Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka duulista hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa faah faahin ka bixiyay dab saaka subixii hore ka kacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dab ka dhashay koronto uu saaka ka kacay maqaaxi lagu cunteeyo oo ku taala garoonka Muqdisho. Waxaa uu sheegay in lagu guuleeystay daminta dabkaasi oo shaqaalaha dab damisku dadaal ay sameeyeen ay ku guuleeysteen in ay dabkaasi damiyaan. Waxaa uu sheegay in aanay jirin wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi marka laga reebo maqaaxida oo qeeyb kamid ah gubatay. “Maanta subaxii sacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Dab ayaa waabarigii hore ee saakay ka kacay maqaaxi ku taalo gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Putland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo ka hadlay dab ka kacay Garoonka Aadan Cadde appeared first on Puntland Post.
  2. Garbahaarey (Caasimadda Online) – Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland. Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Safarka madaxweynaha aan ku qanacsaneen shacabka Degmada, sidaasne uu ku dhashay isku soo baxooda. Sababo dhowr ah oo isbiirsaday ayay ku sheegay in loo diidan yahay socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) . Aadan Bare Dhageey Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaarey oo ayaa sheegay in 7-sano uu xilka hayo aan Madaxweynaha Jubbaland tagin Gobolka Gedo. Mudadaas ayuu tilmaamay in ay ka dhaceen Tacadiyo ay geysteen Ciidamada Kenya, Dagaal Beeleedyo iyo Fatahaad saameeyay Dadka Gobolka. Ciidamada Kenya waxa uu sheegay in Degmooyinka Gobolka ay duqeymo ku waxyeeloobeen shacab ka geysteen, sidoo kalena ay kufsadeen Haween, madaxweyne Axmed Madoobane aan ka hadlin sida uu hadalka u dhigay. Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu sabab ugu dhigay in ay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in ay kacaan Dadka Gobolka Gedo. Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa wado isku dayo ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan Shacabka Gedo si aanu u baaqan Safarka Madaxweynaha uu u qorsheeyay Gobolka. Lama ogo in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay go’aankiisii ahaa in uu tago Gobolka Gedo iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Marka laga hadlayo nidaamka beelaysan ee Somaliland iyo in beeluhu mar walba miqyaaska saaraan hadba sida ay isaga dhex arkaan awoodda qaranka ee la xidhiidha mansabyada Muhiimka ah ee dawladda oo ah arrin soo taagnayd tan iyo wakhtigii Somaliland dib ula soo noqotay qaranimada ayaa isku shaan-dhayntii ugu dambaysay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay dhalisay doodo culus oo la xidhiidha xilalka Madaxweynuhu wax ka badalka ku sameeyey oo markiiba la saaray fuudhka. Isku shaandhayntii dorraad ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha hadal haynteeda ugu badani waxa ay ka dhalatay xil-ka qaadistii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi laguna baddalay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Dad badan ayaa ku doodaya in dheelligii marka horeba ku jiray Miisaanka awood qaybsigu uu u sii ciiray xagga Beesha Madaxweynaha. Waxa aynu halkan ku eegi doonaa Liiska dhammaan Wasiirradii Maaliyadda soo maray iyo sida Madaxweynayaashii dalka isaga kala dambeeyey ay ugu soo xusheen. Marka laga soo bilaabo xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo waddanku xaalad adag isaga jiray. Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay soo martay heerar kala duwan oo kolba meel taagnaa. Sannadihii u dhexeeyey 1993-kii ilaa 1995-kii wasaaradda Maaliyaddu waxa ay u qaybsami jirtay laba Wasaaradood oo la kala odhan jiray, Wasaaradda Khasnadda iyo Wasaaradda Maaliyadda, balse markii dambe waa la isku daray oo waxa loo bixiyey Wasaaradda Maaliyadda. Liiskan oo uu soo ururiyey Wargeyska FOORE waxa uu u dhigan yahay sidan: Yuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (IHU) u cugtay Maaliyadda? Ismaaciil Hurre Buubaa….1991 illaa 1993 C/laahi Maxamed Ducaale….1993 illaa 1994 Ibraahin Cabdi Muuse…1994 Wasiirradii Madaxweyne Cigaal u doortay Maaliyadda: Maxamed Axmed Samatar “Ildab” – 1994 Maxamed Dhimbiil Galbeedi…1995 illaa 1995 Cawil Xaaji Cumar 1994 Illaa 1995 “Wasiirka Khasnadda” Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) 1996 illaa 1996 Eng. Yuusuf Caynab Muuse…1996 illaa 1997 Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siillanyo’- 1997illaa 1999 Prof. Maxamed Siciid Gees…1999 illaa 2001 Xuseen Faarax Dooddi….2001 illaa 2003 Wasiirradii Madaxweyne Daahir Rayaale u doortay Maaliyadda: Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)……2003 illaa 2010 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi…2010 illaa 2012 C/casiis Maxamed Samaale… 2012 illaa 2015 Samsam Cabdi Aadan…..2015 illaa 2017 Wasiirrada Madaxweyne Muuse Biixi u doortay Maaliyadda: Yuusuf Maxamed Cabdi……2017 illaa 2018 Dr. Sacad Cali Shire – Imika Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda dawladda ee maanta iyo xaaladda guud ee dalka isaga oo sheegay in is-qabqabsiga iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirtaa ay keentay sida uu hadalka u dhigay in Farmaajo waddankii Itoobiya innaga soo xidhay isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay is khilaafeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanay imika wax wada hadal ah yeelan. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Shir-weynaha Sannad-laha ah ee Warbaahinta Somaliland iyo Xuska maalinta Saxaafadda Somaliland oo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku qabtay Huteel Ambassador ayaa waxa uu sheegay in xaaladda maanta dalku marayaa ku jirto meel halis ah oo ay keentay kala qaybsanaanta siyaasiyiinta oo uu sheegay in ay iyaga dhexdoodu is haystaan oo aanay wax wada shaqayn ah iyo talo wadaag ah toona lahayn taasina qaranka halis weyn ku tahay isaga oo Saxafiyiinta iyo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay kala saaraan dawlad xumada iyo qaranimada, oo marka maamulka talada hayaa xumaado in aan qaranka la caayin oo aan dalka la nicin. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Heerkii Somaliland ku lahayd Caalamka waa la innaga qaaday oo waxa taasi kuugu daliil ah idaacaddii BBC-da ee aynu innagu aasaasnay ee halkan laga qaadi jiray wariyayaasheeda ayaa maanta innoogu daran oo idaacad Xamar innagu noqotay. Riciyad baynu noqonay oo waad aragtaan maanta Wallo-weyntii baa maanta adduunka dhex gashay. Taasi waxa keentay dawladnimada aynu iska dhiibnay Lixdankii weeyi. Ilbaxnimadii ayaa innaga raacday, Arsaaqaddii baa innaga raacday. Quruxdii baa innaga raacday. Waxaasi oo dhanna innaga ayaa isugu wacnayn. Qaarbaa moodaya in Xamar Soomaali weynimo inna gaysay. Innama gayn ee waxa inna geeyey waxa ay ahayd xinka dhexdeena iyo ku xumeeda ninba nin uu xin ku hayay”. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Anigu berigii Qolada Ururka Saxaafadda waan la hadloo waxaan idinku idhi haddii aan soo baxo Miisaaniyad gaar ah ayaan idiin samayn doonaa marka aad soo dalbataan. Waxyaabahaasi waxaan ku arkay reer Galbeedka oo xisbiyada marka ay talada qabtaan way kabana Warbaahinta. Muusena annaga oo aan wali arrintiisii isla gaadhin baanu is laynay oo imika ma wada hadalno. Markaa cid kale ayaad u diran doontaan haddii Alle Yidhaa. Muddo dhawayd waxaan doonayay in aan Warbaahinta iyo xukuumadda wada hadashiiyo si qolo walba loo ilaaliyo oo aan xuquuqdooda loogu xad-gudbin. Iyada oo aan tifaftirayaasha la kulmay ayaa wasiirkii Warfaafinta waxa isla laalaadiyey Hablihii Ciida-gale oo waatii aad ogaydeen. Halkaasi ayay nagaga xumaatay oo ay hawshaasi ku joogsatay. Dhibaatada inna haysataa waxa weeyi wax walba waa la iska odhanayaa. Shalay inkasta oo aanan dhagaysan warbaahinta haddana waxa la ii soo diray muuqaal yar (Clip) ninbaa iska caayaya Xoghayahayaga Arrimaha Gudaha Ramaax. Ninkaasi si shakhsi ah ayuu u caayayaa Ramaax. Haddii aanu maxkamad gayno waanu ciqaabi karnaa. Waxaa inaad faafisaan maaha. Caydu waa arrin aan loo baahnayn iyo shakhsi weerarku. Ramaax waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka maanta taagan oo si xisbinimo ayuu u hadlay. Ninkaasi kamuu hadal waxa uu Ramaax ka hadlay ee isaga oo qabyaaladi ka buuxdo ayuu si shakhsi u caayay Ramaax”. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sidoo kale xaaladda dalka iyo sida dalku duruufo adag u wajahayo ka hadlayaa ayaa waxa uu yidhi: “Maanta dhibaatada dhexdeena taallaa waa ta keentay in Innamadaa yaryar ee Xamar qabsaday ay innaga dhammaan waayaan. Waa innamo yaryar. Farmaajo markii uu Maraykanka u qaxay waxa uu ahaa 15 Jir buu ahaa. Waa Innamo yaryar kaasaa maanta Itoobiya Innaga soo xidhay oo uu isku dayayo in uu gabigeenaba inna baabi’iyo waa inan yar. Afar yaryar oo ay isku reer yihiina waxa ay u fadhiyaan madaxtooyada. Waa innamadaa yaryar ayaa innaga xoog waynaaday. Waayo, raggayagaa waaweyni annaga ayaa isku jeedna oo isku muuqana. Dad aan wada tashanayn, dad aan wada qorshaysanayn oo aan lahayn maxaa innaga xumaaday oo maxaa innoo hagaagay oo iyagu isku jeeda waa laga adkaan doonaa. Waar Maamul xumaaday oo shaqadiisa ka soo bixi waayay qarankiina oo dhan ha u nicina. Dalkiina oo dhan nidaam (Administration) ah oo hawshiisa qabsan waayay ha u nicina. Qaranka iyo qofka xun hala kala saaro. Qofka xuni wuu iska tagayaa oo cod baynu kaga qaadaynaa kursiga laakiin in aan dalkeenii iyo dawladnimadeenii magacyo u bixbixino waa innagu ceeb” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Source
  5. Waxa ay si wanaagsan iskugu diyaariyeen ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika ee 23-jirada ah, waxaana laga kala soo xulay dhamaan kooxaha kubbadda cagta heerarkooda kala gedisan ee gudaha Waxa ay qaateyn tababaro kala duwan oo saddex waqti ah kuwaas oo isku jira tababaradii ugu danbeeyay ee xiligan waxayna aragtidooda kawada siman tahay in ay guul ka gaaraan ka qeyb galka ciyaaraha 23-jirada Waxaa ku jira 6 ciyaaryahan kuwaas oo dalkeena markii ugu horeesay gaarsiiyay fiinalaha tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacay dalka Burundi bartamahii sanadan 2018 waxayna tusaale iyo haldoor u yihiin xidigaha iyaga ku wehliya safarkooda Waxaa laylinaya Maxamed Cabulle Farayare oo ka mid ahaa xirfadlayaashii kasoo aflaxay ciyaarihii Goboladda dhowr jeern soo maamulay xulka dalkeena waxaa la shaqeenaya tababare Salaad Faarax Xasan oo ahaa macalinkii wadankeena tusay aduunka ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii da’yarta Afrika talooyinkooda oo la isku diray iyo fikirado kala duwan oo ka imaanayay tababaryaasha gudaha iyo ajaanibta maamula kooxaha kubbadda cagta gudaha ayaa keeni karta guul kale oo tariikh sida ay qabaan hogaamiyaasha xulka qaranka Feysal Axmed Xasan oo ka mid ahaa kooxda qurbajoogta oo bishii lasoo dhaafay October ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka sameeyay caasimada Muqdisho ayaa ka mid ah xidigaha xirfada wanagsan ee xulka,macalimiinta ciyaartooyda iyo taageerayaasha ayaa si wanaagsan ugu helay tayada laacibkan,iyagoo si wadajir u sheegay in laacibkan uu la qabsaday cimilada iyo tababarka xulka qaranka Taageerayaasha xulka ayaa qab yidideelo wanaagsan oo xaga guulaha maadama ay da’yarteena muujiyeen ifaaflo wanaagsan waxaana tabarayaasha iyo ciyaaryahanada ay shacabka ka dalbadeyn guul iyo guul daro la’aanba in ay muujiyaan doorkooda taageernimo Si kastaba 23-jirada Soomaaliya ayaa iminka ku sugan dalka Ethopia,iyagoo garoonka Aadan Cadde ka dhoofay 10-November 2018 waxayna kulankooda 1-aad ee ciyaaraha Olimikada la ciyaaridoonaan dhigooda Ethopia waxaana laga sugayaa natiijo wanaagsan Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Diyaar Garoobeyn Ka Hor Inta Aysan Bixin W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Shalay Galab Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ay u yeertay qaar ka mid ah Maamulada Kaybilada TV-yada Muqdisho ayadoo aan loo sheegin waxa loogu yeeray, Madaxda loo yeeray waxa mid ah Maamulka Muqdisho Cable TV, Astaan TV, Asal 24 TV iyo iyo Qaar kale. Marka ay gaaren xafiiska wasaaradda Maaliyadda waxaa la weydiiyay lacag canshuur ah oo laga rabo Cable-lada TV-yadal, lacagta canshuurta laga ayaa la sheegay iney tahay labo sano oo kala ah 2017-2018, Waxaa kaloo la waydiiyay Lacag laga rabo Shaqaalaha ka Howlgala TV. Kaybilada qaar waxa kuso baxay lacag dhan 20,000$ labatan kun ilaa 30,000$ , Maamulada TVyada ayaa ku dooday in lacagtaas aysan awoodin, dood dheer ka dib wasaarada Maaliyasda ayaa ka cafisay sanadkii tagay ee 2017. Waxeysa ka codsatay in ay bixiyaan lacagta kusoo baxday sanadkaan lagu jiro ee 2018 mar kale ayay sheegen in aysan heysanin lacagta kusoo baxday sanadkaan balse ay lasoo tashanayaan maamulkoda guud. Wasaaradda maaliyadda xukuumada soomaalia ayaa ka biyo diiday iney kala baxaan xafiiska lacagta lagu leeyahay. Sida ay wararka sheegayaan Maamulada TV ayaa lagu Xanibay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Dekadda Muqdisho halkaas oo ay Xalay ku hoydeen. Wasaaradda ayaa Saaka amar cusub kasoo saartay waxaana Keebalada lagu amray inay damiyaan System-ka dhan inta ay ka bixinayaan lacagta, waxaana la filayaa inuu amarkaas hirgalo Saacadaha soo socdo. Cabelada ay ku dhagan tahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa Magaalada Muqdisho siiyo Chanalo kala duwan oo laga fiirsado Wararka, Ciyaaraha iyo Aflaanta, waxayna qaarkood leeyihiin illaa 50 Kun oo Macaamiil ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. GAROOMADII MAGAALADA MARKUU LIQAY, GURYAHII DADKA USOO DHIGAY. W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE. “Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Mayor Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd …….” Inay dhalinyartu hesho Garoomo ay ku ciyaaraan waxay ka mid tahay masuuliyada iyo waajibaadkii loo doortay golaha deegaanka hargeysa, cida koowaad ee xilkaasi saran yahayna waa Mayorka Caasimada Solteco oo mudo 6 sano ku dhow Maayar ka ah Caasimada Hargeysa, mana jirto qodob kaliya oo farta lagu fiiqo karo oo uu wax ka qabtay. Indhaha lagama qarsan karo daranyada iyo diifta ka muuqata caasimada Hargeysa oo ah muraayada qaranka haday tahay Wadooyin, Garoomo, Caafimaad IWM. Waxqabadka ugu wayn ee Mayor Solteco lagu xasuusan doonaa waa Boobka Dhulka iyo Baloodhaysiga Dhulkii dantaguud ee Garoomada noqon lahaa ee Caafimaad ama Iskuulo laga dhisi lahaa gabi ahaanba wuu xaalufiyay, meel banana hadalkeeda daa. Xaalku wuxuu marayaa inuu ka nabadgaliwaayo dhulkii banaanaa ee dadku gaarka u lahaa sida Garoonka Dhurqaanta oo ah dhul banana oo Xaaji Baxsane, ilaahay danbigiisa ha dhaafee, dhalinyarta xaafadu ka codsatay inay ku ciyaaraan ilaa inta uu wax ka dhisayo, Xaajiguna u fasaxay dhalinyarta xaafada sidoo kalana Maalmaha Ciida salaadaha lagu tukan jiray. Mayor Solteco markuu liqay dhamaan dhulkii danta guud ee caasimadu lahayd ee Garoomada loogu talagalay wuxuu soo maleegay mu’aamaraad isagoo dhalinyartii xaafada ku yidhi Baxsane ayaa idin kaga noqday garoonkii uu hore u bixiyay een ugu talogalay inaan Roog idiin dhigo ee ku mudaharaada. Taariikh Kooban Garoonka Dhurqaanta ama (Baxsane)Wuxuu ahaa dhul banaan oo dhalinyarta xaafada sheedaha ama koodbuur ay muddo dheer si kulmeel-gaadh ah ugu ciyaarayeen dhulkan oo uu leeyahay Xaaji baxsane,oo imika loo yaqaan garoonka baxsane ama garoonka dhurqaanta. Ganacsadaha ayaa si ku meel gaadh ah u siiyey dadweynaha xaafadaasi inay dhulkaa u isticmaalaan tukashada salaadaha ciida iyo inay dhalinyaradu ka dhigtaan garoon ay ku ciyaaraan maadaama xaafadu aanay lahayn wax garoon ah ilaa inta loo samaynayo garoon ay xaafadu leedahay. Odayada iyo Dhalinyarada xaafadu way soo dhoweeyaan arintaas ilaa inta Xaajigu diyaar u noqonayo inuu dhulkiisa wax ka dhisto. Marka Xaqiiq laga hadlayana Qof kasta oo Kamid ah Dhalinyardda Xaafadaasi Waxa uu Aaminsanaa in aan Xaajiga dhulkiisu yahay Mulki uu isagu Leeyahey oo maalin maalinta uu doono dhisan karo. Sidaas darted waxa jirtay balanqaad jiitamay oo Mayorku u balanqaaday dhalinyarta xaafada inuu garoon u dhisi doono. Markii beentii maayarku badatay ayay dhalinyartu mudaharaad ay ku diidan yihiin Soltelco ka sameeyeen agagaarka guriga maayarka oo u dhaw dhulka banaan ee Xaaji baxsane sida ku meel gaadhka u bixiyay oo imika uu dhisme ka wado Xaajigu. Gadoodkii Dhalinyarta iyo Shirqoolkii Maayor SoltecoDhalinyaradan ayaa ka gadooday dayaca iyo been abuurku uu Mayor Solteco mar walba ku qancin jiray oo dhamaantood noqday hal bacaad lagu lisay. Arinta garoon la,aantu kuma koobna xaafadan oo kaliya ee mid saamaysay dhamaan Degmooyinka caasimada kadib markii si badheedh ah loogu takri falay dhulkii danta guud ee garoomada laga dhislahaa. Hadaba ceebta ugu way nee dhacday waxay ahayd Mayor Solteco oo soo abaabulay Mu’amaraad qaawan oo inta uu dhalinyaradii qaar lacago u qaybiyay ku yidhi Xaaji Baxsane waanu ka heshiinay inaanu dhul kale ugu badalno Garoonkana idin yeelataan lkn imika wuu idin kaga noqday oo waakaas dhisanaya, anigana wuu idiiday ee dareenkiina muujiyay. Qaar kamid ah dhalinyarada garoon la,aantu ku habsatay ee uu lacagta u qaybiyay waxay si anshax xumo ah u wareerareen hoyga ay dagan yihiin qoyska ganacsade baxsane kuwaas oo shiid iyo burbur xoog leh u gaystay guriga xuseen baxsane oo u dhow Garoonka, sidoo kale waxay waxyeelo soo gaadhay gaadiidkii ganacsade baxsane ee halkaas yaalay. = CAQLIGII MAAYOR SOLTECO WAAKAAS= Xaaji Axmed Daahir (Baxsane) oo ah Ganacsade sharaf iyo karaamo ku leh bulshada iyo qaranka Somaliland, shakhsi maalkiisa iyo hantidiisa ku bixiya goobaha khayrka leh, caawiya dadka danyarta ah, kaalin wayn kaga jira horumarka bulshada. Xaashe’e Xaaji Baxsane magayo mana galabsan in hantidiisa wax layeelo, waa nasiib daro inuu Solteco u dhaqmayo sida ciyaala Jirida aan dhaqan iyo akhlaaq midna kusoo korin, Ninbaa laga hayay waar Islaantii Hadaad Indho La, aan Ku Odayd Dad Cuna Way Ku Darsatay, Imika waxa sidaa ka dhigan Solteco hadaad boobka dhulka ku odayd ciyaalo suuqnimo iyo maafiyana wuu ku darsaday. Hargeysa Hiilbay u baahan tahay iyo in laga badbaadiyo Mayor Solteco. M/weynaha waxaan leeyahay hoos u eeg duruufaha ku xeeran Caasimada Mayorka iyo Golaha Deegaanka, Muraayada qaranka badbaadi M/weyne isbadalka xukuumadaada cid la jaanqaada ayaad u baahantahay ee cid fadhiida uma baahnid. Allaa mahad leh W/Q: JAAMAC FAARAX ALAALE.Alaale990@gmail.com Hargeysa/SomalilandAttachments area Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Mustafe Maxamed Yoonis ayaa caddeeyey in marwadii madaxweyne Siilaanyo ay door ku lahayd tallada dalka. Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu eedaymo ugu jeediyey xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in marwadii hore ay ku haysay xilalkii badnaa ee uu ka soo qabtay gobolada kala duwan ee dalka. Xoghaye Mustafe oo ka hadlaya sidii xisbiga Kulmiye loogu hayey Ramaax ayaa waxa uu yidhi “Markii Kulmiye guulaystay doorashadii 2010 , gudoomiye Saleebaan ayaa Ramaax gacanta qabtay oo siilaanyo u geeyey oo ku yidhi ka dhig badhasaab, sidaas ayaanu ku soo galay nidaamka xisbiga kulmiye iyo dawladiisa.” Xoghaye Mustafe Maxamed Yoonis ayaa intaas raaciyey “Markii dambe waxa uu helay cid ilaalisa mar kasta oo uu wax gaysto oo marwo Aamina Weris oo ay ilmaabti ahaayeen ayaa in badan taageertay.” Ayuu yidhi Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Saldhigyada Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha qaabilsan qaybaha Ciidanka. Taliska ayaa xilka ka qaaday Taliyeyaasha saldhigyadda Degmooyinka Yaaqshiid, Dharkiinley, Hawlwadaag iyo Heliwaa , waxaana uu taliyeyaal cusub oo Boolis ah loo magacaabay degmooyinkaasi. Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Taliyihii qaybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaana xilkaasi loo dhiibay Sarkaal lagu magacaabo Xundubey oo ahaa Ku xigeenka Qaasim Axmed Rooble. Taliyihii Saldhiga Degmada Heliwaa Khaliif Ilka case oo xilkaasi laga qaaday ayaa loo dalacsiiyay inuu noqdo Taliye qayb ka tirsan Ciidamada Booliska. Tallaabadan is bedelka ah ee lagu sameeyay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka iyo Talis qeybeedyada ayaa la ogeyn inay jawaab u tahay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay, kaasoo dad badan ay ku dhinteen, waxaana Taliska Booliska uu sheegay inuu bilaabat baaritaan ku aadan qaraxyadaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Buuga Mii ilaa Madaxtooyo ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan Xumaani kuma jirto laakiin Ragii uu Siyaasadda ku legday ayaa Cay miciinsaday. Qore: Xuseen Aadan Caraale (Xuseen Jiib) Ilaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ilaa Daahir Riyaale, ilaa Siilaanyo dadku Buugaag uun bay qorayeen xaflado loo qabanaayay maxa loo qaylinayaa hadii Xirsi Buug qoray. “soo baxbaa la leeyahayo Sacabkay leefaysa” Wasiirkka warfaafinta Somaliland Guribarwaaqo isaga oo xil haya ayuu wax ka qoray hablaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa gaaroodi ee reer Somaliland waliba kuwa bir ma gaydada ah ee sidalagta ugu saraysa JSL waxa ka hadlay haween waynihii uu Guribarwaaqo ku ceeboobay,Salaadiin, Culima Awdiin,Abwaano, Baarlamaan (Guurti iyo Wakiillo) iyo Shacabwaynaha Somaliland, Foodh-foodh iyo is xayd xayd ayuu ka sii qaaday cidina kuma daba gelin kumana qaban markaas miyaanay Ragii Dhufaannaa ee Siyaasadda uu ku legday Iilka ka soo kicin. Takale Axmed Siilaanyo waa halyay Qaran wax badanna Qarankiisa u qabtay, Nafta u huray Aamina warisna waa marwo Qaran xumaana ma gaydo Xirsina waxa uu ahaa Baalashii Siilaanyo. wax qabadna kamuu danbaynin oo maalintii uu iscasilay waati hor iyo daba beeshay markaas raggii hadlaayow Xirsi Siilaanyo iyo Aamina waris waxba ma odhan ee adinka wax yidhi. Maalintii ay tartamayeen Xisbigii Udub iyo Kulmiye waxa Kaanbayn wada galay Axmed Yuusuf Yaasiin oo doonaayay Madaxwayne ku xigeen iyo Aamina waris oo doonaysay in Madaxwayne uu noqdo Saygeedu raga qaylinaaya maanta qaarkii 10 cod maysiin oo faramadhan ayay kala noqotay dhaqanna may ahaan jiin in la qadiyo hablaha. Hadaba markii ay dhacday doorashadii waxa helay Axmed Siilaanyo oo waxa uu noqday Madaxwayne qaran Aamina warisna waxa ay noqotay marwo Qaran, dadka ilaa maalintii la doortay iyo maalintii ay xilka ka degeen ku qaylinayay ee siyaasiyiintoodu caytamaysay waxa ay ahaayeen kuwii siinwaayay 10-ka cod ee Saaxil iyo Maroodi jeeex ee aan meela dhaafin wax kastana loo xanbaariyay mee Cali Guray, mee Siciid Cilmi Rooble, mee Boobe Yuusuf Ducaale mee Yuusuf Cabdi Gaboobe mee Muusanawgii Maxamuud Xaashi Cilmi, mee sheikh Aadan Siiro iyo Qudbadihiisi kimaha mee Xildhibaan Qabile mee Jamaal Cali xuseen iyo in kale oo aan qoraal lagu soo koobi karayn waxaan arkaayay 14/11/2018 oo hadal tiro farabadan shubayaan “Imikuunbaad dhaar xoogleh iyo Dhiiranaan barateen” Xirsina waa nin kii idin gardaadiyay. Eray kalena Baashaan idhiyo waxaan maqli jiray “nin reer abtigii la jooga gardaro laga bartay” laa kiin maan maqal inan la yaal ah ayaa gardaro laga bartay, makaas adeer xididka lama aflagaadeeye garawshiiyo bixi hana u noqonin. Maxamud Xaashiyowna waxa la yidhi Dacawo ayaa hoostimid geed wayn oo hilbo saaranyihiin intay gaadhiwayday ayay tidhi uf, mrkii Xirsi aad gaadhi wayday ee uu kaa fiicnaaday Xaga siyaasi, xag wax qabad, iyo xag kartiba ayaa caytantay adeer meel kaga waran 2-sano ee aad Madaxtooyadda joogtay ayaad dalka boobtay oo waata Guryihii aad isa siisay lagugu soo galaye. Qore Aqoonyahan Xuseen Aadan Caraale (Xuseen Jiib) Qaran News
  11. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Foore ayaa helay xog ku saabsan xidhiidh toos ah oo khadka Telefanka ah oo dhex maray Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Hogaamiyaha Jabhadda Somaliland ka goosatay ee Puntland Saldhiga ka samaysatay Kornayl Siciid Cabdi Jaamac Caare iyo arimaha ay ka wada hadleen. Warar lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay inay la balansanaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka, waxaana uu noo sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Raysal Wasaare ku xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay islamarkaana uu Raysal Wasaaruhu kaga mashquulay arin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland ee Somaliland Ka goostay ee Caare kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen arimo gaar ah. Masuulkan Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa noo sheegay inay kooxdan uu Madaxtooyadda Dhexdeeda kula kulmay ay ku yidhaahdeen hadalkan “Anagoo Kujirna Xafiiska Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa u soo dhacay Telefan, Marqudha ayuu nagala kacay telefankii, Dabadeed Xoghayntiisii ayaa nagu wargaliyay Inuu Ku Mashquulsan yahay arin ku saabsan Kornaylka Jabhadda Samaystay ee Somaliland ka goostay ee Saldhigga ka samaystay Puntland Kornayl Caare, waxaanu ka maqlaynay inay islahaayeen wixii aad noo balan qaadeen deg deg noo soo gaadhsiiya, iyo waxaanu hadda ku talo jirnaa inaanu Gudaha Somaliland u galno oo aanu hawlgalo ka fulino Goobo cayiman, intaasi ayaa nagaga soo duul duushay intaan xafiiska nalaga soo saarin ee aanaan dibada uga soo bixin, Kornayl Caare ayaa khadka telefanka kala hadlayay” ayay hadalkooda ku soo gaabiyeen. Masuulkan Wargeyska Foore uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiiradda Xukuumaddda Farmaajo ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la xidhiidhista iyo ka warhaynta Jabhadda Somaliland diidka ah ee Somaliland ka goosatay ee Puntland u gashay,waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Soomaaliya islamarkaana ay hawlgalo uga fulin lahayd. Waxa uu sidoo kale noo sheegay inuu hadda ku hawlan yahay soo gaadhsiinta Jahadda Caare agab iyo lacag ay Dawladda Soomaaliya ugu talo gashay taasi oo ay ujeedadeedu tahay sidii ay u xoojin lahayd jabhaddaasi iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen Awooda dhinaca Amniga Somaliland. Xigasho: Wargeyska Foore Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen aanooyin qabiil,waxana dhacdooyinkaas dowladda Federaalka ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu yahay mid dib u dhac badan keenay,hadii uu sii jirana uu sababi karo burbur ku yimaada dalka. Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo deegaanka Afbarwaaqo uu sabab u yahay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada “Waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado, Balanbale iyo Afbarwaaqo waxaa sabab u ah khilaafka dhowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waa ukumihii ay meesha dhigeen baa marba maalin dilaaceysa, markaas baa bahal ka soo baxaya”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf. Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dilalka ka dhacaya deegaankaas, isagoo xusay inay ka war hayaan in dad lagu dilay. Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka iyo umadda u naxaan, khilaafkan la sii fogeynayo aan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay. “Anaga haddaan dowlad goboleedyada nahay arrinteena wax qabasho ayay laheyd, wey fogaatay, waa la fogeeyay, haddii arrintaas fogaatay la soo celin burbur baa dalka ku imaan kara Soomaali oo dhan ku imaan kara”ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Degmooyinka Cadaado, Afbarwaaqo iyo Hobyo ayaa waxaa ka dhacay dilal loo geystay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah halka degmada Balanbale ay ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codka-xaaf-ee-maanta.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Ireland)-Michael D Higgins ayaa markii labaad loo dhaariyay madaxweynenimada Ireland iyadoo xaflad loogu qabtay magaalada Dublin Axaddii. Madaxweyne yaal hore oo ay ka mid yihiin Mary Robinson iyo Mary McAleese ayaa ka soo qayb galay xafladda. Ra’iisulwasaaraha Airland Leo Varadkar iyo Ra’iisulwasaare ku xigeenka Simon Coveney ayaa sidoo kale xafladda ka soo qaybgalay. Madaxweyne Higgins ayaa dib loo doortay bishii Oktoobar isaga oo helay 56% codadkii la dhiibtay. Shantii murashax ee la tartamay dhammaantoodna way ka soo qayb galeen xafladda. Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isbedel ballaaran ku sameeyay qaar ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada Booliska ee degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa xilalkii laga qaaday taliyeyaasha illaa afar saldhig Boolis iyo talis qeybeedyo. Talisyada xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyeyaasha saldhigyada howlwadaag, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dharkenley, iyadoona loo magacaabay kuwa cusub. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilka laga qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Qaasim Axmed Rooble, waxaa xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo horay u ahaa ku xigeenka qeybtaasi. Sidoo kale waxaa la magacaabay talisyada qeybaha gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Taliska Booliska Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Jimcihii la soo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Isbedel ballaaran Oo lagu sameeyay talisyada degmooyinka G/ Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO) ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee March 21 to September 22 ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore. Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan $397 million. Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey. Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Muqdisho)-Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu hakad ku jiro howlihii duulimaad ee garoonka, kaddib markii uu dab ka kacay. Dabka ayaa ka kacay makhaayad ku taal qeybta duulimaadyada caalamiga ka baxaan, waxaan taas keentay in saacado dib u dhacaan diyaaradihii saaka imaan lahaa. Wararka horudhaca ee la helayo ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto, balse Maamulka Garoonka ayaa si rasmi ah uga hadlay waxa sababay dabka. Inkastoo aanu dabka khasaare nafadeed dhalin, hadana waxaa lagu guuleystay in la damiyo sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka. Waxaa la filayaa in howlaha garoonka uu caadi ku soo laabto, iyadoo muddo labo saacadood ay illaa hadda dib u dhaceen diyaaradihii saaka imaan lahaa. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mid mashquul ah oo maalin walba in ka badan 50 diyaaradood ay ka soo degaan, kana duulaan. Source
  17. (SLT-Gabon)-Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha. Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha 59 jirka ah. Wararka qaar ayaa sheegayay in Madaxwayne Cali Bongo uu madaxa dhiig kaga furmay. Madaxwaynaha ayaa waxa in muddo ah lagu daawaynayay dalka Sacuudiga,waxaana bishii aanu soo dhaafnay la shaaciyay in madaxwaynaha uu ka cabanayo daal badan. Afhayeenkiisa Ike Ngouoni ayaa sheegay in Mr Bongo “uu ka soo kabanayo dhammaan xanuunkii hayay “. Lama xusin in madaxwaynaha uu madaxa dhiig kaga furmay balse afhayeenkiisa Mr Ngouoni ayaa sheegay”in uu dhiigga uu u baahan yahay daryeel caafimaad”. Cali Bongo ayaa talada kala wareegay aabihii Cumar Bongo sanaddii 2009. Aabihii Cumar Bongo ayaa ka soo talinayay Gabon in ka badan 40 sano. Cali Bongo ayaa dirqi ah ugu guulaystay doorashadii 2016 ka dhacday dalkaasi taasi oo ay hareeyeen rabshado iyo eedeeymo ku saabsan wax isdabamarin. Horraantii bishan xilli uu madaxwayne Bongo ku maqnaa dalka Sacuudiga ayaa waxaa mar kale guul ka sheegtay doorashadaasi hogaamiyaha mucaaradka Gabon Jean Ping. Jimcihii waxaa shaqada laga joojiyay muddo saddex bilood ah wargays ka soo baxa dalka Gabon ka dib markii uu qoray in ay tahay in rai’sul wasaaraha dalkaasi loo magacaabo hogaamiyaha dalka. Source
  18. (SLT-Qaza)-Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa’iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in hal askari laga dilay mid kalana laga dhaawacay intii ay hawlgalka wadeen ciidammada khaaska ah ee marinkaas. Isku dhaca ayaa ka dhacay bariga Khan Younis oo dhanka koonfurta ku yaalla. Qalabka gantaallada ka diga ayaa ka yeeray koonfurta Israa’iil gantaallo Qaza laga soo ganay ayaana la soo riday Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in uu soo gaabiyo booqashadii uu ku joogay magaalada Paris ee kaga qaybgalayay xuska 100 guuradii ka soo wareegtay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, fiidnimadii Axadda ayuuna laabtay, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay xafiiskiisa. Afhayeen u hadlay Xamaas oo ah ururka hubaysan ee ku xoog badan Qaza ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar arxan darro ah oo Israa’iil qaaday.” Salkaalka sare ee laga dilay Xamaas ayaa la dhahaa Sheikh Nur Barakeh kaas oo taliye u ahaa guutada Izzedine al-Qassam oo ururka u qaabilsan Khan Younis. Source
  19. (SLT-Australia)-Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii. Dalka Australia,kumananaan kamid ah dadkii soo dagaallamay dagaalka ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Canbera. Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah. Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo cidaan oo Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa maanta lagu qabanaya Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin. Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii. Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tegaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionDiyaaradaha ka qayb qaadanaya xuska dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Adelaide ee dalka Australia Lahaanshaha sawirkaPRESS ASSOCIATIONImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionXuska 100 sanno guuradiii dagaalkii Koowaad ee Adduunka magaalada Wellington ee dalka New Zealand Maxaa laga bartay dagaalkii Koowaad ee Adduunka Markii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Canbera, Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu ku dheeraday muhiimadda xuska wuxuuna yiri ‘Dadka waxaa laga doonaya inay wax ka bartaan waxyaabihii lasoo maray, marka sii aan u qorsheyno sidii ay isbaddallo u gaari lahaayeen carruurteenna iyo jiilalka soo socda’. Ololahii lagu magacaabay Gallipoli ee sannadkii 1915-kii wuxuu jab ku reebay ciidammada Australia iyo New Zealand . Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in dalkiisa uusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalkii Koowaad balse ciidammada Hindiya ay kasoo dagaallameen waddamo badan si ay xoojiyaan ammaanka dunida. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionUbax la dhigay goob lagu xusayay munaasabadda magaalada Adelaide Hoggaamiyeyaasha oo ku kulmay Paris Diiradda waxaa la saaraya dalalka reer Yurub, halkaaso 70 hoggaamiyeyaal oo caalamka ka socda ay ku kulmayaan magaalad Paris si ay ugu qeyb galaan 100 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa hoggaaminaya munaasabadda ugu wayn oo maanta ka dhaceysa qabuuro ay ku aasan yihiin ciidammadii Faransiiska ee ku dhintay dagaalka gaar ahaan degmada Arc de Triomphe ee magaalada Paris. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionAmmaanka degmada Arc de Triomphe oo si wayn loo xoojiyay Maanta gelinka dambe, kulan looga hadlayo arrimaha ammaanka ayaa ka dhacaya Paris, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale. Sabtidii Macron iyo Merkel waxay booqdeen magaalada waqooyiga Faransiiska ku taalla ee Compiègne halkaas o ay ku saxiixeen buug xusuus ah. Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa qaaburo ku yaalla halkaasi oo ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay dagaalkii Koowaad. Ururrada bulshada rayidka oo gaarayo 50 urur ayaa qorsheynaya inay Paris ka dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan booqashada Trump uu ku joogo Faransiiska. Source
  20. Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in dowladda aanay marnaba lahayn qorshe amni oo cad, isaga oo tusaalooyin badan usoo qaatay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni darrada qeyb ka tahay ciidankii NISA ee la kala direy iyo sidoo kale qorshe la’aantii loo dhisey ciidanka xasilinta ee iyaguna la kala direy. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday booqasho uu maanta ku tagi lahaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaan uu baajiyay socdaalkaasi, kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Dhinaca kale Faarax Nuur Turbac oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Gedo, una warramay Shabelle ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan tagi karin degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa tilmaamay in Jubbaland aysan waxba u qaban shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-gedo.mp3 The post Axmed Madoobe Oo ka baaqday booqashadii Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018. Duulimaadyadu ayaa waxay u shaqeyn doonaan si maalinle ah,waxayna Kenya arrintaan kaga gol leedahay iney kor ugu qaado xiriirka hawada ee Afrika ee isku xira magaalooyinka iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa dadka, si markaa loo xoojiyo xiriirka bulsho iyo dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Duulimaadyadu ay ayaa ka baxaya Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), Nairobi saacadda 07:40, sidoo kalena diyaarada waxay dib kaga soo ambabaxeysaa Garoonka Caalamiga Aden Adde, Muqdisho 10:45 si ay ugu soo laabato magaalada Nairobi 13:00. Madaxa shirkadda Kenya Airways, Sebastian Mikosz ayaa sheegay in duulimaadka maalinlaha ah la doonayo in lagu daboolo baahida sii kordheysa ee socdaalka Soomaaliya, saraakiisha dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee (NGO-yada) iyo tirada sii kordhaysa ee ganacsatada Kenya iyo gobalka oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha bannaan ee dalka. Mr. Sebastian Mikosz ayaa sheegay iney doonayaan muujinta sida ay shirkadooda duulimaad uga go’an tahay isku xirnaanta qaaradda Afrika, iyagoo abuuraya fursado cusub oo loogu talagalay maalgashadayaasha ganacsatada iyo dalxiisayaasha Soomaaliya. Ugu dambeyntii,diyaaradda Kenya Airways ayaa la rajeynayaa iney fududeyso socdaalka labada magaalo oo ah Nairobi iyo Muqdisho oo ah xarumaha ugu muhiimsan ee ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya iyo in la helo howlo ganacsi oo dhaq dhaqaaq leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Balanbale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan, una dhexeysa laba Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale dagaallo ay ka dhacaan halkaasi. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii Maleeshiyaadkaasi uu dhexmaray dagaal xoogan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Xiisad dagaal Oo saaka ka taagan gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article