-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay. Jugta qaraxyada, waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la maqlayay sidoo kale rasaas culus iyo dhawaqa Gawaarida Ambalaaska. Labada qarax ayaa midi waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar. Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km. Dadka ku sugan Baydhabo, waxey soo sheegayaan in qaraxyada oo aan daqiiqado badan u dhexeyn ay dhaliyeen khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Warar dheeraad ah ayaa soo sheegaya inuu kordhay khasaaraha dhimasho ee Qaraxyada waxaana ku dhintay inta la ogyahay 15 Qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badanyahay. Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan. Geesta kale, xaalada Magalada baydhabo ayaa Caawa ka duwan sidii saakay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Galbeed oo goob walba xiray. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—At least ten people have been killed and 15 others injured in twine bomb explosions in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The first explosion went off a suicide bomber blew himself up at Badar restaurant in Baidoa town in southwestern Somalia, killing ten people, a witness said. He says the 2nd blast was heard after unknown gunmen hurled grenade bombs into Bilan hotel in the town, causing untold number of casualty. Heavy bursts of gun shots could be heard through the town, he said. The victims are being carried by ambulances, after arriving at scene of the explosions. There was no immediate claim of responsibility for Saturday’s explosions. The al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group often carries out deadly bombings in high-profile areas of Somalia’s capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamist militant group al-Shabaab, which battled for control of the capital from 2006 onwards, banned forms of public entertainment like movies and musical ringtones in areas under their sway. Somalia has been mired in turmoil since warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991, leaving militants, militia groups and clan leaders all fighting for control of parts of the anarchic country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow ay ka dhaceen labo qarax. Labadaan ayaa qarax ayaa lagu kala weeraray goobo Hoteel iyo maqaaxi ah magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Qaraxyada ayaa mid kamid ahaa ruux isi soo miidaamiyay oo isku qarxiyay goob maqaaxi ah bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi oo dhacay goordhow. Sawiro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa qoorkood mudneeyn in bulshada la la wadaago oo dad goo go’an oo u badan shacab ayaa muuqanayay. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Labo Qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacday Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Qaraxyo aad u culus ayaa la sheegay inay goor-dhaw ka dhaceen maaalada Magaalada Baydabbo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen laba, kuwaasoo mid ka mid ah loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo ka Hoteel caan ah iyo maqaayad ay shacabku ku badnaayeen. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaaan inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxyada, inkastoo aysan jirin cid ka hadashay Qaraxyadan iyo khasaaraha ay geysteen. Qaraxyadaan, ayaa imaanayaa iyadoo xilliyadii u dambeeyay uu ammaanka magaalada Baydhabo ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo goobta ay labada qarax ka kala dhaceen ammaankeeda la adkeeyay, mana jirto cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan. Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa lagu soo beegay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Baydhabo ka billowdeen ololaha Doorasho madaxnimo oo dhici doona bisha soo socda, ayna ku tartamayaan xubno uu ka mid yahay Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa madaxdii hore ee Al-shabaab. Wixii warar ah ee kasoo kordha Qaraxyadan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post haddi ALLE idmo. PUNTLAND POST The post Qaraxyo Ismiidaamin ah oo goor-dhaw ka dhacay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa si rasmi ah isaga casilay xilka, sida ay goor-dhow shaacisay hay’adda. Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku tiri “Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.” Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS. — NISA (@HSNQ_NISA) October 13, 2018 Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliye Xuseen Cusmaan Xuseen la filayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota. Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay sugaanyahannada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee caadaystay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed, maadaama suugaantu ay wacyi gelin iyo dhaxal reebba u tahay shacabka. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Dhamaanteen waxaa naga go’an inaan dalkeenna dib u dhisanno appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa, Laba qarax oo waa weyn oo isku mar dhacay oo abaare 5:30 galabnimo ruxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Labada qarax ayaa mid waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar. Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km. Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas culus oo dhaceysa. Warar aan ka helnay ilo-wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegaya inay u malaynayaan in labada qaraxba ay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah. Baabuurta gurmadka deg degga ah ayaa ku cararaya goobta qaraxa, waxaana warar horudhac ay sheegayaan in qaraxa ay u badan tahay in dadka shacabka lala beegsaday. Waxaa aad looga cabsi qabaa inuu jiro khasaare nafeed oo xooggan, inkasta oo aan la hayn faahfaahin. Warar hordhac ayaa sheegaya in Afar ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay hotel Bilan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab. Magaalada Baydhaba ayaa xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo caasimaddiisa ay tahay magaalada Baraawe. Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa la filayaa inuu dhowaan is-casilo, sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa la filayaa inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota. Ilaa hadda lama shaacin waqtiga uu is-casili doono taliyaha, hase yeeshee maadaama doorashadu dhowdahay, uuna doonayo inuu olole galo, waxaa la filayaa inuu xilli dhow ka dego xilka. Taliye Xuseen Uurkuus ayaa la filayaa inuu warqadiisa is casilaada uu u gudbiyo Madaxweynaha, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Saraakiisha NISA inuu la wadaagay inuu is casili doono. Wararka ayaa waxa ay sidoo kale sheegayaan in is-casilaadda taliyaha ay ku lug leedahay xukuumadda Soomaaliya ay isku dayeysa inay Shariif Xasan ka horgeyso musharax adag, oo xilka kala wareegi kara. Dowladda Soomaaliya ayaa adeegsaneysa xeelad ah inay xubno taageersan ka dhigto madaxweynayaasha qaar ka mid ah madax goboleedyada, si ay u kala dhantaasho isbaheysiga ka dhan ah ee ay sameysteen. Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Federal Democratic Republic of Ethiopia, Ali Sharif Ahmed, handed over a copy of his credentials to the Minister of Foreign Affairs, Dr. Workneh Gebeyehu. In the meeting, which focused on ways to strengthen bilateral relations, the Ethiopian foreign minister stressed that there is an ambition to promote the bilateral relations between the two brotherly countries with a historical dimension to achieve the desire of the Somali and Ethiopian peoples. For his part, Ambassador Ali Sharif praised the strong relations between Somalia and Ethiopia and the common desire of both parties to deepen relations and cooperation in various sectors. He also conveyed the greetings of the foreign minister, the government and all Somali institutions to the Ethiopian government and people In June 16, 2018, Ethiopian PM Abiy Ahmed and Somali President Mohamed Abdullahi “Farmajo” agreed to “strengthen their brotherly bilateral relations. The two leaders also announced they will jointly inves in four seaports to attract foreign investment to their two countries, the latest move in a tussle for access to ports along one of the world’s most strategic waterways. The announcement was made after Ethiopian PM Abiy Ahmed arrived in Somali capital Mogadishu. Ethiopia has over 4,200 troops serving under African Union Mission in Somalia. In addition, several thousand Ethiopian troops operate in various parts of Somalia and not serve under African Union peacekeeping mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka(National Theatre) ayaa ballanqaaday in lagu dhameystiri doonno muddo 9 bil ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay sugaanyahannada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee caadaystay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed, maadaama suugaantu ay wacyi gelin iyo dhaxal reebba u tahay shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland Post-Saraakiil ka tirsan dawlada Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in saxafiga la la’yahay ee u dhashay sacuudiga lagu dhex dilay gudaha dhismaha qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul. Madaxa u hadashay laamaha amniga turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in muuqaalo iyo codad ay hayaan ay muujinayaan in saxafiga lagu qaarijiyay gudaha dhismaha. Saxafigan oo marar badan u dhaleeceyay boqortooyada sacuudiga ayaa markaa ugu wardanbeysay in la arko iyadoo xukuumada sacuudiga ay beenisay in ay iyadu ku lug leedahay wariyahan muuqiisa la waayay. Dhanka kale mas,uuliyiinta qunsuliyada ayaa sheegay wariyahan uu ka tagay dhismaha markii uu dhameystay danihii uu u tagay. Baadi goobka wariye Jamal ayaa wali waxaa wada saraakiil ka tirsan ciidamada turkiga iyo kuwo u dhashay sacuudiga iyadoo shalay mareykanka uu sheegay in uu qeyb ka yahay baadi goobka wariye Jamal. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Warbixino hordhaca oo la helay ayaa muujinaya in wariyiihii lagu dhex dilay qunsuliyada sacuudiga ee Istanbul appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu ka bilowday Olole siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Xaaf. Xildhibaano ka tirsan Galmudug, gaar ahaan garabka Ahlusuna ee fadhiya Dhuusamareeb ayaa mooshin ka wada Axmed Ducaale Geelle Xaaf Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanada mooshinka ka wada Madaxweyne Xaaf ay gaarayaan kontomeeyo, iyadoo uu sii socdo saxiixa mooshinkan. Mooshinka laga wado Xaaf ayaa ku soo aaday, iyadoo ay jirtay hadal heyn ku saabsaneyd magacaabida Gole Wasiiro cusub, waxaana jira Xildhibaano ka biya diidan magacaabidaas oo aanay iska dhex arki doonin. Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo, waxaana uu uga gudbi doonaa magaalada Garowe oo 15-ka bishan ka furmi doona shir ay leeyihiin Madaxda dowlad goboleedyada. Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Dhuusamareeb ayaa waxay sii xoojineysa khilaafka uu la daala dhacayay Maamulka Galmudug oo horay madaxdiisa ay ugu kala jabeen Cadaado iyo Dhuusamareeb. Sida ay Xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, Ururka Ahlu Sunna ayaa wadahadal hoose la leh Dowladda Soomaaliya waxaana laga yaabaa in la siiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Soomaaliya. Waxaa hadda socdo wadahadal lagu doonayo inay Ahlu Sunna meesha kaga saaryo Madaxweyne Xaaf sidoo kalana iyagana ay ku heli lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha. Ahlu Sunna ayaa wasiirkaas usoo magacaabi doonto qof kasoo jeedo Beesha Habargidir sida aan xogta ku helnay. Madaxweyne Xaaf ayaa hadda laga soo weerartay meel uusan fileyn, waxayna arrintaan kusoo aadeysaa xilli uu dhawaan lumiyey Magaalada Cadaado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The President of Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi (Farmaajo) has laid on Saturday a foundation stone to re-build the National Theatre in the capital of Mogadishu. Speaking to the journalists, Abdinur Mohamed Ahmed, Director of Communications at Villa Somalia, said President Farmajo had laid foundation stone at National Theatre, in a bid to be re-built. Mohamed says the President pledged that the national theater in Mogadishu would be reconstructed within a year. He told journalists that the National Theater would be re-built under the self-help called as ‘Isxilqaan’ programme launched by government last month. “The theatre is symbolic – we’re saying that Mogadishu is our capital”, he said. “We expect the artists to present their creativity”. Mohamed added: “We’re seeing art and culture returning to the lives of the Somali people.” The theatre was closed in July 1991 when Somalia descended into conflict and was nearly destroyed in fighting over subsequent decades. But, in March 20, 2012, Somali musicians staged a concert for the first time in 20 years, a sign of a marked improvement in security in the war-ravaged Horn of Africa country. The National Theatre of Somalia is located in central Mogadishu, Somalia. It was opened in 1967, and served as an important cultural landmark in the national capital. The institution was closed down after the start of the civil war in the early 1990s, but was later intermittently renovated by the local authorities in 2013. The Islamist militant group al-Shabaab, which battled for control of the capital from 2006 onwards, banned forms of public entertainment like movies and musical ringtones in areas under their sway. Somalia has been mired in turmoil since warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991, leaving militants, militia groups and clan leaders all fighting for control of parts of the anarchic country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqasho ku tagay dalka boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmay madaxda sar sare ee boqortooda sida Boqorka Salmaan, dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan iyo wasiirka arrimaha dibedda. Wasiirka warfaafinta dowladda Federal Daahir Maxamuud Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay nuxurkii booqashada Wasiirka kowaad ee Xukumadda ayaa ku sheegay in ay daarneyd xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Soomaaliya loo bogaadin lahaa oo ay deeqo hor leh u heli lahayd. Si kastaba, warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrimo kale ay ku hoos duugnaayeen ujeedka booqashada Kheyre. Sida ay Caasimadda Online ku heleyso ilo lagu kalsoonaan yahay, waxa ay boqortooyada Sucuudiga u soo bandhigtay Ra’iisul Wasaare Kheyre yabooh dhaqaal oo aad u badan, taas oo ay uga gol lahayd sidii uu u noqon lahaa mid siyaasad ahaan dhinaca xulufadooda u janjeedha. Sacuudiga oo og in hami madaxweyne uu ku jiro Kheyre, ayaa isku dayaya inuu soo goosto, kana dhigo Kheyre mid ugu yaraan si hoose ula shaqeeyo. Arrintan ayaa la og yahay in ay dhabbaha u xaadhi doonto is-diid siyaasadeed oo ku yimaada xafiiska Madaxweynaha iyo midka Raisul Wasaaraha oo hadda ka mid ah guulaha ugu waa weyn ee ay dowladdu gaadhay maadama aysan weli is khilaafin. Ilaha waxa ay ku warramayaan in danta uu Sucuudigu ka leeyahay in uu khilaaf uga dhex abuuro madaxda sare ee dowladda ay ugu weyn tahay khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Turkiga oo hadda meel adag gaadhay. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Sucuudiga oo awalba aan cago badan ku taagneyd ayaa sii xumaaday toddobaadkii hore kaddib markii la dilay saxafi Sucuudi ah oo ku sugnaa Turkiga waxaana hadda eeddaas loo haystaa qunsuliyadda Sucuudiga oo la aaminsan yahay in lagu dhex dilay. Walow ay wali socdaan baadhitaano umuurtaas ku saabsan, hadana haddii Turkiga ku caddeeyo in saxafiga lagu dilay Qunsuliyadda waxaa xumaan kara xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, taas oo horseedi doonta in Soomaaliya dhinac raacdo. Si kastaba, wali ma cadda go’aan Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya uu ka qaatay dalabka Sucuudiga, in uu ku gacan saydhay iyo in uu u hoggaansamayba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir fikirkiisa waan jecel ahay, wax uuna ka mid yahay wadaaddada tanwiiriga ah ee ay Soomaalidu maanta u baahan tahay. Laakiin si xun buu u darjiidhay doodda ku saabsan murashaxnimada Mukhtaar Roobow ee Koonfur Galbeed. Mukhtaar Roobow isaga oo xor ah ayuu Shabaab ka baxay, madaxiisa oo ay raadinayaan buu la dagaallamay, qabiilkiisa ayuu dhex galay oo ka mid noqday oo is ku difaacay iyagana difaacay. Haddana Qarankiisa ayuu isu soo dhiibay oo cafis wayddiistay, waana la cafiyay oo la aamminay, sida ay dadnimada iyo diintuba ina farayaan. Qof waliba wuu gefaa, Ilaahayna wuu jecel yahay kuwa gefkooda ka soo noqda. Shabaabnimada, xagjirnimada iyo argagixisannimadu ma aha abuur loo dhasho ee waa fikir iyo dhaqan la qaato la gana bixi karo. Sheekh Shariif laba maalmood buu mid ahaa xagjir argagixiso ah midna ahaa madaxweynaha Soomaaliya oo innaga iyo duniduba aqoonsannay. Anigu wax aan rumaysan ahay madaxnimada Mukhtaar Roobow ee Koonfur Galbeed wax ay noqon lahayd jabka Shabaab iyo hanaqaadka maamul wanaag gobolkaasi helo. Waa nin dadkiisa iyo dantooda yaqaan. Waa nin aynnaan ku aqoon saqajaannimada iyo maaddinnimada siyaasiga Soomaalidu caanka ku noqday. Laakiin gaalada iyo Carabta dhulka qasaysa ayaa diiddan. Markaa Sh. Cabdiraxmaan Bashiir dooddiisu waa dhidar onkod kiciyay. W/Q: Ibraahim Hawd Yuusuf Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The United States Senate has on Saturday endorsed approved Donald Yamamoto new U.S. ambassador to Somalia. The U.S. Senate’s Foreign Relations Committee reviewed the achievements of the nominees while in office in relation to the task awaiting them if confirmed. Mr. Yamamoto, 64, previously served as the senior US diplomat for Somalia and Eritrea as President, Donald Trump announced his ambassador picks for Somalia and Nicaragua, aiming to reduce the number of vacant ambassador positions. Trump nominated Donald Yamamoto to be the ambassador to Somalia and Kevin Sullivan. Mr. Yamamoto heads the Bureau of African Affairs within the State Department. He served as the U.S. ambassador to Ethiopia from 2006-2009 and Djibouti from 2000-2003. The United States which maintains a non-resident diplomatic mission in Nairobi for Somalia had restored its diplomatic mission in Somalia in 2014. The newly appointed envoy is set to arrive in Mogadishu and take over the US mission to Somalia. The US embassy is located in the heavily fortified African Union peacekeeping forces’ base, known as Halane in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sabtida maanta ka soo laabtay safar mudda toban cisho ah qaatay oo uu ku tegay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya. Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee General Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay,madaxweyne ku xigeenka Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey),mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda,saraakiil ka socotay madaxtooyada,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe. Mudane Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo warbixin kooban gudaha garoonka ku siiyay saxaafadda ayaa sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee Beesha caalamka,islamarkaana uu kala soo hadlay danta guud ee soomaaliya iyo gaar ahaan danaha Puntland. “mudda ku dhow toban beri ayan safar shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi. Dabcan waxan isku’soo aragnay meeshaas Beesha caalamka,qeybo kala duwan ama safaarado ha noqdaan Soomaaliya qaabilsan ama hay’adaha caalamiga ah. Dabcan waxaan kala hadlaynay waxay ahayd danta caamka ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntlandba” ayuu yiri Gaas. Wuxuu intaas raaciyay in socdaalkiisa Nairobi uu qaatay in ka badan wakhtigii loo qorsheeyay,balse uu ku soo dhammaaday arrimo guul u ah danaha Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,inkastoo uusan faahfaahin ka sii bixin arrimahaasi. Dhinaca kale suxufiyiinta ayaa su’aalo ka weydiiyay madaxweynaha dib u dhaca ku yimid magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee xulista Baarlamanka? Iyo in uu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland? balse wuxuu ku jawaabay in labada su’aaloodba aan wakhtigooda la gaarin. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay socdaal uu ku tegay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay khudbad ka jeedineysay munaasabadda lagu xusayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee la xuso burburkii kadib. Khadiijo Maxamed Diiriye hadalladeeda waxaa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay maamuuska maalinta calanka Soomaaliyeed, laakin laga soo bilaabyo 2,000, intii hadda qaran burburka nagu dhacay, dowladihii KMG ahaa markii laga soo baxay, waxaan ku faraxsanahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga inay nasiib u heleen inay xusaan maalintan oo aan horay loo xusi jirin”. Hadalka wasiir khadiijo waa been abuur iyo indho sarcaad ay ku sameysay dadka Soomaaliyeed, maalinta calanka waxaa si joogta ah looga xusi jiray Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa 2014-kii iyo munaasabadda lagu xusayey sanad guuradaha 60-aad ee maalinta calanka. Xaflad lagu qabtay Muqdisho waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu dheeraaday taariikhda calanka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Somalia, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda, calanka waa waxaan naga harayn, waayo geesiyaasheenna marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dedaa, marka aan weyneyno calankeenna,” Sanad kadib, 2015-kii waxaa sidoo kale lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar waxaana ka soo qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid, guddoomiyaha golaha shacabka jawaari, duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo madax kale, waxaana looga hadlay qiimaha calanka. Labadaasi sano waa tusaale dhow, laakin 4-tii sano ee madaxweyne Xasan Sheekh si joogta ah ayaa loo xusi jiray maalinta calanka Soomaaliyeed. Lama oga waxa ku qasbay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye inay dafirto taariikh dhow, oo loo heli karo maqal, muuqaal iyo qoraalba. Maamulka hadda jira ee dhashay Febraayo 8, 2017-kii, waxaa uu ku caan baxay erayo ay ka mid yihiin ‘Markii ugu horeysay” iyo “28 sano kadib”, inta badan kuma fadhiyaan xaqiiq ee waa erayo lagu raadinayo sacab.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia will be marking the first anniversary of a truck bombing in Mogadishu on 14 October that devastated Mogadishu capital, leaving at least 500 people dead and many others with debilitating injuries or still missing. The country’s deadliest truck bomb explosion happened 14th Oct, 2017 at Zobe junction, a busy crossroad in Somali capital Mogadishu. The local government has on Friday placed a memorial tower at scene of deadliest truck bombing KM5 (Zobe) junction to mourn those who lost their lives. Somalia is preparing to mark the first anniversary of a truck bombing in Mogadishu on Sunday, 14 October that killed 512 people. Somalia is preparing to mark the first anniversary of a truck bombing in Mogadishu on Sunday, 14 October that killed 512 people.The country has seen its catastrophic militant bomb and assassination attacks in its recent months. Last year’s October 14 truck bombs at the busy Zobe junction —since renamed October 14 in memory of the victims— were the bloodiest. The attack caused hundreds of families to lose their loved ones as some were their breadwinners. Somali President Mohamed Abdullahi and his premier promised to stand helping those who lost their loved ones in the heinous attack. Caasimada Online journalists said bodies and, buses and cars had been seen on the ground, shortly after the suicide explosion in the capital of Mogadishu. Caasimada Online photojournalists also captured graphic photos showing that the truck bombing destroyed nearby hotel, restaurants, shops and mosques. In an interview, former Mayor of Mogadishu, Thabit Abdi Mohamed says it was true that families had been experiencing the trauma and pain of losing their loved ones in the explosion.. He says he had never seen such a horror in my life. “The attack was a disaster and I realized that we could not handle alone”, Mohamed said. Mohamed, who devoted his time and energy, has led the massive voluntary efforts to response to the disaster and help the victims of the horrible explosion. “I’m sure that many families are still experiencing the trauma and pain of losing their loved ones, but, I hope for better times ahead is still stronger than ever”, he said. Mohamed, who still wearing his red armband over the bombing, has called on local residents in Somali capital Mogadishu to remember the victims of October 14. The current Mayor of Mogadishu, Abdurahman Omar Osman said his Mogadishu Municipality had built a Memorial Symbol at the site of the 14th October truck bomb attack, in a bid to honor of the victims “This is a sign and reminder of the KM5 intersection, but, from now on, it will be called as which is now called the crossing of the 14th of October junction to remember those who killed in the attack”, Osman in a Twitter post. Astaantan waa calaamad iyo xasuusin isgoyskii KM5 oo hadda la yiraahdo isgoyska 14 October. Waxaan qorsheyneynaa in la sameeyo Taallo iyo goob lagu soo bandhigo magacyadii shaqsiyaadkii naga geeriyooday maalintaas madow. pic.twitter.com/7AoVrsoCyI — Abdirahman O. Osman (@engyarisow) October 13, 2018 Osman says attack united the people like never before and through that unity, adding that “we faced the disaster together and came through”. Earlier on Saturday, hundreds of people, mainly students from schools and universities have been seen shooting selfies before the erected memorial tower at scene of deadliest truck bombing— KM5 (Zobe) junction in Somali capital Mogadishu. The deadliest bomb attack was blamed on Al Qaeda linked Al Shabaab group on Somalia. But the group denies to have carried out it. The group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah. “In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan. Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii. Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraal ay maanta soo saartay dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa lagu sheegay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada aan loo aasaasin inuu noqdo isbaheysi mucaarad balse ujeedka ahaa inay dowladda federaalka ah kala shaqeeyaan arrimaha federalism-ka, qeybsiga kheyraadka iyo arrimo kale. Hirshabelle waxaa ay sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in go’aan walbo oo ay soo saaraan oo aysan kuwada dhammeen dowlad goboleedyada aanu aheyn mid sharci ah. Akhri, qoraalka oo dhameystiran: Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay tani caddeyn buuxda u tahay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa qeyb ka noqoshada iskaashiyada caalamiga ah ee lagu dhawrayo xuquuqda adaanaha, isagoona tilmaamay in ololaha ay Soomaaliya uga mid noqotay Golahani uu qaatay muddo sannad iyo bar ah. “In dalkeennu uu u tartamo, kuna guuleysato ku biiritaanka Golahan oo kale waxay muujineysaa inaan si qumaati ah dib ugu soo noqoneyno booskii aanu ku lahayn caalamka. Waxaan xoogga saareynaa sidii aanu u xaqiijin lahayn dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha si waafaqsan sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba.” Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dalalka aan bahwadaagta ku nahay Urur Goboeedka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dalalka kale ee aan saaxiibada nahay sida hagar la’aneed ee ay inoogu garab istaageen kamid noqonashada Golahan. Guushan taariikhiga ah keddib, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dardargelinaysaa dadaallada ay uga tartamayso xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ay ugu dambeysay sanadkii 1971-72dii. Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan soo celinta maqaamka Soomaaliya ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka oo in muddo ah dalku uu ka maqnaa, iyada oo la garabsanayo dalalka aanu saaxiibada nahay iyo bahwadaagta kale ee Soomaaliya. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweynaha oo soo dhoweeyay kamid Noqoshada Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid go’aanno uu sheegay in madaxda kale ee golaha iskaashiga dowlad goboleeda ay ka soo saareen shir ay ku yeesheen magaalada Nairob,sida uu hadalka u dhigay. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in golaha iskaashiga laga leexiyay ujeedkii loo as’aasay ahaa arrimaha Federaalka,islamarkaana uu noqday is-bahaysi mucaarad ah oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu xusay in go’aannada goluhu gaaray ee ay ka maqantahay Hirshabeelle ay yihiin kuwa sharci-darro ah oo baal-marsan hadafkii loo as’aasay golaha oo aysan aqoonsaneyn Hirshabeele. Dhinaca kale sida war-murtiyeedka ka muuqata madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu diido ka muujiyay magacaabista,af-hayeeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ,isagoo sheegay in uu baraha bulshada ka arkay magacaabista. Halkaan ak akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo ka horyimid golaha iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka soo horjeestay go’aamadii u dambeeyay iyo shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Nairobi, kaasoo ay la qaateen Beesha Caalamka. War murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in go’aan kasta oo ka soo baxa shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo aysan qeyb ka aheyn Hirshabeelle uu yahay mid sharci darro ah. “dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay ka soo horjeestaa wax kasta oo baal marsan hadafkii loo aas aasay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle. Halkaan hoose ka akhriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Bari ,Yuusuf Maxamed Wacays(Dhedo) ayaa digniin ka bixiyay roobab dabaylo wata oo la saadaaliyay in ay ku soo aaddan yihiin xeebaha Puntland,gaar ahaanna gobolka Bari. Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa bulshada gobolka uga digay in ay taxaddar ka muujiyaan duufaannada la sheegay in ay ku soo wajahan,waxaana uu si gaar ah ugu digay shacabka ku nool degaannada xeebaha ah iyo miyiga gobolkaasi. Mudane Dhedo ayaa sidoo kale farriin u diray maamulada degmooyinnka iyo tuulooyinka dhaca xeebaha gobolka Bari oo uu ku amray in ay bulshada ku wacyi-geliyaan khatarta duufaanaha ku soo wajahan degaannadooda ee ka imaanaysa dhinaca dalka Cummaan. Wuxuu intaasi raaciyay in shacabka looga baahanyahay feejignaan dheeri ah,si loo yareeyo khasaaraha dabaylaha iyo roobabku sababi karaan,isagoo ku boorriyay in laga baxo meelaha godan ee u nugul duufaanta. Dhinaca kale taliska ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa heegan geliyay cutubyada gaar ah ee ku sugan xeebaha,si ay u badbaadiyaan shacabka,haddii ay khatar dareemaan,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska. Maalmaha sabtida iyo Axadda ayaa la saadaaliyay in roobab duufaanno wataa ku wajahan yihiin xeebaha gobolka Bari ee Puntland,waxaana dowladdu ka soo saartay digniino is-xigay oo shacabka loogu baaqay in ay ka fogaadan meelaha duufaanta u nugul. PUNTLAND POST The post Digniintii u dambaysay ee dufaan ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.