-
Content Count
214,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sidaynu ognahay komishinka doorashooyinka qaranka waxay ku dhawaqeen inaysan qabsoomaynin doorashada waqtigii loogu tala galay. Hadaba waxaa is waydiin mudan cidda mas’uuliyada iska leh dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland, sans-serif; text-align: justify;”> Bulshada ka faaloota arimaha siyaasada Somaliland waxay eeda ugu wayn ee dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland saarayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ah kan looga fadhiyo inuu dalka ka hirgaliyo doorasho. Sidaynu ogsoonahay xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka ayaa ka biya diiday sanadkan awalkisii komishinka doorashooyinka qaranka, waxayna soo jeediyeen in labadalo komishinka doorashooyinka qaranka, balse arinka waxaa ka hor yimid madaxweyne muuse, isagoona sheegay badalka la badala komishinka waxay carqalad ku keenaysaa doorashadii madaxtooyada ee ina soo dhaaftay. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay isku dhajintan uu madaxweyne muuse isku dhajinayo sii joogista komishinka doorashooyinka qaranka waxay horseedi kartaa inay soo fara galiyaan dowladaha daneeya doorashooyinka Somaliland, Komishinka doorashooyinka qaranka waxaa ka dhalan kara isku dhajinta kuraasta ay ku fadhiyaan shaki, shakigasoo la oron karo ma waxaa jirta data ay hayaan, tasoo u sahli karta xisbiga kulmiye inay helaan kuraasta ugu badan golayaasha qaranka, hadaysan jirin wax u qarsoon mas’uuliyinta komishinka doorashooyinka qaranka, waxaa haboon in ay baneyaan kuraasta ay ku fadhiyaan, si loo helo mas’uuliyin cusub, leh aqoon iyo karti ay ku qaban karaan doorashoyinka golayaasha qaranka. Gunti iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne muuse waxaan ugu baaqayaa inuu u hogaansamo xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka soo jeedintiisa, si loo helo komishin doorasho lagu kalsoonankaro. Dalkan bulshadiisa waxay diyaar u yihin inay doortaan golayaal qaran, kuwasoo la jaan qadaya xaalada ka taagan Somaliland, Source
-
Ninbaa soo galay hudheel wuxuu dalbaday waslad Xagalo ah, kolkuu kuruskii qawlallada ka tufay ee uu dhergay, labadii gacmood iyo afkoo hareedan intuu soo dhaqday ayuu maqlkii isi soo quturay, la’ye lacagta intaasaad qabtaaye bixi, intuu laba indhood ood mooddo kabbo dhiiga galka ka saaray ayuu yidhi lacag ma hayo. Maqalhayii intuu meheradiisa u tudhay ayuu ku yidhi lacagna ha bixine adeer iska bax, intuu gafuurka kor u taagay oo uu faraha indhaha ka geshay ayuu yidhi haddaan dhergo maba tago! Ninkaa waxa ka dhigan golaha wakiillada ee afar iyo tobanka sano aynu biilinaynay ee cashuurteenna carruuraha ku korsaday tagimaayaan. Kuraastaa ay ku fadhiyaan waxaan hadimo iyo hagardaamo ahayn qaranku kuma qabo, shaqada ay qabteen mid manfac leh oo la majeeran doono maaha, tagimaayaan oo mushaharka ka tagimaayaan illaa shacabkii kuraasta lahaa ka tashadaan oo kuraasta qasab lagaga soo jiido. Waa axmaq aan iimaan iyo ummadnimo lahayn waxaan ahayn sanqadha doollarka ma maqlaan. Garaad cay iyo liitinimay innagu tahay in markii shanaad ay u shanlaysanayaan kordhin, dhaqankaasi waa mid ceeb ku noqday dawladnimadeena boogna innagu ah, in gole xilkii loo dhaarshay ku fashilmay oo aan manfac inoo lahayn kolba muddada loo jadiidiyo. Muddo-xileed xadidan ayaynu dooranay oo ay ahaayeen wakiillo inna metela illaa manta xeerkii lagu dooran lahaa may hirgelin shuruuc kale ha joogeene. Ummadaha dunda ee damiirkoodu noolyahay sida aynu u xisaabtanno uma dhaqmaan, danbaa midaysa innagana reernimo iyo qabyaaladba inna midaysa. Source
-
(SLT-Gaboose) Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. C/weli Gaas ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Beelaha ku dhaqan Gobolada Puntland ay u soo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka, una soo gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa dhici doonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019. Dhinaca kale warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha, si uu mar kale ugu guuleysto. Source
-
(SLT-Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amaro ku soo rogay dhammaan Golihiisa Wasiirada, isagoo faray in ka hor dhamaadka bisha December ay dhameystiraan howlaha uga harsan qorsho howleedka sanadkan sii dhamaanaya ee 2018. Kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka sanadkan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Wasiir walba soo dhameystiro howshiisa. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhameystirka qorshe howleedka sanadkan ay fududaaneyso in si fudud looga gudbo qorshayaasha qaran ee sanadkan 2019 Amarada la faray Wasiirada ayaa ka mid ah in aanay dalka ka bixi karin, haddii aysan la soo gudbaan xaalado kale oo gaar ah Ugu dambeyn kulanka ayaa lagu soo bandhigay hal-beegyada tubaha Wasaaradaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guuleysto sanadkan dhamaadka ah. Source
-
Buenos Aires (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa muuqaal laga duubay isaga oo u digaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, markaasi oo si lama filaan ah ay kaamirada u qabatay. Labada dhinac ayaa wada-hadal aan rasmi ahayn uu ku dhinac yeeshay shirka dalalka dhqaalaha adduunka ugu sarreeya ee G-20 oo ka socda dalka Argentina. Macron ayaa la maqlay isaga oo leh “Waan walaacsanahay, waan walaacsanahay….waan kuu sheegay” “Haa, waad ii sheegay” ayuu ku jawaabay Amiir Maxamed, “Aad baad u mahadsan tahay” “Marnaba ima dhageysatid” ayuu yiri Macron. “Maya, dabcan waan ku dhageystaa” ayuu ku jawaabay Maxamed Bin Salmaan, oo dhoola caddeynaya kadib markii uu dareemay in kaamiro ay duubeyso. “Sababtoo ah waan kuu sheegay. Aad ayey muhiim kuugu ahayd” ayuu yiri Macron oo dhoola caddeynaya ka hor inta uusan billaabin inuu ka durqo amiirka. Macron ayaa markaas yiri wax aan la maqal, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa ku jawaabay “Waa caadi, wax waan ka qaban karaa” Xoogaa kadib ayaa Macron la maqlay isaga oo leh “Waxaan ahay nin ka dhabeeya wixii uu yiraahdo” Lama yaqaan waxa ay ku saabsaneyd sheekadooda balse madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay muddo shan daqiiqo ah wada-hadleen, islamarkaana Macron uu Amiirka u gudbiyey farriin adag oo ku saabsan dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo inuu xal u helo dagaalka Yemen. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Shirkii Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland ayaa qabsoomay jimcihii maanta kadib markii uu shalay u baaqday safarkii madaxweyne Gaas iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ugu maqnaayeen degaanno kamid ah gobolada Karkaar iyo Hayland. War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faahfaahiyay qodobadii looga hadlay shirka,waxaana lagu sheegay in safarkii madaxweynuhu ku tegay gobolada Karkaar iyo Hayland uu ka soo daah-furay mashaariic horumarineed,islamarkaana uu ka soo dhagax-dhigay mashaariic cusub. Mashaariicda madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee degmada Qardho iyo xarunta Turobataariyada ee isla degmadaas, sidoo kale waxaa madaxweynuhu degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka dhagax dhigay wadda laami ah oo isku’ xidhi doonta Xiingalool&Sheerbi iyo xarun loo dhisayo barakacayaasha oo ka kooban 100 guri. Dhinaca kale war-murtiyeedka oo looga hadlay khilaafka Federaalka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhexayso qaanuun iyo awood-qeybsi sharci ah,haddii taasi la waayana aan la wada-shaqeyn karin,waxaana war-murtiyeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu raalli-gelin ka baxshay hadal uu maalmo ka hor ku taageeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta uu wado guddiga Aqalka sare u xil-saaray xallinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,kaasoo Puntland ku tilmaantay tallaabo wanaagsan,balse ay sheegtay in aan weli la dhammayn qodobadii laga cabanayey. PUNTLAND POST The post Camey oo raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Caqabada Haysta. Guddiga Doorashooyinka Ee Somaliland (NEC) ayaa so bandhigay waraaq dheer oo ay ku qorantahay caqabada ka hor istaagtay qabitaanka doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deggeenada. Waraaqaadan dheer waxaa ku tixan kulano fara badan oo NEC la yeelatay, Madaxweynaha, Golayaasha iyo Xisbiyadda. Hadaba su’aash meesha taale waxa weeye, haddii la qabtay doorashadii madaxweynaha 2017, maxaa loo isticmaali waayey xafiisyadii iyo diiwaangelintii xilligaa la isticmaalay? Dadka la diiwangeligey waa dadkii uun, laga yaabaa in ay waxoogaa ku soo kordhaan. Maxaa is badeley? Haddii la hayo, oo aan la tuurin waraaqihii iyo tirakoobkii dadkii la diiwangeliyey, maxaa keenay in diiwangelin cusub la sameeyo? Ma xisaabtaa markii hore khaldaneyd? Mida kale, haddii xisbiga Waddani joojiyey wada shaqayntiin NEC, dee, markaa NEC kalsoonidii loo hayey baa luntay. Ha is casilaan. Hebel baan la shirnay, iyo halkan baan marnay, socon mayso. Waxaa loo baahnaa in ay berri hore isu diyaariyaan doorashada, oo hawsha si taxan u wadaan. Xafiis baan shaakh ku cabiyay, hebelna waan la sheekaystay umadda Somaliland mari mayso. Waxaad moodaa in ay NEC weligood waxba ka baraneyn doorashooyinka soo mara, iyo sidii hawsha loo horumarin lahaa. Waa hadii aan lacag lagu shubin, socon mayso meeshu. Tobon billood oo dambe NEC maanta fadhida Somaliland waxba kam sugeyso, iyaga iyo Golaha Wakiiladaba. Allow sahal amuuraha. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre Qaran News
-
(SLT-Barlin)Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaaa sheegaya in diyaarad ay saarneyd haweeneyda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel kuna sii jeeday dalka Argentine ayaa si deg-deg ah dhulka u fariisatay kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday. Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A340 ayaa waxaa la socday wafdi ay hogaaminayso Angela Merkel oo ka qeybgali lahaa shirka G20 oo ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaana si deg-deg ah loo fariisiyay garoonka diyaaradaha magaalada Cologne. Xilligii la dareemay in diyaaradu ay cillad soo wajahday ayaa waxa ay dul maraysay hawada dalka Netherland saacad kadib markii ay duushay waxana uu sheegay duuliyihii in cillad farsamo ay hayso balse aysan diyaaradu halis ku jirin. Diyaarad nooca kuwa ciidamada ah ayaa loo diyaariyay wafdiga ay horkacayso Angela Merkel in ay u raacaan dalka Argentina oo maanta oo Jimce ah uu ka furmayo shirka G20 taas oo bedel u ah diyaaradii cillada ku timid. Source
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal lagu faragalinayo doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxweyne Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in beelaha Puntland ay Baarlamaanka cusub u soo gubiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018, iyagoo ku dadaalaya in ay khilaafka ku soo dhameystaan dhexdooda. Sidoo kale Cabdiwali Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in kalfadhiga ugu horreeya Baaralamaanka cusub ee Puntland furmi doono 01/01/2019, iyagoo doorashada Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka dooran doona inta u dhexaysa 1-da ilaa 6 Janaayo 2019, wuxuuna intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhacayso 8-da Janaayo 2019. Warka ka soo baxay Cabdiwali Gaas ayaa faragalin ku ah shaqooyinkii Guddiyada ansixinta iyo xalinta khilaafaadka xulista Baarlamaanka, doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo iyagu awood u leh in ay cayimaan xiliga ay qabanayaan howlahaas. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warkan soo saaray, isagoo aan wali soo magacaabin Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ahayd shaqada ugu horeysa ee doorshada. Cabdiwali Gaas ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ku dhawaaqo musharax Madaxweyne Puntland 2019. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal ku saabsan habka soo xulista xildhibaanada cusub ee baralamanka Puntland iyo xilliga doorashada maamulkaas. Gaas ayaa ka dalbaday beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan dhammaan xubnaha uga mid noqonaya golaha wakiilada Puntland, inta ka horeysa 1-ka bisha December ee soo socota, una soo gudbiyaan guddiga ansixita. Gaas ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in kalfadhigga koowaad ee golaha cusub uu billaaban doono kowda bisha Janaayo ee sanadka 2019. Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay dhici doonto 8-da bisha Janaayo 2019, sida markii horeba uu qorshuhu ahaa. Qoraalka Gaas ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay iyo eedeymihii musharaxiinta mucaaradka ee ahaa in Gaas uu doonayo in doorashada uu dib u dhigo, oo waqtiga uu korarsado. Hoos ka aqri warqadda Gaas
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, isagoo kasoo horjeestay in ciidamo laga qaado Muqdisho la geeyo Baydhabo. Mursal oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed ayaa sheegay inaan loo baahnayn in ciidammo kale la geeyo Baydhabo cidii geysana wax laga weydiin doono wixii qalalaase ah ee ka dhaca degmadaas. “Deegaanka waxaan u malaynayaa in ciidammo suga amniga oo ku filan ay joogaan, gaar ahaan ammaanka Doorashada wax kaloo dheeri ah ciddii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona,” ayuu yiri Mursal oo jooga Turkiga. Wareysi uu Mursal siiyay VOA-da ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed lagu wado inay dhacdo 05-ta December. Wuxuuna yiri. “Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay ku-simaha madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.” Sidoo kale, Mar wax laga weydiiyay in xukuumadda Soomaaliya ay wadato musharax gaar ah, ayuu sheegay inuusan ogeyn musharax gaar ah oo ay dowladdu wadato. Mar wax laga weydiiyay musharraxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow ayuu yiri; “Muqtaar Roobow waa muwaadin Soomaaliyeed dowladda Somalia ayaa la gashay heshiis, iyadaa keentay Muqdisho xerada nabad-sugidda ayuuna deggenaa, ogaal la’aanna Baydhabo kuma tegin, musharax ayuu noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo. Dowladdu haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan Muqdisho ayuu joogay.” Dhanka kale, Mar wax laga weydiiyay inay tallaabo qaadi karto Dowladda FS taasoo ay doorashada uga joojinayso Sheekh Mukhtaar Roobow, ayuu kaga jawaabay inaysan Dowladdu qaadi karin tallaabo noocaas ah. “Waa khalad in Dowladda Somalia ay fara-geliso musharraxnimada xilligaan ee Mukhtaar Roobow, waayo wuxuu ka mid yahay xubnaha faraha badan ee u ordaya xilka,” ayuu yri Maxamed Mursal oo muujiyay in fara-gelinno lagu wado xilligan doorashada lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo. Hadalkiisa ayaa wuxuu imaanayaa xilli ciidammo fara badan oo la sheegay inay yihiin booliis maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka guud ee Baydhabo inta ay socoto doorashada la filayo inay dhacdo bisha soo socota, inkastoo xildhibaanno fara badan ay kasoo horjeesteen ciidamadaas. Ugu dambeyn, Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo, taasoo ka dhalatay ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo ay dowladdu sheegtay inay ka shaqeyn doonaan amniga doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo. PUNTLAND POST The post MURSAL: Baydhabo Ciidamo uma baahna ciddii ciidan geysana iyadaa lagula Xisaabtamayaa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xeer ku soo saaray waqtiyada la soo gudbinaayo liiska wakiilada Puntland, xilliga ay tahay iney doortaan guddoonka iyo xataa doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Qoraalka Madaxweyne Gaas waxaa ka mid ahaa: 1. In beelaha Puntland golaha wakiillada u soo xushaan si waafaqsan dastuurka Puntland, una soo gudbiyaan guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/2018. 2. Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2019, iyaga oo dhameystiran doona howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1da ilaa 6da Janaayo 2019ka sida: guddoonka, guddiga doorashada iyo wixii la xiriira. 3. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ay dhaceysaa 08/01/2019 4. Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari-doonaa magacaabista ansixinta xalinta khilaafaadka Wareegtada Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamo gaar u tababaran oo maanta la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamadaasi oo ka badan 100 askari ayaa doorweyn ku lahaan doono xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, inta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in ciidamadaasi ay u tageen magaalada Baydhabo inay xaqiijiyaan amaanka magaaladaasi. “Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada Baydhabo horeyna wey u joogeen”. “Kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socotaan deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashadana waxaa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed. Sababta ciidamada loo geeyay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in Al Shabaab ay doonayaan in weeraro ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ciidamadaasina ay ka hortagi doonaan. “Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga” “Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad galyada”. ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo shan qodob oo uga baxay wareysi uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan siiyey idaacadda VOA. Hoos ka aqriso. WARKA GUDDOOMIYUHU WAA CAD YAHAY: Waxaan dhagaystay waraysi idaacadda VOA-du ay la yeelatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo hadda ku sugan dalka Turkiga, laguna wado inuu Muqdisho soo gaaro maalinca berito ah. waraysigu wuxuu ku saabsanaa go’aankii guddoomiye KXG koowaad uu ku kala diray guddiga maaliyadda 28 November 2018. Guddoomiye Maxamed Mursal waraysigiisa wuxuu ku caddeeyey dhowr arrimood arrimood oo muhiim ah: In la ilaalin doono dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha shacabka ayna noqon doonaan kuwa hagi doona go’aan ka gaarista arrinta taagan. Wuxuu muujiyey Madax banaanida Barlamaanka, mana jirto caqli keeni kara in barlamaanka la hoosgeeyo golaha fulinta ayuu ku daray. Arrinta kala drista guddiga, wuxuu caddeeyey; in xeerhoosaadku wuxuu qabo la raaci doono, haddii uu qabo in guddoonku kala diri karo guddiga sidaas ayey noqonaysaa, haddii uusan qabinna in guddoonku kala diri karo guddigana guddigii ma noqonayo mid la kala diray, mar walba waxaa na hagaya xeerhoosaadka. asagaana wax kala saaraya. Guddoomiye ku xigeenka koowaad go’aankiisa wixii uu ku saleeyey iyo waxyaabihii ay soo saareena weli inuusan arkin isla markaana uusan aqrin ayuu sheegay, sidaas awgeed marka uu yimaado Muqdisho uu arki doono. In Golaha Shacabka oo fadhigii loo diiday in uu fariisan doono ayuu ku soo gabagabeeyey, hawlihiisiina wadan doono. Guddoomiye Mursal wuxuu waraysigiisa kooban ku muujiyey mas’uuliyad, xilkasnimo, aqoon dhanka sharciga dalka iyo inuu go’aanka u soo celiyo Golaha shacabka oo ay ku jiraan 276 Xildhibaan, waxaan rajaynaynaa in uu dhammaan doono khilaafka lagu soo dhextuuray Barlamaanka iyo kawa kale ee taaganba.
-
Baydhabo (PP) ─ Ciidammo tirada lagu sheegay 80-askari oo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya oo si gaar ah u tababaran ayaa maanta la geeyay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu wado in 05-ta bisha December ee soo socda ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaas. Laba diyaaradood oo gaar ah ayaa ciidankan laba jeer oo kala duwan Baydhabo geeyay iyagoo ka dajiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo muddo kooban kaddib laga qaaday, waxaana xilliga ay dagayeen garoonka ku sugnaa xubno ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed. Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada la geeyay saldhigga booliiska Baydhabo oo ay haatan ku suggan yihiin,, waxaana durba shir jaraa’id oo ay arrintan uga cabanayaan ku qabtay Baydhabo xubno ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed. Xildhibaan Sh. Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, isla markaana ka mid ah xildhibaannada goob-joogga ka noqonaya doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo ayaa tallaabadan ku sheegay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada dhacaysa. “Ciidamadan waa kuwo la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada lagu wado inay Baydhabo ka dhacdo, waana wax aan garan la’nahay sababta loo keenay Baydhabo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sheekh Aadan Madoobe, ayaa hadalkiisa ku daray in madaxweynaha DF ay u direen warbixin ay kaga cabanayaan ciidamadan iyo fara-gelin uu sheegay in lagu hayo doorashada la fliayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo. Tallaabada ciidamadan lagu geeyay Baydhabo ayaa waxay imaanaysaa xilli ay magaaladaas ka socdaan ololayaal ay wadaan musharraxiinta hoggaanka maamulkaas u tartamaya oo tiradoodu ka badan tabay toban musharrax. Dhanka kale, Horay ayaa waxaa magaalada Baydhabo loo geeyay gaadiidka aanay rasaastu karin, kuwaasoo la sheegay in Dowladda Federaalka ay ugu talo-gashay inuu ku socdo mid ka mid ah musharraxiinta maamulkaa oo la sheegay inay dowladdu wadato. Ugu dmabeyn, Doorashada Hoggaanka sare ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa xubnaha ku tartamaya ka mid ah afhayeenkii hore ee Kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo sannadkii hore kasoo goostay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidammo Gaar ah oo Baydhabo la Geeyay iyo Xildhibaanno Cabasho ka keenay Ciidamadan appeared first on Puntland Post.
-
Mandheera (PP) ─ Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya waxaa ka socda qaban-qaabada bandhigga toddobaadka dhaqanka guud ee Soomaalida oo magaaladaas ay marti-gelin doonto dhawaan. Bandhiggan, ayaa lagu marti-qaaday dhammaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, si ay ugu dabaal-dagaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. Madaxa maamulka waxbarashada iyo dhaqanka Mandheera, Cisuddiin C/llahi ayaa sheegay inay qaban-qaabadu marayso meel wanaagsan, wuxuuna ku daray intaas inay sameeyeen qorshayaal ay ugu talo-galeen inay xafladu ku dhacdo si nabad-galyo ah. Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inuu bandhiggaan u furan yahay gabi ahaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku hadasha Af-Soomaaliga, si ay wax ugu bartaan dhaqankooda dalxiisayaasha iyo martida kaleba. Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhaweynayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Geeska Afrika. “Waxaan ku casuunnay qof kasta inuu bandhigan kasoo qayb-galo, si uu u barto dhaqankeenna, taasina waxay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii qarniyo hore, taasoo muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Roba. Ugu dambeyn, Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa Taariikhda ummadda Soomaaliyeed, sugaan kala duwan iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin Soomaalida. PUNTLAND POST The post Todobaadka Dhaqanka Soomaalida oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Mandheera appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka ee uu ku dhowaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi Weli Muudeey. Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse waxa uu diiday inuu sheego waxa sharciga uu arrintaas ka qabo Guddoomiyaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay inuu berri tagi doono magaalada Muqdisho, eegi doona warqadda lagu kala eryey guddiga iyo sharciga baarlamanka, kadibna bixin dooni jawaab cad oo ku saabsan arrintan. Mursal ayaa u muuqday inuusan ku dhiiri karin inuu ka hor-yimaado xukuumadda, islamarkaana uusan dooneyn in loo arko qof xukuumadda ka baqaya, taasi oo jawaabtiisa ka dhigtay mid aan caddeyn. Shalay ayaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si aad ahna ugu dhow xukuumadda ay sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin go’aanka Muudey. Xoghayaha guddiga maaliyadda ee la kala diray Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa isna maalintii la kala diray guddiga sheegay inuu la hadlay Mursal, oo uu u sheegay in ay sharci darro tahay in la kala diro guddiga. Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/mursal.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa mas’uul haya xil aad u sarreeya. Laakiin sirta furan ee suuqa u taalla, oo runna noqon karta sida uu kursigaas ku helay marka la eego; sidoo kalena been noqon karta, waa in uu yahay qof kursi la keensaday, oo aanan u madax bannaaneyn go’aanada uu sharciyan gaari karo, ama qeyb ka noqon karo. Maanta oo ay Golihii Shacabka ka taagan tahay mushkilad ku saabsan jiritaanka iyo shaqada Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka, Guddoomiye Mursal wuxuu heystaa fursad aad u weyn oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu muujin karo in baarlammaanka uu yahay meel uu nidaam ka jiro, asaguna uu yahay mas’uul go’aanadiisa u madax bannaan! Sidoo kale mushkilad kale oo aan si toos ah loo ogeyn go’aanka uu ka qaatay ayaa ka taagan gobolkiisa. Fursadaha iyo go’aanada masiirkaaga jaangoynaya haddii ay ku baal maraan, ma tihid mas’uul, keliya waxaa tahay mushaar qaate haya xil maamuus! Hoggaamiyaasha ugu magaca dheer taariikhda caalamka ma aha kuwa muddada ugu dheer hayay xilalka, ee waa kuwa qaatay go’aanno aan lagu dhiiran karreyn. Guddoomiye adiga uun is shaabadeey maanta! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
