-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed. “Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”. Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo. Soomaaliya ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika. Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Ra’iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee maamulka Puntand. Dubbe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay maqnaashaha Puntland oo aanu kasoo qayb-gelin shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran, balse waxa uu tilmaamay inuu rajeynayo in xal waara laga gaari doono mad-madowga u dhexeeyo labada dhinac. “State-ka weli maqan ee aan kasoo qayb-gelin shira waxaan rajeynayaa muddo badan ayaa dhimane in taa lagu xalin doono” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray Xasan Sheekh iyo Deni oo uu ugu baaqay inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, kadibna ay dhammeeyaan khilaafka dhexdooda ah. “Aaan wada-hadalno waa aan heshiino, aadna waan u boorinayayaa wada-hadalkaas” ayuu sii raaciyey Senator Cismaan Abuukar Dubbe. Dhinaca kale Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay dadaalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu isfaham wayn uu ka dhexeeyo isaga iyo ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda, sarana loo qaaday xiriirka caalamiga ah. “Halku dhiggii madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, si buuxda ayuu u dhaqan-galay, waxaadna ka garan kartaa wada shaqeynta madaxda iyo hey’adaha dowladda oo aan horay u dhici jirin” ayuu mar kale yiiri Sanatorku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntand iyo mucaaradka oo garab kale ah, kuwaas oo ka horyimid wax ka beddelka dastuurka oo ay ku dhaqaaqday Villa Somalia, uuna meel-mariyay baarlamaanka. The post Daawo: Senator Dubbe oo farriin u direy Xasan iyo Deni xilli uu kasii daray khilaafka appeared first on Caasimada Online.
-
Dalalka Spain, Norway, iyo Ireland ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin, ayagoo caalamka intiisa kale ugu baaqay inay tillaabo taas lamida qaadaan, arrintaan ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid siweyn loo hadalhayay. Ra’iisul wasaaraha Norway jonas Gahr Støre iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Espen Barth Ede ayaa shir jaraa’id oo ay sida wasajir ah ugu qabteen magaalada Oslo uga dhawaaqay inay si buuxda u aqoonsadeen dowlad madax-bannaan oo ay Falastiin leedahay, ayagoo tillaabadaas ku tilmaamay mid sharciga caalamiga ah waafaqsan. bayaanka ay soo saartay Norway ayay sheegtay in uu dhaqan-geli doono 28-ka May, iyadoo xustay in tiro ka mid ah dalalka kale er Yurubna ay qorshaynayaan in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Dowladda Falastiin. Ra’iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa asna ku dhawaaqay in dalkiisu aqoonsanyahay Dawladda Falastiin,iyadoo tilmaamay inay Ireland, Norway iyo Spain isku mar ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen Dawladda Falastiin. Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”waa maalin taariikhi ah oo muhiim u ah Ireland iyo Falastiin”. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ku dhawaaqay in Spain ay aqoonsan doonto Dawladda Falastiin laga bilaabo May 28, Wuxuu u sheegay wakiilada Spain Talaadada soo socota oo May 28 ah ay ansixin doonaan aqoonsiga dawladda Falastiin. Go’aanka ayaa Falastiin uga dhigan guul taarriikhi ah, waxaana la filayaa inay dalalka kale ee dunida qaarkood tillaabo taas lamida qaadaan todobaadyada soo socda. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Carabta oo lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar. Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu ka qeyb galayo shirkaan waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeynta ay kala dhaxayso Dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/441637895_785610980384867_7212337510966117882_n.mp4 Qaran News
-
Booliska Muqdisho oo maanta soo xiray oday weyn oo u gefay…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo weli si wada howlgalladooda ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ah nin oday ah, isla markaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta isaga oo dhaliilaya dowladda. Booliska ayaa ninkan ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, isla markaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka. “Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Dagmadda Waabari ayaa soo xiray Eedeysane Mascuud Cabdullaahi Afrax(Garweyne) Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay Garsoorka Dalka waxba kama jiraana ku tilmaamay xukunno kasoo baxay Maxkamaddaha Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay booliska. Sidoo kale taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanahan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. “Waxaa deg-deg loo horgeyn doonaa Maxakamadda awooda uleh” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka Hay’addaha Cadaalada Dalka”. Shalay booliska ayaa soo xiray 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daarusalaam, kaas oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi. Waxaa kasii horreeyay oo lasoo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo isna ka qayb-galay dibad-bax ay dhigeen ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud, isaga oo ku goodiyay inay ‘afgembi sameynayaan’ sidoo kale waxaa xabsiga ku jira gabdhihii uu ka dhex qarxay dagaalka qabiilka ee caanka ka ahaa baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan barta Tiktik-ga. The post Booliska Muqdisho oo maanta soo xiray oday weyn oo u gefay… appeared first on Caasimada Online. -
Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ayay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan. Shacabkii deganaa xaafadaha Wabiga shabeelle uu ku fatahay ayaa saaka ka barakacay, iyagoona deegaansaday dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda, gaar ahaan deegaanka Ceeljaale, halkaas oo ay deganayaan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab dabeylo iyo daad wato oo dalka ka di’ikara. Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka cimillada aya dhowaan shaaca ka qaday digniino laga qabo xilli Gu’ga oo soo laba lixaadsan karo, inta lagu jiro bisha May, waxaana bulshada loogu baqay in ay ka fogaadaan biyo mareenna. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ciidan gaar ah oo ka shaqeeya amniga loo samaynayo magaalada caasimada ah ee Garoowe. Taliyaha ciidanka booliska Puntland oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in madaxwenaha iyo hay,adaha amniga ay go’aamiyeen in ciidan gaar caasimadda loo sameeyo. Taliyaha ayaa sheegay in habac sanaan ay ka jirto amniga caasimadda Puntland, isagoo tilmaamay in dhawaan ay hawlgalo ka bilaabi doonaan ciidanka loo diyaarshay. Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa mudooyinkii danbe laga dareemayey falal ka dhan ah amniga, iyadoo kal hore gawaari shacab lagu dhacay. PUNTLAND POST The post Garoowe oo loo samaynayo ciidan gaar ah oo amnigeeda suga appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka booliiska gobolka banaadir gaar ahaan saldhigga boliiska degmadda waabari ayaa soo xiray eedeysane mascuud cabdullaahi afrax(garweyne). Eedeysanahaan ayaa ku eedeysan in uu u gafay garsoorka dalka waxba kama jiraana kutilmaamay xukunno kasoo baxay maxkamaddaha dalka maalmihii lasoo dhaafay. Taliska ciidanka Booliksa Soomaaliyeed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeen doono Sharciga ninkaan odayga ah. “ciidanka boliiska soomaaliyeed waa ilaaliyaha ammaanka guud iyo sareynta shariga, waxeyna markale uga digayaan shacabka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan been abuurka hay’addaha cadaalada dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidanka booliska. Booliska Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay xiray dad badan oo ay ku eedeeyeen kicin bulsho iyo hanjabaado ka dhan ah nidaamka dowliga ah ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Wehiga Shabeelle ayaa xalay ki fatahay nagaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo dadkii deganaa ay ka barakaceen. Dadweynihii degganaa xaafadaha fatahaaddu saameysay ayaa halkaa isaga barakacay iyagoo aaday dhulka sare ee ka durugsan aagga webigu ku fatahay. Dhowr jeer oo hore ayuu webigu sidaan oo kale ugu fatahay magaalada Beledweyne, waxaana mar walba dadka magaalada ay wajahaan xaalad liidata oo dhanka nolosha, caafimaadka iyo hoygaba ah. PUNTLAND POST The post Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Nin ay booliiska dalka Britain horey ugu eedeeyeen in uu u basaasayay sirdoonka Hong Kong, ayaa meydkiisa laga helay beer ku taal duleedka magaalada London. Booliiska ayaa baaraya sababta keentay dhimashada aan la ogeyn ee Matthew Trickett oo 37 jir ah, kaas oo meydkiisa laga dhex helay beerta nasashada ee Maidenhead ee galbeedka London. Trickett iyo laba tuhmane oo kale ayaa ka soo muuqday isaga Maxkamadda Magistrate-ka ee Westminster 13-kii bishan may , ayagoo lagu eedeeyay dembiyo ka dhan ah amniga qaranka Ingiriiska. Bayaan ay soo saareen qoyska Trickett oo uu daabacay wargeyska Ingiriiska ee The Times ayaa lagu yiri “Waxaan ka barooranaynaa luminta wiil, walaal iyo nin qoysku aad u jeclaayeen.” Safaaradda Shiinaha ee UK iyo madaxa maamulka Hong Kong John ayaa labaduba si adag u cambaareeyay dhacdadan, balse wax faahfaahin ah kama bixin cidda ay ku tuhunsanyihiin. Xariirka u dhexeeya Hong Kong iyo gumaysteheedii hore ee Britain ayaa xumaaday sannadihii u dambeeyay ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo ka dhacay magaalada Shiinaha sannadihii 2019 iyo 2020. Dowladda Ingiriiska ayaa dhaleeceysay howl-gallada Hong Kong ee ay taageerto Beijing ee lagu hayo kooxaha mucaaradka ah, halka mas’uuliyiinta Hong Kong ay si adag u dhaliileen Britain si ay gabaad nabdoon u siiso hoggaamiyeyaasha dimuqraadiyadda u ololeeya ee ay raadinayaan booliiska Hong Kong. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-gelisay cabashada gaadiidleyda qudaarta ka keena gobolka Shabeelaha Hoose, oo muuddooyinkan qaylo dhaan ka muujinayay koontaroollada laga soo galo Muqdisho. Gaadiidleyda ayaa si gaar ah uga cabanayay eeyo ay sheegeen inay baaraan gaadiidkooda, kuwaas oo ay tilmaameen in xilliyada qaar ay kusoo aadaan, iyaga oo maqan ama hurdaya, isla markaana ay saacado badan iyo maalmo ay ku qaadato inay sugaan Eeyaha. Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maareeye oo ku baxay arrintan ayaa saaka booqday baraha koontarool ee ay Muqdisho kasoo galaan gaadiidkan isaga oo la kulmay beeradleyda, isla markaana xog wareystay xaaladooda. “Saaka 6:30 am Subaxnimo waxaan kormeer shaqo ku tegay goobta ay Magaalada Muqdisho ka soo galaan Beeralayda ka timaada Gobolka Shabeelada hoose ee Qudaarta iyo dalagyada ay soo saaraan u wada suuqayada Xamar” ayuu yiri wasiir Maareeye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu la kulmay saraakiisha ciidamada, uuna ka hadlay cabashada gaadiidleyda, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin ciidanka. “Waxaan la kulmay oo ka wareystay xaaladahooda Beeraleyda wadatay gaadiidka Qudaartu saaran tahay, sidoo kalena waxaan la kulmay Ciidanka iyo Saraakiisha adeegyada amniga ku hawlan ee goobta ku sugnaa oo aan ka codsaday in ay Beeralayda u dedejiyaan adeegyada ay ka sugayaan” ayuu mar kale yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya. Maareeye ayaa sidoo kale xusay in beeraleyda uu la kulmay ay ka muuqatay dhibaatada ay sheeganayaan iyo rafaad ay ku qabaan wadooyinka ay soo maraan, mararka qaarna ay dhibaato xoog leh kala kulmaan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Markii aad physically si dhab ah u fiiriso duruufta iyo muuqaalka Beeralayda iyo Baabuurta ay wataan waxaad ka arkaysaa in ay soo rafaadeen, waxaadna korkooda ka akhrisanaysaa inta ay le’egtahay dhibaatada Khawaarijtu ku hayso dadkeena danyarta ah” ayuu raaciyay. Muddo aad u dheer ayay soo taagnayd qaylo dhaanta gaadiidleydaan, waxaana saameyn ku yeeshay habraaca amni ee loo dajiyay gaadiidka alaabta sida ee soo galaya Muqdisho. The post DF oo soo faro-gelisay cabasho xooggan oo ka taagneyd eeyaha baara… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay cabashada ganacsatada Qudaarta ayaa saakay kormeer ku tagay aargada degmada Deyniile oo ay ku xayiranyihiin baabuurta Qudaarta soo galiya gobolka Banaadir. Wasiirka oo goota kula kulmay ganacsatada iyo gaadiidleyda ayaa u sheegay in lagu dadaalayo sidii loo fududeyn lahaa baaritaanka ay maraan, waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay saraakiisha ku sugan baraha koontoroollada amniga, isagoo amray in ciidanka baaritaanka lasoo kordhiyo. Cabashada ganacsatada iibisa Qudaarta ayaa soo laalaabatay, waxaana marar badan ay sheegeen in baaritaanka oo dheerada uu keeno in ay halowdo qudaarta taas oo khasaare ku ah, waxaana la filaa in booqashada wasiirka ay wax badan ka badasho xaaladda adage e ganacsatadu xiligaan marayaan. Source: goobjoog.com
-
Qaramada Midoobay ayaa ku dhowaaqday iney hakisay qaybinta cuntada gargaarka ah ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay, xilli diyarada Israel ay sii wadaan weerarrada socda. Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii sheegay in guud ahaan xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay yihiin goobo aan la gaadhi karin, iyada oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milateri ee ka socda aaga Rafax. Xaaladda ayaa ku soo aadaysa xilli dad ka badan hal milyan oo qof ay waajahaya xaalad macaluul oo aad u sarraysa, kuwaas oo u baahan gargaar bii’aadannimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kadib hakinta lagu sameeyay dadaallada arrimaha gargarka loo baahnaa ee ka socday marinka Rafax. Marina xuduudda ee ku yaalla magaalada Rafax ayaa mar ahaa goobaha ugu muhiimsan ee marin u ahaa gargaarka bini’aadanimo ee laga geliyo marinka, hase ahaatee waxaa la xidhay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishan May 6-deedii, waxaana ka jirta arrin lagu tilmaamau musiiibo banii’aadannimo. Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay in hawl-gallada bini’aadanimo ee Qaza inay qarka u saaran yihiin inay burburaan, isaga oo ka digay, in haddii aan dib loo soo celinin cuntadii iyo sahaydii kale, in macaluushu ay faafi doonto, haddii aan la helin xal deg deg ah oo lagu geynayo gargaar marinka Rafax. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nin cusub ayaa dhowaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo faahfaahin badan aan laga helin, balse la xaqiijiyey magacaabistiisa. Taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab waxaa magaciisa lagu sheegay Guuleed Ilkacase, mana ahan nin wax badan oo faahfaahin ah laga hayo. Ninkaan ayaa bedelaya taliyihii hore ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Yaasir Jiis, isla markaana ah nin si weyn loo raadiyo xogtiisa. Yaasir Jiis wuxuu ku jiraa liiska xubnaha ugu sareeya argagixisada oo dowladdu uu ugu weyn yahay Mareykanka ay aad u doon doonayaan. La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toddobaadkaan magacaabeen sarkaal cusub. Xuseen oo ka gaabsaday in ninka loo magacaabay Taliyaha ciidamada Al-Shabaab uu magaciisa sheego, isla markaana faahfaahin buuxda ka bixiyo ayaa xaqiijiyey in magacaabistaas ay dhacday toddobaadkaan. Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii ay ka yaraadeen weerarradii ciidamada dowladda Soomaaliya ay fursad u heleen inay dib u habeyn ku sameeyaan ciidankooda, ilaa ay toddobaadkaan bedeleen taliyihii ugu sareeyey. Dhanka dowladda waxaa ka socda abaabul xoog leh, xeryaha militeri ee Muqdisho ayaa buuxsamay, waxaana maalmaha soo socda la qorsheynayaa inay gobollada dhexe dib uga bilowdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab. The post Xog: Ciidamada Al-Shabaab oo loo magacaabay taliye cusub + Magaciisa appeared first on Caasimada Online.
-
The African Union Commission has welcomed ICC Prosecutor Karim Khan's application for arrest warrant against Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu over Gaza attacks. Source: Hiiraan Online
-
“If we accept the distinction Bihi makes between the Italian presence in the South and the British presence in the North before 1941, we would be tempted to call the Italians ‘colonisers’ and the British ‘protectors’. Hargeisa (PP Comment) — The President of Somaliland Administration Muse Bihi Abdi refers to pre-independence Southern Somalia as the province colonised by Italy. “Somaliland and the Somalia that was colonised by Italy united in 1960” Bihi said on May 18, 2024. Somaliland independence on 26 June 1960 was expedited to facilitate union with the Trust Territory of Somalia on 1 July 1960. Bihi believes that the status of the former British Somaliland was superior to that of the Italian colonial system in southern Somalia. He failed to mention that, at one point, Italian colonial rule extended across all Somali territories, including a seven-month period in 1941 when Italy colonised the former British Somaliland. If we accept the distinction Bihi makes between the Italian presence in the South and the British presence in the North before 1941, we would be tempted to call the Italians colonisers and the British protectors. If one compares the Italian legacy in the South and the British legacy in the North, the record shows that London not only violated the Protectorate Agreements with Somali “tribes,” but also put the North at a disadvantage by denying Northerners a pre-independence arrangement similar to the trusteeship that prepared the South for self-rule (dakhiliyah), followed by independence on 1 July 1960. Before 1960, Italy trained Somali civil servants and the first batch of officers for the Somali National Army and sent teachers to the trusteeship territories to fulfil its obligations in line with the mandate of AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia). How Italy, under the fascist leader Benito Mussolini, ruled southern Somalia is documented. The formation of the Somali Youth League in 1943 during the colonial rule of the British Military Administration in the South (1941-1950) raises a question for historians: Why did the British Empire bar Somali subjects in the former British Somaliland Protectorate from agitating for independence? © Puntland Post, 2024 The post A History Tutorial for Somaliland President on the Pre-independence Italian Rule in Somali Territories appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Ireland iyo Spain ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan qorshayaal si rasmi ah loogu aqoonsanayo Falastiin dawlad madax bannaan. Ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa lagu wadaa inuu qabto shir jaraa’id Arbacada maanta, Ireland ayaa qayb ka ah taageerada dawladda ee ku aaddan in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Dhanka kale isna Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa la filayaa inuu barlamanaka dalkiisa u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrintaan. Israa’iil ayaa tillaabadaan ku timaantay mid sii hurinaysa xagjirnimada iyo xasillooni-darrada ka dhex taagan Israa’iil iyo Falstiiniyiinta. Source
-
Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn kusoo rogay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka kooxda ay ka waddo Soomaaliya. Abdukadir Mohamed Abdukadir oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana dhashay 1980 kuna sugan degmada Jilib iyo agagaarkeeda ayaa ka mid ah dadka lagu daabacay bogga golaha ammaanka ee cunaqabateynta. Ninkaan ayaa lagu eedeeyay ka qayb qaadashada maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta, ama fulinta howlaha Shabaab. Ninkaan ayaa ka mid ah dadka leh go,aamada sida golaha uu sheegay. Maxamed Maxamuud Mire oo Golaha Ammaanka ay sheegeen in uu ku sugan yahay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ayaa ka mid noqday dadka lagu soo rogay cunaqabateynta. Ninkaan ayaa dhashay 1962. Waxaa uu Shabaab u qaabilsan yahay carqaladeynta geedi socodka nabada Soomaaliya ee howlaha ay waddaan ciidanka dowladda Soomaaliya. Maxamed Cumar Maxamed ayaa golaha ammaanka kusoo eedeeyay in uu ahaa waaliga Shabaab ee Diinsoor. Ninkaan waxaa lagu eedeeyay in halis ku yahay ammaanka deeganada maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu si weyn uga qeyb qaatay maalinta Shabaab. Ninkaan ayaa ka mid noqday dadka lagu soo rogay cunaqabateynta dhaqaalle. Golaha ammaanka ayaa kusoo rogay cunaqabeyn dhinac walba ah. Waxa ay ku tilmaameen raggaan kuwo halis badan. Waxa ay ka digeen in lala macaamilo. Source: goobjoog.com
-
Wafdi saraakiil ah oo ka socda Kenya ayaa gaaray dalka Haiti, halkaasoo la filayo in dhowaan la geeyo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska dalkaasi sida laga soo xigtay masuuliyiin Kenyan ah. Waftigana ayaa qeymayn ku samayn doona qalabka iyo adeegyada kale ee loo diyaariyay ciidamada shisheeye ee Haiti laga howl-gelin doono, waxayna qeymayntaasi go’aamin doontaa xilliga ciidamada la soo daabulayo. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore oggolaaday hawlgal caalami ah oo lagu taageerayo Booliska Qaranka Haiti si uu ula dagaallamo burcadda dilaaga ah ee qabsaday inta badan caasimadda Port-au-Prince. Haiti ayaa wajahaysa nabad-galyo xumo iyo qalalaaso baahsan, ayadoo kooxa burcadda ihi ay ku sii xoogaysanayaan, sido kalena ka ganacsiga maandooriyuhu uu ku sii badanayo. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ariel Henry ayaa is casilay bishii March, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu maareeyo xasradaha sii kordhaya ee uu wajahayo waddankan saboolka ah ee ku yaalla waqooyiga ameerika. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay kooxo burcad ah ka gaysteen gudaha degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah. Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Iga-dabagey ee degmadaasi, waxaana lagu beegsaday dukaan ku yaallo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Burcadda ayaa gudaha u gashay dukaanka, waxayna dhac baahsan uu gaysteen dukaanka, iyaga oo dhaawacay wiil iyo aabihiis oo xilligaas ku sugnaa. Wiilka iyo aabaha ayaa haatan xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo ehelladdu ay dalbanayaan cadaalad, maadaama dhac baahsan iyo dhaawac la’isugu daray. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda falkan gaysatay ay goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Weerarkan ayaa u ek kuwa lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo inta badan dhac iyo dil kala kulmo kooxo burcad ah oo ku sugan gudaha dalkaasi. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca falalka dhaca ah oo ay dhibaanayaal u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato kala kulma rag hubeysan iyo kuwa mindiyo wata oo xilliyada habeenkii ah ka qooleesta degmooyinka gobolka Banaadir. The post Weerar lamid ah kuwii dalka Koonfur Afrika oo xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wadamada Ireland iyo Spain ayaa doonaya inay isku mar maanta ku dhawaaqaan qorshayaasha lagu aqoonsanayo dawladda Falastiin si loo soo afjaro dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo-warbaahineed maxalli ah ayaa xaqiijisay in maanta oo arbaca ah ay dawladahaasi ku dhawaaqi doonaan aqoonsiga dawladda Falastiin. Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii 2023-kii waday olole diblumaasiyadeed oo uu ku doonayo in uu dalalka reer galbeedka uga dhaadhiciyo in ay aqoonsadaan dowladda Falastiin si loo soo afjaro colaadda ka taagan bariga dhexe, iyadoo la eegayo dagaalka Israa’iil ee Gasa. Falastiin waxaa hadda aqoonsan 8 xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub: Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden. PUNTLAND POST The post Ireland iyo Spain oo maanta ku dhawaaqaya aqoonsiga dawladda Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Southwest regional state President Abdiaziz Hassan Mohamed visited the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) Headquarters in Mogadishu on Tuesday, a day after the agency issued a warning about the impending Tropical Cyclone Ialy in the southwestern and southern regions. Source: Hiiraan Online