-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu haatan ka socdo deegaanka Dhagaxyaale Oo 50.Km u Jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay deegaankaasi soo gaareen. Ciidamada Galmudug ayaa dagaal kala hortagay ciidamada Al-shabaab ee halkaasi gaaray. Illa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu geeystay . Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dagaal ka socdo duleedka Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Shaqada &Shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,ayaa shaacisay, in talaada berri ah oo ku beegan 20 bishan November 2018, ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland,maadaama la xusayo dhalashadii Nebi Muxamed(NNKH) oo loo yaqaanno “Mowliidka”. Warqad ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada &shaqaalaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha,Axmed Cabdalle Tigaana, oo tixraacaysa xeerka shaqalaha Puntland ee ku saabsan fasaxyada Ciidaha iyo maalmaha Qaranka(26 June&1July), ayaa lagu wargeliyay dhammaan shaqaalaha dowladda, in ay fasax yihiin talaadada berri ah ee la xusayo Mowliidka. Sidoo kale warqadda ayaa looga codsaday, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah, in ay tix-geliyaan xuska dhalashada Nebiga(NNKH) oo ay fasaxan shaqaalahooda,si ay uga qeyb-qaatan xuska. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Shaqaalaha dowladda oo loo fasaxay xuska Mowliidka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Isbadalka badan ee lagu sameeyo saraakiisha ciidamada iyo laamaha amaanka dowladda ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa isbadal badan ku sameysay saraakiisha ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga, waxaana taasi ay khubarada dhanka amaanka ku sheegeen inay dhibaato ku tahay amaanka Muqdisho. Korneyl Cabdi Aadan Barre, oo ah khabiir dhanka amaanka aha ayaa sheegay in isbadalka badan ee saraakiisha ciidamada iyo isla xisaabtan la’aanta hay’adaha amaanka ay qeyb ka tahay amaan xumada Muqdisho. Wuxuu sheegay inay adkaaneyso, marka isbadalka isdaba-joog uu noqdo inay isfahmaan ciidamada amaanka iyo saraakiisha ciidanka ee ku cusub xilalka loo dhiibay, taasina ay keeni karto inaysan si wanaagsan u wada shaqeyn. “Inkastoo aysan wanaagsaneyn isbadalka, haddana waxaan dareemayaa ciidamada degmooyinka ka shaqeeya iyo kuwa guud ahaan amaanka ka shaqeeya haddi aysan isfaham saneyn oo aan lala xisaabtameyn waa dhibaato kale, sidoo kale isbadalka badan ee saraakiisha ayaa qeyb ka ah amaan darida Muqdisho”ayuu yiri Korneyl Barre. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxaana ka dhaca toogashada ay sameeyaan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo dhexdooda is khilaafsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Qaban qaabo iyo diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ujeedka socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay ballaarin ku aadan xisbi uu dhawaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulan gaar ah uu la qaadan doono Madaxda sare ee Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Madoobe. Safarka Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagayo Jubbaland ayaa ku soo aadayo, xilli weli u taagan yahay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee dalka. The post Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Laascaanood)-Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa soo gaadhey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fulinaya heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Cismaan Maxamuud,sooyaalka heshiiska beeshaan iyo Xukuumadda Somaliland ayaa soo bilaamay 2002-dii ka dib markey Somaliland saldhig siisay jahmadii uu hogaaminayay Jeneral Cadde Muuse Boqor. Jamhadaas ayaa xilligaas sida la xasuusto saldhiga ugu wayn madaxda Somaliland waxay ka siisay degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sool,waxaana dhexmaray heshiis laga xusi karo labo qodob oo rukni u ahaa heshiiskaas. In Somaliland ku taageerto tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland Alle ha u naxariistee Jeneral Cadde Muuse Boqor . In haddii uu ku guulaysto xilkaas Madaxweynaha uu Somaliland u gacan galiyo Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo xarun u ah Gobolkaas. 08 January 2005-tii waxaa xilka Madaxweynaha Puntland ku guulaystey Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) wuxuuna si mug iyo miisaan leh ugu hawlgalay heshiiskii uu la gaadhey Somaliland,wuxuuna si dhaw u bilaamay hirgalinta hindisahaas islamarkaana sababtey 15 October 2007-dii uu maamulka Somaliland si fudud ku hantiyo magaalada Laascaanood oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn oo uu ka talinayay maamulka Puntland. Intaas ka dib waxaa sii xoogeystay is aaminaada iyo kalsoonida u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo Saldanada Boqortooyadda fadhigeedu yahay magaalada Qardho. Qabashada magaalada Laascaanood waxay uga dhignayd maamulkeena Somaliland talaabo weyn oo horey loo qaadey kana mid ahayd ahdaaftii loo asaasay Somaliland madaama loo sii dhawaadey xadka aynu la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor wuxuu intaas ka dib u xilsaarey adkeynta iyo sii amba qaadida heshiiskaas Boqor Burhaan Boqor Muuse kaasoo iminka u wada heshiiskii waagaas si maamuus iyo milga-ba leh islamarkaana mudan tahay in Shacabkeena Somaliland xusuusnaadaan ayna abaal ugu hayaan. Arrimaha cadeynaya hirgalinta heshiiskan waxaa ka mid ah qabsashadii deegaanka Tukaraq ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay aloostey xiisad dagaal iyo guux dadweyne oo ay qeyb weyn ka ahaayeen madax dhaqmeed-yadda kale ee kasoo jeeda Puntland oo isu taagey inay ku cadaadiyaan maamulka iminka ka jira Puntland iyo shacabkooda sidii Somaliland looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Sool,waxaa taas bedelkeeda si toosa iyo si dadban uga horyimid Boqor Burhaan Boqor Muuse. Bartamihii sanadkaan 2018 degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa lagu qabtey caleemo saar kulmiyay badi Issimadda iyo madax dhaqmeedka bulshada af-soomaaliga ku hadasha,waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo kicin ah oo ay soo jeediyeen dhaqmeed maamulka Puntland ka tirsan iyo Issimo u dhashay Gobolka Sool oo kasoo horjeeda dowladnimada Somaliland kuwaas oo dhamaantood ugu baaqayay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu qaado duulaan ku wajahan Somaliland,waxaa aad uga carooday oo ka horyimid hadalka goobtaas laga soo jeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo yiri “ Cabdiweliyoow waxaan kusoo jeedinayaa haraati ha nooga tegin,waqti yar ayaa ku haraye, dagaal-na looma baahna”. Hadalka Boqorka ayaa micnihiisu ahaa inaan weerar lagu soo qaadin Gobolka Sool, wuxuuna ka abuurey isla goobtaas sawaxan iyo buuq soo wajahay madashaas. Ugu dambeyn hawlaha ugu muhiimsan oo uu maalin ka hor u yimid magaalada Laascaanood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxay la xidhiidhaa sidii uu heshiis miro dhal ah u dhex dhigi lahaa saraakiil ka goostey ciimada qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Jeneral Caare iyo Xukuumada Somaliland,waxaana si weyn Boqor Burhaan Laascaanood ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin. Source
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galeen magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia,wuxuuna cadeeyay inta uu shirka socday diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada. “Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka. Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto. The post Maxaa ka soo baxay shirkii Midowga Africa Ee Ethiopia? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay 22 bil kadib maamulkiisa waxaa uu booqanayaa dal reer galbeed ah isaga oo u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Talyaaniga waa dal gumeystay Soomaaliya, labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, kadib markii uu dhawaan tagay magaalada Kismaayo. Cali Geeddi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xaliso tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Cali Maxamed Geeddi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo kula kulmayay madaxda Jubbaland, isaga oo kala hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. “Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa wixii dhib inay xaliyaan, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaar ay ku doortaan oo qoraya qodobo cad cad, dalka waxaa ugu sareeya dastuurka Federaalka oo ah sharciga dalka lagu maamulayo” “Dowlad Goboleedyada Waajibaad cad ayuu dastuurka siinayaa dowladda Federaalkana Waajibaad ayaa saaran, Dowladda waxay lamid tahay Waalid, haddii caruur iyo waalid is qabtana, Waalidkaa xalka laga rabaa, waxaan rajeynayaa inay gartaan xalinta waxii khilaafaad oo dalka ka jiro”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, si loo gaaro horumar wanaagsan oo isku meel u wada socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa la sheegay in weerar jidgal ah ay ku qaadeen Gaarigaasi, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu Shabelle u xaqiijiyay, Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala isbitaal ku yaalla gudaha deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dableyda rasaaseeyay Gaarigaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay amniga Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka Waddadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofa-1.mp3 The post Gaari Rakaab ah Oo lagu rasaaseeyay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid mudanayaash golaha wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu safarkiisa gobolada bari uu ku gaadho Degmada Badhan ee gobolka Badhan, waxaanu Madaxweynaha Illaahay ugu baryey inuu safarkiisa ku soo guuleeyo. Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ogaatay in degmada Badhan ay tahay dhulweynaha Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu baabiyo dhismaha uu Cabdiweli Gaas u dhagax dhigay baarlamaanka Puntland ee ugu talo galay in ay shirarkooda ku qabsadaan, waxana uu yidhi “Madaxweyne adiga oo nabad ah iyo annaga oo nabad ah, Insha alla waad nagu soo noqon doontaa, Madaxweyne Badhan gaadh oo halkii Cabdiweli (Madaxweynaha Puntland” dhagax dhigay ee barlamaanka tag oo dhagaxiisi baabii oo ha ogaada in Badhani ay Somaliland tahay, adduun weynuhu ogaada.” Hadalka Xildhibaan Nacnac ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi uu safar shaqo ku marayo gobolada bari ee jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Sida ay qortaya wakaalada SONNA madaxweynaha ayaa madaxda dalka Talyaaniga kala hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo Ciidamada amniga maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay in haatan dadkaasi ay ku socdaan baartitaano dheeraad ah, inkastoo uusan shaacin tiradooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Afayeen-1.mp3 The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo ka warbixiyay howlgallo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shirkaan oo muddo labo beri ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa tayada shaqaalaha dawladda Puntland si ay bulshada ugu gudbiyaan adeeg hufan oo tayo leh. Sidoo kale waxyaabihii shirka diiradda lagu lagu saaray waxaa kamid ahaa sidii did u eegid loogu samayn lahaa hannaanka Payroll ka Shaqaalaha si loo soxo isla markaana meesha looga saaro shaqaalaha saxda ah ee shaqeeya oo kuwo kale ee aan xafiisyada banneeyey. Munaasabadda shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Shaqada, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Agaasimeyaal ka tirsan labadaasi wasaaradood iyo khuburo caalami ah oo dawladda ka caaniysey diyaarinta hannaankaan cusub. Barnaamijkan oo ah mid ay Wasaaradda shaqadu muddo soo waddey ayaa hadda soo gaarey heer geba gebo ah isla markaana waxaa loo gudbin doona Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabaadka guud iyo Hanti dhowrka guud ee dawladda Puntland. The post Shir lagu soo bandhigayey hannaan lagu saxayo Payroll ka dawladda oo lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan dalka Talyaaniga. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doono muddo 2 Cisho, waxaana safarkani ku wehlinaya xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana ay sheegeen in uu la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana uu ka teegeeraa dhinacyo ay ka mid tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Farmaajo Oo saaka ku wajahan Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo qaaliyoobay ayaa horseeday in ay dhaawac maan 400 oo qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen, mudaaharaadka ayaana galay maalintii labaad. Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna saldhigyo booliis loo sii qaaday. Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkii Sabtidii dhacay, sida ay wasaaraddaasi sheegay, tiro dad ah ayaana sii waday mudaaharaadka Axaddii. Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” oo astaan jaale ah wata ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan. Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa caradii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la soo samaynin, mudaaharaadkanna wali waxba kama uusan dhihin, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurinnada la sameeyay. Lahaanshaha sawirkaAFP Madaxweynaha ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka. Dawladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-191118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wali lama xalin Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug, waxaana guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug uu shaaciyay arin kale oo xiisadda sii kordhineysa. Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyay inay dhawaan dooran doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug, maadaama xildhibaanada Galmudug ee Dhuusomareeb ay horey xilka kaga qaadeen. Wuxuu sheegay in madaxda ku sugan magaalada Cadaado ay taageeri ka heli jireen, balse hadda laga joojiyay taageeradii sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in masuuliyiin ay aqoonsan yihiin aysan ku sugneyn Cadaado. Dhawaan ayuu sheegay inay magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug, dhawaanna booskaasi ay buuxin doonaan. “Waxa kaliya oo noo harsan ayaa ah inaan buuxino booskii madaxweyne ku xigeenkii oo aan xilka ka qaadnay, dhawaan ayaana rabnaa inaan doorano madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaana dhawaan sameyn doonaa guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka”ayuu yiri Xareed Cali Xareed. Xildhibaanada Galmudug ayaa la kala saftay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkii Carabeey, iyaga oo fariisin ka kala dhigtay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxay doorteen guddoon baarlamaan iyo madaxweyne kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Ohio)-Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud. Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhakhaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka. Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhakhaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh. Furitaanka isbitaalkan waxaa maanta ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mudadii ay xafladu socotay waxay dadku isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan. Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan. Waxa ay arintani dhiiragalin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barata dalka Mareykanka oo ah dal ardada ay maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh. Deeqa SONNA Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Khashoqji oo ahaa saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u dhagaysan doonin. “Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana arrin fool xun,” ayuu Axaddii ku yidhi warbaahinta Fox News. Hay’dda Sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay dilkan ku haysay ay ku soo gabogabaysay in awaamiirta khaarajinta uu bixiyay Amiirka dhaxalka Sacuudiga leh ee awoodda badan, balse Aqalka Cad ayaan wali arrintaas ayidin. Dawladda Sacuudiga ayaa sheegashadaas ku tilmaantay been waxayna diiday in Amiin Maxamed uu wax ka ogaa dilka. Khashoqji oo caan ku ahaa dhaliilidda dawladda Sacuudiga ayaa la dilay ka dib markii uu galay qunsuliyadda Istanbul labadii bishii Oktoobar isaga oo rabay in uu ka soo qaato waraaqo arooskiisa la xiriiray. Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dad aan anshax lahayn ay ka dambeeyeen dilka Khashoqji. Xubno Aqalka Senetka Maraykanka ka tirsan oo taageersan madaxweyne Trump ayaa ku cadaadinaya in uu jawaab adag ka bixiyo, laakiin maadaama oo Sacuudigu uu yahay xulafo muhiim ah oo uu Bariga Dhexe ku leeyahay waxaa laga yaabaa in taasi ay keenayso in uu ka dhago-adaygo baaqyada loo soo jeedinayo. Muxuusan madaxweynuhu u dhagaysanay cajalka? Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan dhagaysan doonin cajalka, maadaama oo lala wadaagay dhammaan macluumaadka ku duuban. “Wax kaste oo cajalka ku duubaan waan ogahay anoon dhagaysanin,” ayuu ku yiri warbaahinta Fox. Dawladda Turkiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka iyo xulafada kale ee reer galbeedka la wadaagtay cajalkan layaabka leh. Intii uu waraysiga bixinayayna madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salman uu u sheegay in uusan waxba ka ogayn dilka. Trump wuxuu sheegay in laga yaabo in cidina aysan ogaanin cidda dilkaas ka dambaysay, wuxuuna farta ku fiiqay cunaqabataynnada uu Maraykanku saaray dadka lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka. “Iyadoo taasi jirtana iskaashi ayaan leenahay, waxaana doonayaa in aan garab istaago dal aan iskaashi leenahay siyaabo badanna u wanaagsanaa,” ayuu intaas ku sii daray. Xagguu Maraykanku dilka ka taagan yahay? Inkastoo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA aysan si toos ah u sheegin in ay hayso caddaymo muujinaya in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah ugu lug lahaa dilka, haddana waxay rumaysan tahay in dilkaasi uusan dhaceen haddii aan ogolaansho laga haysanin. Balse wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii sheegtay in dawladdu aysan wali gabogabaynin baadhitaataannadii dilka lagu hayo, iyadoo ay wali jiraan “warar la isla dhexmarayo iyo kuwo aan laga jawaabin.” Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay waxyaabaha ay CIA ogaatay. Inkastoo waraysigan laga duubay ka hor inta uusan soo bixin warka sheegaya in la ogaaday natiijada baaritaankii ay CIA waday. Madaxweynaha ayaase sheegay in qarka loo saaran yahay soo afjaridda baaritaanka. “Labada maalmood ee foodda inagu soo haya waxaan heli doonnaa warbixinta oo dhamaystiran, waxayna u badan tahay Isniinta ama Talaadada” ayuu u ku yiri saxafiyiinta. Lindsey Graham oo ah Senator xisbiga Jamhuuriga ka tirsan isla markaasna ay xulafo yihiin Trump ayaa sheegay in uusan rumaysnayn diidmada amiirka dhaxalka leh. “Haddii uu doonayo in uu noqdo wajiga Sacuudi Carabiya hoggaaminaya, waxay ila tahay wakhti adag ayaa sugaya boqortooyada marka ay timaaddo masraxa caalamka,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya warbaahinta NBC. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga, waxaana la filayaa in marka uu gaadho Rome uu la kulmo madaxda dalkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Talyaaniga kala hadli doona xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidammada Booliska. Talyaaniga ayaa horay u gumeystay Soomaaliya, hase ahaatee 10-kii sano ee u dambeeyay doorka uu ku lahaa Soomaaliya ayaa muuqan, kaddib markii dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska ay kaga saameyn bateen. Source
-
(SLT-Johannesburg)-Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xidhiidhinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada. Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan. Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda. Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC. Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa. Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC). Sidee ayay tan ceeb ugu tahay Ramaphosa? Mmusi Maimane, oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance, ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Bosasa bixisay uu u muuqdo mid laga shakiyo, si la mid ah dhammaan heshiisyada kale ee dowladda ANC. Tan iyo intii uu xukunka kala wareegay bishii February sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq, Ramaphosa ayaa u ololeeyay caddaalad u sameynta bulshada. Bishan dhexdeexa ayay ahayd markii uu ku sheegay musuqmaasuqa hareeyay Koofur Afrika mid faafaya. Isagoo garwaaqsan in dadka Koofur Afrika ay careysan yihiin ayna doonayaan inay arkaan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan oo xabsiga loo diray, ayuu Ramaphosa xaaladda haatan la barbar-dhigay dhibbane kufsi oo lagu qasbay inuu daawado qofkii kufsaday oo xornimo ku naaloonaya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo inay tagaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in safar maalmo ah madaxweynaha ay ku tagi doonaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Ujeedada socdaalka ayaa ah inay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta dowladda Talyaaniga, waxaana ay kala hadli doonaan arimo badan oo ay kamid yihiin tahriibka dhalinyarada Soomaaliya iyo xiriirka ganacsiga, Dhaqaalaha iyo amaanka. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid aheyd dowladdihii taageeri jiray Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinaysa in dib loo soo celiyo taageeradii Talyaaniga ee xooganeyd. Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameynaya dalalka taageeri jiray Soomaaliya waxaana hadda wanaagsan xiriirka u dhaxeeya wadamada bariga Africa iyo Soomaaliya. Soomaali badan ayaa tahriib ahaan dalka Talyaaniga kaga sii gudba qaarada Yurub, halka qaarkood ay ku dhibaateysan yihiin xeryo ku yaala xuduudaha dalka Talyaaniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com