Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degaanada jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin ciidamada Jubaland ee dagaalka kula jira argagixisada. “Hadaanu nahay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland waanu garab taaganahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” ayay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland. “Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya Khawaarijta”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi oo kamid ah odayaashaasi. Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan dagaalka Al-shabaab looga xoraynayo dhulka Jubaland oo ay ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada maamulkaasi. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah odayaasha Jubaland oo taageeray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  2. Matabaan (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno ciidamadii Itoobiya ee Jimcihii lagu celiyey degmada Matabaan waxay sheegayaan in maanta ay dib ugu laabteen gudaha dalkaas. Ciidankaan oo ka yimid gudaha Itoobiya ayaa Jimcihii waxaa celiyey ciidanka booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo hor istaagay kana dalbaday inay cadeeyaan sababta ay ugu gudbayaan Galmudug. Saraakiil Soomaali ah oo ka timid dowlad deegaanka ayaa la socotay ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 5,000 (shan kun), waxayna ku guul-dareysteen inay faahfaahin lagu qanco ka bixiyaan safarkooda, taasi oo sababtay in booliska Soomaaliya ay go’aankooda ku adkeystaan. Ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan markii loo diiday, waxayna maanta ka gudbeen deegaanka Kalabeyr oo 20 KM waqooyi ka xiga Beledweyne, iyagoo u jaheystay dhanka dalka Itoobiya. Dadka ku nool deegaanka Feerfeer ayaa galabta sheegay in ciidankaas ay ka talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay ku laabteen dalkooda oo markii hore ay ka yimaadeen. Itoobiya ilaa hadda ma cadeyn sababta ciidankaas ay ugu soo dirtay Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka gaabsatay in arintaas ay faahfaahin ka bixiso, markii laga reebo in ciidamada Soomaaliya lagu amray in Matabaan aysan ka gudbin ciidamada Itoobiyaanka ah. Maamulka degmada Matabaan oo wareystay saraakiisha Soomaalida ah ee ku jirtay ciidanka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankaas ay cadey waayeen sababta ay ugu gudbayaan Galmudug. Ciidamo badan oo howlgalka ATMIS aan ku jirin ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale ciidamada ATMIS ayey qeyb ka yihiin, markii la isku daro waxay gaarayaan kumanaan, ku kala sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo iyo qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ayey Soomaaliya ka joogaan ciidamada Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in bisha 12-aad ee sanadkana dalka laga saaro dhamaan ciidamada Itoobiya. The post Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamadii Itoobiya ee xuduudda ka soo gudbay appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu maanta dib u dhac ku yimid, maadaama roob xoog leh magaalada. Sidoo kale ceeryaamo badan ayaa maanta qabsatay hawada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in hawada Muqdisho ay diyaaraduhu soo geli waayaan. Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ee Muqdisho ku soo wajahnaa ayaa loo weeciyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn. Roob aad u xoogan oo socday 10 saacadood ayaa Axadii maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka gudaha. Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha. Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar. Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn oo ka socota baraha bulshada. Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey. Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah. The post Howlihii garoonka Aadan Cadde oo maanta hakaday iyo duulimaadyo loo weeciyey… appeared first on Caasimada Online.
  4. Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanebi ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Ninkaan ayaa lagu qabtay deegaanka Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan. Saraakiisha Ciidamada ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkaan uu ka mid yahay tiro maleeshiyaad ah oo ka lumay Khawaarijta markii ay ku jabeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Ceeldheer. Dhowr habeen ayey ciidanku ku raad-joogeen ninka hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer. Ninkaan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo dalka Yemen, sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdeen labo nin oo mid Soomaali yahay, midna ka soo jeedo dalka Yemen, kuwaas oo maalmo badan ay duurka ku wadajireen. Sida ay saraakiishu noo sheegeen waxaa duurka gaajo ugu geeriyooday labadii nin ee kale, xogta sheegeysa in raggii kale ay dhinteen waxaa saraakiisha ciidanka la wadaagay ninka la qabtay ee u dhashay dalka Yemen. The post Sawirro: Nin Shabaab ah oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
  5. How Mombasa beat Djibouti, Dar in new World Bank port ranking Mombasa port bypassed its main Eastern African competitors, Djibouti and Dar es Salaam, in the latest World Bank global ports index over ship delays and non-tariff barriers. According to the newly released Container Port Performance Index (CPPI) 2023, increasing business bottlenecks in the Djibouti port, a facility touted as the region’s maritime hub, resulted in a drastic drop from position 26 in 2022 to 379 in 2023. The port of Dar es Salaam dropped 55 places from 312 to 367, blamed on inefficiencies. This year, Ethiopia, the most populous country in the region, cited increasing insecurity in the Red Sea and Non-Tariff Barriers (NTBs) in the Djibouti port as some of the factors that led Addis to intensify its quest to have an alternative corridor for its imports and exports, with the country looking to the Lamu port. Addis approached the self-declared autonomous Somalia region, Somaliland, seeking the use of its Berbera port, a deal that caused serious diplomatic tension with Mogadishu, which declared the deal null and void. Ethiopia offered Somaliland possible recognition in exchange for being allowed to set up a naval base and commercial port, a move Mogadishu declared illegal. A Memorandum of Understanding signed by Somaliland President Muse Bihi Abdi and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on January 2, was supposed to grant Ethiopia’s naval forces access to 20 kilometres of Somaliland coastline for 50 years. In return, Dr Abiy agreed that the Ethiopian government would engage in an “in-depth assessment” of Somaliland’s recognition. Somaliland also received a stake in Ethiopian Airlines. But Mogadishu annulled the deal, pushing the Ethiopia government to renew interest in the use of the port, has given the $25 billion Lamu Port, South Sudan, Ethiopia Transport (Lapsset) corridor a lifeline, after South Sudan focused on using the Mombasa port. In May this year, Ethiopia got its first shipment of fertiliser through the Lamu port, in a move to diversify its trade routes and reduce reliance on ports in Djibouti. The port of Dar, which has been giving Mombasa a run for its money, also saw a drop from 312 in 2022 to 367 in 2023, way below Mombasa, which fell two positions to 328 in 2023. Kenya Ports Authority (KPA) Managing Director Capt William Ruto said that Mombasa port is competing with other international ports and the Strategic Plan 2023-2027 is meant to increase its throughput and efficiency. Capt Ruto attributed the resilience of the port to the elimination of NTBs such as roadblocks and double weighing of transit cargo at the entry and exit points. “To remain relevant in the dynamic maritime industry, we have also continued to invest in port capacity expansion and modern equipment acquisition. The total container capacity for both Container Terminal 1 and second container terminal at the Port of Mombasa stands at 2.1 million 20-foot equivalent units per annum,” Capt Ruto said. Kenya Ships Agents Association Chief Executive Officer Elijah Mbaru noted that the World Bank report on the status of African ports indicates a need to improve efficiency across the continent, after most of the ports recorded a decline on the ranking. Mr Mbaru said ports play an important role in facilitating economic growth globally and are a critical conduit within the supply chain. He said the implementation of new digital systems and sustainable practices have reduced vessel waiting time from days to hours and, with such efforts, efficiency will be achieved and the cost of doing business will reduce. “In line with creating employment and being a catalyst for economic growth, it is worrying to see some of the ports on the continent dwindling in terms of efficiency,” Mr Mbaru said. The CPPI ranks 405 global container ports by efficiency, focusing on the duration of port stay for container vessels. “Its primary aim is to identify areas for enhancement for the benefit of multiple stakeholders in the global trading system and supply chains, from ports to shipping lines, national governments, and consumers,” he said. The KPA asserts significant improvements in cargo handling at one of East Africa’s gateways. According to the KPA, the turnaround time for container vessels decreased from an average of three days in 2022 to two days in 2023. Additionally, the average container dwell time was reduced to 3.5 days from 3.9 days in 2022, marking a 10 percent improvement. Ship waiting time for containerised vessels dropped to 0.2 days, with gross vessel turnaround time decreasing from 90.5 hours in 2022 to 64.1 hours in 2023. The port rankings are based on efficiency, measured by the elapsed time between a ship’s arrival and its departure after completing cargo exchange. The World Bank emphasises that efficient port operations are crucial for regional trade development, noting significant improvements since 2020, following the Covid-19 pandemic-induced downturn. The ranking methodology used in the report combines an administrative approach, reflecting expert judgement, and a statistical approach using factor analysis to ensure the rankings are both accurate and statistically robust. In the report, the Port of Berbera in Somaliland surged to position 106, a significant leap from 144, underscoring its rising prominence in regional cargo handling efficiency. Berbera’s impressive performance can be attributed to the operational takeover by DP World in 2017. Since then, cargo volumes have increased by 35 percent, and vessel productivity has soared by 300 percent. According to the D World, the container terminal achieves 50 – 75 moves per hour, which is significantly better than the global average cited by the World Bank of 23.5 moves an hour. The port of Mogadishu and Morocco’s Tanger Med showed gains in their positions over 2022. Tanger Med is the highest ranking African port on the World Bank list – and the only African port to command a position in the top 10, as it holds steady in position three. Operated by APM Terminals, in 2023, Tanger Med Port processed 8,617,410 TEUs, marking a growth of 13.4 percent, compared with 2022. This achievement, equivalent to 95 percent of the port’s nominal capacity, was accomplished four years ahead of targets. The port took delivery of two of an order of eight STS double cranes, representing an investment of €117 million ($125.5 million). The cranes can manage cargo ships of up to 26 containers with a 24,000-Teu capacity. Africa business Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin muhiim ah, waxaana culeys weyn ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha. Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay, waxaana la mari waayey wadooyinka qaar. Wadooyinka burburay waxaa ka mid ah kuwo dhowaan la dhisay, waxaana ka dhalatay hadal-heyn ka socota baraha bulshada. Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxaana yar gaadiidka dadweynaha ee maanta shaqeynayey. Sidoo kale roobka ayaa saameeyey maanta imtixaanka dugsiyada sare ee socda Muqdisho, waxaana ardayda lagu daabulay gaadiidka ciidamada booliska ah. Imtixaanka ayaa saakay dib loo dhigay muddo hal saac ah, balse wuxuu bilowday roobka oo weli socda, roobkaas ayaa soo gaalay maanta gelinkii dambe. Suuqyada waaweyn iyo mehradaha ganacsiga ayaa badidood xirnaa maanta, lamana soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay roobka da’aya. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay wadooyinka uu maanta roobku ku burburiyey halka gelin, kuwaas oo dhowaan la dhisay. The post Sawirro: Saameynta roobka Muqdisho uu ku yeeshay imtixaanka iyo wadooyinka appeared first on Caasimada Online.
  7. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Shabaab. Ninka ayaa doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee Gobolka Galgaduud. Qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ninkaan inuu u dhashay dalka Yemen. muddo dhowr sano ah ayuu ka tirsanaa Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in uu ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ku dhibaatoonaya deegaanada ay kaga dhuumaalaysanayaan Galmudug. Source: goobjoog.com
  8. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo safar shaqo kujooga Jubbaland ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay Shabaab isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, ciidanka xoogga dalka iyo bulshada deegaanka. Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida; Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Xoosh oo hadlay ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee deegaanka ka socda sida; Amniga, Nabadda iyo Xasiloonida isaga u mahadceliyey geesiyaasha ciidamada qalabka sida, isla markaana carabka ku adkeeyey in dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedkaba Jubbaland ay ka iskaashan doonaan sidii Xasillin iyo Adeegyo kala duwan looga hirgelin lahaa halkaasi iyo meel walba oo laga kiciyo Al-shabaab. “Deegaankan muddada gacan ku heynta Khawaarijta waxaa ay dhaxalsiisay in aaney jirin oo adeeg bulsho sida; Waxbarsho, Caafimaad, Leyrar iyo qaar kale. Waxaa farriitan kula laabanayaa caasimaddi, Dowladda Federaalka iyo Saxiibada Caalamka, waxaanna Dib usoo celin doonna noloshii iyo horumarka ay ku taamayaan reer Buulo Xaaji” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh). Buulo Xaaji waxaa ay Al-shabaab heysteen 16 sano, ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan gaaray deegaanka, iyadoo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo tagay deegaanka uu sheegay inaan dib looga laaban doonin. Source: goobjoog.com
  9. Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan. Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas. Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara. Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. Source
  10. Shirkadda TikTok waxay u ogolaatay Mareykanka in ay damin karaan bartooda hadii sharci- dajiyayaasha dalka ay doonayaan in ay wax ka qabtaan arrimo la xiriira ilaalinta xogta ama ammaanka qaranka. Waxay u sameysay “Amarka dami” kaas oo ay soo saartay 2022-kii markii uu bilowday dagaalka dhanka sharciga ee u dhexeeya shirkadda iyo dowladda Mareykanka. Sharci ayaa loo soo saaray sababo la xiriira walaac uu Mareykanka ka qabay shirkadda oo ah in xogta macaamiisha Mareykanka in ay la wadaagaan dowladda Shiinaha taas oo ah eed ay shirkadda beenisay. TikTok iyo ByteDance oo ah shirkadda leh waxay maxkamadda ka dalbadeen in ay ka laabtaan sharciga. TikTok waxay sheegeen in farsamadan ay dowladda u ogolaaneyso in awood cad oo dowladeeda ay kaga joojiso bartooda Mareykanka hadii aysan u haggaansamin qeynuuno cayimin. Qoraalka qabyada ee heshiiska amniga qaranka oo ay soo jeedisay TikTok bishii Agoosto ee 2022-kii ayaa dhigaya in shirkadda ay raacdo qeynuuno ah in ay xaqiijiso in ByteDance aysan awood u helin xogta macaamiisha Mareykanka. Dowladda ayaa adeegsaneysa “Amarka dami” hadii shirkadda jabiso heshiiska Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex qaraxday xiisad cusub, taasi oo gaartay gacan ka hadal, sida ay ogaatay Caasimada Online. Laba masuul oo ka tirsan wasaaradda ayaa shalay galab dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhex-maray gudaha dhismaha wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo goobjoog ah, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mr Xaange iyo agaasimaha canshuuraha Faysal Xaashi ayuu gacan ka hadalkan ku dhex-maray gudaha wasaaradda. Dagaalkaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadda gaarka loo leeyahay ee qandaraasyada ay wasaaradda ku siisay soo xareynta dakhliga gudaha. Agaasime Faysal ayaa la sheega inuu isbido awood dheeri ah oo gudaha wasaaradda, ayada oo la xasuusto inuu kamid ahaa shaqsiyaad uu wasiirkii hore ee maaliyadda shaqo joojin ku sameeyay, taas oo markii dambe uu shaqadiisi ku waayey wasiir Cilmi, maadaama ninkan lagu tiriyo saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xog ay heshay waxay xaqiijineysa in 70% canshuurta soo xaroota ay shirkaddu ku shubto akoonka wasaaradda maaliyadda, halka 30% ay la harto, waana middaas dhaqaalaha la isku hayo. Qandaraaska shirkadan oo markii horeba u muuqday mid dano gaar ah oo dhaqaale laga leeyahay ayaa waxaa dad badan ka daadagi weyday sababta ay wasaaraddu ku dooratay inay ogolaato saami, iyada oo helaysa faa’iido 100% ah, haddii ay si iskeed ah usoo aruursato canshuuraha. The post Xog: Mas’uuliyiin isku dhex feeray gudaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  12. Nin Soomaali ah ayaa laba cad u kala go’ay kadib markii uu kasoo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar Riverside ee magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota. Cabdicasiis oo dhalinyaro ahaa ayaa goobjooge uu u sheegay warbaahinta inuu iska soo tuuray dabaqa 22-aad ee dhismaha, iyadoo inta aanu dhulka gaadhin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o. Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka uu qabay xanuun maskaxda ah, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada Soomaalida ee halkaasi ku nool ay si weyn uga naxeen dhacdada. Source
  13. Mujaahidiintii galay hawlgalkii birjeex oo ahaa hawgaladii ugu cajiibsanaa ee aduunka ka dhacay iyo magacyadoodii iyo halkay ku kala dhinteen iyo inta nool 1 mujaahid biixi xaaji xasan wuxuu ku dhintay Hawlgalku intii lagu jiray waana reer cadaadlay Ama godaweyn 2l Siciid dhigane waa mujaahidkii labaad ee ku dhaawacma intii hawlgalka lagu jiray waana kuna dhintay xarshin dusheeda waana reer garadag 3Mujaahid kur libaax wuxuu dhintay markii wadamka la soo galay mujaahid kalaa dilay isna waa loo waana nin reer nasiye ah 4)Mujaahid saleebaan yare waa reer dacar budhuq bes baanu u dhintay 5)Mujaahid maloosh waa reer qurulugud Waxaanu bes ugu dhintay xerada birjeex miiska saraakiisha 6)mujaahid ina Carab waa nin reer Dhoqoshaya waxaanu ku dhinta dagaalki taala buur 7)Mujaahid Siciid dalab waa darawalkii gaadhiga Waxaanu kundhinta laan qayrta arabka waa in reer kaamhashina 8)Mujaahidkii operationka watay kornayl ibaahim koodbuur Wuxuu ku dhintay rabaso Ama daroor waa nin ree ramaso ah 9) waa Mujaahid Maal waa nool yahay waa reer Gabiiley 10)Mujaahid cabdisalaan turki waa nool yahay waana nin reer burco ah waana sarkaalkay cabdilaahi askar wada socdeen 11)waa Mujaahid Cabdi Ciid Waa nool Yahay waana Sarkaal caynab ka Shaqeeya Waana Reer Garadag Intaasay ahayeen ragii operatipnkaa fuliuey Mujaahidiinta dhimay alle Janatul fardowsa ha geeyo Amiin Amiin Taariikhda MujaahidiintaaWaxaan ka helay Mujaahid Jaamac Dolaal ilaahay ha Xafidee Ahmed Abdillahi Qaran News
  14. Beelwaynta Xasan Cabdile ee Solomadaw oo ah beelaha bud dhigga u ah xisbiga WADDANI ayaa xalay xaflad balaadhan ku soo ban dhigay taageerada ay la barbara aan taaganyihiin xisbiga Waddani, iyaga oo ballanqaaday in doorashada soo socotay ay xisbiga Waddani Iyo Musharaxa xisbigaba ku dhisidoonaan. Iyo dardargalin ku wajahan doorashooyinka isa saarka ah kula yeeshay guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo waftiga balaadhan ee ku sugan magaalada madaxda gobolka Togdheer ee Burco Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan Soomaaliya walaac badan ayaa ka jiray bixitaanka ciidanka ATMIS labadii sano ee u dambeysa. Dowladdaha deriska la’ah Soomaaliya waxay muujiyeen cabsi ku saabsan waxa dhici doona haddii ATMIS baxdo iyada oo ciidanka Soomaaliya ku filnaanin amniga guud ee dalka, balse xalay akhbaar kale ayaa ka timid dhanka Midowga Afrika. Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo waxay waqti gelisay dhismaha ciidanka dowladda waxayna kadib dalbatay inay ciidanka Midowga Afrika ka baxaan dalka, iyaga oo qabay kalsooni ah in ciidanka dowladda ku filnaanayaan amniga guud ee dalka. Laakiin dhibaataddii nidaamkii hore ee Farmaajo waxay aheyd in aanay si dhab ah ula diririn kooxaha argagixisada. Dagaaladdii la qaaday labadii sano ee u dambeysay ee tallada uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga gartay miisaanka ciidanka dowladda iyo in weli loo sii baahan yahay gacan ciidan oo Midowga Afrika ka timaada, waxaana ay dowladda dalbatay ciidan kale oo lagu beddelo kuwa hadda jooga ee baxaya. Golaha Ammaanka iyo nabada ee Midowga Afrika ayaa shalay ku dhowaaqay inuu aqbalay codsiga Soomaaliya ee ah in ciidan kale iyo howl-gal kale oo Midowga Afrika ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Goluhu ma sheegin cadadka ciidanka cusub iyo magaca howl-galka, laakiin wuxuu sheegay in howl-galkan cusub ee bilaaban doona Janaayo 2025 inuu kaabi doono ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan inuu ka qeyb qaadan doono xaqiijinta amniga guud ee dalka iyo in laga adkaado argagixisada. Arrintaan waxay hoos u dhigaysaa walaacii laga qabay sida uu noqon doono xaalka amni ee Soomaaliya haddii ay ka wada baxaan ciidanka Midowga Afrika. Waxay kale oo tani ka dhigan tahay in Soomaaliya ay markii saddexaad aqbashay howl-gal ka socdo Midowga Afrika. Horey AMISOM, haatan ATMIS, wixii ka dambeeya December 2024 howl-gal saddexaad ayaa bilaaban doona. Ciidanka hadda jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ayaa waxa uu howl-galkooda ku eegyahay bisha December ee sanadkaan. Sanadkii 2007 ayay ciidanka Midowga Afrika tageen Soomaaliya. 17 sano oo taageero ciidan ah, wuxuu howl-galkan saddexaad ka dhigan yahay in ciidanka Soomaaliya aanay weli ku filnaanin ammaanka dalkood. Dhawaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka Itoobiya aanay qeyb ka noqon doonin howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika, laakiin arrintaasi sooma hadal qaadin golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika. Go’aankan wuxuu kusoo aadaya, iyada oo dhawaan uu madaxweynaha waddanka Kenya William Ruto sheegay in haddii ay ciidanka Midowga Afrika ka wada baxaan Soomaaliya inay argagixisada dalka wada qabsan karto. The post Soomaaliya iyo howl-gal saddexaad oo Midowga Afrika ka socda – Maxaadan ogeyn? appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu yahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas oo maalmahaan dambe hadalheyntiisu xiritaanku ay socotay. Kulankaan oo ay isku hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga badeli lahaa nuuca shaqo ee xafiiskaan iyo in gabi ahaanba Meesha laga saaro sida la qorsheeyay. Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya, kaas oo muddo dheer kasoo howlgalay dalka intii uu dib u dhiska ku jiray xafiiskaan. Howlaha xafiiska UNSOM ee siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qaramada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM,waxaa Hoggaamiayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, xilli James Swan uu kaga qeybgalay qadka Teleefanka. Gabagabada warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo dhowaan at ku guuleysatay. Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (Caasimada Online) – In Somalia, over the past six years, there has been minimal rainfall or consecutive cancellations of the rainy season. Occasionally, floods have occurred, primarily affecting farmers and herders in rural areas. Aid organizations have warned that Somalia is on the brink of drought, facing the threat of impending famine and floods. These disasters, both natural and exacerbated by climate change and environmental degradation, pose significant risks. Mogadishu residents experienced sporadic rain in the past few hours, which intensified into a heavy downpour today. This sudden rainfall has caused substantial damage. “You can see, from the kitchen, the pantry, the bathrooms to the bedroom, the water is sitting,” said a father carrying his 10-month-old daughter. Another woman living in the Wajir neighborhood of Karaan district had to flee her home. She found temporary rental accommodation in another area, but not everyone can afford this. “There is nothing left of my belongings at home; everything was drowned in the water—documents, certificates, passports, laptops, and other properties that have not yet been counted,” said Nadifo Haji, a mother whose children were saved by her neighbors who volunteered to rescue them. Hassan Mohamed, a recently married young man and a neighbor of the flood victims, told Caasimada Online that all his belongings were flooded. He said, “I have been using this bedding for less than a month.” Disruption of 12th grade national exams Most of the southern regions of Somalia and the Khatumo administrative areas are currently conducting secondary school exams. For Khaatumo, it is the first time since the reunification of the national examination system ten years ago. On the second day of these exams, thousands of students faced slight delays due to heavy rain, which caused significant traffic disruptions. “This morning, I sat here with my clothes wet. I went through a lot of trouble to get here, but luckily, I’m ready for the exam,” said Mohamed Ali Hussein, wiping water from his face with a hopeful smile. “Even for us, it was difficult to get here, but we are committed to our work,” said one of the teachers overseeing the students to ensure they stay focused on their exams. Local government responses to the rain victims Despite the local government collecting taxes from the community, there is no direct relationship between city authorities and the residents. Calls to the authorities went unanswered. “I called the village officer, the district commissioner, and other partners, but none of them answered the calls,” said an elder who declined to be named in the media. This is the story of one village incident, but internally displaced people, who are the most vulnerable, are facing the biggest challenge. Caasimada Online reporters, who have made various contacts with the displaced community, have found that these people have suffered a loss. It can always be expected that the damage will increase as the rain is still falling and the community does not have enough protection. The post Drownings, destruction, and displacement as heavy rains fall in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  18. USAID has launched a water supply system project worth 10 million USD under the RIPA-North program. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's political turmoil and escalating security threats will be under intense scrutiny on Monday when the United Nations Security Council convenes for an open briefing followed by closed consultations. Acting Special Representative of the Secretary-General for Somalia, James Swan, and Special Representative of the AU Commission Chairperson for Somalia, Mohamed El-Amine Souef, will lead the session. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Somalia's federal government forces, supported by local residents, conducted a major operation targeting Al-Shabaab hideouts in the Galgaduud region, recovering a significant amount of weapons and inflicting casualties on the militant group. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — In a surprising turn of events, Abdikhafid Mohamed, a rising star for Somalia's national football team, has hung up his boots. The announcement came via a video that sent shockwaves through Somali social media, with fans grappling to understand why such a promising talent would call it quits. Source: Hiiraan Online
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/448923711_451932464260440_6353273185883992829_n.mp4 Qaran News
  23. Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la Xamaas ah, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhawaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. PUNTLAND POST The post Kooxda Xizbullah oo weerar culus ku qaaday gudaha Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  24. Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas. Kulan gaar ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya. Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood. Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar. Dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Xiritaanka Xafiiska UNSOM appeared first on Puntland Post.
  25. Beirut (Caasimada Online) – Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah. Israa’iil iyo kooxda awoodda badan ee Iran ay taageerto, ee xulufada la ah Xamaas, ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday October 7. Hadallka Xizbullah ayaa yimid saacado kadib markii ay daabacday muuqaallo ay ku sheegtay in ay muujinayaan goobo ka tirsan Israa’iil iyo xogtooda, ayada oo ay jirto cabsida laga qabo dagaal aan waxba la iskula harin oo ka dhex qarxa labada dhinac. Sabtidii, kooxda Jamaaca Islaamiya ayaa ku dhawaaqday dhimashada mid ka mid ah taliyayaasheeda, Ayman Ghotmeh, iyagoo sheegay in lagu dilay “weerar Sahyuuniyad” oo ka dhacay magaalada Khiara ee deegaanka Bekaa ee bariga Lubnaan. Israa’iil ayaa markii dambe xaqiijisay in ay fulisay weerarka, iyadoo sheegtay in Ghotmeh uu mas’uul ka ahaa hub la siiyey kooxda Xoogagga Fajr, oo ah garabka hubaysan ee Jamaaca Islaamiya, iyo Xamaas. Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay “weerar drone ah” ku qaadeen goobaha hoggaanka militari ee xerada Beit Hillel “ayaga oo ka jawaabaya khaarijinta ay cadowga Israa’iil ka fuliyeen magaalada Khiara. Milatariga Israa’iil ayaa dhanka kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha la socon ay “ka soo gudubtay Lubnaan, kuna soo dhacday agagaarka Beit Hillel”, iyagoo intaa ku daray in “wax dhaawac ah aan la soo sheegin”. Xiisadda xuduudda ayaa sare u kacday maalmihii tegay, ayada oo militariga Israa’iil ay ku dhowaaqeen Talaadadii in qorshe weerar culus loogu qaadayo Lubnaan “la ansixiyey oo la sharciyeeyey.” Hoggaamiyahan Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa ku jawaabay hanjabaad ah in meel ka mid ah Israa’iil aysan badbaadi doonin haddii dagaal weyn uu billowdo. Isha: VOA The post Dagaalka Xizbullah iyo Israel oo xoogeystay – Maxay maanta sameeyeen Xizbullah? appeared first on Caasimada Online.