-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 3AAD Ma ogtahay in LIBERLAND caawa ay haysato lacag dhan 140,000,000$ boqol iyo Afartan milayan oo doolar, Halka Somaliland caawa ay dayn ku jirto. Ma ogtahay in Miisaniyada LIBERLAND ee sanad kan 2018 si saafi ah u soo xidhantay, Halka miisaniyada Somaliland ee sanadkan 2018 cajisi wayni ku jiro. Ma ogtahay in miisaaniyada LIBERLAND ee ictiraaf raadintu ka badan yahay miisaaniyada 7 wasaaradood oo SOMALILAND ah. Ma ogtahay in miisaaniyada safaaradaha ama xafiisyada dibada ee LIBERLAND ka badan yahay Miisaaniyada wasaarada Arimaha dibada iyo dhamaan safaaradaha ama xafiisyada Somaliland ku leedahay dibada. Ma ogtahay in Dublumaasiyiin ka shaqeeya sadex safaaradood oo LIBERLAND ah inay ka badan yihiin dhamaan Diblumasiyiin ka shaqeeya saraafadaha Somaliland oo dhan. KAAF IYO KALA DHEERI Maihi nin ku faraxsan daynta uu dalkeenu ku jiro, Ma ihi nin ku jees jeesaya jiitanka ictiraaf raadinta qaranka ee waxaan u jeedaa dhiiri galinta dadkeena, dalkeena, Dawladeena, iyo siyaasiyiin teenan iyagu isku mashquulsan, ee marka ictiraaf raadinta lasoo qaado sidii qarandida dhulka eegaya iyaguna is eegaya. Dariiqii Dawladnimo Qaran-nimo iyo ictiraaf raadin mahayno ee waynu canjilaynaa, Qaar kamida Aduun waynuhu waxa inoo arkaan :- -( BEELO WADA DAGAN OO SIYAAD BARE KA RAYSTAY NABADANA DUGSANAYA)- La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD oo ka hadlaysa badka ama masaaxada dhulka LIBERLAND ee dhan 7km2 Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Waxaa maalmahan dambe si sabab la’aan ah hakad u galay kulamadii xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo shaqooyin badan ay jireen. Wixii ka dambeeyey kala diristii guddiga maaliyadda ee golahaasi waxaa yimid kala aragti duwanaanshiyo badan, iyadoo guddoonkana sabab la’aan u baajiyey kulamada. Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka, wuxuu u sheegay Goobjoog, inaan lala soo socodsiin baaqashada kulamada isaga mas’uuliyadda arrintaasi ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka: Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegayaa in qaar kamid ah xubno uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ka soo horjeesteen magacaabistaasi. Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa xalay magacabay xubno uu ku sheegay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka,isagoo ka hor yimid guddigii uu shalay magacaabay madaxweyne Gaas. Magacyada 8 xubnood oo Camey magacaabay ayaa waxaa ku jira Nabaddoon Khaliif Awcali,waxaana wararka haatan ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan in Nabaddoonku uu mar dhow shir jaraa’id halkaasi ku qaban doono,isagoo ka horjeesan doona magacaabista Camey. Sidoo kale ilaa 3 xubnood oo ka tirsan guddiga uu magacaabay mudane Camey ayaa la soo sheegayaa in ay diideen,waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaan. Wixii ka soo kordha kala soco PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah guddigii uu magacaabay Camey oo ka soo horjeestay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa soo shaac baxaya khilaafka ka dhaxeeya madaxda ugu sarreysa ee dowlad goboleedka Puntland, iyadoo ay soo dhow dahay doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Shalay, madaxweyne C/weli Gaas ayaa magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, hase ahaatee madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Injineer Camey ayaa isna dhankiisa soo magacaabay guddiga xallinta Khilaafaadka. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Curfiga Protocolka Tahniyadaha Duwaliga ah Runtii waxa inagu ceeb qaran ah sida wasiirkeena Arimaha dibadu uga qayb qaateen tahniyada sanad guurada 47 ee midawga Emaaraadka. Dadaal waa muhiim laakiin waxa mustaxiil ah ama meel ka dhac wayn ah inuu wasiir tahniyeeyo Maalin Qaran oo dawladeed waliba dawlad qaab boqortooyo ah isagoon madaxwaynaheenu tahniyeeyn. Caalamka oo dhan Tahniyadaha maalmaha Qaranka waxa dira BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, sidoo kale waxa si toos ah u gudooma qofka u sareeya dalkaa BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, Sharafta iyo karaamada dalkeenu waxay ahayd in Madaxwayne Muuse Biixi Cadi diro tahniyadaa, Waxa kale oo jira in dawlad waliba leedahay qaab u gaara oo loo tahniyeeyo, iyo siiqo gooni ah oo loo qoro tahniyada dalkaa. Qaabka Emaraada loo tahniyeeyo maalintooda qaran waa sidan :- In Madaxwaynuhu ama masuulka dalkaasi tahniyeeyo Madaxwaynaha imaaraadka sheekh Khaliifa, In Madaxwaynuhu tahniyeeyo Madaxwayne ku xigeenka ahna Raysal wasaaraha ahna Xaakimka Dubai, In madaxwaynuhu Tahniyeeyo Mahamed Ala Nahyaan oo ah dhaxal sugaha Emaraadka. Mid walba waxaa loo qorayaa war qad u gooni ah midna mid kale warqadiisa kakale lagu xusimaayo, dhamaan waraaqaha E-mail lagu dirimaayo ee safiirka ama wakhiilka ayaa si toos ah u gaynaya Qasirga isagoo xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka soamliland ama dalkuu matalayo. Emaraad waxay qaabilaan safiirada ama wakiilada sida waraaqaha 8:00 am ilaa 11:00am. Dawlad waliba wakhti u gooni ah ayaa loo asteeyaa lagana gudoomaa. intaa kadib wasiirka khaarajiga ama masuul kale wuxuu tahniyayn karaa dhigiisa haday macrifo shaqo ka dhaxayso tahniyad telefoon ama mid war qadeed oo aan la shaacin ama bartiisa Twitter ka ayuu ku baahin karaa masuulku. Dadaale ayaa wax barta ee Wasiir Fartoon wuu ku mahad sanyahay dadaalka. Alaa mahd leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo. Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Haregysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi. War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Mudane Carlo Campanile, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka istiraatiijiyadeed, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinaclaha ah si loogu adeego dano wadaagga labada dal iyo waxyaabaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo barwaaqada laba shacab. Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta. The post Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa eedeymo u soo jeediyay madaxweynaha iminka talada haya ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Musharax Siciid Cabdulaahi Deni oo u taagan Xilka Madaxwayne ee Puntland ayaa isaga oo lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe Xarunta Puntland, wuxuuna ka hadlay Xaalada Guud ee dalka iyo Arimaha Puntland. Deni ayaa eedaymo kala duwan usoo jeediyey Xukuumadda C/wali gaas, wuxuuna sheegay inaanu ku guulaysan horumarinta Puntland. Sidoo kale, Deni ayaa sheegay inuu Gaas kala daadiyey Ciidankii puntland. C.wali Gaas inta uu nayiri Laascaanood Faataxo laguma qabsan ayuu Tukaraq bixiyey Puntland ayaa wajahaysa doorashada madaxweyne, waxaana jira musharraxiin badan oo xilkaasi isku soo taagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Netwotk )-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska maamulka K/ Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Illaa 10 Ruux oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlghalladaasi, kuwaas oo looga shakisan yahay falalka amaan dari ee ka dhaca halkaasi Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Xildhibaan ka tirsanaa Koonfur Galbeed uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Wadajir magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Howlgallo dad lagu soo qabtay Oo laga sameeyay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-041218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliand ayaa sheegtay in xilligan ay diyaar u tahay wadahadallo ay la yeelato dowladda federaalka Soomaaliya, kadib wufuud caalami ah oo shalay kulamo kula yeeshay Hargeysa madaxda Somaliland. Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog, wuxuu sheegay in wafdigii ka socday midowga Yurub ee gaaray Hargeysa ay ka dalbadeen in la wadahadlo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in wadahadallada ay muhiim yihiin, balse loo baahan yahay in loo wadahadlo Laba dowladood oo kale. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in loo wadahadli doono sidii loo kala bixi lahaa, ee aanay ahayn isku soo noqosho. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XIL-SOMALILAND-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xog-xasaasiya:Cabsi & Xiisad Garoowe ka Aloosan+Musharixiin is-hubaynaya+Dagaal laga yaabo inuu ka dhex qarxo…. Sida Xogguhu tibaxayaan waxa isa soo taraya oo aad u xoogeysanaya walaaca laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada oo uu sabateeda yeelanayo madaxweyne Cabdi Weli Gaas. Bulshada ayaa ka walaacsan gawaarida Tiknikada ah ee waardiyeynaya kolonyada musharixiinta madaxweyne ee Puntland xilli Gaas qaadanayo tallaabooyin abuuri karo isfahanwaa iyo gacan ka hadal. Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da Janaayo sidii caadiga ahayd ayuu hadda Gaas u muuqdaa mid si walba isugu dayaya in uu u dib dhigo taas oo cadaatay kaddib markii uu maanta soo magacaabay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada la soo xulayo. Arrintan waxaa aad uga biyo diidan shacabka iyo waliba musharixiinta oo u arka guddi u xaglin doona Gaas maadama uu isagu doortay. Arrinta shakiga dhalisay ee la yaabka leh ayaa ah, “Sidee musharax isagu u soo xuli karaa” guddi laga rabo in ay u sinnaadaan dhammaan loolamanaaysha? Gaas sidoo kale waxa uu dagaal ku furay Somaliland si uu u baajiyo doorashada sanadkan ee Puntland walow ay u muuqato taas in lagu fahmay oo ay u socon weyday. Cabsidan oo kale waxa ay jirtay sanadii 2009, xilligaas oo uu Faroole ku hanjabay in uu dagaalami doono haddii doorashada dib loo dhigo. Waxaa xiligaas madaxweyne ahaa AUN Jeneral Cadde Muuse oo rabay inuu sanad ku darsado xilka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub. Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya. Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka. War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan: Inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho. Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho. Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi. Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.
-
Madaxweyne oo lagu eedeeyay in “nin isaga u eg” uu u diray shir ka socda Poland Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa lagu eedeeyay in uu u diray nin isaga u eg shir Qaramada Midoobay uga socda dalka Poland kaas oo looga arrinsanayo mushkiladaha cimilada adduunka. Eedeyntan ayaa timid kadib markii shirkaasi lagu dhex arkay madaxweyne Muhammadu Buhari oo xayi ah, halka horay loogu ogaa nin caafimaad ahaa liita islamarkaana mudo 5 bilood ka badan isbitaal ku yaal magaalada London loogu dabiibayay xanuun uusan wali shaacin. Arrintan ayaa sababtay in madaxweynaha oo ku sugan dalka Poland uu beenimo warar uu ku sheebay been abuur kuwaas oo baraha bulshada si weyn looga hadalhayo. ” – Waxaad arkeysaan waa anigii saxda ahaa, waxa i shabaha oo shirkaan ku sugan ma jiraan. Dhammaadka bishan ayaa waxaan u dabaaldagayaa dhalashadeysa sannadka 76-aad”, ayuu yiri madaxweyne Muhammadu Buhari mar wax laga weydiiyay eedeymahan cusub. Shirkan maanta ka furmay dalka Poland ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 oo waddan, waxaana ujeedkiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa halista cimilada adduunka iyo waxyaalaha sababa. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 sano oo qura ay haystaan in isbaddel lagu keeno haddii kale ay faraha ka baxayaan aarimaha kuleylaha, fatahaadaha, abaarta iwm. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay wararka ku soo gaarayaan Caasimada Online xafiiskeeda Garowe, waxaa aad u xoogeysanaya walaaca laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada oo uu sabateeda yeelanayo madaxweyne Cabdi Weli Gaas. Bulshada ayaa ka walaacsan gawaarida Tiknikada ah ee waardiyeynaya kolonyada musharixiinta madaxweyne ee Puntland xilli Gaas qaadanayo tallaabooyin abuuri karo isfahanwaa iyo gacan ka hadal. Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da Janaayo sidii caadiga ahayd ayuu hadda Gaas u muuqdaa mid si walba isugu dayaya in uu u dib dhigo taas oo cadaatay kaddib markii uu maanta soo magacaabay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada la soo xulayo. Arrintan waxaa aad uga biyo diidan shacabka iyo waliba musharixiinta oo u arka guddi u xaglin doona Gaas maadama uu isagu doortay. Arrinta shakiga dhalisay ee la yaabka leh ayaa ah, “Sidee musharax isagu u soo xuli karaa” guddi laga rabo in ay u sinnaadaan dhammaan loolamanaaysha? Gaas sidoo kale waxa uu dagaal ku furay Somaliland si uu u baajiyo doorashada sanadkan ee Puntland walow ay u muuqato taas in lagu fahmay oo ay u socon weyday. Cabsidan oo kale waxa ay jirtay sanadii 2009, xilligaas oo uu Faroole ku hanjabay in uu dagaalami doono haddii doorashada dib loo dhigo. Waxaa xiligaas madaxweyne ahaa AUN Jeneral Cadde Muuse oo rabay inuu sanad ku darsado xilka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inaysan jirin in dhaxal-sugaha dalkaas Amiir Maxamed Bin Salmaan lagu bah-dilay kulankii dalalka G-20 ee lagu soo geba gebeeyey dalka Argentina. Markii la galayey sawirka guud ee madaxda kulanka ka qeyb gashay, ayaa Maxamed Bin Salmaan la’iska fogeeyey, waxaana la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, isagoo u muuqday mid la inkirayey. Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga, waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax. Si kastaba, qoraal kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayey ku sheegtay in Bin Salmaan aan la bah-dilin balse meesha uu ka istaagay sawirka ay tahay meel uu doortay, oo uu mar kasta sidaas sameeyo. “Amiirka waxa uu taagnaa meel la mid ah halkii uu ka taagnaa sawirkii G-20 ee dalka China lagu qabtay laba sano ka hor” ayaa lagu yiri qoraal kaso baxay dowladda Sacuudiga oo ay baahisay wakaaladda wararka Reuters. Ka soo muuqashadii shirka g-20 ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
Tan iyo markii uu gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka ah Maxamed Sheekh Mursal dalka dib ugu soo laabtay waxaa isha lagu wada hayey go’aanka uu ka qaadan doono khilaafka ka dhex jira golaha shacabka. Khilaafka oo ka dhashay warbixintii uu gudiga maaliyadda ee baarlamaanka soo saaray ee eedda musuqa loogu jeediyey xukumadda, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ayaa ilaa iyo hadda ah hadal haynta siyaasadda gudaha. Hase ahaatee, soo dhaweyn diiran oo u muuqday dhuulo tus labada garab ee baarlamaanka ay madaarka ugu sameeyeen gudoomiyaha ayaa laba daran kala dooran siinaya Maxamed Shiekh Mursal. 1 – Gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu meesha ka saaro tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu hoos tago xukumadda (Shaabadda Maqaarsaarnimo!) Arritan waxa ay walaac weyn ku haysaa gudoomiyaha oo suuqa loo galiyey in uusan ka madax bannaaneyn xukumadda maadama markii la riday Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari xukumadda lagu eedeeyey in ay isaga meesha soo saartay. Hadaba, si uu shaabaddaas isaga tiro, gudoomiyaha waxa uu doonayaa in uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda oo meesha laga saaro kala diristii uu ku xigeenkiisa Muudey ku sameeyey guddihii maaliyadda. Taas oo ah wadiiqo sax ah maadama xeer hoosaadka baarlamaanka uu ka soo horjeedo go’aankii Muudey, hadana, su’aasha ayaa ah gudoomiyaha maku dhacaa in uu tallaabadaas qaato? 2 – Gudoomiyaha waxa uu ka baqayaa wixii ku dhacay Jawaari Maxamed Sheekh Mursal waxa uu ogyahay meeshii uu ka baxay gudoomiyihii uu bedelay oo dagaal uu xukumadda la galay eeday. Haddii uu qaato go’aan ka dhan ah xukumadda waxa uu ka baqdin qabaa in lagu soo qaado weerar meesha isaga looga saaro. Waxaa taas dheer, haddii uu Maxamed Shiekh Mursal sharci darro ku tilmaamo kala diristii gudiga maaliyadda oo ay sidoodii u sii shaqeeyaan in ay dhaawac u geysato hannaakii maaliyadda ee dowladda dhexe kala dhexeeyey beesha caalamka, taas waxa ay ku iclaamin kartaa in weerar lagu soo qaado uu sidii Jawaari la rido, waa haddii uuba sidaas yeelo! Hadaba, waxaa laga war sugayaa waxa ka soo baxa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiekh Mursal maalmaha soo socda iyo halka uu xaal ku dambeeyo. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay qeybta Xalane ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho loo diiday dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee halkaasi ka shaqeynayay. Shaqaalaha ayaa qabta shaqooyinka dhismaha guryaha laga dhiso xarunta Xalane, kuwo dib u habeynta lagu sameeyo iyo shaqooyin badan, laakiin maalmihii ugu dambeeyay waxaa Shaqaalahaasi gabi ahaanba laga joojiyay gelida garoonka diyaaradaha. Warar Caasimadda Online ay heleyso ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka ay saameyn ku yeelatay mashaariic shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka iyo kuwo xiriir la leh ay ka wadeen xarunta Xalane. Shirkadda Dhismaha ee DEEQA oo aheyd shirkad ay u shaqeeyaan shaqaale badan, kana shaqeysa dhismaha guryaha laga hergeliyo xarunta Xalane iyo dib u habeyn gaadiidka, ayaa kamid ah shirkadaha ay saameysay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka. Shirkadaasi ayaa gabi ahaanba shaqaalaheeda loo diiday inay gudaha garoonka galaan, waxaana lagu amray ciidamada AMISOM inay celiyaan shaqaalaha shirkadda iyo shirkado kale. Waxaa Shirkadda DEEQA horey masuul kaga ahaa nin lagu magacaabo Eng Eenow, balse waxaa la sheegayaa in masuuliyadda lagu wareejiyay Khadiijo Cosoble oo la dhalatay C/Qaadir Cosoble oo mucaarad ku ah xukuumadda. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta shaqaalaha Soomaaliyeed oo aanan qaadan mushaarka bishii Dhamaatay ee November looga joojiyay shaqada ay ka hayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale shaqaalaha qaar oo loo sheegay inay Bishaan December Fasax yihiin looma sheegin waqtiga ay shaqadooda kusoo laaban karaan. Hadal uu Shalay jeediyay C/qaadir Cosoble ayaa u muuqday mid iftiiminayo arintaan “Xukuumadda waxay ku caanbaxday Maquunin, Handadaad iyo Musuq Maasuq”ayuu yiri C/qaadir Cosoble. Xiisadaan ayaa wali ka taagan xarunta Xalane, waxaana la ogeyn sida Xaalka uu noqon doono, waxaana hadda shaqada laga joojiyay inka badan 300 oo shaqaale Soomaaliyeed ah oo lagu wargeliyay in ciidamada AMISOM isbadal lagu sameynayo, bisha December-na ay fasax yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ku Xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey ayaa xalay soo saaray gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ee la soo xulayo. Magacaabidda uu sameeyey Camey ayaa ka soo horjeedda isla magacaabis uu Cabdi Welli Gaas shalay sameeyey oo uu ku soo dhisay isla guddigaas. Guddiga uu Gaas soo dhisay waxaa qaadacay dhammaan musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo iyaga oo ku tilmaamay mid dhinac ka raran, oo horseedi kara in doorshada uu ku guuleysto Gaas. Dhammaan xubnaha uu magacaabay Gaas waa kuwo ku dhaw isaga. Muxuu Camey u khilaafay Gaas? Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in sida sharciga waafaqsan ay ahayd in Gaas kala tashado magacaabista guddiga balse uu kaligii go’aanka qaatay. Taas waxa ay meesha ka saareysaa in gudigaas sii taagnaado iyada oo abuuri doonta khilaaf xooggan oo carqaladeysa hannaaka doorashada. Arrintan waxa ay ku soo beegmeysaa xilli cabsi weyn ka jirto deegaanada Puntland, gaar ahaan Garowe oo ay qaar ka mid ah musharixiinta aad isu hubeeyeen iyaga oo ka walaacsan qaabka uu Gaas wax u wado. Cabdiweli Gaas hore waxa uu isugu dayey in uu doorashada dib u dhigo isaga oo dagaal galiyey mamaulka oo balse wey u socon weysay taas. Waxaase la filayaa in madax dhaqameedka soo dhexgalaan khilaafka xoogeysanaya uu ka jira Puntland iyada oo ay dhici karto in la kala diro labada guddi ee ay Gaas iyo Camey kala magacaabeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Baraha Bulshada ee Itoobiyaan-ka waxaa aad la’isugu khilaafsan yahay sida uu ku saxan yahay qoraalka magaca caasimadda Itooboya. Addis Ababa, waa sida ay rasmi ahaan u qoran tahay balse Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan ee degan magaalada, islamarkaana sheegata, ayaa bilaabay ol’ole ay ku rabaan in xarfada qaar si kale loo dhigo. Sida ay Twitter-keeda ku shaacisey mid ka mid ah gabdhaha Oromada ah ee shacabiyadda ballaaran ku leh bartaas, waxa ay sheegtay in sidan ku saxnaan lahaa magaca: “Addis Abeba!” Waxa ay tiri, Gacallow Adduunoow! Waa Addis Abeba ee ma aha Addis Ababa! Waxaa qoraalkeeda bulshada la sii wadaagay Mohamed Ademo oo aad caan uga ah bulshada Oromada ahna wariye sumcad ku leh aduunka, isaga waxa uu soo qoray liis erayo ay isaga egyihiin Oromada iyo Axmaarada isaga oo ku qishay in magaca Caasimadda sida uu hadda yahay loo leexiyey luuqadda Axmaara! Hoos ka eeg ereyada uu ademo is barbardhigay Waxaa xusid mudan in sidan oo kale magaca gobolka Banaadir waqtigii Taabit Cabdi Maxamed uu amray in loo beddelo Benaadir. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe) Shir ay Yeesheen Qaar ka mid ah Murashaxiinta Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey ayaa waxa Caawa kasoo baxay Qoraal Saameyn ku leh,Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey ayaa waxa uu ka hor yimid magacaabistii maanta Madaxweyne Gaas Gudiga Ansixinta Golaha Wakiilada iyo Xalinta Khilaafka. 8 Xubnood ayuu maanta Madaxweyne Gaas Magacaabay oo ka koobnaa gudigaas,balse,waxaa la sheegay in Cameey uu la tashi la sameyn Madaxweynaha sidaa awgeedna uu diiday gudigaas. Sidaas si la mid ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa magacaabay 8 Xubnood kale,iyadoo tani soo banaan bixineyso dagaalka siyaasadeed ee jira. Source
-
Sidaynu ogsoonahay madaxweyne muuse bixi wuxuu talada dalka gacanta ku hayaa muddo sanad ah, sanadkaa uu talada dalka gacanta ku hayay wuxuu magacaabay mas’uuliyin aad u tira badan, mas’uuliyintaas marka si togan loo eego waxay jaaniska ku heleen deganaanshaha caasimada iyo nawaaxigeeda. font-family: Calibri, sans-serif; text-align: justify;”> Madaxweyne muuse biixi waqtigii uu olalaha ku jiray waxaa hareerahiisa ku taxnaa siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo gobolada Somaliland ka dhex muuqday. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay madaxweyne muuse intii uu wax magacaabayay indhihiisa waxay qabanayeen inta subixii iyo fiidka salaanta la gaadho, ama kuwa intuu caraabada yahay wadada ku sii salaanta. Ka madaxweyne mustaqbal waxaan leeyahay madaxweyne muuse biixi. Madaxweyne gobolada Somaliland waxaa ku dhaqan siyaasiyin dhalin yara ah, kuwasoo si wayn uga dhex muuqday olalahaagii doorashada, Siyaasiyintaas waxay difaaca hore kaga jireen gobolada, waqtigaasna waxay jaanis ku heleen iyagoo ku dhaqan goboladooda in loo baahdo, balse madaxweyne markii ay noqotay in la helo cid bulshada u shaqaysa, kuwa kugu xeeran waxay xooga saareen inay ku kenaan hablaha iyo dhalinyarada ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda. Ka madaxweyne mustaqbal waxaan jeclaystay inaan madaxweyne muuse u sheego inay jireen siyaasiyin dhalin yara, kuwasoo ku dhaqan gobolada qaar, gobolada ay ku sugan yihina jaaniskoodii uusan oolin, balse madaxweyne ahaan lagaaga baahan yahay marka aad magacaabayso xilalka inaad soo eegto ragii kula soo shaqeeyay, madaxtooyadana laga helo ragii ku xasuusin lahaa. Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne dadka ku dhaqan gobolada Somaliland gaar ahaan gobolka togdheer waxay hal hays u leeyihin markay wax salugaan inay si sarbeeban wax ku dareen siyaan, Maantana hal hays waxay leeyihin madaxweynihii aynu dooranayow qur’aanka kor u akhri awaadan5@gmail.com Source
-
Waa wadaad dhallinyaro ah oo waliba ku darsaday macalin quraan, ayaa nin aanu saaxiibnahay ka dalbaday inuu u galbiyo gabadh uu guursaday oo uu aroosayo, ninkii aanu wada soconay baa ku yidhi ma gabadh labaad baad guursatay oo aad hoynaysaa, Haa buu ugu warceliyey, haseyeeshee wiilkii laga dalbanayey inuu habeenkaasi arooska la shaqeeyo ayaa ku gacan saydhay oo diiday in aanu dulmi ka galeen gabadhii hore ee markii horaba dulmanayd. Aniga wadiiyey sababta uu u diiday ee uu u caawin waayey wiilka arooska ah, waxa uu igu yidhi “ waar ninkan wadaadka ahi wuxuu lahaa xaas iyo caruur wuxuu igu odhan jirey caruurta jawaan shuura ah uun baan u dhigaayo oo saddexda wakhti cunaan, bal kuwii hore oo dayacan oo dhaqaale la’aan uu u siinayey shuuradda saddexda wakhti ayuu tu kale ka daba keenayaa oo iyadana cadibayaa, caruurtiisa hore nafaqo daro haysataa oo macaluulsab oo haweenay kale soo kalifayaa maxaan ula shaqaynayaa, waa inkaar waxaasi. Anigoo kaas la yaaban oo dheguhu I taagan yihiin ayaa nin kale oo aanu saaxiibnahay sheeko tan oo kale ah iga sheekeeyey, waxa uu yidhi “waar nin aanu jaarnahay oo wadaad ah oo gabadh fiican qabay ayaa ninkeedii ku tidhi “ waar anna gurigii hooyaday aan iska tago adna lacagta mushaharka hagbad inoogu gal si aynu dhul yar u iibsano oo jiingad uga samaysano, kiro ku jiri maynee, markii dambe waxay heshay madarasad uu dhigi jirey qolkii waashmaanka oo ka banaan ayuu ninkii lahaa madarasad yidhi qolkaasi iska gala intaad meel kale helaysaan, ka dib gabadhaasi shan caruur ah ayey lahayd waxay heshaba way ururin jirtay iyadoo ku hamiyeysa jago yar aad iibsataan, markii lacagtii ururtay ee uu hagbaddii qaatay ayuu gabadh kale ku doonay, muddo ka dib way ogaatay, dee muraaro dilaac oohin mooyee wax kale waa laga waayey, waxay ka ooyeysay siday caruurteeda gaajada ugu dishay ee ay u doonaysay inay wax u korodhsato iyo siday ninkii ay aamintay lacagtii ay u ururisay gabadh kale ugu guursaday.” Waxa laga yaabaa caruurta bariiska qalalan la siinayo inuu isagu hoteelada ka cuni jrey qadadda hilib, aroortiina beer, isagoo dharagsanna cunta caruurta la taabtaaban jirey isagoo leh cuntada waa la suneeya ee lagama dhergo, hada waa nin soo dhergay. Source
-
1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelintii iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo way arkaayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee ay ku dhawaaqeen in doorashadu dib u dhaceyso. waxay aheyd in ay 6 bilood ka hor sii iclaamiyaan liiska codbixiyayaasha iyo jidwalka habsami u socodka hawlaha Diiwaan gelinta codbixiyayaasha. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii Saami-qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa Doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudada dheer. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen . Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida Badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday ” dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku 6 bilood ka hor ay is cadeeyaan oo ay sii sheegaan in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsatay halka inaga ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay ansixin waayeen golaha baarlamaanku waa in uu madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu waqti dhow ugu qabsoonto. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu geygeyso ” !! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Popular Contributors
