Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian lawmakers on Thursday will meet to appoint a new president, a largely ceremonial post in the Horn of Africa nation, the state-affiliated Fana Broadcasting Corporate reported. Source: Hiiraan Online
  2. Country is in ‘clear and present danger’ of mass deaths from starvation, top aid official says Source: Hiiraan Online
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Ayada oo shalay warqad ka soo baxday wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle looga dalbaday maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Jubbaland. Wasiirka maaliyada ee maamulka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa arrintaasi ka hadlay, waxaana uu sheegay in aanay jirin lacag ay dowlada siisay maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Jubbaland. Wasiirka ayaa ku macneeyay warqadii ka soo baxday Xafiiska wasiir Beyle in ay tahay mid lagu calqaladeeyno shirka maamul goboleedyada ee Garoowe ka socda. Wasiir Qalinle ayaa sheegay in warqadii hore ee isla arintaasi looga codsanayay maamul goboleedyada lagu soo beegay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Dr Bayle ayaa shaay sheegay in Bangiga aduunka soo daayey kaalmadiii labaad ee uu siiyo dowladda (Surge Support) oo loogu talagalay in lagu dhiso hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay soo diraan dalabka lacagaha hadda ay u baahan yihiin. Wasiirka waxa uu sheegay in xisaab celinta ay muhiim u tahay maamul gobolleedyada, maadama ay ku heli doonaan qondadooda lacagta taageerada ah ee uu Bangiga aduunka soo daayey. Hoos ka aqri warqadda Beyle ee shalay soo baxday
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa dilka taliye ku xigeenkii hore ee kooxda Daacish-ta Soomaaliya Mahad Macallim Maxamuud, oo sidoo kale loo yaqaan Mahad Macallim Jajab, kaasi oo 13-ka bishan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Inkasta oo xog laga soo xigtay BBC-da ay shalay sheegtay inay dileen xubno isla kooxda ka tirsan oo boos ka dilanayey, ayaa Caasimada Online waxay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigatay in dilka Mahad ay fulisay kooxda Al-Shabaab, oo ogaatay halka uu ku dhuumanayey. Mahad ayaa sida la sheegay Muqdisho u joogay inuu la socdo howlgallo ay maleeshiyada Daacish ka fulinayaan Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan. Al-Shabaab ayaa horey u dishay horjoogeyaal badan oo ka tirsanaa Daacish. Mahad Macallim Jabab, waxa hore u ahaa hoggaamiyihii Dacwada kooxda Al-Shabaab, waxaana uu hadda ku xigeen u ahaa amiirka Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin. Sida Muumin oo kale waxa uu ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood, sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo. 2018 waxa uu mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo hub Soomaaliya ka soo galay Yamen. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015, markaas oo uu ahaa ku xigeenka madaxa dhaqaalaha Al-Shabaab ee buuraha Golis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. London (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in eedeysanayaashasi u dhashay Sacuudiga laga mamnuuci doono in ay gudaha usoo galan Britain. “UK waxay fiisaha kala laabaneysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Jamal Khashoggi si looga hortago inay soo galaan Uk”. Ra’isul wasaaraha waxa ay hadalkaasi ka sheegtay mar ay ka hadleysay baarlamaanka dalkeeda waxayna sheegtay in wali ay harsan yihiin baahiyaha degdega ah si loo ogaado xaqiiqda waxa ku dhacay xiriirka arrintan. Theresa May, hadalkeeda ayaa soo baxay kadib markii waaxda arrimaha dibadda Mareykanka sheegtay in 21 muwaadiniin Sacuudiyan ah aan lasiin doonin fiiso ay ku galan Mareykanka. Dhinaca kale, Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay go’aan ka qaadan doonaan mustaqbalka istiraatiijiyada xiriirka ay la leeyihiin Sacuudiga. Illo ku dhow qasriga Madaxweynaha Faransiiska ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters inay go’aan ka qaadan doonaan arrintasi marka lasoo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee dilkaas iyo marka la cadeeyo dadka sida dhabta ah uga mas’uulka ah dilkaas. Source: Al-Jazeera
  6. MUqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Axmed Tuuryare ayaa daaha ka rogay xeeladda ay Al-Shabaab adeegsato marka ay Zakawaadka ama canshuuraha ka qaadeyso ganacsatada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Iyada oo ay muddooyinkan oo dhan ay soo shaac baxaysay ilaa iyo baaxadda canshuuraa ay Al-Shabaab qaaddo ayuu Tuuryare uga warramaya barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxa uuna ka sheekeeyey sida ay ku bixiyaan ganacsatada Zakawaadka, cashuuraha iyo qaab ay Al-Shabaab adeegsato. Tuuryare oo ahaa taliyihii Nabadsugidda xilligii Xassan Shikeh Maxamuud oo u warramaya soo saaraha barnaamijka Galka Baarista oo uu soo saaro Haruun Macruuf ayaa sidan yiri:- “Sideedaba nimankaani inta qoriga haysata waxaa u dhiganta inta ama nabaddoonada ah ama ganacsatada ah ama caadiga ah ee suuqyada ku jirta oo dadka kala taqaana oo tabineysa qof kasta iyo wixii soo kordhay oo uu keeno iyo sireynta. Markaa maktabkaan la yiraahdo maktabka zakawaadka ama maktabka maaliyadda kulli shacab ayuu u badan yahay, shacab ay qoreyn ayuu u badan yahay” “Marka xeelada kowaad ee ay adeegsanaayaa qofka ma yaqaanaan waa u imaanayaan waxa ay leeyihiin waan ognahay dukaankaaga intaa baa intaas oo dukaan ayaad leedahay intaas oo xoolo marka canshuurtaas baa lagaa rabaa canshuurtaas ayaa kugu soo waajibtay inaa iska bixiso qaabkaa iyo qaabkaana ku bixi qof haddii uu ogaadana adigaa ogeysiiyey wakkaa halkaabey howsha ka bexeysaa, waxaa loo sii sheegayaa lagu handadayaa haddii uusan intaas sameyn waxa ku dhici doona oo carruurtiisii iyo ilmihiisii iyo gurigiisii markaa qofkii isaga ahaayoo oo suuqa joogay waxa uu kala dooraayaa marka in oo wixii uu bixiyo iyo in ay isaga dhib soo gaarto.” Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Halkan ka aqriso faah-faahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) –Maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhawaan ciidamada la socda madaxda ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ka mamnuucday inay Hubka la galaan gudaha Garoonka. Amarkaasi oo ahaa mid si wada jira ay usoo saaren maamulka Garoonka iyo Hay’adaha amaanka ayaa waxaa ugu horeeyay oo jabiyay mas’uuliyiin ka tirsan isla dowlada. Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia, ayaa la sheegay in hubkooda ay awood kula galaan gudaha Garoonka, halka qaarna ay yihiin kuwo daacad u ah amarka kana taga istaafkooda. Mas’uuliyiinta ugu badan ee sida awooda leh hubka ula galo garoonka Aadan Cadde ayaa la tilmaamay inay yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia, kuwaa oo qalqal amni ku haya howlaha Garoonka. Mid kamid ah ciidamada amaanka Garoonka ayaa inoo sheegay in Wasiirada badi ay yihiin kuwo isku daya in Garoonka ay ku galaan awood iyaga iyo Hubkooda, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid sumcad darro usoo jiideysa dowlada. Waxa uu sheegay in amniga mas’uuliyiinta la damaanad qaaday inta ay ku jiraan Garoonka, hase yeeshee aysan garan karin sababta ku khasbeysa amar diidada. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in hagaaga dalka uu yahay mid ku xiran amar u hogaansamida Madaxda dowlada gaar ahaan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta hubeysan. Arrintan ayaa muujineysa in mas’uuliyiinta ugu badan ee dowlada ay yihiin kuwo aan u hogaansaneyn amarada dowlada, waxa ayna taasi muujineysa inaanu wali jirin kala danbeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Ankara (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo la hadlaayay warbaahinta kasoo baxda gudaha Turkiga ayaa sheegay in dhiiga Saxafigii Jamaal Khashoggi uu yahay mid ku jira gacanta Dhaxal-sugaha Sacuudiga. Hadalkan ayaa waxa uu sheegay la-taliyaha oo lagu magacaabo Alnuur Jayfik, kadib macluumaadyo dheerada oo laga helay baaritaanka gabagabada ah. La-taliyaha oo wareysi siinaayay Wargeyska Yeni Berlek ee kasoo baxa dalka Turkiga, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga mas’uul ka yahay arrintaasi, iyadoo wali uu socdo baaritaanka. La-taliyaha Erdogan, waxa uu tilmaamay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu dusha saran dooono dilka Jamaal, isagoo intaa raaciyay inay jiraan cadeymo isa soo taraaya oo ku aadan kaalinta Bin Salmaab ee dilka Jamaal. “Ma jiri doonto si uu Bin Salman uga dhex boxo kiiska dilka Jamaal, waana mid ku jira dhiigasi gacanta dhaxal-sugaha” Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalada ee Turkiga, C/xamiid Guul waxa uu sheegay inay Xeer-ilaalinta u yeerayso Qunsulka Sacuudiga u joogay Istanbul, Maxamed Al-cutayba, si wax looga weydiiyo Kiiskii lagu dilay AUN Jamaal Khashoggi. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneyda Agaasimaha ka ah Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA), Gina Haspel, oo booqasho gaaban ku tagtay dalka Turkiga ayaa la kulantay Saraakiisha Sirdoonka Turkiga oo ay kawada hadleen kiiska dilka Suxufiga Jamal Khashoggi. Wargeysaka maalin laha Sabah Daily oo taabacsan dowlada Turkiga ayaa qoray in Gina Haspel la dhageysiyay isla markaana ay daawatay cadeymaha muuqaalka qaabka loo dilay Jamal Khashoggi. Gina Haspel inta ay wadahadalka la laheyn Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), ayaa waxaa miiska loo soo saaray dhammaan cadeymayaashii ay soo uruuriyeen baarayaasha oo ay ku jiran Codad iyo Muuqaalo la duubay iyo waxyaabo kale oo laga soo helay dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Agaasimaha CIA-da Gina Haspel, waxa ay sheegtay in Mareykanka uu gacan ka geysan doono dhameystirka baaritaanka dilka Suxufiga Jamaal ee dunida gilgilay. Booqashada Gina Haspel, ayaa kusoo beegantay xili Madaxweyne Trump uu sheegay in dilkaasi uu kaalin ku yeelankaro Bin Salman balse la baarayo. Source: Sabah Daily
  10. Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan geeyey meelo ay ku kala jireen raadyihii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada jihaad iyo mujaahid oo ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii Kacaanka. Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan kitaabbo raacanayey baan waxa aan ogaaday, in uu jihaadku yahay dagaal barakaysan oo muslimka kala dhexeeya gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin. Ayaan u dhaw waagaas uu macnaha jihaadku wax iiga bidhaamay, baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari; nooca loo yaqaan Jaamiska oo uu saarna qoriga loo yaqaan 37 oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana go`yaal ayey warfinayeen, iyaga oo ku qeylinayey “War ka kacooy, magaalada cadaw baa ku soo socdee, war jihaad u kaca, war jihaada…” mid kalana uu seeri dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay, isaga oo magaalada oo dhan ku wareegayey. Magaaladu waxa ay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba, waxa ay noqotay qof iyo qori. Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday masaajidka jaamaca ah oo ii dhawaa, si aan casarka ugu soo tukado jamaacada. Markii casarkii laga baxay baa waxaa istaagay imaamkii oo horay dhiilladu ka soo gaartay, kolkaas buu waxa uu masjidkii ka iclaamiyey jihaad, isaga oo ka sheekeeyey fadliga jihaadka iyo qofka ku dhinta jihaadkaas jannada halka uu ka galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas masjidka joogtay qoryahoodii bay iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas.Waa laga hortagay cadawgii. Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo jihaadyo kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya. Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha jihaadka aan kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan, baan ayaan dambe waxa aan u socdaalay koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan koofurta imaanayo, waxaa ka jiray dagaallo sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado beeleed oo intooda badan watay xarfo magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka ʻSʻ. Kolkii aan koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid erayada jihaad iyo mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay jihaad xaq ah kula jirto qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid, kuma arki jirin dumar jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid hebel` laakiin waxa aan koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey mujaahid hebel/mujaahidad hebla iyo kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto mujaahid hebel. Sidii uu u socday jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey baa Soomaaliya waxa ay misena sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay jihaadkii ka sii wadeen. Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu jihaadku kitaabka ugu qoran yahay iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen jihaadka waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan. Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka sheekeeyey in waagii uu erayga jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba), in uu yahay dagaal xaq ah oo la isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu erayga jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo ee is dagaashaba, jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan farqiga saasa u dhaxayn jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa uu lahaa, “Weligiisba jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin, waxaa jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.” Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay.” Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Xili maanta warqad ka soo baxday wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle looga dalbaday maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Jubbaland . Wasiirka maaliyada ee maamulka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa arintaasi goordhow ka hadlay. Wasiirka ayaa sheegay in aanay jirin lacag ay dowlada siisay maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Jubbaland. Wasiirka ayaa ku macneeyay warqadii ka soo baxday Xafiiska wasiir Beyle in ay tahay mid lagu calqaladeeyno shirka maamul goboleedyada ee Garoowe ka socda. Wasiir Qalinle ayaa sheegay in warqadii hore ee isla arintaasi looga codsanayay maamul goboleedyada lagu soo beegay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamul Goboleedkii ugu horeeyay oo ka jawaabay hadalkii Wasiir Beyle appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe . Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed, goobtii ganacsi iyo ciddii arrintaa lagu helana laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan. “Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”. Eng. Yarisow ayaa xusay in marnaba aan la aqbali karin xadgubyo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, arrintaas oo ah faldanbiyeed culus cid walba oo ku lug-yeelatana aysan ka fakan doonin Caddaaladda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka bulshada ku nool Caasimadda, isagoo faray hay’adaha Amniga in tallaabo ay ka qaadaan cid walba oo u hoggaansami weyda awaamiirta Maamulka. “Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha awooda badan leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa afka furtay markii ugu horeysay kadib markii uu aamusnaa tan iyo markii laga takhlusay suxufiga Jamal Kashoggi. Isagoo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay maalgashiga oo ka socda caasimada dalka Sacuudiga ee Riyadh ayaa tilmaamay in dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga ay kawada shaqeynayaan baaritaanka dilkaas uu ku tilmaamay mid xanuun badan. Bin Salman wuxuu intaas ku daray inay jiran dowlado uusan magacaabin oo doonaya inay khilaaf ka dhex abuuran dowladaha Sacuudiga iyoTurkiga. “Ma awoodi doonaan inay na kala qeybiyan inta uu Sacuudiga boqor ka yahay Salman Bin Cabdulcasiis iyo Madaxweynaha Turkiga” ayuu yiri. Haddalkiisa ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Trump markii ugu horeysay sheegay in Bin Salman ay dhici karto inuu ku lug leeyahay dilka Suxufigii dibadjooga ahaa. Bin Salman wuxuu kaloo sheegay in sharciga lasoo taagi doono lana ciqaabi doono dhammaan kuwa ku lugta yeesha dilkaas. Dhinaca kale, Wasiirka Garsoorka Turkiga Cabdul-xamid Guul, waxa uu sheegay in Dacwad oogayaasha Turkiga codsan doonaan in loo soo musaafuriyo dadkii Sacuudiyanka ahaa ee ka howlgalaayay Qunsuliyada kuwaasi oo Turkiga ka dhoofay markii la dilay kadib Jamal Kashoggi. Source: Wakaalado
  14. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa goordhow oo caawa ah soo saaray awaamiir ku aadan ganacsatada leh Hoteelada iyo Maqaaxiyaha ku yaala Muqdisho. Gudoomiye Yariisoow ayaa sheegay in laga Bilaabo 12-ka Saqda dhexe ee habeenimo aanay furnaan karin goobaha Hoteelada iyo maqaaxiyaha gaar ahaan kuwo ku dhow Xeebta Liido ee Muqdisho. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed. Ugu Dambeeyntii Gudoomiye Yariisoow ayaa ku hanjabay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arkaa iyada oo goobahooda ay furanyihiin wixii ka dambeeya 12-ka saqda dhexe ee Habeenimo. Goobaha maqaaxiyaha iyo Hoteelada ee ku dhow xeebta Liido ayaa shaqeeya hadda habeenkii oo dhan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Duqa Muqdisho oo amar ku soo rogay Hoteelada iyo Maqaaxiyaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. MOGADISHU (HOL) – A senior military commander with the Al-Qaeda linked al-Shabab group has been killed in an ambush in southwestern Somalia, Somali army said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Addis Ababa (Caasimada Online)-Sida ay qoreen Wargeysyada kasoo baxay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dalka Ethiopia Mulatu Teshome ayaa arbacada maanta ah baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay warqad iscasilaad ah. Mulatu Teshome oo sidoo kale ahaa wakiilka dalalka bariga Afrika u qaabilsan Ethiopia tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa sidoo kale labada aqal ee barlamaanka u gudbiyay in uu shaqada ka tagay. Mulatu Teshome, waxa uu qoraalkiisa baarlamaanka ku cadeeyay sababaha ku khasbaya is casilada iyo in la aqbalo codsigiisa. Is casilaada Mulatu Teshome, ayaa waxaa kulan degdeg ah bari oo khamiis ah ka yeelan doona Barlamaanka Ethiopia oo go’aan ka gaari doona codsiga. Baarlamaanka ayaa bari la filayaa in ay soo magacaaban shaqsiga shaqada kala wareegi doona Mulatu Teshome. Siyaasigaan cilmiga sharciga ka bartay jaamacada Peking ee dalka shiinaha ayaa,sanadkii 2013-kii,waxaa loo magacaabay madaxweynaha Ethiopia. Mulatu Teshome ayaa inta xilkaan loo magacaabin waxaa uu ahaa safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Turkiga. Geesta kale, Mulatu Teshome oo ka mid ah xisbiga lagu magacaabo Oromo Democratic Party, ayaa waxaa uu qeyb ka yahay afarta xisbi ee ku midoobay talada ee loo yaqaan EPRDF. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  17. Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa looga dalbaday madaxda maamul Goboleedyada soo gudbinta xisaab xirka lacagihii loo diray. Wasiirka ayaa markale Codsigaan u diray maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Maaliyada oo warqad u diray Maamul Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  18. Istanbul (Caasimada Online)- Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan ku wada hadleen khadkaTelefoonka. Wakaalladda waxa ay sheegtay in wadahadalka labada mas’uul uu ahaa mid ay codsatay Dowladda Sacuudiga. Labada Hoggaamiye waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen arrinta xiisa leh ee dilka suxufiga Jamal Kashoggi oo bilowga bishan ka dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Bin Salman waxa uu sheegay in dowladiisa ay aad usoo dhaweyneyso baaritaanada socda, waxa uuna ballanqaaday in sharciga ay hortagi doonaan kuwa lo ohayo kiiska dilka Jamal Kashoggi . Sidoo kale, Hoggaamiye Erdogan ayaa Bin Salman u xaqiijiyay inay sii wadi doonaan baaritaanka ay wadan waxa uuna cadeeyay in wixii ku saabsan arrinta Jamal Kashoggi ay soo bandhigi doonan. Sidoo kale, Wakaalladda Wararka anadolu kuma aysan fogan faahfaahinta Natiijada wada hadalka khadka Telefoonka ku dhex maray Erdogan iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS). Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Sacuudiga ay la kulmeyso cadaadis, iyadoo dowladaha hormarsan ay ka arrinsanayan sida ay ka yeeli lahaayen dowlada Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali MP Abdirizak Mohamed has condemned in the strongest possible terms the multiple civilian casualties, following security operations in the capital of Mogadishu. Hon. Mohamed says the security forces had killed at least 4 unarmed civilian people in Nasteha neighborhood during security operations. “The operations caused more panic as the local residents, many of whom were hunkered down in their homes while the operations continued”, he said. He accused the security soldiers of involving in the beatings of civilians and killing of at least 4 people during the operations. Somali Police and security soldiers have been visible in some of the main street junctions in Mogadishu, searching vehicles and people. There was no comment from local authorities over the civilian targets claims. These operations came as Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire ordered the country’s military commanders to flush out of Al Qaeda linked Al Shabaab. There has been an upsurge of violence in the seaside city of two million which government officials blame on Islamic insurgents. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Maamulka Hargeisa ee Somaliland la magac baxay waxa ay sameeyeen maanta hab-dhaqankii lagu yaqaanay ee ay Yuhuuda u adeegsato Falastiin. Maanta gelinkii hore ayey waxaa Muqdisho ka kacday diyaaradda OCEAN oo daawooyin iyo gargaar kaleba u siday dadkii ku soo dhaawacmay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee Koonfurta Sool ku dhexmaray laba beelood ee wada daga. Dagaalkaas waxaa ku dhintay ku dhawaad 100 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa le’eg. Dhaawacyada intooda badan waxaa la keenay magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool, hase ahaatee, cisbitaalada ayaa qaarna ay qaadi waayeen tirada badan ee dhaawaca halka kuwa kalena aysan haysan daawooyin ku filan. Maamulka Hargeysa oo xoog ku haysta Gobolka Sool wax tallaabo bani’aadannimo u dhaw xataa ma sameyn labadii maalmood ee ay collaadu socotay, walow qeybo badan oo bulshada ka mid ah ayba qabaan in ay xiisadda iga dhaliyeen. Xilli warbaahinta gudaha iyo dibedaba laga baahiyey khasaarihii xajmigaas le’ekaa, wey awoodi waayeen in ay dhaawaca u ogolaadaan in loo qaado ugu yaraan Burco ama ama Hargeysa. Sidoo kale waxa ay ka hor istaageen gaadiidka dhaawaca gurayey in ay Laascaanood uga baxaaan dhinaca Garowe ama Gaalkacyo oo ay dadweynu miciin bideen. Taas oo jirta, dowladda Federaal-ka ah oo baaq uga yimi shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn iyo waliba xubnaha dowladda ku metala ayaa ka jawaabay, hase ahaatee, daawooyinkii la diray iyo odayaashii ku baxay in ay xalliyaan colaadda waxaa loo diiday in ay ka dagaan madaarka Laascaanood. Sool oo isu bedeshay Gaza-da Africa Yuhuudda waxa ay caan ku tahay in ay cunaqabateynno ku soo roogto GAZA waliba iyada oo ka horistaagta adeegyada aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka. Sida hadda ay Somaliland ula dhaqmeyso bulshada SOOL waxaa lagu tilmaami karaa go’doomin, tallaabo uga sii dari doonta xaaladda amni iyo midda bili’aadannimo. Kuma koobna oo qura go’doominta Somaliland ku hayso SOOL diyaaraddii daawada iyo odayaashii suluxa u socday sidday balse waxa ay dhawaan shatiga kala laabteen telefisinka SBS oo baahiyey xaalada bili’aadannimo ee halkaas ka jirta. Kama jirto Laascaanood warbaahin madax bannaan haddii ay ahaan lahayd Idaacado, Telefishinno xor ah ama jaraa’iddo. Waxaa ugu daran, hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ama hay’adaha aan dowliga ahayn, kama hawlgalaan ama weyba xadidan yihiin oo waxa ay ku jiraan xayn-daabka Hargeisa. Soo lama oran karo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn xaalkoodu waa midda GAZA oo kale? W/Q: Jaamac Cabdullaahi Axmed Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. MOGADISHU (Caasimada Online)—More than 270 Human Rights Defenders from Africa and beyond, who are attending the 63rd ordinary session of the African Commission on Human and People’s Rights (ACHPR) have expressed grave concerns about the deterioration of press freedom in Somalia, precipitated by an increase in violence and other attacks on journalists as well as by politically driven attempts to curb or repress independent media. National Union of Somali Journalists is attending Forum on the Participation of NGOs in the 63rd Ordinary Session of African Commission on Human & Peoples’ Rights, Banjul, the Gambia, to stress attacks on journalists in SomaliaThe Forum on the Participation of NGOs in the 63rd Ordinary Session of the African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR), held on 20-22 October 2018 in Banjul, the Gambia, held a panel on safety of journalists and the problem of impunity of crimes perpetrated against journalists. Speaking at the panel, the Secretary General of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), Omar Faruk Osman, said “the violence that continues to perpetuate in Somalia has created an environment of silence where journalists have to choose between reporting and dying, or keeping quiet and surviving”. “This year we observed deliberate acts of violence against journalist committed by government security forces, including a cruel murder of a young reporter by a policeman, and no one was arrested or punished for such odious crimes. Oppressive machinery of the government who have been orchestrating attacks against journalists’ fundamental rights for several years are still in office while some of them were even promoted despite them being implicated in internationally documented human rights violations,” added Osman. “Bluntly, justice for grave human rights violations against Somali journalists and defenders of freedom of expression and freedom of association continues to be an unpaid debt in Somalia, with serious repercussions for the victims and those who defend basic rights. This deep-rooted problem of impunity is further exacerbated by ‘political expedience’ and ‘cover-up’ to portray abusers as guiltless officials in order to achieve ulterior goals,” declared Osman. The Forum had unanimously passed a resolution on “the unending attacks perpetuated against journalists and other media workers of Somalia, notably, the harassment, arrests, violence, threats of death and murder, in some cases, which severely undermines the enjoyment of the right to freedom of expression and the right to life” as well as “gross and systematic violations of freedom of association, with strong cases of violence against union members and anti-trade union discrimination with no accountability and denying trade unionists the freedom to undertake legitimate trade union activities”. The resolution urgent the African Commission on Human and People’s Rights (ACHPR) to “condemn all violations of fundamental rights protected under the African Charter on Human and People’s Rights and international human rights, committed by State and non-State actors in Somalia, and call for the perpetrators or those associated with these violations to be held to account. This includes expressing concern about policies that may lead to impunity for human rights abuses or allowing persons implicated/accused in human rights violations holding public offices.” The resolution, which was presented to the ACHPR directly addressed the Federal Government and urged to “guarantee the safety of all human rights defenders, particularly women, journalists and trade unionists, and respect their right to carry out their work freely and without harassment or interference”, to “stamp out the dangerous culture of impunity by investigating and prosecuting officials responsible for committing abuses against those exercising their rights to freedoms of expression and association and their collaborators” and to implement in full recommendations of the International Labour Organisation (ILO) on egregious violations of freedom of association and trade union rights by upholding international rule of law, as well as heeding to urgent appeals from the UN human rights experts concerning the killings of journalists, ending abuses of freedom of association and immediate cessation of assaults of trade unions, noting the particular responsibilities of Somalia as an elected member of UN Human Rights Council”. PRESS RELEASE –NUSOJ
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee maamulka Puntland, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga. Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka. Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu. C/salaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhigiisa Boosaaso marti-qaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaas oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho iyo Dhiggiisa Boosaaso oo ka Wada-hadlay Iskaashiga Labada Magaalo appeared first on Puntland Post.
  23. NAIROBI (Caasimada Online)—Kenya’s leaders from Garissa, Mandera and Wajir have said residents should be required to compensate families of non-local victims of al Shabaab. In this way, residents are less likely to be tempted to help terrorists and deny important information to security agencies, they said. On Tuesday, participants in a conference on countering violent extremism and radicalism passed various resolutions,including the one on compensating victims. The two-day meeting ended yesterday in Mandera Town. “We are faced with a very serious crises striking that strikes at the very heart and soul and threatens the spirit of our existence as a county,” Mandera governor Ali Roba said as he read resolutions. “As we leave this conference, let act on the recommendations.” One resolution said all three counties of Mandera,Wajir and Garissa should be required to contribute an equal amount to compensate fmilies of slain terror victims. It is not clear if the resolution is practical or enforceable, or whether county assemblies would support it. The counties are poor. “Let it be a lump sum amount, Sh1 million and above so residents feel the pinch to deter those who aid terrorists,”said Mandera governor Ali Roba who read the resolutions. The conference called for an inclusive approach to countering violent extremism, radicalisation and ethnic clashes. Security agencies alone and force cannot end the problem, participats said. The leaders agreed to “aggressively sensitise” the public on the effects of violent extremism and radicalisation. They pledged to encourage hte public to provide timely intelligence so that terrorism can be prevented and attacks responded to. The Northeastern leaders — politicans, elders and community figures — resolved to work with the national government on an all-inclusive, structured amnesty, disengagement, rehabilitation and reintegration of al Shabaab youth. Women and youth should help prevent violent extremism, they said. A joint committee will be formed and request Interior CS Fred Matiangi to give amnesty to young men who have joined the militatns. They also asked for financing so they can hold frequent meetings in their areas to tackle emerging problems. The security personnel were also asked to have a service charter ensuring there is quick response, In the past they were blamed for for being slow to react. The conference also called for security personnel to “change tack” in Somalia. Al Shabaab says it is trying to drive Kenya and other foreign forces out of Somalia. It was also agreed that security information shared by civilians must be treated with utmost confidentiality so as not to put sources in danger. Sources: The-Star
  24. MOGADISHU (HOL) - Somali security forces on Tuesday confirmed the arrest of an Al-Shabaab militant, believed to be a bomb expert, in an operation conducted in the outskirt of Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaal-ka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray war saxaafeed uu uga codsanayo maamul gobolleedyada in ay soo de dejiyaan xisaab celinta dhaqaalihii kaga soo aaday kaalmada Bank-ga aduunka. Dr Bayle ayaa sheegay in Bangiga aduunka soo daayey kaalmadiii labaad ee uu siiyo dowladda (Surge Support) oo loogu talagalay in lagu dhiso hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay soo diraan dalabka lacagaha hadda ay u baahan yihiin. Wasiirka waxa uu sheegay in xisaab celinta ay muhiim u tahay maamul gobolleedyada, maadama ay ku heli doonaan qondadooda lacagta taageerada ah ee uu Bangiga aduunka soo daayey. Hore ayey ahayd markii ay dowladda federaalka ah ay maamul gobolleedyada ugu baaqday in ay sameeyaan xisaab celin, yeelkeede, wey ka dhaga adeegee halka qaar kalena ay jees jees ugu soo jawaabeen. Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac, islamarkaana magaalada Garoowe uu ka socdo shir ay leeyihiin madax goboleedyada oo la filayo in laga soo saaro qodobo ka dhan ah dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com