Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,307
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir ku-xigeenka Xajka. Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha xajka iyo sidii loogu kordhin lahaa dadka Soomaaliyeed tirada sannad kasta soo xajisa. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in sannadkan la kordhiyo tirada dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah, laguna daro 2,200 (Labo kun iyo Labo Boqol oo xujey ah). Tirada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan xajin doonta ayaa ka dhigan 11,500 (Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol oo Xujey) halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ), waxaana la filayaa in la dedejiyo soo saarista dal ku galka ama Viisaha Xajka. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur ayaa sheegay in la isla gartay sidii loo wanaajin lahaa adeegyada la siiyo Xujeyda Soomaalida, sida deegaanada la dejiyo, gaadiidka, iyo cunnada la siiyo. Source
  2. (SLT-Khartoum)-Booliska dalka Suudaan ayaa qiiqa dadka ka ilmeysiiyo u adeegsaday in ay ku kala eryaan dad dhigayay dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhan ah dowladda, rabshadahaasi oo ku faafay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi. Boqolaal qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa shalay oo Axad ahayd xiray waddo weyn oo gasha garoon kuwa kubadda cagta ah, ka hor inta aysan isku dhicin dadkaasi iyo ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha. Siyaasiinta mucaaradka ayaa sheegaya in 22 qof ay dhinteen tan iyo markii ay muddaharaadyadu billowdeen maalintii arbacada ahayd ee la soo dhaafay, balse saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in tiradu ay intaasi aad uga yar tahay. Dibadbaxyada ayaa ka dhashay sara-kac ku yimid qiimaha rootiga iyo shidaalka. Muddadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, waxaa sii sara kacayay qiimaha badeecooyinka qaar ee dalkaasi Suudaan, waxaana heerka sicir bararku uu gaaray ku dhawaad 70%, halka lacagta dalkaasi uu ku yimid qiimo dhac aad u weyn. Lacagta ayaa gabaabsi noqotay maagaalooyinka eec sida caasimadda Khartuum . Koox dhakhaatiir ah ayaa sidoo kale sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah ay shaqo joojin billaabayaan, si ay cadaadiska ugu kordhiyaan madaxweyne Cumar Al-Bashiir. Xaaladdii ugu dambeeyay? Rabshadihii dhacay shalay oo Axad ahayd ayaa ka dhashay dad ka soo baxayay garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaal magaalada Khartuum. Dadkani ayaa xiray waddooyinka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dowladda balse booliska ka hortagga rabshadaha ayaa markii dambe sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay. Mar sii horreysay, ayaa muuqaallo la soo dhigay baraha xiriirka bulshadu waxa ay muujinayeen dibadbaxyo ka socdo meelo badan oo ka tirsan dalkaasi. Golaha dhexe ee dhakhaatiirta reer Suudaan ayaa sheegay in dhakhaatiiroodu ay arkeen dad dibadbaxayaal ah oo qaba dhaawacyo rasaas oo la keenay isbitaalada, waxa ayna intaasi ku dareen in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba. Maalintii Sabtida ahayd ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi Suudaan waxa ay xabsiga dhigeen 14 hoggaamiye oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka, waxaana sida uu sheegay afhayeenka isbahaysigaasi dadka la xiray ka mid ah hoggaamiyaha isbahaysigaasi Faaruuq Abuu Ciisa oo 85 jir ah. “Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi. Xarigooda ayaa ah isku day ay dowladdu ku dooneyso in ay kaga hortagto dibadbaxyada,” ayuu yiri afhayeenka isbahaysigaasi mucaaradka Sadiiq Yuusuf. Mucaaradku maxay leeyihiin? Sadiiq Al-Mahdi oo ah hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Umma ayaa cambaareeyay “caburinta shacabka dalkaasi” waxa uuna sheegay in dibadbaxyadani ay ka dhasheen xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaasi. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Madaxweyne Cumar Al-Bashiir in ay ogolaato in si nabad ah ay xukunka u wareejiso, haddii kale buu yiri ay wajihi doonto kacdoon shacab. Sadiiq Al-Mahdi oo muddo laba jeer ah ra’iisalwasaare ka soo noqday dalkaasi ayaa Arbacadii la soo dhaafay ku soo laabtay dalkiisa oo uu muddo ku dhawaad sanad ah uga maqnaa musaafuris. Dowladdii Sadiiq Al-Mahdi ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee dimuquraadi ah oo la soo doorto ka hor inta uusan Al-Bashiir inqilaab milatari xukunka kula wareegin sanadkii 1989. Madaxweyne Al-Bashiir ayaa lagu eedeeyaa in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee galbeedka dalkaasi Suudaan, waxaana waraaqdii lagu soo xiri lahaa u jartay maxkamadda caalamiga ahi ee dambiyada dagaalka. Sidee ayay dibadbaxyadu ku billowdeen? Dibadbaxyada dalkaasi Suudaan ayaa ka billowday magaalada Cadhbara ee ku taal bariga dalkaasi, halkaa oo dad dibadbaxyo dhigaya ay gubeen xafiisyada xisbiga madaxweyne Al-Bashiir ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in meelaha qaar la arkayay ciidamada milatariga oo u muuqda in ay la safteen dadka shacabka ah ee dibadbaxyada dhigayay. Feysal Xasan Ibraahim oo ah la taliyaha madaxweynaha aya sheegay in laba ka mid ah dadkii lagu dilay Al-Qadhaarif ay ahaayeen ciidamo ka tirsan milatariga oo xirnaa dharka dadka rayidka ahi. Waxa uu sheegay in dibadabxyadaasi ay hagayeen kooxo abaabulan balse ma uusan caddeyn cidda ay yihiin. Dibadbaxyada ayaa ku baahay magaalooyinka Khartuum iyo Omdurmaan iyo sidoo kale magaalooyin kale. Maalintii Sabtida ahayd ayaa wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goobjoogeyaal ahi waxa ay sheegtay in boolisku ay qeyb ka mid ah magaalada Khartuum ku garaaceen dad ku baaqayay in madaxweyne Al-Bashiir uu dhaco. Deegaanka El Rahad ee ku yaal koonfur-galbeed Khartuum, xafiiska xisbiga haya talada dalkaasi ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani iyo xafiisyada kale ee maamulka ayaa dab la qabadsiiyay, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya oo ku dhawaaqaya “ma ogolin gaajadu” sunta dadka ka ilmeysiiso ku kala eryay ciidamada booliska, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ahi. Maxaa keenay dhibaatada dhaqaale ee Suudaan? Mareykanka ayaa sanadkii 1990-kii waxa uu madaxweyne Al-Bashiir ku eedeeyay in uu maal-galiyo argagixisada, waxaana markiiba dalakasi Suudaan lagu soo rogay xayiraad ganacsi. Sanadkii 2011-kii, Suudaanta Koonfureed ayaa ka go’day Suudaan inteeda kale, waxaana arrintaasi ka dhashay in saddex meelood meel khayraadka dalkaasi uu qaniga ku ahaa uu maro dhinaca Suudaanta Koonfureed. Dhanka kale, colaadda ka taagan gobolka galbeedka ku yaal ee Daarfuur ayaa 2,000,000 oo qof ku khasabtay in ay ka qaxaan guryahooda, waxaana sidoo kale ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof. Cunaqabatayntii uu Mareykanka saaray Suudaan ayaa la qaaday sanadkii 2017-dii, laakiin wax weyn oo horumar ah lagama gaarin dhaqaalaha dalkaasi. Source
  3. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa xafiiskiisa uga yeeray warfidiyeenada Puntland ka howlgalla ee ku sugan magaalada Garowe, sida lagu sheegay qoraal kasoo [...] Source
  4. (SLT-Burundi)-Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika ee ku aadan in la dhimo Ciidammada ka jooga Soomaaliya bisha February ee sanadka 2019. Afhayeenka Ciidamada Burundi Col. Floribert Biyereke ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in 1,000 oo ka mid ah Ciidamadooda ka saaraan Soomaaliya sanadka 2019. Waxaa uu sheegay in wada xaajood ka geli doonaan sidii si isku mid ah dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM looga saari lahaa ciidamada ka jooga Soomaaliya, halkii Midowga Afrika si gaar ah u beegsan laheyd Ciidanka Burundi. Qeyla-dhaanta ka soo yeeray dowladda Burundi ayaa ka dambeysay, markii Midowga Afrika uu ku dhawaaqay in la dhimayo illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dib loogu celinayo dalkooda. Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidanka ka jooga Soomaaliya ay gaarayaan illaa 5,400 askari. Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy Boqorka Dowladda Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi. Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah. Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Macalinta la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, kaasi oo kamid ahaa macalimiinta Jaamacadda DAHA ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday kooxaha dilka geystay. Wararka ayaa sheegaya in macalinta lagu dilay agagaarka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana lagu hor dilay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Haanta dheer. Wararka qaar ayaa sheegaya in Macalinta uu la shaqeynayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday. Lasoco waxii kasoo kordhaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano Hoostago Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Daacish uu ka dhacayay deegaanka ilaa xalay. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 dagaal yahan ay iska dileen labada dhinac oo dagaal saacado qaatay uu ku dhexmaray deegaano hoostaga Ceelcadde. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada dhinac ay iclaamiyeen midba midka kale inuu dagaal ku qaadayo, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac. Dhinaca kale waxyeelada dagaalka ayaa gaartay dadka shacabka ah, kadib markii labo ruux oo dhalinyaro ah meydkooda laga helay deegaanka Lahelow ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dagaalamay. Magacyada wiilasha meydadkooda la helay waxaa lagu sheegay Cabdullahi Yuusuf Cismaan iyo Ibraahim Cabdi Diiriye waxaana marka la dilayay ay wateen mooto. Xaalada goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamayay ayaa wali kacsan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay ka baxsadaan goobaha lagu dagaalamayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Waxaa ku geeriyooday da’da 87 da Amiir Dhalaal Bin Cabdi Casis Aala-Sacuud, waa wiilkii 18aad ee aasaasaha Sacuudiga Boqor Cabdi Casis Aala-Sacuud. 1931-dii ayuu ku dhashay Dhaa’if, 1952 waxaa loo magacaabay wasiirka isgaarsiinta kadib waxaa uu qabtay wasiirka maaliyadda isaga oo sidoo kale noqday safiirka Sacuudiga ee Faransiiska. Haddaba, Amiir Dhalaal, Muxuu Sameeyey?! 1958-dii, isaga iyo 4 kale oo walaalihiisa ah waxaa ay aasaaseen dhaq-dhaqaaq ay ku dalbanayaan in boqortooyada loo sameeyo baarlamaanka iyo dastuur, iyaga oo codsaday in reer boqor ay xukunka ka fogaadaan, kadib waxaa lagala laabtay Baasaboorkii, iyada oo lala wareegay hantidiisa, waxaana loo masaafuriyey Masar. 2001-dii waxaa uu ka baxay hey’adda Beycada kadib markii Amiir Naa’if oo ah amiirka 23aad laga dhigay dhaxal-sugaha, isaga oo xukunka loogu diiday go’aanno uu horay u gaaray iyo sida uu u rabo dimoqoraadiyadda. Boqorka hadda ee Salmaan waa wiilka 25aad ee boqor Cabdi Casis, Dhalaal 18aad ah waa loo diiday inuu xukunka qabto, waxaana la xiray labo wiil uu dhalay, oo lacag xoog looga qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Riyaadh ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi. Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad, Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray. Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka. The post XFS Oo sheegtay in 2019-ka la kordhinayo Xujeyda Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Bujumbura ( Sh. M. Network )-Dowladda Burundi ayaa ka hortimid dalabkii Ururka Midowga Africa ee ku aadanaa in ay 1000 Askari oo ka tirsan Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, horaanta sanadka cusub ee 2019. Afhayeenka Milatariga Burundi Col l Floribert Biyereke ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay dowladda ugu baaqayaan in Ciidamada qoonda ahaan ku aada marka ay timaado qorshaha howlgalka Midowga Africa in ay xaq u leeyihiin qeybta ku soo aada ay Ciidamadooda ka soo saaraan Soomaaliya, halkii Ciidamada Burundi kaliya si gaar ah loo bartilmaamedsan lahaa. Khilaaf xoogan ayaa ka dhex taagan dowladda Burundi iyo sidoo kale Midawga Africa, kaas oo ka dhashay, kadib markii gudgoomiyaha Ururkaasi Muuse Maxamed lagu eedeEyay in uu taageero mucaaradka dalkaasi Burundi. War kasoo baxay Midowga Africa dhawaantani ayaa looga dalbay Burundi in ay 1000 Askari oo ka mid ah Ciidamadeda Soomaaliya ay la baxdo, ugu dambeyn 28 bisha Feberaayo ee sanadka 2019 –ka. taas oo ay haatan ay ka biyo diiday. Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamad ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas 5400 oo Askari, halka Uganda ay ka joogaan 6000 oo Askari. The post Burundi Oo ka hortimid in Soomaaliya ay kala baxdo Ciidamadeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimda Online)-Dowladda Burundi ayaa si cad u sheegtay in ciidamadeeda aysan kala baxeynin gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay dowladda Burundi ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee kusugan Soomaaliya ay ka baxayaan dalka marka dhamaan dalalka ciidamada ay ka joogaan Somalia ay bilaabaan in ciidamadooda ay ka saaraan Somalia. Go’aanka askarta Burundi looga saarayo Soomaaliya waxaa soo jeediyay Midowga Africa, waxaana afhayeen u hadlay dowladda Burundi uu sheegay in go’aankaasi kaliya uu saameynayo ciidamadooda Jooga Somalia. Afhayeenka ciidamada Milatariga Dalka Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke, ayaa sheegay in Burundi aysan 1,000 ka mid ah Askarteeda ka saareyn Soomaaliya Waxaana uu sheegay in Burundi kaligeed ay hal mar Kun askari ka saarto Soomaaliya aysan soconeyn. Midowga Afrika sarkaal ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa yiri “Ciidanka Burundi waa kuwa mushaar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushaar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Ninkan oo horay loo xukumay ayaa waxa ay Maxkamaddu sheegtay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa in Gawaarida Qaraxyada uu dhigo melaha bartilmaamedkooda ah. Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay in C/qaadir Abuukar Shaacir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay Gaari siday qaraxyo oo la dhigay agagaarka xarunta Wasaaradda amniga gudaha ee magaalada Muqdisho Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ninkani Bishii May ee sanadkani ay ka soo qabteen degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Inta baan Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku rida xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee ay soo qabtay Ciidamada amniga Soomaaliya. The post Maxkamadda CQS Oo saaka fulisay xukun dil Toogasho ah appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan. Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen,waxayna Xubnaha guddiga si wadajir ah u qireen in howlo badan ay guddiga u yaallaan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto. “Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinaayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Balcad ( Sh. M. Network )-Illaa saddex ruux ayaa ku Geeriyootay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal Beeleed shalay gelinkii dambe ka qarxay deegaanka Buku Rarka Dhiiqaaley oo u dhexeeya deegaanada Gololey iyo Cadayga oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalkan oo xalay soo gaaray ayaa dadka dhintay waxaa ku jira Wiil yar, wuxuuna ka dhashay muran la xariira arrimo ku saabsan deegaameysi iyo aanooyin horay u soo jiray. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa saaka ku baxay colaadaasi, si ay u kala dhexgalaan Maleeshiyaadkaasi, waxaana weli muuqata in halkaasi ay ka jirto xiisad xoogan. Deegaanada lagu dirirayo oo ah dhul Beereed baaxad leh ayaa in muddo ah waxaa ka jiray khilaaf u dhexeeyay Beelahaasi walaalaha ah ee wada daga halkaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-241218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Ibrahim M Mead Hargeisa Somaliland December 23, 2018 How Ethiopian Hegemony affect on weaker, divided Somalis. The great sucking sound coming from the South, from thie ambitious Prime Minister of Ethiopia is a cause for concern. It may be win, win proposition for all or it may be not ! The author is not sounding an alarm of “be aware” but the Somalis must understand what is going on around them before they did what Faramajo of Mogadishu did. If the Somalis do not understand right what is happening around them they will live the consequences of their missteps or mistakes forever. What is happening in the Horn is consequential thus understanding what it entails is warranted in my opinion. What is hegemony? “Hegemony is when stronger state imposes dominance on weaker state or states in which the hegemon (leader state) rules geopolitically” (From Wikipedia, the free encyclopedia) the leader state applies its interest to the subordinate states by the implied means of power, the threat of force, rather than by direct military force, and that is what is happening in the horn of Africa whereby Ethiopia is the hegemon-the leader state, and the Somalis in the Somali peninsula are the subordinate states. “Socially powerful people use their influence to convince less powerful people it is in their best interest to do what is actually in the most powerful people’s best interest”. This scheme, hegemony hastening by the new prime Minister of Ethiopia with his new found Eritrea President is applied to Somalia and Somaliland in two different ways. In the case of Somalia it is applied from top down whereby in Somaliland it is happening in a discreet, steady fashion which is “bottom-up, people to people relationship” How hegemony works Hegemon exercises leadership, either through diplomacy, coercion, or persuasion, it is actually deploying its “preponderance of power.” This is called hegemony which refers to a state’s ability to “single-handedly dominate the rules and arrangements [of] international political and economic relations. (See the activities and a new found relationships between the Gulf states and Ethiopia) We saw all these were happening in Somalia. This happened by means of “top-down relationship” Subordinate states either give “unwilling consent” or “voluntary consent” to the social logic imposed on specific issues by the strong states. Accordingly, social forces that commence within the powerful states soon spillover into weak states, and the policy implications or adaptive mechanisms that accompany them imposed upon or integrated into the political economy of these weak states. The socio-political developments produced by the dynamics of the economic system in turn generate institutions and policy changes that determine world orders (Colclough, & Manor, 1991; United Nations Research Institute for Social Development (UNRISD), 1995; Toulmin, 1992). In the relationship of the hegemon and the subordinate state or states the Subordinate states either give “unwilling consent” or “voluntary consent” to the wishes of the hegemon. That is precisely what the Ethiopian prime Minister dictated to the (weak) President of Somalia recently and the later willingly or otherwise accepted all the laundry list given to him!! Accordingly social forces that initiated by the hegmon, the powerful state, will soon spillover into the weaker Somali states. The integration of the peoples of the region proposed and initiated by the hegemon state, Prime Minister of Ethiopia proposed to Farajo, of Mogadishu, Somalia, where by Faramago of Mogadishu of Somalia abided! That is voluntary consent. The policy implications or mechanisms adapted upon or integrated into the political economy of the (Somalis) weaker states will manifest itself in the vision of greater Abyssinia dream the present prime Minister of Ethiopia is foreseeing and acting upon in haste! However peace, justice and prosperity for all Ibrahim M Mead Meadgd@gmail.com Qaran News
  18. Oraah Caan baxday ayaa ahayd “Aduunku Maa Maadeys, Dadkuna Waa matalayaan! – Dalka waxa uu ka soo baxay laba toddobaad oo xasarado iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu ku jiray kaddib markii ay tiro xildhibaanno ah MOOSHIN ka soo gudbiyeen Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wuu buray mooshinkii, hase ahaatee, laba jeer oo ay saxaafadda la hadleen Xildhibaanadii Mooshinka keenay waxa ay ku sheegeen laba arrimood oo aan is qabaneyn. Markii ay mooshinka keeneen waxay yiraahdeen “Madaxweynaha waxaan Mooshinka uga keennay Qayaanno Qaran oo uu galay”, markii mooshinka ay ka laabteenna “Danta dalka ayaan u tannaasulnay” Waa wax wanaagsan in la’isu tanaasulo, waa dhabbe wacan oo ay fureen mudaneyaasha baarlamaanka ee mooshinka waday maadama aan Soomaaliya arrin ceynkaas oo kale ah looga baran. Hase ahaatee, waxaa su’aal mudan oo ay tahay in ay ka jawaabaan – Madaxweyne Qayaano Qaran galay maloo tanaasulaa? Goormaad saxan tihiin, ma markii hore ee aad soo eedeyseen Madaxweynaha mise maanta oo aad ka tanaasusheen in aad ku ciqaabtaan Madaxweynaha Qayaanada Qaran? Waxaa cajiib ah, in labada jeer ee ay xubnihii koobnaa ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ee ay fariisteen ku soo saareen isla bayaan iska hor-imaanaya! Soomaali jawaab ayey idinka rabtaa! 9-kii bishan ayey tiro xildhibaanno ah mooshin ay ku sheegeen in ay saxiixeen 91 Xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen QIYAANOOYIN QARAN. Waxaa dhacay dibad baxyo ballaaran oo ay shacabka arrintaas uga gadoodeen, sidoo kale culumaa u diin, ganacsato, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah ayaa ka dhiidhiyey oo ka digay cawaaqibxumada ka dhalan karta mooshinkaas. Labada toddobaad ku dhawaad oo uu dalka fowdo siyaasadeed galay, isla xildhibaanadii mooshinka keenay ayaa sheegay in ay ka laabteen arrinkaas oo ay u tanaasuleen danta dalka!. Waxa kaliya ee ii muuqda ayaa ah in xildhibaanada markii horeba aysan daacad ahayn, oo ay madaxweynaha ku haysteen wax aan jirin oo ay soo dhoodhoobeen, haddii sidaas aysan ahaynna, qiyaanada qaran ayay qeyb ka yihiin. Xildhibaanada waxay muujiyeen wejigooda dhabta oo ah fowdo iyo dhibaateyna dalka. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Jowhar (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo bilowday gelinkii dambe ee shalay ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalada ay socdeen saacado badan. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka Qalimow ee duleedka dhanka Koofureed ee magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada xooga dalka iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka. Xaaladda dagaalka ayaa sii korortay kadib markii Maleeshiyaad kale oo fariisin ku lahaa duleedka deegaanka Qalimow ay ka shakiyeen rasaasta ayna u qaateen inay yihiin maleeshiyaad kale oo uu dagaal kala dhaxeeyay iyaga oo ku biiray dagaalka oo seddex geesood noqday. Inka badan shan ruux ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Qalimow, waxaana saraakiisha ciidamada xooga oo ku sii jeeday magaalada Jowhar la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag maleeshiyaadka kamid ahaa, kuwaasi oo loo kaxeeyay magaalada Jowhar. Shakiga ugu badan ayaa ka jira wadadaasi, waxaana meel ku dhow degmada Balcad ku sugan ciidamada Al Shabaab oo inta badan wadada u gala ciidamada dowladda iyo madaxda Hirshabeelle ee mareysa wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar. Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas ka dhacay duleedka tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  20. Xildhibaanno mar kale eedeyn kulul u jeediyay Farmaajo Xlidhibaannadii dhawaan soo gudbiyay soo jeedintii ka dhanka ah aheyd madaxweynaha dowladda Soomaaliya, laakiin sheegay in ay ka tanaasuleen soo jeedintoodii xil ka qaadista, ,ayaa mar kale eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen Odawaa oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in tan iyo markii la doortay uu mashquul ku ahaa sida uu hadalka u dhigay carqaladeynta maamul gobolleedyada dalka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiin Soomaaliyeed. ‘’Madaxweynaha hadda tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda uu hoggaamiyo oo ku dhaw dhaw Labo Sano waxaa uu mashquul ku ahaa weerarrada maamul gobolleedyada isaga oo ku bilaabay Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuu ku xejiyay Xaaf, ugu danbeyntiina Shariif Xassan Sheekh Aadan’’ ayuu yidhi xildhibaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanno dhowr ah oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho’’ Eedeymaha sidoo kale xildhibaannada ay u jeediyeen madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa weerarro lagu qaaday siyaasiyiinta, sida C/raxmaan C/shakuur, weerarkii Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana u gacan galiyay dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda hadda jirtay ay soo kordhisay wax loogu yeedho sida uu hadalka u dhiggay {Gar iyo Gardaro} oo xilka looga tuuray ayuu yidhi guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari. Waxaa kaloo eedeymaha ku jirtay kala diridii Guddiga Maaliyadda oo ay xuseen xildhibaannadu in aysan dhicin mid la mid ah illaa sanadkii 2000 oo la soo dhisay dowladdii Carte in la kala diro Guddi Baarlamaani ah, oo soo bandhigay warbixin musuq maasuq iyo lacago maqan, meeshii la filayay inay jawaab ka bixiyaan ay sababtay in ay kala diraan Guddiga Maaliyadda, lana soo saaro warqado sharci darro ah. ‘’Madaxweynuhu waxaa uu magaalada Baydhabo isaga oo adeegsanaya ciidamo shisheeye uu ka soo afduubay Mukhtaar Rooboow Abuu-Masuur oo aan ognahay in uu isaga laftiisa siiyay Basaboor Diblomasi ah, una diray magaalada Baydhabo ‘’ laakiin markii uu ka waayay danihiisa si qasab ah u soo xidhay’’ ayuu yidhi Cabdiraxmaan Odawaa. Ugu danbeyntii xildhibaannada ayaa shirkooda Jaraa’id waxaa ay ku sheegeen in sababta ay mooshinka uga laabteen tahay in ay u tureen danta dalka iyo dadka, madaama uu garan waayay ayeey sheegeen madaxweynuhu in uu dalka badbaadiyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in xildhibaannadii keenay soo jeedintii xil ka qaadista madaxweynaha ka tanaasuleen mooshinkii ay soo gudbiyeen, isaga oo uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka toogatay ruux la sheegay inuu ahaa kuwa gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin dhiga goobaha ay shacabka ku badan yihiin. Ruuxaasi ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Abuukar Shaacir, waxaa la sheegay inuu Al Shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa in gawaarida qaraxyada ku xiran yihiin uu dhigo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin. Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, Sida saraakiisha ciidamada qalabka sida ay sheegeen. Sidoo kale C/qaadir Shaacir waxaa la sheegay inuu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii lasoo dhaafay. Toogashada ayaa waxay ka dhacday Fagaaraha Dugsiga Sare Booliska, waxaana dilkaan uu nonayaa midkii ugu horeeyay oo ruux ka tirsan Al Shabaab una qaabilsan dhigida gaadiidka la toogto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Sunaami ku dhufatay goob bandhig-faneed ka socday dalka Indonesia iyo fannaankii oo isla madashii ku geeriyooday Ka daawo Halkan warkaas oo Muqaala:- Qaran News
  23. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia waxay Saakay oo Isniin ah ay Toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa . Cabdiqaadir ayaa Alshabaab u qaabilsanaa inuu Gawaaridda Qaraxyadda ah dhigo Goobaha ay Al-Shabaab ay weerarayaan. Ciidamada amaanka ayaa ninkaan waxaa ay qabteen Bishii May ee Sannadkan waxaana ay ka qabteen Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah. Maxkmada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan uu ahaa shaqsigii dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al Shabaab ay ku weerareen xarunta wasaarada Amniga ee Muqdisho. Faah faahin dhameeytiran dib kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo saakay dil ku fulisay nin katirsanaa Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Waqti aad u yar ayaa ka harsan doorashada Madaxtooyada mamaulka Puntland, xilkaas oo ay iu tartamayaan ku dhawaad 30 musharax. Shaki kama taagna in doorashada Puntland ee sanadka soo socda tahay tii ugu xiisaha badneyd ee abid ka dhacda Maamulkaas iyo guud ahaan maamul goboleedyada Soomaaliya, marka la eego loolanka wajiyada badan ee ka jira una dhexeeya Nabad iyo Nolo, kooxaha ka soo horjeeda, Imaaraadka iyo Qadar oo kala taabacsan. Waxaa aad loogu jahwareersan yahay musharaxa ay Nabad iyo Nolol la dooneyso xilkaas balse waxaa jira siyaasiyiin dhawr ah oo la tuhmayo sida; Faarax Cali Shire, Jabiye, Asad Diyaano, Saadaq Eenow iyo ENG Camey oo aan wali shaacin musharaxnimadiisa. Dhinaca kale waxaa jiray shaki laga qabay in kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay iyaguna gaaal ka riixayaan musharax si uu lafdhuun gashay ugu noqdo Nabad iyo Nolol marka uu soo boxo. Markii hore waxaa la amainsanaa in mucaaradka uusan jirin mid gaar ah oo ay wataan balse ay dagaal kula gali doonaan dowladda haddii ay sida Koonfur Galbeed shaaciso dhookheeda, hase ahaatee, waxaa hadda Caasimada Online ay u xaqiijiyeen mas’uulin ka kala tirsan xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo kooxda ol’olaha Siciid Cabdullahi Deni in uu musharaxaas yahay ninka ay awoodooda isugu geeyeen in uu soo boxo. Deni markii hore waxaa la aamisanaa in uu dowladda dhineceeda yahay balse waxaa la xaqiijiyey in uu gacan saar la leeyahay Imaaraadka oo uu dagan yahay. Xiriika ka dhexeeya Deni, Roobow iyo Axmed Madoobe Sida xafiiska Caasimadda Online ee magaalada Garowe ay xogta ku heleyso waxaa jira sil salad isku xireysay Roobow oo ahaa musharaxii ugu cad caddaa Koonfur Galbeed kahor inta aysan dowladda soo xirin oo uusan doorashada ku guulaysan Lafta-gareen, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe – hoggaamiyaha Jubbland oo ah in saddexda maamulba lagula dagaalamo Nabad iyo Nolol oo hiiliyo Mucaaradka gaar ahaan xisbiga Xassan Shiekh. Ilo wareedka u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu u sheegay madaxda xisbiga Midowga nabadda iyo Horumarka haddii ay ku guuleystaan doorashada Puntland uu u keeni doono Roobow oo ay saaxiibo yihiin, waa haddii uu ku soo baxo doorashada Koonfur Galbeed, inkastoo markii dambe la xiray Roobow.! Lama saadaalin karo wax aka soo bixi doona doorashada Puntland maadama Gaas wali ka mid yahay musharixiinta, Cumar Cabdirashiid isa soo sharixi karo iyo Camey oo dhaqaale xoog leh ka helaya Nabad iyo Nolol. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wada kulamo lagu xalinayo qiaafka Baarlamaanka. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddiyaa Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiya ayaa isku dayaya in uu xaliyo qilaafkii ka dhashay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa wali ku dhagan go aankiisa diidmada ahaa ee kala dirista guddiga maaliyada. Dhowaan ayaa xal laga gaaray qilaafkii u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka oo ku aadanaa mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku howlan xalinta qilaafka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.