Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaaraha Falastiin ayaa sheegay in dalalka reer yurub ee aqoonsanaya dowladnimadoodu ay dhowaan aad u kordhi doonaan, islamarkaana taasi ay tahay wadada keliya ee xal nabadeed lagu heli karo. shir jaraa’id oo ay magaalada Brussels si wadajir ah ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda dalka Spain Jose Manuel Albarez ayuu Ra’iisul Wasaare Mustafa ku sheegay in tirada dalalka Yurub ee Falastiin dowladda u aqoonsanayashi ay labanlaabmi doonaan mustaqbalka dhow. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka aan weli aqoonsan dowladda Falastiin inay ku soo biiraan hindisaha ka bilowday yurub oo ay hormuudka u yihiin Spain, Norway, iyoIreland, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaraan xaaladda Falastiin, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagu joojinayo cadaalad-darrada lagu hayo shacabka reer Falastiin. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dabayaaqada todobaadkii la soo dhaafay ay Spain,Norway, iyo Ireland ku dhawaaqeen inay Falastiin aqoonsadeen, sidoo kalena dowladda Colombia ay sheegtay inay safaaradda ka furanayso dhulka falastiin. Source: goobjoog.com
  2. Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi. Kulanka ayaa looga wada hadlay dhisidda guddi farsamo oo u jeedkiisa shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka sida ay sheegtay DFS. Ergayga cusub ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona QM James Swan ayaa maanta tagey Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayo sidii Soomaalida looga taageeri lahaa nabadgalyada, Horumarka iyo Dawlad dhiska. Swan, ayaa horey Soomaaliya u joogay iyadoo ay ka dhacayaan isbedelo siyaasadeed oo jawi doorasho ah, 2012-kii, 2017 & 2022-kii oo uu maareyey dhammaan doorashooyin dad-ban. Imaanshihiisa ayaa kusoo beegmayaa xili aysan Siyaasiinta Soomaalidu heshiis ku aheyn doorashada 2026-ka. PUNTLAND POST. The post Jemes Swan oo bilaabay kulamada uu le yeelanayo dhinacyada Soomaalida. appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Hadlay Qaddiyadda Aqoonsiga iyo Ahmiyadda Heshiiska isfahan ee ay galeen Somaliland iyo Itoobiya “Waxaanu ka shaqeynaynay sidii ay aqoonsi caalamiya ugu heli lahayn madax-bannaanidayada“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay JSL u halgamayso sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33kii sannadood ee ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaasi kaga hadlay warbixin dheer oo uu siiyay Wargeyska Fanancial Times oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu madaxweyne Muuse Biixi caddeeyay in heshiiska Isfahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas. Halkaasi oo ay ka jirto qulqulatooyin nabadgelyo darro. Madaxweynaha Somaliland wuxuu bayaamiyay in Itoobiya ay saldhig millatari oo badda ah ka samaysanayso xeebta Somaliland, iyadoo Somaliland-na ay ku doorsatay in Itoobiya aqoonsato qarannimada madaxbannaanida Somaliland. Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya. Madaxweyne Biixi wuxuu intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraada, iyadoo dhaqaalaha dalka oo ah $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha. Madaxweynaha Somaliland waxa uu wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadallada Soomaaliya ku andacootay in heshiiska Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu kordhinayo kooxaha xagjirka ah. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inuu rajaynayo in ummadda Somaliland ay taageeri doonaan heshiiska ay xukuumadiisu la gashay Itoobiya oo ay socoto qorshihii lagu dhammaystiri lahaa. Wargeyska Fanancial Times wuxuu weriyay in xafiiska madaxweynaha Somaliland uu yaallo nuqulkii heshiiskii Somaliland madax-bannaanideeda kaga heshay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay la midowday Soomaalidii uu xukumi jiray Talyaanigu, waxa kaloo ay ka hadleen halgankii qadhaadhaa ee ay Somaliland u soo martay dib u hanashada madax-bannaanida ay ku naalloonayso. Warsiduhu waxa uu ku ammaanay Somaliland nabada iyo dawladnimada ka hano-qaaday ee ay u dhan yihiin laamaheedii kala duwanaa oo doorasho ku yimid. Waxa kaloo Fanancial Times uu soo bandhigay in Somaliland leedahay lacag iyo baasaboor, isla markaana ay xafiisyo ku leeyihiin caasimada Hargeysa dalalka Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Itoobiya iyo Taiwan. Qaran News
  4. Kooxaha Falastiiniyiinta Qasa iyo Xisbullah, Lubnaan ayaa tan iyo galinkii dambe ee maanta weerarro gantaallo ah ku qaaday deegaannada ay Israa’iil haysato ee Tel Aviv iyo magaalooyinka ku yaalla koonfurta iyo waqooyiga. Tan ayaa ka dhigaysa muddo bilooyin kaddib markii u horreysay oo weerarro wadajir ah ay kooxahan ku qaadaan Israa’iil, iyagoo gantaallo ka soo ridaya Qasa iyo koonfurta Lubnaan. Sagaal bilood oo dagaalka uu socdo , waxay kooxahan wali awood u leeyihiin inay weerarro gantaallo ah ku qaadaan Tel Aviv iyo guud ahaan magaalooyinka Israa’iil. PUNTLAND POST. The post Xamaaz oo gantaalo laga riday Qaza ku weerartay Israa’iil. appeared first on Puntland Post.
  5. Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay tarmarta dalka iyo sidii maalgeshi loogu sameynlahaa. Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudaneyaashu waxay dood ka yeesheen xaalada tamarta ee dalka, waxaaney xuseen in shirkadaha bixiya adeegga laydhka ee gaarka loo leeyahay ay gaadhsiiyeen magaalooyin kala duwan oo dalka ah, balse waxa ay tilmaameen in laydhku qaali ku yahay bulshada JSL, isla markaana dadka awoodooda dhaqaale hooseyso ay tahli kari la’yihiin qiimaha laydhka qaaliga ah. Sidoo kale mudaneyaashu waxa ay sheegeen in ay laga maarmaan ay tahay sidii bulshadu wakhtigan u heli lahayd tamar qiimaheedu uu hooseeyo, waxaaney ka codsadeen shirkadaha bixiya adeega Laydhka inay qiimaha ay hoos u dhigaan. Geesta kale xildhibaanadu waxa ay siwada jir ah uga dalbadeen masuuliyiinta shirkadaha Laydhku in bulshada il naxariisle ay ku eegaan, waxaanay fareen masuuliyiinta shirkaddaha Laydhku inay bulshada reer Miyiga ah gaadhsiiyaan adeega laydhka. Dhanka kale waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in ay dalka keento shirkado shisheeye oo dalka maalgeshi ku sameeya tamarta dalka si shirkadaha bixiya adeega Laydhku bulshaweynta JSL uga jabiyaan adeegyadaasi Laydh ee ay siyaan. Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shir guddoonka golahooda ka dalbaday in loo yeedho masuuliyiinta Komishanka tarmarta Somaliland, si wax looga weydiiyo adeegbixinta Laydh ee dalka. Qaran News
  6. Golaha Deegaanka degmada Caynaba ayaa shalay xilkii ka qaaday Maayerkii Caynaba iyo Maayer ku xigeenkii. Fadhi ay shalay yeesheen Golaha Deegaanka degmada Caynaba ayay ku doorteen Maayerka cusub iyo Maayer ku xigeen degmada Caynaba, shira shalay oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed. Fadhiga ay yeesheen Golaha Deegaanka degmada Caynaba waxa ay ku doorteen Maayar cusub iyo Maayar ku xigeen. Maayarka cusub ee loo doortay Magaalada Caynaba Maxamed Haybe Maxamuud ayaa u mahadnaqay golaha deeganka ee doortay.Waxaanu yidhi”Waxa aan u mahadcelinaya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Magaalada Caynaba ee aan ka midka ahay ee xilka ii igmaday, iyo Maayarkii hore oo isaguna runtii soo shaqeeyay waana sunaha dawladnimo in laysa soo doorto iyo in xilka layska qaado,”. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed oo loo yaqaan Waa-Gariiray. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaranka uu kusoo eedeeyey faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee Bulshada Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan. Xeer ilaalinta ayaa Waa-Gariiray ku eedeysay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed. Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiskaan, waxayna ka soo saari doontaa go’aan rasmi ah. Waa-Gariiray waxaa toddobaadyo ka hor soo xiray booliska Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ku socday baaritaano culus oo ku saabsan dhaqankiisa. Kiiska ninkaan ayaa hadal-heyn badan ka abuuray baraha bulshada, wixii ka dambeeyey markii isaga la soo xiray booliska Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo xiray dhamaan dhalinyaradii baraha bulshada ka waday ‘qabyaaladda, dhaqan xumada iyo aflagaadada.’ Sida ay xubno ka tirsan garsoorka Soomaaliya u sheegeen Caasimada Online, maxkamadeynta Waa-gariiray ayaa bilow u ah maxkamadeynta xubno caan ka ahaa baraha bulshada, balse hadda loo heysto waxyaabihii ay baahi jireen. The post Waa-Gariiray oo la hor-geeyey maxkamad, iyadoo loo heysto kiis yaab leh (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, oo booqasho sharafeed ugu yimid. Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane James Swan xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday. Intii lagu gudo-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa la iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka, iyo sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay. Source: goobjoog.com
  9. Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaalo ku garaacday magaalada Tel Aviv, taasoo keentay in markii ugu horreysay muddo dhaer bilood ah seeriga digniinaha laga yeeriyo caasimadda yuhuudda. siddeed gantaal oo laga soo tuuray deegaanka Rafah ee koonfurta Qaza ayay Israa’iil sheegtay inuu qaar kamida ka hortagay hannaankooda difaaca hawadu. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, seeriga gantaalada ka diga ayaa laga yeeriyay ilaa 30 goobood oo ku yaala bartamaha Israel oo ay ku jirto Tel Aviv, waxaana jira warar sheegaya in dhowr dhaawac oo fududi ay ka dhasheen weerarka. Garabka militariga Xamaas ee Qassaam ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo tibaaxay in gantaalladani ay jawaab u yihiin xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka reer Falastiin. Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil waddo duqeymaha arxan darada ee marinka Qaza, islamarkaana aaanay dheg jalaq u siin amarkii ay soo saartay madaxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dhamaan dib uga gurtay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay Villa Somalia heshiis baaxaddiisa weyn tahay la gashay dowladda Turkiga. Sidoo kale Masar oo iyadu aheyd dalkii markii hore heshiiska lala gali rabay, balse looga baxay ayaa sidoo kale dib uga guratay Muqdisho. Muddo fog ayuu soo jiray xifaaltanka dowladdaha waaweyn ee gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya oo ku jirta dalalka aan weli isticmaalin keydka kheyraadkooda ayaa dhex taalla loolan culus oo Turkiga, dalalka Khaliijka, Mareykanka iyo dalalka Yurub u dhaxeeya. Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu banaanka keenay qeyb kamid ah loolankii qarsoona. Hadda Muqdisho waxay markale u ruqaansatay dhanka Ruushka. Dhawaan waxay dowladda Ruushka qamadi gargaar geysay magaalada Muqdisho, kaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in la musuqay. Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan Villa Somalia kula shiray Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya Makail, kaas oo la sheegay inay iska wareysteen xaaladda Soomaaliya, midda gobolka iyo kaalinta Ruushka ee guud ahaan arrimaha gobolka. Intaas laguma simin ee waxaa markale Safiirka Ruushka la geeyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya, halkaas oo uu ku qaabilay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Labada nin ayaa ka wada-hadlay la-dagaalanka argagixisada iyo heerka ciidamada Soomaaliya. Ruushka wuxuu kamid yahay dalalka saameynta kulahaa ciidanka Soomaaliya tan iyo 1960-kii, gaar ahaan dhinacyada; tababarada, saanada iyo hal abuurka. In Ruushka loo furo albaabada Muqdisho oo loo muujiyo miisaan intaan le’eg waxay sida iska cad dareen galineysa dalalka reer Galbeedka, sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo ay hadda si weyn ugu tiirsan tahay dowladda Soomaaliya dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaan. Waqtiga ay Soomaaliya xoojineyso xiriirka Ruushka ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli adduunka uu go’doon galiyay Moscow, kadib duullaankii ay ku qaadeen Ukraine. Waxay u muuqataa hanfasho siyaasadeed iyo mid reer Galbeedka ku beeraysa inay dib u qiimeeyaan nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Waxay kale oo tallaabadan kusoo beegmaysa xilli uu magaalada Washington uu joogo madaxweynaha Kenya William Ruto, kaas oo noqday 16 sano kadib madaxweynihii ugu horreeyay ee African ah oo Aqalka Cad ka hela State-Visit. Waxaana sida iska cad uu Mareykanka ka wareysanaya madaxweyne William Ruto guud ahaan arrimaha Afrika, gaar ahaan waxa ka socda Bariga Afrika. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in aan la joogin xilligii ay Muqdisho si weyn iskugu siin laheyd Ruushka. The post Somalia oo lumin karta taageerada caalamiga iyo xulafadeeda hal arrin darteed appeared first on Caasimada Online.
  11. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Al-shabaab isku aruursanayeen oo ku taalla buuraha Calmadow ee Puntland. Howlgalka oo aan la xusin xilliga uu dhacay ayaa la sheegay in lagu laayay in ka badan 20 Al-shabaab ah oo ay ku jiraan saddex horjooge, tiro intaas ka badana lagu dhaawacay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hadasho howlgal ka dhacay Puntland oo ka dhan ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, xilli uu jiro khilaaf aad u sarreeya oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland. Dowladda Puntland oo muddo dheer Al-shabaab iyo Daacish kula dagaalamaysay buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaat ayaa weli si rasmi ah uga hadlin howlgalkan. PUNTLAND POST The post Howlgal ajnabi ka qaybqaatay oo ka dhacay buuraha Calmadow ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u farriisatay dhagaysiga gal dacwadeed la xariira dhaqan xumada baraha bulshada lagu baahiyo oo loo haysto wiil dhallinyaro ah. Maxkamadda ayaa horgeeyay Hanad Cabdiraxmaan maxamed, kaas oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranku ku soo oogay dacwado la xariira faafinta Muqaalo iyo sawirro anshax-xumo ah oo ka baxsan dhaqanka iyo diinta suuban ee Bulshada Soomaaliyeed. Ugu horreyn Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay Muqaalo iyo sawirro uu baraha bulashada ku baahiyay eedeeysanuhu,kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay kasoo horjeedaan anshaxa wanaagsan ee bulshada. qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa dhankiisa sheegay in Hanad Cabdirahaan uu beri ka yahay waxyaabaha lagu soo eedeeyay, asagoo xusay in muqaalada iyo sawirada ay Xeer-ilaalinta caddaymo ahaan u isticmaashay ay yihiin muuqaalo qof kale oo Hanad u eg leeyahay. Si kastaba ha ahaatee dhallinyaro badan oo ku eedeysan falal anshax-xumo ah ayaa xabsiyada ku jira, booliiska Soomaaliya waxay sheegeen in cid kasta oo baraha bulshada ku faafisa Muuqaallo dhaqan xumo ah ay gacanta ku soo dhigi doonaan. Source: goobjoog.com
  13. Twelve people were injured after a Qatar Airways flight from Doha to Dublin was hit with turbulence on Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta buriyay go’aan uu horey madaxweyne ku-xigeenka maamulka Yuusuf Dabageed uu shaqada uga joojiyay wasiirro dhowr ah. Guudlaawe oo fasaxay laba wasiir oo kamid ahaa afar wasiir oo bilowgii bishaan shaqada uu ka joojiyay Dabageed, ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku sheegay in go’aankan uu ku yimid la tashiyo uu la sameeyay madaxweyne ku-xigeenka. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali,” ayaa lagu yiri wareegtada dib loogu fasaxay wasaaradahan. Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Madaxweynaha ayaa talaabadani kala tashaday madaxweyne ku-xigeenka dowladda HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada dowladda HirShabelle, kuwaas oo laba kamid ah ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan. Madaxweye Cali Guudlaawe ayaa ugu dambeyntiina faray wasiirrada wasaaraddaha warfaafinta iyo beeraha inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda. Wasiirada kala ah ganacsiga iyo warshadaha Sakariye Khaalid Cabdi iyo wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Raxma Maxamed Guulle oo kamid ah wasiiradda horay shaqada looga joojiyay ayaa weli loo fasaxin howlahooda shaqo. Wareegtadan ayaa isla maanta dhaqan-gal noqotay kadib markii uu saxiixay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe). The post Guudlaawe oo buriyay go’aan uu Dabageed shaqada uga joojiyay wasiiro appeared first on Caasimada Online.
  15. Qayaastii 670 ruux ayuu ku naf waayay dhul go’ baaxad leh oo ku dhuftay dalka Papua New Guinea sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah, xilli sidoo kale uu socdo gurmad xooggan. Dhul go’an oo lagu tilmaamay musiibo bini’aadantinimo oo baaxad leh ayaa sameeyay dhul cabbirkiisa lagu qiyaasay ilaa afar garoon oo kuwa kubbadda ah, oo ku yaalla tuulada Kaokalam oo 600 kmr u jirta magaalada ee Port Moresby. Serhan Aktoprak oo ah madaxa ergada Qaramada Midoobay ee jasiiradda Koonfurta Baasifiga ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto, in ka badan 150 gurina ay ku dumeen dhul go’an oo ka dhacay degmada Kaokalam ee dalkaas. Kooxaha gurmadka degdega ah ee ku sugan Papua New Guinea ayaa ayaa ku howlan daad-gureynta dadka ay waxyeeladu gaartay, iyadoo dhul aad u badan oo aan xasiloonayn uu halis galinayay dadaalka samata-bixinta. Dawladda ayaa qorshaynaysa inay inay si rasmi ah u codsato taageero caalami ah oo dheeraad ah, ayadoo baaxad dhulka go’ayna uu la egyahay qiyaastii 4 garoon oo kuwa kubadda ah. Muuqaal laga soo duubay goobta uu dhul go’u ku dhiftay ayaa muujinaya god ballaaran oo dhoobo ah iyo dhagxaan oo ku yaal meel buur ah oo dheer iyo dadka deegaanka oo isku dayaya inay raadiyaan dad badbaaday. Si kastaba ha ahaatee waxaa weli socda gurmadka iyo daad guraynta dadka ay waxyeeladu gaartay, waxaana isi soo taraya wararka dhacdadan la xariira. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) - At least 20 al-Shabab militants, including three leaders, were killed and others wounded in an operation conducted by the federal government of Somalia and international allies in the Puntland regional state. Source: Hiiraan Online
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/GuurtidaCabasho.mp4 Qaran News
  18. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada ay UK siiso hey’adaha amniga Soomaaliya. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyada oo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee UK ay siiso ciidanka amniga ay lagama maarmaan u tahay in la sii wado horumarrada laga gaarayo nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilligaan lagu jiro wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Dhankiisa, Danjire Nithavrianakis, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga, si loo gaaro nabad waarta, loogana guuleysto kooxaha Khawaarijta ah Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ammar Ahmed Abikar. Wasiirka ayaa kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee salka adag ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo kor-u-qaadista is-fahan is-dhaafsiga. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado kahortagga caqabadaha labada dal ay wadaagaan. sidoo kale waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo la xiriira danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka. Source: goobjoog.com
  20. Sii-hayaha cusub ee ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Danjire James swam ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda. James swam oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa xoogga saari doona sidii dowladda Federaalka Soomaaliya looga taageeri lahaa dhinacyada nabad-gelyada,hormarka,iyo dowlad dhiska sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Dublumaasigaan rugcaddaaga ah ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa horay uga soo shaqeeyay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah, wuxuuna imaatinkiisu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso in la xiro xaafiiska UNSOM, sidoo kalena la filayo inay ciidamada ATMIS dalka ka baxaan. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho. Sida lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM, Mr. Swan ayaa waxa uu imaatinkiisu diirada saari doona sidii dowladda Soomaaliya iyo bulshadeeda loogu gacan siin lahaa arrimaha hortabinta u leh, oo ay ugu horreyso nabadda iyo amniga. “Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska UNSOM. Waxa uu intaasi kusii daray qoraalka UNSOM “Ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.” Waa markii labaad ee Swan uu shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka. 14-kii bishan May ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista Swan. Ninkan oo ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, ayaa sidoo kale aqoon fiican u leh arrimaha Soomaalida, maadaama uu muddo badan ka shaqeynayay gudaha dalka, islamarkaana si dhow ula shaqeeyay dowladda federaalka iyo maamullada dalka. The post Swan oo soo gaaray Muqdisho iyo UNSOM oo war soo saartay appeared first on Caasimada Online.
  22. Waxa Alle ha u naxriistee goordhawayd geeriyooday Suldaan Bare Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa salaadiinta Somaliland kana soo jeeday gobolka Hawd iyo sidoo kalegobolka Maroodi-jeex. Saaka ayaa musharaxa xisbiga Waddani iyo gudoomiyaha Waddani ayaa booqasho marxuumka ugu tagay ka hor intii aanu geeriyoonin. Alle ha u naxariisto marxuumka dhamaanteena samir iyo iimaan ha inaga siiyo marxuumkana Alle Janadii fardawsa ha ka waraabiyo Amiin Qaran News
  23. Garbaharey (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka difaaca (KDF) ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobolka Gedo iyo saraakiil Soomaali ah oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa halkaasi ku yeeshay kulan xasaasi ah. Kulankan oo ahaa mid mira-dhal ah ayaa waxa uu ka qabsoomay xerada ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Ceelwaq. Kulanka ayaa intii uu socday waxa diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa amniga iyo xasiloonida degmada iyo sidoo kale sidii ay ciidanka Kenya usii labo jibaari lahaayeen dadaalkooda. “Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa ugu mahad-celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkoodu naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadi iyo xasiloonada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada dowlad-gobaleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan ay Jubbaland kasoo saartay kulankaan. Waxaa madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku wehlinayay kulankaan wasiirka arimaha gudaha Jubbaland, wasiirka amniga, wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada Junbaland iyo wasiiru-dowlaha wasaarada amniga Jubbaland iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee gobalka Gedo. Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa oo shalay gaaray degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo, ayaa sidoo kale wuxuu halkaasi kula kulmay maamulka iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi. Si kastaba, Kenya oo xiriir hoose oo xoogan la’leh dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si weyn u taageerta Axmed Madoobe, ayada oo sidoo kale ay ciidamo dheeraad ah oo milatarigeeda ay ku sugan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo taageera hoggaanka Jubbaland, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka Shabaab. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Gedo ku dhexmaray saraakiil Kenyan ah iyo… appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo ka dhacay deegaannada maamul goboleedka Puntland. Bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ay oo ay ku jiraan saddex horjooge. “Tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Howl-galka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Calmadow, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland, sida lagu yiri qoraalka. “Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.” Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dowladda ka go’an tahay dhamaystirka argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo. “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen.” Howl-galkan ayaa noqonaya midkii ugu cuslaa ee muddooyinkan dambe lagu beegsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya deegaannada maamulka Puntland, xilli qeybo kamid ah dalka dib looga abaabulayo dagaalka dhanka ah kooxda. The post DF oo shaacisay madax Al-Shabaab ka tirsan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Puntland appeared first on Caasimada Online.
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/05/DhalinyaraSaaxil.mp4 Qaran News