-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirka madaxda waddamada G20 oo ku bilaabmay khilaaf iyo is afgaranwaa Hogaamiyeyaasha dunida ayaa furitaanka kulankooda G 20 ku bilaabay khilaaf iyo is afgaranwaa, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in shirkaan ka dhacayo dalka Argentina uu ku guul dareeysto in uu ka soo baxo heshiis kama dambeeys ah. Madaxda ayaa waxa ay aad ugu kalaa qeeybsameen mowduucyada isbedelka cimilada, ganacsiga iyo dilkiI loo geystay weriye Khashoggi. G-20 waxaa ku bahoobay ilaa 19 dal oo ah kuwa ku hormaraya dhanka warshadaha iyo Midowga Yurub. Shirka wadamadaan ayaa waxaa la bilaabay sanadkii 2008-dii waxa ayna xubnaha ka tirsan fursad u siinaysaa in ay ku xalliyaan arrimaha siyaasadda ee ugu waaweyn oo markaasi tagan. Aminga magaalada Buenos Aires oo uu shirka ka dhacaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maalintii jimacahana laga dhigay maalin fasax ah, waxaana la xiray dhamaan ganacsiyada waaweyn ee magaalada. Dibedbaxayaal ka careeysan lacagta lagu kharash gareeyay shirka ayaa isugu soo baxay banaanka goobta uu ka dhacayo kulanka. Dhanka kalana Mareeykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal ganacsi oo saameeyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida. Madaxweynaha Mareykanaka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha ayaa markii ugu horeeysay kulmi doona tan iyo markii canshuuraha lagu kordhiyay badeecadaha isaga kala goosha labada dal. Mareykanka ayaa shiinaha ku eedeeyay in ganacsigiisa uusan ahayn mid cadaalad ku saleeysan halka shiinuhuna uu Mareeykanka ku eedeeynayo in uu isku dayo in uu xakameeyo kobaca dhaqaalihiisa ku saleeysan sharciga. Ka hor kulanka cashada ee labada madaxweyne ayuu Mr Trump sheegay, in ay wanaagsanaan lahayd in ay heshiisa ka gaaraan khilaafka ganacsiga ee labada dal. Qaran News
-
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo. “Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu. Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kinshasa (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa xiran muddo todobaad ah kaddib markii ay hanjabaad uga timid koox la baxday ADF, oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda DRC Leonard She Okitundu, ayaa sheegay in hanjabaad ay heleen ay tahay mid sax ah islamarkaana loo qaatay si dhab ah, taas oo sababtay in la xiro safaaradda lana fasaxo shaqaalaha. Waxaa uu kulan la qaatay kaaliye ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Elizabeth Fitzsimmons, waxaana ay si wadajir ah u ballan qaadeen in ay uga hortagayaan qatarta soo wajahday. Kooxda ADF ayey Dowladaha Congo iyo Uganda ku eedeeyeen in ay xiriir toos ah la leedahay Al-Shabab oo ka dagaalanta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya. Guddi ka tirsan Qaramada Midoobey oo baaris ku sameeyay xiriirkaas ayaa sheegay in muddo dheer ay ku qaadatay xiriirka ADF iyo Al-Shabaab. Laakiin Hay’ad cilmi baariseed oo ka dhisan Congo ayaa xaqiijisay in xiriir wanaasgan uu ka dhaxeyo Daacish iyo ADF, sidoo kalena ay xiriir la leedahay Ururro ka dagaallanak Tanzania iyo geeska Afrika intiisa kale. Mac-hadka cilmi baarista ee Bridgeway Foundation, ayaa xaqiijiyay in ADF ay ciidamo ajannabi ah u dagaallamaan kuwaas oo ka yimid Afrika iyo meelo kale baxsan. Isha: Africanews
-
Waxa saaka ka Dhacay bariga magaalada London shir ay isugu yimaadeen tageerayaasha Jeegaanta Somaliland we ku dhaqan dalka Ingriis khaasatan magaalada London Shirkani oo uu ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka xukumadda Muuse Biixi oo ay wahelinayeen wasiir iyo wasiir ku xigeenka ayaa markii hore lagu sheegay mid la isugu soo dhawaynaayo qurba jooga reer Somaliland we ku dhan UK. Hase ahaatee waxa uu kulankani ahaa mid ku kooban beelaha Jeegaanta ee dagan UK. Shirkani oo ku furmay caajis iyo Maamul xumo waxa aad uga biyo diiday dadan oo ka soo qaybgalay galayaashii ka mid ahaa. Dadka dalka gudihiisa ku nool ayaa cadaalad daro iyo saamigii ay xaqa u lahaayeen tirsanaaya ilaa taas la saxo oo dalka Laga saaro habka boqortooyada ee la galiyay oo Somaliland noqoto mid la wada leeyahay shaqayn mayso in Saylaci oo Awdal qudhunsaday in la iska soo horaysiiyo. La soco warka oo faah faahsan Qaran News
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Koonfureed ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo la socday Gaari nuuca raaxada ah, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Jaamacadda Shabelle iyo Labaajada Weydow ee duleedka M/ Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Garasbaaley C/laahi Gaanbure oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Waxaana uu sheegay in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Qarax.mp3 The post Qarax xoogan Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa jimcihii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland. Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Kenya James Meru. Wasiirada ka socday dawladda Somaliland oo kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaas ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay maalgashadaan Somaliland. Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland. Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal oo kale oo loola macaamilayo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujinaya sida xaaladdi sidaas ahayn. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
The election of Southwest State presidency has been postponed to December 19 on Saturday, becoming the 4th time since last Month, according to the electoral commission in Baidoa city. The Somali government has deployed 50 police officers in Baidoa town to guard the presidential election of Southwest state. The state is expected to hold its presidential election on 19th December after three of postponement. Southwest state officials who spoke to Halbeeg News confirmed the deployment of the police officers saying they were organized at the request of Southwest State authorities. The officers were airlifted from Mogadishu today ahead of the election. According to an official who spoke on a condition of anonymity, the police commanders of Southwest state and Baidoa, Mahat Abdirahman and Mukhtar Gaduudow respectively have requested the deployment of the police officers in Baidoa town. The commissioner reportedly called for the deployment of additional 50 soldiers to give support to 250 other law enforcement officer already in place who will man the election. According to the sources, the forces will scale up security operations during the presidential election. The move comes barely three days after Somali ministry for Security issued a statement directing the state’s security ministry to execute its roles and secure the election venues as well as the general security of the region. The state is expected to hold the state’s presidential election on 19th of this month. The winner of next month election will replace the state’s former president Sharif Hassan who resigned on Nov. 7 and withdrew from the upcoming election, after he cited widespread interference of the electoral process. The post Southwest State election postponed for the fourth time to December 19 appeared first on Shabelle. View the full article
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 1AAD 1960kii ka hor Wabiga DAANUUB waxa loo aqoonsaday inuu noqdo xuduuda rasmiga ah ee u dhaxaysa CROATIA iyo SERBIA wuxuuna u socon jiray sida maska oo kale. 1995 ka hor waxa is badalay dariiquu hore u mari-jiray wuxuuna noqday wabi toos u socda, wuxuuna 8 dhul oo waawayn ka jaray CROATIA dhulka u waynina yahay 65km2 raaciyayna dhulkii SERBIA halka serbiyana uu ka jara afar dhul oo yaryar ka u wayni yahay 7km2 ka u yarina yahay 0.1km2 raaciyayna dhulkii CROATIA Sidaa darteed CROATIA waxay sheeganaysaa xuduuda dariiqii hore ee wabigu marijiray 1960 kii si-aan looga jarin 8 dul ee waawayn halka SERBIA sheeganayso xuduuda cusub ee wabigu sameeyay si ay u hesho dhulkan wayn ee wabigu CROATIA kasoo jaray waxaanay isla galeen maxkamada Dawali ah oo socota 23 sano. Hadaba labada dawaladoo waxay diidan yihiin qaadashada ama sheegashada 4taa dhul ee yar yar iyadoo midwaliba leedahay anuu malihi ee adaa leh, Dawladii qaadata 4taa dhul waxay waayaysaa 8daa dhul ee waawayn, 4taa dhul waxay noqdeen bilaa dal bilaa dawlad waxayna kami noqdeen 7 dhul ee dunida ku yaala eenay cidi lahayn. Halkaa markuu xaalku marayo sanadkii 2015 Mudane Vit Jedlička ayaa dagay Afartii dhul tii u waynayd ee ah 7km2 Dawlad cusubna kaga dhawaaqay una bixiyay magaca LIBERLAND Calanka dawladana ka taagatay madaxwaynena ka noqday. La soco TAXANAHA LIBERLAND. Dhisida dawlad cusub. Dhisida magaalo cusub, Dhisida Dhaqaale Cusub. Qaran News
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku warramaya in maanta Askar ka socota dowladda federaalka Soomaaliya ay gaareen gudaha magaaladaasi. Ciidamadan oo gaaraya illaa iyo 50 Askari ayaa la sheegay in Diyaaradii siday barqanimadii maanta ay ka degtay Garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud. Askartani oo ah kuwa Boolis ah ayaa ka qeyb qaadan doona xaqiijinta ammaanka Baydhabo oo 19 ka bishan ay ka dhaceyso doorashada K/ Galbeed. Waa qeybtii labaad ee Askar ka socota DFS oo gaara halkaasi, iyadoona shalay Baydhabo ay tageen illaa 50 kale oo lagu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi. The post Askar ka socota DFS Oo maanta gaaray M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Ururka ONLF iyo Wafdi uu hoggaaminayo. ONLF ayaa ku horay looga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu waddaa in ay wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed. Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood,waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaradaha ee Hilton. OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.
-
Xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska hortiisa ka sheegay inuu qabo cudurka AIDS-ka Xildhibaan Lloyd Russell-Moyl Mudane ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inuu qabo cudurka HIV-ga, xilli uu aqalka ka doodayay arrin ku saabsan caafimaadka dadweynaha. Lloyd Russell-Moyle, oo ah xildhibaanka xisbiga shaqaalaha ee laga soo doortay degmada Brighton Kemptown, ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xaaladdiisa ku saabsan cudurka HIV-ga uga dhawaaqa gudaha baarlamaanka hoose, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee sheega inuu la nool yahay xanuunkaas. Wuxuu sheegay inuu dareemay sidii inuu ku khasbanaa ka hadalka arrin isaga shakhsi ahaan u saameysay. Mr Russell-Moyle ayaa ku boorriyay wasiirrada iney dib u eegis ku sameeyaan go’aanka wax looga dhimayo miisaaniyadda loogu tala galay caafimaadka dhinaca galmada. Wuxuu xildhibaannada aqalka hoose u sheegay in sannadka soo socda uu u noqon doono sannadkiisii 10-aad ee uu la noolyahay cudurka HIV-ga. “Marki aan ogaanayay inaan xanuunkaas qabo waxay igu ahayd “argagax dhab ah” laakiin ma aysan ahayn dhammaadkii dunida, inkastoo dhowr ilbiriqsi ay sidaas kula noqoneyso” ayuu yiri Mr Russell-Moyle, oo 32 sano jir ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa safar dheer, laga soo billaabo markii aan niyad ahaan u aqbali waayay ilaa maanta oo aan ahay qof u dooda dadka xanuunkaas qaba, anigoo og in daaweynta la ii sameeyo ay gacan weyn ka geysato xaaladdeyda caafimaad, taasoo sidoo kale ilaalisa qof walba oo lamaane ila noqda”. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la hadlay dadka xanuunkiisa oo kale qaba: “Ugu dambeyn waxaan rabay iney ii suurta gasho inaan halkan soo istaago una sheego dadka kale ee la nool HIV-ga in cudurkooda uusan astaan u ahayn”. “Waxaan gaari karnaa heer walba oo aan dooneyno, dadka ka cabsanaya iney cudurka iska baaraan iyagana waxaan leeyahay, waxaa habboon inaad la noolaato wax aad ogtahay intii aad la dhiman lahayd cabsi”. Xildhibaankan ayaa sheegay in ku dhawaaqista arrintiisa uu doortay inuu ku soo beego maalinta Aids-ka adduunka oo ku asteysan Sabtida. Sannadkii 2005-tii ayuu xildhibaan ka tirsanaa xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Chris Smith ku shaaciyay wargeys inuu muddo 17 sano ah qabay cudurka HIV-Adids-ka. Qaran News
-
Hobyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaraan ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada maamulka Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartanaha Soomaaliya. The post Ciidamada Galmudug Oo howlgallo ka sameeyay Hobyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uul uu ka mid yahay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia Mustafe Muxumed Cumar Cagjar. Xubnahani oo tiradoodu gaareyso 20 ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, iyagoona kulamo la qaadanayo R/Wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale xubnahani ka tirsan ONLF ayaa lagu wadaa in booqdaan magalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia. Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda Eritrea. ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmara bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka. The post Xubno ka tirsan Ururka ONLF Oo gaaray dalka Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Houston (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah. Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa iyo dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen. Bush waa aabaha Goerge W Bush, oo isna noqday madaxweynaha Mareykanka 2001-2009. Inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneysay sanadahan, haddana waxa uu kasoo dhex muuqaanayey bulshada. Bishii April ayaa la dhigay isbital kadib markii dhiigiisa uu galay infakshan, hase yeeshee waa laga soo saaray. Bush ayaa sidoo kale laga daweeyey cudurka Parkinson ee jirka qofka ka dhiga mid jareeya ama lulma. Waxa uu geeriyooday toddoba bil kadib geeridii xaaskiisa. Kowdii bishii Janaayo ee sanaddii 1993-kii waxa uu booqasho ku yimid Soomaaliya, 19 malamood un ka hor inta uusan xafiiska ka tegin, wuxuuna booqday Muqdisho, Baydhaba iyo Shabeellaha Hoose, oo uu kula kulmay ciidamadii Mareykanka. Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii. Bush oo ku sugan Somalia, lana jooga ciidamadiisa (Photo by Larry Downing/Sygma/Sygma via Getty Images)Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo kala duwan aan waafaqsanay dastuurka Somaliland isaga oo tusaale u soo qaatay ciidammada ilaalada xeebaha, waxaanu ku baaqay in dastuurka la waafajiyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii uu booqasho ku tagay Wadamo uu ka mid yahay Turkiga. Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale Habdhowrka iyo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka mid ahaa xubnaha soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanda uga mahad celiyay soo dhoweyntooda. The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa markii afaraad dib loo dhigay doorashada K/ Galbeed Soomaaliya, taas oo lagu waday in la qabto 5 bishan December ee 2018-ka. Guddiga qaban qaabada doorashadaasi ayaa maanta shaaciyay in markale dib loo dhigay doorashada, lana qaban doono 19-ka bishan December. Waxaana guddigu uu arintan ku micneeyey markii ay qiimeeyeen howlaha baaxadda leh ee a horyaala iyo sida ay muhiim u tahay in la fududeeyo doorashada. Halkan hoose ka akhriso:- The post Doorashada K/ Galbeed Oo markii afaraad dib loo dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-011218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, socdaalka Madaxweynaha, dib u dhaca Doorashada, iyo qodobo kale. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Sababta Doorashada dib loogu dhigayo, waa inay jirtaa duruufo adag, haddii aan lagu dhaqmayn Dastuurka Somaliland sameeysatayna waxay noqonaysaa mashaakil, inta badana Doorashada waxa dib dhigi kara duruufo adag oo jira, Dawladduna waa inay ka waranto sababta keenaya dib u dhaca Doorashada”. Suldaanku mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Tobada xubnood laba xubnood oo qudha ayey Xisbiyada Mucaaradku leeyihiin, halka laba uu Madaxweynuhu magacaabo, laba ay Guurtidu magacawdo, halka xubinta kalena uu Xisbiga taladda hadba hayaa uu magacaabo, markaas arintan Komishanku wey adkaanaysaa, ee anigu waxaan odhan lahaa waxba yaan Doorashada dib loo dhigine, xaalada Komishanka ha laga heshiiyo, oo sidan sad-buursiimada ah umadda ha laga daayo”. Suldaanka guud mar uu ka hadlaayey safarka Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu xaq buu leeyahay inuu tago meel kasta oo dalka ah oo uu xukumayo, waana muhiim inuu xogogaal ka noqdo hadba xaalada dadkiisu ku sugan yihiin, maaha inuu Guriga Madaxtooyaduun fadhiyo, dadka ayuu soo baranayaa ,dalkuu soo marayaa, siday wax u jiraan buu soo ogaanayaa, waxyaabo badan oo marka hore ka qarsoonaa, ayaa u iftiimaya maanta, Madaxweynuhu markii hore nin arimaha siyaasada ku jira muu ahayn, ee ciidan buu ahaan jiray, ee mar haddii Madaxweynuhu uu arrimihii Siyaasada uu galay, waa inuu dal barasho iyo dad barasho meel walba oo dalka ah u tagaa, oo uu Shacabka kalsoonidiisa toos u qaata,waana ku hambalyeynayaa Madaxweynaha safarkiisa”. Suldaan Maxamed mar uu Madaxweynaha talooyin u diraayey ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Siyaasada uu wado Madaxweynuhu ha la isku daba taago, “Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu kalsoonida Shacabkiisa kasbado iyo inay si toos ah Somaliland isku afgarato, qabyaaladana guul laguma gaadho, Siyaasaduna qabyaalad ma leh, qabyaaladna in laga dheerado, ayaan soo jeedinayaa” Source
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga Maalmihii la soo dhaafay. Soo dhoweeyn ka duwan soo dhoweeynadii hore ee Muqdisho loogu sameeyn jiray gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa loogu sameeyay garoonka Muqdisho. Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu isku qilaafsan kala diristii guddiga maaliyadda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde. Amb Mursal oo si kooban u la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in wixii warbixino ay ku dhiibi doonaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa in uu si faah faahsan uga hadlo kala diristii gudoomiye ku xigeenka uu dhowaan ku sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka oo qilaaf badan ka dhex abuurtay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Xasan Cowke uu ka diyaariyay. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Cowke-Gudoomiyaha-BaarlamanaaPP-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Amb Mursal oo si ka badelan soo dhoweeynadii hore loogu soo dhoweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Decembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga. Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 December.