Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Askar hubeysan oo Itoobiyaan ah oo dhanka Feer-feer ka yimid, kuna sii jeeday dhinaca deegaanada Galmudug ayaa shalay lagu celiyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Itoobiya waxaa dhawaan loo sheegay inay ciidankeeda Soomaaliya ka bixi doona dhamaadka bisha December ee sanadkaan. Laakiin ciidan u muuqday daan-daansi oo aad u hubeysan ayay shalay soo geliyeen dalka. Laba ciidan ayaa Itoobiya horey kaga joogay Soomaaliya, kuwo waxay ka tirsan yihiin howl-galka ATMIS, kuwana sharci darro ayay ku joogaan xad beenaadka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama laaban go’aanka ah inay ciidanka Itoobiya ka baxayaan dalka daba-yaqaadda sanadkaan. Waxaase Itoobiyaanka shalay sameeyeen fal ay ku tijaabinayaan dareenka Soomaalida. Ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan aagga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa celiyay Itoobiyaankii. Dadka deegaanka waxay wariyeen in qarka loo fuulay in labada ciidan isku dhacaan. Warbaahinta maxaliga ah qaar waxay warisay in ciidanka cusub ee Itoobiyaanka ah inay diideen sababta ay u soo galeen dalka, kadibna waxay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku amreen in Itoobiyaanka ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen, ugu dambeyna taas wey aqbaleen. Tan iyo markii ay dib u qaraxday xiisadda labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku suntan 1-dii Janaayo ee sanadkaan iyo heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay wada-shaqeyntii ciidan ee labada waddan. Waxaa aad loo bogaadiyay tallaabaddii ay qaadeen ciidanka dowladda ee ku sugan Matabaan iyo hareeraheeda, waxaase dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayaa inay arrintaasi daan-daansiga ah war kasoo saarto. Dhawaan xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo la hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xiisadda gobolka oo loola jeedo midda Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin sida muuqata Addis Ababa iyada ayaa daan-daansi wada. Go’aankii naga laabta ee shalay iyo degmada Matabaan wuxuu sidoo kale muujinayaa feejignaanta ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ay dagaal ku sigtaan? appeared first on Caasimada Online.
  2. Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Laba qof oo midkood uu ahaa cayaartow caan ah ayaa ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada sheekh. Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa cabshakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda cayaaraha magaalada Hargeysa ee lagu magacaabo kooxda maaliyadda,iyo wiil kale oo asna magiciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Yaasiin, kaas oo maamule ka ahaa garoomo kubadda lagu cayaaro oo Soomaaliland ku yaalla. Sababta shilkan gaari keentay illaa hadda lama caddayn, sidoo kale lama xaqiijij inay jiraan dhaawacyo ka dhashay, balse wadada u dhexaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ayaa ah mid ay shilal aad uga dhacaan, ayadoo la xusuusan yahay in jidkan mara buuraleyda halista badani uu galaaftay dad badan oo halkaa ku safrayay. Source: goobjoog.com
  3. Cairo said it will prosecute some 16 travel agencies for illegally taking pilgrims to Mecca. Hundreds are believed to have died during the Muslim pilgrimage this year, the majority being from Egypt. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay shir wadatashi ah oo dhawr maalmood socday, kaas oo ku saabsanaa khariidadda tubta, kaas oo lagu arki doono qaab dhismeedkeeda sharci oo la waafajinayo kuwa bulshada Bariga Afrika (EAC) si ay awood ugu yeelato inay ka faa’iideysato urur goboleedka. Kulanka oo socday muddo hal toddobaad ah, ayna ka soo qayb-galeen wufuud dawladeed oo ka socday dalalka bah wadaagta la ah ee EAC, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo samayn lahaa khariidad dhammaystiran oo ku aaddan ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC, taasoo astaan u ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xoojinta iskaashiga gobolka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha. Shirkii ka dhacay magaalada Nairobi 17-kii ilaa 20-kii bishii June oo uu shir guddoominayay ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Bariga Afrika ee Koonfurta Suudaan, Beny Gideon Mabor, ayaa Soomaaliya loo mariyay afarta tiir ee sharciga EAC, si ay awood ugu yeelato inay waafajiso dastuurkeeda. Waxaana kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee xag dhaqaale ahaan laga wada shaqayn doono, islamarkaana shuruucda diiradda lagu saari doono 4 tiir oo kala ah Midowga Kastamada, Suuqa Guud, Ururka Lacagta iyo Xiriirka Siyaasadeed. Dhankeeda, Soomaaliya waxay dejisay khariidad-hawleed loo marayo is-dhexgalka EAC Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Dr Abdusalam H Omer oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan EAC. Soomaaliya oo dhowaan kamid noqatay Ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada bariga Afrika ayaa weli ku howlan buuxinta hannaanka kamid noqashada ururkaas, gaar ahaan hab-dhismeedka dhaqaalaha iyo sharciga. Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa,(Qaran news)- Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa laba todobaad ka hor isaga oo kaftamaaya sheegay xaga uu isagu ku dhashay. Waxana uu Cirro xiligaas sheegay in uubku dhashay Cisbatalka magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxana uu hadalkiisa raaciyay in aan la garanayn xaga uu Muuse Biixi uu ku dhhashay. Hadaba waxa kuu cad in tuuryadaas Cirro gaadhay meel fog, waxana isla su’aashii Cirro lagu soo daray imtixaanada dugsiyadda oo hada ka socda dalka oo dhan. Waxana la waydiiyay halka uu Muuse Biixi ku dhashay sida ku cad warqada imtixaanka ee hoos taala waxan uu arday ka mid ah ardaydii imtaxaanka galay uu uu su’aashaasi kaga jawaabay in uu Muuse Biixi Cabdi uu ku dhashay Xarshin oo ah dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya. Qaran News
  6. Dhusamareb (HOL) - Gunmen killed a Quran teacher and his wife in a small village near Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state, on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  7. Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo ku soo biiray mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa saaka loo dhaariyay xilkaasi. Xildhibaan Yaasiin Axmed ayaa beddelay walaalkiis alle ha u naxariistee marxuum Cali Axmed Maxamuud oo bishii hore ku geeriyooday shil gaari. Xubin katirsan Maxkammada sare ayaa Xildhibaanka cusub dhaariyey kadib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha oo uu buuxiyey shuruudaha soo xulista Xildhibaannimo. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Xildhibaanka kusoo dhaweeeyey Golaha Wakiillada, isagoo u rajeeyey inuu guto waajibaadka ku qoran Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Yaasiin Axmed Maxamuud oo saaka loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaari xamuul ah uu wadada ka baxay oo uu ku dhacay mooto iyo dad lugeynayay deegaanka Timau ee ismaamulka Meru ee dalka keenya, sida uu shaaciyay Booliiska. Booliska ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay isbitaallada gobolka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, gaariga xamuulka ah ayaa ka soo yimid Meru, asagoo ku sii jeeday Timau markii darawalku uu xakameyn waayay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira afar rag ah, seddax dumar ah i, waxaana ka mid ahaa darawal mooto bajaaj oo la sheegay in uu dhintay markii la geeyay isbitaalka degmada Timau, shilalka baabuurta ayaana ku badan dalkaasi keenya. Source: goobjoog.com
  9. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen laba markab oo midkood uu yahay markab dagaal oo laga leeyahay Mareykanka, halka mid mid kalena uu ku sii jeeday Israa’iil. Afhayeenka garabka milatariga kooxda Xuutiyiinta yaxye saree ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in markab xamuul ah oo uu ka dul babanaya calanka Liberia, laguna magacaabo Transworld Navigator ay si toos ah gantaalada ballistic-ga ugu garaaceen, asagoo maraya badda Carabta. Markabka waxaa la beegsaday sababtoo ah shirkadda iska leh ayaa ku xadgudubtay mamnuucida soo galitaanka dekedaha la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri yaxye saree, isaga oo tilmaamay in dhammaan maraakiibta u socda Israa’iil ay bartilmaameedsan doonaan. Saree ayaa sidoo kale sheegtay in weerar loo adeegsaday gantaalada ballistic-ga iyo kuwa loo yaqaan cruise-ka ay ku qaadeen markabka militari ee USS Eisenhower, kaasoo hogaaminayay howl-galada ciidamada badda Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka marinka Qasa. Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhowaan degay markab lagu magacaabo MV Tutor, kaas oo gantaallo lagu garaacsy ayay sababeen inuu dab qabsado, waxaana muuqanaysa in kooxdu ay laba laabeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta xariirka la leh Israa’iil iyo Mareykanka. Source: goobjoog.com
  10. Magaalada Muqdisho waxaa xalay saqdii dhexe illaa haatan ka da’ay roob lixaad leh oo isku socadka dadka iyo gaadiidka, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada saameyn weyn ku yeeshay, xilli lagu jiro bilaha Xagaaga. Roobka oo ku dhawaad 6 saacadood xariir ah magaalada ka da’ay ayaa ah mid kamida roobabkii ugu xooganaa ee sanadahan ka da’a caasimadda, ayadoo dad badan oo shaqooyin iyo danaha kale u bixi lahaa ay guryaha ku xannibanyihiin, jidadkana ay daadadka mahiigaanku jareen. Qaar kamid ah gaadiidlayda magaalada oo aan la hadlayna ayaa inoo xaqiijiyay in dhqdhaqaaqa dadka iyo baabuurtu ay aad u xadidanyihiin oo waddooyinka intooda badan ay biyo fadhiyaan, daadadkuna ay rogmanayaan. Sidoo kale ardayda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad galaya, gaar ahaan kuwa degmooyinka fog fog ka yimaada ayuu roobku saameeyay, maadaama ay jidadka intooda badani go’anyihiin, roobkuna uu weli da’ayo. Si kastaba ha ahaatee weli lama soo warin waxyeello nafeed oo roobka ka dhalatay, balse waxaa laga cabsi qabaa in dadka danta yar ee goobaha barakacayaasha ku nool, ama guryaha qadiimiga ah degan oo uu saameyn taban ku yeesho. Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka dabada sidii Xuutiyiinta dalka Yemeniinta ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Saraakiil katirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab. Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas. Mareykanka ayaa hore uga digay iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay. Sirdoonka Maraykanku waxa uu sare u qaaday suurtagalnimada in arrintaan ay ugasii dari karto xaaladda Soomaaliya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo Xuutiyiintu ay weerraro joogto ah ku hayaan maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Maraykanka tan iyo dagaalka Gaza. Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Alshabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka. Source
  12. Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Sabtidii shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza. Ismail Al-Thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warfaahinta Xamaas ee Gaza ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in 24 kamid ah dadka dhintay lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri ku yaalla xerada qaxootiga Al-Shati oo mid ah sideed kaam ee taariikhiga ah ee qaxootiga Gaza, 18 kale ayuu sarkaalkani sheegay in ay ciidamada Israa’iil ku dileen xaafadda Al-Tuffah. War kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay duqeeyeen laba xarun oo ay Xamaas ku leeyihiin Marinka Gaza. Waxay sheegeen in ay dhawaan bixin doonaan faah faahin dheeri ah. Hamas ayaase beenisay oo sheegtay in weerarkaasi lala beegsaday dad rayid ah isla markaana wacad ku maray in Israa’iil ay ka shallaay doonto waa sida ay hadalka u dhigeene. Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa billowday horraantii bishi October ee sannadki hore, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 isla markaana soo afduubatay boqollaal kale, hase yeeshee muddo siddeed bil kaddib, Isra’il ayaa Gaza ku dishay in ka badan 37 kun oo ruux oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur. Source
  13. Mogadishu (HOL) - Three Somali fishermen who had been lost at sea for more than three months were reportedly found in the Maldives on Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Golaha Wakiilada Puntland ayaa Maanta oo Axad ah shaaciyay Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhigooda 54 aad oo furmay 15 bishaan June Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad oo ka kooban 11 Qodob ayaa waxa ku jira Qodob ku saabsan ka doodista Arrimaha Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Ajandaha waxa sidoo kale ku jira Qodoba kale oo muhiim ah uuna ku jiro ka doodista Qulqulka Muhaajiriinta soo gala Puntland kuwaas oo inta badan ka yimaada dalka Itoobiya. Ajandaha Rasmiga ee Kal-fadhiga 54aad ayuu shalay ansixiyay Baarlamaanka kadib markii uu Qodob Qodob ugu codeeyay waxaase si rasmi ah loo shaaciyay Maanta. PUNTLAND POST The post Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland oo Maanta la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  15. At least 15 people have died in the Wagihimra Zone of Ethiopia’s Amhara region due to a measles outbreak exacerbated by ongoing drought conditions. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa maanta geeriyooday Sheikh Saleh Al Shaiba oo ahaa mas’uulkii 109-aad ee kacbada. Sheikh Saleh Al Shaiba ayaa loogu tukaday Masjidka Al Xaram waxaana lagu aasay qabuuraha Al Mualla. Iyadoo la raacayo amarka Nabiga NNKH ilaaliyaha xiga wuxuu sii ahaan doonaa qoyska Al Shaiba. “Waxaa saaka geeriyooday ilaaliyaha Kacbada ahna ilaaliyaha furaheeda Dr. Saleh bin Zain Al-Abidin Al-Shaibi,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Inside the Haramain. Marxuumka ayaa ahaa ilaaliyaha 109-aad ee Kacbada tan iyo qabsashadii Makkah. Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sanndkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday. Muqaal laga soo duubay sheekh Saleh al-Shaiba ayaa lagu soo bandhigay furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim. Furaha Kacbada Barakeysan ayaa ah mid ay gacanta ku hayaan dad gaar ah oo uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay, waxaana loo yaqaanaa dadkaasi gacanta ku haya furaha Kacbada Sudnat Al-Kacba. Sudnat Al Kacba waa Qoys uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay Furaha Kacbada waxaana qoyskaasi ay ka soo jeedaan Banu Shayba, furaha kacbada ayaa waxay gacanta ku hayaan muddo 16 qarni ah.Reer Banu Shayba oo haatan loo yaqaano Aal-Shayba ayaa waxay tafiir ahaan ka soo jeedaan Qusay Bin Kilaab Bib Murra, Qoyskii Qusay Bin Kilaab ayaa gacanta ku hayn jiray Furaha Kacbada Islaamka ka hor. Sheikh Saleh Al Shaiba waa qofkii 109-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn. Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada doctorate ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka. Muxuu Furaha Kacbada ka sameysan yahay? Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswah-da gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar. Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah. Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”. “Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray: “Furahaasi waxaa hayay ninkii beesha u waynaa oo la odhan jiray Cusmaan ibnu abii-Dalxa. Waxa jirtay qiso dhex martay isaga iyo Nebi Muxamed (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wakhtigii ay diinta Islaamka cusbayd. Wuxuu Nebigu ka dalbay inuu Kacbada u furo wuuna u diiday, markaas ayuu nabigu ku yidhi ‘waxa imaan doonta maalin aan kaa qaado’.” Dhawr iyo toban sanno ka dib sannadkii Muslimiinta ay qabsadeen Makah, ayuu Nebiga ka qaaday furihii kacbada odeygii hayay, wuuna furay ka dibna waa la nadiifiyay. Furaha kacbada, nabiga kama wareejin reer Banuu Shayba oo illaa iyo hadda haya, waxayna furaan xilliyada la nadiifinayo. Reerkaas ayaa masuul ka ah waxa loo garanayo ‘Sudnah’ taa oo micneheedu yahay daryeelka guud ee kacbada iyo furidda iyo xiriddeeda. Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah. “Furaha Kacbada waa muhiim, taariikh ahaan iyo diin ahaanba. Wuxuu furaha leeyahay kiish u gaar ah oo la geliyo oo ay hayaan reerkaas iyo Golaha Shuurada,” sida uu sheegay Dr Maxamed al-Zulfah oo la hadlay Al-Carabiya. Al-Zulfah oo ku takhasusay taariikhda Islaamka, wuxuu sheegay in qaabka furaha uu is bedledelo. “Madxaf ku yaalla Turkiga waxaa yaallo 48 fure oo la uruurinayay tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halka Sacuudiga uu hayo Laba fure oo koobi ah oo dahab laga sameeyay.Qoyskaasi ayaa sidoo kale had iyo jeer ka shaqeeya nadiifinta Kacbada waxaana kacbada la nadiifiyaa laba jeer sanadkii, waxayna labadaasi jeer kala yihiin kowda Bisha Shacbaan iyo 15ka bisha Muxaram. Qaran News
  17. A 21-year-old man died after being hit by a tear gas canister during protests in Kenya this week, a human rights official and the victim's relative said Saturday, in the second fatality in connection with the youth-led demonstrations. Source: Hiiraan Online
  18. Koox hubeysan ayaa xalay dil ugu geystay deegaanka Bulacle oo Dhuusamareeb hoostaga, Macalin dugsi Qur,aan iyo xaaskiisa. Wararka ayaa tibaaxaya in Macalinka la dilay iyo xaaskiisa ayaa dhawaan aqal galay oo ay ahaayeen qoys cusub. Dilkaan ayaa lala xiriiriyay aano qabiil. horay deegaankaan waxaa uga dhacay dilal loo geystay dad bulshada muhiim u ahaa. Sida ay Goobjoognews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Dhuusamareeb kooxdii dilka geystay ayaa si nabad ah goobta uga tagay. Dilkaan ayaa bulshada deegaanka ku abuuray qalqal amni, waxaa uu kusoo aaday xilli gogol nabadeed oo laba beellood lagu dhex dhexaadinaayo taallo magaalada Dhuusamareeb. Ma jiraan dadaallo socda oo lagu soo qabanaayo kooxda dilka geysatay maadaama deegaankaasi uusan ka howlgalin booliska Galmudug. sidoo kalena dadka deegaanka ay hubeysan yihiin. Gobolka Galgaduud ayaa billihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo iska hor imaadyo ay ku dhinteen dad badan kuwaasoo dhammaantood la xariira aano qabiil. Source: goobjoog.com
  19. The African Union (AU) Peace and Security Council(PSC) has endorsed the establishment of a new AU-led Mission for Somalia to succeed African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  20. Portugal advanced the last 16 as Group F winners after securing a 3-0 victory over Türkiye while Belgium reaped their first Group E win in the second round of the Euro 2024 group stage on Saturday. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia held a consultative road map meeting last week, which would see its legal structures aligned to those of the East African Community (EAC) to enable it to benefit from the regional bloc. Source: Hiiraan Online
  22. Lix falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacantay Daanta Galbeed xilli ciidamada Israa’iil ay duulaan ku qaadeen, waxaana isisoo taraya eedeymaha loo jeedinayo Israel, kadib dhacdadii ay ku kaceen ciidankeeda oo lagu tilmamay iney xeerarka dagaalka jabiyeen. Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa magaalada Ar-Ram ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed. Dhanka kalena Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka caalamiga ah ee dagaalka markii gaari nooca dagaalka ah ay afka hore uga xireen nin dhaawac ah oo ay qabteen. Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane. Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen. Sidoo kale maalinkii shalay ahaa Armenia ayaa si rasmi ah u aqqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia. Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda. Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda. Source: goobjoog.com
  23. Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 52 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki bambooyinka nuuca la hago lagu qarxiyay dhisme ay dad rayid ah daganyihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa tusiyay burbur xoog leh oo soo gaaray qeybo ka mid ah dhisme ka kooban shan dabaq oo ku yaalla magaalada Kharkiv. Weerarkaasi ayaa dhaliyay in markiiba uu madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ku baaqo in lala soo gaaro gargaar iyo saanadaha hubka si ay isaga difaacaan halista Ruushka. Qoraal uu ku baahiyay barta Telegram ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri “Bambaanooyinka la hagayo ee Argagaxisada Ruushka waa in la joojiyaa waana la joojin karaa, waxaan u baahanahay go’aano adag oo ka yimaada saaxiibadayada si ay noogu suurtagasho inaan joojino argagixisada Ruushka”. Kharkiv ayaa ah magaalo kaliyah 30 km u jirta xadka Ruushka. Waxaa ku nool 1.3 oo ruux, waxay ka mid tahay magaalooyinka dhibanah u ah weerarada Ruushka ee Ukraine. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Bam ku garaacay guri ku yaalla magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
  24. Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xireen afaafka hore ee gaarigooda intii uu socday hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee daanta galbeed. Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane. Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen. Ninka dhaawaca ahaa ayaa ugu dambayntii waxa loo gudbiyay hay’adda Laanqeyrta Cas si loogu daweeyo. IDF waxay sheegtay in dhacdadaas la baari doono. Goob joogayaal la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa ninka ku sheegay in uu ahaa nin deegaanka ah waxaana lagu magacaabi jiray Mujaahid Azmi. “Saakay (Sabtidii) intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagu soo qab-qabtay dad la raadinayey oo laga shakisan yahay deegaanka Waadi Burqin, argagixisadu waxay rasaas ku fureen ciidamada IDF, kuwaas oo ku jawaabay rasaas,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF. Intii ay is-rasaaseyntu socotay, waxaa dhaawacmay mid ka mid ah tuhmanayaasha oo gacanta lagu dhigay. “Iyadoo la jabiney awaamiirta iyo nidaamka caadiga ah ee hawlgalka, Eedeysanaha waxa qabtay Ciidamada difaaca Israa’iil waxayna kaxayteen isaga oo ku xiran Gaari korkiisa. “Habdhaqanka ciidamada ee muuqaalka laga duubay ma waafaqsana qiyamka ciidamada IDF, dhacdada waa la baari doonaa, waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon. Dhanka kale Israel ayaa duqeyn ku dishay 42 qof magaalada Gaza. Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan labo weeraro oo cirka ah ayey Israel ku qaaday dhisme ku yaal magaalada Gaza sida ay sheegtay Xamaas. Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay duqeeyeen dhismo ay leeyihiin militeriga Xamaas, waxayna sheegeen in faahfaahinta ay dib ka soo sheegi doonaan. Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka Gaza ayaa sheegay in dhismo deegaan ah oo ku yaal xaafadda Al-shadi dhowr jeer la duqeeyay. Duqeymaha kale waxaa lagu beegsaday guryo ku yaal degmada Al-tufaax sida ay sheegeen warbaahinta Xamaas. Muuqaallo laga duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo la sido iyo baadigoobka in cid badbaaday. Warar markii hore soo baxay waxay ku qiyaaseen dhimashada 42 qof. Waxaa kor u kacay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, kaasoo ka dhashay weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israel 7-dii October. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 480 falastiiniyiin ah – xubno ka tirsan kooxo hubeysan, weeraryahanno iyo dad rayid ah – lagu dilay shilal la xiriira iskahorimaadyada oo ka dhacay Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Quddus. In ka badan 37,551 ayaa lagu dilay Gaza ilaa markii uu bilowday dagaalka. Tiradaas kalama saareyso rayidka iyo kuwa dagaallamayay balse waxaa la sheegay in 14,680 ay yihiin carruur, haween iyo waayeel. bbcsomali Qaran News
  25. The British Tamils Forum (BTF) and Tamils for Labour (TfL) organized a fundraising event on 8 June 2024 to support Janet Daby, the Labour candidate for Lewisham East, in the general election scheduled for 4 July 2024. Janet Daby attended with her husband and joyfully met and greeted the people in the dinner hall. A broad cross-section of Lewisham-East constituents, councillors, Tamil business community and dignitaries attended. The youth involvement significantly contributed to the event’s success. Among other participants, the following dignitaries participated and graced the event. Councillor Mark Ingleby Councillor Rachel Onikosi Councillor Eva Stamirowski Councillor Aliya Sheikh Councillor Jacq Paschoud Councillor John Muldoon Councillor Coral Howard Councillor John Paschoud Councillor Appu Srinivasan Councillor Elili Ponnuthurai Councillor Sarmila Varatharaj London Assembly Member and Leader of Labour Group at City Hall Len Duvall OBE There is a growing global acknowledgment that what the Tamils in Sri Lanka suffered in the final stages of the civil war was genocide at the hands of the Sri Lankan state. Canada is one example that declared the week preceding May 18 as genocide week and focused it on education-related matters. In Britain, Rt Hon Sir Keir Starmer, the opposition leader, mentioned Mullivaikkal genocide remembrance in his Mullivaikkal message to the BTF. https://www.facebook.com/100064789236766/posts/871004598402507/?mibextid=WC7FNe&rdid=fnH2koZkm5Gjg3CE. Janet Daby, the member of parliament for Lewisham East and shadow minister for youth justice, a strong advocate for justice and the legitimate aspirations of Tamils also acknowledged in many occasions what happened to Tamils in the civil war in Sri Lanka was genocide. BTF looks forward to campaigning for the likes of Janet Daby, seeking to establish justice for the Tamil victim population in Sri Lanka, whose existence there is threatened with genocide. Qaran News