Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiir Axmed M.Seed iyo Faarax Geedoole Waxa ay ka mid yihiin madaxda Nacabka ah ee tabashada reer Awdal tamar galiyey !! Sababta iyo Siday ku noqdeen bogo? Dr.Khadar-Libaaxley. Sida uu tibaaxayo ninka ingiriis I.M.LEWIS ee ku takhasusay cilmiga hidaraaca aadamaha iyo taariikhda buugiisa la yidhaah ( A Modern History of Somalia : Nation and State in the Horn of Africa ). Taariikh ahaan 1924 ayuu ingiriiskii ilaalada Somaliland u ahaa rasmiya u aqoonsadey dhul ku haboon ciid iyo cimilo ahaan ba nidaamka wax-soosaarka beeraha ,beeraleyda iyo xoolo dhaqato beeraleyda gaar ahaan degmooyinka Borama iyo Gabiley , degmooyinka Baki iyo xeego xiligaa waxay ka mid ahaayeen degmada Borama; Nidaamkan uu u aqoonsadey muu aheyn nidaam uu isagu hindisihiisa iyo hirgalintiisa toona la haa waxa horey u taabo iyo tamar galiyey ( Boqortooyadii Adal/ adari ee xarumaheedu ahaayeen Saylac iyo Herer wakhtiyadii isxigay ). Wasiir Axmed M. Seed iyo Faarax Geedoole 2dan masuul oo xil ahaan wasaarada Beeraha xilliyo is-xigay u kala dambeeyey deegaan ahaana waxa ay u dhasheen degmada xeego , waxa ay ku sifoobeen dhaqan ah mid ka mid ah 4 tii aan sahanka loo dirsan jirin ( Sahan Gandood ) oo ah looma aayaan wax matare u ah dadkiisa iyo deegaankiisa ba; iyagu magac mooyee macno iyo miciin midna uma laha dadka reer xeego iyo guud ahaan Awdal oo ay iyaga iyo ciyaalkooduba ka soo jeedaan, xataa kab sii jeeda umay soo jeedin taas waxa daliil u ah: Horey Faarax geedoole markii uu wasiirka beeraha ah fursadaha gacantiisa soo maray waxa ka mid ahaa ( Mashruucii Bariis beerista oo 4 million dollar ahaa ( abu-riin ) mashruucii timir beerista oo la beerayey 3000 oo geed timireed ah ( Bulo-xaar ) iyo mashruucii doox xidhista, yareynta khatarta ka iman karta oo 1 million dallor ( abu-riin ) ,4 sanno kadib wasiir geedoole waxa loo badaley wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, waxa uu (Burco ka dhisay , qalabeeyey dugsigii jarmalka ee farsamada gacanta ) , ( Ceerigaabo waxa uu ka dhisay dugsigii sare ee Dayaxa ) ,( Hargaisa woqooyigeeda waxa uu ka dhisay Xarun weyn oo loogu tallo galey tababarka macalimiinta Gobolada Si looga maarmo jaamaca Camuud oo horey u fulin jirtay tababarkan dakhlina ay ka heli jirtay Jaamacada iyo Magaalada Borame intuba ) Asteynta iyo fulida mashaariicdani waxa ay ku sumad iyo taariikhaysanyihiin Gobolada M/Jeex, Saaxil, Tog-dheer iyo Ceerigaabo; hawl fulida mashaariicdan iyo in aaney fulin waa arin kale oo faaqidaadiisa u baahan balse murtidu waxa ay tahay siyaasada iyo asteynta ay ku dhisantahay xulida goobaha mashaariicdan laga hirgalinaayo. mudane akhriste bal u fiirso goobaha uu xagliye prof. geedoole mashaariicdan dhamaantood u asteeyey !! degmadii xeego ama degmooyinkii kale ee Gobolka Awdal ee isaga iyo ciyaalkiisuba ka soo jeedeen miyaad ku aragtaan ugu yaraan hal mashruuc oo uu ugu mano sheegto maanta ama shaley ? wasiir prof. geedoole ma sahan gandoodnimo iyo ambad uu ahaa ayey ka aheyd mise Amar sare oo si dahsoon loo faraayey isaguna raacaayey oo uu ka ahaa weylo raac ujro qaata ah iyo calooshiisa u shaqeyste ayaa jirey ? imika iyo Wasiir Axmed Muumin Seedka ka arimiya Wasaarada Beeraha ee Somaliland, mido xilleedkiisa sannad iyadoona wali dhamaan waxa uu dalka oo dhan ka urursaday ammaan fara-badan iyo foolaad oo markaad milic-sato ruux diisa hoose iyo oogadiisuba farax iyo kal furnaan darteed deexo muusoonayaan taasi oo uu fadhiga ladi la’yahay dawaaf dartii Gobolada dalka; horaantii horaba waxa uu soo bandhigey qorshaha waxa uu qaban-doono oo ku asteysan goobo indha-rogosho iyo waji-gabax mar-labaad ku riday degmada Xeego iyo guud ahaan Gobolka Awdal intab ; wax kale maaha si kooban waxa uu fadalkiisu ka cabey horey halkii uu wasiir geedoole waadaanka ka waraabin jiray , si dhiiran waxa uu goob walba kaga baanaa beerista wax-soosaarka qaran ee mashaariicda banka ( Wajaale, XaaXi iyo Beer ) Xaaxi iyo Beer xaalka oo ku soo boodo ku noqday iyo xilli roobaadkii oo wareegay ayaa dabar ku xidhay arinkooda, balse Wajaale mashruuc la tijaabiyey oo guulesytay ayuu noqday, waxa isna ku barbar qabsadey beerista wajaale meel kale oo mid ah banka gudoomiyahay hay’ada ka hortaga masiibooyinka ; 2daasi tacab oo tijaabo baxey oo dalkuna si weyn ugu baahnaa wey soo go’een e’ kadaba khayr leh baynu leenahay iyo xoojinta tashigaasi iyo joogtayntiisuba waxa laga yaabaa in uu qaranka anfaco. Isweydiintuse waxa ay tahay : 1a.) horey u aragnay wasiir geedoole e’ maxay tahay sababta uu wasiir axmed muumin ka wajaale, xaaxi iyo beer asteeyey in uu waxsoosaar qaran ka soo saaro ugu dari-waayey mashruuc haboon degmadiisii Xeego ama Baki , Boon iyo garbo-dadar iyo xariirad oo dhamaantood ah halka uu ka soo jeedo dhulka somaliland ugu biyo badan, oo xataa leh biyo dabeeciya oo guudka sare yaala???!!! 2b) Gabiley iyada oo heshay 2 mashruuc qaran oo waaweyn oo 2duba ka hirgaley banka wajaale ee ka mid ah Gabiley xaq iyo cadaalad miyey tahay in aad isla Gabiley 10/31/2018 astayn iyo dhagax dhig mashruuc 10 million dollar ah aad ugu cuurto ? Dalku ma Gabiley oo kaliyaa mise waa kalsooni la’aan iyo iska dhis madaxweynaha si aad wasiir u sii ahaato ? 3c) Wasiir Seed iyo Geedoole waxaan weydiinayaa waxaa aad mashaariic fuliseen wiilka iyo inanta caawa ku ag-dhasha iyo wiilka iyo inanta caawa xeego ama meel kale oo Awdal ka mid ah ku dhasha oo ay daan haba-yaraatee waxbaba meelna ugu asteynin iyamaa mustaqalkoodu u kala iftiin muuqdaa marka laga yimaado waxa alle u laaban???. Maxay tahay Sababta ku kalifeysa in wasiiradan iyo wasiirada kale ee Awdal sidan u dhaqmaan tan iyo 1993 ??? Wasiir geedoole iyo seed hab-dhaqankan kali kuma aha, dhaqankan waxa la wadaaga wasiir kasta gobolkuu doono haka soo jeede’ oo bilaa kalsooni ah ha u badnaadeen kuwa Awdal u dhashay, sababtu waxa ay tahay waa dareen qaatayaal ku xisaabtama ku raali galinta had ba madaxweynaha markaa jooga wax-qabad cuuran si uu ugu yaraan uga farxiyo ama uga qosliyo isagana niyadiisu u naaxdo, halkaasna uu ka tabcado cimri dherer ka mudo xilleedka wasiirnimo. Marka aan leeyahay hab-dhaqankan waxa ugu badan wasiirada Awdal ka soo jeeda, waxa daliil u ah laasimida hab-dhaqankan qar iska tuurnimada iyo calooshiisa u shaqeystenimada ku dhisan oo soo socday tan iyo dawladii ugu horeysay ee Borama lagu soo dhisay 1993 waa waxa ay ka dhalatay ( saami-doonka iyo tabashada reer Awdal in ay dareen taban qaataan ) qudhayda qof ahaan waa dhamacda iyo dhuxulaha igu shida in aan ka fikiro si ummadan baaqi uga hadho in la hello xal taasi oo marka aan ka geyn waayey ila noqotay in reer Awdal wax taransan karaan oo kaliya hadii ay hellaan ( Dawlad Goboleed ) waa isla sababta aan u istaadho ololeheeda si bari dadkan baaqi uga hadho, illeyn hadii la sii dugsado dadka noocaas dhaqan koodu yahay saw dabar-go maaha arinku!!. Gunaanad iyo Gabogabo: Wasiirada Awdal u dhashey tan iyo 1993 ma caayayo mana aflagaadeynayo sharafka ay sitaan ayey iga mudanyihiin balse waxa aan maagayaa waa hab-dhaqankooda aan xikmadeysneyn, reer gabiley meel igama jiraan waxa ay hayaan waan hayaa iyaga iyo dhamaan somaliland hayeeshee reer gabiley waxa aan ka leexinayaa cid kasta sifo daran xil kaga raadinaysa iyo waliba cayuunu naaska meel walba uga imanaya ee calooshiisa u shaqeyste kastaa la soo doonanaayo, wixii ay hayaan hada illaahey ha u barako galiyo. Sax waxa ah qof kasta oo xil-ummada u qabta in uu dadka iyo dalka deegaan walba gaadho inta masuuliyadiisu gaadheyso oo uu ka baaqsado meel ku kuf, fursadii uu hellaba kula dul kufo meel kaliya. Madaxweynaha waxa aan u soo jeedinayaa ummada oo dhan adiga ayaa masuul ka ah wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee aad madaxda uga dhigtay wey kuu fiicantahay in aad halbeeg ka dhigato hubinta ah in masuulkastaa gaadhey waxtarka dadkiisa iyo dadweynaha dalka oo dhan . Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 11/5/2018 Qaran News
  2. Maxaa ka jira in maayar Soltelco horseeed u ahaa Shiidkii guryaha baxsane ee dhalinyarada xaafada dhurqaanta Maalmahan waxaan si dhaw ula socday cabashada dhalinyarada xaafada dhurqaanta ee degmada ibraahim koodbuur,oo mudo 25 maalmood ah ku jira xaalad jahawareer oo sababtay weerarka hantida ganacsadaha baxsane. Weerarkan oo ahaa mid uu soo abaabulay maayarka caasimada hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii ay ogaadeen in dhulkii ay u isticmaali jireen ciyaarta kubada cagta inuu dhawaan la dhisi doono oo mulkiilihii lahaa dhulkaasi uu u baahday inuu dhismayaal ka fuliyo. Dadwaynaha xaafada waxay judhiiba ay abaareen guriga maayarka caasimada oo aan ka fogayn garoonka baxsane ee cabashadu ka taagan. Dhalinyaradan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah waayeelka xaafadaasi oo hore u haystay balan qaad maayarku u sameeyey, Hadaba Muxuu ahaa balan qaad kaasi Dhulkan loo yaqaan garoonka baxsane waxa uu ka mid ahaa hantidiisa gaar ka ah. Balse codsigii dadweynaha xaafada oo ahaa inuu u ogolaado tukashada salaada ciida iyo inay caruurtu ku ciyaaraan. Beentii maayarka Maayarku wuxuu been ka sheegay in xaaji baxsane ay u sameeyeen dhul bedel,isla markaana garoonkani uu yahay mid ay iska leeyihiin dhalinyaeada xaafada ku nool. Qaarka mid ah dadweynaha xaafada degan ayaa sheegay in maayarku uu been u sheegay,ka dib markii ay ka war heleen in la dhisayo garoonkii. Xaqlaha dhulkan garoonka loo isticmaali jiray oo goobtaa timid,waxa uu la kulmay dhalinyaradii,iyagoo u sheegay inaanay ku haysan dhulkan. Hadaba xal ma u aragtaa in maayarku soo jeediyo tallo aan meesha oolin oo ina odhanaysa shiida guryaha baxsane si uu u siiyo dhulkaasi. Dhawrkii habeen ee u dambeeyey waxa si is daba joog ah u socday talaabooyin ay ku kaceen dhalinyaradaasi oo isugu jira inay dhagax ku jaraan wadada,shiid ay la beegsadaan gaadiidka iyo guryaha xaaji baxsane. Dabagalka arinta waxay igu qaadatay wakhti,ka dibna waxaan ogaaday in maayarku uu kula taliyey dhalinyarada inay falalkaa sameeyaan si garoonka uu u daayo xaaji baxsane. Arintan waxay noqonaysaa arin keenaysa laba arimood oo halis ah. 1.Mustaqbalka dhalinyarada 2.Nabad galayada guud La soco qabataa labaad Xuseen Xasan Faarax Aqoon yahanka degmada koodbuur Qaran News
  3. Berbera Oo Ay Ku Soo Bateen Muranada Dhulku Intii Maalgashiga Dp World Yimid Guddoomyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in dacwadaha dhulku ay sare u kaceen iintii Berberi heshay maalgashiyada kala duwan. Waxa uu guddoomiyaha maxkamada sare oo mudooyinkii ugu danbeeyay gobalada dalka dib u eegis iyo dhagaysiyo dacwadeed ka waday uu gaadhay Berbera, magaaladaas oo uu ku tilmaamay inay hore u ahayd meelaha ugu dacwadaha yar dalka, isla markaasna ay hadda aad sare ugu kaceen dacwadaha dhulku. Wwaxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Saaxil anigu hordhac ayaan u ahay kooxihii waa ay imanayaan waanay fadhiisanayaan anigaana u sii gogol xaadhaya waana gobalka ugu dacwadaha yar marka runta laga eego, hada waxa soo bilaabmaya muranada dhulka sababta oo ah dhulkii hadda waa tan Berberi qaaliyoowday ee maalgalintu ku soo badanayso ee laysugu soo shubmay, waayo hadda waxaanu dareenay labada magaalo ee toos maxkamada sare iyo gudiyada dhulku ay ka shaqeeyaan waa Hargeysa iyo Berbera.” Ayuu yidhi Qaran News
  4. Golaha Xukuumadda Muuse Biixi Oo Iyadoo Aan Sannad Gaadhin Ay Hadheyeen Khilafaadkii Ugu Tirada Badnaa Ee Ka Dhaxeeya Masuuliyiin Xilal Kala Duwan Haya Iyo Madaxweynaha Oo Daawanaaya. Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan baarka ka jaraysa mudo sanad ah ayaa hadana waxa jira caqabado badan oo ka hor yimid mudadaas ay jirtay. Caqabadaha ugu waa weyn ee ka hor yimid xukuumada oo ay ugu horayso kala qaybsanaanta bulshada ee ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ilaa hada taagan ka sakow waxa jira kuwa ay iyadu abuurtay oo saameeyey waxqabadyadii laga filayey mudo sanad ku dhaw oo ay jirtay. Khilaafaadka u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ah caqabadaha ka hor yimid, iyada oo ay jiraan tiro masuuliyiin ah oo uu dhaxeeyo is afgaran waa la xidhiidha hawlaha ay u qaabilsan yihiin qaranka. Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa haatan ah masuulka uu khilaafku u dhaxeeyo xubno iskugu jiro wasiiro iyo maareeyayaal kuwaas oo uu ugu horeeyo maareeyaha hay’adda waddooyinka oo ay isku hayaan awoodaha ay kala leeyihiin. Khilaafka wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ayaa sameeyey hawlihii labadaas hay’adood ay u qaabilsanaayeen qaranka, iyada oo ay taagan tahay shaqadii isla markaana shaqaalihii ay la kala safan yihiin labada masuul ee khilaafku u dhaxeeyo. Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayuu khilaaf u dhaxeeya wasiirka horu marinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, khilaafkaas ayaana labada masuul soo kala dhex galay wakhti ay go’een taarikadii cusbayd ee loogu tala galay gaadiidka ka soo dagaya dekeda magaalada Berbera. Wasiirka horu marinta maaliyada ayuu sidoo kale khilaaf u dhaxeeyaa xisaabiyaha guud ee dawlada, iyada oo khilaafkaasi salka ku hayo ka dib markii wasiirka maaliyadu uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gala xafiiska xisaabiyaha guud. Sidoo kale waxa jira khilaaf u dhaxeeya maareeyaha hay’adda duulimaadyada Rodol iyo wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka, kuwaas oo isku haya qaabka ay u wada shaqaynayaan, iyada oo wasiirka gaadiidku uu ku doodayo in wasaaradiisu ay qayb ku leedahay hawlaha hay’addaasi u xilsaaran tahay maadaama oo ay gacanta ku hayso gaadiidka cirka isla markaana wasaaradiisu maamusho gaadiidka oo dhan, halka maareeye Rodol ku doodayo inaanu wasiir Cabdilaahi Abokor soo fara galin Karin hay’adda uu masuulka ka yahay oo ay kala madax banaan yihiin. Wasiirka horu marinta beeraha Axmed Muumin Seed ayuu isagana khilaaf u dhaxeeyaa gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh, kuwaas oo isku haya awoodaha ay kala leeyihiin iyo shaqooyinka ay u kala xilsaaran yihiin. Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay dhamaan masuuliyiinta isla markaana u soo saaray xeer nidaamiye kala qeexaya hawlaha ay qaranka u xil saaran yihiin ayaan xal ka gaadhin khilaafaadkan hadheeyey xukuumadiisa, ilaa haatana ma jiro dhaqdhaqaaq muuqda oo uu madaxweynuhu doonayo inuu ku soo afjaro khilaafyadan. Sidoo kale Bulshada ayaa u dhagtaagaysa talaabada uu madaxweynuhu ku xaliyo khilaafyadan ka dhex taagan masuuliyiinta ka wada tirsan xukuumadiisa. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kala furfurista madaxda maamul goboleedyada oo si weyn u mucaaradsanaa xukuumadda iyo hogaanka dowladda haatan dhisan. Shariif Xasan, oo ahaa siyaasiga ugu adag madaxda maamul goboleedyada ayaa ka tanaasulay xilka madaxweynaha iyo musharaxnimada Koofur Galbeed, kadib markii uu qiimeeyay in dagaal adag uusan kusii jiri karin marka uu dareemay culeeska dowladda saartay Koofur Galbeed. Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaa mar walbaa laga filan karaa halis siyaasadeed iyo abaabulka xubno caqabad ku noqda dowladda Soomaaliya. Shariif Xasan Sheikh, wuxuu qorsheynayaa inuu Saldhig ka dhigto magaalada Nairobi ee dalka Kenya ama dalka Uganda, halkaasi waxaa ka imaan karta abaabulka Xubno isku xiran oo uu kula dagaalamo dowladda hadda dhisan oo doonaya inay dib usoo laabtaan doorashada xigta. Waxaa jiray xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas, waxaana soo baxaya in Cabdi Welli Gaas oo isagana wajahaya doorasho adag, oo aan la ogeyn inuu kusoo bixi doono iyo in kale. Gaas ayaa waxa uu hadda qorshihiisa yahay inuu Shariif Xasan ku taageero dagaal siyaasadeed ka billaabanaya Nairobi iyo mooshino lagu furo dowladda, islamarkaana haddii isagana looga adkaado doorashada Puntland uu dagaalkaas kula biiro Shariifka, oo uu tago Nairobi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qorshaha ay wataan uu yahay in doorashada xigta ay dagaal adag la galaan Farmaajo iyo Kheyre, mana doonayaan inay ku biiraan xisbi siyaasadeedka Xasan Sheikh hogaanka uu u hayo, maxaa yeelay marar badan ayay siyaasadda isku qabteen. Qorshaha kale ee ay damacsan yihiin ayaa ah in Axmed Madoobe uu sii adkeysto hoggaanka Jubbaland, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya, mana jiro qorshe uu ka leeyahay inuu doorasho qabto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Shaki kuma jiro in iscasilaada Shariif Xasan, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay tahay dhacdada loogu hadal hayn badan yahay beryahan, iyadoo ay sidaas tahay, haddana waxa la oran karaa arrintani waa muruqii laba suul oo ninba si ku ahaa. Madaxda dawlada federalka oo khibrad yaridooda awgeed aan kala garan karin Qurac iyo Qadaw, waxay la tahay in dagaalka ay bilaabeen ay durba guulo ka gaareen. Anse waxan xasuusinayaa gabaygii macallin dhoodaan ee ahaa: “waa Gamboor geedka aad cuntaye haw malayn Gocor. Si kale hadaan u dhigo, Shariif Xasan isuma casilin in laga adkaaday ama uu isdhiibay ee wuxuu isu-casilay si tiisu u meel marto oo doorashada Koonfur Galbeed loo dib dhigo ilaa xilli aan xataa xadidnayn. Inkastoo odayaashii madax dhaqameedka Koonfur Galbeed ay arrintaas guddoon kasoo saareen, haddana wuxuu Shariifku weli arkayey in sida kaliya ee dhamaan murashaxiinta xalaasha ahi ku wada aqbali karaan in doorashada dib loo dhigo ay tahay isagoo madaxtooyada banneeya. Bal u fiirsada, waxa uu iska casilay waa madaxtooyadii Koonfur Galbeed keliya, balse weli iskama casilin guddoomiyenimadii Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada (GIDG). Is-casilaadii Shariifka kadib, durba waxa isasoo taraya baaqyada maslaxad raadiska ah oo lagu dalbayo in doorashada dib loo dhigo, kuwaasoo murashixiintii badankood iyo xubnihii baarlamanka Koonfur Galbeed intooda xorta ahi ku taageereen guddoonkii madaxdhaqameedka Koonfur Galbeed. Dhanka kalena maadaama guddigii hore ee doorashadu is-casilay, waxaa su’aal la geliyay suurta-galnimada ah in guddi cusub lagusoo dhisi karo maalmaha kooban ee ka haray 17-ka November. Siyaabahaas dartood, bal aan dhawrno maalmaha inagu soo fool leh oo kala caddayn doona: A) In Shariif Xasan uu dhintay siday DF qabto, waa haday doorashadu ku qabsoonto xilligeediiye iyo B) Inuu Shariifku dhuuntay siday dadka yaqaan qabaan, waa haday doorashadu ku qabsoomi weydo xilligeediiye. W/Q: Saxardiid Kilwe ssaxardiid@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Rajjeb Dayib Erdogan ayaa magacaabay safiiro iyo lataliyaal sare oo xafiiskiisa ah, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Turkey. Mehmet Yılmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkey u fadhin doono dalka Soomaaliya, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Olgan Bekar oo muddo ka shaqeynayay Soomaaliya. Mr Baker, ayaa lagu xasuusan doonaa sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyay madaxda Soomaalida, waxaana uu ahaa ruux dabeecad ahaan aad u wanaagsan sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay. Madaxweynaha dalka Turkey ayaa badalay safiiro badan oo Turkey uga wakiil ahaa dalalka Greece,Somalia,Morocco,Paraguay,Mali iyo Benin, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo xilalka kala wareegi doona safiirada ka horeeyay. Turkey ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya waxii ka dambeeyay abaartii xooganeyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2011, waxaana Erdogan uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee heer caalami oo Soomaaliya yimaada xiligaasi, isaga oo Ra’iisul wasaare ah. Shacabka Soomaaliyeed ayaa helay fursado kale oo daka Turkey ay ku tagi karaan, maadaama Turkish Airline ay noqotay diyaaradii ugu horey ee caalami ah oo Burburka kadib duulimaad ka bilowday magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro dano qarsoon oo Soomaaliya uu ka damacsan Turkey. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa 40 sano kadib dib u bilowday duulimaad toos ah oo ay ku tagi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, arintan ayaa timid kadib heshiis dhexmaray labada dowladood. Maamulka Diyaaradda ayaa qiimeyn ku waday Soomaaliya waxii ka dambeeyay markii dib la doortay dowladda Madaxweyne Farmaajo oo xiriir wanaagsan la yeelatay dowladda ra’iisul wasaare Abby Axmed uu hogaamiyo. 40 Sano kadib bilowga Duulimaadka Ethiopian Airlines ee Muqdisho waxaa Faa’iido ka helaya labada Shacab, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo aad ugu socdaala Dalalka Bariga Qaarada Africa. Aad ayay u yar yihiin socdaalka dadka Ethiopian-ka ah ee Muqdisho, laakiin waxaa badan socdaalka Soomaalida ee Addis Ababa iyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya magaalada Addis Ababa. Waxay ka dhigan tahay duulimaadka Ethiopian Airlines dhaqan galka heshiisyadii ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxay sidoo kale ka dhigan tahay fursad kale oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed oo ay ku adkeyd gelitaanka Ethiopia. Ethiopian Airlines ayaa suuga kaga soo hormartay shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways, waxayna fursad kale u tahay shirkada Ethiopian Airlines oo macaamiil badan kasii abuuran karta Shacabka Soomaaliyeed. Ethiopian Airlines ayaa heli karta fursad kale oo kula dagaalami karto diyaaradda Turkish Airline, maadaama ay tahay diyaarad caalami ah oo tagi karta wadamo badan oo Soomaalida ay u socdaalaan. Xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ethiopia, Somalia iyo Eritrea ayaa abuuri kara fursad kale oo shacabka dalalkaasi ay u helaan inay si xor ah isugu kala gudbaan ganacsi ahaan, taasi oo dhaqaalaha wax badan ka badaleyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Washington (Caasimadda Online) – Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay howlgal ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shidaal kusiin jireen diyaaradaha isbaheysiga Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen. Mas’uul American ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in si rasmi ah loo hakiyay howlgal hawada shidaal lagusiin jiray diyaaradaha dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga marka ay duqeymaha ka geysanayaan Yemen. Dhinaca kale wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa faafisay bayaan ay ku sheegtay in hoggaanka isbaheysiga Carabta ay awood u yeesheen shidaal siinta diyaaradahooda Yemen ka howlgala sidaas daraadeed ay iyagu Washington ku wargeliyeen in ay joojiso howllihii shidaal siinta. Diblumaasiyiin reergalbeed ah ayaa lagasoo xigtay in tallaabada uu Mareykanku ku joojiyay shidaalsiintii hawada diyaaradaha taxaalufka carabta ay kamid tahay jawaab celinta laga bixinayo dilkii saxafiga Jamaal Khaashquji oo Sacuudigu mas’uul ka ahaa. Washington,Riyad iyo Abu Dhabi ayaa wadaag ku ahaa gummaadka shacabka Yemen afartii sanadood ee lasoo dhaafay balse cadaadis Mareykanka uga yimid hay’adaha sheegta in ay xuquuqul insaanka udoodaan ayaa ku qasbay in uu wax la bedelo taageerada uu siiyo taxaalufka carabta. Mareykanka ayaa ku baaay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada Yemen ka socda, iyada oo ay dagaallada sokeeye oo seddex sano ka socday Yemen ay sababeen iney dalkaasi ka dhacaan macluushi bani aadaminimo ee ugu xumeeyd. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa sheegay dhinacyada isku hayo Yemen iney 30-ka maalmood ee soo socda gudhii ay ku billaabaan wada hadallo nabadeed oo dhibaatada Yemen ka taagan lagu soo afjaro. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa xulafada Sacuudiga uu hoggaaminayo ee dagaalka kula jira dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ugu baaqay iney joojiyaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka sameeynayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in waqtigeeda lagu qabto doorashada Koonfur Galbeed, waxaana Saacadigii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka dhacayay Kulamo loga hadlay doorashada Koonfur Galbeed. Musharixiinta lagu tuhmayo inay taageero buuxdo ka heystaan Dowladda Soomaaliya ayaanan ilaa hadda ka hadal iscasilaadii Shariif Xasan iyo Doorashada dib loo dhigo ama waqtigeeda lagu qabto. Waxaa soo baxaya in masuuliyiinta dowladda ee gaaray magaalada Baydhabo ay kulamo la qaateen musharixiinta qaarkood, iyaga oo kala hadlayay hanaanka doorashada iyo taageerada xildhibaanada. Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in haddii waqtiga rasmiga doorashada Koonfur Galbeed lagu qabtaa ay fursad muhiim ah u tahay dowladda Soomaaliya, maadaama xildhibaanada ugu badan ay taageersan yihiin isbadalka Koonfur Galbeed. Haddii Fursad dheeri ah la siiyo musharixiinta kale waxaa suuro gal inay taageero siyaasadeed ay ka helaan Shariif Xasan, islamarkaana uu noqon karo Shariif Xasan mid Daaha Gadaashiisa ka maamula Koonfur Galbeed. Fursadda kale ayaa ah in Musharixiinta qaar ay taageero ka heystaan beelaha ay kasoo jeedaan, taasi oo horseedi karta in taageero kale ay ka helaan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed. Balse hadda waxay dowladda Heystaa Fursad ay kaga guuleysan karto musharixiinta kale oo qaarkood aanan heysan taageero dhaqaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Sida muuqato waxaa curtay isbadal iyo taariikh ka guurid, geedigguna wuxuu marayaa in lasoo gunaanudo koox danleey ahayd dantoodunna ku fadhidday inay minjo xaabiyaan dowladnimadda Soomaaliya ayagoo u adeegaayo dowladdo shisheeyo una dhaqmaayo hanaan ka duwan hogaanka ay ku magacaaban yihiin. Jubbaland oo ah halka ugu barwaaqaysan dalka Soomaaliya guud ahaantiis maanta waxay mudnaan u heshay niman dadkeedi gaajo u dilay deegaankeedina xaalufiyay waxaanse qirayaaa in kuwa sidaas u galay Jubbaland ay yihiin kuwo gabalkoodi dhacay, dadka Jubbaland-na waa kuwo ay ka go’antahay hirgalinta rabitaankooda oo kusalaysan isbadal aqooneed oo wax tarro dadka iyo deeggaankaba. Waxaanse rabbaa inaan halkaan ka caddeeyo su’aal la xiriirto Hogaamiye noocee ah ayay u baahan tahay Jubbaland? Jawaabta weydiintaas haddaan is dul taago waxay Jubbaland u baahantahay hogaamiye aqoon iyo waayo-aragnimo Maamul leh si dhowna ola socdo tacadiggii iyo dhibaatooyinkii loo gaystay dadka reer Jubbaland, sixi karana qalladaadkii Maamul iyo marin habaabintii habka matalaada dadka reer Jubbaland oo noqon karo caqabad sixiddeeda ay u baahnaan karto aqoon durugsan & khibrad maamul, ummana baahno Jubbaland nin leh danno shaqsiyadeed khibraddiisuna tahay xaalufinta dhirta iyo dadka oo la warjeefo. Haddabo si loo helo hogaamiye kasoo bixi karo shaqaddiisa dadkana iskusoo dumi karo waxaan soo jeedinayaa in lagu dhaqaaaqo qodobaddaan soo socdo: 1 – In marka hore la saxo qaladaadkii dhanka Maamulka ahaa dib u eegisna lagu sameeyo habraaca awood qaybsiga oo aan si saxan loo maareyn. 2 – In la helo dad maan iyo maskaxba galiyo siddii looga gudbi lahaa waxyeellada aqoon xummadu keentay ee Jubbaland maganta u ahayd 7 sano ee Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ay xooga ku haysteen. 3 – In doorashadda Jubbaland ka hor la qabto shir weyne dib u heshiisiin si hogaamiyaha imaanaayo uusan qabad ola kulmin. 4 – In dhalinyarada iyo dadka Maskaxda furan ee leh aqoonta la siiyo fursad ay deeggaanka ku hogaamin karaan si ay meesha oga baxda caabuqa iyo boogta hogaamineed ee maamulka Axmed Madoobe. Ugu danbeyntii waxaan soo jeedinayaa in laga sii shaqeeyo hadda siddii looga tilaabsan lahaa loogana gudbi lahaa caqabaddaha jiro iyo waxyeelladda ku imaan karto hogaamiyaha cusub ee badallaayo maamulka dadkiisi dhibaateeyay ee Axmed Madoobe. W/Q: Maxamed Xasan Haliil Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa marar badan digniino kala duwan u diray Xildhibaanada baarlamaanka ee ka maqan kulamada Baarlamaanka. Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay waxyaabaha u sabab ah in la waayo xildhibaano badan , taasi oo mararka qaar sababta in kulamada baarlamaanka ay baaqdaan. Xildhibaan Sareedo oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo arin ay sabab u tahay in xildhibaanada ugu badan ay xaadiri waayaan kulamada golaha shacabka ee baarlamaanka. Tan koowaad ayay ku sheegtay inay yihiin inay jiraan xildhibaano badan oo Fasax iyo xanuuno ku maqan, kuwaasi oo aan dib ugu soo laabaan fadhiyada baarlamaanka tan iyo markii ay fasaxyada qaateen. Tan labaad ayay ku sheegtay in ay jiraan wasiiro, wasiir ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal badan oo kamid ah golaha shacabka, kuwaasi oo inta badan aanan soo xaadirin fadhiyada baarlamaanka. Waxay ugu baaqday wasiirada xildhibaanada kamid ah inay xitaa ugu yaraan xaadiraan fadhiga baarlamaanka inta laga buuxinayo Kooramka uu ku furmayo fadhiga golaha shacabka, kadibna ay shaqadooda iska aadaan. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan xildhibaanada aanan xaadirin kulamada baarlamaanka, isagoo digniintii ugu dambeysay siiyay labo maalin kahor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Ilaa 16 koox oo ka mid ah 25-ka koox ee xiriirka u diiwaan gashan ayaa ka gadoodsan qorshaha madaxda xiriirka ee ah in la qabto doorasho qudbo siro ah. Kooxaha oo shalay shir yeeshay ayaa dalbanaya doorasho caddaalad ah. 9-ka koox ee shirka aanan imaan ayaa waxaa milkiyaddooda leh guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ee waqtigooda dhammaaday. Madaxda xiriirka ugu sarreyso ayaa diyaarsaday shakhsiyaadka doorshada qarsoodiga ah kusoo bixi lahaa oo lagu qeybsaday qaab qabiil taas oo ay kooxaha gadoodsan ay diiddan yihiin. Wasaaradda isboortiga oo laga rabay in ay si caddaalad ah arrintan u gasho ayaa la safan madaxda xiriirka oo la rumeysan yahay in la laaluushay. Madxda xiriirka oo waqtigoodu ku ekaa bishii August ayaa waxaa kasoo horjeeda dhammaan bahda isboortiga. Guddoimiyaha ayaanan oggoleyn doorasho furan, iyadoo dastuurka uu qortay uu dhigaayo in qof aanan madaxda xiriirka ka tirsaneyn uusan isa soo sharrixi karin. Maamullada isboortiga ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale hadda baraarugay iyagoo doonaya doorasho guud maadaama xiriirku u taagan yahay magaca jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhowaan waxaan soo gudbin doonaa wareysiyo aan la yeelannay kooxaha doonaya in doorasho sax ah la qabto. Madaxda xiriirka ayaa isku dayaya inay lacago u qeybiyaan kooxaha ku kacsan ee aanan ahayn kooxaha ay iyaga milkiyaddooda leeyihiin. Ibrahim Gedow Awale Injineerka14@gmail.com
  14. Sources close to the Prime Minister disclosed to ESAT that over 160 army generals and commanders have been let go in a major reform by Abiy Ahmed’s government in the upper echelons of the army that was overwhelmingly dominated by ethnic Tigrayans and members of the Tigray People’s Liberation Front (TPLF). In a meeting with members of the community in the city of Gondar yesterday, Prime Minister Abiy Ahmed said one of the major works of his government since he took power seven months ago was undertaking major reforms in the army. PM Abiy said some of the generals were also willing to resign convinced that most departments were dominated by one ethnic group. He said the army is now structured in a way no ethnic group would have complete domination in any department. The TPLF led regime had appointed Tigrayans in over 90% of top brass positions that led to nepotism, unbridled corruption and anarchy in the Ethiopian army. Officers from other ethnic groups have exposed favoritism and discrimination by the Tigrayan top brass, leading some to quit the army. Speaking in Gondar, the Prime Minister said the army is now reformed to represent all Ethiopians. Among a number of reforms he made since taking power in April, the Prime Minister has reshuffled a number of key positions in the government and in the army that was controlled by a Tigrayan oligarchy. Tesfanews Qaran News
  15. Teachers Needed in Hargeisa, Somaliland, Africa Posted By: Abaarso School of Science and Technology <teach@abaarsoschool.org> Date: Wednesday, 7 November 2018, at 3:14 p.m. Abaarso School, featured on 60 Minutes, in the New York Times and BBC World, is a non-profit boarding high school educating the best and the brightest Somali students in the Horn of Africa. The school prepares students to excel in higher education, while also focusing on extracurricular activities and community service. The school encourages morality and a strong sense of responsibility for improving the students’ community. While only founded in 2009, Abaarso School has achieved success not seen in the area for several decades. After four graduating classes, over 130 Abaarso students have earned full scholarships to continue their education abroad, including at Harvard, Yale, Columbia, Brown, MIT, Swarthmore, Amherst, Brandeis, and many more. As of 2017, Abaarso holds accreditation from the New England Association of Schools and Colleges (NEASC). Abaarso is looking for individuals interested in dedicating at least one year to training these top high school students. Teachers will join the school culture that puts the growth of the school and the students first, while finding a way around the challenges inherent in working in the developing world. Between the classroom, preparation, student groups, office hours, and other projects, teachers should expect approximately 70 hours of work each week. With successful performance, significant upward mobility is possible for staff members. The following qualifications and experiences are highly desired: prior teaching experience, altruistic work/volunteer experience, experiencing working with children, prior work or study experience in developing countries. Abaarso School is looking for teachers in various disciplines including English, computer science (computer literacy, networking, some programming), math (up to Calculus), social studies, and the sciences (general science, physics, biology and chemistry). Abaarso School teaching positions are determined through a year-round rolling application process but we are currently accepting applications for teachers in various subjects for a start date in January or August 2019. To apply to teach at Abaarso, please submit an application through our website: http://www.abaarsoschool.org/apply/teaching, and then send a resume, cover letter and transcripts to teach@abaarsoschool.org Return to Index | Read Prev Msg | Read Next Msg Dave’s ESL Cafe International Job Board is maintained by Dave Sperling with WebBBS 4.33. Teach in Thailand – Zero Program Fee for ESL Cafe Readers! Island TEFL Dave’s ESL Cafe is maintained by the one and only Dave Sperling. Banner Advertising | FAQs | Articles | Interview with Dave Copyright © 2018 Dave’s ESL Qaran News
  16. Kulan Albaabadu u Xidhan yahay oo Paris ku Dhex-maray Gudoomiye Cirro Iyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin… Kulan aan nuxurkiisa la oggeyn, ayaa Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ku dhex-maray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin. Kulankan dhex-maray Gudoomiye Cirro iyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo saacado qaatay, ayaa ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan Saxaafada loo ogolayn, ayaa la sheegay in lagaga wada-hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay xaalada Siyaasadeed ee waqtigan uu ku sugan yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waxana labada hoggaamiye isla qaada-dhigeen marxalada dalku ku jiro iyo sida looga bixi Karo Jaho wareerka Siyaasadeed ee dalku galay, waxana xaaladaha sida gaarka ah kulankan loogu dul istaagay Kamid ahaa khilaafka u dhexeeya Xukuumada Kulmiye iyo asxaabta Mucaaridka ah iyo Kala qaybsanaantii laga dhaxlay doorashadii Madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday 2017-kii November 13-keedii. Qaran News
  17. Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ah xildhibaan hore oo kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaasina goobjoog ka ahaa qaraxyadii qasaaraha geeystay ee galabta ka dhacay Muqdisho. Cabdi Barre ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay meeydadka 47-ruux oo kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii is xig xigay ee ka dhacay galabta Muqdisho. ” Inta aan tirakoobkooda qaaday waxa ay ahaayeen 47 qof intaan arkay waxaa ku jiray haween Boqolkiiba sideedan dadka dhintay waa ay gubteen Dowlada dadka amaankooda xil ha iska saarto ” ayuu yiri Xildhibaan hore cabdi Barre jibriil. Qaraxyo is xigay oo qasaare geeystay ayaa maanta ka dhacay Muqdisho dadka dhintay ayaa waxa ay u badnaayeen dad saarnaa gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo kuwa Bajaajta oo uu qaraxa qabsaday. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cabdi-Barre-Jibriil-PP-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi Barre “47-Qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii Muqdisho” appeared first on Puntland Post.
  18. Dawladda jeegaanta ayaa ku fashilantay in ay isku awood noqon waayaan wasiirradii Maaliyadda ee soo maray dalka Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wasiirka imika Yuusuf Maxamed Cabdi iyada oo aanu xisaabiyaha guud sida ay tahay u fulin jiran wareegtooyinka wasiirka, halka uu si degdeg ah u dabiqi jiray wareegtooyinkii ay soo saareen wasiirradii hore. Iyada oo la tixraacayo shuruucda dalka u taalla iyo dastuurka qaranka ayaa waxa la soo afmeeray murankii daaranaa iyada oo lagu soo gabo-gabeeyay in uu xisaabaadka guud ee qaranku yahay waax ka tirsan wasaaradda horumarinta maaliyadda. Ilo-xogogaal ahi waxay noo xaqiijiyeen in uu xisaabiyaha guud ee dawladdu ka dalbaday wasiirka in uu ka noqdo wareegtada uu ku bedelay xisaabiye-ku-xigeenka Kayse Maxamed Cabdillaahi isla markaana uu sheegay in aanu isaga la’aantii shaqayn karin taas oo uu ku fal-celiyay in uu ka madax-adaygo fulinta amarka wasiirka. Hadiiba uu yidhi yaan la iga badalin xisaabiye-ku-xigeenka, ma loo micnaysan karaa in xisaabiyuhu wax ku qarsan jiray xisaabiye ku xigeenka oo uu kaaliye uga ahaa musuq-maasuq iyo is daba marin iyada oo weliba wararka iska soo daba-dhacayaa ay sheegayaan in ay ku dhex maqan tahay 40 bilyan oo shilinka soomaalilaan ah iyaga oo ku micneeyay daymo iyo wax aan macquul ahayn, iyada oo ay weliba dheertahay in ay wasaaradihii siiyeen amar aanay awood u lahayn kaas oo ah in ay 30% in ay dhimaan kharashka miisaaniyaddooda, taas oo ay ujeedadoodu tahay in ay lunsadaan miisaaniyadda qaranka 30%. Ilaa hadda waxa la is weydiinayaa halka uu xisaabiyaha guud ka keenay awoodda intaa le’eg ee uu amarka ku siinayo wasiirrada balse waxa la soo xaqiijiyay in uu caruur uu madaxweynuhu abti ruma u yahay oo aan madaxtooyada ka bixin in ay qabaan hablihiisa taas oo ah sad-bursi awoodeed oo aan nooceeda hore loo arag. Waxa la wada ogsoonyahay in xilligii Samsam Cabdi Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ay is bedello ku sameeyeen xilalka xisaabaadka guud ee qaranka taas oo uu xisaabiye kastaa sida ay tahay u fuliyay amarka wasiirrada aynu kor ku soo xusnay. Dhinaca kale, Axmed Daauud oo ahaan jiray xisaabiye xilligii Samsam waxa uu sida ay tahay u fulin jiray amar kasta oo ay farto Samsam Cabdi Aadan. Wareegto kasta waa la dabiqi jiray isla marka ay soo baxdo. Hadaba, maadaama oo uu amarrada wasiirradii hore u hoggaansanaa, Maxaa sababay in uu imika ka caga-jiido fulinta amarka wasiirka maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi maadaama oo ay dawladdani tahay dawladdii sharciga, kala danbaynta iyo baratakoolka? Maxay ku kala duwan yihiin labada wareegto ee ay labada wasiir kala qoreen? Ma loo macnaysan karaa in ay ka dhigantahay in wasiirradii hore ay ahaayeen jeegaanta balse aanu wasiirkan imika ahayn mid ku abtirsada beesha jeegaanta? Dhinaca kale, waxa isku maalin la bedelay maamulihii madaarka Hargeysa oo ay isku reer yihiin wasiirka maaliyadda iyo xisaabiye ku xigeenka oo ka soo jeeda beelaha jeegaanta, markiiba waa la fuliyay amarka bedelaadda maamulaha madaarka maadaama oo uu badalay Maareeyaha Airport ka oo jeegaanta ah halka aan la fulin wareegtada bedelaadda xisaabiye ku xigeenka maadaama oo uu bedelay wasiirka maaliyadda oo aan jeegaanta ahayn taas oo ay u eegtahay in ay dawladani tahay dawladdii jeegaanta. Waxa intaas dheer, xisaabiyaha guud wuxu awoodi kari waayay in uu curiyo warqad isaga oo soo dheegtay warqad uu qoray dhiggiisa Soomaaliya tani oo shaki galisay in aanu xisaabiyuhu gudan karin hawlaha shaqo ee culus ee uu qaranka u hayo. Amar-diiddada uu sameeyay xisaabiyaha guud ee qaranku waxay abuurtay khal-khal iyo is abaabul kacdoon. Waxa kala socon la’ hawl-maalmeedkii shaqo ee dawladda maadaama oo aan ilaa hadda la sii daynin kharashaadkii hawl-socodsiinta ee uu dalku ku kala socon lahaa. Dawladdan ayaa ku fashilantay gabi-ahaanba u caddaalad-samaynta wasiirrada dalka soo maray, waxay abuurtay khalkhal dhinac walba ah taas oo inoo soo jiidi karta in uu dalku burburo. Email.cismaan123@gmail.com Source
  19. Waxa mudo sanad ah dhamaysatay xukumada uu hogaamiyo muuse biixi waxana mudadaas muuqanayay in ay ku fashilantay hawlihii qaranka looga baahnaa in wax laga qabto dhibaatoyinka aafeeyay bulshadeena iskaba daa in wax laga qabtee way ka sii dartay markad eegto sida ay dawladu wax u wado. Waxanad arkaysaa dhibaatooyinka oo bulshada ku sii baahaya iyo sida aanay xukumadu diyaar ugu ahayn in wax laga qabto 1. Sixir bararka ay bulshada Somaliland la ciir ciirayso taas oo ay waxba ka qaban kari wayday dawladu taas oo samaysay dhamaan bulshada ha ahaadeen danta yarta amaba ganacsatadaba taaso laga dareemayo suuqada dalka iyo dhaq dhaqaaqooda 2. Kala qaybsanaanta bulshada iyo kala qoqobka ku yimi midnimadii bulshada iyo waliba qabyaalada sii faafaysa 3. Siyaasada arimaha gudaha oo liidata iyo xalin la aanta dagaal beeleeyada gudaha wadanka ku soo noq noqday 4.khilaafkad masuuliynta dawlada oo iyaguna ku soo batay xukumada muuse biiixi inkasta uu waxba ka qaban waayay muse biixi masuul khilaaf ba’ an soo kala dhex galay qaarkood uu shaqadii u istaagtay khilaafkooda dartood taas oo u muuqata go aan qaadasho la aan iyo u xaglin masuuliyiinta qaarkood oo ay isku beel yihiin madaxweynaha 4.siyaasada arimaha dibeda oo hoos u dhacday iyo la jaan qaadi la aan siyaasada wadamada inagu xeeran ee geeska afrika 5. Dawlada somaliya oo siyaasadii dibeda inaga soo xidh xidhay dagaal adagna kula jirta sidii loo curyaamin lahaa dhaq dhaqaaqa xaga siyaasada dibeda ee somaliland iyo sida aanay xukumadani ula socon dhaq dhaqaaqa la wado Source
  20. (SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Abiy Axmed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Dalkaasi Soomaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.” Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya ee ku salaysan Isbadalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika. Source
  21. (SLT-Muqdisho)Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 ruux oo ahaa dad rayid ah oo ahaa dadkii wadada marayay. Qaraxyada ayaa dhacay xilli wadada mashquul aheyd, gawaari fara badan ay wadada laamiga hormarta Hotelka Saxafi ay marayeen. Mid ka mid ah gawaarida qaraxa uu saameeyay ayaa ahaa gaadiidka dadweynaha oo ay dad badan saarnaayeen xilliga gaadhiga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxayay wadada Laamiga ee Hotelka Saxafi. Wariyeyaal goobta tagay ayaa soo sheegaya in dhimashada ay ka badnaan karto tiradaas, isla markaana uu jiro burbur xoog leh oo uu sababay qaraxyada. Ilaalada Hotelka ayaa toogtay afar dabley oo isku dayay inay dhabarka dambe ka soo galaan Hotelka, kaddib markii ay baabuur qaraxyo ah ku weerareen albaabka hore. Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana socda gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyada oo loola cararay Isbitaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ismiidaamin ee lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo agagaarka Xarunta CID. Qaraxyadan ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta aheyd maalin jimco ah oo dadka inta badan shaqooyinka ka nastaan, balse xilliyada galbihii ayaa ah xilli mashquul ah oo dadka ay is booqdaan, isla markaana tagaan goobaha lagu shaaho. Source
  22. Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wadamada gobolka ayaa wax ka weydiinnay kulanka madaxda Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay ku yeelanayaan Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Eratariya Afawerki ayaa lagu sheegay mid lagaga hadli doono heshiis horay ay ugu gaareen Asmara bishii September ee sanadkani 2018-ka. Warar diblumaasiyadeed oo ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda kulankooda uu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in Eratariya cunaqabataynta hubka looga qaado. Arrintani waxay walaac ku abuurtay dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano colaad kala dhaxeeysa Eratariya kuwaasoo isku haya gobolka Jaziiradda ah. Danjire Maxamed Caalim ayaa qaba kulanka seddex hoggaamiye oo ay ka maqan yihiin saaxiibadood kale ee gobolka uu u arkayo mid sii abuuraya qalalaase siyaasadeed oo soo kordha. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com