-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay baareyso Hub farabadan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Maraykanka ee jooga xeebaha Somalia iyo Yemen. Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee faraha kula jira baaritanka Hubka ayaa sheegay inuu ka kooban yahay in ka badan 2,500 qori noociisu yahay AK-47 iyo hub kale. Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay cabsi ka qaban in Hubka uu u socday Somalia oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xasiloonida ka jirta dalka. Kormeerayaasha waxa ay tilmaameen in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran u tahriibinaysay Somalia ama Yemen. Waxa ay sheegen in Iran ay halis ku tahay xasiloonida Africa gaar ahaan Somalia iyo Yemen, waxa ayna baarayaashu shaki weyn ka qabaan in Hubka uu yahay mid kusii jeeday Somalia. Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Maraykanka waxa ay tilmaameen inay si joogto ah isha ugu heyn doonaan arrinta Hubka ee Iran, waxa ayna dowlada Iran ku eedeeyen inay si sharci darro ah u tahriibinayso Hubka noocyadiisa kala duwan. Taliyihii ciidamada Mareykanka ee 5aad Admiral Scott Stearney ayaa u sheegay Saxaafada in ay aaminsan yihiin in hubkaasi loo waday Soomaaliya,islamarkaana uu ka yimid dalka Iran. Dhinaca kale, Kooxda Qaramada Midoobey ee Baarista wadda ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan maalmo ka dib hubkaasi,halka loo waday in ay aheyd Soomaaliya ama Kooxda Xuutiyiinta Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khudbaddii uu talaadadii jeediyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee uu kaga hadlayey dilkii saxafiga reer Sucuudi Careebiya Jamal Khashoggo ma jirin meel uga soo daray dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bi Salman. Maxamed waxaa si weyn loo aaminsan yahay in uu yahay hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga walow uusan si rasmi ah u magacowneyn, taas oo ay jirto, tan iyo markii la waayey Khashoggi, waxaa la is weydiiyey in hawlgalkii iyo qabashadii lagu dilay saxafiga la fulin lahaa la’aanta ogolaanshaha Maxamed Bin Salmaan. Laakiin Erdogan waxa uu dalabyadiisa ah in la helo cadaalad, jawaabo uga dalbadat Boqorka Sacuudiga oo ah abaaha Maxamed Bin Salmaan, isaga oo dhaxal sugaha soo hadal qaadin. Haddii aysan ahayn xushmad muuqata oo uu u hayo boqorka Sucuudiga, waxa ay sidoo kale ahayd waxa farqi u dhexeeya boqorka iyo dhaxal sugaha, kaas oo uu Erdogan u arko mid ay isku hayyaan aragti, sidoo kalena ku ah qatar danaha Turkiga iyo himiladeeda Bariga Dhexe, waxaa sidaas qaba fallanqeeye siyaasadeed. Waxaa Iyana jirta dood ah in Erdogan ku dalbanayey in uu hoos u dhigo Maxamed ama ugu baaqo boqor Salmaan in uu xusho dhaxal suge kale, laakiin labada kiisba keey ahaato, waxa uu si guud ahaaneed isugu dayey in uusan waxyeello u geysan xiriirka kala dhexeeya Sucuudi Careebiya. Sida ay yiraahdeen, waa callaamaddii ugu dambeeysay ee uu Erdogan ku isticmaaayey kiiska Khashoggi – ku dheereysto oo uu ugu adeegsado hadafka weyn ee istaraatijiyaddiisa. In ka badan saddex toddobaad kaddib dilkii Khashoggi ee Sucuudiga taas oo uu Erdogan ku tilmaamay hawlgal sii qorsheysnaa, dowladdiisa wali si waadax ah uma sheegin in ay dabinka cidda amarta ogtahay. Khuburadii kiiska u baarayey Turkiga wax ay sheegeen in ay maalmo gudohood ku uruuriyeen caddeymo ku saabsan qorshihii Sucuudiga ee lagu dilay Khashoggi. Laakiin istaraatijiyadooda waxa ay ahayd in ay u soo gudbiyaan xogta inyar iyar, iyaga oo ku cadaadinaya Sucuudiga ay daaha ka rogaan waxa dhacay taas oo sababaeysa in Sucuudiga ay cadaadis kala kulmaan saaxiibadeed. Khudbaddii Erdogan ee salaasada sidaas ay ku sii socotay, soo gudbinta xogo cusub laakiin aan bannaanka soo dhigeynta runta qaawan oo ahayd ballanqaadkiisii taas oo keentay in aduunka si dhaw ula socdo waxa uu sheegi dooni. Iyada oo ay dhici kartay in daawadeyaal aad yar ay maskaxda ugu sawirneyn. Hadana khudbadda waxa ay u dheceysay qaab farriimeed toos ah oo ku socota boqorka, sidaas waxaa yiri H.A. Hellyer, xubin sare oo ka tirsan hay’adda cilmi barista ee Atlantic Council, isaga oo soo qaadanaya hadaladdii xushmadda lahaa ee uu Erdogan u adeegsanayey marka uu ka hadlayo boqor Salmaan isaga oo tusmeynaya. Xataa codsiga ugu adage e Erdogan – in Sucuudiga uu u soo musaafuriyo Turkiga 18-ka la tuhunsan yahay ee ay u xir xireen kiiska – waxaa la orkayey soo jeedin ku socota boqorka. “Waxa uu rejeynayaa haddii uu sidan dagan ku wajaho in boqorka laftiisa uu go’aansan doono in Maxamed Bin Salmaan u qalmin dhaxal sugaha,” waxaa sidaas yiri Hellyer. Dadka Sucuudiga ah ee sheekada kor kala socda waxa ay qabaan in natiijado aad u hooseyso, laakiin qaabka uu wax u raadinayo Erdogan waxa ay caddeyneysaa sida weyn ee uu uga soo horjeedo Maxamed Bin Salmaan siyaasadiisa Bariga Dhexe. Waxyaabaha kala qeybinaya labada dal waxaa ka mid ah taageerada Turkiga siiyo Qadar taas oo khilaaf xoogan kala dhexeeyo Sucuudi Careebiya iyo xulufadeeda, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Turkiga sidoo kale waxa ay taageereen dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta sida Ikhwaanul Muslimiin oo ay dowladahaas sharci darro ku tilmaameen. Erdogan sidoo kale waxa uu ka soo horjeeda maamulka Trump ee sida weyn ugu tiirsan Sacuudiga, xulufadeeda Carabta iyo Israel marka ay timaado kahor tagga Iran, waxaa sidaas yiri Aydin Selcen, oo ah fallanqeeye Siyaasadeed, hore u ahaa diblomaasi reer Turki ah. “Sidoo kale waxa ay Iran u arkaan ahmiyad ammaankooda ah. Marka ay timaaddo dhinaca Turkiga sidaas ma aha. Turkiga waxa ay leeyihiin ahmiyado kale,” ayuu yiri. Hellyer oo isna ka tirsan Atlantic Council, waxa uu sheegay in Ankara u aragto Maxamed iyo hoggaamiyeyaasha UAE iyo Egypt “Saddex ugu muhiimsan ee is hortagaya saameynta siyaasadeed ee Turkiga”. Haddii Erdogan “Uu Curyaamiyo ama siyaasad ahaan wiiqo Maxamed Bin Salmaan, waxa sidoo kale wiiqmo doona labada kale,” waxaa sidaas qaba Hellyer. Istaraatijiyaddan waxa ay Qatar u keeni kartaa Erdogan marka la eego da’yaraanta Maxamed maadaba uu ahaan karo boqor tobaneeyo sano, isaga oo korinaya collaada Turkiga. “Erdogan waxa uu jeclaan lahaa in wiilka Boqorka tago,” waxaa sidaas yiri Soli Ozel, Professor xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Istanbul. “Waxa uu isku dayayaa in uu sidaas sameeyo isaga oo aan jajabin qobka sare ee ukumaha.” Turkiga waxa ay raadinayaan faa’iideyin kale, waxaa ka mid ah tageero dhaqaale oo uga yimaadda Mareykanka ama Sucuudi Careebiya. Ankara oo ah dalka suxufiyiinta ugu badan ay xabsiyada ugu jiraan, waxa ay sidoo kale jeclaan lahayd in ay iska yareyso go’doonka ay caalamka uga jirto marka ay le’eego diiwaankeeda xuquuqul insaanka. Dhinaca kale waxaa jira qab qaran. Go’aanka Sucuudiga ee gudaha Turkiga ugu dileen Khashoggi waxa ay dharbaaxo wajiga ah ku tahay dowlada Turkiga,” waxaa sidaas yiri Selcen. “Aniga ahaan, ka muwaadin Turki ah, waa dharbaaxo wajiga ah. Tani waxa ay u baahan tahay in ay xalliyaan boqorka iyo Mr Edogan.” Dowladda Turkiga waxa ay ilaa hadda iyo ammaan ku mudatay soo bandhigga xaaladda Khashoggi laakiin waxa ay halis ugu jiraan in lagu eedeeyo in ay baacsanayeen danahooda gaarka ah iyaga oo ku dadaya xuquuqda wariyeyaasha u xiran. Malaha, wey ka badbadiyeen istaraatijiyadan boor isku qariska ah,” waxaa sidaas qaba Selcen. Waxa ay ku lumin karaan karaamadooda.” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Waxaa xalay la keenay Muqdisho ilaa 22 qof oo ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay dagaal beeleedkii ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool. Dadkan oo ay qaarkood xaaladdadoodu aad u liidato ayaa waxaa laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inaan waxba loogu qaban Karin, iyadoo haatanna la dhigay isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer). Diyaaradda ayaa markii hore ka qaadday Muqdisho gargaar Caafimaad oo Dowladda Soomaaliya ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ku dhaawacmay dagaalka, ayaa waxaa la socday wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda, Cabdulahi Bidhaan Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysigga iyo Qeyraadka Badda, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kamid ahaa xubnaha ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay arrintan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan ku bixineyso siddii arrintan wax looga qaban lahaa. “Dhaawacyadda qaarkood aad ayey u jajaban yihiin qaarkood kalena aad ayey u liitaan waxaana u soo qaadnay siddii halkan loogu daweyn lahaa”. Ayuu yiri Wasiir Bidhaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khubaro Qaramada Midoobey ah ayaa baareysa in ka badan 2,500 qoray oo AK-47 ah iyo qoryo kale ah, ee uu qabtay markab Mareykanka ah, qoryahan oo laga qabtay xeebaha Yemen ayaan la ogeyn meesha ay ka yimaadeen, Soomaaliya ama Iran. Mareykanka waxaa ay sheegeen inay u yeereen khubarada wax baarta oo ka socota Qaramada Midoobey si loo baaro in Iran ay hub u direysay Xuutiyiinta iyo in kale, Dhahraan ayaa dhankeeda inkirtay hubkaas. Mareykanka waxaa uu marar badan ku eedeeyey Iran inay jabiso go’aannada Qaramada Midoobey ee ka dhanka ah hubeynta Xuutiyiinta, oo ah hub iyo saanad u dirto Xuutiyiinta. ” Waa Marriin aad u weyn” sidaasi waxaa saxfiyiinta u sheegay Admiral Scott Stearney, oo ka badan Khaliijka Cadan iyo marriinada kale. Markabka Mareykanka oo roondo ku jiray ayaa sheegay inay arkeen Markabka hubka siday, waxaana laga qabtay meel 70 mile u jira xeebaha Yemen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The murder of Jamal Khashoggi may put Saudi Arabia and its allies in a position to compromise with Doha, analysts say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xisbiga mucaaradka ee UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku cabiray ra’iyigiisa ku aadan go’aannadii shalay kasoo baxay shirkii madax goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe. Hoos ka aqriso qoiraalka Mahad Salaad 1. Madaxweyne Maamul Goboleed. 2. Madaxweyne Madaxweyneyaal Maamul Goboleed. 3. Maamul iyo ciidan ka madax banaan midka Dowlada Dhaxe. 4. Xisbi siyaasadeed oo dagaal siyaasadeed lagu dhisay. Dadna la iskaga celinayo. 5. Shirweyne kulminaya mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Ciyaartaan si jaanta iyo jiibta la iskula helo waxaa ka dhiman ayaan filayaa Barlamaan, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad ka madax banaan mida Dowlada Dhaxe ee tolow iyaduna ma shirka Dhuusamareeb ayay ka dhalan doonaan?! Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin keligii garramay iyo nin dhul gannay midna ma gefo” saaxiibadey madaxda Dowlad Goboleedyada waxaan dhihi lahaa keligiin ayaad garanteen waxa meesha yaalana waa HARAG SAGAARO. Harag sagaarana iiga kac ma ahee iiga durug ma leh ee xaalka hala dajiyo sidaan Soomaali ayaa kusii kala tagaysee! Madaxweyne Farmaajo waxaan leeyahay Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Waxa jira sadex abaar. Abaar geel, abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko la’aan, abaar dumarna waa ubad la’aan, abaar ragna waa arin la’aan”. Duqiyow taladii dalkaan iyo dadkaan looga ariminayay ma haysid amaba waa kaa qaloocantahay ee isdabo qabo. Dalka iyo dadkana bohosha ay ku socdaan ka badbaadi. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oronaysa “Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan”. Duqiyow xisaabtu dhankaaga ayay ka xirmi la’dahay ee fadhigaan fadhi kale ku badal! Soomaalida kale ee durbaanka ka daba tumaya labada dhinac sax iyo qaladba waxaan dhihi lahaa yaanan noqonin ninkii isku helliyay NIRIGTII dibno la’aanta ahayd iyo hashii naaso la’aanta ahayd ee yiri: “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa” ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan u turno, kana shaqeyno in loo kala dab qaado odoyaashaan biyaha hoostooda iska haraatinaya. Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu na haleeshiiyo towfiiqda iyo talada tii toosan. Aamiin. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
-
Retired U.S. general says war with China likely in 15 years
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
"I think in 15 years — it's not inevitable — but it is a very strong likelihood that we will be at war with China," said retired Lt. Gen. Ben Hodges Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, kadib go’aankii kasoo baxay madax goboleedyada. Fiqi ayaa qoraal uu uga hadlayo go’aanka madax goboleedyada soo dhigay facebook. Hoos ka aqriso. MADAXDA DAWLAD GOBOLEEDYADA OO GAROOWE KA SOO SAARAY GO’AANNO SAAMAYNAYA MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE DALKA. Shirkoodii uga socday magaala madaxda Dawlad goboleedka Puntland mudadii u dhexeysay 20 – 24 Oktoobar 2018, waxaa ka muuqda in uu ka soo baxay go’aanno wax badan ka badalaya wixii horay u jiray, kana dhigan in madaxda Villa Soomaaliya si dhab ah looga tashaday, ayna ballaariyeen golahooda oo u muuqda in talooyinka soo socda iyo shirarkooda Danbe ay ku casuumeen waxgaradka Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasadda dalka ka dhisan shir ay ugu magac dareen “Shirweyne Wadatshi Qaran ee Badbaadada Dalka” Qodobada ugu Muhiimsanaan war-murtiyeedkii madaxda dawlad goboleedyada waxaa ka mid ahaa: AMNIGA: 1. Qorshihii amniga Qaranka oo ay sheegeen in uu guul-darraystay & Golihii Amniga Qaranka oo ay xubnaha ka ahaayeen dawlad goboleedyadu oo si buuxda burburay. 2. Gole Amni Heer Dawlad goboleed oo bedel u noqda kii Amniga Qaranka oo la dhisay kaas oo ka shaqaynaya abuurista ciidamo isku dhaf ah oo dawlad goboleedyadu leeyihiin, oo buuxin doona booskii ciidankii dawladda dhexe laga sugayey in ay kaga qeybqaataan Amniga gobolada iyo la dagaalanka Alshabaab, oo la waayey. SIYAASADDA: 1. Sii adkaynta ningaxii hakinta wada shaqaynta dawladda dhexe & in ay Qoorta u dhiibteen aqalka sare dhexdhexaadinta ay wadaan. 2. Waxay ifiyeen faragalinta iyo dhaqaalaha ay ku bixinayaan madaxda Villa Somalia burburinta Maamul goboleedyada. 3. Waxey shakki galiyeen Xeerar ay ka mid yihiin kan Betrolka oo aan haba yaraatee waxba lagaga darin waxyaabihii shirkii Baydhabo lagu heshiiyey, Xeerarka doorashooyinka iyo kan xisbiyada oo aan wadatashi ah lagala yeelan dawlad goboleedyada. GARSOORKA & DASTUURKA: 1. Waxay ka digeen dhismaha guddiga adeegga garsoorka ayadoo dastuurka la hareer-marayo. 2. Dib u eegistii dastuurka oo ay tilmaameen in la afduubtay, taas darteed aysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa. SHIRWEYNE WADATASHI QARAN: waxey ku baaqeen in la qaban doono muddo bil gudaheed “Shirweyne wadatashi qaran ee badbaadada dalka oo ay xisbiyada iyo bulshada rayidka ah ku wehlin doonaa dawlad goboleedka”. XISBIGA DAWLAD QARAN EE DAWLAD GOBOLEEDYADA: 1. Dhismaha Xisbi Qaran oo ay ku midaysan yihiin madaxda dawlad goboleedyadu oo magaciisii iyo guddoomiyihiisii la isku raacay. Gabagabadii oo ay oo isbedel ku sameeyeen madaxdii Golahooda oo horey ugu heshiiyey in maamulka CIC uu noqdo meerto sanadle ah, apago iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeen cusub oo CIC hogaamin doona sanadka soo socda. Hadaba, waxaa muuqata in siyaasadda aamusnaanta iyo Isla-waynida ku dhisnayd ee madaxda Villa Soomaaliya ay dalkii sii kala geynayso, abuureena xaalad siyaasadeed oo cakiran oo aan la qiyaasi karin halka ay ku dhammaan doonto, laakin waxaa muuqda weli fursado xal loogu heli karo.
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia. War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga twitterka ee howlgalka midowga Afrika (AMISOM) ee Somalia, ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay Isniintii khaarijiyeen madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo aysan magaciisa shaacin. AMISOM ayaa sheegtay in sarkaalkan lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday goob Al-Shabaab ay ku shirayeen oo ku taala deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlaglaka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in weerarka gaadmada ah ee Shabaabka lagu bartilmaameedsaday lagu dilay 7 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaana lagu burburiyay gaari ay lahaayeen Shabaab. AMISOM ayaa wacad ku martay in la shaqeyn doonto dowladda Somalia illaa laga adkaanayo kooxda Al-Shabaab isla markaana nabad looga soo celinayo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Shirka waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland waxaa ka maqnaa Hirshabelle oo sheegtey in ay golaha uga baxday markey tixgeliyeen danahooda khaaska ah. Shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed, waxaana kamid ah qodobadii la isku raacay dhismaha Xisbi loogu magacdarey Xisbiga Hor-u-socod Qaran (National Progressive Party) kaas oo ay ku mideysan yihiin dhamaan Dowlad goboleedyada marka laga reebo Hirshabelle. Guddoomiyaha NPP ayaa Golaha Iskaashigu isku raacay in uu noqdo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Guddoomiyaha Xisbiga NPP Cabdiweli Cali Gaas oo munaasabadii xiritaanka ka hadley, faah-faahina ka bixiyey Xisbigooda cusub ayaa yiri: “…In la sameeyo xisbi ay ku midoobeen dhamaan Dowlad goboleedyada, sida afarta meeshan isugu yimid waxaan rajeyn in Hirshabele nagu soo biiri doonto, waxaan doneynaa in Xisbigu noqdo xisbi u eg Soomaaliya, Xisbi ka tarjumaya Soomaaliya oo dhan, Xisbi Soomaali ay ku midowdo in uu noqdo, kolba marka la dhiso waa arki doonaa nooca uu noqdo, mabdaiisa iyo ujeedooyinkiisa, waana soo bandhigi doonaa…” Dhismaha Xisbigan ayaa dhaliyey su’aalo aad u badan oo dadku is weydiinayaan su’alaha ayaa la xiriira sababta Xisbiga siyaasadeed loogu dhex dhisey shirarkii Golaha Iskaashiga ee looga hadlaayey danaha Dowlad goboleedyada, muxuu daaran yahay Xisbigan, iyo mustaqbalka qaar kamid ah siyaasiyiinta xilku ka dhamaanayo. Shirka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa looga hadli jirey danaha Dowlad goboleedyada, cabashooyinka ay ka qaban Dowladda federaalka ah iyo sidii maamuladu isu kaashan lahaayeen dhanka nabadda iyo amniga. In shirkii Golaha Iskaashiga looga dhawaaqo Xisbi siyaasadeed waxay muujisey shirarka iyo ujeedooyinka hogaamiyaasha dowlad goboleedyadu in uu yahay mid shakhsiyadeed iyo damacooda siyaasadeed ee Mustaqbalka dalka, waana wax ka baxsan ujeedooyinkii ay u dhisteen Golaha Iskaashiga, waxaana ay ka been sheegeen metelaada shacabkooda. Markii Kismaayo lagu dhisey GIDG Oktoobar 2017 ayaa ujeedada Golaha lagu sheegay sidan: Golahan wuxuu ka shaqeyn doonaa horumarinta danaha dowlad goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleeysan heer bulsho taas oo horseedi doonta deganaan iyo xasilooni waarta. Saddex Dowlad goboleed doorashooyinkoodi waxay dhacayaan muddo 7 bilood ah gudaheed waxaa u horeysa Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubaland, halka Galmudug ay tahay mid qaybsanaan ay ragaadisey qarkana u saaran in uu saqiiro. Haddaba iyada oo aysan caddeyn mustaqbalka siyaasadeed, guusha iyo guuldarada hoggaamiyaasha hadda ee Dowlad goboleedyada, ee doorshooyinka soo socda ayaa jawaab u baahan sida uu noqon dono Xisbiga siyaasadeed ee ay wada dhisteen, haddii doorashooyinka looga guuleysto. Dadka qaar ayaa qaba in Xisbigan dhismihiisa iyo hindisihiisaba uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Puntland ee xilku ka dhamaanayo Cabdiweli Cali Gaas. Gaas ilaa hadda kuma dhawaaqin in uu ka qayb-galayo tartanka doorashada Puntland 2019, sidaas darteed waxa uu diyaarinayaa mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Soomaaliya, haddii looga adkaado doorashada Puntland 2019, si uu uga qaybgali karo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020, isaga oo kaalmeysanaya saaxiibadiisa hadda, sida Shariif Xasan Sheekh Adam oo qudhiisu rajada uu lee yahay in mar labaad dib loo doorto ay yar tahay, laakiin awood ku leh Koonfur Galbeed kuna si jiri kara siyasadeeda Xisbigana ka socod siin kara, sidaas darteed waxaa la dhihi karaa shirkan waxa uu ka leexdey masaaliixda iyo danaha dadka dowlad goboleedyadaas waxaana uu isu beddalay madal lagu dhiso Xisbi siyaasadeed oo looga hadlo siyaasad shakhsi ku dhisan. Dhismaha Xisbiga NPP ee ay siyaasiyiinta Garoowe ku shirey ay dhisteen iyo in guddoomiye kumeel-gaar ah looga dhigey Cabdiweli Cali Gaas ayaa si cad u kashifaysa in Madaxweynaha Puntland uu ka qayb-geli doono doorashada 2019, taas oo lagu wado in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo maalmaha soo socda, haddii kale Xisbigan uu samaystey wax macne ah oo uu keeni karo ma jirto. Xisbiyada laga diiwaan geliyey Muqdisho ayaa ku eg Muqdisho. Dowladda ayaa soo wada iyaduna Xisbi loogu yeero NNP, waxaana muuqata in Xisbiga NPP looga hortagayo kan dowladda federaalku soo wado lana iska horgeynayo laba Xisbi oo ay garwadeen ka yihiin kuwo fashilmey labada dhinacba. Ugu danbeyn Hoggaamiyaasha Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa isku raacay shir ay ka soo qaybgalaan Mucaaradka, Xisbiyada, bulshada raidka ah iyo Golaha Iskaashiga, kaas oo ka dhacay Dhuusamareeb, shirka ayaa u muuqda mid cadaadis weyn lagu saarayo Dowladda federaalka caalamkana loo dirayo in Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo cakiran. Qore: I. Haji Said
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa sheegay inaysan Sacuudiga khaarijin laheyn Suxufigaasi Jamal Khashoggi iyadoo aan badbaadin ka heysan Saraakiil ku sugan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay. Wakaalada Wararka Islaamiga Jamhuuriyada Iran (IRNA) waxa ay kasoo xigatay Madaxweyne Rouhani inuu sheegay “Ma filayo inuu jiro wadan geysankara danbigaasi badbaado la’aanta Mareykanka”. Rouhani waxa uu intaa ku daray “Qofna ma khiyaasi Karo in dunida maanta iyo qarniga cusub inaanu markhaati ka noqono sida dil abaabulan iyo nidaam qorsheeya fulinta dilalkaas”. Sidoo kale, Rouhani ayaa arrinta dilka Jamaal Khashoggi ka hadlay markii ugu horeysay, waxa uuna rumeysan yahay in Boqorada dalka Sacuudiga ay kaalin weyn ku leeyihiin dilkaasi, taa oo sabab u ah aamusnaantiisa tan iyo markii la dilay Jamal Kashoggi. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Madaxweynaha Iran Rouhani ayaa u muuqda mid uu kaga faa’iideysanayo khilaafka Siyaasadeed ee dalkiisa kala dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo Iran lagu eedeeyay inay taageero siiso Kooxda Xuutiyiinta. Source: IRNA
-
Waxaan ahay nin ka tirsanaan jiray kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana ku biirey 20/11/2011, waxaana ka baxay oo aan ka soo tagay 10/5/2012, maxaan la kulmey maxaana iska key badalay nolosheyda iyo qaab nololeedkeyga, iyo waliba nolosha dad badan oo ila midka ah. Dhalinyarada ka soo goosata Al Shabaab, Runtii dhalintan waxay ka koobanyihiin da’ kasta lkn inta soo goosata waxaa u badan da’da 40 sano jir ilaa 50, wax yaabaha keena inay ka soo goostaan ayaa intooda badan sababa shaki, daruuf,iyo qaar kale oo dana siyaasadeed isku soo dhiibo si ay u waxyeelaan maamulkii ay isku soo dhiibeen, kuwa daruufta keentey iyo kuwa shaki ay ka qaadeen in ay shabaab ka badbaadi doonin waa kuwo ugu nasiibka xun oo noloshooda noqota mid cabsi ku salaysan oo badbaadadoodu ay adagtahay. Qofka marka uu isasa soo dhiibayo: qofka isasa soo dhiibaya wuxuu la soo xiriiraa dadkooda ama qaraabadiisa, si ay uga ergeeyaan maamulka ka dhisan halka uu rabo in uu isu soo dhiibo, maamulka ma diido inta badan way ogolaanayaan lakiin shuruudo ayaa jira oo laga rabo in qofka isasa soo dhiibayo la damaanad qaado oo hadhow wixii uu la yimaado si asaga loogu qabsado ama loo heho damaanad. Marka qofka uu yimaado waxaa loo geeyaa Nabad sugida waxbay ka qoraan oo sawiro ka qaadaan, ka dib waxaa loo wareejiyaa meelaha lagu dhaqan celiyo, maalmo ka dib wuxuu soo dhexgalaa bulshadii uu ka mid ahaan jirey bulshada qaarkood way ka cabsadaan wayna iska ilaaliyaan, ayagoo ka cabsada in uu dhib u soo jiido isasoo dhiibaha ama kuwii ka soo tagay ay waxyeeleeyaan. Runtii waxaa aad u adag inta si dhaqso ah laguu aamino walow ay dadka isku mid ahayn, hadana waxaa kuu dheer in labo aad kala doorato in aad maamulka aad isku soo dhiibtey aad la shaqayso, oo aad ka mid noqoto askarta ama nabadsugida, qaar way ogolaadaan kuwana way diidaan oo magaaladooda ayey iska galaan, qaarka ogolaadey waxay gestaan dhib aad u tiro badan, waxay sameynayaan in ayagoo qori wata oo hadana la socda qaar ka mid ah askartii uu ku biirey ayaa wuxuu bilaabayaa in uu sameeyo ismuujin iyo si loo aamino darteed in uu farmuuqo kuwo ay isla shaqayn jireen iyo kuwo iska abriya ah oon dambi lahayn, kaas wuxuu noqonayaa qof inta badan dheeftiisa ka badan dhibta uu u gaysto bulshada inteeda kale. la soco qaybta 2aad W/Q: Maxamed Aadan Maskiinka
-
“Laabjabkii iigu horreeyey, waxa aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba, kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay golqaniinyada jaahilka. Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga cad fuqsada.” Maxamed Xasan Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka. Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa. Waa curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano. Beesha uu ka soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa. Halyeygan, kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka soo jeedaan. Hadda ma tahay xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray. Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan ictiraafi lahayn oo aan siin lahaynʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.” Haddii uu fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus E-mail: nayruus@gmail.com Fb: www.facebook.com/snayruus(Muuqaalkiisa iyo hadalkiisii murugada lahaa hoos ka daawo)
-
With the recent US air strike on Al-Shabaab, what has been the progress one year on from the Mogadishu bombing? Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada maaliyada Puntland, Cabdilaahi Saciid Carshe ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaarada maaliyada soomaaliya Dr Bayle taas oo maamul goboleedyada looga codsanayay in ay soo gudbiyaan xiisaab celinta lacagihii ay dawlada dhexe siisay si loogu fasaxo lacagaha kale. “Wallow aysan ahayn lacago sidaas u badan oo la shaacin karo, hadadna waxaan u aragnaa in ay lagama maarmaan tahay in laga jawaabo, qoraal fariimeedka ka yimi Dawladda Dhexe ee Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasiirkaa maaliyadda Puntland ” ”Lacagta naga soo gaaray Dawladda dhaxe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland. iyo lacag loogu tala galay in lugu taageero kharashyada iyo adeegyada qayba ka mid ah Wasaaradaha iyo hayaddaha Dawladda Puntland taasoo dhamayd USD ( $ 50,000)” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka.
-
Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa lagaga jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyada Federaalka, kaasi oo lagaga dalbanayay dowlad goboleedyada in ay ka soo xisaab-celiyaan lacagihii ka soo gaaray dowladda Federaalka. Qoraalka waxay wasaaradda maaliyada Puntland ku soo gudbisay dhammaan lacagihii ka soo gaaray dhinaca Federaalka Sannadkii 2017 ilaa sannadkan 2018. “lacagta naga soo gaartay Dawladda dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland” ayaa qoraalka lagu yidhi Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in wasaarada maaliyada Puntland ay la wadaageen xisaab-celinta dhammaan xafiisyada ay khuseeysay muddo bil ah ka hor. PUNTLAN POST The post Puntland oo soo bandhigtay xisaab-celinta lacagihii ka soo gaaray Federaalka appeared first on Puntland Post.