Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Shirka seddexaad ee Dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sharaxaad ka bixinayay isbadalka Geeska Africa ayaa sheegay in shirka seddexaad ee madaxda seddexda dal uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Farmaajo wuxuu sheegay in shirkaasi la filayo inay balaariyaan oo ay kusoo daraan dowladda Jabuuti oo hadda xiriir soo wanaagsanaanaya kala dhaxeeya Dowladda Eritrea oo horey ay u dagaalsanaayeen. Madaxweyne Farmaajo, Wuxuu sheegay in shirkaasi ay mustaqbalka qorsheynayaan inay balaariyaan oo ay kasoo qeyb galaan dalalka Deriska la ah Soomaaliya, waxaana uu sheegay in faa’idada ugu badan Soomaalida inay heli doonaan, maadaama ganacsigooda uu gaaray wadamo badan oo ilaa Galbeedka Africa ah. Labadii Shir ee lasoo dhaafay waxaa ka maqnaa Jabuuti, waxaana hadda qorshaha uu yahay in dalka ugu horeeya ee shirka Afar geesood ka dhigaya in Jabuuti ay noqoto si xal waara looga sii gaaro xiisada kala dhaxeya Eritrea. Lama oga sida Jabuuti ay kaga qeyb gali karto shirkan, iyadoo aan xal waara laga gaarin xiisadda kala dhaxeysa dowladda Eritrea, Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ma sheegin waqtiga uu shirkaasi ka dhacayo magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu ka warbixiyay shirkii saddex geesoodka ahaa ee uu la yeeshay hogamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea, kaasi lasoo gabgabeeyay horaantii bishaan. Farmaajo ayaa shaaciyay in ugu horeyntii uu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed faragelinta uu dalkiisa ku hayo Soomaaliya, isaga oo daboolka ka qaaday inuu soo dhaweeyay qodobadda uu miiska u saaray. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynaha daboolka ka qaaday in sidoo kale ay isla soo qaadeen Abiy Axmed is-dhexgal ay ka yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca amniga iyo dhaqaalaha. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Nuuradiin.mp3 The post MD Farmaajo oo fahfaahiyay shirkii lagu soo gabagabeeyay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. New York (PP) ─ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dalka Eritrea laga qaado cunna-qabateynta hubka ee saarnayd, kaddib heshiis dhex-maray waddankaas iyo Itoobiya oo ay daris yihiin, isla markaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka Eritrea kala dhaxeeya dalak kale ee ay dariska yihiin ee Jabuuti. Warbixinta xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa ku boorisay Xukuumadda Asmara iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay xiriirkooda dib ugu soo celin lahaayeen, ayna heshiis ka gaaraan muranka xuduudeed ee u dhexeeya. Dalka Eritrea ayaa cuna-qabateynta la saaray Sannaddii 2009-kii markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-shabaab ee Somalia. Laakiinse Dowladda Eritrea ayaa dhawr jeer beenisay eedeyntaas. Go’aanka uu qaatay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-shabaab. Sidoo kale, Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyay Dowladda Britain, Waxaana taageerayay dalal ay ka mid yihiin Somalia, inkastoo aysan xubin ka ahayn golaha ammaanka ee QM iyo Ethiopia. Xukuumadda Jabuuti oo dhul ballaaran ay ka haysato Eritrea ayaa aad uga soo hor-jeesatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay weli khatar ku tahay ammaankeeda, maadaama aysan ka bixin dhulkii ay ka qabsatay. Dhanka kale, Go’aanka xayiraadda looga Qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsan ee dalkaas kala dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, ayna dhex-mareen dagaalo ay ku naf-waayeen kumanaan kun oo qof oo isugu jiray askar iyo shacab kasoo kala jeeda labada waddan. Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington oo aad uga soo hor-jeeday in dalka Eritrea laga qaado xayiraadda hubka ayaa ka tanaasushay dhawr toddobaad ka hor, taasoo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka ee QM oo Xayiraadii mudada dheer saarnayd ka qaaday Waddanka Eritrea appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-141118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunna-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa sheegtay in hubka soo gala Dowladda Soomaaliya loo adeegsado qaab-siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha Ammaanka ee QM uu Muqdisho ka qaado cunna-qabateynta hubka mustaqbalka dhow. Guddigan ayaa qoraalkooda ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale ee hubeysan. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somalia aanay u hoggaansamin cunna-qabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayay xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay Dowladdu keensato, iyadoo Villa Somalia ay u diiday guddiga Qaramada Midoobey inay arkaan meelaha hubku yaallo. Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in la ogaaday in hubka ay dowladdu leedahay lagu iibiyo suuqyada, iyadoo ay iib-geeyaan saraakiil ciidanka DF ka tirsan, kuwaasoo isugu jira kuwo sare iyo kuwo hoose iyo weliba xubno mas’uulyiin ah oo ka tirsan xukuumadda Khayre. “Hubka lagala baxo xarumaha Dowladda ayaa waxay u badan yihiin kuwa loo yaqaanno RPG-7, iyadoo ay tani caqabad weyn ku tahay xasiloonida siyaasadeed ee dalka, waxayna tani xaqiijinaysaa in hub oo la xado ay ka tahay Somalia arrin aad ugu badan,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga QM. Guddiga ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in illaa 20,000 oo Qori iyo 75 milyan oo rasaas ah ay heshay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku jiraan 70,000 oo rasaasta qoriga RPG-7 ah. Waxaa kaloo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay Dowladda Somalia inay keensato kaddib markii laga qafiifiyey cuna-qatabeynta hubka iyo kan rasmiga ah ee ay heystaan ciidanka xoogga dalka. Dhanka kale, Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno Baasuukaha la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May ee sannadkan 2018-ka, waxaa loo diiday SEMG inay soo arkaan hubkaas. “Inta badan hubka dowladdu ay haysato waxay si qarsoodi ah gacanta ugu galaan ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga Magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb,” ayaa lagu yiri warbixinta SEMG. Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay waxaa kaloo lagu xusay in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gudaha Waddanka Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qoraalkan Guddiga SEMG ayaa lagu xusay in hubka Dowladda Somalia ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado oo aanay xakameyn karin, iyagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay xerada Gordon oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000 oo keliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay inaysan Xakameyn karin hubka ay ka hesho Caalamka appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Haweenka Beesha Ciidagale oo mudooyinkii ugu danbeeyey cabasho ka muujinaayey buug uu Qoray wasiir Guribarwaaqo ayaa waxaa ay fariin u direen golaha Guurtida Somaliland oo arintaasi hore guddi ugu saarey , waxaana ay ku baaqeen in arintaasi si deg deg ah jawaabteeda loo soo dadajiyo. Sidoo kale haweenkani waxaa ay sheegen in hadii cabashadooda waxba laga qaban waayo in ay Haaya’dda ha xuquuqul iinsanka ay arintooda u gudbin doonan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada Gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sool , waxaana uu si gaar ah uga Hadley dhex dhexaadinta beelahii ku dagaalmay konfurta gobalka Sool oo loo raray magaalada Jig jiga . Siyaasi Cali Cantar waxaa uu sheegay in habaradey gobalada Sool iyo Sanaag isla markaana hadii ay gobaladaasi ay meesha ka baxaan gobalka Togdheer-na uu ku xigi doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta kadib heshiis dhex maray dalkzas iyo Ethiopia, islamarkaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka kala dhaxeeya Jabuuti. Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa ku booriyey ayaga iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay caadi uga dhigi lahayeen xiriirkooda ayna heshiis uga gaari lahaayeen muranka dhanka xuduudda. Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas. Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab” Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia. Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado. Go’aanka xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsanaaday ee dalkaas kala dhaxeeya Ethiopia. Dowladda Mareykanka oo aad uga soo horjeeday in Eritrea laga qaado xayiraadda ayaa ka tanaasushay dhowr toddobaad ka hor, taasi oo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
  9. Xulalka 23-jiarada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa wada dheelay kulankooda kowaad ee is reer reebka ciyaaraha olimikada aduunka ooo lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan Kulanka ayaa ku bilaawday dar daro xoogan waxaana qeybta hore lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha dalka Ethopia waxaana goolasha u dhaliyay daqiiqadihii 28, 38-aad Canaan Israel eshetu. Qeybta labaad kulanka xulkeena ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse gool ku laad loo dhigay xidigaha Ethiopia ayay dhaliyeen waxaana caalamada casaanka ka qaatay mid ka mid ah ciyaaryahanadooda waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 4-0 oo ay guusha ku qaatay wiilasha 23-jirada ee Ethiopia “Waxaan taageerayaasheena ka raali gelinaynaa guul darada ina soo gaartay waxa aan soo bandhigay ciyaar wanaagsan,balse wixii qornaa ayaa dhacay waxaana xooga saaraynaa kulanka labaad ee aan Ethiopia kula ciyaarayno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdulle Faryare oo macalinka xulka qaranka 23-jirada Soomaaliya. Si kastaba lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulkeena sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray Dhawaan Filo warbixin dheeraad ah iyo sawirro ku saabsan ciyaarta Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay ay dowladaha dariska ah faragalin qaawan iyo mid dadban ay ku hayeen arrimaha Soomaaliya, Muuqaal dhawr daqiiqo ah oo la faafiyay ayaa Madaxweynuhu kaga warbixiyay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu kusoo afjaray faragalintii joogtada ahayd ee Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya, isagoo sheegay in kulankii ugu horreeyay ee uu la qaatay Ra’iisul Wsaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn uu kala hadlay in Itoobiya ay joojiso faragelinta, lana tixgeliyo madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isbedelka ka socda Gobolka Geeska Afrika uu ku saleysan yahay iskaashi iyo wax wada qabsi, meelna looga soo wada jeesto waxkasta oo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka, taas oo ay ka midesysan yihiin Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la ballaarin doono shirka seddax-geesoodka ah ee socda iyadoo laga qeybgelin doono dalalka Gobolka ee aan qeybta ka ahayn sida dalka aan waalalaha nahay ee Jabuuti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii Bahra Daar la isku afgaraty qodobbo hor u socod u ah horumarka Gobolka, sidoo kalena la isla qaatay in magaalada Muqdisho ay marti geliso shirka xiga. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Farmaajocod.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif. Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif. Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi: “Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa” Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii golaha wasiirada dalkaasi ay gaadheen go’aan ah inay aqbalaan heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laba maalmood socday ee u dhexeeyo Israa’iil iyo ururka Xamaas. Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in laisku dhiibay argagixisada. Wasiirka wuxuu sheegay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda. Siddeed qof ayaa lagu dilay Qaza labadii maalmood ee lasoo dhaafay, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqayn ka waday halkaasi halka ururka Xamaas ay gantaallo ka badan 400 ay u rideen dhinaca Israa’iil. Source
  13. (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen. Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo ay VOA la xidhiidhay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kuwada jireen. Source
  14. Baardheere ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay . Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa xusay in uu isagu uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu tilmaamay in warqadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya Jubbaland aysan wax ka bedali doonin maamulka uu ka hayo degmadaasi. Sidoo kale Guddoomiyaha Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa ku baaqay in aan qal qal siysaasaded la galin shacabka ku dhaqan degmadaasi. Waxaana uu DFS ka codsaday in ay soo faragaliso xiisada ka taagan gudaha degmadaasi Baardheere. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qor.mp3 The post Guddoomiyaha Baardheere Oo ka horyimid Xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Warbixinta kooxda QM oo shaacisay xog xasaasi ah oo ku saabsan hubka Dawlada Somalia+Cadadka & Noocyada Hubka so gaadhay Sanadkan Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowlada Somalia Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/Weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka. Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018. Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/Weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii maanta. “Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey wax auu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn. “Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka. Halkana hoose ka daawo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/kalsan-46125254_337449600366653_219738159020244992_n.mp4 Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  17. Siyaasi Xilal Muhiima hore uga soo qabtay Somaliland oo in Aqoonisga Somaliland ku Xidhan yahay Saamiqeybsiga Xilalka & Manasiibta Dalka oo loo sinaado balse aanay Beel keliya urursan. Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale. Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii. Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’. Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin. By Adam Muse Jibril adamjibril@gmail.com Qaran News
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa la wareegay xilka cusub ee loo magaacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa shaaca looga qaaday shirqool Imaaraadka Carabta Carabta ay u maleegeen dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin Soomaali ah. Kulankan ayaa toddobadii April 2018 ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka kenya. Sida warbixinta ay sheegtay, waxaa kulanka yeeshay diblomaasiyiin kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal sare oo horey uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. UN Monitoring Group ma shaacin sarkaalka Soomaaliga ah ee kulanka ka qeyb-galay, waxaase magaciisa loo gudbiyey golaha ammaanka ee QM. Xubinihii kulanka ka qeyb galay ayaa dejiyey qorshe lagu fashilnayo dowladda federaalka Soomaaliya. Waa qorshaha qeyb ka ahaa in la sameeyo isbaheysi ka kooban madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya, xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee mucaaradka ah iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka. Dhinacyadaas ayaa marka la mideeyo waxaa qorshuhu ahaa in la qaado dagaal siyaasadeed iyo mid amni oo lagu fashilanayo dowladda Soomaaliya. Sida warbixinta kooxda QM ay sheegtay, Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan xubnaha la isku keenayey u adeegsanayo in la siiyo lacag lalauush ah, si ay uga qeyb qaataan qorshaha Imaaraadka. Ma cadda halka uu ka dambeeyey qorshahaas iyo in dagaalka ay hadda maamul goboleedyada ku hayaan dowladda iyo xildhibaanada mucaaradka ee aadka u weerara dowladda ay qeyb ka yihiin qorshahaas. Maalin kadib markii kulankaas uu dhacay, ayaa sideedii bishii April 2018 waxa ay dowladda federaalka garoonak Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo kaash ah, oo Imaaraadka Carabta uu lahaa. Ma cadda haddii kulankii Nairobi iyo qorshaha lagu laaluushayey mucaaradka Soomaalida iyo qabashada lacagta ay xiriir leeyihiin, balse sidaas ayay u muuqataa. Warbixinta kooxda QM ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira sir badan oo xasaasi ah, waxaana idiin soo gudbin doonaa kuwa ugu xiisaha badan, Insha Allah. Ku xirnow Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Heshiisyada Dalalka Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Bisha Nofeembar 14-keeda, sannad kasta waxaa la xusaa maalinta cudurka macaanka ama sokorowga ee adduunka, waxaana sannadkan haldhidhigga munaasabaddaas laga dhigay “Qoys macaan qaba”, BBC Somali ayaana la kulantay qoys qaba Macaan. Macaanka waa xanuun qofka nolosha la qeybsada oo sababa in heerka sokorta ee dhiigga uu aad sare ugu kaco. Wuxuu cudurkan leeyahay labo qeybood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah: Qeybta 1aad ee macaanka – oo ah marka uu difaaca jirka weerar ku qaado isla markaana burburiyo unugyada dhiigga ee soo saara sokorta. Qeybta 2aad ee macaanka – oo ah marka uusan jirka si buuxda u soo saari karin sokorta, ama unugyada qaabilsan soo saarista sokorta aysan awood lahayn. Waa cudur dilaa ah oo ka jira guud ahaan dunida, waxaana maanta oo kale, oo ay taariikhda ku beegantahay 14-ka bisha kow iyo tobanaad loo asteeyay in la xuso, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah cudurkaas iyo caawinta dadka la ildaran. Inta badan dadku waxay aaminsanyihiin in xanuunkan uu bartilmaameedsado dadka waaweyn iyo kuwa jirkooda uu cayilka ka batay, laakiin dhakhaatiirta caalamka ayaa walaac xoogan ka muujinaya in Sokorowga uu hadda faro ba’an ku hayo carruurta. BBC Somali ayaa xuska sannadkan ku soo beegtay war bixin ay ku faahfaahineyso sida ugu haboon ee loo xannaaneyn karo dhallaanka la nool cudurkaas, maadaama ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya Macaanka. Waxaan la kulannay qoys Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil yar oo qaba Macaanka, si aan wax badan uga ogaanno sida loo xannaaneeyo ilmaha ay dhibaatadaas heysato. Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cali ayaa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda curadka u ah saddex carruur ah oo ay dhashay uu soo ritay xanuunka macaanka ama sokorowga, isagoo 4 sano jir ah. Waxay aad uga taxadartaa xannaannada wiilkeeda xanuunsan iyo raashinka uu cuno, waxayna nooga sheekeysay sida ay markii ugu horreysay ku ogaadeen nooca uu cudurkiisa yahay. “Waxaan aad ula yaabnay waxa ku dhacay, waayo anigu waligey ma arkin qof qaba Sokoroow. Muddo 15 maalmood ah ayuu ku caatoobay, tabarti oo dhan ayaana ka dhammaatay. Ka dib gabar dariskeenna ah ayaa nagu tiri cunugan amuu qabaa sokorow, waxaan geynay isbitaalka dhakhaatiirtiina waxay noo sheegeen inuu qabo qeybta koowaad ee cudurka sokorta, cimrigiisa inta ka dhimanna uu cirbad qaadan doono”. Sidee loo xannaaneeyaa ilmaha qaba cudurka macaanka? Farxiyo ayaa noo sheegtay in wixii ka dambeeyay xilliga ay wiilkeeda ku aragtay cudurka Sokorowga ay nolosheeda wax badan iska baddaleen. “Aniga waan shaqeysan jiray laakiin waan iska dhaafay shaqadii, asaga dartiis ayaan guriga u fadhiyaa. Marka ay sokortiisa kacsantahay wax yar oo khalad ah hadduu ilmaha ku arko wuu xanaaqayaa, ma u dul qaadan karo, wuu oynayaa, balse marka ay sokortiisa daggantahay waa iska caadi”. Waxay sheegtay in ay ka ilaaliso wax kasta oo ay carruurta isticmaalaan, oo uu macaan ku jiro sida: Nacnaca, Buskutka noociisa sokorta leh, doolshada iyo Jallaatada. Lahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK Farxiyo waxay maalintii ilaa saddex jeer wiilkeeda ka cabirtaa heerka sokorta, sidoo kalena habeenkii ayay kacdaa si ay u hubiso. “Habeenki hadduu jiifo xitaa waxaan taabtaa wadnihiisa waana ka cabiraa sokorta. Haddii ay hoos u dhacsantahay waxaan siiyaa malab” ayay tiri. Maxamed Cabdullaahi, oo ah wiilka ay Farxiyo dhashay ee qaba sokorta ayaa isaga qudhiisa la qabsaday xanuunkan wuxuuna iska ilaaliyaa wax walba oo dhibaato u keeni kara. Wuxuu mararka qaar gacantiisa iskula duraa cirbadda uu joogtada u qaato. Hase ahaatee carruurta aysan da’doodu gaarin heer ay is xannaaneeyaan ayaa waalidkooda looga baahanyahay iney ku dadaalaan xannaaneyntooda. Dr. Cabdisalaan Maxamed Macalin oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada carruurta ayaa BBC-da uga warramay saameynta uu cudurkan ku leeyahay carruurta. “Nooca 1aad ee cudurka macaanka marka uu carruurta ku dhaco intooda badan waxay ku dhiman jireen guriga, laakiin hadda dadka way fahmeen waxayna si deg deg ah ula xiriiraan isbitaallada, si wakhti hore loo ogaado” ayuu yidhi. Wuxuu Dr Cabdisalaan sidoo kale sheegay in cudurka Sokorta uu 10% ku dhaco carruurta, loona baahanyahay in si aad ah loogu dadaalo xannaaneyntooda. Source
  22. R’isilwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka qarankeena Soomaaliya galabta ay la leeyihiin dhigooda dalka Itoobiya. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in uu guul u rajeeynayo Ciyaartooyda dalkeena Soomaaliya. Ciyaar xiiso badan ayaa goordhow ka dhici doonto dalka Itoobiya oo u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo guul u rajeeyay Xulka Soomaaliya oo la Ciyaaraya Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  23. Balad Xaawo (Caasimadda Online) – Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada. Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Balad Xaawo, wuxuuse ka gaabsday faahfaahin intaa ka badan inuu bixiyo. Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxay Al-Shabaab kaga jawaabeen inay la soo hadlaan ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka kana dalbadaan inay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah. Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanka ayaa kala hadlay maamulka codsiga Al-Shabaab balse waa uu ku gacan seyray inuu ka laabto go’aankiisa maamulka Balad Xaawo. Al-Shabaab iyana waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay ku go’doomiyeen magaalada Balad Xaawo sida ay ka sameeyeen magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya taas oo warwar iyo walaac ku beertay dadka deegaanka. Haddii uu dhaqangalo go’aanka Al-Shabaab waxay ka dhigantahay in marinada kaliya ee hadda kadib Balad Xaawo wax uga imaan karaan ay tahay magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandheera iyo dhinaca dalka Itoobiya. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  24. Jabuuti ( Sh. M. Network )-Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Mareykanka ayaa dowladda Shiinaha uga digay in ay qabsato Dakedda Dorale ee Dalka Jabuuti. Sanataradani oo kala ah Marco Rubio iyo Chris Coons, kana kala tirsan Xisbiyada Jammuuriga iyo Demuqoraadiga ayaa warqad u diray wasiirka arriamha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka gaanshaadhigga Jim Mattis, taas oo ay kaga dalbanayaan wasaaradahaasi in tallaabo milatari iyo mid siyaasadeed ay ka qaadaan xukuumadda Beijing, haddii ay isku daydo in ay la wareegto Dekedda Jabuuti. Sidoo kale Xidhibaanadani ayaa hoosta ka xariiiqay isbalaarinta gacansiga Shiinaha ee Africa ay tahay mid ka hor imaaneysa danaha Dhaqaale iyo tan Ammaanka ee Mareykanka, islamarkaana aysan u dul qaadan karin la wareegitaanka Dekeddaasi. Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ruqsadii kala noqotay dalka Imaaraadka Carabta oo horay u maamulayay Dakedda Dorale ee dalkaasi ,islamarkana la sheegay in haatan Dekeddaasi ay lawareegi doonto Dowladda Shiinaha. Arrintani oo salka ku heysa dagaalka Ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa laga cabsi qabaa in xiisaddu ay isku bedasho mid Militari oo dhexmarta labada dal. The post Mareykanka iyo Shiinaha Oo isku haya Dekedda Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article