Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Galmudug ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeysay in ay hurineeyso colaado ka jira gobolka Galgaduud. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa si cad loogu sheegay in dowladda Galmudug ay aad uga xun tahay colaad beeleed ka soo cusboonaatay waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbal. Waxaa sidoo kale qoraalkani lagu sheegay in colaaddaasi ay tahay kuwa ay faraha kula jirto Villa Somalia, islamarkaana la siyaasadeeynayo. Warmurtiyadeedka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa imaanaya iyadoo wali xiriirka u dhaxeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada sida Galmudug iyo Villa Somalia uu meesha ka maqan yahay. Hoos Ka Daawo Muuqaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Booliska ayaa magaalada Garoowe caasimadda Puntland howlgal ay ka sameeyeen waxay ku soo qabqabteen maandooriyeyaal kale duwan. Ciidamada xasilinta dowladda Puntland ee Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyaha Khamriga oo aad u badan iyo sidoo kale maandooriyaal kale. Taliyaha ciidamada Gen. Muxiyadiin Aw Muuse ayaa saxaafadda farriin hanjabaad ah u mariyay kuwa ku howlan arrimahaas isagoo ku hanjabay in dhallinyaro ay ka war hayaan ay soo xiri doonaan dhowaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Khamri-aad-ubadan-oo-ay-soo-qabtee-ciidanka-Booliska-Puntland-oo-Garowe-Lagu-soo-bandhigay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Somaliland ayaa maanta si rasmi ah waxay ushaqaaleysiiyay 954 macalimiin, kuwaasi si bilaash ah ku shaqaynayey muddo sanado ah. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ayaa saxaafadda kala hadlay arrintaasi kaddib markii uu soo dhammaaday kulan ay wada qaateen madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada oo uu ku jiro wasiirka waxbarashada. Dhanka kale, waxaa isna arrintaa faahfaahin ka bixiyay wasiirka waxbarashada iyo seyniska Somaliland Yaasiin Xiir Faratoon. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Somaliland-954-macalin-oo-bilaash-ku-shaqeynaysay-mudo-oo-mushaar-loo-qoray.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Jilib (Caasimada Online) – Magaalada Jilib, waxaa maanta ka taagan xiisad ka dhalatay dil shalay loo gaystay Sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyay inuu gacan saar la lahaa Kooxda Daacish ee Somaliya qayb ka mid ah ka dagaalanta. Xiisadan ayaa waxa ay u dhaxeysa Shabaab dhexdooda oo ku kala aragti duwanaaday dilka loo gaystay Abu Anas Al-Misri, oo shalay lagu dilay Magaalada Jilib, kaasi oo la sheegay inuu diiday is dhiibitaan, kadib markii ciidamo Shabaab ka tirsan ay ku amreen inuu is dhiibo uuna la soo baxay bambo, kadibna ay toogteen Shabaab. Saraakiisha Shabaab qaarkood ayaa ka carooday falka ninkaasi Ajnabiga ah lagu dilay, waxayna sheegeen in arrintaasi lagu fududaaday, taasi oo keeni karta niyad jab soo wajahda Ajaanibta kale ee Shabaab dhexdooda ku sugan. Wararka ayaa sheegaya in maanta Jilib laga dareemaayey xiisada ka dhalatay arrintaasi oo ka taagan Magalada Jilib, islamarkaana Madaxda Shabaab ay isku dayayaan inay xaliyaan arrintaasi oo si wayn aysan saameyn u yeelan. Sidoo kale waxyaabaha dhaliyay xiisadan ayaa waxaa ka mid ah rag Somali ah oo Shabaab shalay ay xireen, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay Daacish xiriir dhaw la leeyihiin. Ragga Shabaab ay xireen, ayaa waxa ay ku jiraan xabsi ku yaallo Magaalada Jilib, waxaana laga cabsi qabaa in xukun ay ku ridaan Shabaab. Al-Shabaab ayaa dadka ay ka arkaan inay ku dhaqmayaan aragtida Daacish, waxa ay ku ridaan xukuno adag, waliba dil ah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. Kismaayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa isku shaadhayn ku sameeyay qaar kamid ah xubnaha Gollahiisa Wasiiradda, sida laga soo xigtay Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Digreetadda oo ku taariikheysan 13-ka bishaan November 2018 ayaa waxaa lagu magacaabay hal Wasiir, afar wasiiro dowloyaal iyo labo wasiiru ku xigeeno, kuwaasi wasaarado kala duwan ah. Laguma shaacin qoraalka masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo sababta ay jagooyinkooda ay ku waayeen. Hoos ka akhriso wareegtada The post Axmed Madoobe oo isku shaadhayn ku sameeyay Wasiiradiisa appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda. Wasiirka maaliyaddaa, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka uga warbixiyay warbaahinta ayaa sheegay intii uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta. Bayle ayaa tilmamay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan. Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya, iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo. The post RW Khayre oo gudoomiyay shir looga hadlay dayn cafinta Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa farriin nabadeed u diray malleeshiyo beeleedyo dirirtooda ay ka taagan tahay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud. Wuxuu sheegay wasiir xigeenka in ciidamo ku baxeen colaaddaasi oo uu ku tilmaamay mid xilligaan aan loo baahnayn. Wasiir Mahad ayaa sheegay in doorka Galmudug yahay sidii loo nabdeyn lahaa degmada Balanbal islamarkaana heshiis loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyada dagaallamaya. Malleeshiyada labada dhinac ayuu ugu baaqay in gacan ka hadalka ay ku beddalaan wada hadal. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GALMUDUG.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-131118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Waxaa bulshada reer Puntland iyo Soomaali oo dhan aad uga yaabiyey shir jaraa’id oo uu shalay qabtay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir ee maamul gobolleedka Puntland. Gudoomiyaha waxa uu shirkaaas jaraa’id ku duray oo uu ku cambaareeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Xassan Cali Kheyre, oo uu sheegay in uu ballamo uga baxay. Eedda waxa ay ujeedkeedu ahayd in Ra’iisul Wasaaraha uusan ka dhabbeyn ballanqaadkiisii ahaa in uu roog dhigi doono gegida cayaarayaha Mire Awaare ee Garowe! Ogow, eedeynta mas’uulka waxa ay ku soo aadeysaa xilli mamaulka Puntland uu xiriirka u jaray dowladda dhexe, Iyaga oo soo saaray in digreetooyin mamnuucaya in dhammaan hay’adeheeda aysan la falgeli karin Federal-ka. Hadaba, maxay muujineysaa eedda uu jeediyey gudoomiyaha? 1- Isdiidooyinka Maamulka Puntland Maamulka Puntland waxa aad moodaa in aysan iska warqabixin oo go’aamada madaxdooda ka soo baxa aysan la socon kuwa hoose. Waxaa taas kuu xaqiijinaya eedda uu gudoomiyaha gobolka Nugaal jeedinayo. Miyeysan Nugaal ka mid ahayn Puntland, maamulkiisa maka madax bannaan yahay Gaas, mise waxaa jiray qeybo ka mid ah oo aysan digreetooyinkii dowladda xiriirka loogu jaray laga reebay? Haddii ay xiriirka u jareen xukuumadda, side u doonayaan gacan qabashadeeda. Tani soo nama tuseyso in Puntland aysan ka maarmin dowladda dhexe iyo taageeradeeda? Dhammaan weydiimahaas waxaa ka jawaabi kara guddoomiyaha gobolka Nugaal. 2 – Hagardamada maamulka Puntland ee uu ku hayo shacabkiisa iyo dowladda dhexe Ma aha markii kowaad oo laamaha maamulka Puntland isku dayaan in ay la falgalaan dowladda dhexe. Gudoomiyaha Garowe waxaa ka horreeyey mas’uuliyiinta gobolka Bari oo qaar ka mid ah ayey Muqdisho u yimaadeen tababar ay dowladda bixineysay. Sidoo kale wasiirada, xildhibaanada iyo Madaxweynaha ku xigeenka waxa ay si joogta ah u yimaadaan Muqdisho iyaga oo la macaamila madaxda dowladda. Haddii sidaas xaalku yahay, soo Gaas dan u gaara uma hagardaameynayo shacabka Puntland, Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda? Labadan qodob waxay ku tusayaa in Puntland aysan ka maar-maarin xukuumadda, laakiin olole siyaasadeed aan meel fog jirin lagu kicinayo shacabka. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Shaacisay Cidda Dalka Soo Galisa Hubka Sharci-Darradda Ah Iyo Daroogada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) Maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa markale dil ku xukuntay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug. Gudomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntlnad G/sare Cawil Axmed Faarax oo wareysi gaara siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shalay xukun dil ah lagu riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug. Puntland ayaa 23 /7/ 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Calool Geel, Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa markii hore Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii 17/11/2012 lagu qabtay Gaalkacyo isaga oo la sheegay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana waxaa la sheegay inuu qirtay inuu yahay Al-shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo muwaadiniin oo reer Puntland ah afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo, taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa. Calool Geel, Galkacyo 17/11/2012 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay sii deyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Koonfurta Gaalkacyo 13/11/2018 Dhanka kale Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa maanta ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo lagu eedeynayo madaxda Al-shabaab ayaa saameyn ku yeeshay is bedelada Puntlnad, kadib markii Madaxweyne Gaas 2014-kii xukun dil oo xukuumaddii Faroole ku riday ka furtay, hadana markale xiliigan kala guurka ah dil lagu riday. PUNTLAND POST The post Puntland oo markale dil ku xukuntay Calool Geel appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golahiisa wasiirada. Xubnaha isku shaandheynta uu ku sameeyay ayaa u badnaa Wasiiru Dowlayaal iyo wasiiru ku xigeeno uu horay u magacaabay, sidoo kalana wuxuu soo magacaabay wasiiro cusub oo ka mid ah xukuumadda. Wasiiru Dowlayaasha isbadalka lagu sameeyay Waxaa kamid ah Madaxtooyada, Amniga, Dastuurka iyo Maaliyada. Hoos ka akhriso Isku shaandheynta Axmed Madoobe Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobo Wasaaradood oo ka mid ah kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa sida ay warar hoose xaqiijiyeen laga goostay korantii kadib markii lacagta ay bixin waayey. Inkasta oo qaar ka mid ah wasaaradaha ay shirkadda BECO dib ugu soo daysay korontada kadib markii warkan uu shaac baxay, ayagana ay codsi waqti kordhin ah dalbadeen, haddana qaar ayaa weli la’ korontada. Ma aha markii ugu horreeysay ee ay sidaan oo kale dhacdo, dhawr jeer oo waxaa biyaha laga goostay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukumadda. Arrintan waxa ay fajaciso ku noqotay shaqaalahii Wasaaradahaas iyo bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo is weydiiyey halka ay iska qaban la’dahay sheegashada Xukumadda ee ah in ay dhistay hannaankii maaliyadda dalka iyo xarumaheeda looga goosanayo adeeggii aas aasiga ahaa. Dhawaan waxa ay xukumadda sheegtay in ay kordhisay miisaaniyadda dalka, haa waa sax, laakiin maxay uga muuqan la’dahay gudeheeda oo ay fadeexadaha ceynkan ah u dhacayaan!? Mise, dhaqaalaha la kobciyey waxa uu ku kooban yahay kaliya in warbaahinta loo sheego. Haddii Wasaaraduhu, ma aha mid iyo laba -7 dhan halmar laga wada goosto koronta oo ay ku xigi karto biyaha, aaway sheegashooyinkii xukuumadda ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay dakhliga kordhiyeen, oo ay hagaajiyeen hanaankii maaliyadda? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa maanta isku shaandheyn ku sayeeyey golohiisa wasiirrada. Wasaaradaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah: Shaqalada iyo shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha madaxtooyada, maaliyadda, dastuurka, amniga iyo weliba wasiir ku-xigeennada maaliyadda iyo deegaanka iyo dalxiiska. Halkan Ka Akhriso, Qoraal Kasoo baxay xafiiska madaxweynaha: Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland,Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Digreetada oo ku taariikhaysan 13 November 2018 ee talaadada maanta ah ku beegan ayaa lagu magacaabay wasiir,wasiir-kuxigeenno iyo wasiiru-dowlayaal,iyadoo qaarkood la isku’beddelay. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland ayaa sida digreetada ku xusan loo magacaabay,Maxamed Cali Axmed,halka wasiiru-dowlaha madaxtooyada loo magacaabay Xirsi Jaamac Gani. Sidoo kale Maxamed Ibraahim Amiin,Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan ayaa loo kala magacaabay wasiiru-dowlayaasha wasaaradaha;Maaliyadda,Dastuurka iyo Amniga,sida ay u kala horreeyaan. Digreetada waxaa kale oo lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen oo kala ah;Saleebaan Maxamed Maxamuud(wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda) iyo Maxamed Cabdinuur Beerxaani(wasiir ku xigeenka wasaaradda Degaanka iyo Dalxiiska. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo isku’shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Somaliland Oo Shaaciyey In Degaankiisa Ay La Wareegtaypuntland, Xukumadda Muuse Biixi-Na U Fududeysay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Taliska qeybta 21 aad militariga Soomaaliya ee ka hawlgala dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku baxay degaanka Hardis oo qiyaastii 25KM galbeed kaga beegan degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,halkaasoo uu dagaal ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed. Taliyaha hawlgallada militariga Soomaaliya qeybtiisa 21 aad ee Galmudug, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay ku baxeen degaannada labada malayshiya-beeleed ku dagaallameen,sida ay ka soo xigatay wakaaladda Wararka SONNA. G/sare Cartan wuxuu intaasi ku daray taliska ciidanka xoogga dalku uu amar ku bixiyay in la kala dhex galo malayshiyaadka,si dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin. Dhulka lagu dagaallamay waa miyi ay ku sugan yihiin dad reer guura ah,waxaana dagaalku salka ku hayaa muran ku saabsan dhul-daaqsin iyo aanooyin qabiil,sida ay SONNA sheegtay. PUNTLAND POST The post Ciidamo ku baxay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Suuragal Ma Tahay In Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eriteria Hal Madaxweyne Yeeshaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta Huteln Impreil ee magaalada Hargeysa lagu soo gabagabeeyay kulan laba cisho magaalada Hargeysa uga socday beelaha la hayb sooco ee Gabooye, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay dhaawac iyo dil ugu geysteen labo qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Dad goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in dilka iyo dhaawaca uu ka dhacay Isgoyska Baar-Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana loo gestay lab qof oo ka tirsanaa Shirkadda Hormuud. Sidoo kale waxaa la sheegay in falkan uu dhacay xilli ay kusii jeedeen Masjid ku yaalla Isgoyska Baar Ubax si halkaasi ay ugu soo dukadaan Salaada Duhur,waxaana rasaasta lagu furay ragaan ku dhaawacmay Haweeney goobta ka agdhaweyd. Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaadhay, kuwaas la filayo inay Warbaahinta la hadlaan. Source
  21. Waxaan Itoobiya booqday sanadihii ugu horeeyey ee ay talada dalka la wareegeen ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Maadaama ay Jabhadu doonaysay in ay gacanta si buuxda ugu dhigaan talada iyo awoodd dalka waxay soo dhowaysteen qowmiyadaha ay is lahaayeen waad garabsan kartaan, Soomaalida si wayn ayey u soo dhoweeyeen. Waxaan xusuustaa Meles Zenawi oo Soomaalida ka difaaca qowmiyadaha kale gaar ahaan Amxaarada ka yureeya, baasaboorka Soomaaliga la soo baxa. Hadal haynta ugu badan ee xilligaa socotay waxay ahayd Itoobiyada cusub. Waa laga xoroobay kaligii taliskii nidaamkii Dergiga ee Mingiste. Meles kuma ekayn oo keli ah in uu kasbado shacabka Soomaali Galbeed ee wuxuu isku deyey in uu shirar dib u heshiisiin u qabto Soomaaliya. Shirkii 1993 lagu qabtay Addis Ababa ayuu isku keenay dib u heshiisiinna u qabtay koooxaha Soomaalida. Waxaan xusuustaa Dr C/majiid Xuseen oo leh hoteelka ay ku shirayaan ka sii dayn mayno ilaa ay ka heshiiyaan. Jabhaddii TPLF markii ay talada dalka Itoobiya gacanta si buuxda ugu dhigtay waxaa gebi ahaanba is beddelay siyaasaddii soo jiidashada ee furfurnaanta iyo dabacsanaanta ku dhisnayd. Abiy Ahmed Abiy Ahmed iyo qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo waxay ku cusub yihiin hoggaanka talada dalka. Waxay ku jiraan xilligii furfurnaanta iyo soo-jiidashada qowmiyadaha kale. Xilligii uu Zenawi iyo qowmiyadda Tigreegu talada dalka qabteen waxay maquuniyeen oo awooddii ay lahaayeen wiiqeen Amxaarada oo ahayd qoladii uu Mengistu Haile Mariam ka dhashay. Waxay ku guuleysteen in dhammaan qowmiyadihii kale ay ku abaabulaan Amxaarada, una tusaan in ay yihiin cadawga koowaad ee mudan in Itoobiya laga qabto. Amxaaradii waxay noqdeen Tuke caanbaar leh oo cid walba il xun ku eegto ilaa ay magaca qowmiyaddooda la gabbadaan. Hataan qowmiyadda uu Abiy Axmed u arko in caqabad wayn ku yihiin xukunkiisa waa qoladii 28-kii sano ee tegey talinaysay waa qowmiyadda Tigreega. Oromo waxay isbahaysi galeen Amxaarada oo ay haatan isku cadaw yihiin. Wuxuu kaloo Abiy soo dhowaystay Asias Afawerki oo qowmiyad ahaan Tigree ah laakiin hoggaankii TPLF ay cadaawad xooggani u dhaxaysay. Wuxuu kaloo dabacsanaan iyo furfurnaan kula dhaqmayaa Soomaalida oo hataan dawlad u dhisan tahay haba taagdarnaatee Abiy Axmed waxaa haysta Caqabado badan oo hataan ka mashquulinaya in uu dibadda soo dhigo siyaasadda dhabta ah ee uu Soomaalida Galbeed iyo Soomaaliya-ba kula dhaqmayo. Xukun Xajin Abiy weli uma suuragelin in aawoodda dalka gacantiisa soo wada gasho. Weli gacanta kuma hayo hoggaanka qowmiyaddiisa Oromada iyo guud ahaan ururka EPRDF oo ah xisbiga talada dalka haya oo ay ku midaysan yihiin qomiyadaha Amxaarada, Tigreega, Oromada iyo Iskutaga qowmiyadda Koonfureed. Qowmiyadda Oromo waa qawmiyad aad u qaybsan. Waxay leedahay kooxo kala aragti iyo hoggaan duwan. Shan koox ayaa ugu wayn . Kooxda uu hoggaamiyo Merera Gudina oo ah Oromo Federalist Congress (OFC). Waxaa kaloo jira Oromo Democratic Front, (ODF) oo uu hoggaamiyo Lencho Letta. Waxaa kaloo jira Oromo Liberation Front (OLF) oo uu hoggaamiyo Dawud Ibsa. Waxaa kaloo jira kacdoonka dhallinyarada oo la yaqaan Qeerroo oo uu hoggaamiyo Jawar Mohammed. Iyo kooxda uu Abiy hogaamiye oo horay loo oran jiray Oromo Peoples’ Democratic Organization (OPDO), laakiin haatan la baxay Oromo Democratic Party, (ODP). Markii uu Hailemariam Desalegn is casilay ayaa si uu Abiy ugu tartamo hoggaanka ururka EPRDF, waxaa xilka OPDO uga tanaasulay Lemma Megersa oo ah Madaxweynaha Kilinka Oromada. Shantaas koox ee Qowmiyadda Oromada ka soo wada jeeda weli ma midaysna mana laha hal aragti oo Itoobiya lagu hoggaamiyo, laakiin waxay ka midaysan yihiin in fursadda taariikhiiga ah ee qowmiyada Oromada soo martay lagu mitido oo aysan faraha ka bixin. Amxaarada Qowmiyadda Amxaarada waxay isku arkaan in sanado badan la siliciyey oo cadaadis iyo ciribta lagula taagnaa. Waxay la isbahaysi ku meel gaar ah la samaysteen Oromada si looga takhaluso Tigreega. Ururka Amhara Democratic Party (ADP) oo horay loo aran jiray Amhara National Democratic Movement (ANDM) wuxuu ka mid yahay xisbiga talada haya ee EPRDF. Sida Oromada oo kale ayuusan awood badan ku dhex lahay Xisbiga, balse ANDM iyo OPDO Waxaa fursad siiyey kacdoonadii ay dhallinyarada labada qowmiyadood hormuudka ka ahaayeen, kuwaasoo sababay in Hailemariam Desalegn is casilo, Abiy Axmed na la doorto. Ururka ANDM qudhiisa waxaa ka hoos kacay oo dhowaan abuurmay urur kale la baxay National Movement of Amhara (NaMA). NAMA waa dhadhaqaaq xooggan oo laga yaabo In uu dhowaan daaqadda ka saaro ANDM oo loo arko urur ka hoos shaqayn jiray Tigreega, maadaama ay EPRDF ka tirsanaayeen. Amxaaradu waxay kaloo halis u arkaan awooda Oromada oo sii xoogaysanaysa. Dhinaca kale, maadaama ay bartanka kaga jiraan Tigreega iyo Oromada dad iyo deegaana isku hayaan, Tigreega ma doonayaan in dhexda la gashado oo ay labadan qolo u heshiiyaan. Waxay ku jiraan feegijnaan dheellitiran. Kuwooda xag jirka waxay aaminsanyihiin in ay dhul ka haystaan qowmiyadaha Tigreega, Cafarta, Baniishangool ka iyo Oromada. Qowmiyadaha Koonfureed Ururka Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM) waa isku isbahaysi ay ku midoobeen qowmiyado kala duwan, maadaama ay Isbahaysi yihiin dhexdooda ayaa ishaya. Qowmiyadaha qaar ayaa doonaya In ay maamul gobolleed noqdaan. Waa tii uu Abiy Ahmed ku lahaa wiilka Uraagada ah maxaad ku falaysaa dawlad goboleed, Soomaaliya ayaadba u shaqa tagaysaa, isagoo ka wada waxaan balaarinaynaa Itoobiya. Loolanka aragtiyeed iyo masiirka Itoobiya Tigreegu markii ay talada dalka la wareegeen 1991-kii oo ay meesha ka saareen nidaamkii Dergiga ahaa waxay la yimaadeen federaal qomiyado ku salaysan iyo nidaam dhaqaale ee ay u bixiyeen Developmental State, taasoo ah in dawladdu ay hoggaamiso horumarka dhaqaalaha gaar ahaan dhinaca qorshaynta maalgelinta, sharciga suuqa dhaqaalaha xukumaya, faragelinta dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo warshadaynta. Waa nidaamkii Bariga Asiya ku soo caana maaleen oo nidaamka siyaasiga oo kali talis ah, laakiin dhaqalaaha uu Capitalism yahay. Tigreega haatan uma xiisa qabaan federaal ay dawladda dhexe awood badan leedahay sidii markii ay talada dalka hayeen ah. Waxay ka door bidayaan hannaanka Konfederaalka ah oo dawlada dhexe aysan faraha la gelin dawlad gobolleedyada, loona reebo awood aan sidaas u buurnayn. Waxaa sidaas la qaba Amxaarada iyo qaar ka mid ah qowmiyadda Oromada. Abiy Axmed qudhiisa markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Kilinka Oromada sidaas ayuu aaminsanaa, laakiin hataan Waxaa la macaanaaday in dawlada dhexe ay awood badan yeelato. Tigreegu waa qowmiyadda keli ah ee aruursan, hoggaan iyo shacab isla socdaan, dhufays adag kaga jirta in la isugu tago. Qowmiyadaha kale khilaaf xooggan ayaa siyaasiyiintooda u dhexeeya. Amxaarada oo markii hore isbahaysi ahaayeen Oromada si meesha looga saaro Tigreega, haatan sidii hore maaha oo waxay doonayaan in haddii aysan boqor noqon karin ay Boqor sameeyaha noqdaan. EPRDF Ururka EPRDF shirkii ugu danbeeyey ee uu yeeshay Waxaa la isku raacay in dib u habayn lagu sameeyo ururka. Waxaa kaloo ka isku raacay in ururka la balaariyo oo lagu soo daro qowmiyadaha kale sida: Soomaalida, Banishangoolka, Cafarta, Harariyiinya iyo Gambellaha. Abiy markii uu xukunka qabsaday wuxuu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo furfurnaan xooggan ka muuqato, laakiin waxaan weli laga wada hadal hawlaha lafdhabarka u ah xilliga kala guurka sida, dib u habaynta dastuurka, dimoqoraadiyeynta, hannaanka doorashooyinka iyo dib u habaynta garsoorka. Doodaha caynkaan ah waxaa ka soo dhex baxaya halka loo jihaynayo Itoobiya. Sida muuqata Abiy gacanta kuma wada hayo xooggaga siyaasadeed ee Oromada. Sidoo kale gacanta kuma wada hayo dawladaha gobollada, qolo kasta ama koox siyaasadeed kasta ajende iyaga u gaar ah ayey wadataa. Waxaa intaa dheer shaki la kala qabo. Ma jirto qowmiyad doonaysaa in dib loogu noqdo sidii Derg ahaan jiray oo ay Amxaarada awooda xogeeda magaca dawlada dhexe ku haysatay, ama sidii federaalka magaca ahaa, laakiin Tigreega ay xukunka dhabta ah iyagu haysteen. Ma sahlana in nidaam Dimoqoraadi ah oo tartan daah furan doorasho lagu kala helo uu haatan Itoobiya ka hirgalo, mana sahlana in sidii ay ahaan jirtay dib loogu celiyo. Ma muuqato In EPRDF sii jiri karto welina ma cada sida isbahaysiga siyaasadeed ee cusub u samaysi doonaan. Soomaalida fursad wayn ayaa halkan uga furan. Waase hadii talo wadaag iyo iskutashi dhexdeeda ah uu jiro. Afwerki Hoggaamiyaha Eritrea wuxuu guul u arkaa in TPLF oo ay isaga is hayeen talada laga tuuray . Inta badan Jabhadaha hubaysan ee Itoobiya la dagaala Waxaa xarun u ahaa dalkiisa sida OLF, ONLF, Ginbot 7 iyo kuwa kale. Afawerki qayb kama ahayn kacdoonka shacbiga ah ee ay dhallinyarada, sababtoo ah ma jecla kacdoonka caynkaas. Afwerki marna ma doonayo in Itoobiya ay sideedii hore ku soo noqoto taasoo uu u arko in ay halis ku noqoto jiritaanka Eritrea. Dhinaca kale, waxaa culays siyaasadeed ka haystaa gudaha dalkiisa oo ku dhowaad 300 oo kun oo askari oo qafaal iyo askariyeyn qasab ah lagu qoray ayaa furumaha dagaalka iyo kaydka ciidanka ahaa. Dhalinyaradaas waxaa lagu dagaal gelinayey cadawga Itoobiya oo doonaya In ay Eritrea laqaan. Su’aasha ugu wayn ee haatan hortaala Isaias Afwerki waa mar haddii cadawgii lagu cabsiinayey shacabka Eritrea meesha ka baxay, Itoobiyana ay isbeddashay xaggee lagu jihaynaynaa shacabka. Isbeddelka ka dhacay Itoobiya oo kale ayaa looga fadhiyaa in uu dalkiisa ka sameeyo oo siyaasada furfuro. Afwerki iyo Abiy way isku baahan yihiin, laakiin nin walba tiisa ayaa haysata. Abiy wuxuu u baahan yahay in Jabhadaha hubaysan ee Eritrea saldhiga u ah uu la heshiiyo, lana kala ilaaliyo Tigreega iyo Eritrea oo heshiiya, sababtoo ah waxay noqon karaan awood ama dawlad xooggan oo isaga iyo qowmiyada Oromada wiiqda. Afwerki wuxuu rabaa in Abiy u ololeeyo in cunaqabataynta laga qaado. Cunaqabatayn qaadista waxaan marka looga maarmin Soomaaliya oo ahayd sababta u Meles Zenawi ugu marmarsiyooday in Eritrea cunaqabataynta la saaro. Taas ayaana keentay in Farmaajo arrinkaas laga saxiixo oo marba dhinac loo wado. Isbahaysiga Sedex Geesoodka ah Waxaa muuqda in maalmahan durbaanka loo tumayo isbahaysi seddex geesood ah oo ay Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ku midaysan yihiin. Abiy Axmed oo dalkiisa marxalad kala guur ah oo adag ku jiro wuxuu doonayaa in uu hogaamiyaha Eritrea gacanta ku hayo si uusan carqalad ugu noqon ama caqabad u dhigin. Afwerki qudhiisa wuxuu doonayaa in uu marxaladdaan ka faa’iido oo cunaqabataynta laga qaado, hubiyana Itoobiya oo xooggan oo halis ku ah Eritrea aysan soo noqon. Waxaa kaloo dan wayn u ah in Dekedaha Casab iyo Musawac la maalgeliyo, daaqanadan ka saaraan Dekadaha Jabuuti, Berbera iyo Boosaaso. Waa nin Itoobiya aad u kala yaqaan, garan karana halka ay ka jilcantahay iyo halka ay halista kaga keeni karto. Wuxuu kaloo doonayaa in uu geeska geliyo il gaar ah ku eego Jabuuti iyo Suudaan oo ay si wayn isku hayaan. Waxaan la ogayn waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka doonayo Isbahaysigan oo aan ka ahayn waxa ay taageerayaashiisa Facebook ku soo qoraan oo ah in maamul gobolleeyadii iyo Somaliland meel laga saarayo. Waan dood garawshiyo leh aa in shacabka uu dhibsaday habdhaqanka madaxda maamul goboleedyada oo Itoobiya ka dhex bixi jirin iyagoo dalwadda dhexe la xafiiltamaya. Runtii waa dood sharci ah. Dhinaca kale, waa in aan garawsanaa in aysan jirin cid kaaga sama falaysa waxay u aragto in uu yahay taagdaro istiraatiijiyadeed (strategic weakness) uu dalkaadu leeyahay. Waa laga yaabaa in si ku meel gaar ah lagaaga khafiifiyo, laakiin way adag tahay in abid lagaa joojiyo. Mar haddii arrinku sidaas yahay waxaa haboon in aad xalliso sababta keentay mushkiladda intii aad baryi lahayd hoggaamiye dal kale. Waa in aad soo celiso kalsoonidii iyo is aaminaddii kuna qanciso kuwa talada kaala dhaxayso in in ay dhaqankaas ka waantoobaan. Tan kale waa in meesha laga saaro baahida loo qabo joogitaanka ciidanka Itoobiya oo haatan ammaanka Soomaaliya marti looga yahay. Waa laga yaabaa in taaktikada iyo farsamada isbedasho, laakiin waa hubaal in aysan Istiraatiijiyadu marna isbedelaynin. Ma la yaabayo in aan aragno Abiy oo Muuse Biixi ama madaxda maamul Goboleedyada qaabilaya, sababtoo ah ma jirto culays siyaasadeed uu fal celiskaada kaga baqo ama kaarar gacanta kuugu jira oo fal u dhigma ku samaayn karto. Waxay ka dhigan tahay in aad naxariistiisa magan u tahaya Gobolka Dawladaha Gobolka gaar ahaan, Suudaan, Jabuuti, Kenya iyo Uganda waxay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Isbahaysiga seddex geesoodka ah. Sababtuna waxay tahay in aan la ogayn ujeedka dhabta ah ee Isbahaysiga ka danbeeya. Seddexda dawladood waxay kuwada jiraan IGAD. Waxaa kaloo la is waydiinayaa ma waxaa jira duul kale ee Gobolka ka baxsan oo gadaal ka riixaya Isbahaysigan? Haddii ay su’aasho HAA tahay maxaa dowladaha Jabuuti, Suudaan iyo Kenya looga reebay. Mise Isbahaysigu waa mid jilid ah oo caqabadaha hoggaamiye walba gudaha dalkiisa ka haysta kaga dhuumanayo? Mise waa mid dano ku meel gaar ah lagu xallinayey? sida cunaqabatayn qaadista Eritrea oo Abiy iyo Afwerki ayaa dano ku kala beddelanayey?. Taasina waxaa xoojinaya in aanu Isbahaysiga qaabdhismeed iyo xoghayn maamul toona lahayn, wax dukumiinti ahna kama soo baxaan, hab-raac shaqo, iyo hannaan dabagalna ma laha. Maqaal uu daily Nation ku qoray 11-kii November Peter Kagwanja oo ah ninka ay u dhaxdo haweenayda wasiirka arrimaha debedda Kenya Monica Juma ayuu shaki wayn ka muujiyey ujeedka Isbahaysiga . Maqaalka uu cinwaan uga dhigay “Resurgent ethnic nationalism shaping geopolitics in the horn” ayuu Peter ku doodayaa in ujeedka Abiy Ahmed uu yahay in uu dhiso (Cushitic Alliance) Isbahaysi Kuushitik ah oo ay sal u yihiin Oromada iyo Soomaalida. Laakiin dadka wax ka qora ama u kuurgala arrimaha Geeska Afrika uma arkaan Isbahaysi sii tilaabsan kara marka la eego caqabadaha ku hor gudban gudaha iyo bannaankaba. Itoobiya waxay ku jirtaa xili gala guur oo caqabado badani haystaan, sidoo kale Eriteria waxaa soo wajahaya caqabado isbedel doon iyo nidaam beddelid ah oo gudaha kaga imaanaya, Soomaaliyana kaba sii daran. Wax wayn kama beddelna isbahaysigii dhicisoobay oo sanadkii 2002-dii lagu dhisay madasha Sanca (Sana’a Forum) oo ay isku bahaysteen Itoobiya, Yaman iyo Suudaan, markii danbana Jabuuti iyo Soomaaliya gadaal kaga biireen. Sanca Forum ujeedooyinka la mid ah kan haatan la sameeyey ayuu lahaa oo ahaa Iskaashi amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed, keliya waxaa la doonayey in Eritrea lagu takoore oo geeska lagu geliyo. Waa laga yaabaa in kana la doonayo in Jabuuti lagu gacan bidxaynayo. W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay weerar ku qaadeen Shaqaale ka tirsanaa Shirkada Hormuud, xili ay marayeen Isgooska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay 2 Qof ayaa ku geeryootay, halka hal qofna uu ku dhaawacmay. Qofka dhaawaca ayaa waxaa loo qaadday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho, iyadoona halkaasi lagu dabiibayo. Kooxda weerarka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadee. Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Shaqaalhaan ayaa ka shaqeenayey Xarunta ay Hormuud ku leedahay Isgoyska Baar Ubax, waxayna xilligaas u socdaan Salaadda Duhurka. Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen. Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com