-
Content Count
214,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub. Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha.. Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray 1 – Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun. 2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda, Caasimada Online ayaa ogaatay labada sabab ay kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux. Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey. Warqadda Buux soo saaray oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah. Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.
-
Cabdiweli Gaas & wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhahar oo Muuse Biixi tahli kari waayey inuu tago+Sawirro Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar taariikhi aha kusoo gaadhay gelinkii hore ee Arbacada 28 November 2018, magaalada Dhahar. Gaas & Weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala Dhahar, waxaa kusoo dhoweeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan, maamuulka degmada Dhahar, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin & aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Dhahar. Safarka madaxweynaha ee uu ku gaadhay halkaas yaaa daaran u kuur gelid uu kusoo eegayo iyo xaalada Dhahar iyo baahiyaha shacabka, iyo mashaariic horumarineed oo ka socda Degmada. Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Dhahar soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, waxaana kamid ahaa hadaladiisa. “Aad baan uga mahadnaqayaa soo dhoweynta quruxda badan, runtii waxaan oran karaa soo dhoweyn waa ka weyn tahay, Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani furre u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo barnaamijkan mashruuca caafimaadka,. Waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” Ugu danbeyntii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Degmada dhahar ka daah furay mashruuc daryeelka caafimaadka Aasaasiga ee Sanaag oo ah mashruuc ay kafaaidaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa Degmada dhahar ka dhagax dhigay mashaariico horumarineed oo uu kamid yahay laami dheer ee isku xiri doona Sheerbi iyo Xiingalool. Qaran News
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gujir ayaa warqad uu u diray laamaha amaanka wuxuu ku wargaliyey amar uu ku soo rogay musharixiinta madaxweynaha ee imanaya magaalada Garowe. Amarkaas ayaa guddoomiyuhu wuxuu farayaa musharixiinta ku tartami doona doorashada madaxweynaha ee bisha Janaayo 2019 in ay laba cisho ka hor inteysan soo galin Garowe ay soo wargaliyaan Xarunta Gobolka. Gudoomiye Gujir wuxuu kaloo musharixiinta ku amray ineysan wax shir ah oo la xiriira ololohooda doorashada oo aan gobolku ka warqabin aysan ku qabsan karin magaalada Garowe. Sida ay baahiyeen warbaahinta gobolka, qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa iska diiday amarka, iyaga oo ku tilmaamay in loo diidayo xuquuq ay sharci ahaan iyo dastuur ahaan u leeyihiin, loona baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaali weerar ku qaaday macbad Yahuudeed oo ku yaalla Dalka Maraykanka Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles. Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin. Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta lagu xiray. Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan. Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed. Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen. Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi. Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cameey ayaa weeraray markale golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku tilmaamay inay haraadi yihiin. Mr Cameey, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada inaysan dooneyn in horumar laga sameeyo Soomaaliya, sida uu sheegayna ay hortaagan yihiin inta ka hartay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Kadib Heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed wuxuu sheegay inay sii dhamanayaan xubnaha ku haray golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada. “Qolooyinkaan waxaa iminka oran karaa Haraadiga, Waare iyo SHariifka wey ka baxeen, Haraadiga waxaan ogahay inaysan dooneyn in horumar la gaaro, anigu waxaan qabaa in fakar wanaagsan ay la yimaadaan, wax kale ayay doonayaan waxay doonayaana lama yaqaan”ayuu yiri Cameey. Wuxuu Cameey sheegay in seddexda madaxweyne ee kusoo haray golaha iskaashiga inay dhawaan iyagana meesha ka bixi doonaan, maadaama doorasho ay kusoo wajahan tahay Puntland iyo Jubbaland. Golaha oo ay ku hareen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug waxaa guddoomiye ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Wajeer (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sii daayay xubno Ajaaniib ah oo u afduubnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda Kenya ee gobolka waqooyi Bari. Al Shabaab ayaa xubnaha ay sii daayeen waxay ahaayeen kuwo xoolo dhaqato ah oo ay ka afduubteen deegaan hoos taga degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Wajeer. Labada Ruux ee Xoolo dhaqata Kenyan-ka ah ayaa lagu sii daayay ka dib wadahadal dhex maray Al SHabaab iyo beelaha ay kasoo jeedaan xoola dhaqata, sida uu sheegay guddoomiyaha. Maxamed Biriik, guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa dhankiisa sheegay inay adkeeyaan amaanka deegaanada dhaca xuduuda waqooyi bari ee dalka Kenya, isaga oo xoolalayda u sheegay inay amaankooda sugayaan. “Waxaan ku soo shaqeeynay howlgalo badan oo dhinaca ammaanka ah si aan uga hortagno dhacdo la mid ah tan, Ilaalinta iyo amaanka deegaanada xadka ayaa si weyn loo xoojiyay” ayuu yiri Birik. Al Shabaab ayaa dadkaasi ka afduubtay duleedka degmada Wajeer kadib markii ay ka hor yimaadeen Zakawaad ay Al Shabaab ka qaadayeen dadka xoolaleyda ah ee ku sugan gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Mandheera Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse walaaca dowladda lama xiriiro inuu ahaa Al-Shabaab, sida ay dad badan qabaan. Taageereyaasha Robow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda aysan dan iyo heello ka lahayn taariikhdii hore ee musharaxa ee Shabaabnimo, balse ay wal wal ka qabaan taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada. Robow wali si shaarac ah falcelin uma sameyn, laakiin, saacado kaddib markii uu gudiga doorashada u gudbiyey warqadihiisa doorashada, shan musharaxa ayaa u tanaasulay oo garabka ka taabtay. “Dhammaan aqoonyahanada, dhallinyarada iyo ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay go’aansadeen in musharaxeennu Sheekh Mukhtar Robow yahay,” Xassan Xaaji oo ahaa musharax ayaa sidaas yiri kaddib markii ay gudiga doorashada ku dhawaaqeen xiilliga doorashada. Robow waxa uu ku ol’oleynayaa kaar ammaan, isaga oo ballan qaaday mar uu isu soo baxayaal la hadlayey bishii Oktoobar: “Haddii aan guuleysto, waxaan cidhib tiri doonaa maleeshiyaadka Al Shabaab, burcadda xiran dharka dowladda iyo maleeshiyaadka kale ee qabaa’ila ee dhibta ku haya maamulkeena.” Inta badan Soomaalida, in siyaasad ahaan loo dhaqan celiyo Robow waa mid waqti fog qaadaneysa. Dhammaan doodaha baraha bulshada waxa ay tixraacayeen weeraradii uu ka caawiyey Al-Shabaab. Hase yeeshee, marka laga yimaado shakiga ay ka qabaan iyo midda dowladda, Roobow waxa uu qodax ku noqon karaa dhinaca Al-Shabaab, wuxuuna fursad u noqon karaa dowladda, sidaas waxaa aaminsan qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda. Rashiid Cabdi oo ka tirsan kooxda xasarada caalamka ayaa ku dooday in haddii loo ogolaado in uu tartamo ay ay dowladda u noqon doonto tallaabo ay ku soo jiidato dagaalyahanno kale oo soo goosta. “Dadka waxa ay u tahay dimuqraadiyad cusub,” ayuu yiri. “Haddii aysan abaalgud lahayn in dhinacan la yimaaddo, waxa ay dhiirigalineysaa in la dagaalamo ilaa laga dhimanayo.” Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhimashadii Wariyaha Reer Sacuudi Jamaal Kashoqji ee ka dhex dhacay qunsuliyadda Istanbul iyo dareenkii Xigay ee diidmada Siyaada Caalamiga ayaa horseeday in maalgashadayaashii Sacuudiga inay dhaqaalahooda u xawishaan meel ka baxsan Sacuudiga, ayna joojiyaan maalgalintii gudaha, sida Shabakada Bloomberg ay shaacisay. “Maalgashadayaasha Reer Sacuudi ayaa sida muuqata lumiyay aaminaadooda inta Maxamed Bin Salmaan laga difaacayo geeridii Kashoqji, gaar ahaan intii lagu gudo jiray howlgalkii ka dhanka ahaa dadka taajiriinta iyo ololihii ka dhanka ahaa Musuq maasuqa”ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg. Marka la wareystay inka 10 ruux oo kala duwan ayaa waxaa la sheegay in dadka maalgashan jiray Sacuudiga ay dhaqaalahooda u xawisheen meel ka baxsan Sacuudiga, waxaana lagu guul dareystay in la ogaada marka xawaaladaha ay dhigayeen. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ka badbaaday dilka wariyaha, laakiin dadka gudaha Sacuudiga ayaa lumiyay kalsoonidii lagu maalgashan lahaa, sidoo kale wuxuu u horseeday burburka dib habeynta lagu waday dalkaasi. Waxyaabaha kale ee uu burburiyay waxaa kamid ah hay’addo ka qeyb qaata dhaqaalaha dalkaasi kuwaasi oo kor u qaadi lahaa dakhliga Sacuudiga ee kaliya Shidaalka ku tiirsan. “Lacagta wey kasoo baxday gudaha Sacuudiga xitaa inta aan la xirin Ritz” Sidaa waxaa yiri Stephen Hertog oo ah qabiir ku taqasusay arimaha Khaliijka, waxna ka dhiga iskuulka dhaqaalaha ee London, “Tani waa sababta hoos u dhigtay dhaqaalaha oo waxay mas’uuliyiinta ay ku talaabsanayaan tallaabooyin miisaaniyadeed oo looga jawaabayo qiimaha saliida hooseeya.” Haddii xaaladdan sii socota waxaa Sacuudiga qasab ku noqon doonta in Maxamed Bin salmaan meesha laga sarao si loo bad-baadiyo dhaqaalaha dalka. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles. Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin. Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta lagu xiray. Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan. Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed. Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen. Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi oo maalmahaan qaraxyo ay ka dhex dhacayeen. Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy ayaa isaga oo la hadlay VOA wuxuu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay habeenkii ay maamulaan garoonka diyaaradaha maalintiina ciidamada Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay waxyaabaha qarxa ku aaseen garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, waxaana mid kamid ah miinooyinkaasi ku dhintay askari ka mid ah ciidamada Jabuuti. Isaga oo ka hadlay dhinaca amaanka ayuu sheegay in Al Shabaab marar badan ay weeraro qorsheysan ka geysteen degmada iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga, maadaama hareeraha magaalada ay ku xoogan yihiin. “Haddii aan warbixin ka bixiyo xaalada amaan, maanta waa wanaagsan tahay, shalay ayay qaraxyo garoonka geliyeen iyagii ayaana ku dhintay, haddana xaaladeena waa wanaagsan yahay”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka amniga. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Al Shabaab badan oo doonayay inay Zakawaad ka qaadan dadka deegaanka lagu laayay deegaanka Ceel-cadde oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan. Al Shabaab ayaa go’doomiyay muddo sanad ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, waxaana yar dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xili wax ka yar 40 maalmood ay ka harsan tahay doorashada madaxweyne ee Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019 ayaa waxaa xiligan jirta hadal hayn ku aadan qabsoomida doorashada. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Puntland ayaa ku kala ra’yi duwan qaabka iyo xiliga ay dhacayso doorashada waxaana qaarkood ay shaki galinayaan qabsoomida doorashada maadama aan wali lasoo dhisin gudigii xalinta khilaafaadka ee ka shaqeyn lahaa habsami u socodka doorashada. Hase aahatee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay daahfurka mashruuc dib u casriyeyn loogu sameeynsyay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho ayaa meesha ka saaray hadal haynta ay qabaan Siyaasiyiinta iyo dad ka qaar ee reer Puntland kuna aadan in la arko Puntland oo doorashadeeda si xalaal ah xili la cayimay uga dhacda. Hadalka Madaxweyne Gaas ee ah in ay dhacayso doorashada madaxweyne ee Puntland waxaa ku lifaaqnaa hadalka kale oo muujinayay damac uu markale madaxweyne Gaas ku doonayo in uu ku hanto kursi maaxweynenimo ee Puntland. Hoos Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas iyo muujinta damaciisa doorashada 2019 https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/GAAS-DOORASHO.mp3Hadaba Siyaasi muuse cali jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Puntland oo aan wax ka weydiinay hadalka madaxweyne gaas iyo damaciisa siyaasadeed ee doorashada waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in Gaas uu doonayo in markale uu kusoo laabto hogaanka Puntland. Hase ahaatee Siyaasiga ayaa shaki galiyay in 8-Janaayo ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland duruufo iyo daldaloolo siyaasadeed oo jira owgood. Duruufaha aan saamaxayn in ay dhacdo doorashada ayuu siyaasi Muuse Cali Jaamac ku sheegay maqnaanshiyaha gudigii ka shaqeyn lahaa doorashada oo aan wali la magacaabin hadii la magacaabana aysan xiligan noqon doonin gudiga cadli ah oo si hufan u guta howlohooda shaqo. Daldaloolada siyaasadeed ee aan suurtgal ka dhigayn qabsoomida doorashada Puntland ayuu Siyaasi Muuse ku sheegay faragelin ay xukuumada wakhtigeeda gabo gabad marayo ku hayso howlihii doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada. Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Gaas uu miciin biday cudud ka raadinta haweenka Puntland xili uu dhowr jeer oo hore warqado uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay in ay lama taabtaan tahay doorka haweenka ee kamid noqoshada xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland. Si kastaba xaal ha noqdee siddeeda Janaayo (8 January) ayaa loo madlan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho dad badan ay aaminsan yihiin in ay ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore marka la eego sida awoodo kala duwan ay ugu baratamayaan ku guuleysiga kursiga looga arimiyo Puntland iyo isbedel ay rajaynayaan in shacabka Puntland ka fishaan doorashada. Hadaba Hoos ka dhageyso wareysi dheer Siyaasi Muuse Cali Jaamac https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-siyaasi-Muuse-Cali-Jaamac-28-11-2018.mp3
-
HEVOS position on the London Somaliland Diaspora Conference
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hear Voices of Somaliland _____________________________________________________________ Press release by: Hear voices of Somaliland (HEVOS). Date: 28/11/2018 As you may already be aware the Somaliland Mission to the UK is organising a one day conference in London on 1st December 2018. The aim of the conference is said to be ‘’constructing diaspora Somaliland identity in an ever-changing Europe: Unity, patriotism and contributing through positive activism. In simple terms, their objective, as they claim, is to harmonise and unite Somaliland communities in Europe. This topic raises many questions including the simple ones of why now and what does it really mean? We ask these questions, because we all know Somaliland has existed for the past 27 years and its people both inside and outside Somaliland have been working very hard to convince the international community about their self-determination and aspiration to secede from the union it entered with the Italian Somalia after its independence in 1960, and the causes for its withdrawal from the union. This statement is to address whether holding this kind of conference in Europe, particularly in London is the right answer and solution in uniting the Somaliland Diaspora in Europe and elsewhere when we realistically consider the social, economic, political and geopolitical challenges Somaliland is currently facing. If we want to achieve the aforementioned objective of the conference we will need to be sincere and truthful to ourselves and we can only do that if we are thinking realistically and not idealistically. Therefore, it is of significant importance not to shy away from pointing out issues that unite us and those that divide us and unless we can find a sound balance on these issues we will be doomed to fail and history will repeat itself. Before we outline the serious challenges Somaliland is currently facing, we would like to make one thing very clear, we are and will always support and encourage the peace, stability and unity of all Somalilanders wherever they are as we believe this is the only way we can build a solid statehood. But, at the same we must not and cannot ignore the real problems and challenges Somaliland is facing and how best to address them, then I believe we can talk about sense of patriotism and activism. Social Cohesion – anyone with little knowledge of Somalis knows they are generally a homogenous ethnic group inhabited in several countries in the Horn of Africa i.e. Somaliland, Somalia, Djibouti, parts of Ethiopia and Kenya, united by common language, religion and culture but their diversity is defined by tribal lineages, and this is a significant social structure which one must not ignore, because if tribal balance is lost in the system, then that system will undoubtedly fail to maintain peace, stability and to harmonise the various tribes and regions. It is unfortunate that since the Kulmiye party took over power in 2010, the trust between tribes has gradually declined and this is due to the divisive policies promoted by the Kulmiye leadership in which favouritism, nepotism and massive corruption by particular groups have become the norm and many feel that the system has encouraged those groups to enrich themselves from public resources. Development projects were corrupted and many regions in Somaliland have not benefited from the increasing international assistance such as the projects funded by the Somaliland Development Fund which Britain and Denmark contribute to. One example of many projects misappropriated by the administration is the multimillion Dollar Humbowayne Water project funded by the United Arab Emirates which failed due to corruption. Both previous and current Kulmiye administration failed to shed a light on why the project failed, how they spent the money earmarked for the project, and why those responsible for the failure of this lifeline project got away with impunity. Furthermore, the lack of equal opportunities for work, government contracts, development projects between regions and tribes have damaged social cohesion, polarised public opinion and the vast majority of the population were hoping a new political direction from the new government but nothing has changed, and Somaliland has never been so divided before. Public services – many regions, particularly those in the east of the country lack the basic public services such schools, health centres, clean water and child and Mother mortality is the highest in the world, yet the president’s priority is to build a new presidential Palace in his tribal backyard, which is a testament to his priorities for the country. Peace and security – there have been recurring tribal clashes in the east of the country where hundreds of people lost their lives, and the government failed to intervene in a timely fashion to save lives and find lasting solution for their problems. Hundreds of government soldiers defected from the military, because they have been complaining growing injustices within the military forces. It is thus HEVOS’ view that this conference is no more than a public relationships exercise aimed to camouflage the fundamental issues facing the country at present and the government’s failure to find solutions for them. Therefore HEVOS will not be supporting this conference and feels it is a waste of badly needed money that could be used to save lives of Mothers and Babies in Somaliland. HEVOS is urging the government to focus on improving those above named areas. HEVOS executive committee Qaran News -
BAAHIDA DAlKA HAYSA (SHAQO ABUUR) qormadii 3 baad Sida aynu kaga soo hadalnay qormadii labaad waxaynu is dultaagnay sida ugu haboon ee shaqo loo abuuri karo, inagoo ka soo waranay noocyada shaqo ee dalka iyo dadku u baahan yihiin, Qormadeenan oo ah tii sadexaad waxaynu kaga hadli doonaa noocyada warshadaha yaryar ama dhexe ee aynu u baahanay si dhalinyaradu shaqo fiican ugu helaan islamarkaasna heerka shaqo yaraantu hoos ugu dhaco, hadaba waxaynu soo qaadanaynaa warshadaha dalkeena u sahlaaya arimahan aan kor kusoo sheegay inkastoo ay fiican tahay in shicib iyo dawladba waxwadayeelashadu fiican tahay, sababtoo ah si shaqsi ah qofka way ku adagtay inuu warshadaha qaar iibsadaaa iyadoo ay jirto baahidii loo qabay, Markaa waxaan soo jeedinayaa wax wada lahaanshaha oo ah arinta aynu kaga baxayno shaqo la.aanta da.yarteena haysata waxaan kaloo muhiima in laynoo sameeyo xeerka kala xadaynta ganacsiga sababtuna tahay qof maalgashi sameeyey oo la arkay inuu wixii sii shaqeeyey ayay soomalidu agtiisa ka furayaan taasi waxay noqonaysaa ka qish waana xaaraan duhur joogta warshadahaas waxaa kow ka ah 1) warshada daqiiqda oo hada la wado waanan ku faraxsanay mashruuceedu haduu guulaysto wuxuu noqonayaa mid laga helo shaqo abuur fiican, waxsoosaar dalka iyo dal ku haynta lacag badan oo dibada dalka uga bixi jirtay oo la soo siin jiray daqiiqda waxaa ka sahqo gali kara qiyaas ahaan shaqaale badan oo beerista qamadiga iyo shaqaalaha warshada, waa horumar loo baahan yahay 2) warshada sibidhka uma baahnin inay intan ka badan inagasii xirnaato warshadani inagoo joogna wakhti casri ah, qalabkasta iyo maalgalina waxaan soo jeedinayaa inaynu u guntano, wadooyinkeena waxaa jajabiyey baabuurta waaweyn ee sibidhka kazoo qaada dalka aynu jaarka nahay, waxaan ku darayaa intaas in shirkadaha iyo ganacsadataa waaweyni arinkaas loo gacan galiyo share dadka laga siiyo, 3) warshada sameeya furniture-ka xafiisyada iyo guryaha ee aynu ka keensano turkey iyo chine, iyana waa nooc shaqo abuur oo shaqaale badani ka shaqo gali karaan, 4) warshadii qasacadaynaayey waxaa beeraha ka soo go.a sida liinta, canbaha,tabaandhada, qajiga waxan aan ka sheekaynayaa maaha wax aan la samayn Karin waa wax la samayn karo oo lacagta badan ee aynu guryaha dhaadheer ku dhisayno ayaynu ku gadan lahayn mayla socotaan boowe/baayo horaa loo sii soconayaa ilaa,,, C/SAMED XASAN HIRAD BBA PG IN ISLAMIC BANKING & FINANCE Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-281118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland: The National Election Commission Must Resign. This morning, the Somaliland National Elections Commission (NEC) held a press conference to confirm what has been suspected for the last few weeks and months, that there will be no House of Representative nor Local Council elections in Somaliland. These elections were scheduled for March, 2019. The NEC cited lack of funds and the withdrawal of support from Somaliland’s main opposition party, Waddani. The question on everyone’s mind is, what where the NEC doing for the last 12 months? Where they just sitting in their offices drinking coffee and chatting with friends? Were they even in the country? Surely, it makes sense to prepare for any forthcoming elections. This is totally unacceptable. The NEC have found a scapegoat in the redundant House of Representatives, whose mandate expired a decade ago, for failing to pass new election laws. That is a poor excuse. Somalilanders are well aware of the shortcomings of the current House of Representative, it is den of idleness. These “representatives” have made a career of their seats. They are there to get their salaries. It is time to turf them out. The NEC should use the current statutes in the constitution and hold the elections. As for the issue of funding, where has all the funding from the international community gone? We can guess where it went, but they had over a year to apply for more funding. With regard to the Waddani issue, why would the opposition have any faith in a thoroughly discredited commission?. RESIGN. It is time to appoint a new commission, with new energy and purpose. These elections have to be held for the sake of the nation. We cannot go backwards. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa safar wuxuu maanta ku tagay Deegaanka Dhahar e Gobolka Haylaan. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in duqayn cusub uu ka fuliyay gobolka Mudug ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degaanka Quy Cad oo kaabiga ku haya tuuladda Caad. AFRICOM ayaa shaaca ka qaadey in weerarkaasi cirka ah ay ku dileen saddex kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee AlShabaab, xili ay meesha ka saartay inay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah. Taliska ayaa wuxuu wacad ku maray inuu laba jibaari doono duqaymaha uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku beegsanayo xubnaha Al-Shabaab iyo Saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka dalka. Bartamihii bishaan November ayay ahayd markii uu Mareykanka in ka badan labo duqaymo uu Al-Shabaab kula bartilmaameedsaday gobolka Mudug, halkaasi oo uu shaaciyay inuu ku dilay ku dhowaad 40 xubnood. The post Mareykanka oo ka warbixiyey duqayn uu ka fuliyay G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa isaga oo ka qeyb galayay shirkii Dhaqaalaha Badaha wuxuu kormeeray goob lagu soo bandhigay Wax soo saarka Soomaaliya, Waxaana uu Yiri Hadal Kaftan iyo Dhab ka ahaa. Wuxuu kasoo muuqday muuqaal ay baahisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo loogu sharaxayay kheyraadka Soomaaliya, waxaana masuul ka tirsan wasaaradda ganacsiga uu yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”. Kadib waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta waxaana uu yiri “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna khaadka naga dhoofsada”. Waxaa jiro warbixino sanad walbaa lasoo saaro oo lagu sheego in shirkado shisheeye ay gurtaan kalluunka badda Soomaaliya, haddana waxaa la sheegaa inay jiraan tiro yar oo ganacsato Soomaali ah oo Kalluunka u iib geeya Kenya. Ganacsato Soomaali ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay laga soo xigtay in magaalada Mombasa ee dalka Kenya u iib geeyeen 47 tan oo kalluun ah. Hadalka madaxweyne Kenyatta ayaa u muuqda mid dhab ah , maadaama Soomaalida ay Khaat kala yimaadaan dalka Kenya, iyadoo Kenya ay geeyaan dhaqaalo badan iyo Kheyraadka dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Sh/Hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo ku bilowday qarax nooca miinadda ah ayaa laga soo wariyayay inta udhaxaysay tuulooyinka Dhaneene iyo Gan-darshe. Fahfaahinadda ayaa xaqiijinaya in iska hor-imaadka lagu dilay Sagaal kamid ah askarta dowladda, xili tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo sheegayaa in dhanka xarakada A-Shabaab inuu jiro, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah. Mudooyinkii dambe gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan kusoo kordhayay dagaalada ku dhex-maraya ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shababab. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-281118-OKK.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta booqday goob wax-soo-saarka Somalia lagu soo bandhigayay, kaddib markii uu soo dhammaaday shirkii looga hadlayay dhaqaalaha Badaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka iibsanayaan Kaluunka. Mid ka mid ah Hawl-wadeenada suuqa lagu soo bandhigay wax-soo-saarka Somalia ayaa u sharaxayay Madaxeyne Kenyatta kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaan kalluunka, isagoo sheegay inay doonayaan kalluunka Somalia. “Dhab ahaan waxaan doonaynaa in kalluunka Somalia aan u soo dhoofinno Kenya, dhanka kalena ay Soomaalidu naga iibsadaan Qaadka ama Jaadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay Xukuumadda Kenya ku dhawaaqday inay joojinayso kalluunka ay ganacsi ahaanta uga keensato dalka ay dariska yihiin ee Tanzania, sababo dhanka dhaqaalaha ah. Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkiisa loo qaaday laba dhinac, waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen mid kaftan ah, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen inay dhab ka tahay oo uu doonayo in Kalluunka Soomaaliya ganacsi ahaan loo geeyo Kenya. Dalka Kenya ayaa 90% badeecooyinka ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa ah Qaadka ama Jaadka, Waxaana Sannadkiiba ay ka helaan dhaqaale ka badan 8.02 bilyan oo lacagta Kenya ah. Ugu dambeyn, Somalia iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis aan cago badan ku taagnayn oo iskaashi ganacsi ah, kaasoo illaa hadda la sheegay in dheelli-tirkiisu uusan sax ahayn, isla markaana uu u janjeero dhanka Kenya oo maalin kasta Qaad-jaad tiro badan u soo dhoofiya Soomaaliya. PUNTLAND POST The post UHURU: Somalia waxaan kasoo Gadanaynaa Kalluun iyaguna Qaadka ha naga iibsadaan appeared first on Puntland Post.
-
Beirut (PP) ─ Wariye lagu magacaabo Gavin Ford oo ka shaqeyn iray dalka Lubaan ayaa maydkisa laga helay guri uu ka daganaa xaafadda Beit Mery oo ku taalla dulleedka caasimadda dalkaas ee Beirut. Gavin Ford wuxuu u dhashay dalka Britain balse wuxuu muddo sannado ah ka shaqeynayay dalka Lubnaan, waxaana la helay iyadoo maydkisa uu dhiig aad u badan ka baxay, lamana oga sababta loo dilay iyo cidda dishay, balse booliiska dalkaas ayaa sheegay inay illaa hadda og-yihiin inuusan u dhiman si dabiici ah oo la dilay. Sidoo kale, Booliiska Lubnaan ayaa sheegay in gaariga wariyaha la xaday, markii ay damceen inay kusoo wargeliyaan wariye Ford in gaarigiisa la xaday ayaa waxay ka war-heleen meydkiisa oo dhiig ka buuxo. Wargeys la yiraahdo Al-Nahar oo laga leeyahay Lubnaan ayaa daabacay in wariyaha gacmihiisa ay isku xirnaayeen, iyagoo sheegeen inay tuhmayaan in la jir dilay ka hor inta aanan nafta la dhaafin. Dhanka kale, Hiba Aboud oo ka mid ahayd shacabka sida weyn ugu tixnaa wariyaha ayaa sheegtay inay aad kaga naxday dilkiisa, iyadoo tiri: “Waxaan dhageysan jiray illaa yaraanteydii, wuxuu ahaa wariye shacbiyad leh, waana ka xumahay inaan wayno qof nagu qaali ah.” Ugu dambeyn, Boliiska dalka Lubnaan ayaa ayaa ballan-qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan ciddii ka dambeysay dilka wariyahan, iyadoo aysan jirin cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa. PUNTLAND POST The post Wariye caan ah oo Maydliisa laga helay Guri uu ka Degenaa Duleedka Caasimada Lubnaan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Biixi Oo Qaaday Jidkii Lagu Dhaliili Jiray Macalinkiisii Hore Iyo Wasaaraddihii Qaranka Oo Haawanaya + Wax Shaqo Ah Oo Aan Ka Socon Hargeysa ( ) Madaxweyne Biixi ayaa qaaday jidkii Madaxweynihii hore ee KULMIYE, waxaanu sidii Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqaan si lamid ah socdaalkiisa uu ku marayo Gobolada Bariga Dalka horkacay badi xubnaha Golihiisa Wasiiradda oo ay weheliyaan wasiir ku-xigeeno ilaa Agaasimayal Guud. Mudda uu socdaalka Madaxweyne Biixi ku mareyey Gobolada Bariga qaarkood, ayaa waxa haawanayey dhammaan-ba xarumihii Wasaaraddaha dalka, kuwaas oo aanay wax shaqo ahi ka socon, isla markaana ay shaqaaluhu iska hadhsanayaa xafiisyada, madaama ay wasiiraddii iyo ku-xigeenadii iyo Agaasimayaashii Guud ay dabayaceen Madaxweynaha socdaalka . Dhanka kalene Madaxtooyaddii Somaliland ee dalka laga maamulayey ayaa iyana haawanay Ma jirto cid qaabilaysa haddii ay wefti yimadaan dalka, Madaxweyne ku-xigeenkii ayaa isna u duulay dalka dabadiisa,waxaana shaaha ku dhex cabayey midhadh shaqaa leh ah oo lagag tegay. 1. Madaxwayine ku 3.xigeenkiid 2. Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha 3. Wasiirkii Wasaaradda gaashaandhiga 4. Wasiirkii Wasaaradda wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo kalumeesiiga 5. Wasiirkii Wasaaradda beeraha 6. Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo xormariinta reer miyiga 7. Wasiirkii Wasaaradda arimaha dibada 8. . Wasiirkii Wasaaradda Cafimaadka 9. Wasiirkii Wasaaradda Maaliyada 10. Wasiirkii Wasaaradda maacdinta 11. Wasiirkii Wasaaradda cadaalada iyo garsoorka. 12. Wasiirkii Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada 13. Taliyihii Ciidanka Qaranka 14. Taliyihii Ciidanka Booliska 15. Taliyihii Ciidanka Badda 16. Taliyihiin Ciidanka Asluubta Docda kalene falaqeeyayaasha siyaasada Somaliland ayaa sheegay in aanay haboonay inay wasiiradda iyo ku-xigeenadu ay dabayacaan Madaxweynuhu socdaalkiisa uu ku marayo gobolada dalka, balse waxay sheegeen in loo baahnaa inay u adeegaa bulshadooda oo ay xafiisyadooda fadhistaan si ay hawlaha loo igmaday ee Qaranka ugu socdaan oo aanay istaagin. Dhanka kalene Waxa iyana la socdaya Madaxweyne Biixi Wasiir ku-xigeeno iyo agaasmiayaal Guud iyo Xafiisyadii Wasaaradda dalku ay haawanay, isla markaana aanay wax shaqo ahi ka socon mudda-da todobaadka ah ee y Madaxwweyne Biixi socdaalkiisa ku marayey Gobolada Bariga Dalka. Si Kastaba ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inuu qaaday jidkii lagu dhaliili jiray Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, waxaana muuqata in socdaalkiisii ugu horeeyey ee gobolada dalka ay daba yacaan Golihiisii Xukuumadda iyadoo ay haawanayaan dhamaan xarumihii Wasaaraddaha Dalku oo aanay jirin wax shaqo ah oo ka socota, isla markaana ay shacabkii loo adeegi lahaa dul meehanaabayaa xafiisyada haawanaya Qaran News
