Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka maamul Goboleedyada ay hogaamin doonaan amniga Gobolada dalka. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka la sameyn doono ay uga kaaftoomi doonaan kuwa dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolada. Waxa uu sheegay in heshiiska rasmiga ah uu yahay in ciidamada ay dhisan doonaan ay xooga saari doonaan danaha maamul Goboleedyada, waxa uuna meesha ka saaray inay ku tashanayan dowlada Somalia. “Sameynta ciidamada cusub waxa ay tijaabo u tahay ka kaaftoomida dowlada Dhexe, amniga gobolada waa mid inaga na khuseeya waxba kama khuseeya dowlada” “Dowladu wey ka jawaabi weysay baahida ku aadan inay naga saarto Al-Shabaab, waxa aanu go’aansanay inaan ka kaaftoono baahida dowlada” Sababta ugu weyn ee Ciidankaasi loo Aasaasayo ayuu ku sheegay in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Hoggaamiye Shariif Xasan ayaa wajahaya loolan adag oo dhinaca doorashada ah taas oo la filayo in ay dhacdo 17ka Bish November ee soo socota. Geesta kale, musharrixiin badan ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhaba kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  2. Fauzia Mohamud Hassan’s life looked shattered when the drought of 2015 claimed her entire livestock leaving her with no source of livelihood and eight children to feed and educate. Source: Hiiraan Online
  3. Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay xalay illaa iyo saakay roobab iyadoo sidoo kalena habeennadii ugu dambeeyey sidan oo kale magaalada uga da’ay roob qabow wata. Hadaba roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho. Nuurto Cali waxa ay ka mid tahay dadka kusoo barakaca Muqdisho, waxay sheegtay in roobkii xalay illaa iyo saakay da’ayey uu dushooda ku dhammaaday, iyadoo aan haysan meel ay gambaad ka dhigtaan. Waxa ay sheegtay Nuurto in ay ka qoyeen dhammaan dharkii, cuntadii iyo meeshii ay seexanayeen, sababtuna waxay tahay guryaha ay deggan yihiin oo ka sameysan cooshado aan biyaha celin karin. Sidoo kale, barakacayaal ku sugan Muqdisho ayaa dhibaatooyin kala kulmay roobabkii da’ay waxayna dhammaantood si mid ah uga codsadeen dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad ay lasoo gaarto. Xilli roobeedka ayaa aad u saameeya dadka barakacayaasha ah oo aan jirin gurmad ay ka helaan dowladda iyo hay’adaha samofalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. American Muslims are more visible than ever across the nation, which is quite ironic in the midst of a political climate trying to erase their existence and contributions in the Land of the Free. Source: Hiiraan Online
  5. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulankan looga hadli doonaa Hindise sharciyeedka maamulka iyo maaliyadda. Ajendaha kulankan ayaa ah akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedkan, iyadoo xiuldhibaannada ay dood ka yeelan doonaan. Hindise sharciyeedka maamulka iyo maaliyadda ayaa soo maray Akhrintiisii Koowaad, iyadoo Akhrinta Labaadna maanta uu mari doono. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. An African association is seeking to foster commercial and cultural links between Turkey and seven East African nations. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu-based Premier Bank and Somali business support organisation iRise Hub yesterday launched a $1-million fund aimed at backing the country’s startups. Source: Hiiraan Online
  8. Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamullada. Wuxuu soo jeediyay in Labada dhinac ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan si loo xalliyo tabashooyinka jira. Imaam Cabdullaahi ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dhowr caqabado oo ka dhallan kara khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada haddii uu sii taagnaado. Waxa uu sheegay Imaamka haddii aan xal la gaarin in ay ka dhalan karto dowlad la’aan iyo sidoo kale waxqabad la’aan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/IMAAM-CABDULLAAHI-KHALIIF-26-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Mustafa Mohammed Omar was appointed as president of Somali regional state in August of this year following what appeared to be Somali regional state sponsored unprecedented violence which targeted certain ethnic groups in the region. Source: Hiiraan Online
  10. Somali local government officials and United Nations experts have met to brainstorm on lasting solutions to the challenges brought about by rapid urbanization in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka October 2018 waxaa ka dhacaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo muddo dheer kadib Soomaaliya kulan ku yeelanaya. Madaxda ka socoto Dowladaha 1- Azerbaijan, 2- Brunei, 3- Djibouti, 4- Egypt, 5- Gabon, 6- Iran, 7- Kuwait, 8- Malaysia, 9- Pakistan, 10- Qatar, 11- Saudi Arabia, 12- Sudan, 13- Turkey, 14-UAE iyo 15- Yemen iyo Soomaaliya oo martigelineysa . Wafuud kala duwan ayaa saacado is xig-xigay ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, si ay ugu qayb galaan kulankooda Maanta. Xalay waxa ay wararku sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay soo caga dhigteen Diyaarado ay saarnaayeen qaar ka mid ah Xubno Shirka ka qayb galaya. Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aas-aasay 25-kii September sanadkii 1969-kii, waxaana xubno ka ah 57-Dal. Gelinka hore ee maanta waxaa shir gaar ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo badi kulma ka hor inta aan dhicin shirka guud ee Ururka. Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh. Shirka ayaa ka dhacaya Xerada Xalane oo ah meel aad loo adkeeyay Ammaankeeda, waxaana la diyaariyay Hoolka kulanka uu ka dhacayo.
  12. Kal-fadhigii u dambeeyay ee Baarlamanka Puntland ayaa kooram la’aan u furmi waayay,,sida uu xaqiijiyay guddoonka golaha wakiilada. In ta badan xubnaha Baarlamanka ayaa ku kala maqan degaannada laga soo doorto,si ay mar kale kursiga u helaan,taasi oo sababtay kooram la’aan,sida uu sheegay guddoonku. Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Puntland Post u sheegay in kooram la’aanta ay qeyb ka yihiin mudanayaal soo diyaariyay mooshin Dastuurka lagu furayo,balse markii guddoonku mooshinkaasi laalay iyguna diiday in soo xaadiran kal-fadhiga. Kal-fadhigan ayaan noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee xil-hayntoodu dhammaatay,waxaana ajandihiisa ugu muhiimsanaa ansixinta miisaanadda saddexda bilood ee u horreeyay sannadka 2019. Miisaaniyaddaas ayaa mudnaan gaar ah u leh Puntland,maadaama ay tahay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso saddexda bilood ee kala guurka ah(labada xukuumadood is-beddelayaan). PUNTLAND POST The post Muxuu u furmi waayay kal-fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  13. Waxaa guud ahaan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caaasimada Soomaaliya. Wadooyinkaasi waxaa subixii hore ee saakay la soo dhoobay ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo AMISOM. Wadooyinka xiran waxa ay kala yihiin Makka Al-Mukarama , Wadnaha , Wadda Sodonka iyo Warshadaha. Gaadiidka ayaa loo diidayaa in ay isticmaalaaan wadooyinkaasi iyaga oo isticmaalaya wadooyin qarda Jeex ah. Sababta loo xiray wadooyinka ayaa ah Muqdisho oo maanta ka furmayo shirka iskaashiga wadamada Islaamka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wadooyinka Muqdisho oo guud ahaan xiran appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho-[Puntland Post] Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.. Shirkaan ayaa waxa ka qeybgali doona 15 dal waxana qaarkood ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kuwa kalena saaka lasugayo. Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal. Dhinaca kale wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa saaka xiran waxaana gaadiidka shacabka loo diiday in ay maraan, kaliya waxaa loo ogal yahay gadiidka dawalada ama ay ciidamadu isticmaalayaan. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Muqdisho oo saaka Marti galinaysa shirka ururka Iskaashiga Islaamka appeared first on Puntland Post.
  15. A while ago, I was attending a beginning-of-the-school-year pageant. Several hundred of us were jammed in my daughter’s private granola school gymnasium for the obligatory autumn pontifications. Source: Hiiraan Online
  16. Turks and Saudis have been enemies for centuries. Now the Khashoggi investigation has rekindled their fierce rivalry—and may upend the politics of the Middle East Source: Hiiraan Online
  17. What is strange about Riyadh’s version of events is how poorly it concealed what happened to the journalist. Source: Hiiraan Online
  18. Igbo-Ora is a town in Nigeria where you might think you are seeing double. Source: Hiiraan Online
  19. Rights group demands apology after US Republican candidate Brian Kemp posed with a well-known far-right activist. Source: Hiiraan Online
  20. Recently, the New York Times reported that Donald Trump won't give up his iPhones despite the fact he's been told that Chinese and Russian spies are eavesdropping on him. Source: Hiiraan Online
  21. Waxaa saakay xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha intaba. Waxaa waddooyinka lagu arkayaa ciidamo Booliis ah oo gaadiidka ku wargelinaya inaanay halkaasi mari kari, wallow shacabka si caadi ah u lugeynayaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelaha xiran ay ka mid yihiin wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka soo gala wadadaasi. Sababta waddooyinka loo xiray ayaa ah shir ballaaran oo dhowr dal ka qeybgalayaan oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho. Shacabka magaalada Muqdisho oo aan la sheekeysannay qaarkood waxay sheegeen in ay kusoo talogaleyn in maanta la lugeynayo kadib markii shalay ay maqleen in shir Muqdisho ka furmi doono. Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa inta badan xilliyada ay jiraan shirarka muhiimka ah ay dalka imaanayaan wufuud caalami ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Strasbourg (Caasimada Online) – Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub, ee fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka France, ayaa xukuntay in “in la aflagaadeeyo nebi Muxammed SCW aysan qeyb ka ahayn xoriyadda hadalka” “Aflgaadeynta nebiga NNKH waa ay ka baxsan tahay xadka la ogol yahay ee hadalka qofka, sababta oo ah waxa ay dhalin kartaa naceyb, islamarkaana halis gelin kartaa nabadda diimaha” ayay maxkamadda ku tiri xukunkeeda. Go’aankan oo ay gaareen toddoba garsoore ayaa yimid kadib markii haweeney u dhalatay dalka Austria oo magaceeda lagu soo gaabiyey Mrs. S, nacalad ha ku dhacdee, ay sanadii 2009 qabatay laba siminaar, kuwaasi oo ay ku aflgaadeysay suubanaha. Maxkamadda ayaa sheegtay in hadalladii haweeneydan aysan qeyb ka ahayn xoriyadda, islamarkaana hadalkeeda loogu qiil dayey in lagu carro geliyo muslimiinta, ayada oo si guud magacooda loogu dhaawacayo xaqiiq la’aan. Maxkamad ku taalla dalka Austria ayaa sanaddii 2011 haweeneydan ku ridday xukun ah inay aflagaadeysay diin, waxaana ay ku ganaaxday 548 dollar. Haweeneydan ayaa kadib racfaan u qaadatay maxkamadda xuquuqda aadanaha Yurub, ayada oo adeegsanaysa xeerka 10, ee xoriyadda hadalka Yurub, racfaankaas oo hadda ay ku guul-darreysatay. Xukunka Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa macnihiisu yahay inuu hadda kadib ka hor-tagayo in aflagaadeynta nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, aan loogu soo gabban karin xoriyadda hadalka. Caasimada Online Xafiiska Paris Caasimada@live.com
  23. Kooxda xiriirka Soomaaliya( contact group on Somalia) ee ka tirsan ururka Islaamiga OIC ayaa maanta shir lagu sheegay kulan heer wasiirro ah ku qaban doona magaalada Muqdisho. Kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya. Isu imaatinkan, waa mid ku kooban kooxda(contact group on Somalia) ee dalalka ku jira , kooxdan waa kuwoo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaa ay si joogta ah u kulmi jireen sanadihii tagay. Dalalka urur Islaamka oo ka kooban 57 dal ayaa waxaa ay leeyihiin kooxaha Contact group ee dalalka Mali, Somalia, Yemen, Bosnia Herzegovina iyo dalal kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowladda Turkiga inay abaal-marin siisay “sarkaal Muqdisho ku xasuuqay ciidamo” Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inay la yaab tahay in Turkiga oo ka cabanaya dilka suxufi Jamal Khashoggi ay “ninkii Muqdisho ku xasuuqay ciidan Soomaaliyeed, kabahana ku aasay ay abaal marin siiso” Ninka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hadlayo ee Turkiga abaal-marinta siiyey ayaa ah taliyihii hore ee nabad-sugidda gobolka Banaadir Saadaq John. Selami Türker, oo ah madaxa ciidamada gaarka ah ee booliska Turkiga oo dhowaan Muqdisho booqday ayaa la kulmay saraakiisha booliska, oo uu ka mid yahay Saadaq John, wuxuuna siiyey abaal-marin aan la shaacin. Saadaq John iyo ciidamadii hubeysnaa ee NISA ayaa dhowaan lagu daray ciidamada booliska. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Saadaq John ku eedeeyey inuu qeyb ka ahaa ciidamadii NISA ee weeraray gurigiisa sanadii tagtey, halkaasi oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran hoos ka aqriso.
  25. Hordhac Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray marxalado iyo duruufo siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Amni oo kala duwan. Tan iyo xiligii ay burburtay dowladdii dhexe ee uu hogaamin jiray AUN Maxamed Siyaad Barre, dalka waxaa hareeyey dhibaatooyin aad u faran oo dhaawac weyn u geysay magaca, sharafka iyo qiyamka dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo burburayey xasiloonidii, nabaddii, adeegyadii bulshada iyo kaabakaayshii dhaqaalaha. Inkasta oo caqabadaha hadda hortaagan nabadda, amniga iyo dowladnimada Soomaaliya ay aad u badan yihiin, islamarkaana ay taabanayaan meelo badan, waxaan maqaalkaan si kooban ugu soo bandhigayaa arrimaha aan isleeyahay waxay toorreey wadnaha ku taagan ku yihiin dowladnimada iyo soo celinta nabadda iyo maamul wanaag kahanaqaada Soomaaliya. Caqabadaha aan maqaalkaan ku xusayo ayaa waxay diiridda saarayaan arrimaha Baarlamaanka, Dowlad goboleedyada, Alshabab, Kooxaha Qaswadeyaasha ama Danleeyda, Dalalka shisheeye ee gacmaha kula jira arrimaha gudaha ee dalka, Ciidan-beeledyada/kooxaha iyo qabaa’ilka hubeysan, Fakhriga iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, Musuqmaasuqa iyo Arrimaha diinta. Kooxda 1-aad: Baarlamaanka Golaha baarlamaanka ee loo yaqaan ‘Golaha Shacabka’ oo ah laanta xeerdejinta iyo hay’adda xilligaan ugu awoodda badan saldhigna u ah dowladnima, ayaa noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Shirkii Carta ee sanad 2000 ayaa ergooyinkii ka qaybgalay waxay isku raaceen in Soomaaliya ay qaadato hanaanka dowladnimo ee Baarlaami ah (Parliamentary system of Government) taasoo soo doorta madaxweynaha dalka kadibna madaxweynuhu magacaabo wasiirka kowaad (prime minster) kadibna baarlamaanku codka kalsoonida ku ansixiyo Ra’iisul-wasaaraha iyo golaha wasiirada oo uu soo dhiso. Xilligaas ayaa dadkii soomaaliyeed iyo qolooyinkii caawinaayey waxay ansixiyeen in la qaato habka loo yaqaan 4.5 ee beeluhu awoodda u wadaagaan. Waxaa xusid mudan in habka awood qeybsiga ee 4.5 ay sanadkii 1997dii isla ogolaadeen hogaamiye-kooxeedyo xiligaa ku sugnaa magaaladda Sodere ee dalka Ethiopa. Tan iyo sanadkii 2000 ee la qaatay hanaanka baarlamaanka iyo beelaha ku dhisan, dalku wuxuu wajahayey dhibaatooyin fara badan oo curyaamiyey dhismaha iyo shaqadda hay’addaha dowliga ah iyo bixinta adeegyada asaasiga u ah nolosha dadka dhibaateysan ee shacabka ah. Inkastoo nidaamka baarlamaaniga ahi uu keenay in madaxweyneyaal isbedelaan iyadoon aaney dhicin dhibaato amni, haddana waxaa marag-madoonta ah inuu keenay xasilooni la’aan siyaasadeed oo joogta ah, qabyaaladdii aan laga xishoon, waddaniyadii oo dhaawacanta iyo musuqmaasuq dhib weyn u geystay sharafta iyo haybadda hay’adaha dowladda. Hadaba, waa aragti maangal ah in aad isweydiiso sideed iyo toban (18) sano kadib waa maxay dhibaatooyinka uu noo horseeday nidaamka beelaha iyo baarlamaanka ku dhisan?. Aniga aragtideyda waxaan qabaa inuu keenay: Qabyaad: In qabyaaddii hore noo burburisay ay sii xoogeysatay oo ay meesha ka saartay aqoontii iyo kartidii aan ku dooran lahayn hogaamiyaalkeena Xasiloon la’aan siyaasadeed: nidaamka baarlamaaniga ah wuuu keenay xasilooni daro siyaasadeed iyo mooshin (motion) joogta ah oo lagu rido xukumadaha, ama ugu yaraan la isku dayo xitaa haddii ay waxtar iyo howlkarnimo laheyd xukumaddu! Hogaamiyeyaal aan lahayn Karti iyo Aqoon: Maadaama baarlamaanku leeyahay awoodda keliya ee kalsooni siin karta ama kala diri karta xukuumadda, waxaa khasab noqotay in xildhibaanno aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn ay wasiiradda ugu muhiimsan noqodaan. Waxaa kaloo isla arrintn laga dhaxlay iney yaraato ama meesha ay ka baxdo isla-xisaabtan rasmi ah in lagu sameeyo xukumaddii, maadaama Wasiirkii lala xisaabtami lahaa uu isla asagii Baarlamankii fadhiyo, kuna difaacayo howsha xukumadda. Musuqmaasuq: Nidaamka baarlamaaniga ahi wuxuu keenay musuqmaasuq baahay oo dhaawac weyn u geystay sharafta iyo haybadda xildhibaannada, wasiirada iyo saraakiisha sare ee dowladda. Waxaa caado noqotay in qof kasta oo xil doonaya lagu qiimeeyo awoodda jeebkiisa ee aan la eegin awoodda mugga maskaxdiisa,kartida qofnimo iyo dareenka shacabka uu matalo ka qabaan toona Horukac la’aaan wuxuu nidaamka baarlamaaniga ahi keenay in lagu jiro buuq iyo isqab-qabsi joogta oo keenay in hay’addaha dowladdu ay shaqadooda qabsan waayaan.. Amni iyo Nabad la’aan: Maadaama ay hay’adihii dowladdu noqdeen kuwo fadhiid ah oo aan tabar iyo tayo lahaynd, waxaa xoogeystay daneysiga iyo ku takrifal awoodda, taasoo keentay in nabaddii iyo amnigii uu curyaamo.La soco qeybta labaad oo ah: Dowlad goboleedyada, Insha Allah W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid