-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa gaaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah. Ulajeedka madaxweynaha u tagay magaaladaasi ayaa ah ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale, Baydhabo waxaa ku sugan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goor dhow ay munaasabadda caleema saarka bilaabatay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoonka kubada cagta qoobdooro ee degmada Kaaran oo kamid ah garoomada caanka ah ee ku yalaa Gobolka Banaadir ayaa 15 bishan waxaan dhagax dhigay maamulka Gobolka Banaadir waxaana la sheegay in dhawaan loo dhisidoono qaab-casri ah si loogu faa’ideeyo dhalinyarada iyo shacabka degmada Kaaraan oo aad u xiisaya tartamadda kubbadda cagta gudaha. Cabdifitaax Nuur Cali oo ah gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir sida ay dhagaxdhigeena garoonkan oo furo u noqondoono is-dhaxgalka bulshada iyo bilicda degmada uu maamulka ka yahay. “Waa bilaw fiican in degmo ka mid ah Gobolka Banaadir ay hesho garoonka lagu ciyaaro kubbadda cagta waana wax kaliya ee lagu horomarin karo tartamadda ay qabtaan xirirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gbolka anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waan u mahad celinaynaa cidwalbo ka qeyb qaadatay arintan waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqan caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (EngYariisow) ayaa sheegay dhagax dhiga garoonka kubbadda cagta qoobdoore ee degmada Kaaraan oo ku yimid wadatashi ay la yeesheen maamulka iyo shacabka degmada . Degmada Kaaraan markii loo eego ka qeebgalka tartanka sanadlaha ee kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay xafiiska maamulka ciyaaraha Gobolka waa kooxda ugu taageeraha badan hadii ay heelaan garoonka waxa uu ka saacidoonaan waxyaalo badan oo guula u horseedi kara mustaqbalka sidoo kalane wuxuu faa’ido yahay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan dalka. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed. Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi. Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga. The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in lasoo gabo gabeeyay weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weerarkaasi ayaa dowladda Kenya waxay xaqiijisay in ku dhinteen ku dhawaad 18 ruux, waxaana wasiirka arimaha gudaha Kenya uu shaaciyay in weerarkaasi gabi ahaanba lasoo afjaray. Wasiirka Amniga Gudaha Fred Matiangi’i oo ay garab taagan yihiin Madaxa hay’adda Bisha Cas Kenya Cabbas Gulet iyo saraakiisha booliska ayaa shir jaraa’id ku qabtay albaabka DuSit D2, iyaga oo shaaciyay in howlgalka uu soo idlaaday. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan khasaaraha guud, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxyeelada ka dhalatay weerarka. AL Shabaab oo shalay sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarkaasi oo ku bilow gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyay sida ay kaga adkaadeen ciidamada kala duwan ee dowladda Kenya. Madaxweyne Kenyatta oo dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya inay isku duubnaadaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live,com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen. Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo aad u hubeeysan. Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Dhinaca kale waxaa halkaasi gaaray xubno katirsan madaxda maamul goboleedyada. Xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhaceeysa maanta Baydhabo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo gabagabeeyay gabi ahaan weerarkii xooganaa ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in la soo afjaray weerarkan, islamarkaana la toogtay dhammaan Raggii soo qaaday. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya 14 Qof ay ku dhinteen dhacdadaasi, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo muwaadin oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray. Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan oo ku bilowday qaraxyo, waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 47 Qof, sida ay hadalka u dhigeen. The post Kenya Oo shaacisay in la soo afjaray Weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay dagaal wuxuu ku dhexmaray Galbeedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Al-shabaab ayaa la sheegay in abbaare 12-kii saq dhexe ee xalay ay weerar xooggan kusoo qaadeen fariisin ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee inta uu la egyahay lama oga. Maanta waxaa deggan guud ahaan xaaladda degmada Afgooye, iyadoo ciidanka DFS ay wadaan howlgallo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-WARIYAHA-AFGOOYE-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
President Uhuru Kenyatta, on Wednesday, released a statement after suspected Al-Shabaab militants attacked Dusit D2 complex in Riverside, Nairobi. In the report, President Uhuru declared that the country would track down all the perpetrators of the attack and ensure justice is served. “We will seek out every person that was involved in planning, funding, and execution of this attack. We are on highest alert and we shall remain so,” he stated. He further sent out his condolences to the families of all those who were affected by the heinous act. “I must also state, that we are also a nation that never forgets those who heart our children he stated,” he stated. Uhuru commended all the fighting teams who helped neutralise the attack declaring that the country was ready to take any threat head-on as well as a return to work. In his address, Uhuru confirmed that more than 700 victims were evacuated to safety during the attack that lasted more than 16 hours. “The Operational priority of the security services was first and foremost to safeguard civilian life. They acted swiftly to contain the attackers and methodically evacuate those whose lives were at risk,” he continued. He commended Kenyans for showing unity and strength during the trying times while urging them to report any suspicious person or activity to the police. He further called on all leaders to speak out during the pursuance of the terrorist groups promising that they would offer the perpetrators no relief. “We will allow no one to derail our progress.” he declared. Uhuru also confirmed that 14 people were killed but all the attackers were eliminated. The post President Uhuru Releases Statement on 14 Riverside Drive Attack appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata oo goor dhawayd shir jaraaid ku qabtay magaaladda Nayroobi ayaa faah-faahin ka bixiyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotel ku yaal magaaladaas, wuxuuna Kenyata sheegay in lasoo afjaray kooxdii gudaha u gashay dhismaha 14 Riverside Dusit complex oo ku yaal degaanka Westlands ee magaalada Nayroobi. Mr. Kenyata wuxuu xaqiijiyey in dhamaan dagaalyahanadii la laayey, isla markaana dhismahaas laga saaray in ka badan 700 oo qof oo ku sugnaa halkaas, ayna weerarkaas ku geeriyoodeen 14 qof oo rayida. “Hawlgalkii amniga ee Dusit wuu dhammaaday, argagixisadiina waa la tirtiray. Xilligan la joogo, waxaan xaqiijinaynaa in 14 qof oo aan waxba galabsan lagu waayay gacmaha argagixisada, halka ay qaar kalena dhaawac yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Kenyata. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku raad joogaan dhammaan kuwii ku lugta lahaa weerarkan, hadii ay ahaan lahaayeen kuwii maalgeliyey ama fududeeyey. “Waxaan raadin doonaa qof kasta oo ku lug lahaa maalgelinta, qorsheynta iyo fulinta ficilkan naxdinta leh, kamana daali doono inaan meel kasta oo ay joogaan ugu tagno tan iyo inta si dhaba loola xisaabtami doono” ayuu yiri Kenyata. Dalka Kenya waxaa maanta laga dareemayaa baroordiiqda loo samaynaayo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka ku yaala magaalada Nayroobi. PUNTLAND POST The post Uhuru Kenyata: Waa lasoo afjaray argagixisadii, waxaana geeriyooday 14 qof appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya ayaa goordhow xaqiijiyey in la soo afjaray howl-galkii ay ciidamada ka sameeyeey hotelka ay Al-shabaab weerareen ee Dusit complex. Mr. Uhuru waxaa uu intaasi ku daray in 14 qof ay ku dhinteen halka qaar kale uu dhaawac ka soo gaaray intii uu dagaalka socday. In ka badan 50 qof la soo badbaadiyey kuwaas oo qoyskooda is heleen, dadkaasi ayaa goobta qaraxa ku xayirnaa in ka badan 10 saac. Dad la soo badbaadiyey ayaa hoos galay kuwaas, miisaska iyo qaar musqulaha ku dhuuntay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta la hadlay, isaga oo faahfaahin ka bixiyay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kenyatta, wuxuu sheegay in laamaha amaanka aysoo gabogabeeyeen weerarka, isaga oo sheegay in hadda xaalada caadi kusoo noqotay, islamarkaana dadka ay ku laaban karaan goobahooda ganacsiga. Wuxuu sheegay in waxyeelo ay ka dhalatay weerarka, balse ay socdaan faahfaahinta la xiriirta khasaaraha ka dhashay iyo sida Al Shabaab ay ugu suuro gashay inay weerarkaasi ka geystaan magaalada Nairobi, isaga oo sheegay in 14 ruux ay ku dhinteen hotelka. Dad ka badan 700 qof ayuu sheegay in laga badbaadiyey dhismaha la soo weerarray, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada Kenya oo jawaab degdeg ah ka bixiyey weerarka. Uhuru Kenyatta, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay dad Kenyan ah ku dhinteen, isaga oo tacsi u diray dadka eheladooda weerarka ay ku dhinteen. Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxaa kamid ah Soomaali, American, Ingiriis iyo kuwo u dhashay dalka Spain, sida warbixinta lagu helayo. Waaberigii saaka waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo u muuqday bam gacmeed inay ka dhacayeen hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen 47 ruux oo ku sugnaa dhismaha hotelka , laakiin laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 15 ruux ay ku dhinteen weerarka. Caasimada online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Itoobiya)-Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay. Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida. Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas. Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah. Waxa jira kacdoon qoomiyadaha ah oo ka socda Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay ammaanka guud ee Itoobiya. Kacdoonadan ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqdeen isbedeladii uu waday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaana isa soo taraya iska horimaadyada ka socda gudaha Itoobiya. Source
-
Waxaa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari lagu xiray madaxda ugu saraysa shirkadaha isgaarsiinta iyo korontada ee Golis iyo Eeneeya oo ay shalay bartamaha magaalada isku rasaaseeyeen ilaalada labadaas shirkadood, sidoo kale waxaa la xir-xiray ciidamadii is rasaaseeyey. Labadan shirkadood ayaa waayadii u danbeeyeyba ku muransanaa baalayaasha ka taagan magaaladda Bosaaso, kuwaas oo ay qolo weliba sheegtay inaysan qoladda kale isticmaali karin baalle ay taagatay. Inta la sheegay is rasaasaynta dhex martay ilaalada labadan shirkadood waxaa ku dhaawacmay afar qof. Dadweynaha reer Boosaaso waxaa anfariir ku noqday dhaqankan ku cusub Puntland ee ay ku dhaqaaqeen shirkadahan. Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa u muuqata inay balaarisay ganacsigeeda ayna kusoo dartay adeegga korontada, waxaana muuqata in tartan dhanka korontada uu ka dhex bilowday Golis iyo shirkadda ugu weyn korontada ee Eeneeya. Khilaafka labadan shirkadood ayaa soo socday labadii sano ee u danbaysay mana jirin cid dhex gashay. Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay inuu dulqaadkii dhamaaday cid welibana la marin doono waxa uu sharcigu ka qabo. PUNTLAND POST The post Maamulayaasha Shirkadaha Golis iyo Eeneeya oo xabsiga loo taxaabay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-La-Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa tilmaamay in ninka ajaanibka ah ee loo magacaabay Baanka dhexe ee Somaliya inuu halis ku yahay Somaliland, Wadamada jaarka, Maamul Goboleedada kala duwan ee Somaliya iyo Mucaaradka ka soo hor jeeda Dawladda Muqdisho, waxaanu ku taliyey in feejignaanteeda la yeesho. La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan dalka HIndiya, ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Arinta laga hadlayo ee ah in Maamulka Muqdisho ay Bangiga dhexe u dhiibayso dad ajinabiya, runtii arintaasi waa arin aad iyo aad u qoto dheer, dabadana waxay ku haysaa arimo Geeska Afrika halis ku ah, sida lala socdo Dawladda Maamulka Somaliya, inay gacan saar la leedahay Dawladdo khurbudaad ka wada Geeska Afrika, gaar ahaan Dawladda Qadar, waxaa la og yahay in lacago fara badan oo kaash ah lagu wax yeelo nidaamka dawladeed iyo wada jirka umadda Somaliyeed ee Koonfurta, iyo dhibaatooyin loogu tagalay in laga abuuro in lagu soo bixiyo lacago fara badan, lacagtaas marka la soo diro waxay ku soo dhacdaa, gacmaha dadka Somalida, oo ogaada, hore ayaa looga maahmay oo la yidhi Abaskuul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana, taasina waxay keentay in wax walba oo la soo shubo, oo loogu tagalay in markiiba la ogaada hawlaha laga fulinayo, taas oo ay ugu dambaysay afartankii milyan, ee Guddida Dhaqaalaha Barlamaanka Somaliya fashiliyeen,sidaas awgeed Maamulka Muqdisho wuxuu go’aan ku gaadhay cid indho iyo dhega la’a, oo cidii aanay ogaan karin sirtooda, in loo dhiibo, lacagaha la keenayo, oo ay Dawladda Qadarna heshiis ku yihiin, sidaas awgeedna loo soo magacaabay nin si toos ah oo qarsoodiya u soo gaadhsiiya gacmahooda, waxaana loogu tagalay in lagu kharbudo maamul goboleedada Somaliya, xoogaga Mucaaradka ee ka soo hor jeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Dawladdaha dariska ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaana qabaa inay arintaasi runtii tahay arin halis ah, waxaana lala maagan yahay Somaliya iyo maamulidiisaba, sirtiisa iyo ogaanshihiisaba in nin iyo laba ay ku kaliyeysato, dadka Somaliyana intooda kalena laga qariyo, arintaasina waa arin halis ah, waxayna u baahan tahay in si qoto dheer loogu fiirsado”. Cali Maxamed Warancadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland yidhi “Somaliland khatar iyo halis kasta oo loo maleegayo wey ka digtoon tahay, feejignaanteeda wey leedahay, Shacabka reer Somaliland waa Shacab qarankooda jecel, oo nabadooda jecel, oo aan sinaba raali uga noqoynin in waxyeelo loo geysto qaranimadooda iyo nabadoodaba,qaran ahaan, dal ahaan, dad ahaan iyo dawlad ahaanba waanu ka midaysan nahay ilaalinta qaranimadayada, cid waxyeelo la maagana ka yeeli mayno, waxaanu jecel nahay in aanu cid walba wanaag u muujino, balse cidii xad gudub nagu soo sameeysa, wanaag nagalama kulamayso”. Source
-
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddigii ka koobnaa 25 Xildhibaan ee Golaha Guurtida Somaliland u saareen ka soo talo-bixinta muddo kordhin loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka u yeedheen madaxda ugu sarraysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Guddigan golaha guurtida iyo hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa waxa uu hadda shir albaabadu u xidhan yahay uga socdaa xarunta golaha guurtida. Kulan ayaa waxa la filayaan in lagaga arrinsanayo muddo kordhinta ugu haboon ee loo samayn doono labada golle ee wakiillada iyo deegaanka dalka. Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa hore waxa ay war-murtiyeed uga soo saareen muddada ugu haboon ee ay doonayaan in loo kordhiyo labada golle ee muddo dhaafka ku fadhiya Wariyaha shabakadda Somalilandtoday oo ku sugan xarunta golaha guurtida ayaa waxa uu sheegaya in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Murrashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman hamzeiiman123@gmail.com Source
-
(SLT-Nairobi)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi. Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka. Appalled by news of the attack on innocent people in #Nairobi today. The AU stands in solidarity and grief with the people&Govt of #Kenya in condemning this cowardly attack which underlines the need to redouble our efforts to combat terrorism on the Continent. — Moussa Faki Mahamat (@AUC_MoussaFaki) January 15, 2019 Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalooyinka ugu waaweyn caalamka ayay cabsi badani soo food saartay, taas oo laga dayrinaayo jiritaankooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay warbaahinta News Report. Waxaana la filayaa in ay daadad iyo dufaano is wata baabi’iyaan magaalooyin ay kamid tahay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, sida ay sheegeen hay’addaha horumarinta ee Christian Aid iyo xubno kamid ah Qaramada Midoobay qaybteeda Sayniska, kuwaas oo si wada jir ah usoo saaray warbixintan. Khubarraddan kala duwan ayaa sheegtay in saamaynta cimiladda sii xumaanaysa ay ku hayso adduunka ay tahay mid cimiladda gaadhsiin doonta 1.5 degree Selsiyas ,iyaga oo ka digay dufaano iyo daadad waaweyn oo ay sababi doonto. Waxa kale oo ay khubarradani sheegeen in baddu ay kici doonto, kana kor mari doonto halka ay maanta taagan tahay biyo ahaan in ka badan 16 Inches haddii aan la yarayn saamaynta ay cimiladda sii xumaanaysa ku lee dahay adduunka maanta . “ cimiladda is bedelaysa waxa ay laban laabi doonta dhibaatooyinka waqtigan jira ee cimiladdu keentay, sida qorshe xumo, nabad guur ciida ah iyo ciida hoose ee badda oo iyaduna yaranaaysa , taas oo keeni doonta dhib aan laga soo kaban Karin, caalamkana ku baahda” ayay tidhi hay’adda Horumarinta ee Christian Aid. Warbixintan ay hay’addaha kala duwani soo saareen ayaa lagu sheegay in magaalooyinka waaweyn ee xeebaha ku yaala, sida Houston, London,Shanghai,Bangkok,Manila,Jakarta,Lagos iyo Dhaka ay yihiin kuwa khatarta badan ku jira. Source
-
(SLT-Nairobi)-Kaamirada Qarsoon ayaa qabatay afar ka mid ah dableydii weerartay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo weli ay gudaha ugu jiraan Hotelka. Dableydan oo ahaa afar rag oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa labo jiho ka galay Hotelka caanka ah ee Dusit, waxaa ay bilaabeen inay rasaas ku furaan dadkii fadhiyay maqaayadda Hotelka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar Argagixiso oo shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel ku yaal magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2. Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa afar nin hubeysan ay u suura gashay in gudaha Hotelka galaan, dabadeedna ay bilaabeen rasaas. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ku garab-taagan tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotel Dusit, waxaana weerarka ahaa mid lagu soo beegay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Saldhigga deegaanka Ceel Cadde ee ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen. Source
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay lagu caleema saaro madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed C/casiis Lafta Gareen. Waxaa magaalada Baydhabo gaaray mas’uuliyiin ka kala socota maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo dhanka kale halkaasi lagu wado inuu gaaro madaxweyne Farmaajo. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana madaxtooyada K/galbeed ku sugan ciidamada gaarka ah ee Villa Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo la shaqeeya Wargeyska The Guardian kuna sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin ku saabsan xaalada magaalada Nairobi. Badi Nairobi xalay lagama hurdin oo dadka waxay sugayeen halkay ku dhammaan doonto xaalada weerarka dhismaha DuSit. Waxaa jirtay warar sheegaya in dad lagu heysto gudaha dhismaha. Boqollaal ruux ayaa waagu ugu baryey waddada weyn ee Waiyaki Way, iyagoo ka war dhowraya eheladooda iyo xubno qoysaskooda ka mid ah oo maqnaa. Dadkaasi waxaa ku jiray qoysas Soomaali ah. Saaka aroortii waxaa la maqlay rasaas iyo qarax askartu ku sheegeen bambo gacmeed oo ka imaaneysa qeybta dhismaha Grosvenor ee ka tirsan deegaanka DuSit. Waxyar ka hor 5.00am (aroortii saaka) waxaa la soo badbaadiyay dad gaaraya 50 ruux oo ay ku jiraan dad dhaawacyo qaba. Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jiray wariye Silas Apollo iyo filimqaade la socday oo hotelka shalay u tagay wareysi. Labaduba waxay 10 saacadood ku dhuumanayeen suuliga (musqusha). Waxaa yimid afar ambulance oo qaaday dhaawacyada. Dadka la soo badbaadiyay qaarkood waxay sheegeen inay ku hoos jireen kuraasta iyo miisaska dabaqa koowaad ee dhismaha ugu soo horreeya marka laga galo dhanka 14 Riverside. Waxay xalay dhibaato kajirtay sidii dadka loogu qancin lahaa inay soo baxaan oo ay askarta aaminaan. Abbaare 4am (aroornimo) ayaa askarta oo adeegsaneysa cod baahiye dadka isu sheegeen iyagoo u sheegaya “inay yihiin booliska oo ay ka soo baxaan dhismaha”. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
