Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Majalada caalamiga ah ee Indian Ocean ee dalka Faransiiska ayaa cadadkeedii u dambeeyay ee Jimcihii waxay daabacday warbixin ay ku sheegtay in wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi uu wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay dhigiisa Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo masuuliyiin kale oo ka trisan madaxda dawladda Soomaaliya. Warbixintan oo uu beeniyay wasiirka maalilyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa waxay sheegtay inaanu Madaxweyne Biixi ka warqabin wada hadaladaas oo ay Indian Ocean News ku tilmaantay “Suurtagalnimada in la iswaafajiyo dakhligooda cashuurta iyo qaabdhismeedka nidaamkooda maaliyadeed si loo buuxiyo shuruudaha baanka adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF) iyo si ay dib ugu qiimeeyaan deymahooda iyo siinta deymaha.” Warbixinta ayaa intaas raacisay “Hindisahani waxa uu dawladda Federaalka Soomaaliya u ogolaanayaa in ay qayb deyntaas ka mid ah u cayinto/siiso Somaliland, laakiin waxaa ku xidhan shardi ah in marka hore heshiis adag oo siyaasi ah la gaadho (Soomaaliya iyo Somaliland).” Indian Ocean, waxay sheegtay in wada hadaladan uu Wasiirka maaliyadda Somaliland la yeeshay madaxda dawladda Soomaaliya aanu ku wargelin Madaxweynihiisa Muuse Biixi Cabdi. “Wada xaajoodka uu galay Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu su’aal gelinayaa rabitaanka Hargeysa ee ah in ay ka madaxbannaanaato Muqdisho.” Ayay tidhi Indian Ocean warbixinta ay qortay. Wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa warkan ku tilmaamay mid been ah. “Warkaasi waa mid la sameeyay oo been ah, waxbana kama jiraan, suurtogalna maaha inuu wada hadal na dhex maro Soomaaliya, waayo anigu waxaan ku shaqeeyaa siyaasadda madaxweynaha oo ah inay Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala duwan.” ayuu yidhi Wasiirka maaliaydda Somaliland, oo intaas raaciyay, “Markaas warkaasi waa been aanay waxba ka jirin.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Cairo (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xarakada islaamiga ah ee Xamaas ahna xubin siyaasadeed oo ka tirsan ururkaas Maxamuud Al-Zahar oo Maalintii Sabtida aheyd gaaray Magaalada Qahira ee Dalka Masar ayaa sheegay inuu socdo olole lagu doonayo in Israa’iil lacag lagu siiyo ayna duqeymo cusub ka geysato Magaalada Gaza ee dhulka Reer Falastiin. Hoggaamiyaha Xamaas ayaa sheegay inay iyaga diyaar u yihiin in la is dhaafsado Maxaabiista la kala heysto ayna dhankooda soo daayaan kuwa ay Israaiil ka heystaan ayagana ay soo daayaan qoysaska ay Falastiiniyiinta ka heystaan. Al-Zahar oo wareysi gaar ah siiyey Al-Khaliij Online ayaa sheegay inay socdaan qorsho uu wado Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo dowlado Carbeed oo la doonayo in lacag lagu siiyo Israa’iil sidii ay u duqeyn laheyd Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin. “Cabaas wuxuu qorsheenayaa duqeymo cusub oo laga fuliyo Magaalada Gaza, waxaana howshaas dhinac kala wado dowlado Carbeed kuwaas oo lacag ku bixinayo in duqeymo cadownimo ah lagu qaado Magaalada Gaza” ayuu yiri Al-Zahar oo wareysi siinayey Al-Khaliij Online. Al-Zahar oo la waydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaan socdo iyo Dowladaha wado ayaa ka gaabsaday inuu hadda faahfaahin ka bixiyo isagoo kaliya ku gaabsaday inuu Cabaas qorshahaas u gudbiyey dowlado Carbeed ayna socdaan olole culus oo ka dhan ah Magaalada Gaza. Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahaan ay ka qeyb ka tahay in la xayiro lacagaha Bankiyada ku jiro, In xubnaha Xamas laga joojiyo Mushaarka iyo in Mushaarka laga joojiyo Xubnaha Maamulka ee Magaalada Gaza. Wuxuu sheegay inuu Cabaas wado qorsho lagu barakinayo dadka Gazza dagan, isagoo sheegay inuu arrintaas kala shaqeenayo Maamulka Israa’iil ee xoog ku heysto dhulalka Reer Falastiin. Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas dhabarka u saarinayo Xamaas weerarkii lagu qaaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadiisa kaasoo ka dhacay Magaalada Gaza, wuxuuna si cad u sheegay inaysan wax lug ah ku laheyn Xamaas. Al-Zahar ayaa sidoo kale sheegay inuu Cabaas hoos u dhigay 40-50% mushaarka la siinayey Shaqaalaha maamulka Gaza ayna tahay ujeedada laga leeyahay in lagu ciqaabo weerar aysan shaqo ku laheyn., Mar wax laga waydiiyey sababta uu Qaahiro u joogaan isaga iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa ayaa ku sheegay kaliya inay tahay sidii si hoose loogu xalin lahaa Khilaafka Gudaha ah ee kala dhaxeeyo Fatax, balse wuxuu meesha ka saaray in marnaba aan laga wada hadleyn sidii loo furi lahaa Heshiisyo nabadeed oo cusub. Wuxuu sheegay inuu Xisbigiisa weli ku taagan yahay heshiisyadii ay kala saxiixdeedeen sanadkii 2011 iyo 2017 ayna diyaar u aheyn in la galo heshiis cusub maadaama la fulin waayey kuwii hore loo wada galay. Madaxweyne Cabaas ayuu ku eedeeyey inuusan diyaar u aheyn fulinta heshiisyadii la galay Sanadkii 2011 isagoo ka cararayo qodobo ku jiro heshiiskaas oo dhigayo inay dhacaan Doorashooyin madaxweynimo iyo mid Baarlamaan. Caasimada Online Xafiiska Cairo Caasimada@live.com
  3. Xildhibaan hore ayaa sheegay in madaxda Villa Somalia ay qaadanayso masuuliyadda dagaalka siyaasadeed ee maamullada kala dhaxeeya. Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa wax ka weydiinay caqabadaha ka dhalan kara khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha gobollada iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in masuuliyadda wixii ka dhasha dagaalkaasi siyaasadeed ay qaadanayaan madaxda u sarreeysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Wuxuu tilmaamay in dalkani la doonayo in laga gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah islamarkaana aynaan muuqan dhabbihii loo mari lahaa. Dhanka kale, xildhibaan hore Cabdi Barre ayaa su’aalnay hadalkii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay siyaabo kale duwan u qaada dhigayeen maalmahani oo madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo uu ka jeediyay Muqdisho maalinkii khamiista ee aynu ka soo gudubnay, kaasoo madaxweynaha siyaasiyiinta mucaaradsan maamulkiisa uu ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XIL-HORE-CABDI-BARRE-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Galkayo (HOL) - A court in Somalia's Galmudug State on Sunday sentenced a journalist to six months in jail for what it termed "False news", a journalists’ rights group said. Source: Hiiraan Online
  5. Dableey hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay gabar ardayad aheyd. Allaha u naxariistee Caa’isho Cali Saneey oo aheyd 14 jir ayaa dhiganeeysay mid kamid ah Schoolada ku yaalo Muqdisho. Gabadhaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay ka soo baxday Schoolka ay dhiganeeysay oo ku yaala Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Hooyada dhashay gabadhaasi oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiyeoo la hadashay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in aanay garaneeynin sababta gabadheeda loo dilay. Hooyada ayaa sheegtay in kooxda dishay gabadheeda ay muddo ku murmayeen dilkeeda iyaga oo ugu dambeeyntiina dilay. Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxda dilka geeystay ay ahaayeen burcad gabadha dhimnatay Mobile-ka ka qaadanayay. Hoos ka Dhageyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Hooyo-Gabadheeda-la-dilay-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gabar Ardayad ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s former president on Sunday launched a new political party that he intends to use for the next presidential election which is scheduled to take place in the country by 2020. Source: Hiiraan Online
  7. Guddoomiyaha cusub ee xisbigani heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, madaxweynihii siddeedaad ee dalkani mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in Alle uu ka baryayo in amaanada loo dhiibay uusan ku ceebeynin. Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa maanta guddoomiye KMG ah loogu doortay magaalada Muqdisho Isbaheysiga UPD [Union of Peace and Democracy], kaasi oo ay ku midoobeen 3 Xisbi siyaasadeed. Xisbiyadda ku midoobey Ishabeysiga UPD ayaa kala ah; Daljir, PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaasi oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xilldhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah maamulka madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-MW-HORE-XASAN-SHEEKH-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD). Munaasabad magaalada Muqdisho lagu qabtay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay inuu ka mahadcelinaayo doorashada loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga oo ah mid ku cusub saaxada Siyaasada. Muuqaal lasoo dhigay Bogga Xasan Sheekh uu ku leeyahay Facebook, ayaa waxaa lagu muujiyay in Xasan uu yahay Hogaamiyaha Xisbiga. Nuqul kamid ah haddalka Xasan ayaa ahaa “Waxan u mahad naqayaa Xubnaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Dimuqraadiyadda oo maanta ii doortay Guddoomiyaha Xisbiga waxan Eebbe ka rajaynayaa in uu ii fududeeyo mas’uuliyadda culus ee laygu aaminay. Xasan Sheekh waxa uu sheegay in kulamo waaweyn uu qabandoono Xisbiga, isla markaana ujeedka ugu weyn uu maanta ahaa in la hagaajiyo Dastuurka. Xisbigan ayaa waxaa ku midoobey Xisbiga Daljir, Kutlada Horusocod oo ay ku jiraan Xildhibaanadii Qabyo iyo siyaasiyiin kale oo aad uga soo horjeeda Siyaasada Dowlada Somalia. Ku dhawaaqida Xisbigan waxa uu imaanayaa xili la sheegay in Xasan Sheekh iyo xulafadiisa ay qaateen magaca Xisbi uu leeyahay Siyaasi Cabdullahi Sheekh Xasan oo kamid ah Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed. Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan ee sanado badan ka hor la aas aasay ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU). HOOS KA DAAWO KHUDBADA UU XUBNAHA XISBIGA U JEEDIYAY XASAN SHEEKH
  9. Guddoomiyihii gollaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Somaliland mudane Jaamac Ismaaciil Cige(Shabeel) ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga xayuubiyay, kaddib kulan ka dhacay magaalada Hargaysa. Fadhiga ay gollaha fulinta ee xisbiga Kulmiye ku yeesheen xaruntooda dhexe ee magaalada Hargaysa ayay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen in xilkii ay ka qaadeen guddoomiyihii xisbigaasi ee gollaha dhexe. Waxaa sidoo kale warka ku xusan in Jaamac Ismaaciil(Shabeel) laga saaray xubinnimadii xisbiga Kulmiye. Eedaha xilka lagaga qaaday xubnimadana lagaga xayuubiyay oo Jaamac Shabeel loo jeediyay waxaa kamid ah inuu u isticmaalay so qaldan uguna faa’iideystay aragtidiisa shakhasiyan. Jaamac Ismaaciil ayaa la xasuustaa in dhowr jeer ooh ore xilkani laga qaaday kaddib dhaliillo uu u jeediyay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Xubnaha xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Somaliland oo arrintani ku kala aragti duwan ayaa laga yaabaa in buuq siyaasadeed ay ka dhex kiciso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka ah in ayaan waxba kala socon xaaladda ammaan ee ay ku sugan tahay Soomaaliya. Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aysan ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobollada Jubbaland sida Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka weerarro qaraxyo ah ay la eegteen. Wasiir Jannan ayaa tilmaamay in xukuumadda federaalka ah ay ku mashquulsan tahay oo kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraallada ku qora Facebook-ga ee iyada buunbuuniya. Dhanka kale, wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay in dowladda aynaan waqtigani la socon waxa ka socda dalka sida kan wax dilay iyo kan la dilay, kaliyana ku mashquulsan tahay barahaasi bulshada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-WASIIR-JANNAN-30-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa lagu wadaa in Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud looga dhawaaqo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xisbiga cusub ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagu dhawaaqo maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa waxaana soo baxaaya is qabqabsi Xisbiyeed oo ka dhashay magaca Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh. Is qabqabsiga Xisbiyeed ayaa soo shaac baxay kadib markii C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed uu sheegay in magaca Xisbigiisa ay qaateen Xisbiga uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xisbiga uu sheegtay C/llaahi Sheekh Xasan inuu aas aastay 2011 ilaa 2012 ayaa lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU), halka Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh lagu magacaabaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (Union For Peace and Democratic- UPD) kaa oo isna lagu dhawaaqay 2018. Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay dafiray in labada Xisbi ay isku magacyihiin isla markaana ay dadku yihiin kuwo isku khaldaaya. Waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn Xisbiyada uu diiwaan geliyay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, magacaabida Xisbigoodana uu yahay mid ay horay uga sii fikireen inta aanay ku dhawaaqin, si aanay u dhicin inay qaataan magacyo ka mid Xisbiyada la diiwaan geliyay. Marka la’eego magacyada labada Xisbi ayaa ah kuwo isku eg, waxaana muuqaneysa in Xasan Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ay afduubteen magaca Xisbiga C/llaahi Sheekh Xasan oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed. Dowlada Somalia ayaa sidoo kale fursad u arkeysa inay ku duulaan tagto in magaca Xisbiga cusub horay loo diiwaan galiyay isla markaana aysan suuroobi Karin in mar kale ay Koox kale isticmaasho. Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsiga Xisbiyadeed ee ka bilowday Muqdisho ayaa mugdi galinkara badqabka Xisbiyada kale ee horay loo diiwaan galiyay, iyadoo ay cabsi dhanka magaca ah lasoo daristay madaxda kale ee Xisbiyada.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay gabar Ardayad aheyd. Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid, waxaana fuliyay maleeshiyaad la socday Mooto. Marxuumada la dilay oo magaceeda lagu sheegay Ca’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xiliga dilkeeda ka timid iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan. Dilka gabadhani oo dareen gaara ku abuuray ardayda ayaa waxaa ka hadlay Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in dilka ka hor ay maleeshiyaadkaasi jiidjiidayeen gabadheeda. Waxa ay Hooyadu sheegay in daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay gabadha iyo maleeshiyada ay dhowr Xabadood oo bistoolad ah ku dhufteen. Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14-ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay. Si kastaba ha ahaatee, dilka murxuumada ayaa kusoo beegmaya xili asbuuc ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaan Jaamacad gudaheeda lagu dhex dilay Haweeney la oranjiray Aamino. Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Fartuun Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in la gaaray xiliga uu dib u bilaaban lahaa wadahadalka Dowlada Somalia iyo Somaliland. Khadar waxa uu sheegay in Dowladda federaalka Somalia ay diyaar u tahay in mar kale la dardar galiyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii hakatka galay. Waxa uu Ra’isul wasaare ku-xigeenka sheegay in qorshaha uu ahaa in marka hore ay wada hadal yeeshan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi bishii April ee sanadkan, balse uu u baaqday dagaalkii ka dhacay degaanka Tukaraq. Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka in madaxweyne Farmaajo xiliganba uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargeysa isaga oo calanka Somalia sida. Nuqul kamid ah haddalka Khadar ayaa ahaa “Haddaba waala gaaray xiliga madaxweynaha uu ka degi lahaa magaalada Hargeysa dibna u bilaabmi lahaayeen wada hadalada” “Waxaa sidoo kale la gaaray xilligii madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo degi lahaa Muqdisho, hadii cid walba ay joogto booskeeda wax soconaya malahan”. Ayuu yiri R/W ku xigeenka dalka oo la hadlay BBC-da. Waxaa sidoo kale, arrintaan ka hadlay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland Sacad Cali Shire oo isna dhankiisa ka sheegay in aan wali la isla gaarin in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dego magaalada Hargeysa balse ay ka horeeyaan wada hadalo. “Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iminka waxay ku jiraan hakad, kadib markii dowladda ay faragelin ku sameysay heshiiskii Dekeda Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka, si ay inoogu suuro gasho inaan wada hadalkan bilawno waxaa ka horeysa inaan is ictiraafno”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, DFS ayaa horay u sheegtay inay ka shaqeyn doonto isku soo dhawaanshaha labada dhan isla markaana ay wada kulman labada Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. GALKACYO (Caasimada Online)–The National Union of Somalia Journalists (NUSOJ) and the Finnish Foundation for Media and Development (VIKES) on Saturday opened a two days labour rights training for 25 journalists in Galkayo, Galmudug State of Somalia which is part of an ongoing NUSOJ and VIKES led trainings funded by the European Union to capacitate 150 Somali journalists on their labour rights and how to organize. The training is being benefited the local reporters from private and public media operating in Galkayo to enlighten them about their labour rights of the journalists including the need to have written contracts among other labour rights issues unknown in Somalia and how the journalists can better organize themselves at their respective company level to defend their rights and improve their working conditions.At his opening remarks Galmudug’s Mudug Governor Abdirashid Hashi Artan hailed NUSOJ team for choosing Galkayo as the fourth city to receive NUSOJ/VIKES trade union rights training after Mogadishu, Garowe and Kismayo respectively. The Governor also called NUSOJ to continue advocating the rights of the journalists in the other areas including protection and safety, because Galkayo remains one of the most perilous area journalists to operate. “I want to thank NUSOJ team and VIKES for bringing this unique and ital training to Galmudug journalists. I am confident the journalists here will benefit the sessions of the training,” Governor Artan noted adding “I also want to reiterate my call for more trainings to the journalists in this region which is critical environment so that journalists can professionally become peace-builders.” “On my capacity as regional governor, I pledge my support to the media fraternity whenever they need us. We welcome you to Galmudug.” Mr. Artan added. Hersi Yusuf Barre, the Mayor of Galkayo for Galmudug noted the importance of the media in Galmudug region and therefore he said empowering media workers would contribute to the good of the society. “When journalists are better addressed, it is then we see good journalists who can serve their community in a professional manner. We can not expect a journalist to provide a free and fair reporting, if media workers are working in uncertain condition and are poorly paid.” Mayor Barre said. On his turn, NUSOJ Deputy President Abdifatah Hassan Farah welcomed the participants who attended the training. Mr Farah emphasized the participants to make use of their time and sessions provided by the trainers during the training days. “I want to also thank our partners VIKES, European Union and Finnish Foreign Affairs Ministry for providing the support to train Somali journalists. This training on the trade union rights have reached out to three other areas namely Mogadishu, Puntland and Kismayo. Galkayo (Galmudug) is the fourth place, so that shows how this city is important for NUSOJ.” highlighted NUSOJ Deputy President Abdifatah Hassan Farah. Farah Omar Nur a senior journalist trainer and NUSOJ training and development secretary thanks Galkayo local authority for welcoming their town also taking part with the opening ceremony . PRESS RELEASE by NUSOJ
  15. MOGADISHU (Caasimada Online)–Former President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud has been elected on Sunday to to lead a new political party – the Union for Peace and Democracy (UPD) in Mogadishu. The new party is made up of two groups – Daljir and Horusocod caucus led by Hassan Sheikh Mohamud after an election held at Guest hotel in Mogadishu. Hassan Sheikh Mohamud was the 8th President of Somalia from 16 September 2012 until 16 February 2017. Mohamud was born in central Hiran province, he grew up in a middle-class neighborhood of Mogadishu and completed his diploma in technology from the Somali National University. Then after earning a master’s degree in technical education from Bhopal University (presently known as Barkatullah University) in India, he returned to Somalia and worked with various NGOs and UN bureaus during the civil war. Mohamud remained in Somalia throughout the 21-year civil war unlike many other Somali intellectuals, serving as an educational campaigner and a peace activist. Meanwhile, he won respect for his work in civil society and education, and was one of the founders of Mogadishu’s Simad University, where he became a lecturer and served as its dean for 10 years. After resigning from his post as the dean, he founded the independent Peace and Development Party (PDP) and entered politics. In 2012, in the first Presidential election in over 40 years, this former academic and university head was elected as the 8th President of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online)- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si adag ugu gacan seyray codsi ka yimid ganacsato ka tirsan beeshiisa oo codsi wadajir ah ugu gudbiyey Xafiiskiisa si ay u helaan Laysin Isgaarsiinta oo bilaash ah iyo tixgelin gaar ah oo ku saabsan shuruucda isgaarsiinta dalka ee ay dejisey Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta taas oo iminka dhaqan galay. Ganacsatan oo uu hogaaminey Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdulqadir Jaahweyn oo iminka maamula Shirkadda Internetka ee SOON oo ay wehliyaan madax ku beel ah oo leh Shirkaddaha Dalkom iyo SahalTel ayaa waxa ay u jeediyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre in ay u baahanyihiin in si gaar ah loo tixgeliyo maadaama aysan awoodin qiimaha ruqsada leysinka ee ay soo rogtay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta isla markaana haddii ay hawada ka baxaaan ay saameyn ku yeelan karaan awooda iyo miisanka siyaasadeed ee beesha. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Siyaasiinta beesha ayaa si weyn ula yaabey damaca ganacsatadan iyo siyaasiintan u abaabulan qaabka qabiil oo doonaya in ay si sharci darro ah u garab maraan shuruucda dalka balse Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amrey in aan xilligan la ogalaan karinin ganacsatadan u abaabulan qaabka qabiil iyo tujaaru xarbi oo uu waqtigooda soo gaabtay.
  17. Dowladda Puntland ayaa qaaday tallaabo siweyn uga caraysiisay maamulka Soomaaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi kadib markii ay gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer ka fulisey qorshe Somaliland ka leexsatay. Puntland ayaa deeqo waxbarasho bilaash ah siisay ardaday ka baxday dugsiyada sare ee goboladaasi, kadib markii xukuumadda Muuse Biixi ay lunsatay deeqo waxbarasho oo ay ku soo heshay ayna u leexisey gobolada kale. Xukuumadda Muuse Biixi ayaa la sheegay inay musuq maasuq ku samaysay deeqihii waxbarashada loona leex saday deegaamo gaar ah iyo goobo khaas ah, taasi oo dadka shacabka ah ay siweyn uga caroodeen. Deeqaha waxbarashada ee Puntland ayaa lagu saleeyaa kala saraynta ardayda, saami gaar ah oo la siiyo deegaamada laamiga ka durugsan iyo qaab lamid ah taasi oo fursad gaar ah siisay goboladaasi.
  18. New York (Caasimada Online) – Saxaafadda Turkiga ayaa daaha ka rogtay sababta uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u gaaray go’aanka ah in uusan hal miis qado kula wadaagin dhiggiisa Mareykanka Donald Trump. Warbaahinta Turkiga oo ay ku jirto Daily Hurriyet, waxa ay sheegtay Jimcihii in Erdogan uu ka hadlay in uusan hal miis qado kula wadaagi doonin Trump isaga oo la hadlayey koox wariyeyal ah xilli uu New York ka soo aadayey Germany. Erdogan waxa uu tilmaamay, sida laga soo xiganayo warbaahinta, in sababtii uu ku diiday fariisiga miiska ay ahayd joogiddii Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi. Labada Madaxweyne, Erdogan iyo dhiggiisa Egypt Sisi waxa ay ku wada sugnaayeen hal madal iyo hal hool iyaga oo goobjoog u ahaa kalfadhigii 73-aad ee Qaramada Midoobe kaas oo bilowday Talaado, 25-kii Sebteembar 2018, waxaana ka hadlay tiro ka mid ah madaxda dalal oo ay ka mid ahaayeen Erdogan iyo Madaxweynaha Mareykanka. Erdogan waxa uu sheegay in ay jirtay casho lagu qabanayey xarunta Qaramada Midoobe, waxa uuna farta ku fiiqay in uu fadhiyey kursiga ka soo horjeeday midkii uu fadhiyey Madaxweynaha Mareykanka. Waxa uu intaas ku daray amarkii ahaa in uu ku biiro miiskii Trump in aysan ujeedkeedu ahayn miiska balse waxa ay ahayd in uu isla miiskaas joogay Madaxweynaha Masar Sisi, waxa uu sidoo kale raaciyey in mas’uuliyiinta Mareykanka lagu wargaliyey arrintaas. Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa xumaaday wixii ka dambeeyey 2013 kaddib markii la afgambiyey Maxamed Morsi. Erdogan waxa uu uu tilmaan ka bixiyey Sisi bilowgii “Afgabmiga” waxa uuna wareysi ay la yeelatay Al Jazeera ku sheegay: “Sisi waxa uu afgambi awood militari ah xukunka uga afgambiyey Madaxweynaha la doortay ee Morsi, Sisi waxba kuma laha dimoqraadiyadda, ku dhawaasho iyo xataa ka fogaansho, waxa uu ahaa Wasiirkii difaaca ee Morsi waxa uuna dilay kumanaan dad ah.” Sidaas oo kale Erdogan waxa uu daaha ka rogay in uu 2014kii diiday martiqaad uga yimi Qaramada Midoobe xilli kulanka Sisi qeyb ka ahaa. Waqtigaas waxa uu yiri: “Waxaan helay martiqaad ah in aan hal miis la fariisto qaar ka mid ah Madaxeyneyaasha oo uu ku jiro Madaxweynaha Egypt Abdel Fattah al-Sisi, laakiin waan diiday martiqaadka. Waxa uu yiri: “La fariisiga miis ninkaas waxa ay sharciyeyneysaa xukunkiisa, aniguna ma ahi hoggaamiye ku luma sharciga.” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Caasimada Online)– Somalia Foreign Minister Ahmed Awad Isse has asked UN Security Council to lift the army embargo on his country, amid rising deadly attacks by Al Shabaab. Somali FM addressing at the annual debate of 73rd UN General Assembly has called on the UN to lift the arms embargo on Somalia to eradicate Al Qaeda linked Al Shabaab. “This embargo has been long-standing; it is what is leveling the field in our battle with the terrorist groups”, he said. He added: “When our force has the same fighting arsenal as the enemy, the odds are split. Stronger fighting capacity would enable us to have the upper hand, it would entirely dismantle the terrorists, and possibly within a shorter time”. He says his country Somalia has made huge strides in political and economic transformation, the country continues to grapple with terrorism. Somalia dismantled terrorist networks and hideouts and is simultaneously engaged with religious leaders, community elders, women, youth and the civil society, he said. The Islamist group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. NAIROBI (Caasimada Online)–The Islamist group Al-Shabaab has allegedly recruited at least 300 boys aged between 9 to 16 years old in south of Somalia. The group has gathered hundreds of children for indoctrination after asking local communities in Lower Shabelle region to identify at least 2,500 more children within 30 days, sources said. Human Rights Watch (HRW) said the Islamist group in Somalia are luring hundreds of children for recruitment into the group fighting against Somali government backed by African Union troops. There was no immediate response from Al Qaeda linked Al Shabaab group over the allegation. The Rights group said the recruitment started in mid-2017 and has so far gathered thousands of children for indoctrination after terrorizing elders and teachers in Islamic religious schools. The militant group has been wreaking havoc in the Horn of Africa region. Laetitia Bader, senior Africa researcher at Human Rights Watch called on Al-Shabab to stop the recruitment of children. Bader said that the government or other actors in charge on the ground should take measures to curb the militants’ operations. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi cusub oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo magaalada Muqdisho maalinta khamiista, hase yeeshee waxa uu durba la kulmayaa cadaadis kaga imanaya dowladda. Xisbigan uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in loo bixiyey “Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda”, waxaana ku midoobay Xisbiga Daljir iyo Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo ay ku jireen. Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa durba muujisay walaac ku aadan xisbigaan oo u muuqdo inuu noqon doono midka ugu adag Soomaaliya maadaama ay ku midoobeyn siyaasiyiin saameyn leh, islamarkaana haysta illaa 80 xildhibaan, waxaana ay qaadday tallaabo ay ku yareeneyso saameyntiisa. Xisbigaaan ayaa qorsheenayo inay Khamiista qabtaan kulan weyn oo ay kasoo qeybgeli doonaan 2 Kun oo qof, halkaas oo la filayo in si rasmi ah looga dhawaaqo ururka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xisbiga uu qorsheenayey inuu markii hore kulankaas ku qabto Howlka weyn ee Shirkadda Baabuurta Garoonka Muqdisho ee Sahal, balse waxaa loo sheegay in xukuumadda ay si hoose u hor-istaagtay arrintaas. Mid kamid ah xubnaha Xisbiga oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbixintaan ayaa Caasimadda Online u sheegay in laga diiday inay howlkaas ku qabsadaan Xafladda maadaama uu sheegay ay dowladda maamush, si loo yareeyo dadka ka qeyb-galaya munaasabadda. Wuxuu sheegay in loo sheegay inuu Buuxo Maalinta Khamiista xilli la xaqiijiyey inaysan jirin cid xaflad ku qabsan rabto Howlkaas, balse ay xukuumadda ay ka hor-tageyso inay kumanaan qof meel isugu yimaadaan, taasi oo muujin karta awood siyaasadeed. “Xukuumadda durba waxay nagu billowday cadaadis, ma aqaan sababta kulankan ay uga walaacsan tahay” ayuu yiri. Sida wararku sheegayaan Xisbigan ayaa waxaa ku midoobi doono Xisbigii Daljir, Kutlada Horusocod, PDP iyo Siyaasiyiin kale, waxaana xubnaha ugu firfircoon Xisbigan ka tirsan yihiin Baarlamaanka Labada Aqal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Xirsi Diirshe Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir. Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha in uu si deg deg ah dib u habayn ugu sameeyo xubnaha iyo shaqada guddigaas oo lafdhabar u ah caddaalad iyo sinnaan loo horseedo shacabka tabashada qaba. “Hirgelinta hannaan caddaaladeed oo lagu kalsoon yahay, xal waarana u horseeda murannada iyo khilaafaadka ka taagan dhulalka iyo guryaha waxaa asaas u ah in dib loo habeeyo Guddiga qaabilsan arrinkaas.” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo dikumiintiyada been abuurka ah ee lagu qaato hantida dadka. Guddoomiyaha ayaa faray dhammaan xubnaha Guddiiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo Guryaha ee Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan hawlaha loo igmaday, si loo xalliyo tabashooyinka la soo gaarsiiyey Gobolka Banaadir ee la xiriira dhulalka iyo guryaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dhisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin in ka badan 80 xildhibaan oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waa xisbiga xilligan heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo xisbiga ku jira siyaasiyiin iyo dad bulshada magac ku leh. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo sidoo kale dastuurkiisa la ansixiyey ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah, waxaana si rasmi ah loo shaacin-doonaa khamiista soo socota. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah 6-da bil ee soo socota, iyada oo lagu wado bisha 3aad ee 2019-ka in la qabto shirweyne qaran oo ay ka soo qeyb gali-doonaan xubnaha xisbiga dal iyo dibad, lagu dooran doono madaxda xisbiga. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in laga soo tagay axsaabtii iyo kutlooyinkii ay siyaasiyiintan horay uga tirsanaayeen sida Daljir, Peace and Development Party (PDP) iyo Kutlada Horusocod. Xisbigan Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo hadda isaga oo weyn dhashay ayaa lagu wadaa inuu dagaal u galo sidii uu u heli lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee doorashada 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqay inay maanta Diyaarad aan Duuliyaha laheyn (Drone) ay ku duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dubai oo 1200Km u jiro Xuduudda dalka Yeman. Janaalka Al-masirah oo ay leeyihiin Kooxdaan oo soo xiganayo illo wareedyo aan la shaacin ayaa sheegay in Diyaarad aan duuliye laheyn oo nooceedu yahay UAV Samad-3 lagu duqeeyey Garoonka Dubai Airport kaasoo Dalka Yemen u jiro wax aan ka badneyn 1200K. Dhanka kale Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Dubai ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Kooxda, wuxuuna maamulka sheegay inay si weyn uga war hayaan amaanka Garoonka aysana jirin wax duqeyn ah oo ka dhacday. Waa markii labaad oo ay Kooxda Xuutiyiinta Yeman sheeganeyso inay duqeysay garoonka Dubai Airport iyadoo duqeyntii hore ay sheegatay inay fulisay 27 Bishii hore ee August markaas oo ay Maamulka Garoonka ay si weyn u beeniyeen. Sidoo kale kooxdaan ayaa sheegatay 26 Bishii July inay duqeysay Garoonka Abu Dubai oo ku yaal Caasimadda Imaaraadka ee Abu Dubai loona adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn inkastoo arrintaas la beeniyey. Imaaraadka Carabta ayaa sare usii qaaday werarada ay ka geystaan dalka Yeman wixii ka dambeeyey Bishii July. Weerarka lagu qaaday Dalka Yeman ayaa waxaa iska kaashanayo Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta waxaana xusid mudan inay Imaaraadka qeyb ka aheyd howlgalkaas laga soo bilaabo sanadkii 2015. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com