Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. October 24, 2018 (ADDIS ABABA) – An Eritrean opposition group in Afar region, Red Sea Afar Democratic Organization (RSADO) welcomed the peace and reconciliation between the Horn of Africa nations but said Asmara government has no legitimacy to enact it. Source: Hiiraan Online
  2. Fewer than 4 out of 10 adults in the United States got flu shots last winter, the lowest rate in seven seasons and one likely reason why the 2017-2018 season was the deadliest in decades. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) – Somalia’s government has cancelled the registrations of commercial and fishing ships sailing under the country’s flag in a move that means there will be no Somali-flagged maritime transport in the near future unless they renew their registration licenses. Source: Hiiraan Online
  4. Riyadh (Caasimada Online) – Telefishinka CNN-ka Maraykanka waxa uu goor dhow shaaciyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa ay ka ambabaxeen dalka Sacuudiga, maalin kadib markii uu la kulmay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan oo ay uga tacsideeyeen dilka Aabihiisa. Lama sheegin Saalax Jamaal Khashoggi halka uu u ambabaxay, waxaase loo badinayaa inuu u dhoofay magaalada Dalka Mareykanka. Dhoofka Saalax Jamaal Khashoggi iyo caa’iladiisa, ayaa waxaan wali ka hadal Dowladda Sacuudiga oo horey ugu soo rogtay xayiraad dhinaca Socdaalka ah. Dowlada Sacuudiga ayaa Saalax Jamaal Khashoggi horay uga mamnuucday inuu ka dhoofo dalka sida aan ku sheegnay wararkeena hore. Saalax Jamaal Khashoggi, ayaa dhoofkiisa hore la mamnuucay kadib markii uu Aabihiisa mucaarad ku ahaa Madaxda Sacuudiga, gaar ahaan Amiirka awoodda badan ee Maxamed Bin Salmaan. Lama sheegin in dowlada Sacuudiga ay xayiraada socdaalka ka qaaday Saalax Jamaal Khashoggi iyo inkale, waxaana jira warar sheegaya in curudkan uu ku baxay dalab dowlad kale uga imaaday.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa goor dhow waxa ay magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyeen shir halkaasi uga soconayey Afar maalin, waxaana lasoo saaray War-murtiyeed ay arrimo badan kaga hadleen, Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada ugu kulul ee ku jiro war muriyeedka kasoo baxay Maamulada: Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa in mowqifkiisii ku aadanaa hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe aysan waxba iska badalin ilaa iyo inta Dowladu ka soo marayso wadada saxda ah. Goluhu wuxuu canbaareynayaa siyaasada guracan ee Dowlada Dhexe hormuudka ka tahay ee ku salaysan burburinta hannaanka federalka iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan oo la rabay in loo isticmaalo ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta dalka loo leexiyey iska horkeenka shacabka rer Galmudug iyo burburinta maamulada Dowlad Goboleedyada, waxaana cadeyn ugu filan isku dayga afganbiga siyaasadeed ee ka socda Caddaado taas oo ka turjumaysa sida hogaanka sare ee Dowlada Dhexe uusan u aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federalka. Goluhu wuxuu ku baaqayaa Shirweyne Wadatashi Qaran oo lagu qaban doono mudo bil gudaheed ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay kasoo wada qayb gali doonaan dhamaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadeed si loo badbaadiyo dalka. Goluhu wuxuu saluugsanyahay doorka beesha caalamka oo ilaa hada ku jira xaalada arag oo sug (wait and see) taas oo qayb weyn ka ah waxyaabaha Dowlada Dhexe ku dhiiri galinaysa mowqifkooda ku salaysan iska indho tirka xaqiiqda jirta ee amni iyo siyaasadeed ee sii cakirmaysa. Goluhu wuxuu isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga. Tan iyo intii Dowladan hada jirta xukunka lawareegtay horaantii 2017, Goluhu wuxuu si joogta ah u soo bandhigayey tilmaamo iyo talooyin ka turjumayey sidii lagu sugi lahaa amniga loona badbaadin lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana marar badan la dajiyey qorsheyaal iyo hanaan amni oo lagu xaqiijin karey in lagaaro hadafkaas. Waxaase nasiib daro ah in fulinta dhammaan isku dayadaas lagu guul daraystey sababo la xiriira iyadoo aysan dowlada dhexe lahayn aragti iyo qorshe dhab ah oo amni taasina ay keentey in si buuxda amnigu faraha uga baxo dalkuna uu qarka u saaranyahay in Alshabab mar kale lawareegto, taas oo cadeynaysa in aan amniga dalka lagu aamini karin Dowladda Dhexe. In la dhiso Golaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo hormuud ka noqon doona arrimaha Amniga Dowlad Goboleedyada (Interstate Security Council). In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta cadowga ku jira. In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan. GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2 In la abuuro sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maal galin doono miisaaniyada ku baxaysa ciidankan. 1.6 Sidoo kale waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan hannaaan kooban oo u gaar ah oo ay ku wadaagaan wararka sirdoonka cadowga. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay xarumaha Maxkamadda Sare, Racfaanka iyo weliba tan Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saarayso sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka hay’adaha garsoor dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii garsooreyaasha dalku ay u heli lahaayeen xuquuq dhammaystiran, iyagana laga sugayo in ay ka shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahaayeen hannaan caddaaladeed oo hufan. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay waddo qorshe lagu yagleelayo Guddiga Adeegga Garsoorka kaas oo hindisihiisa la horgeyn doono Goleyaasha Dowladda si loo ansixiyo. “Waxaa naga maqan Guddigii Adeegga Garsoorka, waxaa naga maqan Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si dheelitirka dowladnimo u noqdo mid dhammaystirtan, waxaan ka shaqeyneynaa in hindisaha Guddiga Adeegga Garsoorka aan horgeyno Baarlamaanka.” Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhammaan garsooreyaasha Maxkamadaha ayaa kula dardaarmay in ay si caddaalad ah ugu kala garnaqaan dadka ay ka dhaxeeyaan dacwaduhu, ilaaliyaanna masuuliyadda adag ee lagula xisaabtami doono adduun iyo aakhiraba. “Waxaa la idinka doonayaa in musuqmaasuqa aad ka fogaataan. Garsoorayaashiina halkan fadhiya waxa la idin ka filayaa inaad noqotaan kuwii loo soo ordayay ee aydaan noqon kuwii laga cararayey, in aad noqotaan kuwii dowladnimada dhisayey ee aydan noqon kuwii duminayey, waxaan idinka rajeynayaa in qof idiin yimid uusan caddaalad darro idinkaga laaban.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kormeeray hawlaha garsoor ee ka socda maxkamadaha, iyadoona loo soo bandhigay nidaam casri ah oo la jaan qaadaya tiknaloojiyadda kaas oo lagu diiwaan geliyo gal-dacwadeedyada iyo xukunnada la riday. Sidoo kale waxa uu ka qayb galay dhagaysiga dacwadihii maxkamadda ka socdey, xog wareystayna qaar kamid ah dadkii garsoorka u soo doontay Maxkamadaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay Garsoorayaasha Maxkamadaha DF appeared first on Puntland Post.
  7. WASHINGTON (Caasimada Online)– The World Bank Group’s (WBG) Board of Directors endorsed the first four-year Country Partnership Framework (CPF) for Somalia and approved two investment programs worth $80 million. The CPF outlines the Bank’s strategy to support the government’s goal to expand service delivery, build resilience to climatic shocks, and boost economic opportunities in Somalia. As the country’s first development strategy since the early 1990s, the CPF FY19-22 reflects the progress of economic reform and institution building since 2013, when the Bank reengaged with Somalia through the Multi-Donor? Partner Fund (MPF). The two focus areas of the CPF—institutions and services and economic inclusion and sustainable growth—aim to translate political and institutional gains into tangible improvements in the lives of people. Across both areas, the CPF aims to ensure gender equality and equity, the inclusion of marginalized groups, and will seek to address fragility by building resilience across all sectors. “Our role since reengaging has been to help Somalia rebuild core institutions that can restore citizens’ trust and redistribute resources to address extreme poverty and begin to create opportunities for those who have been excluded,” said Bella Bird, Country Director for Tanzania, Burundi, Malawi and Somalia. “For this CPF, our focus is to support Somalia’s institutions to extend their reach in providing services to citizens and to scale up our interventions that will open up economic opportunities.” Since the WBG’s reengagement in Somalia, the federal government, along with the federal member states, has made progress in building institutions and improving economic performance through legislation, revenue mobilization, and engagement with the private sector. Political, economic and security reforms achieved over the last five years have led to an opportunity to address structural drivers of fragility. “Somalia provides a global example for how the Bank can operate in the most challenging contexts where our help is needed most,” said Hafez Ghanem, Vice President of the World Bank for Africa. “Somalia’s stability and prosperity are key to the stability of the region as a whole. We applaud the government for their commitment to reform and the steps taken towards building a better future for the country.” With continued MPF funding, the CPF will help increase revenue, build capacity of municipalities for urban resilience and improve delivery systems for more inclusive social services. It also aims to improve the business environment and increase access to finance for greater inclusion and increase access to energy and water for rural resilience and productivity. The CPF continues the close collaboration between the Bank and the International Finance Corporation that has been at the core of the WBG’s engagement since 2013. During the CPF period, the WBG will continue to foster the collaborative relationship between the government and the private sector, leveraging its strengths by creating an enabling environment for greater economic growth and inclusion. Board also approved financing for two projects for Somalia. An additional financing of $60 million for the Recurrent Cost and Reform Financing Project and $20 million for the Domestic Revenue and Public Financial Management Capacity Strengthening Project. These projects are supported by resources from the International Development Association*, channelled through the government for the first time since 1991. As such, they represent a milestone in Somalia’s development and reconstruction. The projects will support the government to mobilize and redistribute the resources needed to rebuild the country after three decades of conflict. PRESS RELEASE
  8. MOGADISHU (Caasimada Online)— A deadly bomb explosion targeting armored personnel carrier has killed at least 7 government soldiers near Somali capital Mogadishu. The explosion hit an armored vehicle carrying Somali military soldiers while travelling between Jazeera and Dhanane areas near the capital of Mogadishu, Mohamed Badeil, a witness said. He says 5 other soldiers were also injured in the bomb explosion. Mohamed told Caasimada Online that the military forces were heading to Marka town, some 91km southwest of Somali capital. He says a boat had taken the victims and rushed into hospitals in Mogadishu. Somali military officials were unavailable to reach on the phone for comments on bomb attack There was no immediate claim of responsibility for the roadside bomb explosion, but such attacks are often carried out by Al Qaeda linked Al-Shabaab. The group has been waging insurgency for more than ten years in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga aragti dhiibtay qodobada lama filaanka ah ee Garoowe ay ka soo saareen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland. Qaar badan oo ka mid ah dadka arintan ka fal celiyey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maanta dib loogu laabto xulafaysigii iyo danaha shakhsiyeed ee Qaran jabka ku riday shacabka Soomaaliyeed. Qodobbada ay soo saareen Dowladda Goboleedyadu ee ku saabsan sameysashada ciidan iyo sirdoon gaar ah, gole amni, hor istaagidda ansixinta shuruucda dalka iyo ku dhawaaqista Shir wada tashi oo heer Qaran ah ayaa ka dhigan maja xaabinta awoodaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ah iyo khiyaano Qaran, sida ay tilmaameen dad badan. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland iyo Koonfur-Galbeed ayaa durba muujiyey walaacooda ku aaddan arinkan, iyagoona ku tilmaamay mid ay ku doonayaan Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan in ay kusii kororsadaan muddada xil haynta, ayna kula dagaalamaan mucaaradkooda. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Gaas in uu uga faaiidaysanayo khilaafka Dowladda Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe danihiisa gaarka ah ee la xiriira doorashooyinka 2021-ka. “Khilaafkii la sheegayey ee u dhexeeyey maamulada iyo Dowlada Federaalka ma waxaa uu noqdey xalkiisu in lagu dhiso xisbi siyaasdadeed oo uu madax ka yahay Gaas- kii aan Puntland ku aragney- maanta waxaa sii cadaatey danaha is-jiiraya ee Cabdiweli Gaas ka leeyahay hogaaminta Puntland isagoo muddo Shan sano ah jaranjaro ka dhiganayey shacabka Puntland.” Ayuu ku soo qoray Maxamed Faroole bartiisa Facebook-ga. Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka ka soo jeedaa Koonfur-Galbeed ayaa si jees jees ah uga aragti dhiibtay go’aamada Golaha Dowlad Goboleedyada iyagoona suaalo ka keenay sida ay ugu suurta galayso Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Madashan in uu gudoomiyo shirka lagu balamay bil kadib, maadaama uu banyan doono xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed 17-ka bisha so socota. Su’aalaha kale oo laga keenay bayaanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka mid ah halkee laga keeni doonaa maal gelinta ciidamada ay sameyn doonaan, iyadoo dadka qaarkii ay tusale usoo qaadanayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland ee mushahar la’aanta mudo ka cabanaya. Qof lagu magacaabo Yosif Dirik-souwn oo arrintaas ka aragti dhiibtay ayaa yiri; “Waxaan ay xar-xariiqeen bil u qabo sideey u qaboobaan aad aragtide. Ma nimanka mushaarka u waayay ciidankii aay horay u lahaayeen ee maalin walba gadoodka sameeynaya waliba Maamul Goboleedkii ugu dakhliga fiicnaa Puntland.”
  10. MOGADISHU (Caasimada Online)–Genocide continues to take place against Muslim-majority Rohingya in Myanmar and the government is increasingly demonstrating it has no interest in establishing a fully functioning democracy, a UN investigator said. Marzuki Darusman, chair of the UN fact-finding mission on Myanmar, said the estimated 250,000 to 400,000 Rohingya who remained in the Buddhist-majority country following last year’s brutal crackdown “continue to suffer the most severe” restrictions and repression. “Atrocities continue to take place today,” Darusman told reporters as he prepared to brief the UN Security Council on the situation on Wednesday. “It is an ongoing genocide that is taking place.” There is increasing global pressure on Myanmar to act following a military crackdown in the western state of Rakhine that drove some 700,000 Rohingya across the border into Bangladesh, amid accusations of mass rape, murder and torture. Myanmar’s government has rejected the 440-page UN report on the crackdown, which concluded top military leaders should be prosecuted for war crimes, crimes against humanity, and genocide for their role in the crackdown. The UN investigation was “flawed, biased and politically motivated”, Myanmar’s council representative said. ‘Human rights catastrophe’ Darusman told the council the mission’s report on the crackdown showed a “human rights catastrophe” that would affect the Rohingya for “generations to come, if not forever”. He urged the council to hold Myanmar accountable. “National sovereignty is not a licence to commit crimes against humanity or genocide,” said Darusman. “The Rohingya and all of Myanmar’s people, in fact the entire world, is looking at you to take action.” Myanmar has denied committing atrocities against the Rohingya, saying its military carried out justifiable military action against rebels who had attacked security posts in the region. The country’s UN ambassador said Myanmar would never accept being referred to the International Criminal Court. Al Jazeera’s Diplomatic Editor James Bays said a referral was unlikely, with China and Russia able to use their veto to protect Myanmar from any action. “A Security Council veto could and almost certainly would be used,” Bays said. “But an investigation into the crime of forced expulsion is a possibility because the country many people fled to, Bangladesh, has signed up to the court’s jurisdiction.” Britain coordinates council action on Myanmar and the country’s ambassador to the UN, Karen Pierce, said she would push for “accountability that genuinely ends the Burmese military’s impunity”. The Rohingya: Silent Abuse Yanghee Lee, the UN special investigator on human rights in Myanmar, told reporters leader Aung San Suu Kyi was “in denial” about the crackdown, and her government did not appear to be all that different from the military dictatorship of the past. “The government is increasingly demonstrating that it has no interest and capacity in establishing a fully functioning democracy where all its people equally enjoy all their rights and freedoms,” Lee said. “It is not upholding justice and rule of law”, which Aung San Suu Kyi “repeatedly says is the standard to which all in Myanmar are held”, she added. The conditions were not right for any Rohingya to return to Myanmar, she said. Lee said while there had been progress in terms of economic development and infrastructure, there had been “no progress” in terms of “democratic space” or land rights. “Repatriation is not possible now,” she stressed. “I will not encourage any repatriation. Right now, it’s like an apartheid situation where Rohingyas still living in Myanmar … have no freedom of movement. “The camps, the shelters, the model villages that are being built, it’s more of a cementing of total segregation or separation from the Rakhine ethnic community.” Sources: Al Jazeera
  11. Wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba ruqsaddii kala noqotay telefishin lagu magacaabo SBS TV,sida ku xusan digreeto ka soo baxday xafiiska Wasiirka. Digreetada ayaa lagu sheegay in telefishinka magacaas leh uu khal-khal gelin joogta ah ku hayo amniga iyo siyaasadda dowladda Puntland,islamarkaana uu ka dhega-adaygay digniino dhowr ah oo wasaaraddu u jeedisay. Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan xafiisyada ay khusayso in ruqsaddii laga qaaday telefishinkaasi laga bilaabo maalinta sabtida ah ee ku beegan 27 bishan October,sida digreetada ku cad. PUNTLAND POST The post Puntland oo ruqsaddii kala noqotay SBSTV appeared first on Puntland Post.
  12. Riyadh (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa sheegay in dilka suxufi Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey. Hadalkan ayaa burinaya midkii horey uga soo baxay dowladda Sacuudiga ee ahaa in Jamal uu ku dhintay gacan ka hadal si lama flaan ah uga dhacay gudaha qunsuliyadda, labadii October. Taleefishinka dowladda ay leedahay ee al-Ekhbariya ayaa sheegay in akhbaar cusub oo ay ka heleen Turkiga ay wax ka beddeshay fahamkii ay xukuumadda Riyadh markii hore ka haysatay dilka. Bayaanka laga aqriyey taleefishinka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dacwad oogayaasha ay su’aalo weydiinayaan dadka lagu tuhunsan yahay dilkan, ayada oo lagu dabaqayo akhbaar ay bixiyeen kooxda Turkishka iyo Sacuudiga isku dhafka ah ee baaraya kiiska. Hadalkan cusub ayaa mar kale muujinaya isbeddelka aan dhamaan ee Sacuudiga mar walba ku saymeynayaan kiiskan. Xukuumadda Riyadh ayaa markii hore sheegtay inaysan waxba ka ogeyn maqnaanshaha saxufiga, islamarkaana uu ka baxay qunsuliyadda markii uu dantiia ka dhameystay labadii October. Laba toddobaad kadib waxay qiratay in “Jamal Khashoggii uu ku dhintay gacan ka hadal si lama filaan ah uga dhex dhacay qunsuliyadda.” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s Inter-state leaders have issued a joint communique from fourth conference of Council of Inter-state cooperation [CIC] held in Garowe, the capital city of Puntland. The Inter-state leaders discussed on wide range of issues, including security, political and social issues during five-day summit in Garowe town. The leaders agreed to form their own unified forces against Al Qaeda linked Al-Shabaab, drawing 1,000 soldiers from each region, who will be trained within two months. They [the leaders] have reiterated their opposition to federal government policies on federalism and Justice System. The leaders accused the federal government of interfering with regional issues, failure to execute security architecture and not fulfilling political deals. Last month, Somalia’s state leaders accused central government of interfering regional issues and cut all working relationships with the Federal government, amid on-going political rifts. The country’s regional leaders also chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18 in Somali capital Mogadishu. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadla go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxgoboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Garoowe. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in madax goboleedyada ay ku dhawaaqeen dagaal meeshii ugu sarreeyey ah oo ka dhan dowladda Soomaaliya. “War-murtiyeedka dawlad goboleedyada ka soo baxay wuxuu u muuqdaa mid si wayn kaga duwan kuwii hore. Waxay sheegeen in ay dhisanayaan Gole Amniga Dawlad Goboleedyada, Sirdoon, dhaqaale iyo ciidan isku dhaf ah. Waxay dhisteen Xisbi, waxay ku baaqeen shirwayne qaran, waxay ka baxeen qorshayaashii fulineed ee dhinaca amniga ahaa ee horay loo gaaray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas ku daray inay muuqato in madax goboleedyada ay xukuumad kale ka dhinac dhiseen xukuumadda Xasan Cali Kheyre. “Haddii aad sadarada dhexdooda si fiican u aqriso waxaa soo baxaysa in ay leeyihiin dawlada federaalka ah waxay gabtay masuuliyadeedii amni, siyaasad iyo dastuur, waana ka quusanay, sidaas darteed masuuliyadii ayaan kala wareegnay, waxaana dhisnay xukuumad barbaryaal ah Inta Soomaali isaga imaanayso.” Ayuu yiri. “Waa dagaal meeshii ugu saraysay dalku dabaqabad ayuu u baahan yahay” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. ADDIS ABABA (Caasimada Online)–Ethiopian members of parliament have elected Sahle-Work Zewde as the country’s first female president. Ms Sahle-Work is an experienced diplomat who has now become Africa’s only female head of state. Her election to the ceremonial position comes a week after Prime Minister Abiy Ahmed appointed a cabinet with half the posts taken up by women. After being sworn in, President Sahle-Work promised to work hard to make gender equality a reality in Ethiopia. Addressing parliament, she also pledged to promote peace: “I urge you all, to uphold our peace, in the name of a mother, who is the first to suffer from the absence of peace.” Fighting for women’s rights By Bekele Atoma, BBC Afaan Oromoo The new president was keen to make a point about gender equality right from the start, telling MPs that if they thought she was talking too much about women, she had only just begun. There may now be male-female parity in the new cabinet but elsewhere there is still a long way to go. Ms Sahle-Work’s appointment has been welcomed by Ethiopians on social media with many calling it “historic”. She has been described as Ethiopia’s first female head of state of the modern era, with some remembering Empress Zewditu who governed the country in the early part of the 20th Century. Ms Sahle-Work was voted in after the unexpected resignation of her predecessor, Mulatu Teshome. The prime minister’s chief of staff, Fitsum Arega, tweeted that “in a patriarchal society such as ours, the appointment of a female head of state not only sets the standard for the future but also normalises women as decision-makers in public life”. President Sahle-Work has served as an ambassador for Ethiopia in Senegal and Djibouti. She has also held a number of UN positions, including head of peace-building in the Central African Republic (CAR). Immediately before becoming president, Ms Sahle-Work was the UN representative at the African Union. In the Ethiopian constitution, the post of president is ceremonial with the prime minister holding the political power. The last African female head of state was Mauritian President Ameenah Gurib-Fakim, who resigned in March over an expenses scandal. She denied any wrong doing. Sources: BBC
  16. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu halkaasi gaaray musharax si weyn looga dareemay magaalada oo halkaasi la tegay gaadiid, ciidamo iyo Hub. Musharraxan oo ah Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) agaasimihii hore ee Hay’adda NISA ayaa diyaarad gaar ah ka dejisay garoonka magaalada Baydhaba, waxaana ka sii horeeyay diyaarad xamuul oo geysay 4 Gaari oo kala ah: laba gaari oo aanay xabbadu karin, Toyoto Hilux, iyaduna aanay xabbadu karin, Gaari Cabdi Bille ah oo qori saaran yahay iyo ciidamo. Xuseen Uurkuus oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dadweyne fara badan. Dhowaan ayaa sidoo kale waxaa Baydhaba gaaray musharax kale oo sidan oo kale hub iyo ciidamo la tegay magaalada, kaasoo ah wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (Caasimada Online)—African Union troops killed at least 15 Al-Shabab fighters as they repulsed an attack by the armed group on their base in Somalia. The AU mission said heavily armed Al-Shabab fighters attacked on army bases belonging to the African Union Mission in Somalia (AMISOM). The attacks happened in Barire town, some 60km west of Somali capital Mogadishu, killing at least 15 Al-Shabaab fighters, mission said. “We have repulsed in two separate attacks by Al Shabaab in Bariire town. AMISOM troops have killed 15 AlShabaab fighters in the attacks”, the mission said. The African Union peacekeeping force said it would continue working with the federal and state governments to ensure Al-Shabaab is defeated and lasting peace and security restored in Somalia. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  18. Madaxweyne Gaas ayaa laba bill kadib ku guulaystay in uu 3 Madaxweyne Gobal ku shiriyo Garoowe, markii uu 2 jeer did uga dhacay, uuna lumiyey ku xigeenkiisii Waare. Xalay ayaan akhriyey War-Murtiyeedkii ay soo saari lahaayeen maanta ee 4 ta Maalmood iyo 4 ta Madaxweyne, waxaana xasuustay 4 tii Hogaamiye ee 12 sano ka hor Muqdisho kasoo saaray War-Murtiyeed ka Shaabaha kan Garoowe laba Qodob: Wadanku wuxuu u baahanyahay Badbaado iyo in Dawlad loo dhiso, iyaga oo iska indha tiraya ama indhaha dadka ka jeedinaya dawladda u dhisan oo ay xubnaha ka yihiin? In aysan Madaxdu Qiimayn ku sameen waqtiga ay joogaan, duruufaha ku hareeraysan iyo aragtida ay dadku ka aaminsanyihiin. Golaha Kismaayo oo sanad ka hor loo dhisay dagaal ka dhan ah Dawladda Federaalka ayaa shirkiisa Garoowe iyo Baaqa kasoo baxay ka muuqataa guul-daro ku timid ujeedooyinkii loo dhisay sababa-haan awgood; Waxa ay lumiyeen taageeradii Shacabka ay Madaxda u yihiin kadib markii ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday, kuna mashquuleen hawlihii Federaalka iyo Beesha Caalamka. Waxa ay lumiyeen kalsoonidii Golayaasha Federaalka kadib markii ay dalbadeen in ay xilkoodii qaataan, dibna u dhistaan Golihii Hogaaminta dalka ee uu M.Xasan Sheakh u dhisay. Waxa ay lumiyeen aqoonsigi iyo kaalmadii Beesha Caalamka iyo IGAD kadib markii ay bill ka hor tageen Nairobi loona sheegay in aan waqti danbe loo hayn xalka Mushkiladooda. Waxa ay lumiyeen Taageeradii Ethiopia iyo Emaraat kadib markii ay Siyaasadooda ku aadan Somaaliya is bedeshay. Waxa ay lumiyeen iskaashi iyo is difaacid dhexdoooda ah kadib markii ay hayn waayeen Waare una gurman waayeen Xaaf. Waxa ay lumiyeen fursadii ay doorasho ugu soo laaban lahaayeen kadib markii ay la dagaalameen dawladdii ay la shaqeyn lahaayeen, gacana siin laheed doorashada kadib, la’aan-teedna aysan noolaan karin. Waxa ay lumiyeen kalsoonidii in ay leeyihiin karti maamul iyo dawladnimo kadib markii ay ku fashilmeen Xisaab celin iyo La xisaabtan dhaqaalihii la siiyey iyo kan u yaalla. Waxa ay lumiyeen rajadii laga qabay Fedaraalaynta iyo daadejinta maamulka Gobalada ay ka taliyaan iyo ka Xoreynta Shabaab. Waxa ay lumiyeen Taageerada Golayaasha Barlamaana-dooda iyo Waziira-dooda kadib markii ay badeen Mushaar la’aan, Shaqa la’aan, Xorriyad la’aan iwm, badankoodna kusoo qaxeen Xamar. Waxa ay lumiyeen kalsoonidii iyo Taageeradii Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay ka dhammaan waayeen ilaa 2009 kii luga qabsiga iyo daciifinta Dawladda Federaalka oo ay dadku ka sugayaan in ay arkaan maalin ay gaarsiiso himilada ah; soo noqoshada Magacii iyo Maqaamkii ay ku lahaan jireen Afrika iyo Dunida inteeda kale. Hadaba War-Murtiyeedka 4 ta Madaxweyne waxaan u arkaa waa socon-waynay ee aan Orodno!. W/Q: Prof Maxamed Nuur Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Iyada oo Maanta Magaalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada lagana soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob oo Amaanka, Siyaasadda iyo wada shaqeynta u badnaa ayaa munaasibaddii xiritaanka waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Abaal-marintan oo ah mid cusub oo ay alifeen madax goboleedyada, ayey dowlad Goboleedyada ku sheegeen in ay tahay dadaalkii uu xaaf ku bixiyay nabadeynta Gaalkacyo iyo heshiiskii uu la galay Maamulkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee ay midoobeen. Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa guddoonsiiyay Shahaado sharafta Madaxweynaha Galmudug. Xaaf ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedka ee muddada soo socota.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirkoodii 4-aad ee Garoowe isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay. Guddoomiyaha xisbiga ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha xisbiga xisbigan oo ka hadlayey ayaa sheegay inay sabab u tahay inay Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka xisbiyada si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “In la sameeyo xisbi ay ku mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, tusaale ahaan 4-tan meesha isugu timid, inshaa-allah waan rajeynayaa Hirshabeellaha inay ku soo biiri-doonto, waxaan rabnaa xisbigu inuu ahaado xisbi u eg Soomaaliya, xisbi ka tarjumaha Soomaaliya oo dhan, xisbi Soomaali oo dhan ay ku midowgo inu noqdo, kolay markii la dhiso, waxaa arki-doontaa nooca uu yahay, mabaadii’diisa, ujeedooyinkiisa, intaas oo dhan aan ku soo bandhigi-doonno” Sameynta xisbigan ayaa qeyb ka ah dadaallo xooggan oo socda oo maamul goboleedyada ay uga go’an tahay inay ku carqaladeeyaan dowladda federaalka, kuna xaqiijiyaan inaysan gaarin hadafyadeeda siyaasadeed ee laga garao doorashada cusub ee 2021. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  21. Goluha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirkoodii 4aad ee Garoowe isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha xisbiga xisbigan oo ka hadlayey ayaa sheegay inay sabab u tahay inay Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka xisbiyada si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “in la sameeyo xisbi ay ku mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, tusaale ahaan 4-tan meesha isugu timid, inshaa-allah waan rajeynayaa Hirshabeellaha inay ku soo biiri-doonto, waxaan rabnaa xisbigu inuu ahaado xisbi u eg Soomaaliya, xisbi ka tarjumaha Soomaaliya oo dhan, xisbi Soomaali oo dhan ay ku midowgo inu noqdo, kolay markii la dhiso, waxaa arki-doontaa nooca uu yahay, mabaadii’diisa, ujeedooyinkiisa, intaas oo dhan aan ku soo bandhigi-doonno’. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta abaar-marinta nabadda ee sanadka ama “peace Maker of the year” guddoonsiiyey madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo akhrinayey sababata uu ku muteystay ayaa sheegay nabadeynta Galkacyo iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee Galmudug iyo Ahlu-sunna. Xaaf ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedka ee muddada soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Ethiopia’s parliament approved Sahle-Work Zewde as the country’s new president, the first woman to hold the post. Source: Hiiraan Online
  24. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa goor dhow waxa ay magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyeen shir halkaasi uga soconayey Afar maalin, waxaana lasoo saaray War-murtiyeed ay arrimo badan kaga hadleen, Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka: GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- WAR-MURTIYEED Garowe TAARIIKH; 20-24- Oktobar 2018 Shirkii 4aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka soo qayb galay hogaamiyeyaasha Golaha oo ay kamid yahiin Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha, islamarkaana martigaliyey shirka, Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane sharif Xassan Sh Adan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle xaaf. Shirka oo socdey intii u dhaxaysay 20-24 waxaa ka soo qayb galey madax kale oo kor u dhaafayey ilaa 100 ergey oo kala matalayey labada gole ee xukuumada iyo Barlamaanka Dowlad Goboleedyada. Mudadii shanta bari ahayd ee shirku socday waxay madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo diirada lagu saarayey arrimaha amniga, siyaasada iyo bulshada ee dalka, waxaana gaba gabadii shirka ka soo baxay War-Murtiyeedkan: ARRIMAHA AMNIGA Kadib markii qiimayn, falaqayn iyo wada tashi dheer laga yeeshay arrimaha amniga ee dowlad goboleedyada iyo dadaalada ku aadan sugida Amniga dalka waxaana dirada lagu saarey:- Tan iyo intii Dowladan hada jirta xukunka lawareegtay horaantii 2017, Goluhu wuxuu si joogta ah u soo bandhigayey tilmaamo iyo talooyin ka turjumayey sidii lagu sugi lahaa amniga loona badbaadin lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana marar badan la dajiyey qorsheyaal iyo hanaan amni oo lagu xaqiijin karey in lagaaro hadafkaas. Waxaase nasiib daro ah in fulinta dhammaan isku dayadaas lagu guul daraystey sababo la xiriira iyadoo aysan dowlada dhexe lahayn aragti iyo qorshe dhab ah oo amni taasina ay keentey in si buuxda amnigu faraha uga baxo dalkuna uu qarka u saaranyahay in Alshabab mar kale lawareegto, taas oo cadeynaysa in aan amniga dalka lagu aamini karin Dowladda Dhexe. Sidaas darteed Goluhu wuxuu go’aan ku gaarey:- 1.1 In la abuuro qorshe iyo hannaan amni oo dhab ah oo ay ku mideysanyihiin Dowlad Goboleedyadu kaas oo masuuliyada fulintiisa iyo maalgalintiisuba hormuud ka noqonayaan Dowlad Goboleedyadu. 1.2 In la dhiso Golaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo hormuud ka noqon doona arrimaha Amniga Dowlad Goboleedyada (Interstate Security Council). 1.3 In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta cadowga ku jira. 1.4 In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan. GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2 1.5 In la abuuro sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maal galin doono miisaaniyada ku baxaysa ciidankan. 1.6 Sidoo kale waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan hannaaan kooban oo u gaar ah oo ay ku wadaagaan wararka sirdoonka cadowga. Marka la helo Dowlad Dhexe oo leh aragti Soomaalinimo dhabna ay ka tahay soo celinta, amniga dalka, Goluhu wuxuu ku wareejin doonaa ciidankan isku dhafka ah si ay uga mid noqdaan ciidanka Xooga Somaaliyeed(CXS). Goluhu wuxuu isku raacay in dhamaan qorsheyaashii amni ee horey Goluhu kula jirey Dowlada Dhexe ay fashilmeen kadib markii Dowladu ka baaqsatey fulintooda in ku dhow laba sano, sidaas darteed, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 24 bishii oktobar Goluhu qayb kama mid noqon doono qorsheyaashan fashilmay. Goluhu wuxuu su’aalo badan iska waydiinayaa ilaa iyo hadana jawaabteeda lala’yahay sida ay ku dhici karto in wadamada naf iyo maalba ku bixinaya dadaalka loogu jiro in lagu badbaadiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, hadana ka gaabinaya ka qayb noqoshada xal u helista khilaafka jira iyada oo ay muuqato in mar kale dalku dib u galayo gacanta Alshabaab. ARRIMAHA SIYAASADA Mudadii shirku socday, madaxdu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha siyaasadaha si guud iyo si gaar ahaaneed kuwa khuseeya Dowlad Goboleedyada:- Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa in mowqifkiisii ku aadanaa hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe aysan waxba iska badalin ilaa iyo inta Dowladu ka soo marayso wadada saxda ah. Goluhu wuxuu taagersanyahay dadaalka ay hormuudka ka yihiin Aqalka Sare waana soo dhaweynaynaa wixii talo ah ee ku aadan badbaadinta dalka. Goluhu wuxuu canbaareynayaa siyaasada guracan ee Dowlada Dhexe hormuudka ka tahay ee ku salaysan burburinta hannaanka federalka iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan oo la rabay in loo isticmaalo ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta dalka loo leexiyey iska horkeenka shacabka rer Galmudug iyo burburinta maamulada Dowlad Goboleedyada, waxaana cadeyn ugu filan isku dayga afganbiga siyaasadeed ee ka socda Caddaado taas oo ka turjumaysa sida hogaanka sare ee Dowlada Dhexe uusan u aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federalka. Goluhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa islamarkaana sidoo kale canbaareynayaa hab dhaqanka Dowlada Dhexe ee ku aadan in siyaasad loo adeegsado dhaqaalaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dhexeeya ee beesha caalamku (tax payers money) soo mariso gaar ahaan kuwa loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadaha Dowlad Goboleedyada oo hada ay hortaagantahay in loo gudbiyo Dowladaha Goboleedyada sababo la xiriira ra’yi kala duwanaashaha arrimaha amniga iyo siyaasada dalka. Goluhu wuxuu u mahad celinyaa deeq bixiyeyaasha hiil iyo hooba la garab taagan dadka iyo dalka soomaaliyeed, waxaase nasiib daro ah in dhaqaalahaas loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo ka soo horjeeda ujeedooyinkii loogu tala galey, sidaas darteed wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in deeq bixiyeyaashu dabagal ku sameeyaan sida loo maamulay dhaqaalahaas si loo xaqiijiy in meeshu loogu talagaly uu gaarey. 3 6. Goluhu wuxuu si cad uga soo horjeedaa sharciyada Dowladdu ku baaqdey in la dadajiyo ansaxintooda iyo dhaqan galintooda kuwaas oo ay kamid yahiin Xeerka Betrolka oo aan haba yaraatee waxba lagaga darin waxyaabihii shirkii Baydhabo lagu heshiiyey, Xeerarka doorashooyinka iyo kan xisbiyada, dhamaan sharciyadan wax wadatashi lagalama yeelanin Dowladaha Goboleedyada kamana turjumayaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed. Goluhu wuxuu ka digayaa iskudayga Dowladdu ku qorsheynayso in ay ku dhisto Golaha Adeega Garsoorka Qaranka iyadoon lamarin hannaanka dastuurku tilmaamayo haddi taasi dhacdana Goluhu ma aqoonsan doono wixii ka soo baxa. Goluhu wuxuu ku baaqayaa Shirweyne Wadatashi Qaran oo lagu qaban doono mudo bil gudaheed ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay kasoo wada qayb gali doonaan dhamaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadeed si loo badbaadiyo dalka. Goluhu wuxuu saluugsanyahay doorka beesha caalamka oo ilaa hada ku jira xaalada arag oo sug (wait and see) taas oo qayb weyn ka ah waxyaabaha Dowlada Dhexe ku dhiiri galinaysa mowqifkooda ku salaysan iska indho tirka xaqiiqda jirta ee amni iyo siyaasadeed ee sii cakirmaysa. Goluhu wuxuu isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga. Dadka Soomaaliyeed waxay dib u eegista Dastuurka u idmadeen Gudiga dib u eegista iyo fulinta Dastuurka hadana waxaa muuqata in si cad loo afduubay shaqadii Gudigan, sidaas darteed Goluhu ma aqoonsan doono dib u eegis kasta oo Dastuurka lagu sameeyo ilaa iyo inta dib looga saxayo hannaanka dib u eegista Dastuurka ee wadadiisii laga leexiyey. Waxaa nasiib daro ah in iyadoo ciidamada iyo saraakiisha Dowlad Goboleedyada ee dhiigooda u daadinaya dalkooda loo la’yahay dhiig joojin hadana dowladu malaayiin doolar ku bixinayso diyaarado lagu qaadayo gaadiidka aan xabadu karin, hub iyo lacago lagu taageerayo musharaxa ay u wadato dooroshada Koonfur Galbeed kuwaas oo laga dajiyey Baydhabo si loo arqaladeeyo Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu danbayn Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Beesha caalamka ee daneeya Soomaaliya, UN, urur goboleedka IGAD iyo AMISOM in si dhaw ula socdaan isbadalada amni iyo siyaasadeed ee dalka islamarkaana qayb ka noqdaan dadaalka lagu badbaadinayo dalka. Goluhu wuxuu Gudoomiye cusub u doortey Madaxweyne Sharif Xasan Sh. Aadan iyo ku xigeenkiisa oo ah Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf. Goluhu muxuu u mahad celinaaya Dowlad Puntland guud ahaan iyo shacabweynaha caasimadda Garoowe. Goobjoog News —————- Source: goobjoog.com
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa shirkii ay ku lahaayeen Garowe ka soo saaray war-murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ka doodeen. Dhinaca amaanka ayey ku sheegeen in ay sameynayaan Ciidamo isku dhaf ah oo Daraawiish ah amaanka dalkana la wareegaya kuwaas oo yeelanaya hal talis. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay sameynayaan Gole amni oo dowlad Goboleedyada u gaar ah, islamarkaana labo bil gudahood dowlad Goboleed kasta ku bixiyo 1,000 Askari. Ciidankaan ayaa waxaa laga soo xuli doonaa Ciidanka darawiishta maamul goboleedyadda, waxaana maamulada ay u muuqdaan in ay soo bandhigayaan awoodooda Ciidan ee ka dhanka ah dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Ciidan ayaa waxaa lagu howlgali doona Muddo 2 bilood ah sidda lagu sheegay war kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda. Maamul goboleedkaste waxaa uu soo xuli doonaa kun Askari,kadibna tababar wadajir ah ayaa loo furi doonaa. Madaxweynaha Galmudug ayaa horay ugu baaqay in maamul goboleedyadda ay sameystaan Ciidan gaar ah,maadaama Ciidankii Qaranka ay isku koobeen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com