Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xiray waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Caasimada Online Xafiiska Jedaah Caasimada@live.com
  3. Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay waxgaradka degmadaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlayey dilal dhowaan ka dhacay Hobyo, kuwaasi oo salka ku haya aanooyin qabiil. Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in waxgaradkan ay si hordhac ah heshiis u gaareen, islamarkaana isla fahmeen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadallada kala ee dhanka nabadda ah. Odoyaashan kulmay ayaa sidoo kale isugu imaan doono kulamo kale oo ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, mar kalena aanay usoo noqon wixii dhacay. Waxyaabaha hadda ay isla garteen waxaa ka mid ah in aanay dhib kale dhicin, islamarkaana cid walbo oo dhibaato geysata la mariyo waxa uu sharciga ka qabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-CALI-CEYN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa dib kaga biloday saaka Degmada Mooyaale ku taala xuduuda u dhaxeya labada dal. Ku dhawaad 10 ruux ayaa wararka la helayo saaka ay sheegayaan inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka lagu dul dagaalamayo. Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ee Soomaalida ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi u tagay inay kala dhex galeen labada Qowmiyadood, laakiin ma aysan sheegin cidda ay la safteen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Cabsi xoogan ay ka jirto taasi oo soo foodsaartay Soomaalida ku nool deegaanka Mooyaale, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu intaasi kasii xoogeysan karo. Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan, waxaana fashilmay wadahadalo maalmihii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaal beeleedka u dhaxeeya labada qowmiyadood. Gelinkii dambe ee shalay ayuu dagaal sidaan oo kale ah uu dhexmaray labada Qowmiyadood, waxaana madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida laga dalbaday inuu arintaan xal ka gaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. WAFDIGII UU HOGAMINAAYAY GUDDOOMIYAHA BAANK DHEXE EE SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY SHIRKADO MAALIYADEED IYO CALANKII SOMALILAND OO LAGA TAAGAY XARUMAHOODA. Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee u anbabaxay dalka Ingriiska aya kulamadoodii ugu horeeyay la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdiga ka socday Somaliland waxa si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeen waxaana calanka Somaliland ee towxeedku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska. Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed oo xaruntoodu tahay magaalooyinkaas . Halkan ka Daawo Muqaalka Warkaas:- Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirar kala duwan kadib dib loo dhigay doorashada Koofur Galbeed oo la filayay in 17 bishaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa sheegay in muddo 10 maalin ah ay ku darsadeen guddiga si loo dhameystiro dhamaan shaqooyinka ka harsan doorashada Koofur Galbeed. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyn ee waqtigaasi loogu daray doorashada ayaa ah in lasoo dhameystiro xubnihii dhawaan iska casilay xubinimada guddiga doorashada. Sidoo kale waxaa la filayaa in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo si ay u dhageystaan khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo ay ka horeyso diiwaan gelinta dhamaan musharixiinta Koofur Galbeed. Maanta ayaa la filayaa in xubnaha guddiga doorashada ay ku dhawaaqaan muddo kordhinta 10-ka maalin ah, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib kulan saacado qaatay oo dhex maray sii haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ka haray guddiga doorashada. Xaaladda siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed ayaa isbadashay waxii ka dambeeyay markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta kulan ka yeelanaya u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018. Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Dood dheer oo xildhibaannada Golaha shacabku ay Isniintii ka yeesheen ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayay ku soo bandhigeen talooyin kala duwan oo ku saabsan ku noqoshada qodoba ay kamid yihiin xuquuqda iyo mushaharka ciidamada dowladda ee saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan 2018. PUNTLAND POST The post Golaha shacabka oo mar kale u codaynaya miisaaniyadii 2018 appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Sababaha keenay in wasaarado muhiim ah laga jaro dhaqaalo badan kuwo kalana lagu siyaadiyo, waxaana uu Tusaale usoo qaatay wasaaradaha Gaashaandhiga, Caafimaadka iyo Dastuurka oo laga jaray ku dhawaan 4 Milyan oo doolar. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Su’aal Muhiim aheyd weydiiyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya taasi oo ku saabsan halka la marsiiyay 50 Milyan oo doolar oo Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya. Wasiir Beyle ayuu sheegay inay horey qoraal ahaan u weydiiyay halka dhaqaalahaasi la geeyay, uuna kusoo jawaabay in 30 Milyan lagu daray Miisaaniyadii Sanadkii 2017, 20 ka Hartayna ay ku jirto Banka Dhexe ee dalka, balse hadda lacagta uu baarlamaanka u gudbiyay inay ku cadahay in 10 Milyan lagu daray Miisaaniyadda 2018, 10 Ka kalana ay maqan tahay. Hadalkaasina uu yahay mid is Khilaafaya, maadaama uu horey u sheegay wasiirka in 20 Milyan Bangiga Dhexe ee dalka ku jirto, haddana uu sheegayo in 10 Milyan wali aan Sacuudiga laga helin, waxaana xildhibaanka uu sheegay in loo baahan in la cadeeyo halka ay wax ka qaldan yihiin. Ugu dambeyn Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cadeeyo halka laga keenay dhaqaalaha badan ee loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo lagu hayo magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo ka hadlayay Kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan in waqti badan la siiyo hagaajinta hanaanka maaliyadda, islamarkaana horey xildhibaanada aysan ka ansixin sharciyadda loo keeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Manama (Caasimada Online) – Xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Baxreyn ayaa dacwad looga gudbiyey inuu bixin waayey $33 million; lacag lagu sheegay in ay ahayd heshiis lala galay ganacsade reer Masar ah, si uu ugu diyaariyo kulammo uu la yeesho jilaayaasha filimada hindiga ee loo yaqaan Bollywood. Sheikh Hamad Isa Ali Al Khalifa, oo ah ina adeerka boqorka Baxteyn ahna mid aad u xiiseeya filimada Bollywood-ka ayaa lagu eedeeyey in uu dib uga gurtay heshiis uu la galay ganacsade si uu ula kulansiiyo 26 jilaayaal Bollywood ah, sidaas waxaa qortay jariiradda Financial Times. Waxaa la sheegay in Al Khalifi uu ogolaaday in uu ku bixiyo kulan walba uu la qaato jilaa $1.5 million iyada oo uu ku darayo $500,000 oo gunno ah kulan walba oo saddexaad. Ganacsadaha reer Masar, Ahmed Adel Abdallah Ahmed waxa uu sheegay in uu heshiis 26 Jilaa oo uu magacyadooda Khalifa hayey la galay, sida laga soo xiganayo gal dacwadeed loo gudbiyey Maxkamadda Sare ee London, labada shaqsi waxa ay galeen heshiis laakiin Ahmed waxa uu sheegay in uu $3 million ka helay, $33-kii million loo ballan qaaday. Al Khalifa waxa uu yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsannahay in qof aan saaxiib mooday uu sheegashadan la yimaado. Waan aaminay markii uu Ahmed igu yiri waxaan ku barayaa Jilaayaasha Bollywood-ka ee aan ku daydo. Wixii intaa ka dambeeyey Ahmed waxa uu iga raadiyey lacag badan. Marka laga yimaado in aan waaggii hore deeqsi u ahaa. Ma aqabalayo in uu jiro qandaraas labadeena u dhexeeyey, kaba saar meesha mid gaar ahaa oo la hakiyey. Waxaan aaminsanahay in sheekashadan aysan sal iyo baar lahayn, waan iska difaaci doonaa.” Kiiskan meeqamka sare leh waxa uu bilaaban doonaa arbacada, halka Shiekh-kha toddobaadka dambe isaga iyo caawiyihiisa ka soo muuqan doonaan maxkamadda. Sida laga soo xiganayo Financial Times, ma jiro Xiddig Bollywood ah oo marqaati furi doonaa kiiskan madaniga ah oo la filayo in uu shan toddobaad qaato. Ahmed waxa uu sheegay in uu dhawr kulan u diyaariyey kalantigiisa iyo Jilaasha Bollywood-ka gaar ahaan kuwooda ugu caansan sida Shah Rukh Khan iyo Salman Khan oo ka dhacay Mumbai bilowgii 2016. Hase ahaatee, Ahmed waxa uu sheegay in Shikeh-kha ka baxay heshiiskii oo uu dalbaday wakil kale in uu u diyaariyo la kulanka 13 kale oo xiddigaha Bollywood-ka ah. Al Khalifa waxa uu beeniyey in uu siiyey Ahmed liis 26 magacyo ah balse waxa uu ogolaaday in uu ganacsadaha u diyaariyey shan kulan oo xiddigaha Bollywood-ka ah. Maxkamadda Sare waxaa la sheegay in ay sanadkii hore ay xukuntay in kiiska lagu qaado London halkii la tegi lahaa Baxreyn maxaa yeelay Ahmed waxa uu Caasimadda ku lahaa xiriiro ganacsi. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Turkish Airlines waa in ay ka wal washaa soo laabashada diyaaradda Africa ugu dhakhliga iyo faa’idada badan ee dooneysa in ay kordhiso saameynta ay ku leedahay qaaradda. Ethiopian Airlines waxa ay dib u bilowday duullimaadyaddii Muqdisho kaddib afartan sano in ka badan oo ay ka maqneyd. Diyaaradda Ethiopia waxa ay joojisay duullimaadkeedii Muqdisho, Somalia 41 sano ka hor kaddib makii uu dagaal ka dhex qarxay labada dal toddobaatanaadkii. Dagaalka taariikhiga ah ee Ogaden oo dhacay Luulyo 1977 ilaa iyo Maarso 1978 waxa uu ahaa mid ku saleysnaa xuduud iyo ol’ole siyaasadeed waxa uuna labada dal dhex dhigay cadaawad kala jaray iskaashigoodii dhaqaale. Sidaas oo kale waxa ay kala qabsatay Eritrea iyo Itoobiya, waxa ay curyaamisay xiriir walba oo dhexmari lahaa labada wadan muddo dheer. Khilaafka siyaasadeed ee noocaas ah waxa uu saameeyey qaar ka mid ah wadamada Africa koritaankooda iyo horumarkooda halka uu dhaqaalahooda xaalad xun gaadhsiiyey oo ay sabab u tahay is fahan waagga. Hase ahaatee, wadamada Africa is bedel ayey wadaan iyaga oo doonaya in ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan muwaadiniintooda. Maadama Turkish Airline ahayd midda qura ee caalami ah ee ka shaqeysa Muqdisho, dib u bilowga Addis Ababa iyo Muqdisho duullimaadjooda ee diyaaradda Ethiopia waxa ay tartan adag ka dhex abuuri doontaa qeybta socdaalka. Ethiopian Airlines waxa ay caddeysay in aysan jirin diyaarad kale oo Africa ah oo kula loolanta xuduudaha iyo qaaradda. Sida ay soo xigatay barta African Exponent, maareeyaha Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam waxa uu yiri: “Duullimaadka Muqdisho waa keennii 117-aad kaddib muddo ka badan 40 sano…taas waxaa lagu gaaray nabadda iyo saaxiibtinimada ka dhalatay Geeska Africa. “Duullimaadka tooska ah ee Somalia waxa ay xoojineysaa dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaan qorsheeneynaa in aan bilowno diyaaradaha xamuulka oo aan gaarsiinno duullimaadka maalin walba ama laba jeer maalintii. “Hore ayaan u qiimeynay in Muqdisho nabad tahay oo hadda ammaan tahay. “Duullimaadyadeenu sida dhaqso leh ayey ku laba jibbaarmi doonaan marka loo eegoo isu socoda labada dal ee walaalaha ah iyo isu socdodka Somalia iyo inta kale ee dunida.” Ka hor Ethiopian Airlines, Turkish Airlines waxa ay macaash badan ka sameyn jirtay duulimaadka Muqdisho, oo ahaa midkeeda ugu qaalisanna kuna kici jiray ku dhowaad 2,500, maadaama hadda tartan soo wajahay waxay ku qasbanaan doontaa inay macaashkeeda yareyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada Dalka soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka caalamku ugu faqiirsan. Qiyaastii ay baxsheen 2017kii hay’adda caalamiga ee dhaqaalaha qaabilsan ayaa tilmaameysa in 65.6% bulshada soomaaliyeed ay noolyihiin xaalad dhaqaale oo faqri lagu tilmaami karo. Hay’adda qaramada midoobey u qaabilka isku xirka gargaarka ayaa sheegaysa sanadkaan 6.5 milyan oo ku nool soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadaminimo. Waxaa kale oo la qisayaa in 70% dadka soomaaliyeed ka yar yihiin da’da sodon (30) sano jir, iyadoo 67% dhalinyarada soomaaliyeed ay yihiin shaqo la’aan islama markaan ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale iyo waxbarasho la’aan. Xaaladdaan murugada leh ee ay ku noolyihiin dhalinyarada soomaaliyeed, ma keenin oo keliya duruufo qalafsan oo soo wajahay dhalinyarada, laakiin waxay sidoo kale caqabad weyn ku noqotay soo celinta nabadda, amniga iyo dowladnimada soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ay keentay shaqo la’aan dhalinyarada iyo faqriga bulshada wey badan yihiin, laakiin kuwa ugu dardaran waxaa ka mid ah: Dhalinyarada oo lagu adeegto: faqriga iyo shaqo la’aanta baahansan ayaa waxay dhalinyarada u nugleeysay in kooxdaha dambiileyaasha ay sideey doonaan ka yeelaan dhalinyarada. Kooxdaha hubeysan iyo kuwa ku ka shaqeeya danaha dowladaha iyo ururada doonaayey inaan dalku degin ayaa waxay qortaan ama hawlgashadaan dhalinyarada shaqo la’aanta ee la jahowareersan dhaqaale iyo rajo xumo. Colaad iyo Dhimasho: dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxay noqotay buriska ama dubaha ugu weyn ee loo adeegsado burburinta dalka. Waxaan dhalinyarada loo balanqaadaa mustaqbal ifaaya iyo nolol ka wanaag mid ay ku jiraan, laakiin marka hore ay tahay inay ka qeyb-qaataan dagaalo ay in badan naftooda ku waayeen ama ka dhaxlaan curyaanimo/naafonimo joogta. Dagaaladdaan dhalinyarada loo adeegsado, ayaa waxaa inta badan laga leeyahay dano shaqsi ama kooxeedna, mana jirto wax faa’iido ah oo ay dhalinyaradu ka helaan. Tahbriib iyo naf-halignimo: duruufaha nololeed iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku kaliftay in badan inay qaadaan go’aan halis ku noloshaada iyo mustaqbalkooda. Rajo la’aan iyo faqrigu wuxuu dhalinyarada ku khasbaa inay dalkooda ka tahriibaan oo u badheedhaan khataro aad u badan oo ay ku jiro jirdil, xabsi, madax furasho iyo dhimasho. Arrintaan ay dhibaato ku ah nabadda dowladnimada soomaaliya maadaama dalku waayayo xoog iyo maskax badan oo uu baahi weyn u qabay. Dambeelanimo: dhalinyarada shaqo la’aanta ah ayaa waxay si fudud gacanta ugu galaan kooxo dambiileyaal ah oo aan naxariis lahayn. Kooxahaan ayaa waxay dhalinyarada u adeegsadaan fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin burcadnimo hubeysan, kala gudbinta iyo ka ganacsiga maandooriyaasha iyo argagixisanimada. Arrintaa yaa keentay in badan oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah manta ku jiraan xabsiyo dalal shisheeye, iyadoo qaar badan oo ka mid ahaa dhalinyaradaas la dilay halka tirada dhabta ah ee ku jirta xabsiyada shisheeye aan cidina ogeyn. la soco qeybta xigta oo ku saabsan Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Amiin Cali Xaaji uu ku geeriyooday Wabiga kadib Sharad “Isxujeysi” uu la galay wiil kale. Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labada wiil oo dhalinyaro ah ay Sharad ku galeen in dabaal ay uga gudbi doonaan dhinaca kale ee Wabiga, Ruuxii gudbi waayana uu weyn doono Mobeyl Smartphone ah. Maxamed Amiin wuxuu deganaa Xaafadda Waaberi Irdoole ee degmada Balcad, waxaana uu ahaa 18 sano jir, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Maxamed Amiin ayaa ku geeriyooday Wadiga kadib markii Biyaha ay qaadeen, waxaana la waayay meydkiisa, walow la sheegay in markii dambe la helay. Ciidamada amaanka degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay wiilkii kale ee la tartamayay Maxamed Amiin, iyadoo dadweyne badan ay iskuugu soo baxeen goobta ay joogeen wiilasha dhalinyarada ah. Waa dhacdadii ugu horeysay oo degmada Balcad ka dhacda Sanadkaan, Wabiga ayaa aad u buuxay, iyadoo xiliyadaasi oo kale ay jiraan halis kale oo wabiga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa 18 Maalin ka hor amar kusoo rogay hoteelada ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Amarkaasi ayaa ahaa inaan la arki karin goob ganacsi oo ku taala xeebta Liido oo furan waxii ka dambeeya Habeenka Saqda dhexe “12:00 PM”, iyadoo ujeedada uu ahaa in lala dagaalamo in dhaqamo xun kusoo kordhaan xeebta. Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in arinta ay ka dambeysay kadib la ogaaday in maandooriyaha Qamriga iyo Xashiishada ay ku bateen in lagu isticmaalo xeebta Liido, taasi oo amarada ka dambeysay, balse aysan jirin hoteelada in lagu sameeyo dhaqamada xun. Ma jiro wax ka dhaqan galay amarka Yariisow, waxaana xiliyada dambe arki kareysaa hoteelada lagu qaxweeyo ee ku yaala xeebta Liido oo iska Furan, waxaana muuqata inaan waxba laga soo qaadin Amarka Yariisow. Eng Yariisow ayaa horey ugu fashilmay amar uu kasoo saaray dhulka Darjiinooyinka, iyadoo markii dadka dhaqaalaha geliyay Darjiinooyinka Muqdisho markii ay u tageen madaxweynaha la ogaaday inaan amarka aan lala ogeyn Yariisow oo isaga Qorshe gaar ah uu ka lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Audio evidence related to the killing of the journalist Jamal Khashoggi contains appalling details of the crime, the Turkish president, Recep Tayyip Erdoğan, has said, as he continues to pile pressure on the Saudi crown prince, Mohammed bin Salman. Erdoğan’s latest intervention came as the New York Times reported that a member of the Saudi hit team dispatched to Istanbul to kill Khashoggi told one of his superiors by phone to “tell your boss” the operation was accomplished, an apparent reference to Prince Mohammed, and a Turkish newspaper published x-ray images of the team’s luggage, which included defibrillators and syringes. The audio recordings shocked a Saudi intelligence official, Erdoğan told reporters on his return to Ankara on Monday night from first world war commemorations in France, where he said the killing was discussed with his US, French and German counterparts. “We played the recordings regarding this murder to everyone who wanted them from us. Our intelligence organisation did not hide anything. We played them to all who wanted them including the Saudis, the USA, France, Canada, Germany, Britain,” he said. “The recordings are really appalling. Indeed, when the Saudi intelligence officer listened to the recordings he was so shocked he said: ‘This one must have taken heroin, only someone who takes heroin would do this’.” Saudi crown prince says justice will prevail in Khashoggi case – video Erdoğan said Turkey was “waiting patiently” for Prince Mohammed, Saudi Arabia’s de facto leader, to shed more light on the circumstances surrounding Khashoggi’s death. The respected Washington Post columnist and critic of Prince Mohammed was killed by a team of men who flew from Riyadh to ambush him during a marriage paperwork appointment at the Saudi consulate in Istanbul last month. His body, which investigators believe was cut up and dissolved in acid at the nearby consul general’s house, has not been found. Turkey has maintained that the hit was ordered at the highest levels of the Saudi government, steadily leaking gruesome details from the criminal investigation which undermine the Saudi version of events. It was clear the House of Saud was involved in Khashoggi’s killing, Erdoğan reiterated in comments to the tabloid Yeni Şafak on Tuesday, but he did not think King Salman, for whom he had “limitless respect”, could be behind such a crime. “It must be revealed who gave them [the Saudi team] the order to murder,” Erdoğan said. After two weeks of denying it had anything to do with Khashoggi’s disappearance, the kingdom said he had died in a fight, before changing its story again to say the Turkish investigation’s findings indicated his killing was premeditated. A man speaks during a commemorative ceremony for Jamal Khashoggi on 11 November in Istanbul A man speaks during a commemorative ceremony for Jamal Khashoggi on 11 November in Istanbul. Photograph: Chris McGrath/Getty Images Khashoggi’s death has created the biggest diplomatic crisis for Riyadh since 9/11, reigniting a debate about arms sales to the country, its human rights record and the war in Yemen – but little concrete action has been taken by western powers so far. The UK foreign secretary, Jeremy Hunt, travelled to Riyadh and Abu Dhabi on Monday for talks concerning both the Khashoggi investigation and the violence in Hodeidah, a key port city in Yemen. Ankara’s most damning evidence has come from audio recordings from the consulate which it is believed were obtained by Turkish intelligence officers who hacked the Saudi hit team’s communications. On Monday, the Canadian prime minister, Justin Trudeau, became the first western leader to confirm the tapes’ existence, telling reporters in Paris that Canadian officials had listened to them. The New York Times, quoting sources familiar with the recording, reported that the hit team’s leader, Maher Abdulaziz Mutreb – a security officer who frequently travelled with Prince Mohammed – picked up a phone at the consulate to say “tell your boss” the operation had been successful. The paper said Turkish intelligence officers had told US officials they believed Mutreb was speaking to one of the prince’s aides, and that US intelligence officials believed “your boss” was a reference to Mohammed. On Tuesday, the Turkish pro-government newspaper Sabah published photos of what it said were x-rays of the Saudi team’s luggage when they left Istanbul via Atatürk airport. They showed syringes, electric shock devices, large scissors, staple guns, walkie-talkies and a signal jammer. The bags were not searched because the men were travelling under diplomatic immunity The guardian Qaran News
  15. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Isniinta shalay, wuxuu hortegay xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. Miinsaaniyadda dowladda 2018 ayaa ah 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, xili sanadkii hore ay aheyd 274, balse Wasiir Bayle oo Aqalka Hoose hortegay maanta wuxuu sheegay inay kusoo dareen 22 kale oo dheeri ah. Isaga oo ku guda jira bidhaaminta Miinsaaniyadda ayuu Wasiir Bayle carabka ku dhuftay in 17 milyan oo Dollar oo kamid ah ay mushaar ahaan u qaadan doonan ciidamadda xooga dalka qaybihiisa kala duwan. Haddaba, waxaa jirta in mudanayaasha qaar ay ku gacan seyreen dalabkani ka yimid xukuumadda iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo. Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim) oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in aynaan wax isqaban kara ahayn in dakhli hor leh loo raadiyo ciidamada iyadoo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho uu sidan yahay. Waxaa kaloo tilmaamay in arrintaas ay wacnayd in wasiirrada shaqada ku leh ciidanka iyo amniga ama guddiga difaaca ee gollaha shacabka ay la yimaadaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CAALIM-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. To protect, care, control, and monitor state property is one of the principal articles of Somaliland’s financial laws. Within these laws accountability was given for its protection, control, management and preservation of its useful life and conditions. Therefore it is very important that all state property (state’s own property and state property for public use) be protected from any wrongful taking, privatization, illegal selling, theft, convey, dispose, misuse or misappropriation. The sole authority responsible for the management of all state Property is the Government of Somaliland, applying the processes and systems required to protect and manage it as its most advantageous way. The previous government abused the power and authority misused as much Real Property as it could, committing wrongful taking for their own possessions, illegal privatization allowing businessmen and concerning persons to grasp or snatch certain operating Real property centers, committing an intentionally deceptive selling with an unlawful gain for themselves, and making miscellaneous thefts to much intangible state funds. The responsibility of this current government is to take a courageous action of receiving, concealing or retaining all the stolen Real properties and convicting those who made these crimes. the returning of the National Energy Storage Facilities in Berbera back in to the government management is a good beginning, but it is not a drop in a sea, in accordance of solving so many inter related national property thefts made by the previous government. State property consists of state property for public use and the state’s own property. Public property is property that is dedicated to public use and is a subset of state property. The term may be used to describe the use to which the property is put (used or benefited collectively by the population of the state). Both public property and the state’s own property are either immovable or movable. The State property of Somaliland both for public use and state institutions’ owned property are both extensive. In order to perform the wide range of duties to protect the state property as by the law, first it must be registered and be under the preservation, control and custody of the government through its institutions and organs. state property include the land that is not in citizens’ ownership, the mountains with their mineral wealth, subsoil with its mineral and energy wealth, the rivers and related resources, water resources and water reserves; sea water with its natural maritime resources, minerals and energy reserves in Somaliland or processed, forest and its wealth, historical monuments and archaeological sites, parks and playing grounds, public highways, bridges and roads, state airports and seaports. property owned by State owned enterprises, all State’s own buildings regardless of its kind and value, all seaports and airports facilities, state owned water supply centres with its machinery – transmissions and distribution lines, state owned electric supply centres with its machinery – transmissions and distribution lines, all state owned land – Sea and air transport, National reserve energy storage tanks and its related facilities. state property also include all machinery from generator to factory, special test properties, special tooling properties, all equipments, furniture and materials in general owned by state institutions for their services, all state intangible Property and interests which include any item of worth that is not physical in nature – like State’s share of partly State owned enterprises, state central budget, all projects/programs based special funds provided by donors, other State special funds, state reserves for special use, the national constitution and related regulations. State property can go under Rent, but this should ensure that the process is fair and transparent. it is a fact of life when dealing with state property rent, it is extremely important that a clear process is followed in this regard and that the full rent will be obliged to provide by the tenant. To rent state property, there should be a lease between the authorized entity and the tenant. The lease will include the length of the agreement, the monthly or yearly rental payment, the procedures for collecting rent, as well as the obligations of the tenant while leasing the property. The payment of lease on the state property shall be deposited in the state central bank and shall be collected to the State Budget. Selling of State property or Privatization of state property shall be under a condition of well defined state benefiting reason, and then be conducted through: Legal auction trade Legal tendering In both methods, buyers shall enter competitive bids and sellers (state) enter competitive offers at the same time as by law. The participant with the highest bid shall be possessor of the selling property. The possessor shall conclude contract with State Property. This contract shall be registered by the office of the Auditor General. The right to possess the property sold in auction or in tender shall be realized after accomplishment of the payments for items indicated in the contract. The cost shall be deposited in the state central bank and shall be collected to the State Budget, through the proper channel indicated in the financial laws. AdamAliYounis E-mail: aayonis@hotmail.com Qaran News
  17. Somaliland: Horumarinta Gobollada iyo Deggaanada Somaliland. Waxaa lama huraan ah in Somaliland u baahantay in la adkeeyo amaba la gaadhsiiyo dhamaan Gobollada iyo degaanadda dalka, maamulka dawladda iyo ka ganacsigaba. Waxyaabaha dalalka horumarka gaadhay ay ku da’daalaan waxaa ka mid ah, kordhinta dhaqaalaha, maamulka iyo ganacsiga deggaanada dalkooda, aan ahayn caasimadda oo keliya. Dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya ee wakhti tagay Somaliland ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee u burburay waxaa ka mid ahaa, isku soo koobidda caasimadda dhamaan hawlaha quseeya dadka. Hadaad shaqo doonta ahayd, hadaad arday jaamicad ahayd, hadaad ganacsade ahayd, hadaad dhakhtar u baahantahay iyo wixii la mid ah, waxay sheekadu noqotay caasimadda tag. Ummadii dalka oo dhan baa isku soo shareertay magaalo madaxdii. Ummadaa isku soo shubaysa magaalo madaxda waxay keenasaa shaqo la’aan, sicir-barar, musuqmaasuq, iyo waxyaabo kale oo fara badan oo keenaya nolol xumaan iyo dirir. Ilaa iyo maanta arrinkani weli wuu ka taagan yahay Geeska Bariga ee Afrika. Somalilandna way ka mid tahay wadamadda uu mushaalkani ka taagan yahay. Maanta, waxaad ka arkaysaa in Hargeysa noqotay sidii ay Xamar ahaan jirtay. Wax alaale wixii quseeya nolosha ummada dalka, waxay isku soo koobeen Hargeysa. Hadaad eegtid wadamadda horumarka gaadhay, waxyaabaha ay dawladdahoodu xooga saaraan waxaa ka mid, “regional development”, horumarinta gobollada. Waxay wadamaddaasu xoog culus saaraan sidii ay nolol wanaagsan ugu dhaqmi lahaayeen dadka deggan gobollada iyo degaanadda dalka oo dhan, oo ayna ku soo yaacin magaalo madaxda. Waxaa muhiim ah in laga helo magaalooyinka dalka oo dhan waxyaabaha ay u baahan yihiin umadda deggan goobahaas. Haddii ay noqoto nabadgelyo, shaqo, waxbarasho, caafimaad, ganacsi, warfaafin, iwm. Siyaabaha lagu helo horumarka sidaas oo kale ah waxaa ka mi ah, in ay dawladda xukun dalka haysaa biloowdo barnaajimyo loogu talo galay gobollada iyo deggaanada. Hawlaha hada ka socda magaalada Berbera, sida balaadhinta dekedda iyo jidadka u dhexeeya Badda Cas iyo xuduudka Itoobiya, waa ka mid. Lakiin, ma aha inay intaaso oo keliya ahaadaan. Dhamaan magaalooyinka iyo deggaanada Somaliland ayaa looga baahanyahay barnaajmiyadaas oo kale. Waa in wakaaladaha dowladda qaarkood oo loo raro gobollada kale, iyo magoolooyinka kare, sida Booraama, Burco, Ceerigaabo iyo Laas Canood. Ilaa iyo hadda, lama hayo dawlad Somaliland ka curutay oo arrinkan xoog saartay. Shaqsi walbi oo isu soo taagay doorasho xafiis, waxaa ugu muhiimsan, Villa iyo Land-cruiser uu Hargeysa kolba dhinac u eryo. Waa shaxdii Xamar ka socon jirtay burburkii ka hor. Tariikhda cashar baa laga qaata. Haddii aynu maanta sidaa ku socono, wixii hore inoo soo maray uun baa berrina dhici doona. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar____Qubanaha-Shabeelle-13112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. ASC Ummaddayda reer Somaliland, Muwaaddin kasta oo ay ku weyntahay qaddiyadda dalkiisu tii ku dhici lahayd weeyee caawa aniga oo salaaddii cisha ku jira ayaa waxa igu soo dhacday Fikir ah inan BAAQ shakhsi ah u diro dadkayga reer Somaliland madax iyo muwaaddinba. Markii shaydaankaan iska naaaray laakiin guriga markii aan soo gaadhay baan arrinkii dib u xusuustay oo go’aansaday inaan BAAQ kooban diro aniga oo naftayda mooyee aan cid ku metelin, waana kan: Rabbow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin. Walaalayaal, Markaynu eegno xaaladda maanta Geeska Africa guud ahaan marayo iyo siyaasadda dawladda cusub ee Ethiopia ka dhalatay ee sida cad uga hor imanaysa madaxbannaanida Somaliland, waxa reer Somaliland dhammaanteen innagu waajib ah arrimo door ah oo ay kamid yihiin: 1- Inaynu isla qirno inay xaalad siyaasadeed oo adagi dalkeenna la soo daristay. 2- Inay tahay mid ku timid isbeddel xagga ALLA ka yimid oo aynaan sababtiisa innagu lug ku lahayn. 3- In qarannimadeennii 27 jirka ahayd markii u horreysay ciddii aynu aqoonsiga ka filaynay si cad u deedifeysay. 4- Inay lama huraan tahay inaynu isku tashanno. Haddaba fikirkayga yar waxan BAAQ ugu soo jeedineyaa Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha 2da xisbi qaran iyo masuuliinta kale ee dalku inay ummadda tusaan hoggaamin waayeelnimo, walaalnimo iyo qarannimo hagayso oo lagu wajaho duruufahan adag ee khatarta ku ah jiritaankeenna qaran. Haa waa xaalad adag oo ina soo wajahday, balse waxa dhici karta inaynu kuba faa’dno haddii aynu la nimaad maskaxo furan oo u heellan ilaalinta qaranimadeena oo haddii ay galbato alla kama dhigee aynu ku wada caano waayeyno. Haddaba waxan u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye xisbi qaran inay waqtigan iska illaawaan khilaaf kasta oo dhexdooda jira, una tafo xaytaan dhismaha Somaliland isku duuban oo mucaarid iyo muxaafid wadajirta. si taa loo helo waa: 1- Inay degdeg isugu yimaaddaan oo ka wada hadlaan khilaafaadka ay hadda ku kala maqan yihiin 3da masuul iyagoon guddiyo diran balse fool ka fool u wada hadlaya, kuna heshiiyaan wax danta guud u adeegaya. 2- Inay meel isla dhigaan arrinta Komishanka iyo arrimaha kale ee ku xidhiidhsan sida saami-qaybsiga iyo muddaynta doorashada. 3- Madaxweynaha oo ah hoggamiyaha qaranka waxan u soo jeedineyaa inu muujiyo dedaal, xammil iyo maarayn bisil oo ay mar walba hagayso danta guud ee QARANKU. 4-Guddoomiyeyaasha mucaardku waa kuwii filayey inay madaxweyne noqdaan ee aan Alla qaderine waa inay iyana waayaha siyaasadeed ee mandaqadda ka jira iyo danta guud dartood ugala shaqeeyaan madaxweynaha wadajirka shacabka iyo dalka una heellanaadaan wixii dan qaran ah ee lagaga bedbaadayo goldaloolooyin cadawgu innaga helo. Ugu dambayn waxan Maxadweynaha iyo Madaxda asxaasbta mucaaridka-ba u soo jeedinayaa inaanay 7da xubnood ee Komishanka doorashooyinka dalkeena iyo nidaamka xisbiyada badan ee aynu qaadannay u burburin ee ay xal keenaan. Dadweynahana waxan ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay aaminaan halhayska ah SOMALILAND HORTA (Somaliland first) oo iska diidaan kuwa shaydaanku horsocdo ee kala qaybinteenna ku foogan. Allaha weyni tubta toosan innaga iyo madaxdeennaba ha waafajiyo. Ammaana ALLA, Amb Cali Aadan Cawaalealiaawale1@gmail.com Source
  20. 1- Dalku ma qaadi karo Bandoo lagu soo rogo mar kele iyadoo tii ugu dambaysay ay ahayd 1988 oo casarka la is xerayn jiray. 2- Dalku maaha kii Militarigu xukumayay ee Amarka lagu kala waday ee waa dal sharci kala wado. Wixii u baahan in la mamnuuco ama wax laga bedelo waa in uu jiraa sharci sidaa sheegaya oo Baarlamaanku ansixiyay. Haddii qof waliba meesha uu joogo Amar ka soo saaro waa fawdo iyo is dhex yaac kele iyo xukun kala maroorsi. Fadlan Sharci soo sam ee oo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka soo mari si laguugu ansixiyo. 3- Haddii aad xataa awood adeegsato oo aad dad iyo meherado soo xidho ma jirto Maxkamad kuu xukumaysaa waayo ma jiro sharci odhanaya saacaddaas meheradaha ha la xidho waana wax adiga uun kugu soo noqonaysa. Taasina waxay keenaysaa uun in aad dadka isku dhacdaan oo aad sumcad xumo ka qaaddo. In aad xilka ku waydaana waaba suuragal oo sidaa lagugu eryo adigoo weliba dadkiina isku diray. 4- Wixii dhaqan xumo ahi waa dhaqan xumo ee ma jirto dhaqan xumo wakhti ku salaysani. Waa in ama la wada mamnuuco ama la iska wada daayaa. Waa aniga oo idhaahda Khamriga iska cabba laakiin wixii 9 ka ka dambeeya waa mamnuuc oo kele uun. Haddii aad goobahaa aad sheegayso leedahay dhaqan xumaa taalla, adiguna dhaqan xumadii uun baad ogolaatay inta 11:50 ka horraysa ee la soco. 5- Maxaa keenay in uu go’aan kani soo baxo 3 maalmood ka dib markii Xamar na uu go’aankanoo kele ka soo baxay ? Maxaa labada go’aan isku beegay ilayn awalba xilka waad haysay oo waad joogtaye ? Ma xidhiidh baa jira ?? 6- Shirkaagii jaraa’id waxa ka muuqday is dhex yaac iyo hadalkaaga oo aan habaysnayn oo kolba la moodayay inaad wax ilowday oo aad dib u gocanayso. Amarkaasina hadal (Oral) mooyaane ilaa hadda inta aan ogahay qoraal kumuu soo bixin si loo tixraaco. Markaa dalka ma hadal baynu ku maamulnaa wasiir ?? 7- Haddii khamri iyo maandooriye laga hadlayo waa la yaqaanaa goobaha suuqa madow ah ee lagu iibiyo iyo dadka keenaba waana wax xuduuddeena ka soo gudba oo si qarsoon dalka loo soo geliyo. Miyaanay markaa muuqan in aad ku fashilantay in aad goobahaa iyo dadkaa keenaba wax laga qabto oo imika la rabo in cadhada lagula dhaco goobo gaar ah oo meherado ah oo aan laguba iibin maandooriyahaa ?? 8- Somaliland 27 kaa sannadood ee ay jirtayba qof waliba xilliguu doono ayuu hoyanayay hudheelada iyo goobaha cawayskuba way furnaayeen amaanka iyo hanaanka guud ee dalkana midna waxba may yeelin oo waataa dalku ammaanka yahay. Maxaa is beddelay ?? 9- Inta aanad amarkan soo saarin goobahaa aad sheegtay ilayn waynu isla garanaynaaye ma la kulantay oo ma ka wada hadasheen ?? 10- Madaxweynuhu ma kula og yahay go’aankan ?? Mahadsanid Source
  21. THE ECONOMIC PROBLEMS OF STAYING UP LATE AT NIGHT AND SLEEP DEPRIVATION!!!! Sleep deprivation and late night behaviours have several economic ramifications and negative productivity that can really damage the over all well being of the country therefore, it is possible to have an be economic justification to close certain business outlets late at night as they do in the US and other major Western nations. Few the possible outcomes of not having enough sleep excluding the health cost not sleeping early will be stated as the following: 1. Not able to get up and go work 2. Being tired and unproductive 3. A lot of yawning and sleepiness 4. Drinking to much coffee that costs money without earning anything 4. Staying up late at night encourages modern begging (Shaxaad). 5. Escalates lying and other bad behaviours. 6. Creates quarrelsome situation between husband and wife 7. Degrades husband’s status in the family since he is sleeping working hours 7. Encourages dependency 8. Staying up late also increases security risks and substances abuse which reduces economic development and productivity in general. Therefore, since the situation is a counterproductive to the over all economic situation of the nation and reduces national GDP it is emparative to support the the ban on if sleep deprivation and other government sanctioned development projects Conclusion. Going to bed early will help to achieve self tranquility, economic and social status since the individual will he be able to work early productive hours if the day. Equally thus will help the person to engage religious acgtivities that may be helpful the hereafter. This newly sanctioned program will create more productive and secured citizens of Somaliland that can compete today’s global knowledge based economy but if only supported by the good progressive people of Somaliland. Source
  22. Xusuus 13/11/018 Somaliland markayga 29/7/017 Dalkeenu waxa uu ku dhisan yahay xisbiyo ku salaysan qabiil , gudoomiye kastan oo xisbina waxaa loo nisbeeyaa in uu qabiilkiisu xisbigaa uu gudoomiyaha u yahay leeyahay, tiiyoo taasi jirto ayaan hadan wax qaran wada leeyahay oo dad ka dhaxeeya aan meesha la soo dhigan, oo gudoomiye kastaa reerkiisa ayuu ku tiirsan yahay, oo taloodada iyo arinkooda uu ku dhaqmaa kuna socdaa ,ismana yidhaah waar waxu waa wax qaran leeyahay, markaa qabiil kasta nasiibkii, markaa waxaanu is idhi tanay waxay wax ku fahmaysaa qabiile bal sidan ugu dhig . Markaa maanta .sadexda xisbi ee jira laba reer baa leh, midna reer baa leh , waana sadexda xisbi ee ku tartamaaya saaxada , hadaba ma laba mise mid , laba xisbi waxaa leh reerka layidhaah West Burco Clan , waan fursad ay heleen ,oo aanan u malaynayo in aanay soomari doonto reer Somaliland aa kale, waayo laba xisbi oo reer wada leeyahay waa awood ,ay wax ku bedeli karaan ,isbedelna ku keeni karaan, Waayo waxaa tusaale uah, markii uu kulmiye xukunka doonanyey , waxaa shir reernimo oo habar xabuusheeda ah lagu qabatay gar adag, waxii ka soo baxayna waxay sababtay in kulmiye ku guulaysto, xukunka .xukumadii udubna uu meesha kasaaro kuna baabiiy, Kulmiye markaa waxa uu ahaa xisbi reer kaliya, ucidna waxay hayd xisbi reer kaliya, udubna waxay ahyd xisbi reero , in kastoo xisbiyo qaran lagu sheegi jiray, laakiin maanta laba xisbi ayaa reer wada leeyahay, oo la odhan karo waa awood ka wayn tan dowladnimada , hadab maxaa la gudboon reerkaa labda xisbi nasiibku siiyey, Reerku waxay leeyahiin ,aqoon yahano, siyaasiyiin,dhalinyaro, haween, odayaal caaqilo.iyo indheergarad, ma waxay garan laayahiin ,waxii habar xabuusho gartay, oo habar kaliya ahi , markaa hadhow laga yeeli maayo, dudmo , waa nalagaga shubtay iyo qas iyo ucid baa ahayad sub station kulmiye .waxaasi idinka socon maayaan, iminkay fursadu gacantiina ku jirtaa . “Taldu waa mar aad garnwaydo iyo mar aad gaadhiwaydo” waliba ku darsoo laba sano kadib doorashada madaxtooyada, waxaa lafuri doonaa xisbiyadii badnaa ,markaa kulmiye isgu wali waa sii taagnaan doonaa ina kaahin baana gudoomiya noqondoona , xisbiyo kale ayaa saaxada soo galaaya, markaa halkaas baad saaxad siyaasada uu kaga bixi doonaa West Burco Clan, oo isku daygaagii hore ku fashilmay , kii labaadna hadad ku fashilto. Sow sidii xuurta dushaas raqda ka eeg maaha , fursad kale oo ay helaan maan sheegin, Gabo gabadii Mowduucan oo aan qoray 29/7/017 kii , markaas oo ololahii madaxtinimada madaxtooyadu meel aad usaraysa marayey , isla malintaa uu hawada galay faysal cali waraabe gudoomiyaha ururka ucid oo radio hargaysa ka hadlaayey waxa uu difaacay siyaasadii jeegaanta , waxaanu dadka ku guubaabiyey in aan somaliland wareegto ahayn oo kolba reer xukunka qabsanayn ee ay tahay tartankaa kii gugulaysta . hadab waxaan leeyahay faysal cali waraabe ka waran maaanta, maanay ahayn somaalilind marakayg ,sidaas darteed cidii iswaasha iyo ciidii boodboodabana dhegaha ayaanu ku dhufanaynaa . taas ha la ogoodo , markaa somaliland marayakaga yaan la carqaladayn , By; khadar adam aw muuse mixile190@gmail.com Source