Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah. Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii. Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa, dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen iyo faro-gelintii uu ka sameeyey Soomaaliya. Maxay ahayd faro-gelintii Soomaaliya? Hawlgalkii ciidamada Militariga Mareykanka ee Soomaaliya (1992-93) ee qeybta ka aha dadaaladii bili’aadannimo iyo nabad ilaalnta ee ay caalamka Soomaaliya ka bilaabeen xagaagii 1992 waxa uu soo gabagaboobay 1005. Farogalintaas waxaa xigay dagaalkii loo yaqaanay dagaalkii Muqdisho ee dhacay 3-4 October 1993, waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidamadii Mareykanka halka sidoo kale boqolaal maleeshiyo Soomaali ah iyo shacab ay ku dhinteen. Dhacdooyinka horseeday farogalinta sanadkii 1992 waxa ay ahaayeen afgambigii lagu sameeyey kalitaliye Maxamed Siyad Barre oo ay rideen isbahaysi jabhado ah. Waxaa kaddib dagaalamay labadii qab qable ee ugu awoodda badnaa Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Caydiid. Bishii Abriil 1992 waxaa Soomaaliya soo gaaray hawlgalkii gargaarka. Hase ahaatee, fulinteeda waxa ay noqotay mid adag taas oo ay sabab u ahayd in maleeshiyaadkii Soomaalida ay tixgalin waayeen xabad joojinta halka ay si ballaaran u dhacayeen una afduubayeen kolonyooyinkii cunta gargaarka ah waday. Madaxweynihii Mareykanka George H.W. Bush (Ee maanta geeriyooday) ayaa u soo jeediyey Qaramada Midoobe in Mareykanka u diro Soomaaliya ciidamadiisa dagaalka si ay u difaacaan shaqaalaha gargaarka. Qaramada Midobe wey aqbashay soo jeedintii Bish, bishii Diseembar 9-keedii 1992, ciidamo gaaraya 25000 oo Mareykan ah ayaa bilaabay in ay soo gaaraan Soomaaliya. Hawlgalkii Ciidamada waxa ay bilowgiiba la kulmeen caqabado. Maqnaanshihii hoggaan qaran oo Soomaali ah iyo dhibaatooyinkii jidadka Muqdisho ka dhacayey maalin walba waxa ay curyaamiyeen hawlgaladdii amniga. Isaga oo aan ku qancin natiijadii hawlgalka, Madaxweynihii cusbaa ee Mareykanka Bill Clinton waxa uu amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka. Juun 1993 markii la gaaray, 1,200 oo ciidamo Mareykan ah ayaa ku haray Soomaaliya oo gacan ka helayey ciidamo ka kala yimi 28 dal oo kale oo ku shaqeenayey amarka UN-ta. Xaaladdii markii horeba ahayd mid aan xasillooneyn ayaa waji kale yeelatay markii la dilau 24 askarta Pakistan ah oo baaritaan ku waday goobo hubka la dhigo. UN-ta waxa ay si aan rasmi ahayd ugu eedeysay maleeshiyadii Caydiid iyaga oo meelmariyey qaraar dhigayey in la cabsi galiyo kuwii lahaa mas’uuliyadda xasuuqaas. Labadii toddobaad ee xigay, ciidamada Mareykanka iyo UN-ta waxa ay weerarro lagu bartilmaameedsanayo xoogagga Caydiid sameeyeen laakiin kuma guuleysan in ay soo qaabtaan Jananka. Dabayaaqadii Agoosto waxaa Soomaaliya soo gaaray 400 oo ka mid ah ciidamada Raanjariska Mareykanka si ay u soo qabtaan Caydiid. Ciidamada gaarka waxa ay sameeyeen lix hawlgal ilaa iyo bishii Sebteembar waxa ayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan qaar ka mid ah xulufadii Caydiid. Oktoobar markii ay 3 ahayd 1993, Mareykanka waxa ay isku aadiyeen isku daygii toddobaad si ay u soo qabtaan Caydiid iyo saraakiishiisii sar sareyd. Hadafka waxa uu ahaa Hotel-ka Olympic ee Muqdisho halkaas oo la qabay in ay ku shirsanaayeen. Hawlgalka oo lagu rabay in lagu soo qabto Caydiid ayaa loogu talagalay dagaal yar oo ay qaadaan ciidamada Commandos-ta Mareykanka halka Ciidamada Mareykanka ee Delta Force ilaaliyaan soonka balse uma dhicin sidii qorshaha ahaa. Mashaqada waxa ay bilaabatay markii la soo riday diyaaradda Black Hawl Down oo hawlgalka qeyb ka ahayd lagu soo riday meel u dhaw Hotel-ka. Ciidamada Mareykanka waxa ay la kulmeen dagaal ba’an. Waxaa la soo riday diyaarad labaad oo Black Hawk Down ah saacad kaddib. Boqolaal dagaalyahanada Soomaalida ayaa soo buux dhaafiyey jidadka sidaasna waxaa go’doon ku galay ciidamada Mareykanka. Kaddib 17 saacadood oo dagaal ah xiriir ah, ciidamadii Mareykanka ee is badbaadinayey waxaa soo badbaadiyey ciidamadii Caalamiga ahaa. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 askari oo Mareykan ah waxaana ku dhaawacmay 84 kale. Dhinaca Soomaalida, ugu yaraan 300 ayaa dhaawacmay oo ay u badnaayeen shacab dagaalka qabsaday. Walow la qab qabtay Caydiid saaxiibadiis,hadana hawlgalka khasaarihii shacabka ee uu geystay awgeed waxaa lagu tilmaamay mid guuldarreystay. Muddo yar kaddib dhacdadaas Muqdisho, Clinton waxa uu dhammaan ciidamadiisa Mareykanka ka saaray Soomaaliya. Sanad kaddib, Ciidamadii UN-ta xataa waa la saaray, iyaga oo dalka ku dhaafay dagaal sokeeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Burtine (Puntlandi) Magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal waxaa lagu caleema saaray nabaddoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen oo kamid noqonaya nabadoonada Puntland. Munaasabada caleemo saarka nabaddoonka waxaa [...] Source
  3. JOINT PRESS RELEASE Sustained Water Supply for Children and Women of Somaliland European Union and UNICEF Inaugurates Urban Water Project Tog Wajaale, 2 December 2018 – Safe, affordable water is now being delivered to hundreds of thousands of families in areas of Somaliland thanks to a sustainable water system inaugurated today by the Government of Somaliland, the European Union, UNICEF and partners. The Improving Urban Water Service Delivery in Somaliland Project brought together government, private water companies and communities through a Public-Private Partnership (PPP) model to address the water scarcity endured by generations of Somaliland communities. Water systems in four towns – Borama, Burao, Erigavo and Tog Wajaale – were rehabilitated or rebuilt with the generous funding provided by the EU and technical support from UNICEF and partners. Some 800,000 people now have sustainable access to safe drinking water thanks to the concerted efforts. ”Water is a basic right. It plays a crucial role in our lives. We are glad that the people of Somaliland and in particular Tog Wajaale now have access to clean and affordable water. It is a far better alternative to the unhygienic and expensive water previously supplied from the earth dam at the border with Ethiopia,” said Mr Fulgencio Garrido Ruiz, EU Chargé d’Affaires to Somalia. ”We are extremely proud to be here, witnessing this important milestone and the realization of the prayers of so many communities to have access to safe and clean water for the first time,” he concluded. Overall, in Somaliland, 68 per cent of the population have access to a reliable water source. However, the disparity between urban and rural areas is significant. In rural areas, only 28 per cent of households can access an improved water source. For many Somaliland communities, their struggle to get clean water is compounded by poor infrastructure and intensifies in periods of crisis such as the 2017 drought. “Access to safe, affordable and sustainable water was a dream for so many people in Somaliland,” said Jesper Moller, UNICEF Acting Representative. “Today, that dream has finally been realised for many children, women and their families in Somaliland. We are grateful for the government’s strong leadership and the EU’s generous funding in making this huge undertaking a success. This achievement is a true testament to the commitment and hard work of all partners involved, and the courage, resourcefulness and resilience of the people of Somaliland.” Qaran News
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyay gobolka Bay uu ku dilay Sagaal [9] kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Soomaaliyeed oo dhankooda ka ka hadlay weerarkaan dhinaca cirka ah oo ka dhacay Jimcadii tuulada buuraleyda ah ee Geelway, ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay ay ku jiraan taliyaal iyo saraakiil tababar. Waa duqayntii 37aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya kaliya sanadkaan 2018, kaasi oo ay kaliya bishaan naag xigto inuu dhamaado. Diyaaradaha dagaalka ee wadanka Mareykanka oo weeraro dhinaca cirka ah ka fuliya Koonfurta iyo Bartamaha dalka ayaa inta badan beegsada Saldhigyada iyo xubnaha sarre ee xoogaga Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka warbixiyay duqayn uu ka fuliyay G/Bay appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Waxgrad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dhulka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya ayaa baaq nabadeed waxay kasoo saareen colaada udhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Caaqil Maxamed Cali Cumar, oo ah caaqilka guud ee beesha Bari oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn degaanada lagu dirirayo oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu dagaalku ku bilowday ayaa tilmaamay inuu salka ku hayo is-qabqabsi dhuleed. Cumar ayaa ugu baaqay hogaanka dowlad degaanka inay ku baxaan colaada, islamarkaana ay qaboojiyaan dagaaladda, kusoo noqnoqday halkaasi, loona gurmado dadka guryahooda colaadu ka barakicisay. Beesha caalamka ayuu si lamid ah ku tartarsiiyay inay soo farageliyaan xiisadda oo baryihii dambe kasoo cusboonaatay, taasi oo galaafatay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed iyo Oromadda dhinacooda. Sikastaba ha ahaatee, colaada Soomaalida iyo Oromadda oo khasaaro kala duwan geysatay ayaa la xiriirta dhulka ay wada degan yihiin labadaan qowmiyadood, kaasi oo uu mid kasta sheeganayo lahaanshiyahiisa. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Caaqil.mp3 The post Waxgarad baaq kasoo saarey colaada Oromada iyo Soomaalida appeared first on Shabelle. View the full article
  6. War rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Gaas uu qorshaynayo inuu Todobaadka soo socda uu magacaabayo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada [...] Source
  7. Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen maalintii shalay deegaan ka tirsan Gobolka Baay , waxaana la [...] Source
  8. Kulan loogu magac daray Deni iyo Bulshada Qardho ayaa Lagu qabtay Safari Mall, waxaana ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Maamulka Gobolka Karkaar, Dhaqanka, Ururada Dhalinyarada iyo [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-011218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya , iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Maareeyaha HIQ, Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo. “Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu. Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal. Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & iyo Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyn, Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan. PUNTLAND POST The post Shir looga Tashanayo Hanaanka Xeerarka Is-gaarsiinta iyo Tiknolojiyadda oo Furmay appeared first on Puntland Post.
  11. Jeneral Asad Cismaan Cabdulaahi ayaa maanta oo sabti ah taariikhduna tahay 1da December 2018ka magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada Madaxtinimada Puntland ee [...] Source
  12. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Degmada Dhahar ee Gobolka Heyland, waxaana soodhaweyntiisa ka qeybgalay Bulshada Magaalada Dhahar oo si weyn u muujiyey taageerada iyo garab is taaga ay u hayaan Musharax Siciid Deni. Nabadoon Maxamuud Maxamed Saalax oo ka yimid Degmada Xiingalool ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo Musharrax Siciid Deni “Marka hore si niyad leh ayaa kuu soo dhaweynay, waxaa Alla kaaga baryeenaa in uu Xilkaan kuugu guuleeyo, si fiican ayaa loo yaqaanaa waxqabadkaaga, maanta waxaad joogtaa waqtigii ku haboonaa oo aad Puntland Hogaamin laheyd”…… Faadumo Maxamuud Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Heyland oo ka hadashay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegtay…. “Mudane ku soo dhawoow Gobolka Heyland Magaalada Dhahar, dareen Shacabnimo ayaa kuugu soo dhaweenay, Taageeero buuxdo ayaa ku siinay, Waxaa dooneynaa Albaabka Madaxtooyada in aan cid ku yeelano, dadka wey garanayaan in aad tahay Musharaxa ugu roon, Xildhibaanada waxaa leenahay Codkiina siiya” Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahad celiyay dadweynihii kusoo dhoweeyay degmada Dhahar “Marka hore waxaa u Mahadcelinayaa Maamulka Gobolka, kan Degmada,iyo dhammaan qeybaha Bulshada si wacan oo ay ii soo dhaweeyseen, Heylaand waxa ay mudantahay waan garanayaa waxbadan oo aad tabeysaan nin yaqaano ayaa ahay”…. “Aniga Dhagax been ah ma dhigayo laakiin Dalkaan waxbaan ka qabanayaa aniga oo ku talagaleyno waxa aan heysano, Fariinta aad ii dhiibteen sida ay tahay ayaa u qaatay waxaana noqon doonaa mid ka soo baxa”… Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan iskugu jiray Salaaan iyo Xog wareysi la yeeshay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan oo ay ka wada hadleen marxaladaha Puntland iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa Doorashada. Musharaxa iyo Suldaanka oo yeeshay wada hadalada ka dib ayaa Musharaxu wuxuu kulamo layeeshay Cuqaasha dhaqanka,Dhalinyaradda iyo Haweenka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka nagu soo wajahan. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni waa Musharraxa ugu sameynta badan waxaana taasi keenay Jiilka ka aflaxay Himilooyinka uu dajiyey ayaa jooga meel walbo oo tago. Cabdiqani Boos The post Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Dhahar (Sawirro) appeared first on Puntland Post.
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay qoraalkii madaxweyne Gaas uu shalay soo saaray, waxayna soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Hoos ka aqriso. War saxaafadeed: Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira ku dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, Doorashada 2019, iyo dhismaha guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka. Markaan aragnay warqadda ka soo baxday madaxweynaha xilku ka dhammaanaayo ee ku saabsan soo xulidda Xildhibaannada golaha wakiillada. Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. Waxaa marag ma doonta ah in soo xulidda xildhaibaannada beelaha sanadkan la gashey khilaaf aan waligii ka dhacin Puntland, taas oo si ku talagal ah uu madaxweynaha talada hayaa u maleegaayo waana wax aan taariikhda Puntland hore u soo marin. Wuxuuna si ku talaggal ah Musharax-Madaxweyne Cabdi-weli Mohamed Ali Gaas u dejiyey in ay xubno badan oo wata liisas is-khilaafsan iyo saxiixyo isimmo/nabadoono kala duwan ka yimaadaan beelo kala duwan, si uu madaxweynuhu ugala dhex baxo kuwa isagu uu rabo. Waxaana u meel marinaaya guddi keligiis uu soo xulanaayo kuna magacaabay: Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aan sina loo aqbali Karin in qabiil kala sooc ba’an uu madax weynuhu kula dhex jiro beelaha xildhibaannada iska soo xulaya qaarka uu u arko in uu qabiil ahaan uga xoog roon yahay, uu xubnohooda cidduu rabo ku qorto si cadna isaga indha tiro saxiixyada nabadoonnada iyo isimmada beelahaas. Waxaa kale oo jirta in qabiillada uu madaxweynuhu u arko in aysan xoog badan lahayn ama isimmadoodu meelo fog jiraan oo aan Garowe imaan karin uu si toos ah qofkuu rabo u marsado guddiga khilaafaadka. Hadaba waa in la helaa guddi dhex-dhexaad ah oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan musharrixiinta oo ku jiro madaxweynaha oo isna musharraxnimo ku dhawaaqay. Haddii Gudigaasi (Vetting committee) uusan ahayn mid dhexdhexaad ah, ama tayo fiican, ama aqoon iyo waayo aragnimo wayn aanu lahayn xaalada dhaqan iyo midda siyaasadeed ee Puntland Waxaa ka dhalankara dhibaatooyinkasoosocda; 1. Madax banaanid iyo kalsoonida guddiga lagu qabo oo la waayo. Mar haddii aan laga tala galin mushaxariinta oo uu ku tagrifalo soo magacaabiddooda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya. 2. In ay noqdaan kuwo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya. 3. In ay soo saaraan liiska xildhibaanada uu rabo Musharrax Gaas oo kali ah. 4. In la liiskana laga saaro xildhibaano badan oo si sax ah beelahodu u soo gudbiyeen. Haddii madaxwaynaha sii degaayaa dantiisa ka arki waayo. 5. In ay meel ka dhac weyn ku tahay issimada dhaqanka Puntland, taas oo cadaawad iyo khilaaf xooggan horseedi karta sidoo kalana abuuri karta khal khal,amni xumo iyo dhaawac soo gaara wadajirka dadka Puntland. Talo soo jeedin; 1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo ay iisku raacaan. 2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagri fal masiirka umadda. 3. In xubnahaguddigunoqdaankuwoisudheelitiran Kana kooban gobolada Puntland. 4. In guddiga aysan ka mid noqon Karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madaxbanaanidda guddiga. 5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon Karin qofku cad ama u ololeeya musharax gaar ah. 6. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon qof ay maxkamadi dembi ku xukuntay. Dhinaca kale; I. Laga bilaabo markii uu madaxweynaha Puntland si toos ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo mar kale u tartamaayo 2019ka, (November 29, 2018 Dhahar), in uusan samayn Karin xaqna u lahayn arrimahaan hoos ku qoran: a. In aan musharrax Cabdi-weliMaxamad Cali Gaas uusan xoolaha/hantida guud ee ummadda uusan doorasho u isticmaali Karin si toos iyo si dadban midna b. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaan ciddii ay khusayso u sheegeynaa in Musharax Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono. c. In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi Karin ama xil ka qaadi Karin qof. d. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaanciddii ay khusayso u sheegeynaa in madaxweyne Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono. e.In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi karin ama xil ka qaadi karin qof. Ugu danbayn waxaan Isimmada, Culumaauddiinka, ciidamada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland ugu baaqaynaa in xilligaan kala guurka ahay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii awalba looga bartay adkaynta amnigooda, wadajirkooda iyo horumarkooda sigaar ahna u garab istaagaan ciidamada amniga, waana taas midda aan guusha kugaari karno. Alle idanki guul shacabka Puntland. Murashaxiinta soo saaray war-saxaafadeedkaan: 1. Dr. AadanMaxamadCiise(Gaadaale) 2. Eng. CabdirizaaqCabdullahiJaamac(Jannagale) 3. General KhaliifCiiseMudan 4. Eng. MaxamuudKhaliifXasan (Jabiye) 5. Eng. MaxamadCabdullahiXuseen (Shortaaye) 6. Siciid Cabdullahi (Deni) 7. Gen. Saciid Mohamed Hirsi (Saciid Dheere)
  14. (SLT-London)-Mudane ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu qabo cudurka HIV-ga, xilli uu aqalka ka doodayay arrin ku saabsan caafimaadka dadweynaha. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. “Marki aan ogaanayay inaan xanuunkaas qabo waxay igu ahayd “argagax dhab ah” laakiin ma aysan ahayn dhammaadkii dunida, inkastoo dhowr ilbiriqsi ay sidaas kula noqoneyso” ayuu yiri Mr Russell-Moyle, oo 32 sano jir ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa safar dheer, laga soo billaabo markii aan niyad ahaan u aqbali waayay ilaa maanta oo aan ahay qof u dooda dadka xanuunkaas qaba, anigoo og in daaweynta la ii sameeyo ay gacan weyn ka geysato xaaladdeyda caafimaad, taasoo sidoo kale ilaalisa qof walba oo lamaane ila noqda”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la hadlay dadka xanuunkiisa oo kale qaba: “Ugu dambeyn waxaan rabay iney ii suurta gasho inaan halkan soo istaago una sheego dadka kale ee la nool HIV-ga in cudurkooda uusan astaan u ahayn”. “Waxaan gaari karnaa heer walba oo aan dooneyno, dadka ka cabsanaya iney cudurka iska baaraan iyagana waxaan leeyahay, waxaa habboon inaad la noolaato wax aad ogtahay intii aad la dhiman lahayd cabsi”. Xildhibaankan ayaa sheegay in ku dhawaaqista arrintiisa uu doortay inuu ku soo beego maalinta Aids-ka adduunka oo ku asteysan Sabtida. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Difaaca-yaasha xaquuqda Aadanaha Somaliland ayaa xildhibaanada golaha Wakiilada ku eedeeyey in xeerka Booliska ka saareen in booliska laga dacween karo maxkamad shacabka, isla markaana ka dhigeen in qofkii ka cawda dhibaato boolisku u gaysteen isla iyaga uun looga dacwooddo. Xeerkan booliska oo muddo badan horyaallay golaha Wakiilada ayaa wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen u gudbiyeen golaha Guurtida, haseyeeshee waxa difaacayaasha xuquuqda aadanaha Somaliland ku tilmaameen xeerkaasi mid ka hor imanaya xuquuqda shacabka hadii dhibaato ka soo gaadho booliska,isla markaana qofka shacabka ee ka cabanaya ay wakhti ku qaadanayso dacwadooda marka booliskii laga cabanayey loo soo dacwoodo. “Golaha wakiilada maaha kuwo dadka u naxay meesha way ku raageen oo waxay joogaan 13 sanno, waxaanay arrintani cadaynaysaa in shacabkiiyo iyo golihii wakiiladu isku xidhnayn, waa nimanka ansixinaya in boolisku yahay sida militariga oo maxkamada militariga lagaga caban karo wixii ay dhibaato sameeyaan.”ayuu yidhi gudoomiyaha xuquuqda aadanaha Somaliland GUuleed Dafac. Waxaanu intaas ku daray “Xeerkan waxa loo ansixyey sida xukuumadda iyo booblisku doonayeen, xeerkan waxa la saxeexay 2017 ilaa maantana lama dhaqan galin sababtuna waxa weeyi haddii islaanta khudra banaanka ku iibinaysaa nin boolis ahi miiska ka laago si aanay u helin meel ay ka dacwooto ayaa sidan loo sameeyey, waxaanu doonaynaa in hooyadaasi hesho meel looga caban karo booliska hadii dhibaato u gaystaan”. Difaacayaasha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn uga soo horjeestay meel marinta xeerkaasi booliska oo ay ku sheegeen in aanay shacabku haysan meel ay uga dacwoodan hadii boolisku dhibaato ka soo gaadho, waxaanay sheegeen inay golaha Guurtida uga caban doonaan xeerkaasi in dib loo soo celiyo. Source
  16. London (Caasimadda Online) – Waxaa hadal naxdin leh ka hor sheegay Baarlamaanka dalka Ingiriiska xildhibaan ka tirsan xilli ay socotay dood ku saabsan Caafimaadka. Xildhibaankaan oo lagu magacaabo Lloyd Russell-Moyle oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu qabo cudurka HIV AID. Xildhibaankaan oo khudbad ka jeedinayey kulankii ay xubnaha aqalka Sare kaga doodayeen Caafimaadka dadweynaha ayaa si toos ah u qiray inuu la nool yahay cudurkaas. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Caasimada Online Xafiiska-London Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Jaamacadda Indiana University ee waddanka Maraykanka ayaa wada dood la xidhiidha in la gaadhay wakhtigii shiidaalka Somaliland la soo saari lahaa oo dalku ka faa’iidaysan lahaa dhaqaalaha ka soo baxa iibka shiidaalka. Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu shalay diyaariyey khabiir Mr SCOTT PEGG oo ka tirsan jaamacadda Indiana University oo saadaal wanaagsan ka muujiyey in shiidaal laga soo saaro Somaliland sannadka 2019ka, warkaasina wuxuu u qornaa sidan:- “Sannadihii u danbeeyey waxa Somaliland ka socday sahan dhinaca shiidaal soo saarista ah oo Shirkado kala duwani ka sahminayeen Somaliland, waxaana la baadhay dhulka iyo deegaannada xeebta ku teedsan, waxaana rejo weyn laga qabaa bilowga sannadka 2019ka in la bilaabo wax-soo-saarkii siday hore u shaacisay Shirkadda Genel Energy. Wakhtigan waxa laga hadlayaa haddii la soo saaro dhib iyo dheef waxa uu u yeellan karo Somaliland. Dood ay samaysay Jaamacada Indiana University ee waddanka Maraykanka waxay is weydiinaysaa in la gaadhay wakhtigii la soo saari lahaa shiidaalka Somaliland iyo in kale?. Khabiir SCOTT PEGG oo siyaasadda dhaqaalaha u qaabilsan Jaamacadda Indiana University, ayaa xusay in iibka shiidaalku uu kordhin doono dhaqaalaha Somaliland ee xaddidan. Warbixin uu diyaariyey wuxuu ku soo bandhigay in Somaliland nabadgelyo ku naaloonaysay labaatankii sanno ee ugu dambeeyey, isla markaana madaxweynihii shanaad oo ku yimid doorasho dimuqraadi ah oo uu xilka kula wareegay, waxaanu aaminsan yahay in Somaliland looga baahan yahay inay u sii weel-tolato iibka shiidaalkeeda. Waraysiyo laga qaaday dad siyaasiyiin ah waxay soo jeediyeen in laga faa’iidayto waddamada Afrika ee ku guulaystay maaraynta dakhliga Saliida. Baadhitaanka Shidaalka waxa Somaliland laga daahfuray sannadkii 1912kii, hase ahaatee xilligan waxa bilowday sannadkii 2012kii shiidaal baadhista shirkadda Genel Energy, waxaa lagu wadaa haddii hindisaha shiidaal qodista lagu guulaysto in Somaliland laga soo saari doono in ka badan laba bilyan oo foosto sannadkii. Source
  18. Degma-deenu burburtoo, damiin aan wax garan iyo imikaa askari degay, digtoonawdu soctaa, dig-taas uun ku jira bay, dabuub-tiisi noqotoo, waxa loo dig leeyahay, kala didi dalkoo idil, xaaraan daldalo oo, ku shaqayso duuf-laal, aan doocna garnayn, sii durugtay xaajadu, digashaynu ku jirnaa, dalkii waa la qayb-saday, ìna diiday duniddii, denbigaa askarigaa, dumadiisa ay tahay, isagays dabraayoo, caqli-qiisu waa dame, dibaa looga sheekayn, hadaan dooxa lagu xidhan, dib u joogso lagu odhan. Maqaal-kani wuxu ku socdaa muwaadi-niinta reer somaliland, intii aan reer hebel ku durbaan tumayn, ee jecel in ay Somaliland noqoto dal jira, oo u daacadda ah ummad-doodda. aan hoos u daadego oo taabto halka ay salaadu ka xidhmi la’dahaye, wuxu yidhi ( IHN) Cabdilahi suldaan Timacade, ” Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma’e” Waa taas loo kala ab-tiriyey shicibkii, ee iniba gees looga baaqaayo. ku bas beeshay tallo askari ee dirgan la’, bad-weyn dhex-deedda kula degtay dooniddii, cid ka saartana ay weyday, madaxa ku soconaysa, afartii waax-yood-ba midba gees u dhaqaaqay,gacmahii dabarka lagu xidhay, indhi-hiina laga riday, ee hadeer geeri go’anka taagan, cid u maqan iyo ceel u qodani mid-na aanu jirin, ka ay caawin lahaana waa adiga, ee badbaadin lahaa, laakiin waxad ka door biday, beenta lagugu dhaqaayo iyo maxaa runta loogu sheegayaa, ka aanu isku reerka nahay, wuxu doono ha sameeyee, ee waa su’aale yaa dhib ku qaba? Caamir waa saleelo’e, anaa haatan caymadiye, bal amuurtan u fiirsadda, adba waad yaabi doon-taaye. Ka puntland badhisaabka ka ahi, ee indhaha kala jeedda lihi, waa kay ugu yeedhaan ina cali gaase, hore wuxu u tegay, una qaatay, oo uu si wacan oo xarago leh u goostay, qayb wadan-keena ka mid ah, cid juuq ka tidhina aanay jirin, xildhi-banaano mooyaane, weli maamulka asakrigu nuu iyo naa kama odhanin. ninka hor-joogaha ka ah maamulka majeerteenku, wuxu shirkii wasiirada-diisa ku qabsaday Badhan, weliba wuxu ka dhisayaa Xarunta golihiisa wasiiradda, taasi way ku deysay, cid ka hadal haysaana ma jirto ama hadal haysaa, oo adoo nool buu askarigu hadiyad u bixiyey dhul-keenii. Hadda waxa uu ku sii darsaday oo uu yimi Dhahar oo uu iskaba degay, isaga oo aan cid-naba wax iskaga tirinayn, buu dhoola tus iyo yaa igu haysta ku tegay, waana runtii, oo waa taas maamulka askarigu ka baqay in uu erey qudha ka yidhaaho, farsamo kale-ba ha sii joogtee, saw xaalku maaha murtiddii ahayd ” Fartu diidaye ma fulaa dhaqay”. Allay-lehe, inteedaan ku sugay aradka gaaroodi, in maalin-ba-malainta ka dmbays jeex ka mid ah dal-keena cadw sii goosto, yaase u fududeeyey?, waxa weeye jawaabtu waa askarta meesha ku shuraa-kawday, oo iyaka aanay wax ka gelin, jeebka ka buux-sadda mooyaane. Talo waxay ka noqotay oo keliya, iska ad-keeya arimah gudaha oo yaan meel la idiin soo maro la helin iyo siddii ay kursiga u xejisan lahaayeen. Askarigani markuu tegay goboladda bari, wuu ku dhici waayey in uu qabto Badhan iyo dhahar, waayo waxa joogay Ka puntland haysta, fulaynimo iyo baqdin awgeed buu dabadda soo geliyey Ceerigaabo, oo dhibiga baa loo qorey, kumana dhaco in uu tago, ilayn dan-tiisa maaha, oo waxba kama gelin wixii la qaadanaayo’e, isaga waxa u daran, sidee baad dhaqaale aad urursato u heshaaye. Intaas oo keliya maahee, Gobolka Saylac kala badh baan ku jirin gacan-teena, oo ka jabuuti iska yeeshay, cid ku haysatana haba sheegin, wax maamul iyo talo ah, oo aynu ku leenahay-na ma jirto. Gobolka Buuhoodle isna waa tegay, oo xataa maleeshi-yaadka jeegaantu ma tegi karaan, mana dhaafi karaan Coodinle, oo waa lagaa muquuniyey, isna wuu go’ay wuxu ku darsamay Puntland, maamul-koodda baa gaala-baxaaya hadh iyo habeen, waxa halkaa ina dhigay, keenay-na in la ina qaybsado waa maskaxdda askarta, oo ay shaqa-doodu noqotay mid-ba mid ku dir, oo intii lagugu soo jeesan lahaa, iyaka iska hor keen, ha iska laalaadeen, idina ka dhex xoog-sadda. Geenyo shaaximan ( Ka gudahu), 17 maalmood ka bacdi, baa wuxu is yidhi gaadh aaggii ay labadda beelood ee Reer Sool dirirtu ku dhex martay, markii uu ogaaday in madax-weynaha Kiilka Shanaad uu u fidiyey gogol nabad raadin ah,wax uu sameeyo hadal-koodda daayoo. Wuxu qoraal-kani ku soo af go’ayaa. ummad-yahay, haddii aad tashan waydaan, waa la idiin talin, waxay ku socotaa imika xamar , oo waataas la inaga xidhay safaaraddii Kiiniya, itoobiya, jabuutiye, N. B Caamir Waa Saleelo’e, Anaa Haatan caymadiye. Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  19. Siddii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa oo ciddi ka maqnayn askar iyo dharcadba ay u cidleeyeen xafiisyadii iyo xeryihii, Una gabeen hawshii ay qaranka u hayeen, iyagoo kaxaystay wixii gaadiid qaranku lahaa iyo iskarogooyin ay dhagaxaan ku rarteen, Una kicitimeen socdaal taxtaxaash ah gobolada bariga DHEXE ee Somaliland,si uu Mudane Muuse Biixi usoo baro oo uu indhaha ugu soo jeexo xukuumadiisa habeedada qabta ee Carada wax jira iyo caalamkaba lasocon. Se hubaal wuxuu noqday socdaalka madaxwenuhu mid shacabkii reer Somaliland indhaha u furay oo ay ogaadeen in Masuuliyiinta Mudane Muuse igmaday ee uu horkacayaa ay yihiin kuwii ugu hadal, anshax, dhaqan, masuulnimo, dulqaad, sharaf, himilo, han iyo hawraar liitay uguna gurucnaa ee abid soo mara jamhuuriyada Somaliland. Iyada oo aan lasoo koobi karin waxyaabaha sharaf dhaca ahaa ee hore loogu arag madax qaran inay ku kacaan iyagoo ku sugan goob gole ah oo saxaafadii joogto kuna hayaan sawir qaadayaasha Shaashadaha laga fiirsado, siddoo kale shacab tiro badanina joogeen oo weliba madaxweynihii qarankuna xaadir ahaa ay aflagaado iskugu geystaan madaxi si qalafsan oo ka dheer milgaha masuul iyo maamuuska madaxnimo, sida odhaahdii guracnayd ee gefka qayaxan ahayd ee SHADHAAB! (shut up), Taas oo masuul sax is yidhi masuulkii kale kalmadaa ku yidhi ahayd afkaaga xidh!, odhaahdaa gafka ahayd ee guracnayd ee masuulka afkiisa kasoo yeedhay madaxweynuhu muu dhibsan se wuu u Dhoolo cadeeyey Intii ku xeernaydna wey ku dareen, Taas oo amakaag ku noqotay ummadii goobjoogayaasha ahayd ayna U fasirteen in habdhaqankan qalafsan ee askartii macangaga ahayd ee qarnigii tegey ku dhaqmi jirtay inuu sal u yahay xukuumada madaxweyne Muuse oo lagu carbiyey laguna horjoogo masuuliyiintan, sidoo kale waxay U garawsaadeen in Cabashooyinka shacabku soo tabin jireen ciddii madaxweynaha u sheegi lahayd siddoo kale lagu yidhi weedhaa, Ileen waataan warcelin madaxweynaha laga waayey e, se hubaal waxay ummadu soo wadatayba xaalku waa Shadhaab hadal kama danbayn!. Waxa jirtay iyana in taariikhda markii ugu horaysay dalkii gobolo dhedig iyo lab lagu kala sheego madaxweynihiina lagu soo dhaweeyo lana yidhaa kusoo dhawoow gobalka raga iyo sidoo kale gobalka odayaasha. Waa wax lalayaabo runtii se hadduu Madaxweynuhu ogolaaday in uu tegey gobolkii raga iyo kii odayaasha, malaha socdaalka kan xiga wuxuu u taxtaxaash tegidoono gobolka dumarka iyo gobolka habraha!. Isku soo wada duub oo hubaal Dalxiiskii Madaxweynuhu Deelqaaf iyo afxumuu dalkii kusoo kordhiyey. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
  20. Qoraal maanta ka soo baxay isla guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigay ilaa 05 bisha December ee [...] Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Shir Guddoonka Golaha Wakiillada Oo Xoog Ku Ansixisayay Xeer Buuq Badan Abuuray Oo Xukuunmaddu Dabada Ka Riixayso Iyo Xildhibaannada Oo Ka Dareeray Golaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay weli socdan ciidamada dowladda Soomaaliya ay geyneyso magaaladaasi. Waxaa maanta gaaray magaalada Baydhaba diyaarad kale oo sida ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka, iyadoo shalay galab la soo weriyey inay sidoo kale ka degtay diyaarad siday ciidamadii labaad ee halkaasi la geeyo. Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay dowladda Somalia geystay magaalada Baydhaba ciidamo gaaraya 200 askari oo ay ku jiraan 50 askari oo saaka ka degay garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana warar xogogaal ahi sheegayaan in tirada ciidamada loo dirayo Baydhaba ay gaareyso 300 askari. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dalbadeen ciidamada uga yimid dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho laga keenay si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga magaalada Baydhaba, laakiin waxaa ka hor yimid xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  23. TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 2AAD Ma ogtahay in madaxwaynaha LIBERLAND Mr. Vit Jedlička ka saamayn iyo shacbiyad badanyahay sadexdii Murashax iyo sadexdii xisbi qaran ee u tartamay doorashadii ka dhacday SOMALILAND 2017 kii. Waxa lagu qiyaasaa Muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan gudaha dalka 4.000.000 Afar Malyan, Ha’daanu nahay siyaasiyiintii u olalaynaysay sadexda xisbi qaran oo ay kamid yihii sadexdii murashax kana mid yahay #_Madaxwayne_Muuse_Biixi waxaanu qancinay oo kaliya inay codeeyaan 530,000 qof oo cod bixiye ah waa codkii ansaxaye. Ma ogtahay in Madaxwaynaha LIBERLAND mudo sadex sano ah qanciyay 650,000 oo qof inay u noqdaan muwaadiniinta rasmiga ah ee LIBERLAND, iyagoo ah Quruumo kala diin-ah, Kala luqado-ah, Kala dhaqan-ah, Kala midab-ah, Kala cirqi iyo ac-raaf ah. Waxay kala hays-taan diinta islaamka, Yahuuda, Kiristanka, iyo in ka badan 12 diimood, waxay ku kala hadlaan in kabadan 30 luqadood, Waxa kamida 15,000 oo muwaadin USA ah waxana kasii mida 4 xildhibaan oo katirsan aqalka sare ee Congress Marykanka. Waxa kamida 10,290 oo ah muwaadin u dhashay UNAITED KINGDOM waxana kamida Mayar kamid Mayarada Britan. Africa, Asia, iyo latin America, iyaga hadalkeedaba daa. Waxa kamida 150,000 oo muwaadin carbeed oo noqonaya qawmiyada u badan ee ku hadasha luqada kaliya. Waxa kamid ah muwaadiin reer Somaliland ah iyo kuwo kale oo Somaliyeed. Dadlkaas oo dhan ayuu soo qanciyay ee aduu maxaad soo qancisay. Hadii ictiraafka SOMALILAND laga shaqaynayo waxa muhiim ah inuu #_Madaxwayne_Muuse_Biixi_Cabdi qanciyo 195 dawladoo oo lagaga hadlo 7000 oo luqadood, Intaa waxa ka horeeyasa inuu qanciyo afarta daamood ee hargaysa, Inuu qanciyo Gobalada Somaliland bari ilaa galbeed, Inuu qanciyo jaaliyada dibada oo saamayn wayn ku leh gudaha dalka iyo hurinta qabyaalada qaawan una baahan jihayn wayn. Waxaanse ka baqayaa inuu xaalkeenu yahay SHIDANAABA SHIDAN. Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTA 3AAD oo ka hadlaysa dhaqaalaha dalka iyo bajadka ictiraaf raadinta LIBERLAND . Amb Ahmed Safiina Qaran News
  24. Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira ku dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, [...] Source
  25. Wasiir & Xildhibaano Kiiniyaan ah oo ka maquurtay shirkii Somaliland ee Nairobi+Arimo kale oo xasaasiya Dawladda Somaliland ayaa jimcihii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland. Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Kenya James Meru. Wasiirada ka socday dawladda Somaliland oo kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaas ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay maalgashadaan Somaliland. Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland. Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal oo kale oo loola macaamilayo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujinaya sida xaaladdi sidaas ahayn. Qaran News