-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS. kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku soo bandhigeen warbixinta akhrinta labaad hindise- sharciyeedka hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa golaha usoo bandhigtay qodobada ay ku kordhiyeen hindise-sharciyeedkan iyo meelaha ay wax ka badaleen. Xildhibaanada ayay ka codsatay in xeerkan si deg deg ah lagu meel mariyo maadaama uu muhiim yahay, sidoo kalena xildhibaanada soo bandhigaan talooyinkooda. Aqrinta ka dib ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan xeerkan iyo meelaha wax ka badalka u baahan. xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada qaar ee ku jira hindise sharciyeedkan ee u baahan in aad loogu fiirsado. Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in hay’addaan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in talooyin badan xildhibaanada ku daraan dhismaheeda. ” waxaa soo jeedinaya in guddiga aan kala shaqeyno sidii hindise-sharciyeedkan muhiimka ah loo dardar gelin lahaa, hay’addaan horay wey u jiri jirtay hanti Qaran iyo xuquuq ayay lahayd sidaasi darteed wa in talooyinkeena aan ku biirinaa oo fikir badan aan isweydaarsanaa si hay’adda u noqoto mid gudaha iyo dibadda ka shaqeyn karto”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. The post BFS Oo akhrinta 2-aad marsiiyay sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo iney aad ugu sii yaraanayaan bisadaha dhanka kalana uu kusoo badanayo Dooliga (Jiirka) ayaa waxaa sababta dhabta ah ka hadlay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka ah. Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ah siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho ayaa war-baahinta maxalliga ah u sheegay in Dowladda Federalka ay billowday iney dowlado shisheeye ka iibiso Bisadaha oo kamid ah xayawaanka ku nool Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladdu horey u fasaxday Ugaadhii, sida deyrada, diidiinka iyo kuwa kale, haddana ay xaaladdu mareyso Bisadihii iyadoo aan la ogeyn haddii ay dowladdu dhaqaale ku qaadato iyo iney bilaash ku bixiso. Bisadaha ayaa qaali ka ah wadamada Reer Galbeedka iyadoo mararka qaar qofkii dila laga qaado lacag diyo u dhiganta sababtu waa iyagoo kasii dabar go’aya wadamadaasi. “Idinka Ugaar baad ka hadleysaane Biisadihi baa la dhoofinayaa Biisadihii, Xamar miyaad ku aragteen? baadi gooba Biisadihii baa la rarahayaa, cid ka xisaabtameysa ma leh, Baarlamaan ka gubanaya oo ka xisaabtamaya ma leh, ciiddii baa la rarahayaa waxaa Balli doogle iyo Buurhakaba laga rarahayaa ciiddii iyadoo Konteenaro ku jirta ayaa la dhoofinahayaa cid ka hadleysa ma leh” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre. Dadka qaar ayaa haatan ka cabanaya Dooliga oo ku batay Muqdisho maadaama Bisadihii la dagaalami jiray la dhoofinayo, waxaana ay Dowlada Federalka kula talinayaa mar haddii aan Bisadaha laga aaleyn in lagu daro oo isna la dhoofiyo Dooliga ama Jiirka. Ugu dambeyntii Cabdi Barre ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad adag una baahan yahay in la badbaadiyo inta goori goor tahay. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida uu wararka ku helay warsidaha Puntlandi, Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa gor dhowayd madaxtooyada Koonfur Galbeed isugu yeeray duubabkii dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool ama Digil Iyo Mirifle. Wuxuu ku wargaliyay in uusan awoodin in uu u tartamo xilka Madaxtinimo ee Koonfur Galbeed, isagoo caddeeyay inay dowladda federalku si toos ah u afduubatay howlihii doorashada, iyadoo loo adeegsanayo ciidamo, gaadiid dagaal iyo murashixiin Nabad iyo Nolol si xoog kuwado. Mid ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee goobta joogay ayaa lagasoo xigtay in kaddib ay shirka kusoo biireen Xildhibaano tiro ahaan gaaraya 21 xubnood oo ay ku jiraan xubnihii Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay Shariifka garabkiisa ahaayeen. Waxay kula taliyeen in uusan is casilin oo uu tartamo, balse waxaa uu ku adkaystay go’aankiisa. Warar aanan la hubin ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah galabta ula hadli doono Murashaxiinta. Puntlandi.com Source
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diyaarinaya qaraar cunaqabataynta lagaga qaadayo dawladda Ereteriya kadib markii reer Galbeedku bedelay mawqifkooda. Heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ayaa fure u ah qorshaha cusub waxaanay cunaqabataynta hubku saarnaan doonta Somalia sida qaraarka cusub dhigayo. Dawladda Ingiriiska ayaa Khamiistii golaha u qaybisay qaraar ku baaqaya in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta Hubka iyo dhammaan xariyaadda dhanka socdaalka, hantida laga xannibay iyo dhammaan cuno qabataynaha lagu bartilmaameedsaday Ereteriya sida uu dhigayo qaraarka Ingiriisku u ololanayo oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP. Qaraarka ayaa loo codayn doona 14-ka bishan November, waxaana lagu rajo weyn yahay in la meel marin doono sida laga soo xigtay ilo diblamaasiyadeed. Maraykanka iyo Ingiriiska oo heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya kadib dalbanayay in Asmara hagaajiso xorriyatul qawlka iyo xuquuqal iisaanka ayaa haddana mawqifkooda bedelay, islamarkaana ogolaaday in cuno qabataynta la qaado. Ereteriya waxa cuno qabataynta la saaray sanadkii 2009 kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka dagaallama Soomaaliya, hase ahaatee waxa qaraarka lagu sheegay in Kooxda la socodka cuno qabataynta u qaabilsan Qaramada Midoobay aanay keenin wax caddayn ah oo ku saabsan in Ereteriya taageerto argagixisada. Dawladda Ereteriya ayaa eedahaasi dafirtay waxaanu wasiirkeeda arrimaha dibaddu bishii September kulanka guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in cuno qabatayntu curyaamisay dalkiisa iyada oo aanay wax sharci ah ku salaysnayn waxaana cuno qabatayntu buraysa isla maalinta loo codeeyo qaraarka sida ku xusan qaraarkan cusub. Dawladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku wehelinaysa baaqa ah in cuno qabataynta laga qaado Ereteriya intii isbedelku ka dhacay Geeska Afrika laakiin, sida uu dhigayo qaraarka cusub waxa Soomaaliya sii saarnaan doonta cuno qabataynta hubka. Dawladda Jabuuti ayaa hore si weyn uga soo hor jeedsatay in cuno qabataynta hubka laga qaado Ereteriya iyada oo ay u dhexeyso colaad dhanka xuduudka ah. Hase ahaatee qaraarkan ayaa Ereteriya iyo Jabuuti ku boorrinayo in la sii wado wada hadallada bilawday bishii September oo madaxda labada dal ku kulmeen Sucuudiga. Waxa xusid mudan in dawladda Ingiriiska oo qaraarkan dabada ka riixaysa la filayo in ay dhawaan xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa twitter-ka ku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Ingiriisku sheegay in ay si dhakhso ah safaarad uga furan doonan Jabuuti. Wasiirku waxa uu sheegay in ay taasi ku timid siyaasadda arrimaha dibadda Jabuuti oo furfuran. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Sheekh Mukhataar Roobow Cali ayaa noqday Musharraxii ugu horreeyay ee isu diwaan galiya doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Gudig Doorashada maamulkasi ayaa Shahaadada Musharaxnimo gudoonsiiyay Musharrax Sheekh Mukhataar Roobow oo buuxiyay shuruudihii la soo bandhigay. Roobow ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu guuleysto doorashadaasi oo dhawaan ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ololaha doorashada ayaa si weyn uga socota deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoona ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah oo daneynaya qabashada hoggaankaasi. Doorashada ayaa lagu wadaa in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Musharrax Madaxweyne Roobow Oo is diwaan galiyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiir hore ee ganacsiga iyo Duulista Hawada ee dowladda Puntland Cali Axmed Gamuute, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, ayaa maanta Muqdisho ku qabtay qabtay shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayo taariikh Nolaleedkiisa. Taariiqdiisa oo Kooban Musharaxa Cali axmed ayaa ku dhashay Magaalada aAwaare ee Dowlad deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya Sandkii 1957. 1964 waxa Loo soowareejiyay Soomaaliya waxa uuna ku bar baaray Magalada qardho waxa barashada aas aasiga ah waxa uu ku dhameystay Magaalada qardho sanadii 1973 waxabarashada dugsiga sare waxa uu ka baxay dugsiga taba barka Wax barashada Gacanta ee Burco waxa uu dhameeyay sanadii 1977 Hreerka koowaad ee Jamacada waxa uu ka bartay Jaamacada umada Soomaaliyeed kuliyadii in jineeriga 1981. Marka uu dhameeyay heerka koowaad ee jaamacadda. Waxa loo qaatay Macalinimo, waxaana loo baday Dugsigii Farsamada Gacanta Lafoole sanadkii 1981 ilaa 1982. Waxa uuna Noqday macalimiintii ugu horeeyay ee Badala Macalimiintii ajanamiga ahaa ee lacagta badan lagu keenijiray si ay waxa ubaraan dadka. Isla sanadkii Xigay Cali Gamuute waxa loo badalay Dugsiga sare ee Beeraha Af gooye isla sanadkaa 1984 waxa uu maamule ka Noqday Dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Luglug ee Jubada hoose isla sanadkaas waxa loo badalay kuliyadii ciidamada qalabka sida ee Jaalle Siyaad. Musharaxa Cali Gamuute ayaa Kamid noqday Golahii wasiiradda ee dowladda Puntland sanadihii 2009 ilaa 2013. Waxaa uu soo noqday wasiirkii duulista iyo garoomada Puntland iyo wasiirkii ganacsiga xilligii xukuumadi Cabdiraxmaan Faroole. Cali Axmed ayaa sheegay in xisbigiisa aayatiin ay diyaar uyihiin in ay utartamaan jagada Madaxtinimo Puntland ee 2019 ka dhici doonto Puntland. Musharaxa ayaa sheegay in Hadii ay ku guuleysta Xilkaasi uu wax badan kabadali doono Xaaladaha amni ee deeganada Puntland Kobaca dhaqaalaha xaga wax barashada iyo in ay soo saari doonaan Kheyraadka dhulka Si looga Faa iideysto. Gamuute oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu ku soobaxo Laaluush ama Musuq maasuq waxa uuna ku macneeyay haddii uu musuq maasuq ku soobaxo uu noqonayo afwax cun Xishoo uusan waxba qaban kari ileen musuq maasuq aan ku soo baxee. Dhinacakale waxa uu sheegay in uu Hormarin doonaa Nolasha iyo aqoonta Dadka reer miyiga si dadkaasi reer miiga ah ee aan kutiirsanahay ay noqdaan dad aqoon ahaan iyo nolol ahaan diyaarsan. Halkaan ka dhegayso codka Musharaxa. musharaxa Puntlandi.com Source
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Waxaa barqanimadii maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ergeyga Midowga Africa u qaabislan Soomaaliya Amb. Francisco Madeira. Labad Ergey waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda sare ee Galmudug, sida Madaxweyne Xaaf iyo madaxa xukuumadda maamulkaasi Sheekh Shaakir. Intaasi kadib ayaa waxaa wafdigani iyo madaxda Galmudug kulan gaar ah ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada maamulkaasi ee koonfurta Gaalkacyo. Kulankan ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda cakiran ee Galmudug iyo khilaafka u dhexeea dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Wakiillada QM iyo Midowga Africa ayaa horay u gaaray Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe oo ay kula soo kulmeen madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. The post Wakiillada QM iyo Midowga Afrika Oo gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hadba geed isku qaaday, siddii hal shimbir cag qabta, af dhigi wayday, oo isu barbari-naysa dhanka lugta xanuunaysa, dabeed kaba baydhay wadaddii ay haysay, siday dhinac ay ugu xagli-naysay, aakhir-kiina jar ka booday, oo halkii ku aakhiray-satay, waxa cayn-kaas ka dhigan oo maskaxdda ka buka, ka caar-keena caaya ee la yidhaaho guri abaareed, wasiir ku sheega War-faafinta iyo hidaha, waa kaas kuu askarigu biday in uu hidaha wasiir u yahaye ( wuxu wax is dhaama maaha), oo ka dirtay-ba wuu ka sii liitaaye. waa-se uu u sii dhameeyey askartii, wax badso wax beela way leedahaye, aqoon xumaan wuxu ka qabo, cabudhi buu si leeyahay ummadda. oo mucaaridku waxay ku hadla-yaan dhegayso, laakiin ma oga in boqol mayl laga sii horeeyo, waayo’aragnima-diisa baa yar, oo ilayn aqoon laguma keenin, markii hore-ba meesha ee caydda hablaha iyo reer hebel baa lagu keenaye, waxad moodaa in uu dhashay intii uu af-weyne tegay, in wuxu eeday-ba ay ahayd cabdudhi oo yaan juuq la odhan, malaha kani wuxu ka yahay ” Lax Dhukani Abaar moog” oo xaal-kiisu waxa weeye marka la isku soo duubo ” Rabbi khalaq wa dalaq” oo micna-heedu yahay laguma dhaamee dhaqaa”. waxan odhan lahaa ka indhaha la’, siddii qarandidda hoos u foorara, aqoonta aad hablaha ku cayday, baa waxad tahay-ba sheegtay, meel kale oo lagaa soo baadhayaa ma jirto. Wax soo kordhi baad is tidhi ku cusub, oo aad meesha ku sii ahysato, markaa-saad la timi qalab wax lagu dhegaysto baan soo dejiyey, bal in aad ambanayso, ma askari sir doonaad tahay? Mise Wasiir ku Sheeg? Mise labada-ba waad tahay? bal wax isku sheeg adigu aanu kaa dhegaysano. Waxa aanad garanayn waxa uu askarigu kuu dirtaye, waayo hadaad gara-nayso micna-heedda, maad caydeen hablaha , adoo ku andacoo-naaya, wax aad hidaha ku sheegtay baan wasiir u ahay, horaa-se loo yidhi ” Aqoon gab gabal kuma hooyo ee gacal ha moodina”, markaa iska walaaqo. Akhristaw, qodob ka kale ee imikadan aan qoraayo maqaalkan taagani waxa weeye, aan in yar kaaga horey-siiyo’e. Somalidu been way sheegtaa laakiin been ma maah-maahdo’e, waxay yidhaaheen ” Soo bax baa la leeyahay, oy sacabka leefay-saaye” waa dhab, oo runtii saaka baynu haynaa iyadda oo ooda-heeddii wadata, adiga oo iga raali ah. Muwaadin waad la socoteen in dhul-keenii , siiba dekeddii ahayd dhuunta laga quudiyo Somaliland, uu Xusbiga Kulmiye iibiyey, bool-bool u xaraashay, gebi ahaana uu ku wareejiyey Imaaraadka, taas oo dhashay in ka badan 30 markab oo rarani, inay mudo bil taagnaa-yaan marsadda Berbera, oo cid ka dejisa la waayey, cashuurtii ku habsaantay, tii khasnad ahayd-na beri hore lagu kala tegay, oo la faaruqiyey, ummaddii ku noolayd-na ay bay-hoof iyo silic isla daba meeraysa-naysaa, oo aanay haynin wax ay iligga saaraan, darxumo u dhamaatay, macaluulna uu boggii iyo beerkiiba suun ku kala jaray. (IHN) abwaan Ibraahim Gadhle baa yidhi ” Daawaha agoontiyo ma mid daaha goostiyo, dacas kama tagay dhali? Ma mid dawladaha iyo dawersadda aduun-kiyo, doolar urursaday dhali?, Ma mid dalaga beeraa iyo dooga soo baxa naga daaqa bay dhali? imika baynu haynaaye, oo aboor baa ku baxay dhulkii siddii u dhamaa, oo olol iyo omas, qiiq baa meel kaste ka baxaya, siddii malawggii bay cariga u muudsa-deen, oo ay u qalaji-yeen caleentii siddii xaabkii dhirta ka daadan jirey xagaaggii, duulka Meesha ka shimbiro-waaqalay-nayaa waa wax aan hore inoo soo marin. Nin la odhan jirey Faarax Gololay, oo majaaji-layn jirey, baa maalin ka mid ah ayaamaha, goor ay galab tahay, oo salaadii makhrib dacalka loo saaran yahay, baa hudheelkii Taleex ee xamar, waxa soo gashay ina af-weyne, Faarax Gololay ciyaal faraha badan oo baalash-layaal ahaa, oo hudheelka hor fadhiisan jirey, buu mid kaste shilin siiyey, wuxu yidhi, marakay ina af-weyne ay baxayso, dibnaha waxad ka siisaan Biiq-Biiq-Biiq, siddii wax dhuusdhuu-aaya oo kale. Kolka ay idin tidhahao maxada la dhuusdhuu-saysaan? dhinac nooga baydha, waxad ku tidhaahaan Aabahaa baa afka naga xidhaye, adna ma waxad rabtaa in aad futadda naga xidhid? cabaar ka bacdi, markii ay soo baxday bay ciyaalkii siddii lagu-la balamay sameeyeen, oo intii la sii qayb-siiyey ku yidhaaheen inantii, intay ku qosashay bay tidhi orda oo edeb sameeya ciyaala-suuqayahaw. ilayn wax la xidhi-xidhi akro maahee. Waxan uga socdaa kan yar ee banaanka ordaayaa xaal-kiisu waxa weeye iska dhuus-dhuus sidda ciyala yaab leh, ilayn shaqo-diisa maaha wax dhegay-siye, oo askari sir doona maahee, maxaa ku kelifay in uu soo waarido waxan uu is leeyahay ku faan? Waxa weeye sababtu qalabkan hunguri baa ugu jira, oo wuxu is leeyahay aad wax ku cuntid, ilayn maskax mesha kuma hayee, wax bana ma dhegay-sanayaa. waxa la yidhi ” Gacan qaad-qaad baratay, haddii la gooyo, gumudka baa dhaq-dhaqaaqee” wuxu maqalay wax baa la boobaa, mana hayo qaabkii, wax loo kala deberi jirey, ee siddii caruurtii markay gurguuur-taan waxa kaste oo dhulka yaala afka gelin jirey buu kani leeyahay ” dhulku Maadh Badanaa , ma magaalo yar baa?” Waxan ku soo xidhay qoraalkan isaga ah ” Gunta lagama jaro geed haduu, kuu gabood yahaye”, kani isaga baa isi soo dabraaya, mana dhici karto in la isu aamusiiyaa, oo hortii jiraba waaye, af-weyne baa isku deyey, oo dooniddii bad dhex dhigtay, kana dabaalan kari waayey, ee daaya isaga iyo ummadda ka mawjadu qaado? Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan N . B ” Aqoon gab gabal kuma hooyo. Qore : – Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
Sanadkan sii galbanayaa inta aanu gebagaboobin waxaynu bixinaynaa tobon biladood sidii inoo caadada ahaan jirray . Biladda koowaad oo ah bilada isbadalka , waxaynu siinaynaa xisboga ucid oo sameeyay isbadal wayn oo ah mucaarid sakhiran ilaa mucaairid mayal adag . Bilada dib u dhaca iyo gaabiska waxaynu siinaynaa xisboga kulmiye oo Ka hoos maray filashadii xitaa mucaaridku Ka filayeeen iskadaa muxaafidkee . Biladda dulqaadkana xisbiga wadani ee samirka badan . Biladda wasiirka sanadka waxaynu siinaynaa wasiirka beeraha ee dhulka wada beeray . Biladda maayarada waxaynu siinaynaa maayarka berbera ee la isku raacay . style=”text-align: justify;”> Biladda dhalinyarada waxaynu siinaynaa eng siyaasiga ah ee dada yar eng cabdixakiin . Bilada diidmada waxaynu siinaynaa maxamuud xaashiga dadku wada giriifey . Bilada saamayntana waxaynu siinaynaa buuga xirsi ee sheekadiisu dhamaanwayday . Bilada dadaalakana waxaynu siinaynaa shirkada telesom ee dadaalka badan . Bilada jacahlkana qoyska reer mursal ee hal hayska noqday . La soco tobanka biladood ee Ku xiga . Source
-
Hargeisa- 5th November 2018 The Minister of Information of the Republic of Somaliland should stop recurrent decisions restrictive to freedom of media protected in the Constitution and the Press Law, Human Rights Centre said today. On 1st November 2018, the Minister of Information, Abdirahman Abdilahi Farah, wrote a letter to the Attorney General asking to take “a legal action” against two privately owned televisions, Saab and Star. The Minister accused the two television stations of violating a previous order banning Somaliland media “of making any communications with a robbery group led by Caare,” says the Minister’s letter seen by Human Rights Centre. The letter refers to a former military officer who left the Somaliland National Army and formed what he called “an armed opposition group.” The dispatch of the Minister states that the televisions aired “on 27th October 2018 news detrimental to the sovereignty” of Somaliland, and asked the Attorney General to take an action against Saab and Star televisions “to prevent the media to report news destabilizing the peace and security of the country.’ The management of one of the televisions named by the Minister told the Human Rights Centre that they have not violated the laws of Somaliland, but aired statement made by a “dissident colonel.” “This is not the first time the Minister of Information issued a decision threatening and squeezing freedom of media. In an earlier directive, he ordered the Somaliland media not to give coverage news that is “destabilizing the peace”. Last week the governor of Sool region instructed all journalists based in Sool not to provide any news coverage to Puntland administration or talk about anything related to Puntland,” says Guleid Ahmed Jama, the director of Human Rights Centre. On 29th May, the minister banned SOMNews and SBS TV from operating in Somaliland. SOMNews was later allowed to operate. “We are very concerned about the restrictions against the media particularly on matters related to Sool and Sanaag regions. It is clear that the minister is intimidating the media, and is trying to impose censorship on the independent media,” he added. Article 32 of Somaliland Constitution guarantees freedom of media and stipulates “all acts to subjugate them are prohibited.” Guleid Ahmed Jama Director of Human Rights Centre Somaliland Email: hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland @GuleidJ Source
-
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay usoo magacwday arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Waxa ay magaalada Gaalkacyo kula kulmeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ah arrimaha ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale sida lagu xallin karo khilaafka ka dhex jira Galmudug. Ugu dambeyn kulankooda ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweyne Xaaf iyo sidoo kale Haysom, iyaga oo sheegay in kulankooda si wanaagsan ugu dhammaaday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Madaxweyne-Xaaf-oo-Manta-Gaalkcyo-Kula-kulmay-Ergeyga-Gaarka-ah-ee-Qaraamada-Madoobay-uqaabilsan-arimaha-Somaliya.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Waa lagu digtaa ruux hadduu, kuu darnaan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaa, sii dabayshadaye” Cali Aadan Gorayo (Cali-Dhuux) Maqaalkan xuska iyo xurmada ah, oo aan qaybaha ugu badan ka xiganayo qormo uu hore u diyaariyay una faafiyay Eng Maxamed Beddel, waxa aynu ku suntaynnaa waxqabadka iyo waxyeellada dhallinyaro ay xukuumaddii hore u samaysatay dadka Hargeysa/Sallaxley/Balli-mataan, oo caan ku ah “Jin-dagaagay”. Si gaar ah waxa aan maanta u soo gudbin doonaa faallo ku saabsan Maamulihii Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil. Kaas oo maanta la dhaafiyay xeradii uu tagri-falka, xadgudubka, dhaca iyo boobka la dhex soognaa. Waxa loo beddelay Madaarka Berbera oo ay xukuumadda Somaliland ka kiraysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka dhigan tababarkii ciidan ee Saybeeriya la isugu madallufin jiray. Sannadkii 2011ka ayuu noqday hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland. Sida xeerku dhigayo laguma qaadan imtixaan, aqoon iyo shaqo la xayaysiiyay midnaba. Qof-jeclaysi iyo qaraaba-kiil ayaa lagu doortay. Waxa u ergeeyay nin adeerkii oo ay muddo dheer golaha wakiillada ku wada jireen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi. Durbadiiba waxa uu noqday adeege ku wanaagsan wargudbinta, iska dhaadhicinta, raxlaynta iyo summadaha ay jecel yihiin madaxda xilka ka hayaa. Markii uu socday dib-u-dhiska madaarku (2011-2013) waxa uu shaqaalaha joogtada ah ee madaarka Cigaal sida kuwa korontada ku odhan jiray “Ii soo sheeg marka wasiirku soo laabto gelinka dambe”, isla qacda uu xogtaas helo ayuu gegada iman jiray. Waxa uu markaas iska dhigayay nin shaqada daacad u ah oo labada gelinba adeega, isaga oo aan qaadan gunno dheeraad ah. Meelihii kowaad ee uu ka adeegay waxa ka mid ahaa kamaradaha ilaalada gegada CCTV, halkaas oo uu uga sii gudbay madaxa nabadgelyada. Ugu dambaynna badhtamihii 2013ka ayaa loo xulay Maamulaha Madaarka Cigaal. Milicsiga Dhalashadiisa iyo Geeddigii Waxbarashada. Sannadkii 1988kii ayuu ku dhashay Uubaale oo Koonfur kaga beegan Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Yaraantiisii waxa uu ku koray nolosha miyiga, wuxuuna kaalin ka qaatay raacista xoolaha nool siiba maqasha iyo adhiga. Markaas ma uu helin fursad uu ku bilaabo waxbarasho toos ah. Waxa uu joogi jiray xaafado ay xigaal yihiin, maadaama oo qoyskoodu ahaa xoolo-dhaqato. Maanso la sheegay in uu tiriyay waxa ka mid ahaa: “Dheri reer u karayaa Dhuuni ii ahaan jiray Dhaaxa’e dul saar baan Ku dhammaystay noloshii” Isaga oo da’ ahaan nin weyn ah ayaa uu ka yimi deegaanka Uubaale oo ay qoyskoodu reer miyi ahaan u degganaayeen, kaddibna waxa la qoray dugsiga Qudhacdheer. Maadaama oo uu ka weynaa ardayda lodkiisa ah, waa uu sii wadi kari waayay aqoonta dugsiga hoose/dhexe. Sida awr la fadhiyo orgi ayuu noqday. Waxa loo boodsiiyay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali kaas oo uu 2006dii kaga mid noqday waxa loo yaqaanno “Indha-caddaynta”. Waayadaas waxa ay wasaaradda waxbarashadu qaadi jirtay imtixaan loo yaqaanno “Half GC” kaas oo ay mari jireena ardayda ka gudbaysa fasalka 2aad ee dugsiga sare. Maadaama oo aanay aqoontiisu dhisnayn, waxa uu geli kari waayay jirrabkaas. Sidaas awgeed ayuu hadda mar kale u baalmaray geeddiga aqooneed. Jaamacadda Hargeysa ayuu sifo leexsan ku galay. Kulliyadda ICT ayuu arday ka noqday. Halkaasna waxa uu kala kulmay caqabad kale. Maaddooyinka adag ee xisaabtu ka mid tahay waxa u geli jiray arday lodkiisa ah ama kuwo aan dhigan jaamacadda Hargeysa. Isaga oo taxanihiisa waxbarasho sidaas yahay, la-yaab malaha in aynu aragno isaga oo aqoondarro ku caayaya Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, waayo waxa uu ahaa gardarro garab og. Isaga oo taxanihiisa cilmigu sidaas yahay ayuu metelaa bulsho wada waayo-arag iyo wax-aqoon ah. Hadimada Maamulaha Madaarka Cigaal Waxyaabaha lagu xasuusto Maamulaha Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa ka mid ah: 1. Waxa uu door ka qaatay musuqii baahsanaa ee ka dhacay wasaaradda duulista. Caddaymaha arrinkaas maragga u ah waxa ka mid ah bangalaha uu ka dhistay dhinaca bari ee Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa. Miyaa uu mushaharkiisu dhisi karaa guriga aan sawirkiisa soo bandhigay? 2. Waxa uu ka mid ahaa dadkii doorka ka qaatay in dhul 13KM ah laga qaado deegaanka Masallaha. Kaas oo madaarka lagu ballaadhiyay. Maxamed Yuusuf waxa uu cagta hoosteeda geliyay dadkii rabay in dhulkooda loo qiimeeyo ama dhul beddel loo sameeyo. Marka laga yimaaddo ragga, waxa uu xidhxidhay dumar dumaashi u ah oo inaadeerkii qabo. Dadkaas waxa ka mid ah xaaska Shanfool Xaashi Guuleed oo abti ruma u ah Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi. “Aniga i xidhaye, maxaa dumaashidaa kuu geeyay?” ayuu ku garnaqsaday Shanfool Xaashi oo ah Guddoomiyaha Beeralayda Uubaale. Dadkaas waxa lagu eedeeyay in ay jarjareen siligga madaarka, eeddaasna wax caddayn ah looma helin. Muddo ku dhaw 20 cisho ayay liinta ku cabbayeen rugta madaarka. 3. Waxa uu ka mid ahaa adeegayaashii dartood loo beddelay Wasiirradii ka dambeeyay Maxamuud Xaashi sida Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cumar Maxamed Faarax. Markii ay xilka wasaaradda duulista hayeen wax ka yar afar bilood ayaa mid kastaba laga beddelay kobtaas. Waxaana sabab u ahaa khilaaf soo dhex galay iyaga iyo diraneyaal wasaaradda lagu sii beertay. 4. Kaalin weyn ayuu ka qaatay isku-dirka xukuumadda iyo dadka deegaanka. Lama tirin karo inta jeer ee uu sharci-darro ku xidhay dad aan waxba galabsan, sirdoonka uu ku wareejiyay ama xorriyaddooda loo celiyay iyada oo aan daw la marin. Saw kama war haysaan gacan-ka-hadalkii, feedhkii iyo duudsigii uu ku sameeyay Majaajilaystaha caanka ah ee Ajakis oo ka shaqeeya Universal TV “Nin dheer oo madaw, malakul-mawd aa mooddo, acuudu billah ayuu lee ahaa” ayuu Ajakis yidhi. 5. Intii uu xilkan hayay waxa uu galay ganacsiyo door ah oo ay ka mid yihiin furitaanka sarrifle ku yaalla madaarka Cigaal iyo in hab xeerka baalmarsan loo dhoofiyo dad u socdaalaya dhul aan ammaankiisu sugnayn. Nin weyn oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Duulista, gaar ahaanna ka shaqayn jiray madaarka Berbera oo ay xigaal yihiin Maamulaha Madaarka Hargeysa ayaa lagu yidhi “Maxaad xil u doonan weyday?”. Wuxuu yidhi “Shaqooyinka uu Maxamed Yuusuf qabto ayaanan qaban karin”. Siciid Maxamuud Gahayr siciidgahayr@gmail.com Source
-
Musuq maasuqu waa mid kamid ah dhibaatooyinka ragaadiyey horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waana dhibaato ay wadaagaan badi waddamada Afrika iyo guud ahaan kuwa soo koraya. Soomaaliya marka la joogo, dhaqanka musuqmaasuqu waxa uu noqday mid dadka dhexdiisa caadi ka ah. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, siyaasiyiga ama masuulka xil ka qabta mid kamid ah hay’adaha dowladdu waxa uu ku dadaali jirey sidii uu uga fara-qabsan lahaa xilka uu hayo, hanti bandanna u lunsan lahaa. Waxa kale oo xusid mudan inaan hore loo arki jirin dowlad masuuliyiinteeda u xirta kiis musuqmaasuq ama maxkamad qaadda dacwad musuqmaasuq la xiriirta. Haddase wax badan ayaa isbeddeley! Ka dib doorashadii Madaxweyne Farmaajo iyo magcaabistii Raysalwasaare Khayre, waxa bilawday dadaal ay dowladdu kula dirirayso musuqmaasuqa. Marar badan ayaa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhuba ballan qaadeen in dowladdoodu aanay u dulqaadan doonin dhaqanka musuqmaasuqa ee bulshada dhexdeeda ku baahay. Shalay ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir qaadday dacwado la xiriira musuqmaasuq oo uu u soo gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Maxkamaddu waxay ugu danbayntii soo bandhigtay xukunnadii ay riddey, ka dib baaristii iyo dhegaysigii la sameeyey. Dadka la xukumay waxa kamid ah Maamulihii hore ee Kastamka Muqdisho mudane Axmed Cabdullaahi iyo hawlwadeenno kale oo la shaqaynayey. Samaw iyo kooxda la shaqaynayseyba waxa lagu xukumay min saddex sanno oo xabsi ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa saddex sanno iyo saddex bilood oo xarig ah ku xukuntay Agaasime Waaxeedkii Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Mudane Daahir Maxamed Nuur, iyo Cabdishakuur Aaadan Maxamuud oo xiriiriye ka ahaa mashruuc ay waddey Wasaaradda Maaliyaddu. Waa markii ugu horreysey oo ay maxkamaddu riddo xukunno noocan oo kale ah oo la xiriira musuqmaasuq, taasina waxay ku dhalatay dagaalka lagula jiro musuqa ee ay dowladdu hormuudka ka tahay. Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inaan ka shacab ahaa ku taageernaa la dagaalanka musuqmaasuqa oo aynaan difaacin masuuliyiinta musuqmaasuqa lagu soo eedeeyo ee abtirsiin ahaan inoo dhaw. Sidoo kale, dowladdu waxay mudan tahay inaan ku bogaadinno tallaabooyinka ay qaadday ee ay musuqa ku xakamaynayso. Gebo-gebadii, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa inay sii waddo dagaalka ay musuqmaasuqa kula jirto oo aan loo aabba-yeelin masuuliyiinta ay ku caddaadaan falal danbiyeedyada musuqa la xiriira, heer kasta ha joogaane. W/Q: Mohamed Osman Falanqeeye Siyaasadeed Nairobi-Kenya
-
(SLT-Riyad) Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Sacuudiga ay dib u bilowday Dhex dhexaadinta Khilaafka ka dhex jira Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka. Dowladda Sacuudiga oo hore u qaadatay doorka dhex dhexaadinta labada dal ayaa dhowr jeer ku fashilantay, waxaana markale ay dooneysaa inay isku soo dhaweyso Labada Dal. Soomaaliya ayaa u sheegtay Sacuudiga in ay soo dhaweyneyso Wada hadal dhex mara Imaaraadka laakiin hada ay ku furan yihiin xiisado siyaasadeed, waxaana ka horeeya xal ka gaarista Khilaafka Imaaraadka kan Maamul Gobaleedyada oo markii xal laga gaaro ay Dowlada Soomaaliya usoo jeesan doonto baaqa Dowlada Sacuudiga. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horay shuruud ugu xirtay dib u soo celinta xiriirka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxaana ay shuruuddaas ku sheegtay in ay Soomaaliya raalli gelin ka bixiso lacagtii ay Bishii April sida aan sharciga ula wareegtay. Wasiiru dowladaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa sheegay in Imaaraadka ay taageereyso midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya kana taageereyso Amaanka hayeeshee ay tahay dowlada Soomaaliya in ay raalli gelin siiyo Imaaraadka si wixii dhacay looga gudbo. Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda diiday inay soo celiso xidhiidhkii Imaaraadka ka dib ayay yidhaahdeen markii Faragalin qaawan Imaaraadka Carabta ay ku sameysay siyaasadda iyo arrimaha gaarka u ah Dawlada Soomaaliya. Source
-
(SLT-Muqdisho)Xog gaara ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku wargaliyay in Dowlada dhexe ay diyaar u tahay inay xaliso dhamaan tabashooyinka ay qabaan Madaxda Maamul Gobaleedyada hadii laga helo hal shuruud. Madaxweyne Farmaajo ayaa Nicoles Hysom u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ixtiraam u heyso Maamulada ay iyada maamusho balse ixtiraamkaasi aan laga heyn maamuladaasi sidaa darteed wuxuu Madaxweynaha cadeeyay in ay xalin doonaan wax kasta oo ay tabanayaan Maamul Gobaleedyada hadii ay ka dambeeyaan Dowladooda. Mudane Farmaajo ayaa dhinaca kale diiday in wada hadal ay la yeeshaan Dowlad Gobaleedyada hadii dhaqamadii ka barbar socday Dowlada, la kulankii Dowladaha xiriirka liita kala dhaxeeya Soomaaliya iyo siyaasadii kasoo horjeeday Dowlada dhexe ay wadaan Maamul Gobaleedyada. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay Warqad uu ku doonayo Madaxweynaha inuu u sharaxo tabashooyinka jira iyo sida ay Dowlada dhexe u dooneyso inay u xaliso Maamulada hoostaga, waxaana Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya uu inoo sheegay in Madaxweynaha uu cad yahay Mowqifkiisa Maamul Gobaleedyada, isagoona diiday inay u dhaqmaan sida inay iyaga dalka madax ka yihiin. Si kastaba ha ahaatee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayay ku adkaan doontaa inay fuliyaan shuruudaan maadaama waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowladan ay ka mid tahay inay la xisaabtameyso, kuna cadaadineyso inaysan ku milmin siyaasadda dalalka wada shaqeynta la leh Soomaaliya iyo kuwa aan la laheyn. Source
-
(SLT-Chaina) Dawladda Shiinaha ayaa ballan qaaday in ay hoos u sii dhigi doonto canshuuraha ay saarto alaabooyinka loo soo dhoofiyo Dalkeeda, iyada oo isku dayaysa in ay wax ka qabato dhaleecaymaha loo soo jeediyay ee ku saabsan “isu dheelitir la’aanta” ganacsiga. Arrintan ayaa loo arkaa in uu ula gol leeyahay Maraykanka kaas oo Shiinaha kula jira dagaal ganacsi oo kharaar. Maraykanka iyo Shiinaha ayaa sannadkan isku soo rogay canshuuro badan. Midkoodnana ma muujinayo calaamado tilmaamaya in uu wax ka badalayo arrintaas, Maraykanka ayaase ku sii goodinaya in uu sare u sii qaadi doono canshuuraha. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Tukaraq ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay Madaafiic isku weydaarsadeen qeybo ka mid ah deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. Madaaficda oo aheyd mid xoogan ayaa la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen iyagoo ku kala sugan fariisamaha ay ku kala leeyihiin halkaasi. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaaraha dhabta ee labada dhinaca ka soo gaaray Madaafiicdaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in arrintani ay walaac xoogan ku beertay, islamarkaana ay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu ka dhaco gudaha deegaankaasi. Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka ka tirsan Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xiisadasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona labada Ciidan ay ku kala sugan yihiin fariisimihii ay ku kala lahaayeen halhaasi. Tan iyo markii Soomaliland ay la wareegtay qeybo ka mid ah Tukaraq waxaa deegaankaasi ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhexeeya labada dhinac. The post Somaliland iyo Puntland Oo Madaafic Is Weydaarsaday appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) oo ahaa Wasiirka Tamarta iyo Biyaha DF ee Soomaaliya, kana mid ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay maantay magaalada Baydhabo waxaa uu si rasmi ah ugu shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee Dowladda Soomaaliya. Lafta Gareen oo hadda ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa isagoo ka hadlaya sababaha uu isaga casilay xilka wasiirnimo waxaa uu yiri “Waxaa igu kalifay in aan iska casilo xilka wasiirnimo, maadaama sharuudihii guddiga doorashada ay ku jirtay qof haya xil wasiirnimo in uusan tartanka ka qayb-gali karin, waxaan ku khasbanahay in aan u hoggaansamo awaamiirta guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed” Musharax Cabdicasiis ayaa u mahadceliyay Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Agaasinka Guud iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa uu xusay in uu aad ugu faraxsanaa waqtigii ay soo wadashaqeeyeen, waxaana uu ka codsaday Raysalwasaare Khayre in uu ka aqbalo is casilaadiisa. C/casiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo dhacaysa 17ka bishaan November 2018. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Laftgareen-baydhaba.mp3 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen dhinaca tayeynta Ciidamada Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan howlgaka AMISOM ayaa xusay in tababar gaar ah ay siiyeen Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka, isagoo intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan taageerada dowladda Soomaaliya. Ciidamada AMISOM ayaa sanadihii la soo dhaafay tababaro siiyay kumanaan ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Ciidamadooda ay Soomaaliya kala baxaan sanadka 2021-ka, xilligaas oo mas’uuliyada ammaanka dalka lagu wareejinayo Ciidamada Soomaaliya. Golaha ammaanka ee QM ayaa sanadkii hore shaaciyay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya dhamaadka sanadka 2020-ka. The post AMISOM Oo sheegtay in ay Tayeysay Ciidamada Somalia appeared first on Shabelle. View the full article