-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland,ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan dalka laga mamnuucay siidhadhka ama shinnida dalagyada kala duwan ee dibedda laga keenayay isla markaana dalka loo sameeyay kayd shinni ama siidhka beeraha oo kala duwan oo ah shinnidii dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka hadlay sababta loo joojiyay siidhkii dalka dibedda ka ka soo gali jiray iyo ka lagu bedelay,ayaa tilmaamay in siidhadhka dibad laga keenka ah ee laga ganacsadaa ay sabab u yihiin dhibaatooyin badan oo beeraha dalagyadii ka soo gu’I lahaa waxyeeleeyay,waxaanu intaa raaciyay in dalka loos sameeyay kayd Siidh oo hadda ay ku kaydiyeen soddon kun oo tan oo siidhadh beereed kala duwan ah. Waxaanu wasiirku sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay VOA-Somali. Wasiir Seed oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “siidhku debadda ayuu ka iman jiray oo ganacsi ayuu galay adduunkana waddan iska furan oo siidhka la geeyaa ma jiro , markaan xilka la wareegnay khubarro cilmiga beeraha bartay ayaanu talo badan is waydinay , waxaanan ogaanay in siidhka waddanka meel walba kasoo gelayaa uu dhibaatooyin ku hayo , waxaanan ogaanay in siidhka debedda ka imanayaa aanu ku habboonayn carrada dalka , markaa waanu joojinay, goob walba oo dalka lagasoo galana waxaanu dhignay waraaq qoraal ah oo sheegaysa in wixii siidh ah ee debedda ka imanayey aanu joojinay” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay“Waxa aanu beernay siidhkii oo kala duwan waxaanan kayd ka dhignay aburriin oonu ugu talo galnay in lagu kaydiyo siidhka dalka Sannadka 2018 ,waxaanu soo saarnay illaa soddon kun oo tan oo aanu ka beernay deegaano kala duwan illaa imika waxa lagusoo ururiyaa aburriin .” Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha wasaaradda ee wakhtiga dhaw,ayaa yidhi “Waxa noo qorshaysan in sannadka soo socda aanu beeralayda siino siidhka, Intii xukuumaddaydu joogtay tababarrada meel walba waanu uga furnay beeralayda, waxaa naga caawiyey hay’ado badan sida FOA, iyo kuwa kale oo badan , imika waxa aanu ku dedaalnay in qofkasta oo beeralay ah oo ku nool dalka Somaliland hadday tahay khudaarley ama beer roobaad , waxaanu u gaynay qalab, waxaanu samaynay koox illaa afar baabuur ah oo gobol iyo degmo walba afar habeen wareegaya oo dadka tababar u samaynaaya , dawooyinkana ka cawinayaa” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, ayaa si wey uga dayriyay dhalinyaro kooxo kooxo ah oo xilliyada habeenkii khalkhal ku haya amniga caasimadda Somaliland. Xildhibaanku waxa uu sheegay in wakhtiyadii hore ay dhalinyaraddu ku fooganaayeen oo kaliya qaadashadda iyo boobka Mobiladda, balse haatan ay xaaladoodu gaadhay qudh-gooyo. Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, waxa uu baaq u diray ciidamadda booliska, xukuumadda Somaliland iyo walidiinta ubadkani dhalay, waxaanu sidan ka sheegey mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa. Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa jira dhalinyaro badan oo kooxo kooxo ah oo ku soo badanaya magaalada Hargeysa. Dhalinyaradaasi hawshoodu markii hore waxay ahady kaliya inta ay Moobil qof ka qaadaan in ay la cararaan. Laakiin imika waxa ay noqotay qudhgooyo, waa khaatiliin, xaafadaha qaar baa la sheegayaa inta ay toban toban isu soo raacaan iyaga oo afka soo duubtay, in ay cidkasta oo ka hor timaada ay baadhaan, iyaga oo qofkii baadhay ayay hadana midiyo la dhacayaan.” Xildhibaan Khadar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxaan u ugu baaqayaa ciidamada booliska Somaliland in arrinkaasi ay xooga saaran sidii ay wax uga qaban lahaayeen.” “Arrintaasi haddaan wax laga qaban oo aan jeelal waaweyn iyo goobaha dhalinyaradan dhaqan celin loogu sameeyo aan loo diyaarin xaaladdu way sii fogaanaysaa, waana in la isu kaashado madax dhaqameed, boolis iyo xukuumadda taladda dalka heysa, markaa waxaan soo jeedinayaa in dhalinyaradaa ammaanka wax u dhimaysa la xanuujiyo oo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado,” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Xuseen Sahal. Source
-
Kismaaayo ( Sh. M. Network )-Kadib kulan looga hadlayay amniga oo ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxda Jubbaland iyo saraakiil ka socota AMISOM ayaa waxaa looga hadlay ammaanka deegaanada maamulkaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka. Lataliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Jubbaland Janaraal Cabdi Mahdi oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al Shabaab. Waxaana uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay Dagaalyahannada Al Shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada maamulkaasi. Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada milatari ee ka socda Koonfurta Soomaaliya. The post Jubbaland Oo shaacisay in ay guullo ka gaartay dagaalka Xarakada Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Awdhiigle ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday goobo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarun Al Shabaab ay ku qaadaan Canshuuraha iyo Saldhiga ay ku leeyihiin halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Gantaalo xoogan lala beegsaday xarumahaasi, islamarkaana ay burbureen. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in duqeyntan lagu burburiyay Gaari nuuca raaxada ah oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib Ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Awdhiigle, kadibna iska hor imaad culus uu ka dhacay degmadaasi. Lama oga khasaaraha rasmiga ee Xarakada Al Shabaab ka soo gaaray duqeynataasi. Illaa iyo haddana ma cada heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay soo wajahday cabsi xoogan, kadib duqeyntaasi. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo xalay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanayo ay ku qaadeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada Isbaheysanaya ayaa weerarka ku qaaday deegaanka oo Al Shabaab ay xarun ku leeyihiin, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan, walow aanan la shaacin heerka khasaaraha uu gaarsiisan yahay. Saraakiisha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab damacsanaayeen inay weeraro ku geystaan. Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay deegaanka iyaga oo ka degay diyaarado ay adeegsanayeen. Al Shabaab dhankooda waxay sheegeen inay iska caabiyeen kooxaha weerarka kusoo qaaday, waxaana baraha ay ku faafiyeen wararkooda ay ku sheegeen in jab ay gaarsiiyeen dadkii soo weeraray. Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaana todobaadyadii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysanayeen Maamullada Galmudug,Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-051218-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Moscow)-Wadamada isbahaysiga gaashaanbuurta Nato ayaa ku eedeeyay Rushka in uu jabinayo oo uu ku tumanayo heshiiskii xakamaynta gantaalada riddada Dhexe. Mareykanka ayaa Ruushka u qabtay muddo kama dambeys ah oo 60 maalmood ah in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xakamaynta hormarinta gantalada riddada dhexe ee la saxiixay 1987. Mareykanka ayaa ku hanjabay in haddii aysan Ruushka arrintaas samayn ay heshiiska ka bixi doonaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada gaashaanbuurta NATO ee Brussels ka dhacay,waxaana muuqata in ay jirto taageero guud oo loo muujiyay go’aanka Mareykanka, balse taxadarna uu ku jiro. Heshiiskan gantaalada riddada dhexe ayaa udub dhaxaad u ahaa xakamaynta hubka xilligii dagaalkii qaboobaa. Waxaa heshiiskani meesha looga saaray dhamaan madaafiicda goobta ee ridadoodu u dhaxeyso 500 ilaa 5,500 oo kiilo Mitir. Balse muddo imika dhowr sano ah Mareykanka ayaa ka walaacsanaa waxa ay ku tilmaameen dadaalka uu Ruushka ugu jiro in uu heshiiskaasi uu burburiyo. Ruushka ayaa sida ay Mareykanka sheegeen waxa ay daadgureeyeen gantaalo cusub taasi oo halis ku ah bartilmaameddyo Yurub ku yaalla. Dowladda Mareykanka ayaa imika waqti kama dambeys ah u qabtay xukuumadda Moscow in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xankamaynta hormarinta gantaalada ridada dhexe. Mareykanka ayaa waxay ka digeen in haddii Ruushka muddada 60 maalmood ah ay heshiiska ugu hogaansami waayaan ay mareykankana joojin doonaan dhaqangalintiisa. Wadamada gaashaanbuurta NATO ayaa dhankooda taageeray go’aanka Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka. Ruushka ayaa dhankooda beeniyay in ay dhisayaan gantaalo jabinaya heshiiskaasi xakameynta gantaalada riddada dhexe iyo riddada gaaban. Cabsida la qabo imika ayaa waxay tahay in haddii heshiiskani xakamaynta gantaalada ridada dhexe uu burburo ay arrintan gacan ka gaysan karto in meesha ay ka baxaan dhamaan nidaamka heshiiyada lagu xakamaynayo hubka kuwaasi oo muhim u ahaa istaraatijiyada daganaashiyaha caalamka. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhibatooyin uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku hayo xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka. Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe ku hayo handadaad iyo cago jugleyn joogto ah, waxii ka dambeeyay markii ay baarlamaanka ka celiyeen guddi xuduudeed la doonayay in loo sameeyo Jubbaland. Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta guddigaasi ay u diideen inuu yahay in dastuurka uusan Jubbaland u ogolaaneyn inay sameeyaan guddi ka shaqeynaya arrimaha xuduudaha, maadaama ay tahay shaqada dowladda. Isaga iyo xildhibaano kale ayuu sheegay inay soo jeediyeen in arinta guddiga xuduudaha loo daayo dowladda Soomaaliya, maadaama Jubbaland dastuurka uu u ogolaanayo sameynta guddiyada Doorashada iyo maamulka gudaha. Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano damacsanaa in Magaalada Muqdisho ay usoo aadaan Tababar uu bixinayo Xafiiska Mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu kahor istaagay, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inay u baahan yihiin badbaadin lagu sameeyo siyaasadda iyo xoriyadda hadalka ee Jubbaland, maadaama uu sheegay inay dhibaato ka heysato arimahaasi. Ma jiro Jawaab maamulka Jubbaland ay ka bixiyeen hadalka kasoo yeeray xildhibaanka kamid ah baarlamanka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December. Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Qatar Amiirka dalka Qatar ayaa helay martiqaad uga yimid Boqorka Sacuudiga, balse ma sheegin inuu Amiirka ka qeyb galayo iyo in kale. Dowladda Qatar ayaa weli shaacin heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka Martiqaadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC. Shirkii sanadkii hore ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeesheen dalka Kuwait ayaa dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ay u direen Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeno, bedelkii la filayay in madaxdooda ay tagayaan Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado hawada, badda iyo dhulka ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay iska fogeysay eedeymahaas. Source
-
(SLT-Washington)-Masuuliyiin ol’olaha doorashada u qaabil sanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa email-ladooda la jabsaday ka hor doorashadii xiliga dhexe ee dalka Maraykanka, sida hadda soo baxday. Guddiga xisbiga Jamhuuriga ee Congres-ka oo magaciisa loo soo gaabiyo NRCC ayaa sheegay in email-ladooda loo dhacay, isla markaasna aysan garanayn cidda sidaas yeeshay, balse ay ku wargaliyeen hay’dda dambi baarista Maraykanka ee FBI. Masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay in aan la shaacinin email-ladii loo dhacay. Barta wararka daabacda ee Politico oo markii u horraysay warkan tabisay ayaa sheegtay in weerarkaas lagu bartilmaameed saday afar kaaliye oo sarsare. Waxay sheegtay in email ladaas lala socday bilooyin balse bishii Abriil ayuu ogaaday masuul ka tirsan NRCC kaas oo guddiga war galiyay. Guddiga NRCC ayaa isku duba rida ol’olaha murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee ka qaybqaadanaya doorashada Aqalka Wakiillada. Website-ka Politico oo soo xiganaya masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay guddiga NRCC uusan masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga la wadaagin macluumaadka email-lada loo dhacay. Guddiga ayaan sidoo kale la wadaagin xubnaha baarlamaanka taas oo adkaynaysa in la ogaado ciddii ka dambaysay dhibaatadaas. Source
-
(SLT-São Paolo)-Gabadh caafimaad qabta ayaa dhalatay iyadoo la adeegsanayo makaan la talaalay oo laga soo jaray mayd. Qalliin 10 saacadood qaatay iyo dawayn dhanka taranka ah oo markii dambe la sameeyay oo ka qabsoomay magaalada São Paolo ee dalka Brazil sannadkii 2016. Hooyadan umusha ah oo 32 sano jirta ayaa dhalatay iyadoo aan makaan lahayn. Soddon iyo sagaal makaan oo ay ku tabaruceen dad nool ayaa horay loo tallaalay waxaana ku dhashay 11 carruur ah. Dadka tabarucaadaas ka qayb qaatay waxaa ka mid ah hooyo gabadheeda u hibaysay makaankeedii. Balse toban ruux oo dhimatay oo horay la isugu dayay in makaankooda qof kale loogu tallaalo ayaa natiijo la’aan ku dambeeyay ama carruur dilanta. Dawooyin la siiyay Arrintan hadda taaganse waa makaan ay ku tabarucday hooyo da’da afartameeyada ku jirtay oo saddex ilmood soo dhashay, taas oo u dhimatay dhiig maskaxda kaga furmay. Gabadhan loogu deeqay minka ama makaanka ayaa qabtay xannuunka Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser kaas oo ku dhaca mid ka mid ah 4,500 ee dumar ahba, kaas oo horseeda in uusan sidoodii u samaysmin xubinta taranka ee dumarka ama makaanka. Si kastaba ha ahaatee ugxanteeda ayaase fiicnayd, dhakaatiirta ayayna u suuragashay in ay ka soo saaraan oo ay ku bacrimiyaan mani ayna kaydiyaan. Gabadha ayaa la siiyay dawooyin daciifiya habka difaaca jidhkeeda si aysan u weerarin xubinta lagu tallaalay. Guul caafimaad oo la gaadhay Lix toddobaad ka dib ayay billawday in ay caado hesho. Toddobo bilood ka dibna ukumihii la bacrimiyay ayaa lagu tallaalay. Markii uu uurku caadi noqdayna qalliin ayaa lagaga dhaliyay 15 Disembar ee sannadkii 2017. Dr Srdjan Saso oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay in warkan uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan. Source
-
(SLT-Washington)-Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka ayaa Talaadadi shalay sheegay in ay jiraan daliilo cad oo muujinaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ka danbeeyay dilki magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Kashikji. Mudanayaashaan ayaa diiday hadalki madaxweyne Trump ee ahaa inuunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga. Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaada laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay. Mudane kale oo ka tirsan xildhibaanada Jamhuuriga kana soo gala Koongareeska Mareykanka gobolka South Carolina, Senator Lindsey Graham ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Kashikji. Sacuudiga ayaa beeniyay in dhaxalsugaha Boqortooyada uu wax lug ah ku lahaa dilka saxafiga loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, labadii bishii October. Source
-
(SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka ee Madaxweyne D. Trump, Micheal Flyn ayaa macluumaad aad u badan siiyey dambi baaraha gaarka ee faragalinta Ruushka ee doorashada Maraykanka Robert Mueller. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn. Waraaqahan maxkamadda ee uu xereeyey Robert Mueller ayaa faahfaahinaya kaalmada uu Flyn ka geystay baarista faragalinta Ruushka, isaga oo dacwad-oogashu ay la yeesheen 19 wareysi. Warkan ayaa imamaya labo toddobaad ka hor, xiligii Flyn la xukumi lahaa iyo muddo hal sano in yar ka badan xiligii uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda FBIda, shirkii uu la yeeshay danjirihii Ruushka ee xiligaas, isaga oo D. Trump wakiil ka ah. Source
-
Axmed Aadan Carab oo kamida guddi khilaaf dhaliyey oo uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey inay noqdaan guddiga khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley kamid ahaanshaha guddigaas. Axmed oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay magacaabistaas mid aan lagala tashan, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne ku-xigeenka inuu ka noqdo magacaabistaas oo uu sheegay inay khal-khal ku abuuri karto Dawladnimada, wuxuuna intaa raaciyey inuu tageersan yahay uuna mida saxa uu arko gudigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas. Dhanka kale sida ay helayso PUNTLAND POST xubno kale oo ah guddiga uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa iyaguna qorshaynaaya inay iska casilaan saacadaha soosocda. Carab ayaa saxiibadiisa kale ee lala magacaabay ugu baaqay inay wadadiisa maraan si loo ilaaliyo wadajirka Puntland. Arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Camey ay iska soo dabasaareen labba guddi oo is khilaafsan, mana jirto wax xal ah oo illaa iminka khilaafkaas laga gaaray walow ay dad is xilqaamay dadaal ugu jiraan inay khilaafkan soo afjaraan. PUNTLAND POST The post Mid kamida guddigii uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post.
-
Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay. Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta lagu wadaa inuu qabsoomo kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Waxaa dib loo dhigay xal ka gaarista go’aankii kala dirista guddiga maaliyadda ee golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dhawaan dib ay u fureyso saafaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib u bilaabeyso dhaqdhaqaaqi diblomaasiyadeed ee joogtada ahaa ee magaalada Muqdisho. Go’aakaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo hagaagtay xaaladda Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay, waxaana ay horseedeysaa in Mareykanka ay dib safaaradooda kaga furtaan magaalada. Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeysay in dib u furashada Safaaradooda ay keeneyso sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu ku kalsoon yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka la wanaajiyo. Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray waxii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii, xiligaasi oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan. Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay Weerarkii Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD Siday hore idiinku sheegeen wariye Khaalid Foodhaadhi iyo wariye Abdi Bidhaan Dahir LIBERLAND dulkeedu wuxuu Dhanyahay 7km2. Hadaba Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay Dawlada ( Republic MONACO) oo dulkeedu dhan yahay 2km2, waxana dagan 38.000 qof Monaco waa dal ku dhex yaala FRANCE oo dunidana laga ictiraaf sanyahay. Waxa aad loo yaqaanaa naadiga kubada cagta ee Manoco kana ciyaara horyaalka France waxa hada tobabare u ah laacibkii waynaa ee Thierry Henry. Muwaadin kasta oo reer Monaco ah sanadkii waxa soo gala lacag dhan 151,000 iyagoo noqonaya shacabka ugu dakhliga badan dunida. Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay dawlada Vatican ka oo dhulkiisu leeg yahay 0.4km2 wuxay in yar ka wayn yahay garoonka kubada cagta ee Hargaysa. Ma ogtahay in dalka Republic of NAURU yahay dal la qoon sanyahay oo dhulkiisuna dhan yahay 21km2. Ma ogtahay in dalka TUVALU laqoon sanyahay dulkiisuna dhan yahay 26km2. 5taa dawladood een xusay Dhamaan tood waxa ka wayn magalada HARGAYSA oo dhan 33km2. Waa halkii TELESOM ee Muhiimadu waa TAYADA maaha Baaxada, LIBERLAND oo ah 7km2 waxay leedahay 80 safaaradood oo waxay qancisay sideetan dal inay xafiisyo kafurato. Inaguna, mee Rooble Mohamed . Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 5AAD Amb Ahmed Safiina Sawiradan hoosta ka muuqda waa MONACO oo dhan 2km2 11 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan. Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn. Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa. Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal. Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mareykan ah oo mas’uuliyadda dilkii wariye Khashoggi dusha u saaray Bin Salmaan Qaar ka mid ah xildhibaannada dalka Mareykanka ayaa sheegeen in iminka in ka badan sidii hore ay u rumaysan yihiin in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu door ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi. Sanatarada ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay kulan gaar ah la yeesheen saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA. Weerar dhanka afka ah oo uu Sanatar Lindsey Graham ku qaaday dhaxalsugaha ayaa waxa uu ku sheegay “in kalsooni sare uu ku qabo” uu ku lug lahaa dilka wariye Jamal Khashoggi. Sanatarka ayaa ku tilmaamay boqortooyada Sacuudiga in ay yihiin “kuwa waalan oo halis ah”,. Dowladda Sacuudiga ayaa dilka wariye Jamal waxa ay u maxkamadeysay 11 qof. Balse dowladda Sacuudiga ayaa beenisay in dahaxalsuge binu Salman uu ku lug lahaa dilkaasi. Xubnaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka Sanet-ka lama aysan gabban erayadooda ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha hay’ada CIA Gina Haspel. Sanatar Lindsey Graham ayaa sheegay in uusan taageereyn dagaalka Sacuudiga ay ka wadaan Yemen ama in hub laga iibiyo xukuumadda Riyadh inta uu awoodda hayo dhaxalsugaha. Sanatar Bob Menendez, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa dhankiisa wariyayaasha u sheegay “in uu imika ku qanacsan yahay si ka badan sidii hore”in dhaxalsugaha Sacuudiga uu masuul ka ahaa. Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay qasab tahay”in ay diraan farriin cad oo ah in ficilada noocaas oo kala ah aan la aqbali Karin marka la eego marxaladda uu maanta caalamka marayo”. Sanatar kale oo lagu magacaabo , Bob Corker, ayaa wariyayaasha isna u sheegay: “in aysan maskaxdiisa wax su’aal ah uga jirin in dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka.” Sanatar Bob oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa intaa ku daray “in haddii maanta Binu Salmaan la horkeeni lahaa garsoore in 30 daqiiqa gudahod dambiga loogu heli lahaa.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageereyaasha gudoomiye ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin, gaar ahaan Twitter-kiisa ayaa su’aal la yaab lahayd weydiiyey oo u dheceysay sidan- “Mudane sida aad ugu khafiiftay Soomaaliya waa mid dunidan ka baxsan…. Aaway codkaagii Waqooyi Bari….Mandera waxa ay leedahay qaraha ugu wanaagsan. Garissa waa magaalo dalxiis aan laga faa’ideysan. Sidii ayey noogu fududaan kartaa in aan u gaarno/tagno Wajeer? Ka warran haddii aad halkan Hormuud ka noqon lahayd? Taageerahan ahna muwaadin Kenyan ah, siiba qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn ayaa ka falcelinayey qoraal uu Twitter-ka kula talinayey Faarax Macallin Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo ku saabsanaa Kalluunka iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya xilli Madaxweynaha ka qeybgalayey shirkii Blue Economy ee Nairobi todobbaadkii hore ka dhacay. “Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta,” ayuu Faarax Macallin yiri isaga oo arrintaas ka hadlaya. Hadaba sidee ayuu Faarax Macallin ugu jawaabay muwaadinka Kenyan-ka ah isaga oo u marinaya isla Twitter-ka? “Kenyan badan ayaa la yaaban sababta aan waqti badan ugu hibeeyey arrimaha Soomaaliya/Itoobiya. Ma hagaajin kartid Kenya adiga oo aan hagaajin Soomaaliya. Ma hagaajin kartid Soomaaliya adiga oo aan hagaajin Itoobiya marka hore. Siyaasadda Geeska waa isku xiran yihiin. Waxaan rejeynayaa in saaxiibadeyda Kenyan-ka ah ay xaaladda fahmayaan.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan magaalada Dhuusomareeb uu kula yeeshay saraakiil Ajaaniib ah oo ka socotay dalka Mareykanka waxay kaga hadleen arrimo dhowr. Kulankaasi ayaa waxaa kasoo baxay seddex qodob oo madaxweynaha Galmudug ku tilmaamay inay muhiim u yihiin deegaaada Galmudug, sida uu sheegay Axmed Ducaale Geelle. Wararka caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee shirkaasi la iskula meel dhigay inuu yahay sidii dhaqso loo furi lahaa saldhig Mareykanka uu doonayo inuu ka dhiso bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb. Qorshaha labaad ee la iska gartay ayaa ah in tababar loo siiyo ciidamo gaar ah oo looga maarmi doono joogitaanka ciidamada DANAB ee gobolada Mudug iyo Galgaduud, si mushaaraadka iyo tababarkaba ay u helaan ciidamadaasi. Arrinta seddexaad ayaa lagu sheegay inay tahay kordhinta duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geystaan deegaanada Galmudug oo Al Shabaab ay joogaan, iyadoo laga tixraacayo duqeymihii ugu dambeeyay. Lama shaacin waqtiga rasmi ahaan loo dhaqan gelinayo qodobada ay isla garteen madaxweyne Xaaf iyo saraakiisha Mareykanka ka socotay, laakiin dhismaha saldhiga Mareykanka ayaa muhiimada koowaad noqon doono. Madaxweyne Xaaf oo shalay isugu yeeray saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug aya ku wargeliyay qorshaha soo socdo iyo isbadalka amaan ee la doonayo in lagu sameeyo deegaanada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
