-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay M/ Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Shirkan oo ay ka qeyb galeen maamulka degmada, iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Puntland, maadaama ay ku soo fool leeyihiin doorashooyin. Muxyadiin Axmed Muuse taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkaasi. Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeya 11:00 ka Habeenimo aysan socon karin Mootooyinka Bajaajka, Gawaarida Takaasida. Sidoo kalena aysan shaqeyn karin Maqaayadaha laga Cunteeyo iyo Dukaamada, wixii ka dambeeya 12:00 Habeenimo. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, si loo xaqiijiyo amniga ka hor doorashada la filayo in ay ka dhacdi magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. The post Puntland Oo Awaamiir ku soo rogtay Bajaajleyda Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray mashaariic waa-weyn oo laga fuliyey gudaha magaalada Berbera, xadhiggana ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey dekedda Berbera. Madaxweynuhu isaga oo ku gudo-jira safarkiisa shaqo oo maalintii labaad galay, waxa uu kormeer indho-indhayn ah ku tagay Jaamacadda Culuumta Badda ee dekedda Berbera, Keydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo xarunta shaybaadhka shidaalka, waxana uu halkaas kula kulmay, isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee qaranka u qaabilsan xarumahaas, kuwaas oo madaxweynaha u sharraxay horumarka ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha ilaa haatan hortaagan. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu kormeeray taagga weyn ee casriga ah ee ay xukuumaddu dhawaan soo iibisay, kaas oo wax badan ka taray fududaydinta soo xidhidda maraakiibta iyo la dagaallanka dabka ka kaca maraakiibta dekedda ku sugan, waxana uu madaxweynuhu qaddar kooban kusoo wareegay badda, isaga oo saaran taagga casriga ah ee xukuumaddu soo iibisay dhawaan. Goobaha kale ee uu madaxweynuhu maanta ku tegay kormeerkiisa shaqo waxa kamid ah Jaamacadda Culuumta Badda, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo ardayda jaamacadda oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha jaamacadda Culuumta Badda. Prof. Cabdiqani Maxamed Khayre, isaga oo hadallo dardaaran iyo rejo-gelin isugu jira u jeediyey jiilka cusub ee jaamacadda wax ka barta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mustaqbalka soddon sanno iyo Afartan sano ka bacdi Jaamacaddani waxa ay noqon doontaa ta la isku laayo, idinkuna waxa aad noqon doontaan dadka dalka u talinaya ee u madaxda ah ee mustaqbalkiisa jeexaya, qarankuna wuu idin la dedaalayaa.” Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay bilowga dekedda cusub ee shirkadda DP World dhisayso oo cabbirkeedu dhan yahay 400 mitir, isaga oo awaamiir faray maamulka dekedda Berbera amray in hannaan caddaalad ah loo maro wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismahaas, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland mar walba mudnaanta koowaad leedahay, “Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale kormeer shaqo ku tegay xarunta haamaha shidaalka qaranka, isaga oo halkaas warbixinno kala duwan kaga dhegaystay guddoomiyaha haamaha shidaalka, Mudane Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy), isl amarkaana u guurgalay xaaladda haamaha shidaalka. Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeeray xarunta shaybaadhka shidaalka, isaga oo halkaasna warbixin kaga dhegaystay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, Mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, kaas oo si mug leh u sharraxay muhiimadda uu shaybaadhkani u leeyahay guud ahaan bulshada reer Somaliland iyo sida uu u suurogeliyey in shidaal tayadiisu liidataa uu dalka soo galo. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Kismaayo ( Sh. M. Netwotk )-Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Daraawiishta maamulkaasi, kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi. Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu 27-kii bishii October ee Sanadkan uu magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xasan Goolo oo ka mid ahaa Waxgaradka deegaanada Jubbaland. Maxkamadda Ciidanka Jubbaland ayaa 6-dii bishan November ku ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Marxuum Nabadoon Xasan Goolo Askariga saaka la toogtay ayaa ka mid ahaa 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo dhawaan lagu riday xukuno kala duwan. The post Jubbaland Oo Toogatay Askari ka tirsanaa Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madax ka tirsan maamulkiisa ayaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Jubbaland. Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Xasan sheekh ee Kismaayo oo uu sheegay intuu xilka hayay ay qabsoomeen waxyaabo fara badan oo qayb ka ah hanaanka Federaalka dalka oo ay ugu horeeyaan dhismaha dowlad goboleedyada. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax walba ay leeyahiin isbadalo kuwaas oo mudan in la wajaho oo wixii la qabto aan dib loogu noqon ee horay loosii wado, wuxuuna sheegay in uu Madaxweynihii hore kusoo dhaweynayo Jubbaland. Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda Jubbaland ee ku soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo amaanay isku duubnida iyo wadajirka reer Jubbaland. Waxaa uu intaas ku daray in hanaanka Federaalka dalka oo ay Jubbaland qayb ka tahay uu maalinba meel soo joogay isla markaana uu diyaar u yahay in la hormariyo oo la dardar galiyo, maadaama loo arkay in uu yahay wado dib loogu soo celin karo is aaminaada iyo dhismaha dowladnimada dalka. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray in reer Jubbaland ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta deegaanadooda iyo guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh Maxamuud oo ka degay Kismaayo, kana hadlay nidaamka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay. Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay in Kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi lagula bartilmaamedsaday inta u dhexeysa degmooyina Bardaale iyo Baydhabo ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen labo ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamada Itoobiya. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan K/ Galbeed ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxyadaasi, mana cadda illaa iyo hhadda khasaaraha ka dhashay. Dhinaca kale Xarakad Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, sida ay ku baahiyeen baraha bulshada ee Internet-ka. Al Shabaab aya warkan ku sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaasiyeen Ciidamadaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamada Itoobiya ay horay u sii wateen qaraxyada kadib socdaalkooda. The post Ciidamo Itoobiyaan ah Oo qaraxyo lagula eegtay Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Danyartii iyo Da’yartii Dulmiga Dowladan yaa uga miciina Shacab weynaha kunool Jamhuuriyada Somaliland 65% waa da’yar ,sidoo kale 95% waa danyar qaadaa ma dherge ah,iyada oo dalalka aduunka ugu saboolsan Somaliland ku jirto ayaa hadana Xukuumadu waxa ay u dhaqantaa ama ay u xeer dhigataa sidda wadamada horey u maray, waayo iyada oo xukuumadu ogsoon duruufaha ku gaddaaman shacabkeeda iyo baahida dalka ka jirta ayey talaabada ay qaado iyo xeerkey soo kordhisaa uu kuyey Ummada hagardaamo waxyeelo leh, maxaa yeelay halkii ay hoos u da’yi lahayd baahiyaha bulshada haysata falawgeedna qaban lahayd Siddii ay u dabaqi lahayd ama Siddii ay wax uga qaban lahayd ayey keentaa sharci ama xeer kadar oo dibi dhal ah. Haddii aynu eegno baahiyaha jira ee ummada haysa iyo shuruucda ay dul dhigtay Waxa ka mid ah :- BIYAHA, sidda aynu ogsoonayn nolashu waa biyaha, Somaliland-na baahi Weyn ayaa ka jirta dhanka biyaha guud ahaan xukuumaduna wey ogtahay in ay wax ka qabatana ma doonayso in shacabku wax ka qabtaan oo ay baahida bihaha haysata u tafo xaytaana ma ogola, waayo si badheedh cad ah waatii xukuumadu tidhi CIDI IDIIMA MAQNA CEELNA MA QODAN KARTAAN!!. Oo ahayd cid biyaha dhulka ku hoos jira lasoo bixi kartaa ma jirto, se baliyo qota ama berkedo ama baco u DHIGTA roobka da’a. Taas oo ah meel kasta marka bali laga sameeyo GACAMO dhaadheer leh si deegaamo unabaad guuraan marka biyihii laga moosto ee kalyo looga samaysto ku horra xorfadaha la faadhfaadhay. Hubaal wixii la hubo baa la hantaa, se xal maaha cirka eega dhulkana nabaad guuriya. Iyana Waxa wax laga xumaado ah:- XAYIRAADA, xayiraadan la xayiray tagsiilayaashii layidhi magaalada ha dhaafina waar ma GAADHI-XIMAARBAA, waa wax lala yaabo ah in muwaadin dalkiisii dhexdiisii dad hawkala qaadin lagu yidhaahdo iyo magaalo kale ciddii doonaysa ha gaynin waa wax laga xumaado, in kooto gaadiid gaara loogu xidho maaha xaq iyo xeer toona, waa in loosinaadaa suuqa oo muwaadin walba si siman uu uga shaqaysan karaa dalkiisa shaqsi iyo shirkadba oo loo kala eexan. Waxa jira iyana in Da’yartii markii ay waxbarashadii dhamaysteen shaqo la’aantu ku habsatay halkii ay dawladu ugu arimin lahayd ee ay madhruucyo iskaa wax u qabso ah ama isboortis ugu mashquulin lahayd ay tidhi bandoo weeye cawayskii waa wax laga xumaado Aniga oo kasoo horjeeda Waxa diinta iyo Dhaqanka ku lidi ah hadii da’yarteenu ku kacdo hadana ruux dhalinyaro ah oo wax la’aani heyso oo seexanayaa oo soo toosaayaa oo wax qabanay waa dhibaato iyo tacab qasaar in dowladu qorshe keento weeye ay ku jihayso da’yarta. Se haddii Dawladii Danyartii cuna qabateyso oo Da’yartiina dayacdo Dulmi weeye dowlad maaha taasi. Wabilaahi tawfiiq Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-19112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bari waa mid loo baahna in kastooy tahay inuu bariga fog gaadho Badhana shirka khamiista ee Golaha wasiirada ku qabto. W axay se bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh degmadiisa Oodweyne oo a an saaka ku suganahay suaalaha u badan ee ay is weydiinayaan ayaa ah 1.Mashaariic badan oo najaxday oo madaxweynuhu maqaska la dhax Qaado Kamay fulin xukuumadu gobolka hadii la ga tagi waayo waxa ugu tun weynaa mashruucii garaw beerista ee xukuumadu ka hirgelisay XAAXI, nasiib daro raxmadii Eebe ayaa see jisay mashruucaas waana Sagan cas wali, 2. Waxa kale oo doodu u badan tahay ma mashaariic cusub ayuu u dhagax dhigi gobolka. 3. I yadoo mudooyinka Danbe bulshada gobolka ku dhaqani saluug ka muujinayeen hogaaminta badhasaabka gobolka ee wakhti xaadirkan isla markaana uu madaxweynuhu hore ugala bakhaylay gobolka inuu badhasaab dhiig cusub geliya bulshada u soo magacaabo, sidoo kalane Khilaafka haayadaha maamul ee gobolku mudooyinkii danbe ahaa mid soo noq noqda, madaxweynaha safarkiisani ma noqon doona mid wax ka badala 4.waxa iyaduna hoosta ka xariiqeen bulshadu door ka qaabilada madaxweynaha ee reer Oodweyne ma noqon doontaa mid meeqaamkii la rabay noqota oo ay soo xaadiraan dadka bulshada wax u gunta waxna u gooya kuwaas oo u gudbin kara bulshada fariimaha u sido madaxweynuhu isla markaana wixii xaq bulshadani uu leedahay uga doona madaxweynaha sida adeega arimaha bulshada balse aanu xaalku noqon waxooga kharash macanaasa jeebka ii geli. WAXAYNU FILAABA WAA ARBACADA IYO NATIIJADA UU KU SOO DHAMAADO SAFARKA MADAXWEYNAHA EE OODWEYNE? mahadsanidin BY Cartan Maxamed Jaamac Qaran News
-
Shir Madaxeedkii ururka midowga Afrika ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyey xarunta dalka Itoobiya ee Adis-ababa. Mahdi Maxamed Guuleed, ra’siul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, safaaradda Adis iyo mas’uuliyiin kale ayaa Soomaaliya uga qeyb galay. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inta uu shirka socday diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada. “Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Burco)Waxay ahayd maalintii shalay markii uu Madaxwaynaha Somaliland usoo kicitimay gobolada bariga Somaliland iyadoo dad koobani ku soo dhaweeyeen Gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera Oo Ku Suganyahay maalintii labaad. Madaxwaynaha Ayaa Kusoo Wajahan Gobolka Togdheer Maalinta Beri Ah, ma muuqato udiyaar garaw balaadhan oo laga dareemayo gobolka Togdheer. Qaban qaabada iyo soo dhawaynta madaxwaynaha oo looga bartay badhasaabadii hore ayaa waxa uu Xamse Maxamed Cabdi u muuqdaa mid ku haftay, waxaana magaalada burco ka muuqata kala daadsanaan iyo inaanay shacabku dhaadsanayn imaanshaha madaxwaynaha. Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo gaadhay gobolka Togdheer isagoo xafiiska badhasaabka kulano kula qaatay madaxda dawlada, odayaasha ,iyo dhalinyarada si loo dardar galiyo soo dhawaynta Madaxwaynaha oo ah safarkiisii ugu horeeyey ee uu Muuse Biixi Ku Yimaado Gobolka Togdheer tan iyo intii la doortay. Arrintan ayaa laga saadalin kara niyad jabka ay shacabku ka mujiyeen gaar ahaan Rer Burco Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Geesta kale Badhasaabka Togdheer Xamse Cadaw Yuurura ayaa u muuqda isna mid ku haftay mawjadaha gobolka ka aloosan. SomalilandToday/Office/Burco Source
-
Prime Minister Abiy Ahmed met Djibouti President Ismaïl Omar Guelleh on the sidelines of the 11th African Union Extraordinary Summit in Addis Ababa. The two horn of Africa leaders discussed bilateral and regional issues. According to ENA report, the President of Djibouti praised Prime Minister Abiy Ahmed for the changes he brought both at the national level and regional level. He also welcomed regional integration of the Horn of Africa and vowed to be part of it. Following the discussions between Abiy Ahmed and Ismaïl Omar Guelleh, Ethiopian Minister of Foreign Affairs, Workneh Gebeyehu, told journalist that the two leaders discussed ways to strengthen bilateral ties and the integration of the region. Touching upon the still unresolved issues between Djibouti and Eritrea, the Ethiopian Prime Minister Abiy is said to have assured the Djibouti President that Ethiopia will continue to work for a smoother relations between the two countries. Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf thanked the Ethiopian Prime Minister for “all he has done” to smooth relations with Eritrea. He added he believed “all other pending issues with Eritrea will be resolved with the help of Prime Minister Abiy.” Djibouti was absent in the recently concluded summit between the leaders of Ethiopia, Eritrea and Somalia in Amhara regional state of Ethiopia. Some commentators questioned the significance of Djibouti’s absence at the time, and that of another neighbor, Sudan. Over the last two decades, Ethiopia has relied on Djibouti for much of its import-export business, earning the small horn of African country millions of dollars in revenue every year and making it a key player in regional affairs. Since the peace agreement between Ethiopia and Eritrea, and the rapidly growing relations, however, it is unknown how much of that trade will remain with Djibouti. Perhaps in view of that competition, Djibouti has been diversifying its port business to include Free International port with the help of the China, which has also a military base in the country. On July 11, 2017, China officially opened a military base in Djibouti, the only base the country has outside its borders. The post Djibouti Vows to be Part of Regional Integration appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan. Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedo xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
-
Former President of the Federal Republic of Somalia has on Monday started his tour to the regional administration headquarters. Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the interim capital of Jubbaland where he was received by state leader Ahmed Madobe and other top regional officials. Already some members of the federal assembly who share political spectrum with former President have reached the port city to organize his welcome party. A political analyst believes Hassan Sheikh Mohamud tour is linked to his political ambitions to lead the country again come 2020 Presidential elections. Sheikh Mohamud was crowned on August this year after his return into the country as the chair of a new political party named Union for Peace and Democracy that brings together main opposition political parties. The party is set to challenge President Abdullahi Farmajo government in upcoming Presidential elections in the country. The post Former Somali president arrives in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweeyey madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha isbaheysiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Xasan Sheekh waxaa la socdo Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Sida uu ku warammayo weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan guriga martida Kismaayo, oo ku yaallo koonfur galbeed ee magaalada. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 2 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jira Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay Saakay soo galeen, degaankaasi,islamarkaana ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug. Al-Shabaab ayaa Saacaddo kooban gacanta ku haayay degaankaasi, waxaana la sheegay in dib uga baxeen Markii ciidanka Galmudug ay soo qaadeen Weerar labo Geesood ah. Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay lama xaqiijin karo, maadaama uu wali soconaayo,laakiin wali waxaa socda Gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaray Labadda dhinac. Ciidanka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay degaano hoos yimaada degmada Guriceel ka waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Guriceel Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wafti la socda, ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland. Wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweynaha Jubaland, madaxweyne ku xigeenka, iyo dadweyne fara badan. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe ayaa erayadii soo dhowayntiisa waxaa ka mid ahaa “ku Soo dhowow Mudane mirihii aad beertay iyo maamulkii aad dhistay, Sharaf ayey inoo tahay adigoo asaasihii (founder) maamulkaan ah inaad noo nasoo booqato annaguna aan ku soo dhoweyno” Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ee Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xassan Sheekh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso maamulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed. Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda. Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedu xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
-
Burco-[Puntland Post] Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya gobolada Bari ee Somaliland, waxaana xalay uu ku hoyday magalada Berbera, iyada oo lagu wado in uu tago magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shacabka magaalada Burco ayaa waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana aysan diyaar u aheyn inay soo dhaweeyaan. Qaar kamid ah dadka Burco oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka gobolka Togdheer uu diiday. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Shacabka Burco oo ka horyimid socdaalka Muuse Biixi Cabdi appeared first on Puntland Post.
-
Magaaladda Jig-jiga ee Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si habsami leh uga socda shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay isaga dhinteen in ku dhow boqol qof oo isugu jira rayid iyo maleyshiyaadkii dagaalamay. Shirka Jig-jiga ayaa yimi kadib markii deegaanadii lagu dagaalamay ee Dhumay gaareen wafti balaaran oo ku dhow 30-qof oo isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Indheergarad kale oo uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamida isimada soojireenka ah ee Soomaaliyeed kadibna ay kusoo biireen indheer garad kale oo ka yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Garaad Maxamed Garaad Kulmiye Garaad Dool. Waftigii balaarnaa ee uu Islaanku hogaaminaayey markii ay gaareen deegaanka Dhumay waxay durbadiiba bilaabeen inay u kala dab qaadaan beelaha walaalaha ee ay collaadu dhex martay si loo baajiyo dhiig mar kale daata, iyada oo ay markii danbe arintan la xoojiyeen wax-garadkii ka yimi magaalada Jig-jiga ugu danbayntiina waxaa la isla gaaray in la sameeyo xabad joojin lana baajiyo inuu mar kale dagaal qarxo, waxaana gogashii shirkaas loo raray xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jig-iga maadaama halkaas loo arkay goob ka madax banaanaan karta faragelin iyo dano siyaasadeed oo kaga yimaada dhinacyo kale, waxaana fududaynta hawlahan iyo gogoshaba fidiyey Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo isaguna door taariikhda galay ka qaatay nabadaynta iyo caawinta beelihii ku dagaalamay degaanka Dhumay. Dadka Soomaaliyeed ayaa taariikh u leh inay isu gurmadaan, is caawiyaan, is-dhex galaan xiliyadda adag ee collaadaha Beelaha, collaada Dhumay ayaa noqotay wax damqisay qof kasta oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro damiir Soomaalinimo, waxay umadda Soomaaliyeed aaminsan yihiin in la joogo xiligii laga gudbi lahaa colladan nasiib darada ah uuna beelaha walaalaha dhex mari lahaa heshiis iyo is-cafin walaalnimo. Runtii amaan iyo sharaf ayey mudan yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Maxamed Garaad Kulmiye iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ah sadexda shaqsi ee udub dhexaadka u ah daminta colladan, waana mid ay taariikhdu xusi doonto. Waxayna guteen arin waajib ku ahayd. PUNTLAND POST The post Islaan Ciise, Garaad Maxamed iyo Madaxweyne Cagjar taariikhdaa xusi doonta doorkooda daminta collaada Dhumay appeared first on Puntland Post.
-
Al Shabaab still remains a real security threat to Kenyan and East African security agencies, according to the latest report by the UN Monitoring Group. It warns of pitfalls that cloud concerned states’ commitment to rid not only Somalia but also its neighbors of threats by the group. Al Shabaab remains a threat to the peace, security, and stability of Somalia and its effect is felt across the hinterland’s borders, calling for the need for extra vigilance. The report sent to the UN Security Council casts a pale shadow on the way forward in dealing with the militants. The report sent to the UN Security Council casts a pale shadow on the way forward in dealing with the militants. It cites a worrying presence of the Islamic State in Iraq and the Levant (ISIL) faction in Somalia. The Monitoring Group says the conflict between Somaliland and Puntland, misappropriation of financial resources, and maritime piracy remains a major hurdle. The experts also cite loopholes in the handling of arms seized from Al Shabaab as well as those donated by supporting missions like Amisom and the US. The team also said its investigations exposed cases of violations of international humanitarian law, including obstruction of humanitarian assistance on the side of al Shabaab. The Monitoring Group led by James Smith also warns of violations of the ban on charcoal trade, being the main source of al Shabaab funding. Other members of the group include Mohamed Babiker (Humanitarian), Jay Bahadur (Armed groups), Charles Carter (Natural resources), Nazanine Moshiri (Arms), Brian O’Sullivan (Maritime/Armed groups) and Richard Zabot (Arms). They reveal in the November 7 report that Al Shabaab is moving loads of charcoal to Oman. “The charcoal is transported by road from the interior of Middle Juba and Lower Juba to the stockpiles and ports at Buur Gaabo and Kismayo. While en route, as with other commodities charcoal is subject to checkpoint taxation by al Shabaab,” the report says in part. The Monitoring Group had estimated the rate of taxation at Sh257 per bag, generating Al Shabaab over Sh1 billion from four million bags of charcoal per year. The report adds that the stockpiles located in Kismayu and Buur Gaabo may continue to be the source of illicit charcoal exports. More worrying in the findings is that several rounds of ammunition seized from al Shabaab had markings of the Federal Government of Somalia. Despite being denied the chance to take photos of seized weapons, Smiths team says it obtained information that most of the military equipment seized by Amisom and other forces fighting al Shabaab, originated from Yemen. An (FFV) 651 projectile for Carl Gustav recoilless rifles, which was manufactured in India and supplied to Kenya in June 2008, was also found. “Tracing requests to member states that manufactured various other seized items, however, failed to result into conclusive information,” Smith’s team says. “Puntland remains the primary entry point for illicit arms into Somalia, principally originating in Yemen.” On their dealings, it says financial records show that Laboballe, Dhofaye, and Barre transferred more than Sh16.5 million to Yemen-based arms dealers between September 2017 and March 2018. “Despite an escalation of airstrikes targeting the militants and leaders since June 2017, there has been no significant degradation of the group’s capability to carry out asymmetric attacks in Somalia,” the UN team says, pointing to the long road ahead for security agencies to wipe out the militants. Since September 2017, Al Shabaab has killed at least 700 people in eight major IED attacks. Worse still, the study revealed that the group remains capable of carrying out attacks against both Somali and Amisom forces. The team also cites that the terror group’s improvised explosive devices are advancing by the day. It cites a vehicle-borne IED which went off in Mogadishu in October 2017, killing 582 people. A similar one was intercepted by Kenya Police while en route to Nairobi. The police on a routine patrol in Merti, Isiolo county, arrested two Al-Shabaab operatives, Abdimajit Hasan Adan and Mohammed Nanne Osman. They were traveling with a vehicle-borne IED for an attack in Nairobi. They were also found with several assorted weapons. “Had the operation succeeded, it would have been the most significant Al-Shabaab attack outside Somalia since the Garissa University College massacre of April 2015,” the UN report says. It says that an analysis determined that at least four of the five rifles had been imported by the Federal Government of Somalia in 2013. “This is the first known instance of weapons imported by the Federal Government being used for an attack outside Somalia,” the team says. The UN team says the primary material for the manufacture of IEDs remains 2,4,6-trinitrotoluene (TNT), which is harvested from explosive remnants of ammunitions retrieved after an attack on AMISOM bases. Supporting this is a group manufacturing home-made explosives with improvised detonators, the UN report reveals. The FBI and the Terrorist Explosive Device Analytical Center is said to be probing this. But the Monitoring Group says laboratory analyses show that the group combines TNT and other military grade explosives with chemicals like potassium nitrate and potassium chlorate. It adds that lifting of the arms embargo against Somalia is to blame for the high inflow of weapons. The plot, the UN report reveals, was orchestrated from within Somalia by an Amniyat operative known only as “Dere”, who organized hawala money transfers of about Sh3 million to Abdimajit Adan. The investigators further reveal that bribery exposes the nexus between corruption and insecurity. “Police statements from the arrested al Shabaab operatives show that they were able to pass with little interference back and forth across the porous Kenya-Somalia border, facilitated by bribes to various security forces officials on both sides.” It is for this reason that several members of the February attack plot escaped arrest and are feared to be hiding in Kenya, probably planning another attack. The UN team advises that member states should choke al Shabaab’s revenue streams, primarily taxation on vehicles and goods, business and agricultural produce, and forced alms. The illicit trade in charcoal from Somalia continues to be dominated by criminal networks linking Kismayo in Somalia and Dubai. The post Al Shabaab still a threat to Kenya, new UN report says appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxa a hubaaala somaliland madaxtooyada dadka jooga hadey tahey madaxweyne, iyo shaqalaaba iney ku tashadaan, sidii beelo somaliland ah ay iskaga eegi lahaayeen. Guudan ahaan waad la soctaan dalka somaliland inuu galley marxaladu aad xun, dowlada hada jooga iyo hayadaheeduba ay yihiin kuwa ugu liita ee na soo marey intey somaliland jirtey, si kastaba ha ahaatee, waxaan halkan caawa ka cadeenayaa inuu dalku galley marxalado dhaqaale oo aad u liita, iyo qabyaaladii oo cirka isku shareertey. Mogtiihiin in 360 tukaan aay xidhan yihiin isla markaana u xidhmeeen , markii ay wax ay iibiyaan waayeen , saboobtoo ah, dadkii waxaa gacanta u gashey hufti ay ka midhey carab iyo dad carab kunoola oo aan dan muraad ka laheen dalkooda. Waad la soctaan siyaasda dibadu meeshey mareeyso, in shirar aay wadaan dalalka jaarka sida ethopia iyo elitrea, iyo somalia aay wadaad shirar lagu mideenaayo sedexda dal, shirarkaasna aay masuul ka tahey dalka ethopia, oo aay wadaan in dalkaasba la midooyo, waxaas oodhan baa ka jira siayasada east afrika. Waxaas aan soo sheegey madaxtooayada somaliland maha mid ay muuqdaan, waayo halkii aay siyaasadaas iyo mideenta somaliland ku dadaali lahaayeen ayaay ku fikiriyaan siidiii aay iskaga eegi lahaayeen beelo ka midda dalka somaliland. MUUSE biixi iyo inta la talisa wali iyagoo bariga somaliland tagaya oo week joogaya ma aragteen, isla markaasna dhageey sanaaya dhamaan beelahaas ka cabanaya, taasi waa waa maya, waayo waxaa ku jira muse bixxi, waa xin iyo xaasnimo uu ku dhashey, iyo jaahinimo, waayo hadii uu dacad yahey , dadkaas ka cabaya ayuu dhagsan lahaa. ilaaahey waxuu yidhi ; sedex qyiamaha lama hadlo. 1 nin leadera ama madaxweynaa oo dadkisii been u sheegey. 2 iyo ama qaf oo weyn sineestey. Anigu garan maayo, musue biixi sidii u fikarayo, walahi waxaan uu wadaa waa qabyaaladii oo qawan, madaxtooayadii reerkisiii u geyeey , waa si aan loogu qabsan ama aan loo ogaan waxii ka socda iyo waxiii soogalayaba habeen iyo maalinba. ilaahey baa mahad leh waxaa qorey fuaad maxamed qawdhan arimaha bulshada london mr_qawdhan@hotmail.co.uk facebook fuaad qawdhan Source
-
(SLT-Hargaysa) Goobaha waxbarasho ee Dawladda ayaa gabi ahaanba qarka u saaran inay meesha ka baxaan, kadib markii Dadwaynihii u qaybsameen qaar ka wareegay oo caruurtoodi gaystay Iskuulada Gaarka loo leeyahay iyo kuwo ay ku dul xidhmeen. Badi Iskuulada Gobolada Dalka ee Dawliga aha ayaa ku sugan xaalad aan la eegan karin oo aanay hore u gaadhin intii Somaliland soo kaca kufaysay. Arrintan naxdin leh ayaa ku soo beegmaysa xilli Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo sannad u dhammaday ay sheegatay inay macalimiin cusub shaqalaysiyeen bugaagna siiyeen ardayda Iskuulada dhexe, sheegashadaas oo runta ka fog marka Loo eego xaqiiqada ay Sawiradani xanbaarsan yihiin. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa soo gaadhey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fulinaya heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Cismaan Maxamuud,sooyaalka heshiiska beeshaan iyo Xukuumadda Somaliland ayaa soo bilaamay 2002-dii ka dib markey Somaliland saldhig siisay jahmadii uu hogaaminayay Jeneral Cadde Muuse Boqor. Jamhadaas ayaa xilligaas sida la xasuusto saldhiga ugu wayn madaxda Somaliland waxay ka siisay degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sool,waxaana dhexmaray heshiis laga xusi karo labo qodob oo rukni u ahaa heshiiskaas. In Somaliland ku taageerto tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland Alle ha u naxariistee Jeneral Cadde Muuse Boqor . In haddii uu ku guulaysto xilkaas Madaxweynaha uu Somaliland u gacan galiyo Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo xarun u ah Gobolkaas. 08 January 2005-tii waxaa xilka Madaxweynaha Puntland ku guulaystey Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) wuxuuna si mug iyo miisaan leh ugu hawlgalay heshiiskii uu la gaadhey Somaliland,wuxuuna si dhaw u bilaamay hirgalinta hindisahaas islamarkaana sababtey 15 October 2007-dii uu maamulka Somaliland si fudud ku hantiyo magaalada Laascaanood oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn oo uu ka talinayay maamulka Puntland. Intaas ka dib waxaa sii xoogeystay is aaminaada iyo kalsoonida u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo Saldanada Boqortooyadda fadhigeedu yahay magaalada Qardho. Qabashada magaalada Laascaanood waxay uga dhignayd maamulkeena Somaliland talaabo weyn oo horey loo qaadey kana mid ahayd ahdaaftii loo asaasay Somaliland madaama loo sii dhawaadey xadka aynu la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor wuxuu intaas ka dib u xilsaarey adkeynta iyo sii amba qaadida heshiiskaas Boqor Burhaan Boqor Muuse kaasoo iminka u wada heshiiskii waagaas si maamuus iyo milga-ba leh islamarkaana mudan tahay in Shacabkeena Somaliland xusuusnaadaan ayna abaal ugu hayaan. Arrimaha cadeynaya hirgalinta heshiiskan waxaa ka mid ah qabsashadii deegaanka Tukaraq ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay aloostey xiisad dagaal iyo guux dadweyne oo ay qeyb weyn ka ahaayeen madax dhaqmeed-yadda kale ee kasoo jeeda Puntland oo isu taagey inay ku cadaadiyaan maamulka iminka ka jira Puntland iyo shacabkooda sidii Somaliland looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Sool,waxaa taas bedelkeeda si toosa iyo si dadban uga horyimid Boqor Burhaan Boqor Muuse. Bartamihii sanadkaan 2018 degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa lagu qabtey caleemo saar kulmiyay badi Issimadda iyo madax dhaqmeedka bulshada af-soomaaliga ku hadasha,waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo kicin ah oo ay soo jeediyeen dhaqmeed maamulka Puntland ka tirsan iyo Issimo u dhashay Gobolka Sool oo kasoo horjeeda dowladnimada Somaliland kuwaas oo dhamaantood ugu baaqayay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu qaado duulaan ku wajahan Somaliland,waxaa aad uga carooday oo ka horyimid hadalka goobtaas laga soo jeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo yiri “ Cabdiweliyoow waxaan kusoo jeedinayaa haraati ha nooga tegin,waqti yar ayaa ku haraye, dagaal-na looma baahna”. Hadalka Boqorka ayaa micnihiisu ahaa inaan weerar lagu soo qaadin Gobolka Sool, wuxuuna ka abuurey isla goobtaas sawaxan iyo buuq soo wajahay madashaas. Ugu dambeyn hawlaha ugu muhiimsan oo uu maalin ka hor u yimid magaalada Laascaanood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxay la xidhiidhaa sidii uu heshiis miro dhal ah u dhex dhigi lahaa saraakiil ka goostey ciimada qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Jeneral Caare iyo Xukuumada Somaliland,waxaana si weyn Boqor Burhaan Laascaanood ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin. Source