Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Addis-ababa ay sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo uu dalkaasi yeesho, sida xaqiijiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya. Madaxa Machadka Teknoolijiyadda Hawada sare ee Itoobiya Dr. Selemon Belay ayaa sheegay in la dhameystiray fasaxii caalamiga ahaa ee looga baahnaa diiwaan gelinta ceymiska marka dayax gacmeedka hawada sare loo diro. Sanadkii hore, ra’isul wasaare Haile Mariam Dessalegn ayaa shir guddoomiyey shirkii ugu horeeyey arrimaha hawada sare looga hadlayo, shirkan oo ka dhacay Adis Ababa, Dessalegn waxaa uu sheegay in 2 sano gudahood ay diri-doonaan dayax-gacmeed. Wuxuu Dayax-gacmeedkan oo hawada sare loogua dirayo gudaha dalka Shiinaha lafilayaa in uu Itoobiya ku soo gaalo muddo kooban oo gaaraysa 4 maalmood gudahooda,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi. Dayax-gacmeedkan , waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka. Itoobiya ayaa haddii ay ku guuleysato inay dayax gacmeedka hawada u dirto waxay noqon doontaa dalkii 7aad ee Afrikaan ah oo yeesha dayax-gacmeed u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeed u sameystay dalalka Masar, Koofur Afrika, Nigeria, Ghana, Angola iyo Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxda dowlad goboleedyada Shirkii mudada afarta beri ahayd uga socday magaalada Garowe ee xarunta Puntland madaxda afarta dowlad goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la soo gaba-gabeeyay. War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas oo ka koobnaa sagaal iyo toban qodob (19) ayaa inta badan looga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasada Soomaaliya. Madaxda afarta dowlad gobobeed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa isku raacay in ay sameystaan xisbi siyaaasadeed loogu magacdaray Horusocod Qaran (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye ku meel gaara loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Sidoo kale Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa Guddoomiye cusub u doortay Shariif Xasan Kheekh Aadan, halka ay ku xigeen u doorteen Axmed Ducaale Gaalle (Xaaf). Xisbi siyaaseedkan Horusocod Qaran ee ay sameysteen madaxda dowlad goboleedyada ayaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay xisbiyada siyaasada Soomaaliya ee ka qeyb gali doona doorshada 2020 ka dhici doonta dalka. Warar ay helayso PUNTLAND POST, ayaa sheegaya in xisbigan Horusocod Qaran shirweynihiisa qorshuhu yahay in Guddoomiye loogu doorto Cumar Cabdishiid Cali Sahrmaarke oo taageero badan ku leh gobolada Koonfurta Soomaaliya. Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa bilaha soo socda waxaa ka dhici doona doorashooyin. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran PUNTLAND POST The post Madaxda dowlad goboleedyada oo sameystay xisbi siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  3. Puntland Post-Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato. Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha. Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr Selemon Belay, wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu haatan gabagabo marayo. Waxaana la dhammeystiray ayuu yiri fasaxi caalamiga ahaa ee nalooga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba. Waxayna si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa ayuu yiri sanadka 2019-ka. Dayax-gacmeedka oo hawada sare loogua dirayo dalka Shiinaha waxay Itoobiya ku soo gaareysaa afar maalmood gudahood. Dayax-gacmeedka oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka. Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood. Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan. Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya. Xigasho : BBC The post Itoobiya oo hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho[Puntland Post]-Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dawladda Soomaaliya ayaa diiwaangelinta kala noqotay dhammaan maraakiibta iyo doonyaha watey calanka Soomaaliya. Wareegtadan ka so baxaday Xafiiska wasiirka dekaddaha soomaliya ayaa sidan u qorneyd: Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:- 1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed. 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba. 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed. 5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.” Cabdiqani Boos Puntland Post The post Wasaradda Dekadaha DFS Oo Diiwaangelinta Kala Noqotay Maraakiibta Iyo Doonyaha Wata Calanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka digey in la furo Dastuurka maamulkaasi. Waxa ay sheegeen in ay jiraan xildhibaanno wada mooshin la doonayo in dastuurka lagu furo si loo kordhiyo tirada xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi oo hadda ah 66 mudane. Mudanayaashan oo uu ka mid yahay Xildhibaan Burhaan Aadan Aw Cabdi ayaa sheegay in dastuurka aan la furi doonin inta laga gaarayo Afti dadweyne. Siyaasiyiin ayeey sheegeen in ay wataan qorshahan oo ay ku doonayaan in Dastuurka la furo oo wax laga bedalo qodobka tirada xildhibaannada baarlamaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warbixinta-Xildhibaanada-kaga-hadleen-Dastuurk-PL-24-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ayan Omar's eyes fill with tears as she discusses the possible closure of an Edmonton program that has given her son a second chance after eight months in jail. Source: Hiiraan Online
  7. Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa diiwaangelinta kala noqotay dhammaan maraakiibta iyo doonyaha watey calanka Soomaaliya. Wareegtada ayaa sidan u qorneyd: Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:- 1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed. 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba. 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed. 5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.” Source: goobjoog.com
  8. Biyo xireenkan laga sameeyey degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ah mid looga gaashamanayo xilliyada roobabka Togag waa weyn ee mara magaalada,kuwaasi oo kala xiri jirey isu socodka dadka iyo gaadiidka. Biyo xireenkan oo dhererkiisu uu gaarayo ilaa hal KM ayaa waxaa ka faa’ideysanaya dad gaaraya ilaa 90 qoys oo ah Beeraley roob falato ah. Cabdiraxmaan Xuseen waxaa uu ka mid yahay guddiga loo xilsaarey dhismaha Biyo xireenka, waxuuna uu Goobjoog u sheegayin biyo xireenkan inta aan la sameynin dadka deegaanka ay dhib weyn ku qabeen roobabka marka ay da’aan ayna dhibaato badan soo gaari jirtey xaafadaha iyadoo biyaha kasoo daata Togagga iyo Buuraha ay ku soo rogman jireen xaafadaha iyo Isbitaalka degmada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Biyo-xireen-looga-gaashamanayo-daadadka-roobabka-oo-laga-sameeyey-degmada-garbahaarey-OK.mp3 Source: goobjoog.com
  9. A senior murder detective racially abused a cleaner and threatened to urinate on the floor when he was told the toilets at St Pancras station were closed for cleaning at 1am, a disciplinary tribunal was told. Source: Hiiraan Online
  10. Kal-fadhiga 42 aad ee Baarlamanka Puntland oo hore loo qorsheeyay in uu Khamiista maanta ah furmo ayaa baaqday,sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamanka. Kal-fadhiga ayaa u baaqday kooram la’aan,sida ay sheegeen xubnaha ku sugan Garoowe,iyadoo xildhibaannada badankoodu ay ku maqan yihiin degaannada laga soo doorto,si ay mar kale u helaan xubinnimada Baarlamanka. Ajandaha ugu weyn ee kal-fadhiga ayaa ah ansixinta miisaaniyadda saddexda bilood u horraysa sannadka cusub(2019),xilligaasi oo loo yaqaan”kala guurka” maadaama ay is-beddelayaan laba xukuumadood. Dhinaca kale waxaa fashil ku dhammaaday qorshay ay qaar kamid ah xildhibaannadu ku doonayeen in la furo Dastuurka,si loo kordhiyo xubnaha Golaha wakiilada ee haatan ah 66 mudane. Qorshaha ayaa fashilmay kadib markii guddoonka Baarlamanku diiday mooshin ay xubnahaasi u gudbiyeen oo ahaa in la furo kal-fadhi aan caadi ahayn oo wax looga beddelayo Dastuurka,sida ay Puntland Post u sheegeen ilo’ xog-ogaal ah. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo baaqday appeared first on Puntland Post.
  11. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. Sida ay warbaahinta dowladda qortay wareegtada wasaaradda waxaa ay u qorneyd sidan: “Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:- 1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed. 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba. 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed. 5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.” Gabogabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta, si waafaqsan Sharciga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 12-ka saq dhexe aanay furnaan karin Hoteellada iyo maqaayadaha ku yaalla xeebta Liido. “Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”. Waxaa kale oo uu sheegay in halkaasi aan lagu isticmaali karin wax maandooriye ah, cid walbo oo falkaas ku kacdana la ciqaabi doono. “Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Tech entrepreneurs in Somalia are holding a first-ever summit in battle-scarred Mogadishu, attracting hundreds to talk about business and innovation in a city more used to conflict and suffering. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad goboleedyada ku wargelisay inay u diri-doonta maamullada $5 Milyan oo Dollar oo qeyb ka aha barnaamijka Surge Support ee bangiga adduunka, iyaga dowlad goboleedyada laga codsaday inay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan qeybta labaad ee lacagaha cusub, isla markaana ay soo diraan Xisaabta celinta lacagahii hore. Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga adduunka uu soo fasaxay lacagaha kabka ah, waxaana dowlad goboleedyada uu ka codsaday soo gudbinta xisaab celinta iyo dalabka lacagaha kabka ah ee cusub. Akhriso Qoraalka Beyle: Source: goobjoog.com
  15. The United Nations aid chief sounded the alarm at the body's Security Council Tuesday that half the population of war-torn Yemen — some 14 million people — could soon be on the brink of famine and completely relying on humanitarian aid for survival. Source: Hiiraan Online
  16. Leaders of Kenya’s northeastern counties have vowed to fight against al Shabaab, the Somalia-based militant group that has terrorised the region for the past seven years. Source: Hiiraan Online
  17. The televised meeting of the Council of the Ministers (the Cabinet) chaired by President Mohamed Abdullahi Farmajo on October 18 represented a unique event of government transparency while it has also damaged the under stress Somali embryonic democratic system of governance. T Source: Hiiraan Online
  18. Shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo mudda 5 maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo. Shirka ayaa intii u socday looga hadlay qodobo ku saabsan amniga,Federaalis-ka,doorashooyinka,Khilaafka u dhexeeya madaxda Federaalka & dowlad goboleedyada iyo arrima kale,waxaana la filayaa in war-saxaafadeedka ka soo baxaya uu qodobada kor ku xusan diiradda saaro. Madaxda dowlad goboleedyada,Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa furitaankii shirkan si adag u dhaliilay hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo siyaasadda dalka,iyagoo ku eedeeyay in ay duminayso nidaamka Federaalism-ka ee dalku qaatay. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyay xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagu ka maqan shirka Garoowe uga socda madaxda kale ee dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Shirka GIDG oo maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo appeared first on Puntland Post.
  19. A Somali restaurant that was a mainstay of East Boston’s Orient Heights neighborhood before shuttering in 2011 will be open once again, this time at 389 Maverick St. in East Boston’s Jeffries Point neighborhood. Source: Hiiraan Online
  20. More than 200 police reservists have been deployed on border areas in Wajir County to bolster security during the ongoing national exams. Source: Hiiraan Online
  21. Seven Ethiopian migrants drowned after a boat carrying 13 people capsized off the coast of Tanzania while en route to South Africa, Tanzanian police said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  22. The government has vowed to crack the whip on bandits and militias who have been blamed in part for never-ending conflicts among communities in the North Eastern region. Source: Hiiraan Online
  23. A 29-year-old woman from Somalia, who was granted asylum in Cyprus, was reunited this week with her six-year-old daughter after a three-year separation, it was announced on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  24. Leaders from Mandera yesterday joined hundreds of Rhamu residents in Mandera North to celebrate five years of peaceful coexistence between the Garre and the Degodia. Source: Hiiraan Online
  25. With hundreds of multi-hued cranes and stacked shipping containers, the construction site rises from the swamps east of Lagos like a Technicolor hallucination. It is Nigeria’s latest hope for transforming its stagnant economy: a $10.5 billion oil refinery that will be Africa’s biggest, Source: Hiiraan Online