-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Abu-Dhabi) Sergio Ramos oo u labbisan sida culimada Islaamka ayaa iska xaadiriyey masaajid ku yaalla magaalada Abu Dhabi oo lagu magacaabo Sheikh Zayed Mosque subaxnimadii saaka kaddib markii guul ay xalay ka gaadheen naadiga Kashima Antlers ay ugu gudbeen finalka tartanka naadiyada dunida. Sergio Ramos oo ay wehelinayaan Karim Benzema iyo Raphael Varane ayaa ka baxay hotelka ay ka deggan yihiin magaalada, waxaanay booqdeen meelo ka mid ah magaalada. Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos oo ay la socdeen shan qof oo asxaabtiisa ah ayaa waxay soo mareen dhawr meelood, laakiin lebbiskooda oo ahaa dharka carabta iyo culimada Islaamku xidhato ayaa dad faro badan soo jiitay intii ay dhex socdeen magaalada. Maadaama ay qorrax kulul iyo jewiga jiilaalku ka jiro Imaaraadka Carabta, waxay qaateen muraayado madow oo iftiinka badan ee dhulka kasoo noqonaya iyo dabaysha ciidda wadata ay iskaga difaacaan. Sergio Ramos ayaa bartiisa Instagram waxa uu soo dhigay sawir uu ku dhex jiro masaajid qurux badan oo ku yaalla Abu Dhabi, isaga oo muuqaalkiisu u egyahay sheekh, waxaana qoraal kooban oo uu soo raaciyey uu ku qiray inay tahay meel ixtiraam badan. “Waa meel gaar ah. Xushmad iyo qaddarin leh. Waad ku mahadsan tihiin heshiiska iyo jacaylka. Goobta gaarka ah, xushmadda iyo ixtiraamka. Waad ku mahadsan tihiin soo dhoweynta diirradan iyo taageerada. #SheikhZayedMosque #AbuDhabi #UnitedArabEmirates” Sidaas ayuu soo qoray Sergio Ramos. Laacibkani ma sheegin in xiddigaha kale ee la socday ay u raaceen Masaajidka laakiin sawir kalidii ah ayaa uu bartiisa ku baahiyey. Daqiiqado kaddib sawirka Masaajidka, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal waxa lagu sawiray goob kale oo aan la magacaabin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku dhowaaqay in laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Mursal ayaa qoraal uu goor-dhow soo saaray ku sheegay in mooshinka lagu dhameeyey qaab wada-hadal islamarkaana xildhibaano badan ay ka laabteen. Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababaha mooshinka dib looga laabtay ay tahay ayada oo 14 xildhibaan ay sheegeen inaysan saxiixin mooshinka balse magacooda la adeegsaday. Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, oo sida dastuurka uu qabo ay tahay in mooshinka marka lasoo gudbiyo ay eegto eedeymaha madaxweynaha loo soo jeediyey, kadibna ay go’aan ka gaarto sax ahaanshahooda. Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ayaga oo tixgelinaya xaaladda dalka ogolaadeen inay mooshinka la laabtaan, wada-hadalna lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira. si kastaba, xog aan ka helnay dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegaysa inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay, kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Mursal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn. Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO. Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii? Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba. Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen. Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen. Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed. Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
-
Marka hore salamu lahi calaykum. Sheekadan oo aan qoray sanado ka hor. Waqtigaa waan mal dahay fasiraadeeda lkn shirkan jabuuti ee lagu sheegay dood u dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya ayaa sababay fasiraadeeda. Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals ) iyo dad la jog (domest ic animals ).Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana ka mida .. Shabeelka, Libaxa, iyo kuwa kale, waxana ugu halis badan oo xataa lagu shee ga inuu boqor u yahay dugaaga kale bahalka la yidhaa Libaaxa. dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raa ca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela, hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay dhashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod. oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) oo marka danbe waxa look ala baxaa Cows Ku nool iyo Cad ku nool. tusale Dugaagu ma quuto Cawska, halka xooluna aanay quudan cadka (hilibka) hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hoyadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo caanaha hoyadi oo ah naasaha malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga. waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah. waxay inta badan joogan meel u dhaw xerad oda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod. duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi. oo noolaha dibadgal ahi wuu qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay.. hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal. geed ka ag dhawaa goobta ay joog een ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ? wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal. Isna Waxa arkay oo u yimid Ni rig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena layaabana ….. geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.? Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid. nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is barasho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin. malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . ………… waxa dhacday in Nirigii yaraa Hoyadii uga sheekeeyay saaxiib cusub oo ay maanta is barteen astaamihiisii iyo siduu u eeka … hadiiba Hoyadii nirigu aqoonsatay ( waa Hashii dhashay niriga’ e ) wuxuu u sheegayaa inuu yahay dhal Libaax oo malaha ah cadawgoda koowaad ee aakhiro u diri kara.ayay booday hurdadii iyo daalkii ayaa ka duulay… waxayna ku dardaartay oo ku tidhi…HOOYO:- • Meeshaa uu kuugu yimid dib ha u tagina adi iyo asxaabta kaleba. • saxiibkan aad soo baratay Abihii ayaa dilay Abahaa oo waliba cunay. Waliba asxaabtaada waalidook iyo ehelkooda wuu laayay’ qaarkood wuuna cunay. • Isaguna wuxuu doonaya inuu ku dilo adiga iyo asxaabtaadan kale oo uu idin cuno. ( iyado ula jeeda,asxaabta kale , Waylaha iyo maqasha. ) Nirigii yaraa oo yaaban ayaa Hooyadii ku yidhi ‘” …. Ee Hoyo, cunto ma cuno ee caano ayuu cabaa hadii aad markii noo iman lahayd waxaan siin lahaaba caanahayga badhkood. … yaab iyo amakaag kadib Nirigii yaraa wuu aqbalay taladii hooyadii,asxaabtiisii kalena wuu u sheegay iyaguna warkii way is gaadhsiiyeen xataa Hooyoyinkod ayay ula taggeen oo sidii niri ga hoyadii oo kale looga raariday arintii. waliba waxa la tusay lafihii Ehelkooda oo meelo yaala y, looguna sheegay wakaa markhaatigii….. KA SOCO DHINICII LIBAAXII YARAA IYO HOYADII..maxaa kala qabsaday iyagana…. Libaaxii yaraa ( cago baruur ) isna hooyadii ( Gool ) ayuu uga waramay saxibkiisa cusub iyo asxaabtiisii kale oo noocyo badnayd aadna u qurux badnayd. goosha oo ah libaaxa yar Hoyadii, oo lagu xanto dabeecad xumo iyo cadho badan ayaa markuu warka u dhameeyay Ul u qaadatay libaxii yaraa. xoogaa markii ay yar ciqaabtay ayay ku canaanatay in fursada uu dayacay aanay dib usoo mari doonin. Waliba waxay xasuusisay maalin uu ku yidhi Hooyo caanuhu maanta macaana.waxay ku tidhi caanaha waxa macaaneeyay maalintaa inuu ahaa Hilibkii nirigaa ehelkooda oo ay maalintaa mid kazoo cuntay…. Cajiib. Libaaxii yaraa ayaa yidhi : lakin Hoyo maxaad u cuntay. Gooshina aya ku jawaabtay : wiilkaygiiyow calafban ku lahaa’ oo fursadan aad daayacday oo kale ayaan ka fa’idaystay malintaa anigu………. Libaaxii yaraa wuxu hoyadii waydiiyay inay iyadu caano cabto, lkn waxay ugu jawaabtay in aanay caano cabin ee ay Dhiiga iyo Cadka saxiibkiis iyo Ehe lkiisu yahay noloshooda……Libaxii yaraa malinta wuxuu Ogaaday in saxiibkiis aanu dib u heli doonin maadaama ay kala yihiin Kaaf iyo kala Dheeri……………. aan Fasiro sheekada, Libaaxu waa Somaliya, halka Niriguna yahay Somaliland. Labadan dal markii ay midoobayeen shardiga kaliya ee isu keenay wuxuu ahaa Somali nimo halka Libaaxa yar iyo Niriga yar saxibtinimadoodi ahayn Caanaha ma cabtaa. markaa Somali ma tihiin iyo haa, ayaa labadii dawladood ee waqtigaa mideyay 1. Jully 1960. lkn la isma waydiinba maxaa inoo xigi dona ……… Niriga yar iyo Asxaabtisii waxa la tusay lafihii ehelkoodii ee Dugaagu cunay. Ok da’yarta Somaliand waxay malin walba arkaan Xabaal wadareed laga soo faqayo maatidii uu gumaaday taliskii Siyad bare waana waxa kaliya ee laga dhaxlay Midowgii Somalia. Niriga Hoyadii waxan ku matalayaa dadka usoo joogay dhibkii laga dhaxlay midowgii Somaliland iyo Somalia oo xog ogaal u ah, tacadiga, u dheeraa lafahan daadku soo saaray. Goosha waxan uga jeeda Siyaasiga Somalia ee wali ku hamiyaya inuu mar labaad sameeyo ficilkii xukumadoodii hore u gaysatay shacabka Somaliland oo aad modo inay wali fursad kale radinayaan. …………… D H A M A A D …….. waad ku mahadsantahay waqtia aad siisay akhriska sheekadan. ……………… wa bilaahi tawfiiq. Mohamed Mohamud Ahmed ( M. Arts ) Gabiley Somaliland. E-mail, maxamedarts1@gmail.com Tel : + 252 63 4466498 Tel : + 252 65 9875050 Source
-
(SLT-Beijing)-Dowladda Shiinaha ayaa ku tilmaamay xarig haweeneey u dhalatay dalka Canada oo lagu xiray Shiinaha mid ku yimid sababo la xiriira haweeneydan oo si sharci darro ah uga shaqeyneysay Shiinaha. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Hua Chunying oo maanta la hadashay wariyaasha, ayaa xaqiijiyay in qofka la xiray ay tahay Sarah McIver. Ma sheegin faah-faahin dhaafsiisan in loo xiray sababo la xiriira iyadoo dalka ka shaqeysay ruqsad la’aan. Warbaahinta Canada ayaa sheegay in McIver ay tahay macallimad. Ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Arbacadi sheegay in dowladiisu ay isku dayeyso in ay hesho xog faah-faahsan oo ku saabsan kiiska macallimadan. Laakin waxay u muuqataa in xarigeeda uusan xiriir la laheyn xariga dalka Canada logu geystay haweeneey Shiinees ah oo madax ka ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei. Source
-
(SLT-Ankara) Wasiirka difaaca ee waddanka Turkiga Hulusi Akar ayaa digniin adag ku sheegay inay tallaabo militari ku qaadi doonaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ka dagaallamo waqooyiga Suuriya, maalin un kaddib markii madaxweynaha Mareykanka uu shaaca ka qaaday in ciidammadiisa uu kala baxayo dalka Suuriya. Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa kasoo xigatay wasiirka oo sheegayo in xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ay ku xabaali doonaan godad ay qodeen marka la gaaro xilliggaasi. Mareykanka ayaa taageeray kooxda YPG ee dagaalka kula jirto kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee ka dagaallanta Suuriya. Turkiga ayaa ku tiriyaa kooxdaasi inay ka tirsan yihiin ururka Kurdiyiinta PKK ee laga mamnuucay dalkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan aqalka Sanete-ka Mareykanka ayaa cambaareeyay go’aanka Trump uu ku sheegay inuu ciidamadiisa ka joogo dalka Suuriya uu kasoo saarayo, waxayna ku tilmaameen tallaabo khalad ah oo halis ku ah amniga qaranka Source
-
Sometimes life does not look like the way we’d want it. And it hurts. Human beings have had that experiences. But what about when things never change and we continue to wallow in or dwell on life that does pan out the way we plan it to be? Our life becomes boring, isn’t it? In life, attitude is everything; it is what shapes our actions and desires. We can choose to live the life we want, no matter how hard it can get. Hardships always occur throughout our life, but it is up to us how to interpret them. It is a matter of what we do well and what we do not. There are conditions of life that changes of nature have placed us and others that choices of human behaviour has made. For instances, what actually causes hunger? How did we learn to lie? Hunger is a condition but not a choice. Lying is not a condition but a choice. How can we deal with our choices and conditions? The truth is that we can learn to condition our minds, bodies, emotions, and desires to link pain or pleasure to whatever we choose. By changing what we link pain or pleasure to, we can instantly change our behaviour. This singles out the fact that attitude is what governs the way we perceive the world and the way the world perceives us. This means that it is not what happens to us that matters, but it is how we choose to respond. What drives human response? Can humans act without a thought? A thought is sown in the mind before it is reaped in the field of action. We must paint the vision of where we are going to or what we are intending to do. The idea that ambition is what gets people started, attitude what determines how people do things, ability what determines what people can do, and skill what determines how well people get the things done, is no longer applicable today. As times have changed so have our attitudes toward crime and punishment. Crime once considered evil is now, if it is fortunate and successful, called virtue. Evil is what is morally wrong or wicked, while virtue is a behaviour or attitude that shows high moral standards. A crime is a crime regardless of what form it comes and who commits it. A crime is an immoral act stemming from evil characters. A crime does not only involve killings. There are crimes that involve treason, robbery and rape. Thus a crime is an action that is deemed injurious to the public welfare or morals or to the interests of the state. Abuse of a public or private office for personal gains is a crime. And so corruption is a crime. Theft is a crime. Softening the severity of the law not by pity but by bribe is a crime. Politics based on denials is a crime. The point in which we stand in this age is that what we say, what we do and how we deal and treat with each other is not judged from the religious point of view. How do we as Somalilanders combat crimes? How are we defined when we are in a public office and no one is looking at us? Are we accountable for what we do and how we do it? Do we believe what we preach or fulfill what we promise to do? How our attitudes affect our social life? Do we try to acknowledge situations, correct our mistakes, learn from the past and move forward? Are we really ready to replace what works well with what did not work well in the past and the present time? Do we control our mentality with or without emotions when it comes to national issues? What do you do when you have nothing? How are you defined at this point in history? Do you get irritated and agitated? How patiently can you wait for that which you need? Can you believe that you are probably more than you could be if you would have spent more time doing than less time resting? Your answers to above questions depend on your own personality. But what is personality? We are in an organization age. And your personality is how you organize your principles that guide and drive you whenever you intend to make plans in social life. By:Jama Falaag Hargeisa, Somaliland Qaran News
-
Addis Ababa (PP) ─ Barlamanka Dowladda Federalka Itoobiya, ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas. Baarlamaanka, ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha. Sidoo kale, Sharciyada cusub ee Baarlamaanka Itoobiya uu Ansixiyey waxaa ku jira dhismaha ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka. Dhanka kale, Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa dhowaan shaacisay inay saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Soomaaliya. Xukuumadda Itoobiya, ayaa wadahadalo arintan la xiriira la furtay Dowladda Somalia, inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli Arrintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Somalia uu ahaa mid muddo dheer soo jiray. Ugu dambeyn, Go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso Ciidamada Badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada waddan. PUNTLAND POST The post Baaramaanka Itoobiya oo maanta Ansixiyay Sharciyo halis badan ku keeni kara Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub kuwaasi oo qaarkood wax laga bedelay qaar horey u jiray halka kuwa kalana lagu soo daray. Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisayo maamul xuduudeed iyo guddi qaabilsan aqoonsiga. Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax looga bedalay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay. Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka. Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigantahay sida ay go’aankooda u fuliyeen. Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku maal-geshan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekad. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Mogadishu Mayor Eng Abdirahman Yarisow hit back at former Kenyan MP, Elias Bare Shill after he accused President Mohamed Abdullahi Farmajo of taking the country civil war. The mayor has urged Shill to be objective and widely open his eyes as well as wake up from the bad dream as the president is one of the best leaders in Africa at the moment. He added that Farmajo is enjoying the confidence of his people and won their hearts and minds that is clear as the sun in the middle of the sky. “Yes Hon Elias you are dreaming, so please be objective as Farmaajo is one of best African leader that enjoys the confidence of his people as Prez Farmajo won the hearts & minds of Somali people. Please open your eyes so you can wake up from the bad dream,” Eng Yarisow tweeted in response to Shill’s Tweet. The post Farmajo won hearts and minds of his people, Mogadishu Mayor tells Ex-Kenyan MP appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore ayaa si layaab leh weerar adag ugu qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku duray wax uu Wasiirku ugu yeedhay kala qaybin dhinaca bulshada ah isaga oo dhinaca kalena difaacay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqorka Beelaha Daarood safarkii uu ku yimid gobolo Somaliland ka mid ah iyo wixii uu ka hadlayba halka Wasiir Saleebaan Guddoomiya UCID ku sheegey in uu yahay shakhsi cunsuri ah oo muddo badan soo hor taagnaa shacabka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore oo shalay ka hadlayay Xaflad ay ku qalin jabinayeen arday wax ka baratay Jaamacadda GOLIS ayaa waxa uu dhammaan hadalkiisii madashaasi laga siiyay weerar culus ku qaaday Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ka daba socday hadallo uu hore Faysal u sheegay balse aanu Wasiirki faahfaahin. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Siyaasiga aannu rabnaa waa ka nagala shaqeeya sidii aanu dadkaa Gobolada Bariga ee ku nool inta isku xidha Somaliland iyo Soomaaliya nagala shaqaynaya ee nagu garan taagan in dadkaasi walaalahood reer Somaliland wax la qaybsadaan oo ay wax la wadaagaan balse maaha siyaasiga kala qaybinaya. Ma aha siyaasiga yasaya ee xaqiraya oo ereyada qaldan ku odhanaya. Ma aqbali karno umadduna ma aqbali karto 18 sannadood ayaa rag xisbi hor taagan yihiin. reer hebel baa reer hebel wax ku samaynaya la soo taagan yihiin wuxuuna rabaa in uu yidhaahdo xisbibaan guddoomiye ka ahay. Waan ka xumahay in dadka Jaamacadda ka baxaya aan dhagahooda wax xun maqashiiyo laakiin qofka xun ee Somaliland kala dhantaalaya ee isir u qaybinaya ee reer hebelnimo wada in umaddu qabato xaq bay u leedahay. ma reerbaa Somaliland leh mise waa la wada leeyahay?. Miyaynu u baahanahay markaa in la reer hebeleeyo?. Umaddani waxa ay u baahan tahay qaran wada kaca, qaran is leh iyo xuduudo is leh iyo dal is leh iyo ummad isku tashata iyo ummad aan kala tashan, ummad aan la qaybin iyo mid aan loo reer hebelayn. Qof kasta oo umaddan kala qaybinaya aan ku nidhaahno waar ka joog. Waa in aan cod midaysan ku diidnaa. Waligay qof uma jawaabin laakiin 27-kaasi sannadood waxaan dadka isku daba wadnaa wax kale maaha waa umadda Somaliland ha midawdo. Xuduudka Somaliland annaga ayaa samaynay. Koore ayaa sameeyey aniganana Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa la i yidhaahdaa. Ninkii sameeyey ayaan ka soo jeedaa waxaanan aaminsanahay in aan xuduudka sameeyey oo aan dalka ka mid ahay oo leeyahay. Waa wax lala yaabo nin guddoomiye xisbi ka ahi inta uu halkan isa soo taago in uu iga dhigo qof aan dalka xuquuq ku lahayn. Umadda waxaan leeyahay guud ahaan gudo iyo dibadba in ninka sidaa u hadlaya aanay u qaadan in laga wada midaysan yahay oo lala qabo waa mid isaga u gaar ah oo waa shakhsi cunsuri ah. Waa maalintii koowaad oo aan qof si fagaare ah uga hadlo aaadbaanan uga xumahay laakiin way ka fursan wayday. Markii lagu soo celceliyey way ka fursan wayday. Boqorka laga hadlay anaa ku soo dhaweeyey Jamhuuriyadda Somaliland aniga oo wasiir ah. Waxaanay ahayd arrin aannu xukuumad ahaan isla qaadanay. Boqorku (Boqor Burhaan) wax badan buu qabtay deegaan badan oo dhibi ka jirtay ayuu dhibkii ka qayb qaatay. Waa nin dhaqan oo Somaliland iyo Soomaaliya toona kamaanaan wada hadal annagu. Si dhaqan ah ayuu meel u tagay oo wax uga qabtay. Cunsuriyad maaha. Reer hebelnimo lama wado”. Source
-
(SLT-Addis-ababa)Ugu yaraan Siddeed Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Degmada , Mao-Komo, oo ka tirsan Gobolka, Benishangul Gumuz, ee Dalka Itoobiya, sida ay baahisay warbaahinta gudaha Dalkaasi. Gaadhigan oo ahaa Bas yar, isla markaana ay saarnaayeen 11 Qof oo rakaab ah, ayaa dul maray Miino nooca Dhulka lagu aaso ah, meel ku dhow xadka kala qaybiya Gobollada , Benishangul Gumuz iyo Oromiya, sida uu Saxaafadda u sheegay, Kamaal Idriis, oo ah madaxa ammaanka iyo siyaasadda ee Degmada , Mao-Komo. Boliiska Itoobiya ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan sidii ay ku heli lahaayeen Cidda halkaasi gelisay Miinadan, mana jirto Koox sheegatay falkan. Dhulka Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha Caalamka ugu Miinada badan, iyadoo horay loo diiwaan geliyay caddadka Miino ee ku jira halkaasi inuu gaarayo, 250,000. Source
-
(SLT-Washington)Xoogaga Kurdiyiinta ee qeybta ka ah isbaheysiga dagaalka ka wado dalka Suuriya ayaa sheegay in go’aanka madaxweyne Trump uu ciidamadiisa kala soo baxayo Suuriya ay fursad u siineyso kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka inay dib usoo kabsadaan. Bayaan kasoo baxay xooggaga Dimuqraadiga ee Suuriya(SDF) ayaa ka digay in xooggaga isbahaysiga ay horseedi doonto inay ku dhex xayirmaan dhinacyada mucaaradka ah. Trump ayaa Arbacadii sheegay in laga guuleystay kooxda IS. Si kasataba, ha ahaate, waxaa hadalkaasi kasoo horjeestay isbahaysiga dagaalka kula jiro ururka IS. Source
-
Barlamanka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub kuwaasi oo qaarkood wax laga bedelay qaar horey u jiray halka kuwa kalana lagu soo daray. Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisayo maamul xuduudeed iyo guddi qaabilsan aqoonsiga. Barlamaanka ayaa ansixiyay qabyo qoraalka wax looga bedalay xeerarka ciidanka kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku ansaxiyay. Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca cyber-ka ama guud ahaan dagaalka internetka. Itoobiya aya horay u sheegtay dhismaha ciidamada, laakin ogolaashiyaha baarlamaanka waxaa ay ka dhigantahay sida ay go’aankooda u fuliyeen. Lama oga saldhigga ciidamadaasi cusub iyo badda ay joogi-doonaan, laakin waxaa jira heshiis ay la galeen dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku maal-geshan-doonaan Itoobiyaanku ilaa 4 dekad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiil dembiyo Culculus ka galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo la baadigoobayo oo Baasaboor Soomaali ku baxsaday & Xogo kale oo xasaasiya In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi. Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore. Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nooca shaqaalaha (Service) iyo nooca shacabkaba u soo saaro, halka mulkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xidhiidhka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaadhi lahaayeen. Axmed Abuubakar ayey aad isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xidhay Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah. Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida. Warbaahintae ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho. Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn oo looga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho . Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa lagaga iibiyaa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ahi u sheegeen warbaahinta ka hodmay Koofi. Madaxda sare ee Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Taliyaha Sirdoonak Somalia Koofi. Sponsored by Revcontent Up Next Qaran News
-
Somaliland: Very few rich groups have the decisive influence over the government’s trade, monetary and political functions In almost all countries of the world, import and export trade is controlled by their governments with restrictions and procedures to meet the satisfactory trade limitations that make their trade be beneficial to all parties involved. To meet that objective, they apply their own import trade limitations, which can protect each of the different levels of indigenous businesses; which can ensure the price affordability of all classes; which can secure the sufficiency, the safety and the quality of all commonly consumed imported commodities. Conversely in Somaliland, the previous governments and the present one deliberately put aside and failed at least to endorse the trade limiting restrictions, especially the import trade; which is a procedure restricting the importers to sell only to wholesalers not farther, the wholesalers to sell only to retailers not farther, and the retailers to sell directly to the public or consumers. If these trade limitations be introduced, it could protect the existence and growth of the lower levels of the businesses (wholesalers, upper retailers and lower retailers); it could ensure consumers’ food security; and could help control the demand-pull and cost-push transactions to avoid inflation. The absence of the government’s role and responsibilities to implement the required trade restrictions imposed by the country’s laws, gave the few bulk importers of the commonly consumed commodities a limitless freedom that enabled them to be the only player to occupy all the three selling limitation levels of the bulk order imported commodities; leaving the middle and lower businesses of this country be at the mercy of the few giant trade companies. These few giant lifeblood suckers moved forward with their limitless freedom and spearheaded the US dollar price based purchasing system existing in Somaliland; as they ignored the local currency and refused to sell their commodities with SL. Shillings; compelling the smaller businesses to buy their imported commodities with US dollar only. This again hampered the growth and progress of the medium and smaller businesses whose merchandize was related to the imported food commodities. This unwelcome action in the rule of monitory laws of any country in the world including Somaliland, and an unacceptable crime in where there is government with a rule of law; introduced by the few giant importers led the country in to a situation that all businesses from top to bottom value their goods and services in US dollar. But the wonderful thing to refer is that from the time these major importers began this micro economically, socioeconomically and financially destructive purchasing system up to now; all Somaliland previous governments and this current one did not take actions, did not impose any measures, did not publicly show the least response about the financial negative impacts of this crime, and even did not officially mention this case as one of the major causes of the unsolvable current hyperinflation and local currency value lose. Likewise, every country in the world, it is the government which is responsible to control the prices of all the imported food commodities, medicines, and any other goods essential for its people. In Somaliland, it is obvious that we import almost 99% of the foodstuff, medicines, building materials, all other essential goods and luxury needs. Again conversely, Somaliland governments were not aware as part of their responsibility, and failed to control the prices of the imported commonly consumed commodities; especially food, medicines, petroleum items and all goods essential for the consumption of the people; they failed to set the parameters of food commodities prices that are satisfactory and affordable to all classes of the citizens. According to world food commodities prices, the market prices of these imported commodities are the highest prices in the world, for Somaliland — one of the poorest countries with the lowest GDP per capita in 2017. It is true that our governments’ failures to implement the above mentioned social services for their citizens, gave the bulk businessmen again a freedom to sell their goods whatever price they can earn; that they can easily gain a profit ranging from 200% up to 400% according to a data received from inside informers. This oppressive and heart breaking trade system upon our poor people sucks the lifeblood out of all lower and middle class people and transfers their small having to the few rich companies and commercial giants. Similarly, every country in the world, its government is responsible to protect and control the quality and Safety Standards of all Foodstuff imported to its people’s consumption; and set out the overall legal responsibilities of the importers, making them avoid to import commodities unsafe or unsuitable for people to eat, relating to their health well-being and hygiene. Again conversely, Somaliland previous governments and the present one failed to make the needed quality control system on the imported food commodities, refreshments, medicines, and other essential items used for human consumption. The combination of the above mentioned four problems related to our trade transactions mentioned in this article is internationally known as food security protection of a nation or country. And one of the key features of a social development of a state is that when the food security of its people is granted and ensured. This is when all the people or all citizens of a country, at all times, have access to affordable in price, sufficient, safe and reliable food to meet their dietary needs. The Constitution of this country places the responsibility of this issue on the government. But this food security issue does not exist in the minds of those who ruled this country after late president M. I. Egal who succeeded to apply the import trade limitations and the price control of the food commodities; then ensured that its selling stages and the affordability of its prices could be progressively expanded to all levels. Though every effort of nation building was at its initial stage and the resources available at that time were very limited, it is marked as the period of the lowest food commodity prices ever Somaliland people have experienced. The failure of the government to endorse the trade limitation procedure; its failure to make the local currency as the only acceptable purchasing currency and avoid its value go down in the market; its failure to intervene and control the prices of food, medicines, petroleum and other essential commodities; its failure to protect the health well being of its people by controlling the safety standards of imported food commodities; its failure to adjust the undesired market results; caused the people to experience some rarely seen or unknown diseases rapidly increasing among the common people, possibly because of so many unsafe food commodities in the markets; and locked the majority population at the bottom into a permanent poverty trap. The existence of these trade related problems together with the government’s denial are all favouring to the few rich importers; while the effects and hardships of the unlimited higher prices, the unhealthy food consumption, the local currency depreciation, and inflation hit the common people or lower and middle classes; dividing them in to some with relative poverty, having insufficient income for their monthly essential needs, and some with absolute poverty, having nothing to spend the necessities of their life such as food, medicine, rent and clothing. The last and most important truth to share with all concerned is that the main cause of all these government failures which we mentioned above is the government’s trade policy controlled by a group of few rich people closely related with the government simply because they are rich, or their similar economic hegemony positions; in another words all these failures are the negative impacts resulted from “the economic hegemony practices in which very few rich groups have the decisive influence over the government’s functions of the country’s trade, monetary and political systems” Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Tigreega Itoobiya oo eedeymo Cul-culus u jeediyey Safiirka Maraykanka ee Somalia Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Igrayga. Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed. Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay. Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa la filayaa in goordhow uu soo saaro war cusub oo ku saabsan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Wararka ayaa sheegaya in Mursal uu shaacin doono in mooshinka madaxweynaha laga laabtay, oo khilaafkii taagnaa lagu dhameeyey wada-hadal. Mursal ayaa la sheegay inuu shaacin doono in xildhibaanada mshinka keenay ay ka laabteen, sidaasna uu mooshinki ku buray. Dad ku dhow guddoomiyaha baarlamanka ayaa sheegay inay jiraan heshiisyo hoose oo la isku afgartay kuwaasi oo dhamaantood salka ku haya xilal siyaasadeed, balse ma jiraan faah-faahin ku saabsan waxa ay yihiin. Waxaa hadda socda kulamo uu Mursal la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha, waxaana kulanka kaddib laga soo saari doonaa war saxaafadeed ku saabsan in mooshinka uu jabay.. Naga filo faahfaahin dhowaan Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com