-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay ka tagaan magaalada Muqdisho halkaasi ay gaareen. Ujeedada Saraakiishaan u tageen degmada Caabudwaaq ayaa lagu sheegay inay tahay baaritaan waxyaabo looga shakiyay inay qaraxyo yihiin oo magaalada lagu arkay iyo kuwo gaadiid ku xirnaa. Qaraxyada Gaadiidka ayaa dhawaan lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo kadibna la doonay saraakiil ku taqasustay qaraxyada si aysan waxyeelo kaga dhalan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiishaan ay saacadiii ugu dambeeyay wadeen baaritaanka waxyaabaha looga shakiyay qaraxyada, waxaana la filayaa in maanta ay shaaciyaan natiijada baaritaanka ay sameeyeen. Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inay saraakiishaan u baahdeen maadaama aysan jirin dad khibrad badan u leh waxyaabaha qarxa oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa laga yaabaa in lagu arki karo haraadigaha waxyaabihii lagu dagaalamay iyo qaraxyo waddooyinka lagu aasay xiliyadii dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Arabiya ayaa bogiisa ku qoray warbixin lagu sheegay in dowladda Qatar ay taageereyso Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Roobow uu yahay qeyb ka mid ah qorshaha ay Qatar ku ballaarineyso saameynteeda siyaasadda Soomaaliya. Qatar ayaa la sheegay in markii hore ay qeyb ka ahayd in Roobow kasoo baxo Al-Shabaab, islamarkaana noqdo siyaasi caadi ah, oo dadkiisa dhinaca ka raaca, sida warbixinta ay leedahay. “Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobow uu xiiriir la leeyahay Qatar, ayada oo warbaahinta Qatar [Al-Jazeera] ay gacan ka siiyeen isku day uu sumcadiisa dib ugu dhisayo kadib muddo uu Al-Shabaab ahaa” Warbixinta Al-Arabiya ayaa u muuqata mid dowladda Qatar ku eedeyneysaa inay hogaamiye argagixiso u gacan gelineyso awoodda mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya. Al-Arabiya waxaa leh dowladda Sacuudiga, oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Qatar. Ujeedada horey ee loo aas-aasay Al-Arabiya waxay ahayd in lagula loolamo taleefishinka Al-Jazeera oo Qatar ay leedahay. Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa horey ugu eedeeyey Qatar inay taageerto kooxaha ay reer galbeedka argagixisada ugu yeeraan, sida kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, iyo kooxda Xamas ee Falastiin. Warbixintan Al-Arabiya ay Roobow kula xiriirisay Qatar ayaa waxaa suurtagal inay qeyb ka tahay ololaha dowladda dalkaas loogu eedeynayo inay gacan siiso kooxaha argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
-
Xildhibaanada dhalinyarada ee ku jira Golaha Shacabka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada kul nool Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid casho ah ayaa xildhibaabada iyo dhalinyarada waxa ay ka wada hadleen doorka dhalinyarada ee xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Xilldhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay dhalinyarada, sidoo kale waxay iska xog wareysteen sida loogu faa’iideysan karo fursadaha u banaan dhalinyarada Soonaaliyeed. “In xildhibaanada dhalinyarada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo hor fariistaan dhalinyarada ay metelaan waa farxad iyo guul lagu faano, waana soo dhaweyneynaa”. ayay tiri Muna Axlaa oo ka mid ahayd dhalinyaradii kulanka ka qeyb gashay. Xildhibaanada dhalinyarada ee Golaha Shacabka ayaa balan qaaday iney ka warheynaya xaalada dhalinyarada Soomaaliyeed, kana shaqeynayaan sidii dhalinyarada loo siin lahaa fursado hogaamin iyo kuwa shaqo abuur. PUNTLAND POST The post Xubnaha Golaha shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxtooyada Oo Amar Ku Siisay Weriyaasha dawladda Inay Curiyaan Wax-Qabad Gacan Ku Rimis Ah Sanadkan Sii Galbanaya Muddo Sanad Ah Ayay Haatan Madaxa La Gashay Waqtigii Uu Hoggaanka Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sicir Bararkii Iyo Taagdaradii Dhaqaale Ee Bulshada Danyarta Ah Codkooda Ku Qaatay Inuu Wax Ka Qabanayo, Ayaa Weli Halkii Taagan Kana Sii Daray, Kadib Kolkii Ay Xal Lagu Maareeyo U Weyday Xukuumaddu. Shacbiga Oo Naawilayay Inay Xukuumadda Cusubi La Timaado Tab Iyo Xeelad Cilmiyaysan Oo Ay Halkii Wax Taagnaayeen Kaga Sii Amba Qaado,Ayaan Ilaa Maanta Haba Yaraatee Ka haynin Hagardaamo Mooyee Waxqabad La Taaban Karo Oo Ay Ku Talaabsatay Mudadaasi Sannadka Ah. Balanqaadkiisii Ahaa Inuu Muuse Biixi Soo Dhisi Doono Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh Ayaa Ku Danbaysay “Xeradayadu Waa Wada Ul Oo Ul La Qaato Ma Leh”. Shacbiga Ayaa Weli Waxay Ku Dawakhsan Yihiin Goobaha La Isugu Yimaadana Isku Weydiiyaan, Danta Uu Ka Lahaa Iyo Dookha Uu Ku Xushay Masuuliyiin Aan Midkodna Xataa Waayo Aragnimo Loogu Xisho Iyo,Magac Ku Lahayn Bulshada, Danta Uu Ka Lahaa La Garan Karin,Isla Markaana Ku Jirin Mid Qudha Oo Xataa Beeshooda Runta U Sheegi Kara,Qancin Kara Ama Xiisad Ka Dhex Dhalatay Reerkiisa Xal U Raadin Kara. Goboladii Iyo Shacbigii Shabakadda Ahaa Ee Isku Duubnaa Ayaa U Muuqda Mid Sii Kala Durkaya Xilliba Xilliga Uu Ka Danbeeyo. Dhinacyada Intii Xukuumadda Muuse Joogtay Xaydaabka Ka Baxay Waxa Ugu Xamaasad Badan Shacbiga Gobolka Sool Oo Xiisadoodu Marnaba Aanay Hoos U Degin. Asbaabaha Saamaynta Ku Yeeshay Inay Kasii Fogaadaan Xayndaabka Somaliland-Ta, Ayaa Lagu Tiriyaa Kadib Markii Xukuumada Muuse Albaabada Ka Xidhatay Tabashooyinkii Jiray Iyo Wada Hadaladii Khaatumo State Iyo Somaliland U Dhexeeyay Ee Cali Khaliif Galaydh Odayga Ka Ahaa Oo Uu Meel Fiican Soo Gaadhsiiyay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo. Sababta Kale Ee Taasi Hore Soo Raacda Ayaa Ahayd, Kadib Markii Shacbiga Gobolkaas Ay Si Weyn Saamayn Ugu Yeelatay Khudbad Si Aan Ka Fiirsasho Lahayn Madaxweynuhu Weedho Takoor Iyo Qabyaalad Xambaarsan Kaga Jeediyay Xafladii Xuska 18ka May,Isir Ahaana Uu Ugu Duray. Xanaftii Ka Dhalatay Loolankii Axsaabta Oo Shacbiga Aad U Kala Fogaysay Ayaa Xiisadeedii Iyana Weli Taagan Tahay,Wax Laga Qabtayna Aany Ilaa Haatan Jirin. Is Ka Dhaaf Wax Kaleba Waxaan Maanta Cidnaba Caad Ka Saarayn Sida Xisbigii Kursiga Saaray Muuse Biixi Uu Degel Degel Ugu Fadhiyo Ee Toban Degel Ugu Kala Fadhiyo,Kadib Markii Tiirarkii Xisbigu Ku Jaah Wareereen Dhinaca Uu Wax Ku Wado Hoggaankii Ay Halganka U Galeen Kursi Saaristiisa, Shacbigana Ugu Sheegeen Habeen Dhaladka. Dhinicii Siyaasada Arimaha Dibadda Iyo Dublumaasiyada,Ayaa Qof Kastaaba Maanka Ku Hayaa Sida Ay Inoogu Soo Oodantay Mudadaa Sannadka Ah . Arimaha Gudaha Dalka Ayaa Dhibaatooyin Badan Oo Maarayntoodu Adag Tahay Iyo Colaado Baahsani Ka Taagan Yihiin Weli, colaadii u danbaysay ee DHUMAY,waxa uu si qayaxan wasiirka arimaha guduhu warbaahinta ugu sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka qaban karin hadii ay dhex galaana colaadu intaasi kasii badanayso taasi oo ay ka dhalatay inay hadh cad kaalintii ay gabtay ka dul qaado dawlada ethiopia oo talo bixin iyo taageero daaha dabadiisa ah ka helaysa beesha caalamka una soo gurmatay beelihii dirirtu ku dhex martay gobolka sool. Iyadoo Shaqo La’aan Baahsan Oo Naafaysay Shacbiga Ay Ka Jirto Dalka, Ayaa Kaaga Sii Darane Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Mudadii Ay Xilka Haysay In Ka Badan 300 Oo Ka Mid Ah Hawlwadeenadii Hay’adaha Dawladda Waxay Banaanka Ka Dhigtay Shaqooyinkii Ay Ka Hayeen Hay’adahaasi,Taasina Waxay Sii Biirisay Nacaybkii, Qaybo Kamid Ah Shacbigu U Qabeen Xukuumadda Fudaydka Aqoon Darrada Iyo Eexda Uu Ku Anqariyay Gadhwadeenku. Waxa Hadaba Wax Lala Yaabo Ah In Xukuumadda Xaalkeedu Sidaa Yahay Iyo Boqol Waxyeello Oo Aan Lagu Koobi Karin Halkan,Ay Hadana 7aadkii U Danbeeyay Abaabul Ugu Jirtay Sidii Loo Curin Lahaa Barnaamijyo Gacan Ku Rimis Ah Oo Ay Ku Sheegayso Wax-Qabadyadii Sannadka Damacdayna In Looga Sii Daayo Bulshada Televisionada. Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Wasaarada Warfaafinta Waxa Agaasinka Hawshaasi Iyo Hanti Lacageed Oo Dhan Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Ah Kharashkii Programada Ay Madaxtooyada Somaliland U Xil Saartay Weriyihii Bbc-Da U Joogay Burco Ee Xasan Xagar,agaasimaha tvga dawlada jaambiir iyo xubno kale Oo Hawlahaasi Ku Guda Jira. Qaar ka mid ah weriyaasha oo ka cudur daartay magacooda ayaa ku cabanaya inay dawakh qaadeen amarka la dul dhigay,xilli aanay u muuqan wax ay dadka u sheegaan oo ay qabatay xukuumaddu. safarkiisa waqtigan uu ugu socdaalay gobolada ayaa dadka wax garadka ahi ku tilmaamayaan showgii ka dhinaa waxqabadkiisa gacan ku rimiska ah, kuna buuxsanyo in kastoo cabsi badani ku gadaaman tahay. Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaynu Ka Dhur Sugnaaba Waa Bal Waxa Ay La Gole Timaado Xukuumadda Muuse Ee Ay ku Bixinayso Hantidii Ummadda iyo Cashuurtii Hooyada Danyarta Ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa u safri doona magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland maanta. Safarka Xassan Shikeh ee Kismaayo waxa uu horudhac u noqon doonaa kuwo kale oo uu ku tegi doono maamulada sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Sida uu hore u shaaciyey markii uu 18 bilood kaddib dalka ku soo noqday Xassan Shiekh waxa uu ku sheegay in safaradiisa ay yihiin xog raadis iyo u kuurgalid xaaladda siyaasadeed ee dalka. Hadaba, maxay tahay ujeedka dhabta ah ee safarka Xassan Shikeh? Xassan Shikeh waxa uu doonayaa in uu maamulada soo ogaado xaaladooda siyaasadeed iyo itaalkooda. Waxaa xaqiiiqo ah in safarkiisa ku soo aaday xilli uusan wax badan qaban karin oo ay dowladda u muuqato mid ka taqalustay hoggaamiyeyaashii gaamuray ee maamulada, yeelkeede, kama maqna ujeedka safarkiisa la talinta madaxda hadda hartay ee mamaulada si ay isaga caabiyaan farogalinta dowladda dhexe. Xassan Shikeh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso mamaulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed. Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda. Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Djibouti iyo Ereteriya ayaa kala taagan laba jiho oo aad u kala durugsan. Djibouti waxay doonaysaa heshiis iyo isfaham hor dhex mara Ereteriya, laakiin Asmara ayaa u muuqata inaanay u jeedin. Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Ereteriya ka qaaday cunaqabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd muddo toban sannadood ku siman. Dawladda Djibouti ayaa ka mid ahayd xoogagii ku guulaystay inay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ku qanciyaan sannadkii 2009 in Ereteriya la saaro cuno qabatayn, laakiin Djibouti ayaan wakhtigan ka mid ahayn dedaalada Ereteriya lagaga qaaday cuno-qabataynta hubka ee saarnayd. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa farriimo kala duwan oo uu 72-kii saacadood ee ka dambeeyay xayiraad ka qaadista Ereteriya, wuxuu twitterkiisa ku qoray farriimo kala duwan oo uu ku sheegayo in Djibouti diyaar u tahay inay wanaajiso xidhiidhka Ereteriya islamarkaana soo celiso xidhiidhadii kala duwanaa ee labada wadan ka dhaxayn jiray. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf , wuxuu farriimihiisa mid ka mid ah ku yidhi “Wakiilka Djibouti ee Qaramada Midoobay, warkiisa uu ka yidhi golaha ammaanka kagamuu soo horjeedsan in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta.” Ayuu yidhi, si buu yidhi ay labada wadan dib ugu bilaabaan wada hadal wax dhisaya. Mar labaad Wuxuu Wasiir Yuusuf sheegay in dawladda Djibouti ay dhinaceeda ka shaqayn doonto wax kasta oo lagu soo celinayo xidhiidhka labada dal laguna xalinayo faraqa u dhexeeya Ereteriya iyo dalkiisa, waxaanu xusay in Djibouti diyaar u tahay inuu guulaysto kulankii ay labada Madaxweyne ee Ereteriya iyo Djibouti ku yeesheen dalka Sucuudiga bishii September ee sannadkan. Laakiin Ereteriya ayaan marna soo hadal qaadin Djibouti, waxaanay meesha ka saartay inay xataa kelmad ka tidhaahdo hadalada dabacsan ee ay Djibouti ku doonayso inay kula saaxiibto Ereteriya. Dadka diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan in Ereteriya laabta ku haysato qorshe ka duwan midka Djibouti ee dabacsan. 72 jirka Ereteriya hoggaamiya Mr. Afawerki, wuxuu maanka ku hayaa in dagaalkii Djibouti dhex maray uu sabab u ahaa xayiraadda la saaray dalkiisa iyo go’doonkii ay Ereteriya ka gashay dunida iyo gobalka Geeska Afrika. Wuxuu u muuqdaa in Mr. Afawerki maanta doonayo inuu ka aarsado Djibouti oo uu geliyo go’doon la mid ah kii la geliyay Ereteriya, isagoo hoosta gashaday dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo waagaas la saftay Djibouti. Si kastaba ha ahaate, culayska saaran Djibouti iyo culayska ka degay Ereteriya wuxuu ka mid yahay dabaylaha isbedel ee ka socda gobalka Geeska Afrika oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa laheyd ciidan badeed xiligii ay dalweyne wada ahaayeen Ethiopia iyo Eritrea, waxii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida, laakiin markii Eritrea ay ka go’day dhul ahaan dalka Ethiopia waxaa meesha ka baxay ciidankii badda Ethiopia. Dhismaha iyo dib u qabalabeynta ciidamada Ethiopia waxaa la sheegayaa inay ku baxeyso dhaqaalo badan, maadaama ay horey u xooganaayeen ayna heysteen qalab iyo tababar wanaagsan. Dadka falanqeeya arimaha ciidanka badda ayaa sheegaya in dhismaha ciidamada badda ee Ethiopia aysan muhiimadda koowaad u aheyn biyaha badda Soomaaliya, balse ay jiraan dalal kale oo ka muhiimsan. Dalka Eritrea ayaa la aamisan yahay in muhiimadda koowaad uu u yahay ciidanka badda Ethiopia, waxaana ahmiyadda labaad u ah dalka Jabuuti , iyadoo Soomaaliya la sheego inay kaalinta seddexaad ugu jirto. Ciidamadaasi ayaa ujeedada laga leeyahay waxaa dadka falanqeeyayaasha ah ku sheegayaan inay tahay inay ilaaliyaan dekado Ethiopia ay dooneyso inay maalgashi ku sameyso kuwaasi oo gobolka ku yaal. Waxaana Dekadaha ugu horeeya loo malaynayaa inay yihiin kuwo ku yaala Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya oo hadda xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay in xubno la shaqeeyay Al-Shabaab oo ku lug lahaa weerar loo qorsheeyey magaalada Nairobi, kadibna ka baxday laamaha amaanka Kenya, inay wali joogaan gudaha dalka Kenya, ayna suuragal tahay inay weerar kale qorsheeyaan. Xubnahan ayaa abaabulay weerarkii ugu cuslaa ee qarax baabuur ah oo loo qorsheeyey magaalada Nairobi bishii Febraayo, balse la fashiliyey. “Dhowr xubnood oo la yaqaano ayaa ka baxsaday xabsiga, waxay kamid ahaayeen kooxda weerarka geysatay- kuwaasi oo ka kooban shan ruux, waxayna wali halis ku yihiin Kenya, maadaama ay ku jiraan gudaha dalka” sidaasi ayaa lagu sheegay warbixinta Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Somalia iyo Eritrea. Kooxda ayaa shirkada bixisa adeega Mobile ee SAFARICOM ku eedeysay inay diiday inay warbixin la wadaagto laamaha amaanka taasi oo ku saabsan xiriirka iyo faahfaahinta kooxaha looga shakiyay Argagixisada. Laakiin SAFARICOM ayaa ah shirkad si weyn ula shaqeysa laamaha amaanka ee dalka Kenya, waxayna u gudbisaa warbixinada iyo codadka xubnaha ku wada hadla arrimaha Al Shabaab. Warbixinta oo ka koobneyd 156 Page ayaa sidoo kale lagu sheegay inay baaritaan ay ku wadaan qaabka dhaqaalaha ay ku helaan Al Shabaab, waana tan kaliya ee wali u sahleysa inay sii dhaqdhaqaaqaan Kormeeraha guud ee Ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet, ayaa iska diiday inuu ka hadlo eedeymaha la xiriira laaluushka ciidanka Booliska ay ka qaataan AL SHabaab, isaga oo sheegay in wali uusan aqrin warbixinta, sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaanan ka hadlin arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida la wada ogsoonyahay Golahaan waxaa lagu aasaasay kulankii madaxda shanta maamul Goboleed isugu yimaadeen magaalada Kismaanyo ee xarunta maamulka Jubbaland. Aasaaska Golahaan ayaa ahaa mid lagu fududaaday oo micno badan aanan ku dhisneyn, mana lahayn hadaf fog oo keeni kara sii jiritaanka Golaha. Wuxuu ahaa gole sii kala fogeynaya wadajirka iyo midnimada Soomaalida. Taasi waxay keentay in soomaalidu soo dhoweyn Golahan. Golahaan oo ku dhisnaa dano gaar ah oo ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada ayaa ujeedkiisa ugu muhiimsan ahaa in maamul goboleedyada ku qalqal geliyaan Dowladda Dhexe sidaas daraadeed wuxuu si toos ah ugu hor imaanaayey Dastuurka ku meelgaarka ee Dalka. Waxkastoo ka soo horjeedo dastuurkuna waa baadil. Madaxda Maamul goboleedyada hadday ka shaqeynayaan danta soomaalida waxay aasaasi lahaayeen gole iskaashi oo ka shaqeeya amniga, siyaasadda loo dhan yahay iyo dhaqaalaha. In aan waxba u qabsooneyn maamuladan waxaa daliil u ah’ “markay isu imaanayaan waxay isku soo maraan hawada waxayna qarash badan ku bixiyaan diyaarado”. Madax maamul goboleed mise hoogaamiye kooxeedyo? Madaxda maamul goboleedyada ayaa astaamo badan la wadaaga hogaamiye kooxeedyadii soo maray dalka dowladdii militeriga ka dib. Waxaana tusaale inooga filan hadaladoodii ahaa: Halkaan anaa ka taliya, dowladda lama shaqeyneyno, dowladda waa inay sidaan rabno yeeshaa, dowladdu waxay ka talisaa mogdisho, inta kale anagaa ka talina iyo waxyaabo kaloo ka dhan ah dowladnimada. Ugu dambeyn Golahaan ayaan sii jiri doonin maadaama laba xubnood oo lafdhabar u ahaa Golaha ay ka baxeen ( Madaxweyne Waare iyo Shariif Xasan oo ahaa gudoomiyaha Golahaan), sidoo kalena waxaa hadda xaalkiisu u dhowyahay in madaxweyne Xaafna iskaga baxo Golahan maadaama duruufo badan haystaan, sidoo kalena waxaan rajo badan laga qabin soo laabashada C/wali Gaas iyo Axmed Madoowe oo labaduba waqtigoodu dhammaaday, doorashooyin adagna wajahi doonaan maalmo kooban ka dib. Sidaa daraadeed ma sii jiri doono Golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo ku dhisnaa dan yar oo gaar ah “oo dhan ka ahayd danta guud ee dalka” oo iyana lagu guuldareystay. Mahadsanidiin W/Q: Abdullaahi Sheikh Nor Mohamed Social and political analyst Mogadishu-Somalia Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Daacish oo dagaalyahano aan badneyn ay ka joogaan Koonfurta Somaliya ayaa maalmahan waxa ay bilaabeen beegsiga Masuuliyiinta qaar ee Shirkadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho. Daacish ayaa dooneysa inay ka soo caan baxdo Koonfurta Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo maalmahan dilal qorsheysan ay ka fulinayaan, waxaana ay doonayaan inay argagax ku abuuraan Bulshada. Hadafka ugu wayn ee Daacish u beegsanayaan Madaxda Shirkadaha qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay inay dhaqaale ka doonayaan Shirkadaha, waana sababta ugu wayn ee dilalka ugu gaysanayaan xubnaha Shaqaalaha Shirkadaha qaarkood. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay gaysteen Daacish, kuwaasi oo loo gaystay xubno ka tirsanaa Shaqaalaha mid ka mid ah Shirkadaha ku yaallo Muqdisho. Daacish waxa ay horay lacag uga qaateen Shirkado kale oo ku yaalo Muqdisho gudaheeda, kadib markii Shaqaalaha iyo madaxda Shirkadahaasi ugu hanjabeen inay dilal qorsheysan u gaysanayaan. Al Shabaab ayaa dhaqaale waxa ay ka qaadaan Shirkadaha iyo ganacsatada Somaliyed ee dalka ku sugan, waxaana hadda soo baxaya Daacish oo lacago ka doonaysa ganacsatada iyo Shirkadaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Shabelle-18112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
BAAHIDA DALKA HAYSA IYO BAAHIDA DADKA HAYSA DAYAXIYO CADCEEDUBA WAA LABA MATAANO AH” MEERAHAA DUSHEENIYO DULMUSHAAXA SAMADEE” Inta badan sunaha dadka somalida ayaa ah in marka dawlad cusubi timaado markiiba dhaliilo iyo canaan joogto ah lala boobo, sababtu waxay doonto ba ha ahaatee wallow dhaliilaha wax ha ka jiraane hadana asluubka iyo garnaqsiga shacabku hab iyo hayb ayay lahayd loo sheegto, waxaase waayadan danbe inagu soo biiray technology-da aynu inta badan uga faaiidaysano sidii ninkii ikhtiraacay aanu ugu talo galin, oo ah in cid kastaa gurigiisa dhexdiisa wariye madax banaan ku noqday oo wixii uu doono ka odhanaayo, Arintani waxay noqotay in awoodii dadka somalida ah hadal gashay,halkay ahayd inay waxqabad noqoto muuqda, dalka baahiyo badan ayaa muuqda dadka iyo dalkuba qabaan, BAAHIDA DALKA HAYSA Baahida dalka haysaa waa dadkiisii oo hurdo bacdal casar joogta seexday, sidaad ogtihiin hurdada bacdal casarka waxaa laga qaadaa madax xanuun iyo caajis badan oonad waxba qabsan karayn, taasaa dadkii shacabka ahaa ka muuqata qofkastaa waa daalan yahay wuxuu ku daalan yahayna ma yaqaan, qofkastaa wuu damqanayaa sababtiina ma yaqaan, hadaba baahida dalka haysaa waa taas dadkiisii ayuu dalku u baahan yahay iyo irbadii caajiska laynagaga toosin lahaa si aynu hurdada uga toosi lahayn khayrkeena wax la qaybsan lahayn, Ta labaadna waa maamul aragti fog inuu ina gaadhsiiyo leh, dabadeedna qorshe sameeya siduu halkaas inoo gaadhsiin lahaa gacan yarayaashiisu kula shaqayn lahaayeen, uma baahnin in kolba kii yimaadaa kii hore raadkiisa yeesho wadankan yar ee aynu ku nool nahay ilaahay ayaa inaga dhaliyey taas macnaheedu waa inaynu u shaqaynaa tamarteena, muuq iyo muunadna u yeelnaa, Ta sadexaadna waa in dadka aqoonta lagu tuhmaayo la mideeyo loona qaybiyo noocyada aqoonyooda si dalka looga faaiideeyo noockasta oo aqoona, BAAHIDA DADKA HAYSA Baahida dadka haysaa waa hadaad qaybisoon qaday waa inaanqataarmaa, haa waa sax in wadanka waxa yaala xil iyo xoolaba la wadaagaa waxaase iyana meesha taala sidee loo qaybinayaa inkastoo aynu si muran iyo buuq markasta ku jiro wax u qaybsano maadaama beelo wax lagu qaybsado, hadana dadku kuma raali ah malaha waxay ku fiicnayd kor ka xaadsi oo aan ula jeedo si gobolaysan, Baahida labaad waa khayradka aynu haysano in aynu u qaybsano sida ugu saxsan In marba cida xilka haysaa(madaxwaynuhu) inta ugu yar xukuumadiisa kaga soo daro reerkiisa guud oo dadka kale cabasho tiraa, si cadowgu aanu u helinba god daloolooyin uu inaga soo galo, Dadka waxaa la ogaaday in hadalka badan iyo muranka joogtada ah ugu wacan tahay shaqo la.aantu, waayo hadii dadkan shaqooyin loo abuuro, may haleeleen ba tarabal badan, iyagoo daalanbay seexan lahaayeen subaxana shaqada gali lahaayeen Waxaan idinla wadaagi doona maqaalo taxane ah oo xambaarsan aqoon iyo lexejeclo aan ka qabo dadka iyo dalka ba: C/SAMED XASAN HIRAD BBA PG IN ISLAMIC BANKING & FINANCE Qaran News
-
Halsano oo uu madaxweynuhu xilka hayay waxa uu markii koowaad u ambo baxay gobalada Bariga Somaliland isagoo wata gaadiidka raaxada ee qaaliga ah. Isagoo sigaara ugu safraayay gaadhi aan xabadu karin. Madaxwynaha oo laga filaayay sanadka ugu horeeya ee mudo xileedkiisa inuu yagleelo dhidibadana u aaso xukuumad dalka horumar gaaadhsiin karta iyo waliba sanadka ugu horeeya in lagu arko sifafaale uu ku kasban karo shacabkiisa iskuna jeclaysiinkaro walibana ku midaynkaro dalka iyo dadka ay kala qaybisay doorashadii gacan bidixaynta badnayd ee uu kusoo baxay madaxweyne Muse Biixi. Madaxweynuhu taa badalkeeda haba yaraantee sanadkaa wax uu qabtay oo lagu muhankaro haba yaraatee majirto. Biriijka hargeisa oo inuu go,o ku dhow xataa waxba lagama qaban intuu xilka hayay. Colaadihii kala duwana ee dalka ka dhacay mid qudha xal waara umuu helin xataa tii ugu danbaysay dhuumay ka dhacday jigjiga aya lagu dabiibaya oo dalkale ah. Kala qaybsanaatii dalka petrool ayuu kusii qabtay halkuu dadka isugu Soo jiidi lahaa. Kadib markii uu sadbursiimo saayida beeshiisa kasiiyay xukuumadii uu Soo dhisay. Magaalada Burco oo ah talabaad ee dalka ugu population ka badan Isla markaana ah magaalo xasaasiya oo waliba inta badan cida ay doorato Burco aya doorashada ku najaxda. Tusaale ahaan waa magaalada kowaad ee jamhuuriyadda Somaliland shantii madaxweyne ee soomaray ay sadex kasoo jeedaan kaso bilow AHN Tuur, Cigaal iyo Silanyo. Halka Daahir Rayaale oo Awdal kasoo jeedayna ay Burco ula baxday dhab libaax madaama ay saamayn wayn ku lahayeen. Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku abtirsada Hargeisa oo ah magaalada dalka ugu wayn ayay sidoo kale Burco gacan wax ku oola ku lahayd. Hadaba marhadii Borama noqday gobalkii aqoonta ee geeska Hargeisa na noqotay caasimadii Berberi na dekadii qaranka Burco ma waxa abaal looga dhigay jeelkii goontinaaba bay oo kale” hadalkan waxa ku tiraabayay dhalinyaradii aanu Burco ku kulanay khamiistii iyo jimcihii oon Burco sadcaal ku tagay. Madaxwynaha waxa looga fadhiya inuu xaaladda dalka dejiyo iyo inuu dadka isu soo jiido tanaasul badana uu sameeyo cadaaladana ku shaqeeyo kadib uu dalka waxqabad cadaalad ku dhisan wadanka ka bilaabo oo waliba doorashadana waqtigeedii lagu qabto si la isugu Soo dhawaado. Madaxwynaha gaadhi aan xabadu karin ka ilaalin maayo shacabkiisu haduu gadoodo lakin cadaalad iyo horumar ayaa qaranka wada deeqda. Allah Mahad leh. Abdiqani Salaf. realcabdiqani@gmail.com Source
-
magaalada wajale waxaa haysta dhibaato aad u farabadan waxay dhamaan ka aradan tahay kaabaha nololeed ee ay u xilsaarnaayen maamulka dagmada waxaa jooga maamul gaamuray oo joogay illa xiligii siiraanyo maamulkaasina wax alla wax ay qabteen majirto mudada ay xilka hayeen waxaana ay dhamaan idlaysteen ama ay boobeen dantii kuug gaar waxaa taabadalkeeda dayacmay howlihii loodiray side nadaafada oo magaaladu ay marayso halkii ugu hoosaysay waxaa meelkasta ayaala qashin bacaha iyo godadka bulaacadaha biyuhu ku jiraan waxaa iyana dayacan xarumaha caafimaadka waxbarashada oo aad moodo in aanay wax shaqo ah kulahayan hadii aad baahi ula tagto waabay kula yaabayaan mudane madaxwayne bal hoos u eeg arinka cabashada wajale nimankaa maamulka ahi waxaad moodaa tukaan ay leeyihiin meeshuge arinkaa wax halaga qabto allla mahadle ahmed mahamed ahmed togwajale somaliland togwajaale1994@gmail.com Source
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayay maanta hortaala weedho uu ku weeraray Madaxweyne Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal. Xili Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi beeshiisa siiyay, Wasiirkii Maaliyada, Taliyihii Guud Ee Ciidamadda Qaranka, Garyaqaankii Guud, Guddoomiyihii Maxkamada Sare, Hantidhawrihii Guud iyo Boqol xil oo kale . Hoos ka DAAWO . Source
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay muddo sannad Ah ilaa hadda wuxuu u muuqda inuu yahay Madaxweynihii ugu saamaynta yaraa marka loo eego Madaxweynayaashi ka horeeyay. Safarkiisi ugu horreeyay ee uu Hargaysa bari uga baxo muddo sannad ah ayuu saaka ku gaadhay Magaaladda Berbera oo uu ilaa caawa ku suganyahay. Waxaana la filaaya Inuu Burco u dhaafo, marka la eego hanaankii socdalkiisa wararka laga baahiyay iyo doodaha baraha bulshada ee shacabka Somaliland waxa muuqanaysa inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay Madaxweyne aan saamayn xoogan ku lahayn bulshada. Somalilandtoday/Berbera/Office Source
-
(SLT-Hargaysa)Muddo Sanad Ah Ayay Haatan Madaxa La Gashay Waqtigii Uu Hoggaanka Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sicir Bararkii Iyo Taagdaradii Dhaqaale Ee Bulshada Danyarta Ah Codkooda Ku Qaatay Inuu Wax Ka Qabanayo, Ayaa Weli Halkii Taagan Kana Sii Daray, Kadib Kolkii Ay Xal Lagu Maareeyo U Weyday Xukuumaddu. Shacbiga Oo Naawilayay Inay Xukuumadda Cusubi La Timaado Tab Iyo Xeelad Cilmiyaysan Oo Ay Halkii Wax Taagnaayeen Kaga Sii Amba Qaado,Ayaan Ilaa Maanta Haba Yaraatee Ka haynin Hagardaamo Mooyee Waxqabad La Taaban Karo Oo Ay Ku Talaabsatay Mudadaasi Sannadka Ah. Balanqaadkiisii Ahaa Inuu Muuse Biixi Soo Dhisi Doono Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh Ayaa Ku Danbaysay “Xeradayadu Waa Wada Ul Oo Ul La Qaato Ma Leh”. Shacbiga Ayaa Weli Waxay Ku Dawakhsan Yihiin Goobaha La Isugu Yimaadana Isku Weydiiyaan, Danta Uu Ka Lahaa Iyo Dookha Uu Ku Xushay Masuuliyiin Aan Midkodna Xataa Waayo Aragnimo Loogu Xisho Iyo,Magac Ku Lahayn Bulshada, Danta Uu Ka Lahaa La Garan Karin,Isla Markaana Ku Jirin Mid Qudha Oo Xataa Beeshooda Runta U Sheegi Kara,Qancin Kara Ama Xiisad Ka Dhex Dhalatay Reerkiisa Xal U Raadin Kara. Goboladii Iyo Shacbigii Shabakadda Ahaa Ee Isku Duubnaa Ayaa U Muuqda Mid Sii Kala Durkaya Xilliba Xilliga Uu Ka Danbeeyo. Dhinacyada Intii Xukuumadda Muuse Joogtay Xaydaabka Ka Baxay Waxa Ugu Xamaasad Badan Shacbiga Gobolka Sool Oo Xiisadoodu Marnaba Aanay Hoos U Degin. Asbaabaha Saamaynta Ku Yeeshay Inay Kasii Fogaadaan Xayndaabka Somaliland-Ta, Ayaa Lagu Tiriyaa Kadib Markii Xukuumada Muuse Albaabada Ka Xidhatay Tabashooyinkii Jiray Iyo Wada Hadaladii Khaatumo State Iyo Somaliland U Dhexeeyay Ee Cali Khaliif Galaydh Odayga Ka Ahaa Oo Uu Meel Fiican Soo Gaadhsiiyay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo. Sababta Kale Ee Taasi Hore Soo Raacda Ayaa Ahayd, Kadib Markii Shacbiga Gobolkaas Ay Si Weyn Saamayn Ugu Yeelatay Khudbad Si Aan Ka Fiirsasho Lahayn Madaxweynuhu Weedho Takoor Iyo Qabyaalad Xambaarsan Kaga Jeediyay Xafladii Xuska 18ka May,Isir Ahaana Uu Ugu Duray. Xanaftii Ka Dhalatay Loolankii Axsaabta Oo Shacbiga Aad U Kala Fogaysay Ayaa Xiisadeedii Iyana Weli Taagan Tahay,Wax Laga Qabtayna Aany Ilaa Haatan Jirin. Is Ka Dhaaf Wax Kaleba Waxaan Maanta Cidnaba Caad Ka Saarayn Sida Xisbigii Kursiga Saaray Muuse Biixi Uu Degel Degel Ugu Fadhiyo Ee Toban Degel Ugu Kala Fadhiyo,Kadib Markii Tiirarkii Xisbigu Ku Jaah Wareereen Dhinaca Uu Wax Ku Wado Hoggaankii Ay Halganka U Galeen Kursi Saaristiisa, Shacbigana Ugu Sheegeen Habeen Dhaladka. Dhinicii Siyaasada Arimaha Dibadda Iyo Dublumaasiyada,Ayaa Qof Kastaaba Maanka Ku Hayaa Sida Ay Inoogu Soo Oodantay Mudadaa Sannadka Ah . Arimaha Gudaha Dalka Ayaa Dhibaatooyin Badan Oo Maarayntoodu Adag Tahay Iyo Colaado Baahsani Ka Taagan Yihiin Weli, colaadii u danbaysay ee DHUMAY,waxa uu si qayaxan wasiirka arimaha guduhu warbaahinta ugu sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka qaban karin hadii ay dhex galaana colaadu intaasi kasii badanayso taasi oo ay ka dhalatay inay hadh cad kaalintii ay gabtay ka dul qaado dawlada ethiopia oo talo bixin iyo taageero daaha dabadiisa ah ka helaysa beesha caalamka una soo gurmatay beelihii dirirtu ku dhex martay gobolka sool. Iyadoo Shaqo La’aan Baahsan Oo Naafaysay Shacbiga Ay Ka Jirto Dalka, Ayaa Kaaga Sii Darane Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Mudadii Ay Xilka Haysay In Ka Badan 300 Oo Ka Mid Ah Hawlwadeenadii Hay’adaha Dawladda Waxay Banaanka Ka Dhigtay Shaqooyinkii Ay Ka Hayeen Hay’adahaasi,Taasina Waxay Sii Biirisay Nacaybkii, Qaybo Kamid Ah Shacbigu U Qabeen Xukuumadda Fudaydka Aqoon Darrada Iyo Eexda Uu Ku Anqariyay Gadhwadeenku. Waxa Hadaba Wax Lala Yaabo Ah In Xukuumadda Xaalkeedu Sidaa Yahay Iyo Boqol Waxyeello Oo Aan Lagu Koobi Karin Halkan,Ay Hadana 7aadkii U Danbeeyay Abaabul Ugu Jirtay Sidii Loo Curin Lahaa Barnaamijyo Gacan Ku Rimis Ah Oo Ay Ku Sheegayso Wax-Qabadyadii Sannadka Damacdayna In Looga Sii Daayo Bulshada Televisionada. Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Wasaarada Warfaafinta Waxa Agaasinka Hawshaasi Iyo Hanti Lacageed Oo Dhan Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Ah Kharashkii Programada Ay Madaxtooyada Somaliland U Xil Saartay Weriyihii Bbc-Da U Joogay Burco Ee Xasan Xagar,agaasimaha tvga dawlada jaambiir iyo xubno kale Oo Hawlahaasi Ku Guda Jira. Qaar ka mid ah weriyaasha oo ka cudur daartay magacooda ayaa ku cabanaya inay dawakh qaadeen amarka la dul dhigay,xilli aanay u muuqan wax ay dadka u sheegaan oo ay qabatay xukuumaddu. safarkiisa waqtigan uu ugu socdaalay gobolada ayaa dadka wax garadka ahi ku tilmaamayaan showgii ka dhinaa waxqabadkiisa gacan ku rimiska ah, kuna buuxsanyo in kastoo cabsi badani ku gadaaman tahay. Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaynu Ka Dhur Sugnaaba Waa Bal Waxa Ay La Gole Timaado Xukuumadda Muuse Ee Ay ku Bixinayso Hantidii Ummadda iyo Cashuurtii Hooyada Danyarta Ah. Source
-
(SLT-Addis-ababa)Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika. Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay. Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka. Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea. “Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Workneh. Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea. Source
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika, oo Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaareen. Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka. Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibaddaEthiopia Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka. Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika,waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea. Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka. Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay. Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly. Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.