-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
WAR-SAXAAFADEED URURKA SHIRKADAHA ISGAARSIINTA SOOMAALIYA OO SI WADA JIR AH MARKALE UGA BAAQAYA IN LA ILAALIYO DANAHA QARANKA Mugadishu, November 29, 2018 – URURKA SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA SOMAALIYEED (USIS) oo ah ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan, ayaa Kulankooda Billaha ah uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada Adeegyada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee dalka iyo halka uu marayo Gabagabadii kulanka wuxuu Ururku soo saaray Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan: Dhamaan Xubnaha Ururka waxay walaac ka muujinayaan wadashaqeyn la`aanta joogtada ah ee ka dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee ka dhalatay go`aanadii Wasiirka Wasaaradda ugu magacaabay xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka si aan waafaqsaneyn Sharciga. Xubnaha Ururka waxay ku wargalinayaan dhamaan Ummadda Soomaliyeed, Xukuumadda Federaaliga ah, Golayaasha Baarlamaanka, iyo inta daneysa arrimaha Isgaarsiinta, in aysan qeyb ka aheyn Shirka loogu yeeray “Wada-tashiga Xeer-nidaaminta ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka” ee Wasaaraddu abaabuleyso si ay sharciyad ugu sameyso Xubnaha Guddigii Sare ee maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee markii hore ku yimid sida sharcidarada ah. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in lagu gaaro magaca Hay`adda sida dhismo guddiyo maareeya howlaha Hay`adda, dejin tariifooyin iyo istcimaalka hirarka Isgaarsiinta iyo cabiro khaldan ee habraaca bixinta xuquuqa dalka. Ururka Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) wuxuu mar kale cod dheer ku sheegayaa in magacaabista xubnaha ee Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay si toos ah uga hor imaneyso Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad Ururku wuxuu mar kale baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka. –DHAMAAD–
-
Jigjiga (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa sheegay in dagaalada udhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ay ka dambeeyaan siyaasiyiin dano gaar ah leh. Mustafa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaritaano ay ku hayaan shaqsiyaad uu sheegay inay qaraxyo kasoo abaabulayaan degaanada Jubbaland iyo Somaliland, kuwaasi oo doonaya inay shacabka ku dhibaateeyaan. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay inay ka hor-tegi doonan, islamarkaana feejig-dheeri ah la gelin doono ciidamada degaanka si aanan waxyeelo usoo gaarin shacabka. Hadalka Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa wuxuu imaanaya xili degaano dhaca is-maamul goboleedka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya uu ka socdo isbedal siyaasadeed oo xoogan, kaasi oo ay shacabk soo dhaweeyeen. The post M/Cagjar: “Baaris ayaa ku socota dad qaraxyo abaabulaya” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada amniga ee magaalada Bosaaso ayaa wada howlgalo lagu baadi goobayo rag hubaysan oo xalay weerar Bambaano iyo mid toos ah ba ku soo qaaday [...] Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay ciidamada kusoo qabtay rag la sheegay inay dhac ka geysan jireen degmada Yaqshid. Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Tuulax], Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiim ay tahay inay ciidamada ka feejignaadaan burcadda. Ciidamada dowladda ku sugan degmooyinka kale ee gobolka ayuu ku tartarsiiyay inay ku daydaan ciidanka soo qabtay ragaasi, kuwaasi oo dhaawac loo geystay intii lagu gura jiray howlgalkii lagu soo qabtay. Tuulax oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa uga mahad-celiyay ciidamada maamulka degmada Yaqshid talaabada ay qaadeen. Wararka ay helayso idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in mid kamid ah raga gacanta lagu soo dhigay uu ugeeryooday dhaawaca soo gaaray, oo loo dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee caasimada. The post Tuulax oo soo dhaweeyay howlgal lagu soo qabtay Burcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka Digil iyo Mirifle. Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay. Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah o ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen. Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan. Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale. Villa Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen ,laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed. Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”. Diidmada Digil iyo Mirifle ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Sh.M.Network) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay Qarax Bam-gacmeed oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugnaa nawaaxiga xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in qaraxa lagu weeraray ciidamada xili ay ku guda jireen howlgal lagu sugayay nabad-gelyadda magaaladda, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in weerarka kadib ay sameeyeen howlgal baaris ah oo ay baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi, inkasta oo aanan la ogayn hadii ay jirto cid loosoo qabtay. Maalmihii lasoo dhaafay falalka liddiga ku ah amniga ayaa kusoo badanayay magaalada Boosaaso, waxaana inta badan sheegayay weeraradaasi kooxda Daacish garabkeeda Soomaaliya. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Goofgaduud (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo waaberigii saaka ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee duleedka magaalada Baydhabo. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanka saldhig ay ku lahaayeen, halkaasina uu ka dhacay dagaal xoogan oo khasaaro geystay. Taliyaha ciidamada dowladda ee deegaanka Goofgaduud ayaa xaqiijiyay inay isaga baxeen deegaanka kadib markii dagaal xoogan ay kala kulmeen ciidamada Al Shabaab, isaga oo sheegay in khasaaro uu ka dhashay weerarka. Ma uusan sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarkii saaka, balse wuxuu sheegay xili hore oo waaberigii saaka ah in weerar qaraxyo ku bilowday Al Shabaab ay xerada ku galeen. Taliyaha wuxuu sheegay in gurmad ka yimid magaalada Baydhabo ay sugayaan kaasi oo ku wajahan deegaanka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ee la wareegay deegaanka ay dib isaga baxeen. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, marar badan sidan oo kale ayey uga baxeen deegaanka Goofgaduud, waxaana deegaankaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab walow iyaguna ay dib u faarujiyaan. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen xerada ay la wareegeen, maadaama ay wateen gaadiidka dagaalka oo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka, Tibor Nagy, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab aanan wali guul laga gaarin. Nagy ayaa intaas ku daraya in xarakada Al-Shabaab ay wali weeraro taxano ah ka fuliso dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kaaliyaha oo uwaramay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegay in safiirka cusub ee dhowaan Mareykanka usoo magacabay Soomaaliya uu dardargelin doono gulufka looga soo horjeedo Al-Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay wali ku tahay amniga Soomaaliya halis muuqata, taasi oo uu xusay inay caqabad ku noqon karto nabadgelyadda iyo kobaca dhaqaala iyo mid horumar ee wadanka. Hadalka kaaliyaha ayaa imaanaya xilli Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] uu kordhiyay duqaymaha uu koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kula eeganayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab. The post Mareykanka: “Al-Shabaab wali way ku xoogan tahay Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galgaduud (Sh.M.Network) – Kulankaan lagu heshiisiinayey beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay tuulooyin hoostaga gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay degmada Guriceel ee gobolkaasi. Nabadoono ka kala socday dhinacyadda ay dirirtu dhex-martay ayaa kulanka ka qaybgalay, kaasi oo gabagabadii laga soo saarey qodobo ay isla meel-dhigeen dhinacyadda intii uu kulanku usocday. Qodobadda ay isla afgarteen waaxaa kamid ah in si rasmi ah xabada loo joojiyo, in la kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, mustaqbalka colaada xalka laga gaaray, iyo in cidii dib u bilowda talaabada laga qaado. Waxgaradka kulanka yeeshay ayaa sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen Guddi wax laga weydiin doono cida colaadda mar kale bilowda. Dagaaladda udhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed oo kusoo noq-noqda degaanada hoos-yimaada Galgaduud oo sababa dhimasho iyo dhaawac, ayaa waxa ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeed. The post Beello dagaalamay oo kulan nabadeyn ah loo qabtay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Balanbale (Caasimada Online)-Taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod ayaa sheegay inuu ku guuleystay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. General Gorod, ayaa sheegay in dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ka wadeen degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ugu suuro gashay inay ku guuleystaan dhexdhexaadinta beelaha halkaasi ku dagaalamay. Arintaasi waxaa isaga iyo xubno kale u wakiishay dowladda Soomaaliya, iyadoo la doonayay in heshiis rasmi ah la kala dhex dhigo beelo marar badan ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Balanbale. Beelahaasi ayaa isku haya arimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo, waxayna iska dileen dad badan, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen. Wuxuu taliyaha sheegay in dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u badan meletari la geyn doono deegaanada lagu dagaalamay, si ay kaga qeyb qaataan xaqiijinta amaanka deegaanka. “Waxaa lagu heshiiyay in ciidamada la kala qaado, kadib waxaa loo gudbi doonaa waxii yaraa ee lagu dagaalamay in la xaliyo, qorshe dowladda u dajisay ee hub ka dhigis ah waa mid dowladda ku xiran, waxaa meel walbaa la dhigayaa ciidamo nabadda ilaaliya meletariga ayayna u badnaanayaan”ayuu yiri Gen Gorod. Caasimada online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo baaritaano ah waxa ay ka sameyeen agagaarka ajabka ee xaafada mac-macaanka, dagmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Howlgalka ayaa yimid markii mid ka mid ah ergaydii soo dooratay Xilldhibaanada Baarlamaanka Federaalka lagu dilay halkaasi, sida ay idaacadda Shabelle uxaqiijiyeen illo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxihii dilka geystay ay iska baxsadeen halka uu falka ka dhacay, mana jirto wax war ah oo ka so baxay laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka degmadaasi. Illaa iyo haatan, ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda dilka loo geystay shaqsigaasi oo aanan la wali la helin magaciisa. Mudooyinkii udambeeyay dilal qorsheysan ayaa waxa ay ka dhacayeen xaafado ka mid tirsan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, xili isgoysyadda ay joogaan ciidamo Boolis ah oo nabad-gelyadda sugaya. The post Ciidamada DFS oo howlgallo ka sameeyay D/Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud. Weerarka ayaa ku bilowday Qaraxyo, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana xigay weerar toos ah oo ciidamada Al Shabaab ay ugu galeen gudaha saldhiga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud. Deegaanka lagu dagaalamay waxaa fariisin ciidan ku lahaa ciidamada Koofur Galbeed iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana marar badan ka dhacay weeraro Al Shabaab ku qaadeen deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay u suuro gashay inay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka muddo daqiiqado ah, walow markii dambe ay isaga baxeen. Deegaanka Goofgaduud Boorey ayaa u jira magaalada Baydhabo qiyaas ahaan 30 KM oo dhinaca waqooyi ah, waxaana hadda la sheegay in ciidamada dowladda dib u qabsadeen deegaanka. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah, islamarkaana ay iska difaaceen ciidamada AL Shabaab ee weeraray saldhigooda deegaanka Goofgaduud. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii saaka waxaana xiisad abaabul dagaal ay ka taagan tahay deegaanka iyo kuwo ku dhow, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-30112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bannaanka u soo baxay kaladuwanaanshaha aragtida guddoonka golaha shacabka ee kusaabsan kala diristii Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya, waxaana saacadihii danbe baraha bulshada la soo dhigay doodo Sharci ah oo go’aankaas la xiriira. Gudoomiye kuxigeenka Koowada ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Muudeey, ayaa 28-kii bishan kala diray Guddiga Maaliyada sababao la xiriirtay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka, Sidaaw waxaa qabo Xildhibaano. Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyada oo Gudoonku sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabada uu qaaday Muudeey, isagoo xusay in xeer hoosaadka baarlamaanka dhigayo in Gudidga Malaiyada ay kala diri karaan oo kaliya Golaha Shacabka. “Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”, waxaa sidaas Facebookisa ku soo qoray Jaamac. Qoraalkan, ayaa u muuqd mid jawaab u ah qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo sheegtay in Mursal imaanshihiisa aaney waxba ka badaleynin mowqifka uu qaatay Muudeey. Khadiijo Diiriye oo sidoo kale ah Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayay aad isugu dhowyihiin dhinaca siyaasadda Kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka C/Wali Muudeey. C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo 18-kii Augosto sanadan Gudoomiye Mursal u magacaabay La Taliyeihiisa sare, laba maalin kadib markii laga qaaday Xilka Taliye Kuxigeenka NISA, ayaa fariin Jawaab ah ka soo diray Turkiga, isgaoo ay wada socdaan Mursal. Arintan, waxey banaanka u soo saartay Khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya Mursal iyo Muudeey, Mursal ayaa xafiiska fadhiya oo kaliya wax ku dhow 7 Bilood, maadaama xilka AFhayeenka baarlamaanka uu iska casilay Jawaari oo cadaadis xoogan uga yimid dhanka Xukuumada, sida uu hore uga dhawaajiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
PIDA Week 2018: Experts weigh Africa’s infrastructure needs against rapid urbanization and growing population Despite challenges, “PIDA is already moving the development needle,” African Development Bank expert says. Victoria Falls, Zimbabwe, 29 November 2018 – Experts attending this year’s Africa infrastructure conference say the continent needs to accelerate its infrastructure development to match the continent’s growing population and rapid urbanization to achieve development goals. The experts from multilateral development institutions observed that with rapid urbanization and a tenfold increase in water needs for energy production, there is an urgent need to mobilize more financial and technical resources for infrastructure projects and plans, to support the continent’s economic development goals. Furthermore, Africa’s population is projected to reach 1.6 billion by 2030, according to the United Nations, that would further put pressure on water resources and food production sectors. According to the African Union Commission, the poor state of infrastructure in Sub-Sahara Africa in respect to electricity, water, roads and ICT, reduces national economic growth by 2 percent and productivity by as much as 40 percent. “Empirical evidence however suggests that PIDA is already moving the development needle. It will provide the backbone for Africa’s regional integration, trade, investment, food security and competitiveness as economic corridors are beginning to develop through newly constructed road networks and one-stop border posts,” Moono Mupotola, The Bank’s Director for Regional Development and Integration, said. Mupotola’s remarks underscored expert reviews of regional infrastructure projects in the transportation (roads, rail, aviation), energy and power sectors, under the first PIDA Priority Action Plan (PIDA- PAP 1:2012 -2020) being showcased and profiled at PIDA Week 2018. Infrastructure transport projects being discussed include the Central Corridor Dar es Salaam to Chalinze Toll Road; the Kinshasa-Brazzaville Road and Railway Bridge; the High-Speed Rail Network (HSRN); the Abidjan-Lagos corridor and Praia-Dakar-Abidjan corridor projects; and the Single African Air Transport Market (SAATM) initiative. Four regional power projects are also being showcased, namely, the Ethiopia-Sudan Power Interconnector, Zambia-Tanzania-Kenya Power Interconnection, Batoka Hydropower Plant, and Inga III Hydropower project. The capital cost of delivering the PIDA-PAP is estimated at US$68 billion or US$7.5 billion annually. Projections by analysts at the African Development Bank and the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) show that delivery of the PIDA Energy Road Map would also boost industrialization and promote regional cooperation and energy efficiency through regional power pools. Presently, 32 percent or 131 of all 433 PIDA projects under the PIDA priority action plan are under construction or already operational, says Symerre Grey-Johnson, Head of NEPAD’s Partnerships, Regional Integration, Infrastructure and Trade Division. According to officials from the PIDA Secretariat, the continent did not have any One-Stop-Border Post prior to 2009. Currently, 76 One-Stop-Border Post projects have been identified across Africa’s regional economic communities and PIDA: 10 have been completed in East, Southern and West Africa, 12 are under construction, five are being planned and 49 are awaiting possible design and construction. Africa’s integration agenda is currently experiencing a momentous phase with the recent launch of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) and the creation of the SAATM. The PIDA agenda is critical to both initiatives. Forty-four African states have signed the soon to be ratified consolidated text of the AfCFTA. The Core Team on SAATM Infrastructure led by NEPAD is partnering with the Bank, the African Union Commission, the International Civil Aviation Organization and other partners to reduce fares and costs of travel by 50 percent. It hopes achieve air traffic double-digit growth rates in Africa by 2023. Deliberations at this year’s gathering of key players in Africa’s infrastructure space are being held on the theme, ‘PIDA Implementation through Good Governance – Realizing Smart Infrastructure for Africa’s Integration.’ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada online)-Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga fal celiyay dhaqan cusub oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Askarta oo ah kuwo cusub ayaa bilbaabay inay toogtaan dhalinyarada lagu eedeeyo inay dhacaan mobeylada ay dadweynaha wataan, waxaana la arkayay marar badan iyaga oo muuqaalo ka duubaya dhalinyarada dhiig baxaysa. Dhaqankaasi ayaa dad badan oo Soomaaliyeed siyaabooyin kala duwan uga falceliyeen waxaana ay sheegeen inuu yahay mid cusub oo fool xumo ku ah ciidanimada iyo dhaqanka Soomaalida. Dadka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dhalinyarada mobeylada dhaca isla goobta lagu toogto, laakiin dadka dilalka geysta ay ka baxsadaan goobta iyadoo waliba ciidamada ay joogaan mararka qaar. Waxay sidoo kale ay sheegeen in dadka cadowga ah ee dhibaatada geysta lagu hayo saldhigyada, laakiin dhalinyaro laga yaabo inay daruufo arintaan u geysteen in isla goobta lagu toogto. Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa kasoo muuqday muuqalaada qaar, iyaga oo dhalinyarada la toogtay oo dalbanaya in la badbaadiyo ay u diidayaan in goobta laga qaado. Wali magaalada Muqdisho kama dhicin in la toogto ruuxa geysta dilka dadka shacabka iyo madaxda dowladda, laakiin waxaa inka badan seddex jeer dhacday in la toogto dhalinyaro mobeylo dhaceysa. Walow ciidamada ay wax badan ka qabteen dhaca joogtada ee laga geysan jiray Suuqa Bakaaraha, haddana isla Suuqa bakaaraha waxaa ka dhacda in dad lagu dilo, kuwii dilayna ay ka baxsadaan goobta. Hoos ka daawo Dhacdadii ugu dambeysay https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Lug-kuma-lahan-dhaqan-dowladeed-mid-muslim-iyo-mid-biniaadannimo-intaba-in.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
President Muse Bihi Abdi Failed Attain the Elections on Time As the election commission stated yesterday, they have once again postponed the election. The commission clearly defined the reasons for the delay which includes the lack of initiate by the current president Muse Bihi Abdi. Since the Solidarity Party (Kulmiye) came to power in 2010 they have miserably failed to fulfil their responsibility. To prevent any extension of the lower House of parliament and no election in the predictable future, the President has power to intervene through the judiciary branch as he did the previous president, but he ignored it. Somaliland has been functioning as a full government for almost twenty-eight years; however, Somaliland is still suffering for undertaking the House Representative and Local Council election. The former President of Somaliland was unable to conduct the House Representatives election for 7 years in which he was in office. The ill-fated issues that the current administration inherited from the previous leader must be fixed before it is too late. Why does the election need the concession between the decision maker? As we know it, the last election of the House Representative was held in September 2005. Before the last election were held in 2005, the main obstacle was the lack of electoral laws. For that reason, the leaders of the both houses have been delaying, postpone and extended the election. As we have witnessed, former President Dahir Riyaal Kahin was the only president who achieved to perform the parliamentary election in 2005. After President perceived the inevitability of possible extension of the Lower House of Parliament, President Dahir Riyal Kahin took a strong decision and put forward to Constitutional court for their cause. The President Dahir Riyaal succeeded and finally was signed and published the election law on April 12, 2005. We are deeply disappointed if the election is postponed and not conducted on time. Those who love the democracy, rule of law and human rights in Somaliland would grieve concern. The parliament and local government elections will be assigned in March 2019; however, it seems it will not be held on time as the election commission announced. As we have witnessed in early 2017, the House of elders (Upper House) postponed the Presidential election, House of Representatives and Municipality election without care the outcry of the Somaliland people. No one wants that to happen again. To fulfil the command of our constitution, we are against any illegal postpone of any elections whether it is House of Representatives, the House of Elders (Upper House), Local Councils or Presidential. The members of parliament are thugs and they do not deserve to remain in the office for one more day after their illegal terms ended. I have a right to call them criminals. For 13 years, they have been collecting the taxpayer’s money as well as kickbacks. Somaliland constitution set up the terms of the office, which is 5 years from the date the Supreme Court announce the results. The new president credibility is at stake as long as the election is delayed. The election delay undermines democratic progress in Somaliland. The delay of the election could cause serious concerns among opposition parties, international partners and those who love the sustainability development of the Somaliland. This coming election is the litmus test of the new elected government. As the constitution mentioned, any changes such as the number of districts, regions or their boundaries, and the reasons for the changes could be proposed by the executive branches. And finally approves by the House of Representatives and House of Elders. The House Representatives election laws (Law No: 20-2/2005) says: “In the election of the House of Representatives of the Republic of Somaliland, the country shall be divided, in accordance with Article 109 of the national Constitution, into electoral regions which will have the same boundaries as the six districts which existed on 26 June 1960 and which are now the regions.” Qaran News
-
Dalxiiskii Madaxweynuhu Deelqaaf iyo afxumuu Dalkii kusoo kordhiyey. Siddii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa oo ciddi ka maqnayn askar iyo dharcadba ay u cidleeyeen xafiisyadii iyo xeryihii, Una gabeen hawshii ay qaranka u hayeen, iyagoo kaxaystay wixii gaadiid qaranku lahaa iyo iskarogooyin ay dhagaxaan ku rarteen, Una kicitimeen socdaal taxtaxaash ah gobolada bariga DHEXE ee Somaliland,si uu Mudane Muuse Biixi usoo baro oo uu indhaha ugu soo jeexo xukuumadiisa habeedada qabta ee Carada wax jira iyo caalamkaba lasocon. Se hubaal wuxuu noqday socdaalka madaxwenuhu mid shacabkii reer Somaliland indhaha u furay oo ay ogaadeen in Masuuliyiinta Mudane Muuse igmaday ee uu horkacayaa ay yihiin kuwii ugu hadal, anshax, dhaqan, masuulnimo, dulqaad, sharaf, himilo, han iyo hawraar liitay uguna gurucnaa ee abid soo mara jamhuuriyada Somaliland. Iyada oo aan lasoo koobi karin waxyaabaha sharaf dhaca ahaa ee hore loogu arag madax qaran inay ku kacaan iyagoo ku sugan goob gole ah oo saxaafadii joogto kuna hayaan sawir qaadayaasha Shaashadaha laga fiirsado, siddoo kale shacab tiro badanina joogeen oo weliba madaxweynihii qarankuna xaadir ahaa ay aflagaado iskugu geystaan madaxi si qalafsan oo ka dheer milgaha masuul iyo maamuuska madaxnimo, sida odhaahdii guracnayd ee gefka qayaxan ahayd ee SHADHAAB! (shut up), Taas oo masuul sax is yidhi masuulkii kale kalmadaa ku yidhi ahayd afkaaga xidh!, odhaahdaa gafka ahayd ee guracnayd ee masuulka afkiisa kasoo yeedhay madaxweynuhu muu dhibsan se wuu u Dhoolo cadeeyey Intii ku xeernaydna wey ku dareen, Taas oo amakaag ku noqotay ummadii goobjoogayaasha ahayd ayna U fasirteen in habdhaqankan qalafsan ee askartii macangaga ahayd ee qarnigii tegey ku dhaqmi jirtay inuu sal u yahay xukuumada madaxweyne Muuse oo lagu carbiyey laguna horjoogo masuuliyiintan, sidoo kale waxay U garawsaadeen in Cabashooyinka shacabku soo tabin jireen ciddii madaxweynaha u sheegi lahayd siddoo kale lagu yidhi weedhaa, Ileen waataan warcelin madaxweynaha laga waayey e, se hubaal waxay ummadu soo wadatayba xaalku waa Shadhaab hadal kama danbayn!. Waxa jirtay iyana in taariikhda markii ugu horaysay dalkii gobolo dhedig iyo lab lagu kala sheego madaxweynihiina lagu soo dhaweeyo lana yidhaa kusoo dhawoow gobalka raga iyo sidoo kale gobalka odayaasha. Waa wax lalayaabo runtii se hadduu Madaxweynuhu ogolaaday in uu tegey gobolkii raga iyo kii odayaasha, malaha socdaalka kan xiga wuxuu u taxtaxaash tegidoono gobolka dumarka iyo gobolka habraha!. Isku soo wada duub oo hubaal Dalxiiskii Madaxweynuhu Deelqaaf iyo afxumuu dalkii kusoo kordhiyey. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Jerusalem (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Sacduuiga Maxamed Bin Salmaan ayaa si dadban usoo dhaweeyay ra’iisul wasaarihii Yahuuda Ehud Barak sanadkii 2015, isaga oo ka dhigayay inuu ka iibinayo Tiknoolajiyadda Computer-ada , sida uu baahiyay wargeyska Daily Haaretz ee kasoo baxa Israel. Shaqsiyaad matalayay Maxamed Bin Salmaan oo xiligaasi ahaa ku xigeenka labaad ee dhaxal sugaha Boqortooyada, ayaa taleefan kula hadlay Ehud Barak oo isagana ahaa ra’iisul wasaaraha Israel intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2001. Wuxuu xiligaasi doonayay Maxamed Bin Salmaan caawinaada Barak oo aheyd inuu ka caawiyo adeega Tiknoolaji ee u saamaxaya inuu dhageysto taleefanada xubnaha boqortooyada Sacuudi Carabiya. Iyada oo laga duulayo wada sheekeysigii sanadkii 2015 dhexmaray labada dhinac, ayaa wargeyska wuxuu yiri ” Barak ayaa door ka qaatay hirgelinta Shirkad uu lahaa, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday shirkado badan oo Israel leedahay oo daneynayay Tiknoolajiyadda Sacuudiga” Warbixino uu soo saaray ra’iisul wasaarihii xiligaasi ee Yahuuda oo marar badan matalayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasaaradda Difaaca, ayaa sheegay “Inuu diiday dalab Taleefoon oo kaga yimid Imaaraatka Carabta” Sacuudiga ayaa marar badan weydiistay Yahuuda Soft weero u sahlaya inay si dhow u dhageystaan codadka taleefanada ay adeegsadaan shaqsiyaadka ay doonaan inay weeraraan Caasimada Online Xafiiska Jerusalaan Caasimada@live.com
-
Qaab dhismeedka bani’aadamka waxaa ugu muhiimsan MADAXA, oo hadii uu wareero Qofku waxaa lagu tilmaamaa in uu waalan yahay,sidaas ayaa loo yiraahdaa ALLOW MADAXA NOOGA ILAALI.Waxyaabaha ugu daran ee qofka wareeriyo waxaa ugu horeeya MASEYRKA, oo hadii uu maseyr ku galo waxaad tahay uun Qof waalan. Dawadaaduna waa in aad hesho ama ka guuleysato wixii maseyrka keenay, taasina hadda ma muuqato waxeyna u baahantahay in waqti la siiyo. Hadaba, Hadii aad la yaabanyahay, Wanaaga ay wax ku socdaan, iyo halbeega cabirkiisu aqligaaga ka weyn yahay, waa barnaamuj aad looga fakaray laguna fariisiyey siyaasad xeeldheer oo aan horey looga baran Geeska Afrika. Balse waxaa jira tabo badan oo lagu aarsado, ma aha oo kaliya in aad noqoto mid ku jahawareersan wadadii uu u mari lahaa hadafkiisa,iyo waliba in aad jawaab ka bixiso hadal walba oo soo yeera. TANI WAA XIKMAD aan is leeyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur wey anfaceysaa: – Waa baa waxaa jiray shinbiro ku noolaa wadamada qabow sida Yurub, waqtiga winterka ama qaboobaha waxey soo aadi jireen Afrika, shimbir ka mid ah shibirihii ayaa go’aan saday in uu waqtiga qaboobaha joogo Yurub oo uusan ka soo tagin. Kadib waxaa dhacay in Barafkii soo daatay, Baalashiina ay ka qoyeen, kadibna waxa uu ku soo dhacay dhulka, Sac meel ku xiran hoostiisa ayuu ku dhcay, Sacii ayaa Xaarweyn dusha ka saaray shimbirkii. Shimbirkii wuxuu ku fakaray in ay u dhamaatay oo uu dhimanayo, balse Xaarkii wuxuu ka helay diirimaad iyo kuleyl. Kkadibna inta uu madaxa la soo baxay ayuu wuxuu bilaabay in uu qayliyo ama hadaaqo, bisad weyn ama Yaanyuur meesha mareysa ayaa dhawaaqii maqashay inta ay ku soo leexatay ayey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee uu shimbiku ku dhexjiray, kadibna wey cuntay. Hadaba maxey tahay xikmadda qoraalkan yar. 1 – Go’aanka aad qaadato yuusan noqon mid dadka kaa reeba. (Waayo shimbika wuxuu qaatay go’aan ka reebay shimbihii kale). 2 – Hadii qof dhib kuu geysto ha u qaadan in uu yahay cadowgaaga (waayo Saca xaarweyn ayuu dusha ka saaray shimbirta balse diirimaad bay ka heshay oo cadowgeeda ma aheyn). 3 – Qof walba oo adigoo murugeysan ama dhib ku jira kaa soo saaro ha u qaadan in uu yahay saaxiibkaa. waxaa laga yaabaa in uu cadowgaaga noqdo (waayo Bisadii ama mukulaashii markey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee shinbirta dusha ka saarnaa ma noqon saaxiibkeed ee waxey noqotay cadow weyna cuntahay) Habada, hadii aad meel wanaagsan dooneyso aamusnaantaada ha badato, oo afkaaga xir. (If you’re warm and happy in a pile of shit, keep your mouth shut.) W/Q: Eng. Bashir Hassan Farah bashkaxaji@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka. Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka. Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya. Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag. Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola. Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay. Qodobo gogoldhig ah: Dowlad kasta waa inay ku shaqeysa Miisaniyad sharci ah oo laga ansixiyay Wakiillada Shacabka (Barlamaanka ama Gole deegaan). Dowladdu ma qaadi karto canshuur iyo khidmo, mana qaadan karto amaah haddii uusan jirin sharci u oggolanaaya. Sidoo kale, Dowladdu ma bixin karto kharaj aan horey sharci ugu oggolaan. Helitaanka Deeqda kabidda Miisaaniyadda waa howl u baahan dadaal siyasadeed iyo mid maamul oo dhib badan. Dhaqangelinta Miisaaniyadda waxaa u xilsaaran Laanta Fulinta (Executive Branch), gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda; BFS wuxuu u xilsaaran yahay ansixinta Miisaaniyadda ku tala galka ah, la socoshada, dabagalka, iyo baarista dhaqangelinta Miisaaniyadda la ansixiyay iyo oggolaanshaha wax ka beddelkeeda haddii loo baahdo, iyo ugu dambeyn ansixinta xisaab xir sannadeedka uu Hantidhowraha Guud soo xaqiijiyay in dhaqangelinteeda waafaqsan tahay sharciga Miisaaniyadda, Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha. Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga rabaa inay si joogto ah ugu gudbiso BFS xog hufan, dhammeystiran maalin kasta, usbuuc kasta, bil kasta iyo sannad kasta. Hase yeeshe, xaqiiqada waxay tahay in Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ay ka cagajiidayaan u hoggaansanaanta sharciga gudbinta iyo la wadaagidda xogta BFS iyo Shacabka waqti munaasib ah. Bankiga Dhexe waxaa laga rabaa inuu gudbiyo xisaab xirka dhaqdhaqaaqa Xisaabta Khasnadda Dowladda (Treasury Account). Hantidhowraha Guud waa Hay’ad kaabeysa xilgudashada BFS. Shacabka Soomaaliyeed ma rumeysan karo in Madaxda Dowladda Federaalka daacad ka yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa ilaa laga dhammeystirayo Dastuurka Qabyada ah, laga helayo Garsoor madaxbannaan, laga dhaqangelinayo sharciyada madaxbannanida Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Guddiga Xuquuqul Insaanta, isla markaana laga joojinayo xildhibannanada loo magaacaabayo Golaha Wasiirrada ama la laaluushayo. Madaama ay muuqato in Wasaaradda Maaliyadda baalmartay warbixinta Guddiga Maaliyadda ama u bareertay olole jaahwareerin, waxaa halkaan hoose ku qodobeysan nuxurka Warbixinta ka kooban 14 bog oo aysan ku jirin lifaaqyo ku xusan, waxaana loona qaybin karaa 2 qaybood: 8da Bog ee ugu horreeya waxay qeexayaan maamulxumada iyo ku tumashada sharciga maamulka Miisaaniyadda iyo Xisaabaadka ee loo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa xusid mudan in warbixinta Guddiga aysan sheegeyn lacag la xaday, waxayna dalbeysaa in Hantidhawraha Guud soo baaro dakhliga iyo kharajka aan waafaqsaneyn Sharciga. 6da Bog ee ugu dambeeya waa shax muujineysa: Is barbardhigga dakhliga ku tala galka ah iyo kan soo xarooday 8 bilood; 2. Kharajka ku talagalka ahaa, Kharajka Isbeddelka Wasaaradda Maaliyadda sameysay iyo kharajka dhabta ee baxay 8 bilood. Shaxda waxaa ku cad: Ku talagalka Dakhliga iyo kharajka Guud ee Miisaaniyaddad 2018 wuxuu yahay $274,630,191. Dakhliga Guud ee dhabta ah oo ka kooban Gudaha iyo Dibedda oo soo xarooday 8 bilood Jannaayo ilaa Agoosto wuxuu yahay $156,717,203.53. Dakhliga Guud ee dhimman 4 bilood (Setember ilaa Disember 2018) waa $117,912,987.48. Shaxda ayaa muujineysa Madaxyada Dakhliga gudaha iyo dibedda ka soo galeen iyo wixii hoos u dhac iyo koror ahba. Xisaabta kor ku qoran waxay muujineysa hoos u dhac guud ee dakhliga ku talagalka 2018. Shaxda Kharajka waxay muujineysa in Wasaaradda Maaliyadda isbeddel ku sameysay Qoondooyinka Kharajka ku talagalka Miisaaniyadda la ansixiyay 2018, taaso sharcidarro ah. Kharajka baxay 8da bilood Jannaayo ilaa Agoost 2018 waa $ 152,582,958. Farqiga dakhliga iyo kharajka dhabta ah ee 8 bilood waa $156,717,203.52 – 152,582,958= Haraa $ 4,134.245.52. Hoos u dhaca dakhliga guud waxaa ka dhashay hakinta bixinta kharajyo la oggolaaday. Taas waxay keeneysaa hoos u dhaca waxqabadka dowladda iyo kororka deynta gudaha. Arrintaas waxay fasireysa in hay’ado badan ee Dowladda Federaalka aysan helin kharajka howl socodsiinta (Running Cost). Lama oga deynta DF qabto. Guddiga wax kama sheegin arrimo badan ee la xiriira Maamulka Maaliyadda dibedda iyo Gudaha sida habka wax iibsiga dowladda, canshuur dhaafka dekedda, Qandaraasyada, heshiisyada lala galay shirkado ajnabi ah ee Dowladda Iidheh u sameynaya, Mashaariicda, iyo wareejinta dhex marta DF iyo Dowlad Goboleedyada. Qeexidda Maamulxumada Warbixintu tilmaantay: Xisaab Xirkii 2017 oo weli laalan. Bankiga Dhexe oo si sharci darro ah ula wareegay awoodda amar bixinta kharajka ee Xisaaabiyaha Guud iska leeyahay. Lacago laga soo ururiyay hay’ado gaar loo leeyahay (Rayid ah) oo Wasiirka Maaliyadda maamulayo si aan waafaqsaneyn sharciga xagga soo ururinta iyo xagga bixinta kharajka. Canshuur la rabay in laga qaado hay’adaas gaarka loo leeyahay oo aan weli la hirgelin. Lacag dhan 20 milyan doolar oo Boqortooyada Sacuudiga bixisay hase yeeshe aan ka muuqan Miisaaniyadda 2018. Lacag dhan 3 milyan doolar oo laga wareejiyay si sharci aheyn Madaxa Miisaaniyadda “Adeegga Dowladda” loona isticmaalay si aan sharci aheyn. Deeqda kabidda Miisaaniyadda aan la helin, loona baahan yahay xogwarran. Lacagtii loo qoondeyay “Keyda lama Filaanka/Curaarta” oo dhan $2,532,866.86 oo 5% loo isticmaalay ujeedoo ka duwan tii loogu talagalay. Lacago Mashaaric loogu tala galay oo aan loo isticmaalin ujeedadii loogu talo galay. Fulin la’aan go’aammadii ku lifaaqnaa ansixinta Miisaaniyadda 2018 sida dhowrista awoodda kala wareejinta xafiisyada dhexdooda, soo gudbinta warbixinta maaliyadda bil kasta iyo warbixinta 10 biloodka, soo gudbinta sharcigii canshuuraha, keyda lama filaanka ah, liiska deymaha gudaha ee Dowladda lagu leeyahay, iwm. Fulin la’aan go’aankii ahaa in Barlamaanka Federaalka la horkeeno Miisaaniyadaha Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho). Qoondooyin dheeraad ah ee loo qoray Hay’ado ka tirsan Dowladda taaso ka baxsan Oggolaanshihii Miisaaniyadda 2018. Bixin la’aan lacag dhan $ 8,400,000 oo loo qoondeyay xildhibannadii iyo shaqaalihii hore ee Barlamaanka Federaalka, lacagtaasoo qaar si khaldan loo isticmaalay, isla markaana xildhibannadii iyo xuquuqdii shaqaalihii lahaa aan ilaa maanta la siin. Inaan la diiwaan gelin Ciidammada dalka marka la reebo 5,400 ciidan, taaso hortaagan taagerada dibedda. Islaa markaa, Wasaaradda Maaliyadda ma fulin in askariga la diiwan geliyo loo kordhiyo mushaarka $ 50.00 (konton) bishii. Inaan la dhowrin mudnaanta kala hormarinta kharaj bixinta. Maamulka Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho) oo musuqmaasuq ballaaran iyo fowdo maamul ka taagan tahay. Gobolka ma lahan Miisaaniyad ku talagal iyo Gole matala Shacbiga deegaanka oo ilaaliya maamulka hantida Ummadda. Wasaaradda Maaliyadda waxay siisaa Gobolka Benadir 15% dakhliga ka soo xarooda Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Gobolka wuxuu toos u qaada canshuuro kala duwan. Warbixintu waxay caddeyneysaa in muddo 6 bilood ah – Jannaayo ilaa Juunyo 2018, Gobolka Benadir soo galay dakhli dhan $17, 713,086.26 waxaana baxay kharaj dhan $16,776,631.80, oo aan inta badan wax dokumenti ah laga hayn ama aan lagu bixin hab waafaqsan sharciga xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda. Lacagta haraaga ah waa $ 936,454.46 Khasnajiga Dowladda Hoose ee Gobolka Benadir wuxuu Bankiga Dhexe ka soo qaday lacag dhan $ 5,972,085.82, lamana arag wax caddeynaya in dadkii loo soo qaaday la siiyay ama la gaarsiiyay. Mushaarka shaqaalaha Gobolka Benadir oo laga gooyo 30% sabab la’aan. Jiritaanka Shaqaale mushaar ka qaata meelo kala duwan ama shaqaale aan jirin ama aan la aqoon shaqada ay qabtaan oo mushaar ka qaata Gobolka Benadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Hay’ado ayaa lacag ka qaata Gobolka Benadir. Jawaab celinta Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.A –Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Drs. Maryam Cabdullahi Yusuf waxay caddeysay in $5 milyan oo ka mid ah $ 20 milyan ee Boqortooyada Sacuudiga ku deeqday 2017 lagu soo wareejiyay Khasnadda Dhese ee DF Bisha 9aad (Setember) 2018, halka $ 15 milyan ay weli ku jirto Xisaab Gaar ah ee Bankiga Dhexe ku qoran. Caddeyntaas waxay rumeyneysaa warbixinta Guddigga. Su’aasha taagan waxay tahay madaama hoos u dhac dakhli jiro, maxaa lacagtaas loogu soo wareejin la’yahay khasnadda dhexe ee dowladda?B – Ilaa hadda, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdidraxman Ducaale Beyle ma soo bandhigin xog beddeleysa warbixinta Guddiga Maaliyadda ee BFS. Jawaabta laga sugayay waxay aheyd inuu soo bandhigo xisaab xirka 2017 iyo xisaab xirka 8 bilood 2018. Kaddibna qodob qodob uga jawaabo warbixinta. Wasiirku wuxuu ku dhaqaaqay olole jaahwareerin, dhaleeceyn iyo kicin. Hal ku dhegga Wasiirka wuxuu noqday in warbixinta ay qoreen shakhsiyad, daneystayal (canaasiir) dano gaar ah leh (conflict of Interests). Sidaa darted, warbixintu been abuur tahay asagoo aan wax caddeyn ah bixin. Wasiirku wuxuu is moogeysiyay in Xildhibannanada ay waajib ku tahay inay mashaaric iyo qandaraasyo u raadiyaan deegankooda iyo dadkooda sida uu asaguba ugu raadinayo horumar Gobolka iyo dadka uu matalo. Laanta Fulinta ayaa laga rabaa inay wax qabadkeeda waafajiso sharciga iyo nidaam. Qoraalka 6da bogga ah ee Wasiirka Maaliyadda ka jeediyay BFS iyo wareysiyo uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda waxaa ka buuxa hanjabaad, cambaareyn, is ammaan, quursi, iyo indho sarcaad. Wasiirku welwel abuuris iyo kicin darted wuxuu ku andacooday in warbixinta Guddiga Maaliyadda ay dalka dhibaatoo gelineyso, lana rabay in asaga laga warqaato, lagu kalsoonaado, lagana dambeeyo. Dhibka dalka ka taagan waa musuqmaasuq, maamulxumo, ku tumashada xorriyada iyo xuquuqda muwaadinka, cadaalad darro, iyo curyaaminta howlaha BFS iyo Hay’adaha Madaxabannan. Wasiir Beyle waa qaadan waayay in xildhibannada dhalliileen wax qabadkiisa, mana muujin inuu ku qanacsan yahay hadafka qotada dheer ee laga leeyahay xilka ilaalinta (Oversight) BFS ku leeyahay Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. La Xisaabtanka dowladda waa howl u baahan sharci u hoggaansanan, aqoon, iyo daahfurnaan dhab ah. Wasiirku wuxuu sheegtay in shacbigu kalsooni ku qabo, IMF ammaantay, xildhibannada diyaariyay Warbixintana ay muujiyeen biseyl la’aan, iskuna khaldeen dakhli iyo deeq. Wasiirku wuxuu Xildhibannada xusuusiyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo asagaba ammaan mudan yihiin. Waa halis in dhirrigelinta siyasadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ula jeedo in dadaalka la kordhiyo loo qaato ammaan wax qabad. Wasiirku wuxuu ku dooday inaan weli la xirin Xisaabaadka Miisaaniyadda 2018, taaso ah fadeexo weyn, waayo waajibka shaqo waa in maalin iyo bil kasta la sameeyo xisaab xir, hay’adaha shaqada ku lehna lala socodsiiyo. Wasiirku wuxuu qirtay in lacag dhan $3 milyan laga bixiyay Madaxa 105-03 kaddibna lacagtaas dib loogu soo celiyay iyo in lacag tabarucaad ah laga qaaday Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bankiyada loona isticmaalay howlgelinta Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center), asaguna maamulay, taaso ah sharcidarro. Wasiirku ma hubsan in ka Wasiir ahaan ku urursan karin magaca dowladda tabarucaad, kaddibna u isticmaali karin siduu rabo. Dowladdu shaqo kuma laha tabarrucaad (Iskaa wax u qabso) dadweynaha haddii aysan Dowladdu shirka ku aheyn, markaaso loo baahan yahay in nidaam gaar ah loo sameeyo. Guulaha Wasiirku sheegtay waxaa ka mid ah: In dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo khasnadda dhexe ee Dowladda taaso been noqotay kaddib markii lacag dhan $ 15 milyan doolar ee la helay 2017 aan weli lagu soo wareejin Khasnadda Dhexe ee Dowladda. Tan labaad, Wasiirka ayaa qirtay in malaayin doolar oo deeqbixiyayaasha ay bixiyeen aysan ku soo dhicin Khasnadda Dhexe, madaama aan Dowladda lagu kalsooneyn. Qoraal ka soo baxay khubaro ka shaqeysa Bankiga Adduunka (WB) iyo Qarammada Midoobay (UN) waxay sheegeen in wax ka yar 4% deeqda Beesha Caalamka ku bixiso Soomaaliya la soo marsiiyo Khasnadda Dowladda. In Dakhliga Gudaha ku talagalka 8 bilood ahaa $ 104 Milyan, lana soo xareeyay $ 112 milyan. Isla Markaa Wasiirku wuxuu sheegay in Kharajka la bixiyay 8 bilood noqday $147 Milyan doolar, taaso muujineysa in loo baahan yahay xisaab xirka Dakhliga Gudaha iyo dibedda si loo qiimeeyo dhaqangelinta Miisaaniyadda. Wasiirku oo raba inuu beeniyo hoos u dhaca dhabta ah ee dakhliga guud, wuxuu qoraalkiisa ku yiri: “Shakhsiyadkaan ayaa warbixintooda ku tilmaamay in guud ahaan dakhliga dowladda hoos u dhac ku yimid, waxay tilmaameen in canshuuraha shaqaalaha dowladda aanu fadhin hase yeeshe waxaysan eegin isbadalka ma mid koror ah baa mise waa mid hoos u dhac ah, waxaan soo rognay in dhamaan canshuur laga qaato shaqaalaha ka shaqeeya mashaaricda iyo dhamaan gunnooyinka dowladda bixiso sida xeerka uu qabo; ku talagalka canshuurta shaqaalaha ee 8 bilood ayaa ahayd 3.23 milyan doolar halka ay soo xerootay 3.7 milyan doolar, runtii arrintan waa arrin mudan bogaadin.” Farqi ayaa u dhexeya hoos dhac guud iyo hoos u dhac/kor u kac hal Madax. Warbixintu kama hadlin canshuurta shaqaalaha aanu fadhin. Waa tusaale muujinaya is ammaan iyo ka badbadin. 24 Nofember 2018, Wasaaradda Maaliyadda waxay soo saartay Warsaxaafadeed ay ku soo dhoweyneyso go’aanka Barlamaanka Federaalka ku tirtiray warbixintii Guddiga Maaliyadda Barlamaanka ee ku saabsaneyd Maamulxumada Miisaniayadda 2018. Warsaxafadeedku wuxuu sheegayaa sababaha loo tirtiray warbixinta inay yihiin in Miisaaniyadda 2018 weli xirmin, inaan la raacin habraacii Barlamaanka iyo in Wasaaradda Maaliyadda si buuxda u burisay nuxurka Warbixinta. Saddex sababood midkoodna sax ma ahan. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan dal iyo dad dhan ku burbureen. Dr. Maxamud M Culusow mohamuduluso@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa Walaac badan ka qaba in doorashada Puntland ay dib uga dhacdo xiliga loo balansan yahay oo ah Siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2019. Madaxweynaha talada iminka haya C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu markale kusoo laabto hogaaminta maamulka Puntland oo uu ka talinayay sanadihii ugu dambeeyay. Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabo in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaana uu sheegay in qodobo dhowr ah aysan saamaxeyn. Arrinta koowaad ayuu ku sheegay inay tahay inaan la magacaabin ilaa iyo hadda guddiga doorashada iyo guddiga xalinta Khilaafaadka oo xal ka gaari lahaa murunada ka dhasha doorashada Puntland. Wuxuu sidoo kale shaki weyn ka qabaa in guddi doorasho oo hadda la dhisaa inaysan ka shaqeyn doonin cadaaladda doorashada deegaanada Puntland, sida uu hadalka u dhigay siyaasi Muuse Jaamac. Arrinta labaad ee keeni karta dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay faragelinta xukuumadda hadda jirta ee Gaas ay ku heyso howlaha doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada. Arrinta seddexaad ee keeni karto dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay in Gaas uu xildhibaano badan la doonayo inuu ka dhigo dumar, si uu hadhow u helo codadkooda, taasina ay abuuri doonto iska hor imaad. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeelanaya taliyaasha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, iyaga oo ka arinsanaya qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM. Taliyaasha ciidamada AMISOM oo gaaraya lix Taliye una kala dhashay dalalka Uganda, Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo Burundi ayaa shirkooda Muqdisho ka furmaya kaga hadlaya qorshahooda ugu dambeeya ee bixitaanka ciidamada AMISOM. Kulanka ayaa yimid kadib booqashadii Muqdisho ay ku yimaadeen xubnaha guddiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa, kuwaasi oo tagay magaalooyinka qaar ee dalka iyaga oo u kuurgalayay xaaladda amaan ee Soomaaliya. Maxamed Idiris oo ah guddoomiyaha wafdiga soo gaaray magaalada Muqdisho oo ka kooban 27 xubnood ayaa sheegay in safaro ay ku tageen magaalooyinka qaar inay gelisay rajo wanaagsan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka AMISOM. Kulanka maantaka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa taliyaasha ay kasoo saari doonaan qorshaha ugu dambeeya ee ay ciidamada AMISOM uga bixi doonaan Soomaaliya 2019 ilaa 2021. Kulanka Taliyayaasha kaddib waxaa xigi doona kulan ay yeelanayaan Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo iyana ka hadlaya habka ugu wanaagsan ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaadhi gaashaaman ayaa lagala goostay ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Tuka-raq gaar ahaan guutada koowaad. Gaadhigan oo uu saarnaa qori Dhashiike ah ayaa ahaa Haadhtoob ( LANDCRUISER 4.5) waxaana la baxsaday darawalkii waday, sida ay ku waramayaan warar uu helay wargeyska Geeska Afrika darawalkan gaadhiga la baxsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaacil Maxamed Yogol (Budul) oo Hargeysa ka soo jeeda. Waxaana fiidkii xalay tilifishanka maamul gobaleedka Puntland ka soo muuqday gaadhigan gaashaaman iyo askarigii darawalka ahaa oo qori ku gaashaaman kaas oo baabuurka barbar taagnaa. Sarkaal ka tirsan ciidanka maamul gobaleedka Puntland Ismaacil Warsame ayaa ka hadlay gaadhiga iyo askariga ula yimi “Waxa halkan noogu yimi gaadhi waraaj ah oo uu wato hal sarkaal oo ciimada jiida hore ee Somaliland fadhiya,waxaanu usheegaynaa qolada ka sokaysa iyo kuwa ka shisheeyaba in wax natiijo ah aanay jirin, ninkaasina uu kaligii gaadhiga watay.” Waxa ay wararku intaas ku darayaan in gaadhigan gaashaaman darawalkii waday inuu yahay ninkan la galay maamul gobaleedka Puntland, waxaana baxsigani uu ugu suurto galay kadib marii si qorshaysan uu ula dhuuntay xiligii duhurka oo inta badan ee ciidanku ay ahaayeen kuwo nasasho ku jiray. Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jiida hore ee Tukraq ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamul gobaleedka Puntland oo dhawar jeer oo hore uu dagaal ku dhex maray sandkan jiidaas, dagaaladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinacba ah. Geeska Qaran News