Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga, Hulusi Akar ayaa galabnimadda maanta oo Arbaco ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Difaaca Soomaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale waxay si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Wafdiga ayaa soo dhawaynta kadib loo galbiyay gudaha magaalada gaar ahaan Madaxtooyadda halkaasi oo la filayo inay kulan kulan yeeshaan madaxda dalka, si ay uga wada hadlaan arrimo badan. Turkiga ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah la garab-taagan Soomaaliya, xili ay Muqdisho ka dhiseen sanadkii hore Saldhiga ugu wayn oo ay ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda, kaasi oo lagu tababaro ciidamo Soomaaliyeed ah. The post Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo booqasho ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-07112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of the presidential election slated for next week. In a statement, Mr. Adan announced that he was stepping aside following weeks of a political rift with the federal government. “From today, 17th of November, I hereby announced that I resigned from my post as the president of Southwest state,” reads the statement. Mr. Sharif who has been ruling the state since its inception in 2014 has also shelved his ambition to seek the second term. The immediate leader of Southwest has handed over power to the speaker of the regional assembly Abdikadir Sharif Shekhuna who will be holding office until a new president is elected. Many political analysts say the resignation and drop out of the president from the race is a big success to the federal government. The development comes barely a day after Somali federal government underscored the need to hold presidential elections in the Southwest State for the scheduled time The post Southwest state president steps resigns appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Madaxweynaha doladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Arbacada maanta ah ee ku beegan 07 Nov 2018 kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland. Saraakiishan oo ay hogaaminaysey Francesea Caonero oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxa ay kala ahaayeen diblamaasiyiin ka socda dalalka Netherland, Italy, Sweden, Holland, Canada iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka socda hay’adda UNODC. Kulankan oo ka qabsoomay qarniga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiyada dhexe ee dawladda, siidaynta maxaabiista burcad badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka dibeddiisa iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey saraakiishan ka socdey hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kale, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey masuuliyiintani wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidamada Asluubta Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kaleba kala hadlay xaaladda maxaabiista burcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka debeddiisa, waxaana uu Madaxweynuhu u sheegay in dowladda Puntland u gudbinayso cid kasta oo ay arrintaasi khusayso in maxaabiista si dhaw loo eego xaaladdooda, dibna loosiiyo xuriyaddooda maadaama ay wakhti dheer xidhnaayeen dibna ula jaanqaadikaraan bulshada. Dhinaca kale hogaamiyaha weftigani Francesea Caonero ayaa dhankeeda tilmaamtay inay Madaxweymaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba uga mahadcelisey qaabilaadda iyo gorfaynta arrimahakani muhiim ka ah, waxaana ay xaqiijisay in arrinta maxaabiista burcad badeedda ay tahay muhiim in waxbadan laga qabto oo laga arrinsado siidaynta maxaabiistaasi, maadaama ay muddo badan ku jiraan xabsiga, Isla markaana waxay ay Puntland ku amaantay si wanaagsan wanaagsan ee ay u maamulaan xabsiyada iyo maxaabiistaba. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintani ku booriyey inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, Isla mar’ahaantaana ay fiira gaara uu yeeshaan xal u helidda maxaabiista burcad-badeedda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Deblomaasiyiin Caalami ah appeared first on Puntland Post.
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa soo baxaysa go’aanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Si kastaba, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Shariif Xasan uu dowladda federaalka ah ka qaatay lacag dhan afar milyan oo dollar, si uu xilkaasi uga dego. Shariifka ayaa la sheegay in isaga oo eegaya xaaladda Koonfur Galbeed, oo ah maamul dhaqaale ahaan liita iyo xaqiiqda ah in laga yaabo in doorashada looga adkaado uu go’aansaday inuu qaato lacagta dowladda. Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya inaysan meesha ka marneyn hanjabaad ay ujeedisay dowladda iyo ciidamada Itoobiya ee jooga maamulkiisa oo saraakiishooda ay dhageysteen madaxda dowladda dhexe, kadib isku soo dhowaanshiii madaxda Ethiopia yo Soomaaliya. Lama yaqaan tallaabada xigta ee Shariif Xasan oo ahaa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa goordhow ka bilaawday dibad baxyo balaaran oo ay sameeynayaan dadka ku dhaqan magaaladaasi Baydhabo. Dibad baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kuwaasi oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Shariif Xasan. Banaanbaxayaasha ayaa taageerayay dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo. Dibad baxayaasha ayaa magaalada ka fujinayay boorarka uu isku soo sharaxay Shariif Xasan Sheekh aadan oo maanta is casilay islamarkaasina ku dhajinayay boorar uu ku xardhanyahay Madaxweyne Farmaajo. marqura waxaa is badashay jawiga doorashada maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan. Hoos Ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dibad Baxyo Caawa Ka socdo Baydhabo kadib iscasilaadii Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM], ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afar qof oo la sheegay in ciidamadeedu ay shalay ku dileen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab. War-saxaafadeedd ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin dadka shacabka ah ee lagu dilay ex-koontarool Balcad, waxayna intaas ku dareen in dhacdadan lagu sameyn doono baaritaan dhameystiran. “Baaritaan ayaan ku sameynaynaa dhacadan, innagoo la kaashan doonna dowladda federaalka Somalia, natiijada kasoo baxda baaritaankann waxaan la wadaari doonnaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay inay xanuunka la qaybsanayaan ehellada dadkii naftooda ku waayay falkaas, iyagoo sheegay in cid walba oo ku lug yeelata falkan lala tiigsan doono sharciga. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in AMISOM inta ay ka hawl-galayso Somalia ay ka go’an tahay inay ilaalin doonto Xuquuqda Shacabka Soomaliyeed, iyadoo la tixraacayo sharciga xuquuqda aadanaha ee Dunida iyo kuwa u dagsan dadka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri Bayaanka kasoo baxay AMISOM. Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay in baaritaanka dhacadan aysan ka hari doonin illaa ay xaqiiqda soo taabato, isla markaana ay natiijada kasoo baxda u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Hadalka kasoo baxay AMISOM ee ku aaddan Afarta ruux ee shalay ay ciidamada Burundi ku dileen isgoyska Ex-koontarool Balcad ayaa wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay AMIOSM inay falkan ku sameyso baaritaan dhameystiran, sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelata. PUNTLAND POST The post AMISOM oo ka hadashay dad shacab ahaa oo ay ciidamadeedu ku Toogteen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. November 06, 2019 – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan. Ugu horrayn, Musharraxa iyo wafdigiisa ayaa booqday deegaanka Godad oo 30 KM magaalada Gaalkacayo dhanka bariga kaga beegan, wuxuuna kulan xog waraysi ah la qaatay sarakiisha hoggaamisa ciidamada Godad, isagoo ballan qaaday haddii loo doorto xilka madaxwaynaha iyo haddii kaleba in mar walba uu mudnaan gaar ah siin doono ciidamada har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca dalka iyo dadka. Booqashada Xerada Godad kaddib, Musharrax Maxamuud Khaliif wuxuu kormeer ku tegay xerada Caano-ka-dhan, goobtaas oo qiyaastii 10 KM galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacayo, fariisinna u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland. Musharraxa ayaa ammaan iyo dhiirigelin u jeediyey ciidamada xeradaas ku sugan, isagoo xusay inay yihiin halyeeyo wax kasta u huray sidii ay ammaanka Puntland u sugi lahaayeen, islamarkaana mudan yihiin in la siiyo qaddarin dheeri ah iyo daryeel u qalma shaqada culus ee ay bulshadooda u hayaan. Ballan qaadyo dhowr ah ayuu Musharrax Jebiye u sameeyey ciidamada uu maanta la kulmay, waxaana kamid ahaa in haddii Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu kordhin doono mushaharaadka ciidamada, joogtana ay u heli doonaan iyo waliba in uu hirgelin doono xarumo lagu xannaaneeyo agoonta ciidamada iyo dugsiyo u gaar ah ubadka askarta. Madaxa Ololaha Karti iyo Hufnaan ee Gobolka Mudug Axmad Cillal, ayaa gabagabadii kormeerka wuxuu shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta, isagoo shaaciyey in musharraxu ciidamada ku sugan labada xero ee uu maanta booqday ugu deeqay lacag dhan 15,000 (shan iyo toban kun oo doolar ), taasoo Musharraxu ugu talo galay in martiqaad loogu sameeyo ciidamada xoolana loogu qalo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa wali ku guda jira socdaalka loogu magac daray Tashi iyo Tabasho, kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, shirar wadatashi ahna ula soo qaato qaybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Jebiye oo booqday xeryaha Ciidanka Daraawiishta ee Godad iyo Caano-Ka-Dhan appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha. “Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”. Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho. Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku xigeenada, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo Bandhigay Qorshaha Horumarinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Muddada 10-ka maalmood ah ee ka harsan xilka Shariifka, ayaa waxaa xilka madaxweyne sii hayn doona guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka wada shaqeyn doona qabashada doorashada. Xubnihii guddiga doorashada ee is-casilay ayaa la filayaa in la beddelo, islamarkaana 10-ka maalmood ee soo aadan lagu diyaariyo doorashada, oo dhacaysa 17-ka November. Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee dhalisay isbeddel siyaasadeedka deg degga ah ee Shariifka uu ku dhawaaqay. Go’aankii ayaa yimid laba maalin un kadib markii ay is-casileen 12 ka mid ah xubnaha guddiga doorashada, taasi oo jahwareer siyaasadeed ka abuurtay Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.
  11. Baydhabo (Sh.M.Network) – Shariif Xasan Aadan ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed inuu iska casilay xilka Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan. Sidoo kale, Shariifka ayaa shaaciyay inuu gabi ahaanba isaga haray tartanka doorashada ee maamulkaan, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bishaan November, xili ay naga xigto kaliya maalmo. Shariif Xasan ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaasi oo xilkaan sii hayna inta laga doonayo Madaxwaynaha xiga. Shariifka ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu hayey tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo loo doortay jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol oo kala ah; Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool. Tani ayaa ka dhigan in doorashada Madaxwaynaha maamulkaan ay haatan ku loolami doonan murashaxiin ay ku jiraan Mukhtaar Roobow, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Xuseen Calool-kuus iyo xubno kale. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeeen inay is-casileen, taasi oo hubanti la’aan iyo jahwareer siyaasadeed abuurtay. Hoos ka akhriso warqada is-casilaadda The post Shariif Xasan oo is-casilay, kana tanaasulay tartanka doorashada appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Xasan Maxamud Maxmed Agasimaha Maamulka ayaa saamaynta Iyo Awood uu ku leeyahay waxa ay ifka soo baxday Sannadka Horaantiisi Kadib markii. uu isku shaandheen uu wasiir Guribarwaaqo uu ku sameyay Agaasime waaxeed wasaarada kaligiina laga reebay. Maamulkii hore ee wasaarada. Masuuliyinti xilka laga qaaday ayaa cod dheer ku sheegay in wasiir lagala taliyay xilka qaadistoodi waxayna warbaahinta iyo shacabka la wadaageen dulmiga iyo ku tagi falka awooda wasiirka iyagoo diirada saaray in meeshii laga cabanaayay ee hawlaha iyo shaqada xaruunta ay ka socon wayday islamarka u muuqatay shaqaalaha iyo Hawlwadeenada ay ahayd agaasimaha maamulka iyo Lacagta Wasaaradda iyo Xiligaa ay socotay Dardargalinta shaqooyinka dhinac maamulka iyo lacagta ee Wasaaradaha dalka oo dhan waxay rajaddu ahayd in uu isbadalkaa uu raaco balse may dhicin. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Abdi ayaa wasaarada Warfaafinta u soo magacabay Agaasime Cusub oo layidhaahdo Ali Aliyow. agaasimaha oo Xooga saaray sidi uu la soo noqon lahaa Awooda maamulka Wasaarada madaama uu afka isaga duubay agaasimaha Maamulka iyo Lacagta kaas oo loo daba fadhiisanayay lagu wiixii Hawl ah. soo iibinta. heshiisyada. isteeshinariga is beer baarka shidaalka iyo wiixii kale oo dhan. runtii ali Aliyow talaabooyin fiican wuu qaaday balse agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Xasan Yare Oo awooda wasiirka haysta ayaa waxa dhacday in uu xidhay maalin uu xafiiski agasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada . isaga oo qoray sababihi uu u cuskay xidhitaanka xafiiska. waxana ka mid ahaa ku tagi falid awoodo aan sharciga siinay. iyo musuqmaasuq. iyo arimo kale Arintaa mar halkaa marayo waxa maqlay wasiirka wasaarada Guribarwaaqo Talaabadii uu wasirku qaaday ayaa noqtay in isaguna uu Quful weyn ku dhufto xafiiskii Agaasimaha Guud Ali Aliyow waxayna arintasi noqotay mid ka fajicisay dhamaan dadkii ogaa arimaha ka dhex socda wasaarada markaa agasimaha Maamulka iyo lacagta waxa uu ku maqnaa safar dalka ingiriiska may dhicin in si sax ah loogalo dhacdada xiisadii la xidhiidha labada xafiis ee xidhan balse waxa afka la qaad noqotay markii la shaaciyay xilka qaadistii agaasimaha Guud ali Aliyow waxan kor u kacay awoodi agaasimaha maamulka iyo Lacagta ee wasaarada Warfaafinta xasan Maxmud isagoo landon jooga ayuu wasaarada ka maamulayay agasimaha Guud ee Cusub Cisman warsame loogu sheegay in hawlaha wasaaradu ay ku xidhan tahay agasimaha maqan Mudo sadex bilood ah tamashlayn iyo Dalxiis Agaasimaha Maamulka uu ku joogay Dalka UK Mudo 3 Bilood ah. waxana isku xaniban oo Hawlihii shaqo oo uu gacanta ku hayay. kharashaadkii wasaarada Warfaafinta .Radio. hargeisa. wargaysaka Dawan. iyo tvga qaranka somaliland. Oo intaba uu maamulayay. Lacagtooda iyo kharashaadkoodi. (Xasan yare) waxa u xaniban oo kale lalana sugaaya saxiixiisa kharashkii lacagtii lagu dalbi lahaa qalabkii idaacada weyn radio hargiesa oo hawada ka maqan. in muda ah. lama garanaayo. sababta Masuul halboowle u ah wasaarada waxaas oo dhan oo taagnaa Madaxtooyadu way ka warhaysay maqnan shiyaha agaasimaha. safarkii dheer ee london marki uu soo gabagaboobay waa uu ku soo laabtay shaqadii halkiisi ayuu ka wataa awoodihi iyo maamulki waa u siidii walina agaasimaha guud waxba kuma wareejin la xisaabtan ma jiro. Farxaan Boodaale Source
  13. Afhayeenkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ahna wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa goordhow is casilay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in kadib markii uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxiibo dhow ahaayeen uu is casilay isagana uu haatan ku dhaawaqay in uu xilkaasi iska casilay. Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi dhinaca kalena uu iska casilay u tartamida jagada madaxtinimo ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Afhayeenkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  14. Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo. Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu maamulkiisa ka mid ahaa. Waxa uu ahaa wasiirka dastuurka Koonfur galbeed Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku yimid. Hadalka Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa loo macneyn karaa in Koonfur Galbeed aysan iminka xubin kasii ahayn golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, taasi oo dhabar jab wey ku ah golaha. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda. Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa la filaaa inuu noqdo qof ku xiran dowladda dhexe ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  15. (SLT-Baydhabo)Madaxweynihii maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa iska casilay xilka madaxweynenimo sidoo kale waxa uu ka tanaasulay tartanka Doorashada. Waxa uu ku eedeeyay dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay cadaadis saartay. Shariif, ayaa xubin ka ahaa midowga dawlad goboleedyada Soomaaliya oo dawladda dhexe si weyn uga soo horjeeday. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ayaa xilka sii hayn doona iyadoo la filaayo in Madaxweyne cusubna la soo doorto. Source
  16. Baydhabo (Puntlandi) Madaxweynihii Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa iska casilay Xilkii Madaxweynaha, isagoo sidoo kale tanasulay u tartamida Xilka Madaxweynaha Maamulkaas. Shariif-ka oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in uu u tanasulay Umadda koonfur Galbeed Soomaaliya, oo sanado uu soo maamulayay, islamarkaana uu diiday in la niyad jabiyo shacabka. Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Madaxtooyada, una dhaxeeyay Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayuu Shariifka ku go’aansaday in uu Tanasulo, islamarkaana doorashada koonfur Galbeed Soomaliya ay waqtigeeda ku dhacdo. Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay. Puntlandi.com Source
  17. Wararka ka imaanaaya Baydhabo ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu iscasilay, kana tanaasulay tartanka madaxtinnimada ee November 17 lagu waday inuu halkaasi ka dhaco. Kulanka uu isku casilay ayaa waxaa wada fadhiyeen Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha gudaha ee federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye. Sida ay wararku sheegayaan, waxaa madaxweyne si kmg ah u sii ahaan-doona Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye, kaasi oo ku simmi-doona ilaa laga doorto madaxweyne cusub. Wararkan iyo sababta uu isku casilay, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka hadlay nin dhawaan lagu dilay deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi isaga oo dhinaca kalena iska casilay u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Kulamo waqti badan qaatay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku wada qaatay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi isaga oo sheegay in uu u tanaasulay shacabka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya. Xilka madaxweynaha koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si KMG ah waxaa u sii heeynaya gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Shuukhunaa Mayee. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shariif Xasan oo iska Casilay u tartamida Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey shirka amniga ee dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe faragelinta dowlad goboleedyada. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shacabka maamul goboleedyada ay wax ka sugayaan maamulladooda, halka maamulladana ay wax sugayaan dowladda dhexe, oo aan waxba ku gacan qaban, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne Axmed Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Dowladda federalka ah, markan dowladnimadeedii u aqoonsannahay, kana mid nahay, Shacabka Jubbaland, Koonfur galbeed, Hirshabeelle ama Galmudug cidda mas’uulka ka ah bey wax weydiinayaan, baahidooda caafimaad, baahidooda amni, baahidooda dhaqaale, baahidooda waxbarasho, innaga ayey na weydiinayaan, annagii duruufta na heysa waxa ay naga dhigtay in gacmaha naga xiran yihiin” Waxa uu intaas ku daray “dowladdii dhexe ayaan wax ka sugeynaa, dowladda dhexena keliya waxaa naga soo gaara sarkaal la soo diray oo wax burburinaya, xildhibaan la qaadoo inta diyaarad lagu qaado oo la yiraa kaalay oo doorashaad galeysaa oo lacag lagu bixinayo, wasaarado inta howlahoodii la xanibey la leeyahay kan ayaa la yeelayaa” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu is-weydiiyey in dowladda burburin u sameysan tahay, isaga oo xusuusiyey wixii halaaba in mas’uuliyadeeda qaadayaan oo keliya Farmaajo iyo Kheyre. “Dowladda dhexe ma burburbey u sameysan tahay, mise ku fakirayaan cidda dowladda dhexe maanta mas’uulka ka ah laa shaka inay berri ka tagayaan, waxaan oran lahaa dowladda federaalka ah hoggaankeedu, hadduuna ilaahey ka cabsaneyn, ha garto oo ha ka cabsado taariikhda waxay ku keeneyso, ay berri qoreyso, mas’uuliyadda lama wadaagi-doonaan dad la taliya, oo meelaha fadhiya, cidda ceebta kareysaa waa madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo Shirka Wasiirada Amniga dowlad goboleedyada iyo Taliyeyaashooda Nabadsugida. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Amniga afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug, waxaa horay lagu iclaamiyay shirkii Garowe bishii hore ka dhacay, kaasoo maamul goboleedyada afarta ah isku raaceen inay sameysaan Ciidan iyo Sirdoon u gaar ah. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka soo dhalaali weyday kaalinta amniga, taas bedelkeed ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladeynta maamulada sida uu yiri. Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri. Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya, iyadoo Jubbaland ay hormuud ka noqon doonto. Puntlandi.com Source