-
Content Count
214,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Diyaarad siday ku dhowaad 50 ciidan oo labisan dareeska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ay ka dejisay garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Ciidamada ayaa loogu talagalay inay sugayaan nabad-gelyadda caasimad goboleedka Baay, halkaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto doorashada madaxwaynaha maamulkaan. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gobolka Bay ayaa ciidamada soo dhaweeyay, xili uu dejiyay xero loo sii diyaariyay. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay ku loolamayaan murashaxiin dhowr ah ayaa la filayaa inay dhacdo 5-ta bisha dambe ee December 2018. The post Ciidamo ka socda dowlada dhexe oo gaarey Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa Magaalada London soo gaadhay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Mudane Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo daal ka muuqdo kadib markii uu safar dheer Hargeysa kaga baxay Jabuuti-Paris-Brussels-London ugu dambayntii soo gaadhay maanta mar ay saacada London ahayd 08:20. Eng Saylici oo diyaarada Ethiopia Ailines diiday inuu Hargeysa kasoo raaco si safarkiisu ugu fududaado Cariga Ingiriiska ayaa maanta ku nasaya Hilton Hotel Hill magaalada London maalinta Beri ahna Magaalada London kaga qaybgalaya shir loo bixiyay shirka Jaaliyada Somaliland,oo xisbiga Kulmiye kusoo bandhigayo guulihii uu Somaliland ka gaadhay mudadii uu maamulayay iyo sanadka waxa u qabsoomay Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi. Qayb Ka Mida Jaaliyada Somaliland oo shirkani ka hadashay ayaa durbaba muujiyay sida shirkani uu khaas ugu yahay taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo u badan beelaha isbaahaystay ee Jeegaanta. Qaar ka mida jaaliyada Somaliland oo Boramanews la hadlay ayaa durbaba socdaalka Saylici ku sheegay mid dalxiis ah oo aan waxba ku kordhin karin jaaliyada ku kala tagay doorashadii Madaxtinimada ee qabiilada Somaliland kala qaybisay,waxayna sheegeen in Eng Saylici awoodiisa oo kooban uu go,aan iyo talo midna keeni karin balse taladu ka go,do madaxda sare ee Jeegaanta ama madaxwaynaha Somaliland ee Muuse Biixi. Mid ka mida jaaliyada ayaa carabka ku adkeeyay Saylici shirka London wax uu kusoo kordhin karo inaysan jirin laakiin laga dhagaysan doono kaliya inuu shacabka u duceeyo. Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo ah masuulka ugu sareeya ee Galbeedka ku matalaya xukuumada Somaliland ayaa la ogayn inuu si gaara ula kulmi doono jaaliyada Galbeedka. Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa la filayaa in hal asbuuc joogo cariga ingiriiska markhaatina ka noqdo halka ay ku dambaysay midnimadii iyo laxejecladii jaaliyadu ka qabeen dhulkooga hooyo oo dhaawac halisa gaadhsiiyeen isbaahaysi isku koobay awooda Somaliland. Cabdoo Xaaji Boramanews/London Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay meel wanaagsan umareyso weeraradda ka dhaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Hadalkan ayaa Dowladu waxaa ay ka jeedisay kulan looga hadlayay doorka ay haweenku ku yeelan karaan ilaalinta Nabada iyo ka hortaga dhacdooyinka ku saleysan waxa loogu yeero xagjirnimada. Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa hoosta ka xariiqay in waasaradiisu ay wado qorshe dhalinyarada looga wacyigalinayo in aysan ka qayb qaadan Falalka lidiga ku ah amniga. Dhuuboow oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arintaasi ay dowladdu u xilsaartay culumo’udiin dalka dibadiisa laga keenay. Sheekh Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah mashaa’iqda shaqadan wacyi galinta loo xilsaaray, kaasi idaacadda Shabelle uga waramay qaabka ay culimadda iyo dowlada isku kaashan karaa ayaan rajo wayn muujiyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore waxay balan-qaadey inay ka go’an tahay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa xasilooni, iyo inay ciribtireyso wax kasta oo carqalad ku noqon kara arrintaasi. The post XFS oo sheegtay inay ka hortageyso weerarada ka dhaca Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku ekeysay saldhig ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Weerarka waxaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray ciidamada dowlada ee Saldhiga ku sugnaa iyo xoogaga Al-Shabaab. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, inksta oo aanan la ogayn tirade saxda ah ee labada dhinac ka wax noqotay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dagaal ku qabsadeen degaanka, islamarkaana ay si buuxda umaamulayaan. Ma jiro war rasmi ah ah oo ay dagaaladaan kasoo saareen Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka. Deegaanka Goofgaduud ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Baydhabo oo dhowaan ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed. Dhowr jeer oo hore deegaanka ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u muuqday in deegaanka gacan ku heentiisa ay ku loolamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo halkaasi saldhigyo ku leh. The post Saldhig ay ciidanka DFS ku leeyihiin G/Bay oo la weeraray appeared first on Shabelle. View the full article
-
Bosaso-[Puntland Post ]Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group ayaa macaamiishooda waxa ay gudoonsiisay abaalmarino kala duwan oo iskugu jira gawaari,alaabta guryaha labtono iyo hadyado kale . Munasabada abaalmarinahan lagu gudoonsiinayay ayaa lagu qabtaya Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari waxana ka qeyb galay gudoomiye ku-xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Madaxda shirkada Tawfiiq iyo Waabari, Group iyo ganacsato munasabada lagu casuumay. Maamulaha Shirkada Tawfiiq ee qeybta Puntland Maxamed Daahir Faarax oo ugu horan ka hadlay goobta ayaa sheegay in abaalmarintan ay uga dan leeyihiin sidii ay macaamiishooda ay u dhiiri galin lahayen . Sanadkiiba mar ayan qabana abaalmarintan waxana ay naga tahay dhiiri galin iyo in aanu bulshada tusno sidii aanu markasta diyaarka ugu nahay soo dhaweyntooda . waxan u mahad celinayna ganacsatada dadaalka ku bixiyay sidii ay abaalmarintan u qaadan lahaa . waxay noo tahay Farxad wana sii wadi doona abaalmarinaha noocan oo kale ah insha allah” sidaas waxa yiri Maamulaha shirkada Tawfiiq ee Puntland Maxamed Daahir Faarax. Gudoomiyaha Shirkada Waabari Group oo ka mid ah shirkadaha ay baha wadagta yihiin Tawfiiq oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tani tahay niyad wanag ay u muujinayaan ganacsatada ku xiran badeecadooda islamarkan ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay ganacsatadu wado. Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Cabdi Waabari oo ugu danbatiin goobta ka hadlaya ayaa madaxda shirkada Tawfiqiq ku amaanay sida ay markasta macamiishooda y diyarka ugu yihiin islamarkan ay ku dhiiri galiyaan. ugu danbantii ayaa waxa munsabada lagu doonsiiyay abaalmarino kala duwan macaamiishii ku xirnayd badeecadoda . The post Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group oo abaalmarino gudoonsiiyay Macamiishooda appeared first on Puntland Post.
-
Data Grid Somalia undertook a study in October 2018 to assess the upcoming Presidential election. The study sought to establish the major election issues in Puntland; gauge the perceptions of the opinion leaders on the electoral process; identify the factors that would likely influence the choice of president; identify the desired traits or qualities of the president-to-be; and examine factors that continue to impede the holding popular election in Puntland. The study design adopted a qualitative approach involving the use of in-depth interviews to collect data from various opinion leaders: politicians, clan leaders (traditional elders) and civil society members in the regional state towns of Garowe and Galkacyo. Read more….in here
-
Askari ka tirsan Booliiska Puntland ayaa ku dhintay, 4 Kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Weerar ay xalay kooxo hubaysan ku qaadeen isgoyska Gaaca ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararku waxay sheegayaan in kooxda hubaysan ay gaadmo ku dileen hal askari, mid kalena ay dhaawac u gaystay, kadibna waxaa xigtay Bambo gacmeed ay tuureen iyo rasaas xoog leh oo socotay qadar daqiiqado ah. Sidoo kale laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhashay Bambo gacmeedka iyo rasaasta ay iswaydaarsadeen Ciidamada amniga iyo kooxdii weerarka soo qaaday. Laamaha amniga Puntland weli kama aysan hadlin dhacdada,hase yeeshee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa aad uga carrooday ciidamo magaalada Baydhabo ay maanta ka dejisay diyaarad ay xukuumadda Soomaaliya kasoo dirtay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadan oo ah in ka badan 100 askari ay diristooda la xiriirto doorashada Koonfur Galbeed ee dhacaysa shanta bisha December. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan sugidda amniga doorashada. Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ee maanta hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay afduub ku sameyso dooraashada. “Ciidankan maanta la keenay waxay horseedi doontaa in madaxda Soomaaliya lagu kaco, waayo hogaamiye kasta oo dadkiisa dhibaateeyaa wuu baxayaa” ayuu yiri Aadan Madoobe. Hoos ka daawo Aadan Madoobe, sawirrada ciidamadana waa kasii hooseeyaan
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maalmihii dambe howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib-Marko. Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Gendershe iyo Jilib-marko ayaa waxa ay saraakiishu sheegeen in ay ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saraakiil. Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee ciidamada xoogga dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan, sida sarkaalkaasi uu sheegay. Jeneraal, Axmed ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen kol hore Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen xarakada Al-Shabaab. The post Howlgal Miino baaris ah oo laga sameeyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yarey] ayaa balanqaaday in si cadaalad ah loo qaban doono doorashada hogaanka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Xaliimo Yarey oo hadalkaan ka jeedisay munaasabad ay isugu yimideen in ka badan 500 Haween ah oo qaarkood ka kala yimid Shanta maamul goboleed ee dalka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shaacisay inay ka walaacsan tahay in kala qayb-sanaan horleh ay haatan soo kala dhex-gasho haweenka Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa tilmaamtay in aanan loo baahneen tafaraaruq ku yimaada Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna carabka ku dhufatay taasi bedalkeeda in haweenka looga baahan yahay inay muujiyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka iyo nabada dalka. Hadalka Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim [Xaliimo Yarey] ayaa kusoo aadaya xili dhowaan xubno la sheegay in ka go’een Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay magaalada Muqdisho ku doorteen gudoomiye cusub, islamarkaana hogaanka Ururkaasi uu ku tilmaamay doorashada la qabtay waxbo kama jiraan. The post Guddiga doorashada oo balanqaad usameeyay Haweenka Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-30112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-30112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Danjiraha Imaaraatka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya ku yeeshay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka Imaaraatka iyo Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya. Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Imaaraatka Carabta ee kor u qaadidda Xasiloonida, amaanka iyo horumarinta Soomaaliya ay sara u qaadi doonaan bilaha soo socdo, taasina ay tahay qorshe ay damacsan yihiin. Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda uu mugdi galay waxii ka dambeeyay markii lacag ka timid Dubai lagu qabtay Aadan Cadde, iyadoo kahorna go’aan laga gaaray Shirkadda DP world oo heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland. Qaramada Midoobay ayaa Imaaraatka ku amaantay taageeradii ay siiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana wakiilka QM ee Soomaaliya ka dalbaday caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya. Imaaraatka ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu ku xad gudbay madax banaanida dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dacwado badan ka geystay golaha guud ee Qaramada Midoobay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyay howlgalo adag ka waday gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al Shabaab iyo miinooyin ay aaseen. Ciidamada ayaa baaritaanka ka sameeyay deegaanka Gendershe, Dhanaane iyo Jilib Marko oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidamada ay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka waddooyinka ay howlgalka ka wadeen. Taliyaha Guutada Koowaad ee ciidamada xooga dalka Axmed Aadan, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen qabashada 18 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab iyo inay miinooyin badan ka saaraan waddooyinka ay ku aaseen. Howlgalka ka socdo dhanka Xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose ayuu sheegay inay ku guuleysteen ciidamada amaanka inay Al Shabaab ka saaraan deegaano badan oo gobolka ka tirsan. Dhawaan deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), isaga oo halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda horay uga daabacday waxa ay tahay in la qabto shirka ka hor, qormadan cusub waxaan ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro. Sidee Loo Samdeeyey? Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii: Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah. Lahaashaha Shirkadda: Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya. Isbeddelka Maamulka Shirkadda: Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka. Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan: Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda. Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya: Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan: Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations) Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somaliya sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa. Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed. Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso. Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia). Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo). Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee? Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2. Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay. Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis. Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay. Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada. Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay? Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah. Cashuurta Capital Tax Gain: Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan. Goobjoog News Xogtan, Waa Mid U Gaar Ah Goobjoog News, Lama Qaadan Karo Xigasho La’aan Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka ka helayno gobolka Mudug, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Xarar-dheere waxay sheegayaan in xarakada Al-Shabaab ay halkaasi ka wado dhaqdhaqaaq ciidan. Dadka degaanka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay isaga baxday degaano kale oo ku dhow halkaasi, oo ay lasoo sheegayo in ciidamada maamulka Galmudug ay qarka u saaran yihiin inay la wareegaan. Fahaahinta ayaa tilmaamaya in saacadihii lasoo dhaafay degaano ka tirsan gobolka Mudug lagu arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday, kuwaasi oo aanan la ogayn halka laga leeyahay iyo ujeedkooda. Gobolka Mudug dhowaanahan waxaan ka dhacayay duqaymo xoogan, kuwaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, xili uu sheegtay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika, kaasi oo wacad ku maray inuu xoojinayo. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Abuul.mp3 The post Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gudoomiyaha kaamka Barakacayaasha ee Banaadir (A) Baashe Yusuf Xirsi ee bariga magaalada Bosaaso oo waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ,ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay [...] Source
-
Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka. Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka. Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya. Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag. Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola. Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay. Qodobo gogoldhig ah: Dowlad kasta waa inay ku shaqeysa Miisaniyad sharci ah oo laga ansixiyay Wakiillada Shacabka (Barlamaanka ama Gole deegaan). Dowladdu ma qaadi karto canshuur iyo khidmo, mana qaadan karto amaah haddii uusan jirin sharci u oggolanaaya. Sidoo kale, Dowladdu ma bixin karto kharaj aan horey sharci ugu oggolaan. Helitaanka Deeqda kabidda Miisaaniyadda waa howl u baahan dadaal siyasadeed iyo mid maamul oo dhib badan. Dhaqangelinta Miisaaniyadda waxaa u xilsaaran Laanta Fulinta (Executive Branch), gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda; BFS wuxuu u xilsaaran yahay ansixinta Miisaaniyadda ku tala galka ah, la socoshada, dabagalka, iyo baarista dhaqangelinta Miisaaniyadda la ansixiyay iyo oggolaanshaha wax ka beddelkeeda haddii loo baahdo, iyo ugu dambeyn ansixinta xisaab xir sannadeedka uu Hantidhowraha Guud soo xaqiijiyay in dhaqangelinteeda waafaqsan tahay sharciga Miisaaniyadda, Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha. Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga rabaa inay si joogto ah ugu gudbiso BFS xog hufan, dhammeystiran maalin kasta, usbuuc kasta, bil kasta iyo sannad kasta. Hase yeeshe, xaqiiqada waxay tahay in Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ay ka cagajiidayaan u hoggaansanaanta sharciga gudbinta iyo la wadaagidda xogta BFS iyo Shacabka waqti munaasib ah. Bankiga Dhexe waxaa laga rabaa inuu gudbiyo xisaab xirka dhaqdhaqaaqa Xisaabta Khasnadda Dowladda (Treasury Account). Hantidhowraha Guud waa Hay’ad kaabeysa xilgudashada BFS. Shacabka Soomaaliyeed ma rumeysan karo in Madaxda Dowladda Federaalka daacad ka yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa ilaa laga dhammeystirayo Dastuurka Qabyada ah, laga helayo Garsoor madaxbannaan, laga dhaqangelinayo sharciyada madaxbannanida Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Guddiga Xuquuqul Insaanta, isla markaana laga joojinayo xildhibannanada loo magaacaabayo Golaha Wasiirrada ama la laaluushayo. Madaama ay muuqato in Wasaaradda Maaliyadda baalmartay warbixinta Guddiga Maaliyadda ama u bareertay olole jaahwareerin, waxaa halkaan hoose ku qodobeysan nuxurka Warbixinta ka kooban 14 bog oo aysan ku jirin lifaaqyo ku xusan, waxaana loona qaybin karaa 2 qaybood: 8da Bog ee ugu horreeya waxay qeexayaan maamulxumada iyo ku tumashada sharciga maamulka Miisaaniyadda iyo Xisaabaadka ee loo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa xusid mudan in warbixinta Guddiga aysan sheegeyn lacag la xaday, waxayna dalbeysaa in Hantidhawraha Guud soo baaro dakhliga iyo kharajka aan waafaqsaneyn Sharciga. 6da Bog ee ugu dambeeya waa shax muujineysa: 1. Is barbardhigga dakhliga ku tala galka ah iyo kan soo xarooday 8 bilood; 2. Kharajka ku talagalka ahaa, Kharajka Isbeddelka Wasaaradda Maaliyadda sameysay iyo kharajka dhabta ee baxay 8 bilood. Shaxda waxaa ku cad: Ku talagalka Dakhliga iyo kharajka Guud ee Miisaaniyaddad 2018 wuxuu yahay $274,630,191. Dakhliga Guud ee dhabta ah oo ka kooban Gudaha iyo Dibedda oo soo xarooday 8 bilood Jannaayo ilaa Agoosto wuxuu yahay $156,717,203.53. Dakhliga Guud ee dhimman 4 bilood (Setember ilaa Disember 2018) waa $117,912,987.48. Shaxda ayaa muujineysa Madaxyada Dakhliga gudaha iyo dibedda ka soo galeen iyo wixii hoos u dhac iyo koror ahba. Xisaabta kor ku qoran waxay muujineysa hoos u dhac guud ee dakhliga ku talagalka 2018. Shaxda Kharajka waxay muujineysa in Wasaaradda Maaliyadda isbeddel ku sameysay Qoondooyinka Kharajka ku talagalka Miisaaniyadda la ansixiyay 2018, taaso sharcidarro ah. Kharajka baxay 8da bilood Jannaayo ilaa Agoost 2018 waa $ 152,582,958. Farqiga dakhliga iyo kharajka dhabta ah ee 8 bilood waa $156,717,203.52 – 152,582,958= Haraa $ 4,134.245.52. Hoos u dhaca dakhliga guud waxaa ka dhashay hakinta bixinta kharajyo la oggolaaday. Taas waxay keeneysaa hoos u dhaca waxqabadka dowladda iyo kororka deynta gudaha. Arrintaas waxay fasireysa in hay’ado badan ee Dowladda Federaalka aysan helin kharajka howl socodsiinta (Running Cost). Lama oga deynta DF qabto. Guddiga wax kama sheegin arrimo badan ee la xiriira Maamulka Maaliyadda dibedda iyo Gudaha sida habka wax iibsiga dowladda, canshuur dhaafka dekedda, Qandaraasyada, heshiisyada lala galay shirkado ajnabi ah ee Dowladda Iidheh u sameynaya, Mashaariicda, iyo wareejinta dhex marta DF iyo Dowlad Goboleedyada. Qeexidda Maamulxumada Warbixintu tilmaantay: Xisaab Xirkii 2017 oo weli laalan. Bankiga Dhexe oo si sharci darro ah ula wareegay awoodda amar bixinta kharajka ee Xisaaabiyaha Guud iska leeyahay. Lacago laga soo ururiyay hay’ado gaar loo leeyahay (Rayid ah) oo Wasiirka Maaliyadda maamulayo si aan waafaqsaneyn sharciga xagga soo ururinta iyo xagga bixinta kharajka. Canshuur la rabay in laga qaado hay’adaas gaarka loo leeyahay oo aan weli la hirgelin. Lacag dhan 20 milyan doolar oo Boqortooyada Sacuudiga bixisay hase yeeshe aan ka muuqan Miisaaniyadda 2018. Lacag dhan 3 milyan doolar oo laga wareejiyay si sharci aheyn Madaxa Miisaaniyadda “Adeegga Dowladda” loona isticmaalay si aan sharci aheyn. Deeqda kabidda Miisaaniyadda aan la helin, loona baahan yahay xogwarran. Lacagtii loo qoondeyay “Keyda lama Filaanka/Curaarta” oo dhan $2,532,866.86 oo 60.5% loo isticmaalay ujeedoo ka duwan tii loogu talagalay. Lacago Mashaaric loogu tala galay oo aan loo isticmaalin ujeedadii loogu talo galay. Fulin la’aan go’aammadii ku lifaaqnaa ansixinta Miisaaniyadda 2018 sida dhowrista awoodda kala wareejinta xafiisyada dhexdooda, soo gudbinta warbixinta maaliyadda bil kasta iyo warbixinta 10 biloodka, soo gudbinta sharcigii canshuuraha, keyda lama filaanka ah, liiska deymaha gudaha ee Dowladda lagu leeyahay, iwm. Fulin la’aan go’aankii ahaa in Barlamaanka Federaalka la horkeeno Miisaaniyadaha Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho). Qoondooyin dheeraad ah ee loo qoray Hay’ado ka tirsan Dowladda taaso ka baxsan Oggolaanshihii Miisaaniyadda 2018. Bixin la’aan lacag dhan $ 8,400,000 oo loo qoondeyay xildhibannadii iyo shaqaalihii hore ee Barlamaanka Federaalka, lacagtaasoo qaar si khaldan loo isticmaalay, isla markaana xildhibannadii iyo xuquuqdii shaqaalihii lahaa aan ilaa maanta la siin. Inaan la diiwaan gelin Ciidammada dalka marka la reebo 5,400 ciidan, taaso hortaagan taagerada dibedda. Islaa markaa, Wasaaradda Maaliyadda ma fulin in askariga la diiwan geliyo loo kordhiyo mushaarka $ 50.00 (konton) bishii. Inaan la dhowrin mudnaanta kala hormarinta kharaj bixinta. Maamulka Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho) oo musuqmaasuq ballaaran iyo fowdo maamul ka taagan tahay. Gobolka ma lahan Miisaaniyad ku talagal iyo Gole matala Shacbiga deegaanka oo ilaaliya maamulka hantida Ummadda. Wasaaradda Maaliyadda waxay siisaa Gobolka Benadir 15% dakhliga ka soo xarooda Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Gobolka wuxuu toos u qaada canshuuro kala duwan. Warbixintu waxay caddeyneysaa in muddo 6 bilood ah – Jannaayo ilaa Juunyo 2018, Gobolka Benadir soo galay dakhli dhan $17, 713,086.26 waxaana baxay kharaj dhan $16,776,631.80, oo aan inta badan wax dokumenti ah laga hayn ama aan lagu bixin hab waafaqsan sharciga xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda. Lacagta haraaga ah waa $ 936,454.46 Khasnajiga Dowladda Hoose ee Gobolka Benadir wuxuu Bankiga Dhexe ka soo qaday lacag dhan $ 5,972,085.82, lamana arag wax caddeynaya in dadkii loo soo qaaday la siiyay ama la gaarsiiyay. Mushaarka shaqaalaha Gobolka Benadir oo laga gooyo 30% sabab la’aan. Jiritaanka Shaqaale mushaar ka qaata meelo kala duwan ama shaqaale aan jirin ama aan la aqoon shaqada ay qabtaan oo mushaar ka qaata Gobolka Benadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Hay’ado ayaa lacag ka qaata Gobolka Benadir. Jawaab celinta Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Drs. Maryam Cabdullahi Yusuf waxay caddeysay in $5 milyan oo ka mid ah $ 20 milyan ee Boqortooyada Sacuudiga ku deeqday 2017 lagu soo wareejiyay Khasnadda Dhese ee DF Bisha 9aad (Setember) 2018, halka $ 15 milyan ay weli ku jirto Xisaab Gaar ah ee Bankiga Dhexe ku qoran. Caddeyntaas waxay rumeyneysaa warbixinta Guddigga. Su’aasha taagan waxay tahay madaama hoos u dhac dakhli jiro, maxaa lacagtaas loogu soo wareejin la’yahay khasnadda dhexe ee dowladda? Ilaa hadda, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdidraxman Ducaale Beyle ma soo bandhigin xog beddeleysa warbixinta Guddiga Maaliyadda ee BFS. Jawaabta laga sugayay waxay aheyd inuu soo bandhigo xisaab xirka 2017 iyo xisaab xirka 8 bilood 2018. Kaddibna qodob qodob uga jawaabo warbixinta. Wasiirku wuxuu ku dhaqaaqay olole jaahwareerin, dhaleeceyn iyo kicin. Hal ku dhegga Wasiirka wuxuu noqday in warbixinta ay qoreen shakhsiyad, daneystayal (canaasiir) dano gaar ah leh (conflict of Interests). Sidaa darted, warbixintu been abuur tahay asagoo aan wax caddeyn ah bixin. Wasiirku wuxuu is moogeysiyay in Xildhibannanada ay waajib ku tahay inay mashaaric iyo qandaraasyo u raadiyaan deegankooda iyo dadkooda sida uu asaguba ugu raadinayo horumar Gobolka iyo dadka uu matalo. Laanta Fulinta ayaa laga rabaa inay wax qabadkeeda waafajiso sharciga iyo nidaam. Qoraalka 6da bogga ah ee Wasiirka Maaliyadda ka jeediyay BFS iyo wareysiyo uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda waxaa ka buuxa hanjabaad, cambaareyn, is ammaan, quursi, iyo indho sarcaad. Wasiirku welwel abuuris iyo kicin darted wuxuu ku andacooday in warbixinta Guddiga Maaliyadda ay dalka dhibaatoo gelineyso, lana rabay in asaga laga warqaato, lagu kalsoonaado, lagana dambeeyo. Dhibka dalka ka taagan waa musuqmaasuq, maamulxumo, ku tumashada xorriyada iyo xuquuqda muwaadinka, cadaalad darro, iyo curyaaminta howlaha BFS iyo Hay’adaha Madaxabannan. Wasiir Beyle waa qaadan waayay in xildhibannada dhalliileen wax qabadkiisa, mana muujin inuu ku qanacsan yahay hadafka qotada dheer ee laga leeyahay xilka ilaalinta (Oversight) BFS ku leeyahay Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. La Xisaabtanka dowladda waa howl u baahan sharci u hoggaansanan, aqoon, iyo daahfurnaan dhab ah. Wasiirku wuxuu sheegtay in shacbigu kalsooni ku qabo, IMF ammaantay, xildhibannada diyaariyay Warbixintana ay muujiyeen biseyl la’aan, iskuna khaldeen dakhli iyo deeq. Wasiirku wuxuu Xildhibannada xusuusiyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo asagaba ammaan mudan yihiin. Waa halis in dhirrigelinta siyasadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ula jeedo in dadaalka la kordhiyo loo qaato ammaan wax qabad. Wasiirku wuxuu ku dooday inaan weli la xirin Xisaabaadka Miisaaniyadda 2018, taaso ah fadeexo weyn, waayo waajibka shaqo waa in maalin iyo bil kasta la sameeyo xisaab xir, hay’adaha shaqada ku lehna lala socodsiiyo. Wasiirku wuxuu qirtay in lacag dhan $3 milyan laga bixiyay Madaxa 105-03 kaddibna lacagtaas dib loogu soo celiyay iyo in lacag tabarucaad ah laga qaaday Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bankiyada loona isticmaalay howlgelinta Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center), asaguna maamulay, taaso ah sharcidarro. Wasiirku ma hubsan in ka Wasiir ahaan ku urursan karin magaca dowladda tabarucaad, kaddibna u isticmaali karin siduu rabo. Dowladdu shaqo kuma laha tabarrucaad (Iskaa wax u qabso) dadweynaha haddii aysan Dowladdu shirka ku aheyn, markaaso loo baahan yahay in nidaam gaar ah loo sameeyo. Guulaha Wasiirku sheegtay waxaa ka mid ah: In dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo khasnadda dhexe ee Dowladda taaso been noqotay kaddib markii lacag dhan $ 15 milyan doolar ee la helay 2017 aan weli lagu soo wareejin Khasnadda Dhexe ee Dowladda. Tan labaad, Wasiirka ayaa qirtay in malaayin doolar oo deeqbixiyayaasha ay bixiyeen aysan ku soo dhicin Khasnadda Dhexe, madaama aan Dowladda lagu kalsooneyn. Qoraal ka soo baxay khubaro ka shaqeysa Bankiga Adduunka (WB) iyo Qarammada Midoobay (UN) waxay sheegeen in wax ka yar 4% deeqda Beesha Caalamka ku bixiso Soomaaliya la soo marsiiyo Khasnadda Dowladda. In Dakhliga Gudaha ku talagalka 8 bilood ahaa $ 104 Milyan, lana soo xareeyay $ 112 milyan. Isla Markaa Wasiirku wuxuu sheegay in Kharajka la bixiyay 8 bilood noqday $147 Milyan doolar, taaso muujineysa in loo baahan yahay xisaab xirka Dakhliga Gudaha iyo dibedda si loo qiimeeyo dhaqangelinta Miisaaniyadda. Wasiirku oo raba inuu beeniyo hoos u dhaca dhabta ah ee dakhliga guud, wuxuu qoraalkiisa ku yiri: “Shakhsiyadkaan ayaa warbixintooda ku tilmaamay in guud ahaan dakhliga dowladda hoos u dhac ku yimid, waxay tilmaameen in canshuuraha shaqaalaha dowladda aanu fadhin hase yeeshe waxaysan eegin isbadalka ma mid koror ah baa mise waa mid hoos u dhac ah, waxaan soo rognay in dhamaan canshuur laga qaato shaqaalaha ka shaqeeya mashaaricda iyo dhamaan gunnooyinka dowladda bixiso sida xeerka uu qabo; ku talagalka canshuurta shaqaalaha ee 8 bilood ayaa ahayd 3.23 milyan doolar halka ay soo xerootay 3.7 milyan doolar, runtii arrintan waa arrin mudan bogaadin.” Farqi ayaa u dhexeya hoos dhac guud iyo hoos u dhac/kor u kac hal Madax. Warbixintu kama hadlin canshuurta shaqaalaha aanu fadhin. Waa tusaale muujinaya is ammaan iyo ka badbadin. 24 Nofember 2018, Wasaaradda Maaliyadda waxay soo saartay Warsaxaafadeed ay ku soo dhoweyneyso go’aanka Barlamaanka Federaalka ku tirtiray warbixintii Guddiga Maaliyadda Barlamaanka ee ku saabsaneyd Maamulxumada Miisaniayadda 2018. Warsaxafadeedku wuxuu sheegayaa sababaha loo tirtiray warbixinta inay yihiin in Miisaaniyadda 2018 weli xirmin, inaan la raacin habraacii Barlamaanka iyo in Wasaaradda Maaliyadda si buuxda u burisay nuxurka Warbixinta. Saddex sababood midkoodna sax ma ahan. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan dal iyo dad dhan ku burbureen. Dr. Maxamud M Culusow mohamuduluso@gmail.com Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
WAR-SAXAAFADEED URURKA SHIRKADAHA ISGAARSIINTA SOOMAALIYA OO SI WADA JIR AH MARKALE UGA BAAQAYA IN LA ILAALIYO DANAHA QARANKA Mugadishu, November 29, 2018 – URURKA SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA SOMAALIYEED (USIS) oo ah ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan, ayaa Kulankooda Billaha ah uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada Adeegyada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee dalka iyo halka uu marayo Gabagabadii kulanka wuxuu Ururku soo saaray Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan: Dhamaan Xubnaha Ururka waxay walaac ka muujinayaan wadashaqeyn la`aanta joogtada ah ee ka dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee ka dhalatay go`aanadii Wasiirka Wasaaradda ugu magacaabay xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka si aan waafaqsaneyn Sharciga. Xubnaha Ururka waxay ku wargalinayaan dhamaan Ummadda Soomaliyeed, Xukuumadda Federaaliga ah, Golayaasha Baarlamaanka, iyo inta daneysa arrimaha Isgaarsiinta, in aysan qeyb ka aheyn Shirka loogu yeeray “Wada-tashiga Xeer-nidaaminta ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka” ee Wasaaraddu abaabuleyso si ay sharciyad ugu sameyso Xubnaha Guddigii Sare ee maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee markii hore ku yimid sida sharcidarada ah. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in lagu gaaro magaca Hay`adda sida dhismo guddiyo maareeya howlaha Hay`adda, dejin tariifooyin iyo istcimaalka hirarka Isgaarsiinta iyo cabiro khaldan ee habraaca bixinta xuquuqa dalka. Ururka Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) wuxuu mar kale cod dheer ku sheegayaa in magacaabista xubnaha ee Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay si toos ah uga hor imaneyso Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad Ururku wuxuu mar kale baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka. –DHAMAAD–
-
Jigjiga (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa sheegay in dagaalada udhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ay ka dambeeyaan siyaasiyiin dano gaar ah leh. Mustafa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaritaano ay ku hayaan shaqsiyaad uu sheegay inay qaraxyo kasoo abaabulayaan degaanada Jubbaland iyo Somaliland, kuwaasi oo doonaya inay shacabka ku dhibaateeyaan. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay inay ka hor-tegi doonan, islamarkaana feejig-dheeri ah la gelin doono ciidamada degaanka si aanan waxyeelo usoo gaarin shacabka. Hadalka Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa wuxuu imaanaya xili degaano dhaca is-maamul goboleedka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya uu ka socdo isbedal siyaasadeed oo xoogan, kaasi oo ay shacabk soo dhaweeyeen. The post M/Cagjar: “Baaris ayaa ku socota dad qaraxyo abaabulaya” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada amniga ee magaalada Bosaaso ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo rag hubaysan oo xalay weerar Bambaano iyo mid toos ah ba ku soo qaaday [...] Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay ciidamada kusoo qabtay rag la sheegay inay dhac ka geysan jireen degmada Yaqshid. Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Tuulax], Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiim ay tahay inay ciidamada ka feejignaadaan burcadda. Ciidamada dowladda ku sugan degmooyinka kale ee gobolka ayuu ku tartarsiiyay inay ku daydaan ciidanka soo qabtay ragaasi, kuwaasi oo dhaawac loo geystay intii lagu gura jiray howlgalkii lagu soo qabtay. Tuulax oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa uga mahad-celiyay ciidamada maamulka degmada Yaqshid talaabada ay qaadeen. Wararka ay helayso idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in mid kamid ah raga gacanta lagu soo dhigay uu ugeeryooday dhaawaca soo gaaray, oo loo dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee caasimada. The post Tuulax oo soo dhaweeyay howlgal lagu soo qabtay Burcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka Digil iyo Mirifle. Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay. Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah o ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen. Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan. Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale. Villa Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen ,laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed. Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”. Diidmada Digil iyo Mirifle ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
