Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargiesa (HOL) — The United States and Somaliland held discussions focusing on the security landscape of the Horn of Africa, the agreement between Somaliland and Ethiopia, and the upcoming elections in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  2. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo maalmahaan ku sugnaa degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan xal u helidda dagaal beeleedkii ka dhacay degmadaasi. Warsaxaafadeedkan ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii dagaalamay Mas’uuliyiinta ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay beelihii ku dagaallamay degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka degmada Luuq iyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka. PUNTLAND POST The post Qodoba laga soo saaray Nabadaynta beelihii dhawaan ku dagaallamay degmada Luuq ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  3. Djibouti (HOL) — The governments of Somalia and Djibouti signed a cooperation agreement on Thursday in Djibouti City. The deal aims to enhance collaboration between their national media organizations. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay mid laga walaaco sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan. “Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado.” Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga. Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay. Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo walaac xooggan ka muujiyay dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO appeared first on Puntland Post.
  5. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa madaxweynaha Ukriane ku sheegay in uu yahay Vladimir Putin xilli quus taagan yihiin qaar kamid taageerayaashiisa. Biden ayaa markaas doonayey inuu hadalka ku soo dhaweeyo dhiggiisa Ukriane, oo munaasabaddaasi ku sugna, waana qalad kale oo uu ku dhacay Biden xilli xasuustiisa sii daciifday. Mr. Biden oo ka qayb-galayey shirka isbaheysiga NATO oo bar-barkiisana uu taagnaa madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelensky ayaa yiri “marwooyin iyo mudaneyaal waxaan hadda hadalka ku soo dhowaynayaa madaxweynaha Ukraine Putin”. Isaga oo wax yar kadibna dib u soo laabtay si uu hadalkiisa u saxo magaca madaxweynaha uu qalday ee Volodymyr Zelenskyy. Arrintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in uu Biden ka hadho tartanka doorashada maaddaama uu yahay shakhi ay kala garashadiisu hoos u dhacday. Hase ahaatee 81-jirkan afarta sano Mareykanka hoggaaminayey ayaa ku adkeysanaya in uu u tartamayo doorashada dhacaysa bisha November ee sanadkaan. Maalmo kahor unbey aheyd markii uu madaxweyne Biden u xaqiijiyay Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska inuu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kadib markii ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dooddii uu la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay ee Donald Trump. The post Taageerayaasha BIDEN oo quus taagan kadib qalad kale oo uu ku dhacay appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Education Cannot Wait (ECW), the United Nations global fund for education in emergencies, has announced a $5 million grant to support educational initiatives in flood-affected regions of Somalia. Administered by the Norwegian Refugee Council (NRC), the 18-month grant aims to provide educational access and enhance preparedness for future climate-related disasters, benefiting 33,000 children in its first phase. Source: Hiiraan Online
  7. Somali piracy — the scourge of merchant shipping more than a decade ago — has had a resurgence this year, the industry’s main observer of the crime said. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu, Somalia, July 2024 – Across Somalia, prolonged rainfall and flash floods have caused a surge in cholera, hitting displaced women and children the hardest. Between January and June 2024, 123 lives were lost. CARE-supported health facilities treated over 11,925 acute diarrhea cases from January to May 2024, with more than 60% of patients being children under five. Destroyed water and infrastructure have left thousands without clean water and sanitation. Source: Hiiraan Online
  9. Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo degmada Luuq ee gobolka Gedo oo u joogay xalinta shaqaaqooyinkii maalmahan ka jiray halkaas, ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob, si dhinacyadu u gaaraan heshiis nabadeed rasmi ah. Qodobadan oo uu soo saaray guddiga loo igmaday xal ka gaarista colaaddii dhacday ayaa ugu horeyn waxay dhinacyada fareen inay qaataan xabad-joojin bilaa shuruud. Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay guddiga: 1. Xabad-joojin aan wax shuruud ah ku xirneyn oo labada dhinac ay dhaqan geliyaan. 2. In nabadda guud ee degaanka la qaato qofkii wax geystana ay isaga u gaar tahay tallaabo wada-jir ahna laga qaado. 3. In dhinacyada dirirtu dhex-martay ay u diyaar garoobaan wada-xaajood lagu xalinayo mushkiladii dhacday. 4. In laga fogaado wax kasta oo carqaladeynaya nabadda degaanka, sida wada-hadallada socda sida kicinta Bulshada. 5. In dhinacyada ku sugan Magaalada ay badbaadiyaan Hantida Dadka barakacay, iyada oo qofna aan dhib loogu geysan Karin heybtiisa. Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in guud ahaan shacabka degmada Luuq ay ka wada qeyb qaataan nabadda, islamarkaana dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda. Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland aoo kulamo kala duwan oo xal lagaga gaarayo wixii dhacay la yeeshay maamulka degmada, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa baaq soo saaray. Sayid ayaa dhinacyadii ku dagaalamay degmada Luuq ugu baaqay in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay iyo weliba inay qaataan xabad-joojin shuruud la’aan ah, si heshiis nabadeed rasmi ah loo gaaro. The post Aqriso: Qodobo culus oo laga soo saaray dagaal beeleedkii LUUQ appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Kulankan oo Swan uu ku wehlinayay ku-xigeenkiisa ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horu-tabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka. Ergeyga ayaa dhankiisa guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardar-gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka. Ugu dambeyntiina guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay taageeradooda Soomaaliya joogtada ah. Waxaa uuna tilmaamay guddoomiyaha in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmayal ay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya. Kulanka Swan iyo Aadan Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli buuq badan ka taagan yahay baarlamaanka, ayada oo xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen qorshe ay Villa Somalia usoo dhiibtay guddoonka, kaasi oo la rabo in lagu meel-mariyo sharciyo ay qeyb ka yihiin kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta. Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka inta lagu guda jiro kal-fadhiga 5-aad, kadib markii horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay. Guddoomiye Aadan Madoobe ayey xildhibaannada mucaaradka ugu baaqeen inuu kasoo baxo jeebka Villada, oo ay ku eedeeyeen inuu ku jiro, iyagoo uga digay inuu golaha usoo waarido qorshaha uu muranka badan ka taagan yahay. The post James Swan oo la kulmay Aadan Madoobe xilli buuq ka taagan yahay barlamanka appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasbad lagu abaal-marinayay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka iyo Howl-wadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee doorka muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka. Madaxweynaha oo munaasabadaas khudbad ka jeediyey ayaa aad u amaanay Wasaaradda Waxbarashada dalka oo ku guuleysatay inay imtixaanka xakameyso, isla markaana gaarsiiso deegaano iyo degmooyin fog oo laga xoreeyey argagixisada, taas oo dadka Soomaaliyeed aad u dhiirigelisay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalacsiiyey saraakiisha ciidamadii sugay amniga ardayda, imtixaanka iyo howlwadeenadii ay u xil-saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wuxuu khudbadaan oo socotay 15 daqiiqo inteeda badan wuxuu digniin ugu diray dadka la shaqeeya Al-Shabaab. “Dadka qaar waxay dhahayaan deegaanadii laga xoreeyey argagixisada dib ayey ugu soo laabteen, ma jirto hal degmo oo Khawaarij dib nooga qabsatay, dagaalkii aan ka bilownay daafaha Muqdisho ayaa sii maraya meesha aad aragteen, yaan lagu sirmin walaalayaal cadowga yaan loo hiilin,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ogaal li’ida iyo sida ku talagalka ahba uga shaqeeya Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladu ay soo bandhigi doonto liiska dad baaritaan ku socdo oo la shaqeeya Khawaarijta, kuwaas oo bulshada loo soo bandhigi doono. “Khawaarijtu qaraaba maleh, iska jir akoon ha u furin, hala hadlin, waa taargad, dhaqaalaha ha u keydin, waa lagu daba jiraahe iska jir,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa aad uga digay in lala macaamilo kooxaha Khawaarijta ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo dalacsiiyey saraakiishii ilaalisay imtixaanka DF, kana hadlay… appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada. Shirkaas ayaa galabta lagu qabtay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku saabsan hannaankooda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada. Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo bandhigay xogta shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha ee Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Khawaarijta iyo nabad kusoo dabaalidda dalka. Madaxweynaha ayaa faray masuuliyiinta ku mideysan Guddigan in la dardar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda. Dowladda Soomaaliya ayaa Khawaarijta Al-Shabaab la gashay dagaal dhaqaale oo aad u culus, waxaana laga gaaray natiijo weyn sida lagu soo bandhigay warbixinta guddiga. Mar kale ayaa laga fekerayaa sidii loo dardar gelin laha dagaalka dhaqaale ee lahu hayo Al-Shabaab, kooxda ayaa hadda ku jirta dhiigbax dhaqaale, waxaana socda qorshe looga sii darayo. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shir xasaasi ah isugu yeeray guddiga la-dagaalanka… appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada. Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Al-shabaab iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyinta ku mideysan guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda. Source: goobjoog.com
  14. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan. “Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado.” Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga. Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay. Peskov, ayaa hadallo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Ruushka, sidoo kale sheegay in isbahaysiga milatari ee reer galbeedka, oo shir ku leh Washington toddobaadkan, ay hadda “si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine”. Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv. Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow. VOA The post Madaxweynaha Turkiga oo soo saaray digniin dagaal oo culus appeared first on Caasimada Online.
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaa mareysa meel xasaasi ah. Labada dhinac ayaa isla socon tan iyo markii ay Somaliland aqbashay qorshe ay isla wadeen Imaaraadka iyo Itoobiya oo ka dhan ahaa Jabuuti, kaasi oo la rabo in lagu curyaamiyo dekeddaha waddanka Jabuuti. Wixii ka dambeeyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan markii Muuse Biixi magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiiska badda oo aragtidiisa la sheego inay Imaaraadka leeyihiin, balse nacfigiisa ay waddaagayaan Itoobiya iyo Imaaraadka, laguna jabinayo Jabuuti, xiriirka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicneyn. Dhawaan waxaa waddanka Jabuuti tegay xubno sheegta ama u ololeeya in gobolka Awdal uu ka go’o Somaliland. Dadka gobolkaasi dega qeyb kamid ah ayaa reer ahaan kasoo jeeda waddanka Jabuuti. Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday tallaabada ay xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ku tageen waddanka Jabuuti, kuna heleen soo dhaweyn. Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligaasi farriin hanjabaad ah u diray dowladda Jabuuti, halka ay Jabuuti beenisay inay marti-gelisay xubno mucaarad ku ah Somaliland. Wax walba ayaase hadda faraha ka baxay. Jabuuti oo malaha ka jawaabeysa hanjabaaddii Muuse Biixi ayaa casuumad u dirtay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo siyaasad ahaan ku dhashay dagaalkii Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Firdhiye, waana farriin culus oo loo diray Somaliland. Hadda Muuse Biixi oo siyaasad ahaan kal hore gacmaha u dhiibtay dowladda Itoobiya ayaa xaalka ku adag yahay. Waxaa la eegayaa waxa ay noqoto fal-celintiisu. Jabuuti waxaa haysta oo ka taliya Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo xukunka ku fadhiya tan iyo 1999-kii, wuxuu dalka ka suuliyay mucaaradkii, waxaana lagu eedeeya Geelle inuu dowladnimaddii Jabuuti u beddelay mid qoys. Dadka diidan xukunkiisa 25 sano jirka ah waxay sheegayaan inuu mucaaradka Jabuuti wax goyn lahaa haddii ay heli lahaayeen meel kale oo saldhig ka dhigtaan. Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa hadda isweydiinaya Muuse Biixi fursad iyo saldhig ma siin doona mucaaradka dibad-wareega ah ee Jabuuti oo ma ka jawaabi doona gogosha loo fidiyay Firdhiye iyo mucaaradka kasoo jeeda Awdal. Marka la isbar-bar dhigo xagga faa’iidada, Somaliland ayaa hadda faa’iido badan ku qabta Jabuuti haddii ay tahay marin, baasabooro iyo maqaamka cilaaqaadka. Laakiin marka laga hadlo qof walba iyo waxa laga haleyn karo, waxaa la aaminsan yahay in Somaliland laftigeedu ay Ismaaciil Cumar Geelle wax badan ka haleyn karto, maadaama Somaliland ay xad la leedahay Jabuuti. Waxay u muuqata in xaalad cusub la galay. Itoobiya arrintaan waa ugu badisaa, waxayna heli doontaa in Somaliland ay 100% siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaanba usoo dhacdo dhinacooda. The post Geelle oo ficil uga jawaabay hanjabaaddii Biixi – Maxaa hadda u furan Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kala diray golahiisa wasiirada, marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Musalia Mudavadi oo ahaa madaxii wasiirada. Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024-ka. Waxaa uu ku eedeyay howlqabad la’aan, kaddib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya. Waxaa kalo uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyaha Guud. “Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri Ruto. khasaare xooggan ayaa ka dhashay banaanbaxyo maalmo ka socday dalka Kenya kuwaasoo looga horjeeday sharciga Maaliyadda. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo jeedin yaab leh sameeyay. Cabdisaciid ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali. La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed. “Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC. Arrinta la-yaabka leh ayaa ah in ninka sidaan u hadlaya uu mas’uul sare ka ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo ayadu lagu eedeeyo in aysan wax dagaal ah la gelin Al-Shabaab intii ay tallada haysay, middaasi oo siisay fursad ay ku naaxdo kooxda. Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan. The post La-taliyihii Farmaajo oo jeediyay in Al-Shabab loo baneeyo xilka si ay iskaga dhiciso Abiy appeared first on Caasimada Online.
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goordhoweyd kala diray golihiisa wasiirada, marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda. Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya. Ruto ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka iyo weliba qiimeeyntii golaha wasiiraddiisa. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin. Kenya ayaa la daala dhaceysa natiijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qar-qiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday. Dibad-baxyada Kenya oo dhallinyarada ay hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo. Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay dibad-baxyada oo rabshado watay oo dhismaha baarlamanka Kenya muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay. The post Madaxweyne RUTO oo kala diray golaha wasiirrada Kenya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. 450491082_1745511406277116_8007135924804183950_n (1) Qaran News
  20. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Musalia Mudavadi , sababo la xiriira inuu ku eedeyay wax qabad la’aan. Go’aanka ayaa soo baxay kadib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya waxaana sidoo kale uu madaxweyne Ruto uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyihiu guud. Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka, iyo qiimeeyntii golaha wasiirada. “Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri Ruto. PUNTLAND POST The post Madaxweyne William Ruto oo waxqabad la’aan darteed u kala diray golihii wasiirada dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeisa (HOL) - Somaliland government sent the largest number of army recruits to Ethiopia on Thursday for training to strengthen its armed forces. Source: Hiiraan Online
  22. Kenyan President William Ruto on Thursday dismissed all of his Cabinet ministers and promised to form a new government that will be lean and efficient following weeks of protests over high taxes and poor governance. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan xarunta baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa waxa uu banaanka keenay in nadaafad darro iyo dayac wayn uu ka jiro musqulaha ay isticmaalaan xildhibaannada, ee ku yaalla xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jirto lacag bil walba laga jaro xildhibaannada, taas oo gaareyso kumaanaan doollar, haddana aan waxba lagu qaban. Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in arrintan lagula xisaabtamo guddoonka sare ee golaha, isaga oo ku dooday in lacagtan ay wax badan u tari lahayd ciidamada Soomaaliyeed. “Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii . Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay”. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xittaa aanay shaqeyneynin tubooyinka ku jira musqulaha xarunta baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid nadiifsa ama ka shaqeysa suuliyada ay isticmaalayaan xildhibaannada iyo shaqaalaha baarlamaanka. Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa guddoonla sare ku eedeeyay dayac badan, wuxuuna farriin u diray xafiiska hantidhowrka guud oo uu ka dalbaday inuu arrrintan soo farogeliyo, si loo ogaado halka ay ku baxaan lacagaasi. “Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo. Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!,” ayuu mar kale yiri Macallimuu. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan uu furmay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku bilowday dood xoogan iyo xildhibaanno ku dhawaaqay mucaarad cusub iyo inay la xisaabtamayaan guddoonka iyo xukuumadda. The post Macallimuu oo soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
  24. Xisbiga ugu balaadhan asxaabta Somaliland Somaliland iyo ururka ugu awooda badan ururada siyaasadda ee Somaliland ayaa gaadhay heshiis hordhac ah iyada oo gudi loo saaray arimahaasi. Qaran News
  25. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi wada-shaqeyn iyo mataaneyn ah warbaahinnada qaranka ee labada dal. Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ee Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan iskaashi. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada wasiir, iyadoo ugu horeyn wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo warbaahinta qaranka labada dowladood. Warbaahinta labada dowladood ayaa hadda kadib si rasmi ah iskaashi wada shaqeyneed u yeelan doona, ayada oo wasiirka warfaafinta Jabuuti uu soo dhaweeyay tallaabadan, isaggoo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya uga mahad-celiyey wada shaqeyntiisa. Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti warbaahinnada qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti u saxiixay agaasimaha guud ee raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid. Dhinaca kale, wqsiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti ee RTD, halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan. The post Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.