Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caadi ku soo laabtay howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dib u bilowdeen duulimaadyadii diyaaradaha oo muddo labo saac hakad ku jireen, kaddib markii qeyb ka mid ah garoonka uu dab ka kacay. Qaar ka mid ah Saraakiisha Garoonka ayaa sheegaya in howlihii garoonka uu dib u bilowday, kaddib markii lagu guuleystay in la damiyo dabkii ka kacay maqaayada ku taalay qeybta duulimaadyada ee Terminalka weyn ee garoonka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto oo ka dhalatay makiinadihii kushiinka oo aan xalay la damin, sidaasna uu dabka ku kacay. Qeybta maqaayadda ayaa gebi ahaanba basbeeshay, waxaa dhamaan gubtay agabkii kushiinka yaallay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka diyaaradaha oo ku aadan dabka kacay iyo saacadaha ay hakad geliyeen duulimaadyada. Inta badan diyaaradihii saaka imaan lahaa subax hore ayaa saacado dib u dhacay, waxaa goor dhow soo degay dhowr diyaaradood oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-121118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in uu saaka hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,kadib markii uu dab qabsaday qayb kamid ah garoonka. Maqaaxi ku taalla qaybta ay ka baxaan duullimaadyada caalamiga ah ayaa la sheegayaa in uu ka kacay dabkan oo ka dashay cillad dhinaca korontada ah. Gaadiidka dab-demiska garoonka Aadan Cadde ayaa haatan bakhtiiyay dabkii halkaasi ka dhashay,lamana sheegin wax khasaare nafeed ah oo uu sababay. Hase yeeshee tiro kamid ah duullimaadyada caalamiga ah ee garoonka Aadan Cadde ayaa mudda saacado ah dib u dhacay,sida laga soo xigtay qaar kamid ah shaqaalaha haga diyaaradaha garoonka. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dab qabsaday appeared first on Puntland Post.
  4. Kornayn Muuse siduu u yimi Kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree. Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye. Haddii aan si kooban u saafo :- Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira. Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye. Kulmiyena sidoo kale. Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale, Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale. Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah. Kulmiyena siddoo kale. Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa dalka maasheeysay. Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida. Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray. Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan. Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey. Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale. Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen. Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay. Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan. Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa. Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray. Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!. Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Runta sheeg, Dacar Haday ka qadhaadhay. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matalaaya habsami u socdka shabakadani, waana fikrad ku kooban qoraha maqaalka Qaran News
  5. Ibrahim Mead Ottawa, Canada Date: November 11, 2018 in view of the situation Somaliland is in intervention is warranted Introduction: Intervention and Consultation and Conflict Resolutions are not dirty words. In consideration of the situation Somaliland is in intervention is the only option there is. I would like to say a small prayer first: Oh Lord, save us from our self Oh Lord, save a runaway leadership with no rudder Oh lord, we are lost in a long distance, lead us and set our feet on the right path. Oh Lord, they divided us as to manipulate us for their sinister end, save us from them Oh Lord, unite us again and bestow your mercy on us for we are sinners and you are most merciful. Oh Lord, we have wronged ourselves and if thou not forgive us, for certainty we are lost. “Whom Allah leaves straying, never will anybody else find for him the way” (Al nisaa) If we choose evil deliberately and double it down by corruption, fraud and deception we do not deceive Allah, we deceived our selves. We deprive our selves of the grace of Allah and are left straying away from the right path. In that condition who can guide us and show us the (right) way? Our true instincts become blunted. Our fraud makes (our leadership) us unstable in character. “For his mercy Allah especially chooses whom he pleaseth” (Al Omraan) Our government has an anemic standing in choosing the wrong people who do not possess the knowledge and the experiences to run a government and help the president. They keep in arms length the best and the brightest of the nation for reason the normal minds cannot understand! I am saddened, ashamed and embarrassed and many people are of what is happening and what is not happening in Somaliland where thousands and thousands died for founding! If not intervened and sooner rather than later, Somaliland as we know may will not be there! Intervention in this context means National dialogue and Consultation-“Talo Qaran” in which the government and none governmental civic groups intellectual, moral people and personalities meet and start a dialogue. We must correct what went wrong together. That is not a bad idea as I see it,-in my opinion. Intervention “Intervention is a conscious process by which change is introduced into peoples’ thoughts and behaviors. The overall objective of an intervention is to confront a person or entity in our case in danger to themselves and to others in a persuasive manner and allow him to see his self-destructive behavior, which affects him, the country and the people.” In this context it is to confront the leadership in K-2 and in all institutions in danger to our CAUSE, to our people and to our country. Many people believe that K-1 was in a similar situation as far as governing is concerned. We believe that they needed help for the sake of their legacy and for the sake of the nation even though K-1was in an absolute denial! Many people believe that K-1was in a total delusional state of mind. How many times K-1 did that and yet they insisted and continue insisting that they didn’t do it even if they did it!? There was precedence in intervening Mr.Siilanyo’s leadership during SNM An intervention act in Mr. Siilnyo’s administration happened in 1988when he was SNM chairman! We solved the problem he created in that said period by way of intervention. We were a committee of nine SNM Veterans, they were called “intervention committee of nine” the author was the vice chairman and the secretary of the designated interventionists who came to Ethiopia to save SNM from Siilanyo and save Siilanyo from Siilanyo! We saved the beleaguered (Chairman Siilanyo) leader and the troubled (SNM) Organization by means of intervention It was a win, win situation even though it was a short term remedy! We did not solve the real problem for we did not have the time to do that at the time. Siilanyo’s ineptness and disregard of the consequences of the problem in that (1987-1988) period led president Halo Maryam of Ethiopia to lose trust with SNM under Siilanyo and made a deal with Siyad Barre! As we all knew the two dictators reached an agreement of compromise. It was an exchange of disowning SNM by Ethiopian administration at the same time repudiating “Ogaden, Houd and Reserved Area- the Somali region of Ethiopia by Siyad Barre” in exchange with the expulsion of SNM from their bases in Ethiopia. That infamous agreement has been reached in Djibouti in 1988. That act happened because of Mr. Siilanyo’s disregard of the future of the Organization he was leading! Intentionally or otherwise Mr. Siilanyo and others created this new found relationship between two enemies Hailo Miriam and Siyad Barre. This new found friendship caused SNM Organization to engage with the well armed but demoralized Siyad Barre’s military prematurely head-on and entered the country earlier than planned to escape the effect of the agreement which would destroyed them. They gambled and chose for the “do-or-die “option. This situation was created as the result of the conflict between then chairman Siilanyo and the Central Committee of SNM which caused to bring together the two warring enemies, Hailo Miriam and Siyad Barre. As a result of this deal, between the two, over 80% of the original Mujahedeen lost their lives in this “no-other-options” adventure. With the grace of God they defeated the enemy in the end. The SNM Mujahedeen had liberated Somaliland without their chairman! The chairman, Mr. Siilanyo deserted them, jumped ship and fled to London-England when the day of reckoning came!! The would be interventionists here now, the wise moral men and women of Somaliland must clearly and unambiguously but respectfully, inform the affected government of Somaliland of today of the truthful information regarding the situation of the nation and how it already had affected the unity and harmony between the communities and between the ruler and the ruled. The immediate objective of an intervention is for the self-destructive entity to listen and to accept help before it is too late for them and for the country. The Market place of ideas must be welcomed thus intervention by way of national dialogue and Consultation (tallow Qaran) is warranted. That is why we need an urgent “taloo qaran”and it must happen I hope Mr.Musa will not see this intervention proposal as a challenge to his ego but appreciate the need of this proposed Consultation, he can participate this virtuous undertaking or even lead it. Somaliland government seems that they are in a bizarre dilution focused on wacky vision centered on matters that are destructive and incongruent to the principles and tenants of what Somaliland stands for, and what the Mujahedeen martyred for! The other day I happened to watch a young guy trying to defend the government against a critique from the opposition party-Wadani secretary by insulting him and the party using the street language without challenged him in facts! The young brother seemed he did not understand the rights, rolls and responsibilities of the oppositions parties what happened there was nothing but ignorance with a microphone and that is one of the many other reasons why intervention is warranted. Oh Allah save us from our selves! However peace and prayers Ibrahim _ Mead Meadgd@gmail.com Ottawa, Canada __________________________________________________________________ 1Note: The author was Vice Chairman of the SNM Congress in Harrar-Ethiopia in 1987 He was Vice chairman and Secretary of the Intervention committee of nine, in Aware-Ethiopia in 1988 conflict between Silanyo and the Central Committee of SNM. The said intervention committee of nine consisted notably of: Mohamed Ali Farah: chair person. Ibrahim Mead: Vice chairperson and Secretary. Mujahidin Ibrahim Maigage, Abdirahman Tuur, Osman Indooli, Ali Tuur, Ismail Boba who was also the chairperson of 1987 SNM congress in Harar, Ethiopia Hassan Duse and Mohamed Baregeel Qaran News
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macalin Dawaar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa soo bandhigay hindise ay Great Britain ku dooneysay in ay dal mideysan uga abuurto Geeska Afrika, kaasi oo qeyb ka yihiin dhammaan dalalka hadda ku yaalla gobolka. Qoraal uu soo dhigay twitter ayuu Faarax Macalin ku sheegay in Britain ay dooneysay inay Soomaalida uga dhigto KABIIRKA mandiqadda Geeska Africa, hase ahaatee, ay Soomaalida xiligaas is hortaageen! Sida uu Faarax Macallin ku soo qoray Twitter-kiisa, Britain waxa ay soo bandhigtay hindise ay ku mideyneyso isirka la’isku yiraahdo Cushetics-ka ee ay ka midka yihiin; Soomaalida, Canfarta, Oromada, Burjida, Boranta, Rendiile iyo qaar kale. Qorshahan waxa ay Britain hindistay dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, hase ahaatee waxaa ku gacan seyray Soomaalida oo iyagu noqon lahaa hoggaamiyeyaasha, halka dalka lagu magacaabi lahaa ‘Soomaaliya”. Waxaase ka sii yaab badan, in qowmiyadaha kale sida Oromada, Canfarta iyo Burjida ay ogolaadeen hindisahaas! “Dagaalkii labaad ee aduunka kaddib, Great Britain waxa ay hindistay aragti ah in ay abuuraan jabhuuriyad weyn oo Soomaaliya ah iyaga oo ka dhex sameenayey dhulalka Cushetic-ga ah ee Geeska Africa balse waxaa yaab ah in Oromada, Canfarta iyo IWM ay soo dhaweeyee, laakiin Talyaanigii ayaa hoggaamiyeyaashii hore ee Soomaalida ka dhaadhiciyey in ay doortaan inta Afsoomaliga ku hadasha oo kaliya.” Qoraalka Faarax Macallin ayaa ku soo aadaya xilli Geeska Africa siyaasaddiisu isu soo dhawaatay oo ay wadamada Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya u muuqdaan kuwo baal cusub oo nabadeed, iskaashi furay. Waxa uu sidoo kale hadalkiisa imanaya ayada oo sabtidii Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu ka sheegay magaalada Baahir Dar ee dalka Ethiopia in dalalka Bariga Africa ay yeelan doonaan hal madaxweyne halkii ay ka lahaan lahaayeen seddex madaxweyne. Hadalka Abiy ma la oran karaa waa qorshihii Soomaalida hore diideen oo dib loo soo cusbooneysiiyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  7. “Faro-gelinta Xeerka Saxaafaddu, Waa Arrin ku Kooban 10 Shaqsi oo Madaxweynuhu Adeer u yahay”. Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi Curad “..Hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ayaa Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay”. Suxufi Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” Gudoomiye ku-xigeenkii hore Ururka Solja Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” ayaa ka digay faro-gelin kasta oo ka dhan ah Xeerk Saxaafadda Somaliland, isla markaana ku tilmaamay olollaha lagu doonayo waxka bedelka iyo kaabista in lagu sameeyo hadda mid ay dabada ka riixayaan 10 shaqsi oo madaxweynaha isku hayb yihiin, kuwaasoo ujeedadoodu tahay inay ceebaha Xukuumada ku asturaan la dagaalanka Xoriyatul-qawlka iyo cabudhinta Saxaafadda. Gudoomiye Maxamed Cabdi Guuleed “Curad” oo hada ku sugan dalka Ingiriiska, waxa kaloo uu fariin adag u diray Barlamaanka Somaliland, Asxaabta Qaranka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo guud ahaan Saxaafadda Somaliland. Gudoomiye Curad oo Xalay Shabakadda Xogreebnews.com, soo gaadhsiiyey qoraal, waxa bayaankiisa dooda Xeerka Saxaafaddu u dhignaa Sidan. “Mudooyinkan dambe waxa Warbaahinta Somaliland kusoo noq-noqonaayey, hadal-hayn ku saabsan Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasoo sheegayey ama tilmaamayey in waxka bedel iyo kaabis lagu sameynaayo Xeerka, loona gudbinaayo golaha Wasiiradda, si kolkaa kaddib madaxweynuhuu ugu gudbiyo golaha wakiiladda. Waxa kaloo intaa raaca dodo ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo ay ku tiraabayeen dadkii ama shaqsiyaadkii gadh-wadeenka ka ah, mashruuca Xeerka Saxaafadda soo galay, kuwasoo sheegayey ama daliishanayey in Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer nomb 27/2004, uu qabyo yahay, isla markaana aanu ka turjumayn baahida Waraahineed ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Xeerka waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo. Haddaba, anigoo ka duulaya qodobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala-qaaday Xoritul-qawlka iyo qoraalka, sidoo kale anigoo maanka ku haya jiritaanka horumarinta iyo kobcinta Saxaafadda Xorta ah oo lagama maarmaan u ah tarjumaada dhabta ah ee xoriyatul-qawlka iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, waxan u arkaa oloolaha ku socda Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Maanta midku kooban 10 shaqsi oo isku reer ah, kuwasoo shalay iyo doraadba qaybka ahaa, oloolihii Xukuumadihii Siilaanyo iyo Daahir Riyaale lagaga hor-joogsaday faro-gelinta Xeerka Saxaafadda. Waxa’se wax lala-yaabo oo laga xishoodo ah in hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ay Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday ay usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay, kolkay arkeen duruufaha iyo xaaladaha cakiran ee warbaahintu subax walba soo tabinayso, waxay odayaasha la noqotay si ay ceebta Madaxweynaha adeerka u ah u asturaan inay warbaahinta ka xakameeyan. Teeda kale, waxa iyanna mucjiso noqotay goortay isku milmeen Ururkii Saxaafadda Madaxa-banaan ee SOLJA, Wasaaradda Warfaafinta iyo Sonsof, oo iyaggu hada ku hawlan mashruuca Saxaafadda lagu cabudhinayo. Waxa kaloo dooda kooxdan ku jiray inuu xeerka saxaafaddu uu qabyo yahay, balse horaa loo yidhi Hal-diidani Geeday ku xoqoto ma waydo, Xeerka Saxaafadda Xeer nomb 27/2004, ilaa Xukuumadii Madaxweyne Riyaale wixii ka dambeeyey maha Xeer shaqeeyey oo la tijaabiyey, xeerkana waxa la ogaan kara inay waxka dhiman yihiin ama uu kaabis u baahan yahay marka uu shaqeeyo ee la tijaabiyo, sidaas darteed maha Xeerka Saxaafaddu mid faafin galay oo lagaga shaqeeyey garsoorka, intii mudadaas ahayd ee Xeerkani jiray dhamaan Kisaaskii Saxaafadda ee dhacay, waxay Maxkamaduhuu u raaceen Xeerka Ciqaabta guud, halka Xeerka Saxaafaddu dhigayo in Kiisaska Saxaafadda lagu galo ay yihiin kuwo madanigi ah. Sidaas daraadeed Ragga ku doodaya Saxaafaddu cidbay ku gefta, kolka dambena way qayliyaan, waxay ilowsan yihiin ileyn waa rag Jibbo reernimo qaadee’ inaanay jirin dunida Baarlaman Xeer Ciqaabeed sameeya, hase-yeeshee Hay’addaha sharci dejintu waxay sameeyan habka ama nidaamka dambiga lagu galo ama keena kolka la raaco. Iyadoo aynu ognahay faro-gelinta qaawan ee joogtada ah ee Hayaddihii bulshada rayidka qaarkood, waxa cidkastoo arrimahani khuseeyan la gudboon inay u hiiliyaan Xoritul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda Somaliland, arrinkaasoo aanu ku koobnayn Warkiisu Saxaafadda oo keliya, hase-yeeshee taabanaya Xildhibaanada Barlamaanka, Siyaasiyiinta, asxaabta iyo aqoonyahanka ee jecel inay fikradahooda ka dhiibtaan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, arrintaas oo aan socon doonin beri, hadii kooxdan ujeedadooda guracani u meel-marto. Geesta kale, Golaha Wakiilada iyo shir-gudoonkooda sharafta badan, oo iyaggu 10-kii sanadood ee u dambeeyey si adag uga hawlgalay inaan la furin Xeerka Saxaafadda Somaliland, waxa Maanta oo aakhirul-cimrigii la joogo ka codsanaynaa inay ka hor-tagaan weerarkaa qaawan ee ku jihaysan Xoriyatul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda. Waxa kaloo, fariin Cod dheer ugu dirayaa Suxufiyiinta Somaliland ee jecel Xoriyatul-qawlka Saxaafadda inay Cod-dheer ku muujiyaan inay kasoo hor-jeedan faro-gelinta qaawan ee lagu hayo Xeerka Saxaafadda Somaliland. Guul iyo gobanimo..”. Maxamed Cabdi Guuleed “Curad”. Qaran News
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waresyi siinaya VOA-da aanteeda Af Soomaaliga ayaa isaga oo eedeynaya dowladda federaalka waxa uu ka hadlay xadka uu ka taliyo. Wareysigan, ayaa ahaa mid uu Gaas si weyn ugu dhaliilay dowladda dhexe oo in muddo ah khilaaf kala dhexeeyey maamulkiisa iyo kuwo kale oo uu isaga horjooge u noqday. Cabdiweli Gaas oo ka hadlaya awoodda uu leeyahay ama xadka uu maamulkiisa ku egyahay ayaa yiri “Waxaan maamulaa oo mas’uul ka ahay Gaalkacyo ilaa iyo Caluula”. Caluula waa gobolka bari. Hadalka Gaas ayaa u muuqday inuu ku qiray xaqiiqda ah in gobolada Sool, Sanaag iyo magaalada Buuhoodle oo uu mamaulkiisa sheegto hadda aanay ka mid ahayn. Sidoo kale waxa uu qishay in xuduudda maamulka Puntland ku kooban yahay laba gobol iyo bar, maadaama uu sheegay kaliya magaalada Gaalkacyo oo gobolka Mudug ka mid ah. Hase yeeshee, isla Gaas waxa uu laba sano kahor ku aflagaadeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xassan Shiekh Maxamuud oo wareysi lala yeeshay ku sheegay in maamulka Puntland yahay laba gobol iyo bar. Gaas oo u jawaabayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa yiri “Hadalkiisa waa sida sagaaradii badda ku kalleetiday!” Hoos ka dhageyso hadalka Gaas oo ka hadlaya xuduudda Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Gaas-DF.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada ee dowladda federaalka ay u gudbiteen safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar, kadib kulankii ka dhacay Baydhabo. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) Dr. Cabdinaasir Xasan Faarax wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo xilliyo adag dalkaan wax ku soo bartay, wuxuu bartay cilmiga caafimaadka si uu ugu adeego shacabkiisa. Wuxuu ka baxay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho dhowaan, wuxuuna billaabay shaqadiisii ugu horaysay oo uu doonayay inuu ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisa. Dr. Cabdinaasir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku kalsoon Aqoontiisa, sidoo kalana doonayay inuu u adeego shacabkiisa. Dr. Cabdinaasir Xasan wuxuu ka shaqaynayay Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho si ay dadkiisa caafimaad wanaagsan u helaan, oo ay ugu nacfiyaan cilmiga uu soo bartay, laakiin taasi waxaa soo gaba gabeeyay Argagixisada Al-Shabaab oo dad badan oo uu ka mid ahaa Dr. Cabdinaasir ku holciyay wadada Number Afar ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa bildhalatay oo qoyska reer Xasan Faarax u soo baxday, wuxuu si gaar ah gacanta ugu haayay Hooyadiis oo mudo dheer xanuunsan, taasoo haatan xaaladeeda caafimaad ay ka sii dartay markii ay maqashay geerida wiilkeeda Dr. Cabdinaasir. Marka laga soo tago Dr. Cabdinaasir waxaa kale oo jira dad badan oo isugu jira dhlinyaro iyo aqoonyahano oo Argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen qaraxyadii ay ka gaysteen wadada horumarta hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Kali Macaash (Relative gain) iyo Aan Wada Macaashno (Absolute gain) waa laba doodood oo liddi isku ah oo ay kala adeegsadaan labada figradood ee ugu faca weyn xiriirka caalamiga ah (Realism iyo Liberalism). Maqaalkan waxa uu nuxur ahaan ku fadhin doonaa labadaas aragtiyood iyada oo ujeedku yahay in lagu dabakho fahanka guud ee ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan, natiijada ay ka filayaan iyo wal walka ka haya dhaq dhaqaaqayada xawliga ku socda ee Geeska Africa siyaasaddiisa ku soo korartay. Hirarka iyo mawjadaha xawaareynaya ee Geeska Africa ka socda waxa ay la dhasheen sanadkan 2018 maadama bishii afraad is bedelkii ka dhacay Itoobiya uu laf dhabar u yahay. Itoobiya waxa ay dooratay Raisul Wasaare da’yar, tamar badan oo siyaasaddiisu aragti ahaan u jan jeerto dhex dhexaadnimo (Liberal). Tallaabooyinkii uu qaaday, cawaaqibyadii ka dhashay waa caam oo qormadan kama doodi doonto balse waxa ay xoogga saari doontaa dhaq dhaqaaqa ka socda gobolka iyo is diidooyinka siyaasadeed (Geo-politics-ka) gaar ahaan Soomaaliya waxa ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga dheefi karto (Immediate benefits). Si aan u fahanno faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka soo hali karto is dhexgalka sii xoogeysanaya ee gobolka, marka horre aan eegno macnayaasha ereyadan hoos ku xusan. KALI MACAASH/RELATIVE GAIN Waa aragti ku qotonta kali daneysi/macaash waxaa sidaas qaba aragtida REALISM-ka ee xiriirka caalamiga ah. Tusaale, haddii dowladda ku shaqeysa aragtidaas ay heshiis dhaqaale la gasho dowlad kale, haddii ay iyadu hesho 90% faa’iidada oo 10% soo haray ay hesho midda kale, kuma qanceyso oo wey ka baxaysaa! AAN WADA MACAASHNO/ABSOLUTE GAIN Waa aragti liddi ku ah tii hore oo wax isu quurid ku dhisan oo ay qabaan Liberalism-ka.Tusaale, haddii dal uu heshiis dhaqaale la galo wadan kale oo uu isagu helo 5% macaash-ka, 95% soo haratay midda kale hesho, wuu ka qanacayaa heshiiskaas. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay tuhun badan ka muujiyeen heshiisyada iyo isu soo dhawaanshaha gobolka ka socda ee soo xoogeysana, dabcan ma aha arrin weecsan taas waxa ay muujineysaa in ummaddu tahay kuwo feejigan oo aan ka kaftameyn masiirkooda. Hase ahaatee, marka lagu fiiriyo waxa gobolka ka socda il ah “AAN WADA MACAASHNO (ABSOLUTE GAIN)”, waxaa kuu soo baxaysa in saddexda wadan Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya mid walba hadda ama mustaqbalka ka dhaw ka macaashi doonto. Saddexdan qodob oo hoose ayey Soomaaliya ka faa’ideysaa dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka. 1.Ka dhex muuqaashada waxa meesha ka socda 2.Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda 3.Amniga Ka dhex muuqashada waxa socda Soomaaliya waxaa guul u ah in ay door iyo go’aan ku leedahay waxa ka socda gobolkeeda iyada oo la wada ogyahay in dalalka qaar go’doon siyaasadeed ku galay dhaq dhaqaaqan. Madaxweyne Madaxmed Cabdullaahu Farmaajo in uu door weyn ka ciyaaro qaabeynta iyo aayo ka tallinta masiirka gobolka waxa ay sare u qaadeysaa meeqaamka iyo saameynta dalka, ogow Djibouti qeyb kama ah waxa socda halka Uhuru Kenyatta daawade ka yahay dhacdooyinkan. Ilaalinta madax bannaanida siyaasadeed, dhuleed iyo sharafka qarannideeda Soomaaliya sanado badan waxaa cudur aan daawo lahayn ku ahaa faraglin shisheeyo oo dhinac walba ah; siyaasad ahaan, dhaqaale, dhaqan iyo wali diinba. Itoobiya iyo Eritrea waxa ay ahaayeen kuwa ugu saameynta badan oo ay faragalintooda Soomaaliya ka soo kici weysay heer ay gaaraan in ay dagaalkoodii xuduudaha u soo raraan Soomaaliya. Sida ku cad heshiisyada la galay oo ay qaarkood durba dhaqan galeen, waxaa ku xusan in saddexda dal mid walba la ilaalinayo madax bannaanidiisa siyaasadeed, dhuleed iyo sharafkiisa qarrannimo. Saddexda dal maanta isku baahi ma aha oo mid walba dano gaar ah iyo faa’iidooyin deg deg ah oo kala duwan ayey rabaan. Tusaale, Itoobiya waxaa riixaya dano dhaqaale oo Abiy Axmed culeyska iyo kulka ka jira gudaha dalkiisa waxa uu u rabaa dhaqaale uu ku dabiyo, Eritrea waxa ay dooneysaa in ay go’doonka ka baxdo oo laga qaado cunaqabateenada saaran. Hadaba, Soomaaliya waa maxay baahideeda ugu soo horreysa? Maanta, Soomaaliya sida Itoobiya baahideeda kowaad dhaqaale ma aha, sida Eritrea go’doon ka bax kuma jirto balse waxaa ugu weyn xoojinta dowladnimadeeda iyo amniga. Ilaa iyo hadda Soomaaliya is bedelka gobolka wey ka faa’iiday oo waxaa meesha ka baxay hoggaamiyeyaashii dowlad gobolleedyada ee u kala dhuuman jiray dalalka jaarka ah, taas waxa ay sahli doontaa in Soomaaliya hesho dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka Talisa si ay u mideyso qorsheyaasheeda dhaqaale, siyaasad iyo amni. Amniga Shaki kuma jiro in dowladaha gobolka door weyn ku lahaayeen amni xumada dalka; haddii ay ahaan lahayd hubeynta jabhadaha, kooxaha dowladda ku kacsan, kuwa iyaga is dilaya ee is diidan iyo arrimo badan oo kale. Soomaaliya dabcan, haddii la wada dhaqan galiyo qodobada lagu heshiiyo, waxa ay heli doontaa fursaddii ugu dahabi saneyd ee soo marta tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe si ay dib cageheeda isugu taagto. Dabcan, waxaa jira dodo badan oo ka dhalanaya heshiisyada la galayo saameynta dhaw iyo fog ee ay yeelan karaan, jiritaanka ajande siyaasad arrimo dibadeed oo qeexan dowladda hadda jirta ma leedahay, sidee ku dhici kartaa dal aan xuduudihiisa gacanta ku wada hayn in uu heshiiyo dhaqaale xor ah galo? dhammaan doodahaas iyo cabsidaas waa kuwa jira balse waxaa Iyana is weydiin mudan madaxdu intaas oo dhan ma garan waayi doonaan oo si fudud miyaa la qaldi doonaa? Gunaanad, iyada oo ay waajib tahay in go’aanada qaar si wadajir ah loo waajaho, hadana waxaa lagama maarmaan ah in bulshu ka soo kabaneysa burbur 30 sano ah in ay siyaasadeeda ku saleyso aan wada macaashno halkii ay ku jaan goyn lahayd kali macaash oo ay badan tahay waxa ay iyadu ku weyneyso. W/Q: Mohamed Musa Aden Email: Muhamedkaafi@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray xildhibaan Warsame Joodax. Joodax, ayaa ku eedeeyay Eng Yariisow inuu ku fashilmay wax badan oo ku saabsan gobolka Banaadir, gaar ahaan xaqiijinta amaanka, waxaase saacado kadib jawaab adag ka bixiyay Eng Yariisow. Eng Yariisow ayaa ku eedeeyay Warsame Joodax in hadalka eedeynta ah uu ka keenay dhul danguud ah oo uu xoog ku heystay oo laga qaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir. Eng Yariisow ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baraha bulshada kusoo daabacayay eedeymaha iyo jawaabaha uu siinayo madaxda dowladda iyo shaqsiyaadka kale, walow uu saacado kadib raali gelin ka bixiyo, taasi oo la micno ah inuusan ka fiirsan eedeymaha uu kusoo daabacayo baraheeda Bulshada. Xildhibaan Joodax, ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagu xaqiijin karo in laamaha amaanka iyo madaxda gobolka Banaadir si hoose uga wada shaqeeyaan amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Kadib markii maanta uu madaxweyne Farmaajo kulan deg deg ahaa isugu yeeray talisyada ciidamada dowlada Soomaaliya oo looga arinsanayay amaanka Muqdisho islamarkaasina uu madaxweynuhu wax ka weeydiinayay sababaha ay qaraxyada u soo laa laabanay ayaa Taliska Boolisku caawa waxa uu sameeyay isbadal taliyaal. Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa caawa kulan deg deg ah kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska xarunta Taliska Booliska. Kulankaasi ayaa isbadal lagula sameeyay Taliyaal waaxeedyadii gobolka Banaadir ee ciidamada Booliska iyada oo la magacaabay taliyaal cusub. Taliyaha qaybta Galbeed waxaa loo magacaabay Taliye Xundubey halka Taliyaha Wiloow cadde loo magacaabay Taliye Sonkor, Sidoo kale taliyaha qeeybta Bari ayaa loo magacaabay taliye Carabeey iyo ugu dambeeynta taliyaha Bartamaha oo loo magacaabay taliye Khaliif Ilka Casse. Faah Faahin dhameeytiran dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Isbadal lagu sameeyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanha-Shabelle-11112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo dib maanta ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug kadib socdaalo uu ku joogay magaalada Gaal-kacyo ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada dhexe ee Soomaaliya. Xaaf ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyeey in ay hurineeyso colaado ka dhaca Gal-Mudug islamarkaasina maamulkiisa uu arintaasi la socdo. Waxaa uu ku eedeeyay dagaalo beeleedyo ka qarxay maanta duleedka Balan Bale in dowlada ay hurineeyso sidoo kalena xiisado ka jira Cadaado iyo Hobyo ay dowlada soo abaabushay sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xaaf. Waxaa sii xoogeeeysanaya khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo dowlada Soomaaliya iyadoo kale hore madaxweyne Xaaf uu diiday shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu xalinayo xiisadaha Gal-Mudug. Hoos Codka ka dhageeyso https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Xaaf-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xaaf ” Dowlada Soomaaliya ayaa dagaalo ka hurineeyso Gal-Mudug” appeared first on Puntland Post.
  16. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso dagaalo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-Gaduud ee brtamaha dhulka Soomaaliya. Dagaaladaan ayaa waxaa ay ka dhaceen duleedka degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud ee maamulka Gal-mudug. Dagaaladaasi ayaa geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana uu dhexmaray maleeshiyo beeleedyada halkaasi wada daga. Gudoomiyaha degmada Balanbale Xuseen Liibaan Warsame oo la hadlay Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladaasi iyo qasaaraha ay geeysteen isaga oo sheegay in ilaa iyo hadda 4 ruux dhimashooda la soo wariyay isaga oos heegay in laga yaabo in dhimashadu ay intaasi ka badato. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha uu Wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareeysi-Gudoomiyaha-Balan-Bale-Xuseen-Liibaan-Warsame-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaalo beeleedyo qasaare geeystay oo ka dhacay gobolka Gal-gaduud appeared first on Puntland Post.
  17. Saraakiisha ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha aanay ka soo degi karin Mas,uuliyiinta ugu sareysa Jubbaland Xili maalmahii ugu dambeeyey ay soo kordhayeen Banaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo Mas,uuliyiinta Jubaland ayaa maanta banaanbax lagu hor istaagayo Booqasho uu madaxweynaha Jubbaland ku tagi lahaa Garbahaereey ayaa si weyn waxaa looga muujiyey diidmadaimaanshaha Axmed madoobe. Hadaba is hortaag midaasi la mid ah ayaa galabta waxaa ku dhaqaaqey Saraakiisha Ciidamada XDS ee degmada Bardheere ,Shir jaraa,id oo galabta ay ku qabteen Xarunta Taliska Ciidanka ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali karin wafdi ka socda Dowlad goboleedka Jubaland in ayan ku imaan karin Baardheere. Faarax C/Nuur Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ,Guutada 10 aad ee Qeybta 43 aaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in Baardheere ay soo gaaraan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa,ujeedada ay u socdaana ay tahay sidii DF ay dadka ugu horkeeni lahaayeen. “Ujeedada ay u socdaan xilligan waa qalqal gelinta Amniga,da iyo bur burinta Ciidamada dhibowga ah ee ku xareysan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,mana aqbali karno 4 sanno waxii laga waayey in ay maanta yiraahdaan waanu idiin imaaneynaa ayuu yiri G/lle Faarax . Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Taliska-Gedo-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Taliye Turbac” Axmed Madoobe Kama soo dagi karo garoomada gobolka Gedo” appeared first on Puntland Post.
  18. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xukunkii ugu horeeyay ee noociisa ah ka fuliyay deegaanka Shaaw ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay toogteen wiil 15 sano jir ah oo ku noolaa deegaanka. Cabdul Khaaliq Xasaney Xuseyn, oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay inuu dacwad ka gudbiyay Cabdul-qaadir Doolaal Calay oo 15 sano jir ahaa, kaasi oo lagu eedeeyay inuu xoogay wiil yar oo lix sano jir ah, sida Al Shabaab ay sheegeen. Al-Shabaab waxay sheegeen in dacwad lagu qaaday maxkamada degmada Jalalaqsi islamarkaana C/qaadir Doolaal uu qirtay dambiga lagu eedeeyay sida ay sheegeen, walow aanan la heyn cadeymaha qirashada ruuxa la eedeeyay. Waxaay kaloo sheegeen Al Shabaab in maxkamada horteeda uu ka qirtay inuu caafimaad qabo C/qaadir Doolaar, uuna og yahay dambiga uu geystay iyo ciqaabta ka dhalaneysa. Dadka deegaanka ayaa loogu yeeray inay ka qeyb galaan daawashada toogashada C/qaadir oo lagu eedeeyay dambi ah inuu wiil lixsano jir ah u galmooday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Tan iyo markii la doortey Febuary 2017, Madaxweynaha dowladda federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sameeyay shacabka ballanqaadyo dhanica ammaanka ah, oo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay xaalado dagaal iyo guluf Xarakada Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo, kuwaasoo hadda u muuqda inay noqdeen hal-bacaad lagu lisay. Mareegta Goobjoog News ayaa dib idiin xasuusinaysa qeyb kamid ah khudbad uu madaxweynaha qaranka jeediyay sanadkii hore isagoo xafiiska joogay laba bil iyo maalmo qudha. Madaxweyne Farmaajo khudbaddani wuxuu ku sameeyay ballanqaad weyn oo ahaa in Alshabaab dalka uu maamulkiisa kaga saarayo laba sano oo kaliya. Labadii sano ee Madaxweyne Farmaajo qabtay waxaa ka haray oo kaliya wax ka yar lix bil, iyadoo ay kordheen weerarrada Alshabaab oo xataa ay dhacdo mararka qaar in aqalka madaxtooyada iyo aaggiisa ay ku ekeeyaan. Muqdisho oo ah xarunta dowladda Federaalka ay ku shaqeyso haatan ayaa ah meesha uguu amniga xun xilliga Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wali awoodda inay weeraro culus ka fuliso meel kasta oo kamid ah magaalada, oo aqalka Madaxtooyada kamid tahay. Hadalkani wuxuu ka jeediyay xarunta wasaaaradda gaashaandhigga Muqdisho 12-04-2017-ka xuskii maalinta ciidanka xoogga dalka. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-FARMAAJO-APRIL-12-2017.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo horay u soo noqday xildhibaan baarlamaankii sagaalaad ayaa nala fallanqeeyay kulankii degdegga ahaa ee maadxweynaha Soomaaliya maantadan uu ugu yeeray taliyeyaasha ciidamada kale duwan ee dalka. Qaraxyo seddex ahaa oo galabkii khamiista ka dhacay magaaladani Muqdisho kuwaasoo gallaaftay nolosha dad fara badan ayaa sababta loo qabtay kulanka lagu sheegay. Xildhibaan hore Cabdi Barre Jabriil ayaa Goobjoog News ay wax ka weydiisay dadaalka hay’adaha amniga ay wadaan, hadallada madaxda dalka ay sheegaan oo ah in amni darrada wax laga qabanayo haddana ay weerarradii dhacayaan waxa qaldan. Wuxuu sheegay in sugidda amniga aynaan dowladda federaalka ah daacadi ka ahayn, islamarkaana wada shaqeyn shacabka iyo dowladda ah aynaan jirin. Siyaasi Cabdi Barre ayaa saraakiisha amniga qaabilsan ee xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen howlihii loo igmaday islamarkaana ay ku jeesteen howlo kale. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyada dhacaya dadka ku dhintay ay masuuliyaddooda cid lagu la xisaabtamo la helo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CABDI-BARRE-JABRIIL-11-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Siyaasi Cali Maxamuud Faarax(Cali Seeko) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in kulankii madaxweyne Maxamed Farmaajo uu taliyeyaasha isugu yeeray ay wax badan laga filan karo. Wuxuu sheegay in dowladnimada wax la iska warsanayay, gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay in wixii qalad ah oo jira xal loo helo siiba falalka amni darro ee magaalada ka dhaca. Waxaa adag buu yiri in la kala garto shacabka iyo kuwa dhibta wada sida uu hadalka u dhigay siyaasiga. Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay in ay tahay qofka la xisaabtanka uu ku dhacayo ay muhiim tahay inuu dedaallo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-CALI-SEEKO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi. Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn. Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri. Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia safaaradda Britain ee Soomaaliya gaar ahaan safiir Devid Concar ay u wakiisheen kulan ay Baydhabo kula qaateen. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARRAX-XASAN-XAAJI-IBRAAHIM-11-11-2018.mp3 Source: goobjoog.com
  23. Dibadbax ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe booqasho la sheegay inuu ku tagayo magaalo madaxda gobolka Gedo, ee Garbahaareey ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi. Guddoomiye xigeenka magaalada Garbahaareey Aadan Siraad oo u warramay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay sababta keentay dibadbaxa maanta ka dhacay magaaladaasi. Wuxuu sheegay in ujeedka dibadbaxa uu ku saleysnaa cabasho bulshada magaaladaasi ay muddooyinkii dambeba ka tirsanayeen Jubbaland. Goobjoog News oo xiriirro kale duwan la sameeysay madaxtooyada Jubbaland ayaa xaqiijisay in aanu jirin safar madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku tegayo magaalada Garbahaareey. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-GARBAHAAREEY.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Fadeexada ka taagan Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargeisa Iyo Kala-Baydh ***************************************** Dhawaan ayuun bay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranku ay iclaamisay in tartan loo galo mashruuca dhismaha waddada isku xidha Hargeisa-Kalabaydh oo dhererkeedu dhan yahay 60km, mashquucaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 4 million oo dollar ah oo ay bixinayso Hay’ada Jarmalka ah ee GIZ waxa tartankaas soo xareystay shirkado 11 kor u dhaafaya oo iskugu jira kuwa maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo ka socda waddamada jaarka qaarkood, waxa ugu danbayntii liiska xulashada dhaw la iskugu soo reebay 4 shirkadood oo ay kamid yihiin shirkad ku diiwaan gashan qalabkii Dawlada hoose ee Magaalada Hargeisa iyo Shirkada Somaliland Hono Group ee loo yaqaan Cumaani-ga Shirkada ku diiwaan gashan magaca Dawlada Hoose ee Hargeisa Maxay damacsantahay? ********************************************** Qalabka ay leedahay dawlada hoose ee magaalada hargeisa waxa laga soo iibiyay dalka Ethiopia waxaana lacagta lagu soo iibiyay ay tahay hantidii shacabka masaakiinta ah ee reer Somaliland gaar ahaan Hargeisa, qalabkan oo ku rakiban goob ku taala duleedka galbeed ee magaalada hargeisa una dhaw deegaanka ABAAARSO ayaa tan iyo intii la keenayba waxa si sharciga baalmarsan ugu tagri fala maayarka Caasimada oo badanaa ku qabta shaqooyin ka baxsan kuwii wadooyinka ee ay ahayd looguna talo galay isagoo ku dhisa kaalmaha iyo goobaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadddada hareera-heeda ku yaala iyadoo dakhliga kaso baxana ay toos ugu dhacdo jeebka maayirka caasimada SOLTECO doorkan ayaa hadaba qalabkii ay lahayd dawlda hoose ee hargeisa ee ay ahayd in lagu dhiso wadooyinka cadilan ee magaalada Hargeisa waxa si qayru sharci ah qandaraaska dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeisa iyo Kala-baydh kaga qayb galiya nin lagu magacaabo AXMED BAASHE oo kasoo jeeda Jufada hoose ee beesha Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi yahay ee Reer Samatar waxaana si qarsoodi ah qalabkii dawlada hoose ee Hargeisa ee laga iibiyay cashuurta dadka danyarta ah ee reer hargeisa ugu tagri falaya Axmed baashe oo ay saxiib dhaw yihiin Maayar SOLTECO kuna diiwan gashaday magaca ah ENGINEERING AND MANAGEMENT CO waxaana sidoo kale ku wehelinaya hawshaa xubin isna ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada oo isna kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland Dawlada hoose ee magaalada Hargeisa ee uu gudoomiyaha u yahay Maayir Cabdiraxman Maxamuud Caydiid ‘’Solteco’’ oo muddo xileedkiisu dhaafay muddadii sharciga ahayd ee ay golaha deegaanka joogi lahaayeen ayaa si wayn ugu guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha aan tirada lahayn ee ka jira magaalada uu maayirka u yahay Burburka iyo dayca ka jira wadooyinka Hargiesa ee maayirka uu ka yahay SOLTECO waxay keentay in dadwaynuhu ay iskood ugu deeqaan lacago ay iska soo ururiyeen oo 40% ah si ay wadooyin fiican u helaan, dhawaan ayay ahayd markii Degmooyin kamida Magaalada Hargeisa lagaga dhawaaqay maayar cusub oo u gaar ah kadib markii wadooyinka Magaalada Hargeisa waxba laga qaban waayay Hadaba hadii qalabkii ay lahaayeen dadwaynuhu ee ay ahayd in iyaga wax loogu qabto dano gaar ah ay ku fushadaan cid gaar ahi waxay horseedi doontaa gadood dadwayne iyo cawaaqib xumo aan laga soo wiiqsan waxaanay sharaf dhac ku noqon doonta madaxwaynaha Somaliland Shirkada Somaliland Hono Group (Cumaaniga) **************************************** Shirkadan oo uu mulkiile ka yahay Cabdirisaaq CUMAANI ayaa hore loo siiyay mashruucii dhismaha madaarka Cigaal kaas oo lacag gaadhaysa 10 Million oo dollar ay ugu deeqday dawlada dalka Kuwayt, balse mashrucii dhismaha ee garoonka cigaal ee la lunsaday ayaa wali dadka reer Somaliland is waydiinayaan halka ay martay maadaama aanay muuqan haba yaraatee wax ka qabasho iyo dhisme lagu kordhiyay madaarka Cigaal oo lacag 10 Million oo dollar ahi ku baxday! Sidoo kale shirkadan ayaa si eex ah loo siiyay wakhtigii dawladii SiiLaanyo mashaariic waddo oo dhawr ah oo ay kamid yihiin biriijyada isku xidha Magalada Barbara iyo Hargeisa oo tiraba dhwar jeer wax ka qabashadiisa ay lacago malaayiin ah ku qaadatay shirkadan balse aan sidii ay ahayd loo fulin Sidoo kale waxa shirkadan hore loogu xidhay qandaraaska dhismaha madaarka magaalada Burco iyada oo aan guddi qandaraas marin tartana aan loo galin Waxa sidoo kale jira wadooyiin dhawr ah oo dalka gudihiisa ku yaala oo shirkadan hore loo siiyay oo dhamaantood lacago malaayiin ah lagu bixIyay dhamantoodna dayacan oo lacagahoodii la musuqay Doorkan ayaa sidii caadada ahayd shirkadan uu ganacsade Cumaani wataa ay damacsan tahay in la siiyo dhismaha wadada muhiimka u ah dhaqaalaha iyo isku socodka Somaliland ee Hargeisa ilaa Kala baydh oo isku xidha Somaliland iyo Ethiopia, waxaana marka loo eego mashaaricihii hore ee ay musuqeen khibaradii laga dhaxlayna la ogyahay waxa ay damacsan yihiin inay si caamo ah oo musuq ah hadana waddadaas oo 4 Million ku baxayso ay u qaadato Hadii ay dhacdo in doorkanna si xaglin ah shirkadan ku caan baxday musuqa iyo caamaynta umada reer Somaliland lagu siiyo mashruuca dhismahan muhiimka ah waxay iyana bar madaw oo taariikhda gasha ku noqon doontaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi La Soco Qaybaha Dambe Oo Aanu Ku Soo Gudbin Doono Magacyada Cid Kasta Oo Ku Lug Leh Musuqan, Haday Tahay Gudida Qandaraasyada, Xil Dhibaanada Golaha Deegaan iyo Masuuliyiin Kaleba. W/Q: Axmed Maxamed Cilmi (Catooshe) Master of Economic Policy and Planning Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmo xooggan ayaa lagala hor-yimid booqasho la qorsheynayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tago magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Masuuliyiinta maamulka Gobolka Gedo ayaa kasoo horjeestayt safarka madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo dhawaan inuu ku tago degmada Garbahaareey, waxaana qaarkood ay sheegeen inuusan waxba u qaban magaalada. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Axmed Madoobe muddadii uu hayay xilka madaxweynaha Jubbaland uusan waxba u qaban magaalada, islamarkaana aysan habooneyn inuu hadda tago magaalada. Wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inuu tago magaalada Garbahaareey iyo deegaanada kale ee Gedo, maadaama waxqabadkiisa uu ku koobay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Xubnaha kale ee maamulka ayaa qaarkood ku qanacsan in Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo, iyadoo banaanbaxyo qorsheysan ay ka dhaceen degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan banaanbaxyo kale oo la qorsheynayo inay ka dhacaan gobolka Gedo maalmaha so socdo, waxaana looga soo horjeedaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com