Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (PP News Desk) — The Somaliland Administration TV posted in its Facebook page photos of new recruits being sent to Ethiopia for military training despite a defence pact signed between Ethiopia and Somalia in December 2023 in place. Ethiopia appears to be pursuing destabilising action after Somalia designated secession as a national security threat. In January 2024, Ethiopia and Somaliland Administration signed an illegal maritime Memorandum of Understanding in violation of Somalia’s sovereignty. Somaliland Administration TV Facebook page breaking the news recruits to be trained in Ethiopia. Political analysts in Hargeisa warn that Somaliland plans to deploy trained militias to Lughaya and Bullahaar, suggesting Ethiopia could build a port under the guise of a naval base, violating international law. “This could lead to Somaliland being blacklisted under Chapter 7 of the UN Charter, meant to address global security threats from terrorist groups in Somalia” said an analyst in Hargeisa. Somaliland’s President Muse Bihi recently threatened retaliation against Djibouti, accusing it of supporting opposition politicians from Awdal. The region is on the brink of further conflict as international eyes remain focused on Ukraine. © Puntland Post, 2024 The post Ethiopia to train soldiers for Somaliland administration appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansixiyey sharciyo muhiim ah. Golaha wasiirada ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga canshuuraha dakhliga iyo xeer-nidaamiyaha maareynta maaliyadda guud, siyaasadda deymaha iyo hanaanka amaahashada iyo soo saarista damaanadaha. Golaha ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha shaqaalaha dalka ka dhageystay wasaaradda howlaha guud oo soo bandhigtay waddooyin laga dhisayo Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay waddooyin qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixin ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo difaaca howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Waxa uuna goluhu bogaadiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, oo ay kamid yihiin Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo saaka laga qabsaday kooxda. Wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan bilaaban doona ayaa la filayaa in looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Beledweyne (HOL) — he Somali government and local forces have recaptured key territories in the Hiiraan region from the Al-Shabaab militant group, officials said. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — The Council of Ministers of Somalia, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre, has approved new legislative drafts aimed at economic reform and fiscal transparency. The drafts include the Income Tax Law, the General Financial Management Regulatory Framework, the Debt Policy, and the Borrowing and Guarantee Issuance System. Source: Hiiraan Online
  5. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya ayaa mar kale maanta labada dhinac waxa ay qaadeen tallaabo kale oo xasaasi ah, kuna soo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda. Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa u dirtay dalka Itoobiya, si loogu soo tababaro, waxaana maanta ciidamadaas ay ka baxeen magaalada Hargeysa, ayaga oo kusii jeedo magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sagootiyay ciidamadan oo Itoobiya ay Somaliland u soo tababarayso, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaasi. Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ciidamada kula hadlay magaalada xuduuuda ku taalla ee Wajaale, halkaas oo basas looga qaaday, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Itoobiya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tani ay sii xoojineyso iskaashiga labada dhinac oo uu sheegay inay wadaagaan dano badan oo isku xiran, maadaama ay daris yihiin, ayna ka wada faa’iideysanayaan fursadaha dhexdooda ah. Waa tallaabo kale oo ay qaadeen Addis Ababa iyo Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay aad isugu soo dhawaanayay, kadib markii ay wad galeen heshiiskii isgarad ee badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya. Arrinta heshiiska ayaa weli halkeedii ah, waxaana labada dhinac ay ku adkeysanayaan dhaqangelintiisa, halka dowladda Soomaaliya ay weli ka biyo diidan tahay heshiiskaas, waxaana dhowaan fashilmay wada-hadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay dalka Turkiga. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase xaalka sii xumeynaya tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay sii qaadayaan Somaliland iyo Itoobiya. The post Itoobiya iyo Somaliland oo tallaabo kale qaaday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) — The International Chamber of Commerce's (ICC) International Maritime Bureau (IMB) has called for sustained vigilance to protect seafarers amid increasing violence, despite an overall drop in the number of piracy and armed robbery incidents reported in IMB's mid-year report for 2024, released on Thursday, July 11. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan . Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa. Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti Warbaahinnada Qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan. Source: goobjoog.com
  9. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah laga saaray Al-shabaab Source: goobjoog.com
  10. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaloya oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya. Ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay aagga degmada Jalalaqsi ayaa gudaha u galay deegaanada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay haatan ku sugan yihiin labadaas deegaan, isla markaana ay ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Nuur dheere oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, uuna ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay garab istaagaan ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaataan xoreynta gobolka Hiiraan. Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana fariisimo cusub ka sameystay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gaaray halkaasi. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waana halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo weli ka socda gobollo badan oo kamid ah dalka. The post Ciidanka DF oo la wareegay laba deegaan oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ,Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Xubnahan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa wasiirka la wadaagay tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, ayaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta iyo baahinta waxbarashada dalka. Kulanka Wasiirka iyo Midowga Digsiyada Gobolka Banaadir waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, waxayna uga mahadceliyeen Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir kaalinta mugga leh ee ay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Dalka. Source: goobjoog.com
  12. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa Macawisleey ayaa saaka Al-shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Ciidamada dowladda iyo Macawisleeyda degaanka ayaa si buuxda ula wareegay degaannada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaankaasi. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay im ciidamadu Al-shabaab ka qabsadeen degaannada Buurweyn iyo Show. Labada degaan ee Buurweyn iyo Show ee laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab ka qabsaday degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  13. In the heart of Beledweyne, amidst the turmoil and despair following the devastating floods, Hamtha’s story stands out as a testament to the resilience and transformative power of accessible healthcare. Displaced from her home in KalKaal IDP camp, Hamtha, a 38-year-old Somali woman, encountered a lifeline through UNFPA’s outreach team, supported by SBACO and funded by Global Affairs Canada. Source: Hiiraan Online
  14. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaala-madaxda dalka Tuniisiya ee Tuunis uga qayb-galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Ururka Jaamacadda Carabta. Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa xilligan diiradda lagu saaray, ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah. Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro Guddi Farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud convened a high-level meeting with the Defense Ministry's leadership and top army commanders at the Ministry's headquarters in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa Goordhaw Kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaannada kala ah Buurweyn iyo Show oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah Saraakiisha iyo masuuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta u sheegay in qabashada labadaan deegaan ee hoostaga degmada Jalalaqsi ay tahay guul weyn. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay howgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada koonfurta iyo barta Soomaaliya ay kordheen toddobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay ka socdaan Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug. Source: goobjoog.com
  17. MINNEAPOLIS — The Stone Arch Bridge is an iconic spot in Minneapolis that people from all over the metro and all walks of life enjoy visiting. Source: Hiiraan Online
  18. Almost 230 million girls and women around the world have undergone some form of female genital mutilation. Over half of them are in Africa. FGM is the partial or total removal of the external female genital organs for non-medical reasons. Shamsa Sharaawe underwent constructive surgery in Europe to repair the damage done to her as a child in Somalia. She spoke to us about her experience. Source: Hiiraan Online
  19. Salman Jamal Said will never forget what happened on 26 July 2015. The award-winning Somali TV reporter was in a car with three colleagues, travelling on the main road from the TV station where they worked in central Mogadishu to the Somali capital's Aden Adde International Airport, when another car crashed into them. Source: Hiiraan Online
  20. Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caruur walaalo ah ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qarax ka dhashay walxaha qarxa oo caruurtaan ay ku ciyaareen duleedka magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud. Qaraxa caruurtaan ay wax ku noqdeen ayaa la sheegay in ay aheyd Miino waxaana kadib ay bilaabeen in ay ku ciyaaraan taas oo keentay in qarax uu ka dhasho ay ku nafwaateen laba gabdhood, halka uu wiil uu dhaawac kasoo garay. Shilkaan oo dhacay shalay galenkii dambe weliba waqtigii lagu jiray xilliga salaadda maqrib ayaa sabab u noqday sedexda caruurta ah, waxaana lagu kala sheegay in da’doodu ay ka yartay tahay 10 sano sida wararku ay sheegayaan. Labada gabdhood ee dhintay ayaa ah lix jir, afar jir, halka dhaawaca ah uu laba jir ahaa , waxaana lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdicasiis Maxamed, Nafiis Cabdicasiis Maxamed iyo Iqro Cabdicasiis Maxamed oo dhammaan walaalo ah. Gobolka Galgaduud ayaa marar badan waxaa ka dhacay shilal nuucaan oo kale ah mana jirin miino baaris dalka laga sameeyay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe oo gobolka uu kamid ahaa goobihii haradaiyada looga tagay walxaha qarxa. Source: goobjoog.com
  21. Milatariga Israa’iil ayaa u sheegay dadka reer Qasa in ay ka baxaan koonfurta magaalada isla markaana u guuraan Marinka Qasa, iyadoo halkaana ay howlgallo ka socdaan. Waraaqo ay daadiyeen diyaarado ayaa dadka loogu sheegay in “qof kasta oo ku sugan magaalada Qasa” uu halkaa ka baxo waxa lagu tilmaamay “aagga dagaalka khatarta ah” iyada oo la sii marayo wadooyin nabdoon oo loogu talay in ay isticmaalaan dadku. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay amarada daadguraynta ee la siinayo dadka. Waa markii labaad tan iyo markii uu dagaalku billowday oo dadka laga dalbanayo in ay ka baxaan goobihii ay ku noolaayeen. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxay dib u galeen dhowr degmo oo ay ciidamadu rumeysan yihiin in Xamaas iyo dagaalyahannada Jihaad Islaami ee Falastiinta ay dib isaga soo abaabulayaan tan iyo bilowgii sanadkan.Dadka ayaa durba bilaabay in ay halkaa kala baxsadaan naftooda. Dadka Falastiiniyiinta ah ayaa wajahaya dhibaatooyinka isugu jira barakac iyo duqeymo joogta ah oo ay gaysanayana diyaaradaha Israa’iil. Warka ka soo baxay milatariga Israa’iil ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallada laga dhex wado labada dhinac ee la doonayo in lagu gaaro xabad-joojin. bbcsomali Qaran News
  22. Mogadishu (HOL) — The U.S. government has refuted claims circulating on social media that U.S. Special Envoy for the Horn of Africa Mike Hammer praised a controversial agreement between Somaliland and Ethiopia during his recent visit to Addis Ababa. The U.S. Embassy in Mogadishu issued a statement on platform X, clarifying that these reports are false. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Three siblings were killed when a landmine exploded near the town of Herale in Somalia’s Galgaduud region. The explosion, which occurred while the children were playing, claimed the lives of two boys and a girl. The eldest was six years old. Source: Hiiraan Online
  24. Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku jooga deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayagoo kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda maamulkaas. Wasiirka oo kormeeray beer dalagyo badani ku shaqlanyihiin oo laga hirgeliyay duleedka baydhabo ayaa ujeedada socdaalkiisa Koonfur Galbeed warbaahinta la wadaagay, asagoo sheegay inay halkaas u tageen sidii ay u dhiirigelin lahaayeen xoojinta tacbashada beeraha. Sidoo kale wuxuu Bogaadinayay waaxda Badbaadada Dhirta iyo Cilmi baarista iyo hay’ado Wasaaradda wada shaqayn la leh asagoo ku ammaanay inay ku dhiiradeen saarista dalagyo caafimaad qaba, tayo leh, oo wakhti kooban ku baxa, kuwaas oo ay tusaale u tahay beerta uu booqday. Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa horay u booqday deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa inay meelo kalena tagi doonaan, ayagoo u kuurgalaya caqabadaha beeralayda haysta, islamarkaana dhiirigelinaya tabcashada. Source: goobjoog.com