regional State leader Ali Abdullahi Hussein Guudlawe held a meeting with the Minister of Security of Hirshabelle, the governor of the Middle Shabelle region, the commissioner of Jowhar district, and army forces in Jowhar to discuss liberating the remaining areas under al-Shabab control in Hirshabelle State. Source: Hiiraan Online
  12. Maxkamadda Caddaaladda Dunida ee Qaramada Midoobay ayaa ku amartay Israa’iil in ay si degdeg ah u joojiso hawlgalka milateri ee ay ka waddo magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza. Hase ahaatee Israa’iil ayaa ku gacan-saydhay go’aanka maxkamadda, iyadoo sheegtay in aanay u hoggaamsani doonin. Israel iyo inta badan dalalka caalamka ayaa horey ugu kala fogaaday dhiigga ay gacmaha kula jiraan, waxaana hadda cad in ay kala furfuranayaan reer Yurub. Arbacadii, Dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah 28-ka bishan u aqoonsanayaan Dowladda Falastiin. Dilalka aan aan kala sooca lahayn ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza ayaa horseeday in Tel Aviv ay mucaaradad xoog leh kala kulanto shacabka Mareykanka. Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel. Source
  13. Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Midowga Yurub uu wajahayo doorasho adag, oo ku aaddan in ay kala doortaan taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradooda Israel. Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah ururka looga baahan yahay in ay qeexaan mowqifkooda kaga aaddan amarka ka soo baxay Maxkamadda Cadddaaladda Caalamiga ah ee Israel lagu faray in ay joojiso weerarka ballaaran ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza. “Waa inaan kala dooranaa taageeradayada hay’adaha caalamiga ah iyo sharciga ama taageerada aan siino Israel. Waxay noqon doonaan kuwo aad u adag in la is waafajiyo,” ayuu yidhi Josep Borrell. Isagoo ka hadlayay kulan uu kaga qaybgalay Magaalada Florence ee dalkaasi Talyaaniga ayaa wuxuu yiri “Aan aragno tallaabada uu Midowga Yurub ka qaadi doono go’aanka ka soo baxay Maxkamadda ICJ, kaas oo noqon doono mowqifkayaga.” Waxa uu sheegay in dalalka Midowga Yurub ay horaan ku kala qaybsameen, marka ay noqoto jawaabcelintooda duulaanka Israel ee Marinka Gaza. “Waxaa jiray khilaaf aad u qoto dheer oo ka dhashay go’aan qaadashada dalalka Midowga Yurub ee dagaalka Gaza. Hadda waxaan joognaa inaan kala doorano taageerada hay’adaha caalamiga ah amaba taageeradayada Israel,” ayuu yidhi Josep Borrell. Borrell ayaa ku baaqay in wax laga bedelo habraaca go’aamada Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo u baahan in si wadajir ah loo taageero dhammaan 27 hoggaamiye amaba aqlabiyaddooda. Hungary ayaa dhawaan si gaar ah u hakisay hindiseyaal muhiim ah, oo dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ay ku doonayeen inay uga jawaabaan dagaalka, oo ay ku jiraan in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu lagu khasbo in uu joojiyo duulaanka Rafah iyo cunaqabateyno ka dhan ah Israeliyiinta xagjirka ah ee rabshadaha ka wada dhulka ay Israel deegaameynta ka sameysay ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto. Go’aanka Hungary ayaa saameeyay aqlabiyadda, waana sababta uu Josep Borrell u soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo habraacii ay muddada dheer ku dhaqmayeen ee siyaasaddooda arrimaha dibadda. Korodhka dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee shacabka Falastiiniyiinta ee sida tooska ah looga daawanayo barraha bulshada ayaa soo dedejisay in ay baraarugaan bulshada Qaaradda Yurub, taas oo dowladahooda ku riixday in ay dib u eegaan xiriirka ay la leeyihiin Israel. Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka qaarkood ayaa ka careysan, sida ay israel uga dhego fureysaneyso baaqyada Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobey ee looga dalbanayo inaysan ciidamadeedu beegsan dadka aan waxba galabsan iyo kaabeyaasha rayidka, isla-markaana ay fasaxdo gargaarka aadka loogu baahan yahay. Bulshada reer Yurub ayaa barraha bulshada kaga falcelinaya baaqa ka soo yeeray Borrell, iyadoona aad arki karto, sida hadalkiisa uu ugu kordhiyay cadhadii ay markii horeba u qabeen Israel. Carrada dadka qaaradda ayaa qayb ka ah cadhada caalamiga ah ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Marinka Gaza. Source
  14. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso goleyaasha seegaanka ee dhiman, lana qabto doorashada 3-da degmo ee dhiman. Wasiir Juxa oo ka hadlayey kulan looga doodayey jihaynta barnaamijka dawladda iyo dhamaystirka geedi socodka dimuqraadiyadda dowladda Puntland ayaa sheegay in guddiga doorashada ee PEC looga baahan yahay inay ku dhawaaqaan waqtiga kama danbaysta ah ee doorashada la qabanayo. Wasiir Juxa ayaa intaa ku daray in degmada Garoowe aysan u baahnayn diiwaangalin cusub islamarkaana ay dad ku filan ay iska diiwaangaliyeen, isagoo sheegay inaan dhaqaale iyo waqti loo hayn diiwaangalin cusub. ‘’Magaalada Garoowe waxay ka cod badan tahay marka la isugeeyo gobolka Sanaag, gobolka Haylaan, gobolka Raascasayr iyo gobolka Karkaar oo laga reebay magalada Qardho, intaas oo ah 17 degmo ayey ka cod badan tahay” ayuu yiri wasiir Juxa. Wasiir Juxa ayaa bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ugu baaqay inay u diyaar garooban qabashada doorashada degmooyinka dhiman ee Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo sheegay inaan diiwaangalin cusub laga samayn doonin Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Markabka USS Hershel “Woody” Williams, oo ah markab ka tirsan maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka oo loo xilsaaray aagga Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) si loo dhiso iskaashi isla markaana loo xoojiyo xidhiidhka Maraykanka iyo Afrika. Hase ahaatee Markabka oo dhawaan gaadhay galbeedka Afrika ayaa la kulmay caqabado kala duwan oo ka mid yihiin xasilooni darro siyaasadeed iyo afgambiyo militari oo galbeedka Afrika ka jira, iyada oo sidoo kale ay sii xoogaysanayso awoodda Ruushka ee Afrika Source
  16. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis Al Sacuud ayaa lagu warramayaa in xaaladiisa caafimaad aaney wanaagsaneyn. Boqor Salmaan oo 88 jir ah ayaa la ildaran xanuun ku dhaca sambabada, waxaana lagu daweynayaa iminka isbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. Warka ku saabsan in xaaladda caafimaad ee Boqor Salmana liidato ayaa soo baxay 22-kii bishaan May. Source
  17. Ugu yaraan 24 qof oo ay ku jiraan caruur badan ayaa ku dhintay dab ka kacay goob madadaalo oo ku taalla gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda, dabka ayaa geystay khasaare xooggan. dadaallada samata-bixinta ay ka socdaan degmada Rajkot, duqa magaaladaas ayaana wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dhimashada la filayo inay sii kororto, maadaama ay jiraan dad wali aan la helin iyo halis dhaawac. “Waxa aan diiradda saaraynaa hawl-gallada samatabbixinta iyo badbaadinta nolosha dadka, waxaana xaqiijin doonnaa in tallaabo adag laga qaado dadka mas’uulka ka ah dhacdadan,” ayuu yiri duqa magaalada Nayana Pedhadiya. In ka badan 300 oo qof ayaa ku sugnaa dhismaha laba dabaq ah oo ku yaal goobta madadaalada ee TRP markii uu dabku kacay maadaama ay ahayd xilli fasax ah, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan kooxda dab-damiska ee degmadu. Sawirada goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya dab aad u wayn oo ka holcaya aagga ciyaarta TRP iyo daruuro qiiq ah oo ka soo baxaya goobta, wuxuuna guud ahaan dhismuhu ku basbeelay dabka. Mid ka mid ah saraakiisha booliska ee isbitaalka madaniga ah ee deegaanka ayaa sheegay in meydadka qaar ay sidoo kale gubteen oo aan la aqoonsan karin. Si kastaba ha ahaatee kooxaha gurmadka degdega ah ayaa weli ku howlanna samata-bixinta dadka ku waxyeeloobay dabkan waxaana la filayaa inuu khasaaruhuu sii kordho. Source: goobjoog.com
  18. Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka bilaabay dhulka Taiwan saddex maalmood uun ka dib markii William Lai loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee jasiiradda. Afhayeen u hadlay Ciidanka Xoraynta Shacabka Shiinaha (PLA) ayaa dhoolatuskan ku tilmaamay “ciqaab adag” oo lagu beegsanayo “falalka gooni-goosadka”. Dhoolatuskan oo billaamay subaxnimadii shalay, ayaa ka socda dhammaan agagaarka jasiiradda oo ay ku jiraan marinka Taiwan ee galbeedka, iyo agagaarka jasiiradaha Taiwan ee Kinmen, Matsu, Wuqiu iyo Dongyin. Ciidanka sheegay inay diiradda saari doonaan ilaalinta u diyaargarowga dagaalka hawada ee wadajirka ah ee badda iyo hawada, weerarrada saxda ah ee bartilmaameedyada muhiimka ah, iyo hawlgallada isku dhafan ee gudaha iyo dibadda jasiiradda si loo tijaabiyo “awoodaha dagaalka dhabta ah ee wadajirka ah” ee ciidamadooda. Source
  19. Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London. Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay masuuliyinta ka socota dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas laga jeediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo guubaabo isugu jiray. Ugu horeyn Guddiga Difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca qaranimada Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada. Sii hayaha safiirka Soomaaliya ee dalka UK, ahna safiir ku xigeenka safaaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed ayaa masuuliyiinta soo dhaweeyey, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey kasoo qeyb-galka xafladaan. Danjire Dayib ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo furay safaaradda ay door muhiim ah ka qaadatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta danaha dowladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dalkeena uu la leeyahay boqortooyada UK. Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey shaqada guddiga, isagoo sheegay in howshaan ay tahay mid qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inuu garab istaago dowladiisa. Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday inay doorweyn ka qaataan qadiyadda ilaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa uga mahad celiyey safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda. +2 Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) — A clan conflict in the Galgaduud region has resulted in multiple casualties on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Beledweyne (HOL) — People displaced by recent floods in Beledweyne have begun returning to their homes on Sunday, despite the challenges posed by lingering floodwaters and debris. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - Somali Police Chief General Sulub Ahmed Firin held a meeting with Somali clerics in Mogadishu on Saturday to discuss enhancing community awareness and cooperation between the police and the clerics. Source: Hiiraan Online
  23. Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr qof oo falastiiniyiin ah ku xiray howlgalo ay ka fuliyeen guud ahaan Daanta Galbeed ee la haysto xalay , sida Nablus, Bethlehem, Jenin iyo Yatta, oo ku yaalla koonfurta Hebron. Ciidamada Israel ayaa sidoo kale weeraray magaalada Husan ee Beytlaxam iyo tuulada Madama ee koonfurta Nablus. Ugu yaraan 8,680 Falastiiniyiin ah ayaa lagu xidhay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegeen Guddiga Maxaabiista iyo Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta. Waxaa jira 9,300 maxbuus siyaasadeed oo lagu hayo xabsiyada Israel iyo 3,424 maxbuus maamul (lagu hayo dacwad la’aan ama maxkamadayn), marka loo eego qiyaasaha Ururka Taageerada Maxaabiista ee Addameer iyo Ururka Xuquuqul Insaanka ee fadhigiisu yahay Ramallah. Source: goobjoog.com
  24. The contentious deal that Somaliland has struck with Ethiopia to lease a strip of land near the entrance to the Red Sea would help “secure freedom of navigation” for international shipping that has faced attacks around the vital waterway, according to the breakaway country’s president. Source: Hiiraan Online