Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimadda Online) – Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Musharixiinta ayaa waxaa ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay taageerayaan Guddigaas,hayeeshee ay ka soo horjeedaan guddigii uu shalay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Cali Gaas Magacaabay. Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga. Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta. Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka. Waxa ay sheegeen in Xubnaha Guddiga ka kooban 8 Xubnood ee uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ku yimaadeen wadatashi.
  2. Baydhabo ( Sh. M. Network )-War ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan saacadaha soo socda uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiye Mursal ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la xariiro arrimo ku aadan doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Waxaana la sheegay in kulamo gaar gaar ah uu la qaadan doono qaar ka mid ah Musharraxiinta maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyuhu uu qorsheynayo in uu dib u soo celiyo Ciidamadii ay dhawaan DFS u dirtay magaalada Baydhabo ee G/ Baay. Xiisado ka dhashay Ciidamadaasi ayaa labadii maalin la soo dhaafay ka taagnaa gudaha magaaladaasi. Ololaha doorashada K/ Galbeed ayaa si weyn uga socda M/ Baydhabo, taas oo la qaban doono 19-ka bishan December ee 2018-ka. The post Guddoomiye Mursal Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi. Waxay ciidamada howlgalkaan kusoo qabteen tiro dhallinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu baarayo saldhigga Booliiska ee degmadaasi. Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Wanlaweyn, Maxamed Cabdille Xasan ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana dadka ay kusoo qabteen u badan yihiin dhallinyaro, ayna baarayaan. “Waan raadineynaa cid walbo oo ammaanka wax u dhimeysa, waxaan haynaa dhallinyaro, waa la baarayaa wixii dambi lagu helo maxkamad ayaa la geynayaa wixii baaritaan loo baahdana CID ayaa loo gudbinayaa” ayuu yiri taliyaha. Degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey falal ammanka wax u dhimayey iyadoo ciidamada dowladdana wadaan howlgallo ballaaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa dhex-dhexaadin ka dhex wada beello dhowaan ku dagaallamay deegaan ku dhow magaalada jowhar. Waxa uu maamulka joojiyey in wax dalag ah lagu beero dhul ku yaalla deegaanka Maandheere, kaasi oo dagaalkaasi uu ka dhashay. Guddoomiyaha magaalada Jowhar, Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dagaalladaasi aanay dib usoo laaban doonin, lana xallin doono wax walbo oo ay beelahan isku haystaan. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in waxgaradka Labada dhinac la isku wacay, islamarkaana la amba qaadayo xallinta wixii dhacay iyo sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadda. Beello walaalo ah ayaa todobaadkii tagey ku dagaallamay dhul beereed ku yaalla deegaanka Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wax dhib ah aanu ku jirin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo. Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in ciidamadan kaliya ay ka qeybqaadan doonaan xoojinta ammaanka, islamarkaana ay caawin doonaan ciidamada kale ee sugaya ammaanka Baydhabo. “Ammaanka magaalada markii hore ciidamo ayaa joogay oo waa ay ku filnaayeen, hadana culeys ayaa yimid oo ah doorasho, marka ciidamadan la keenay magaalada waxay xoojin doonaan ammaanka oo waxay caawinayaan ciidamadii kale ee magaalada ku sugnaa” ayuu yiri Fiqi. Baydhabo waxaa dhowaan la geeyey ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo kaalin ka qaadanaya sugidda amniga magaaladaasi. 19-ka bishan waxaa la filayaa in Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed oo musharraxiin badan u taagan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu soo bandhigay walaac beesha caalamku ka qabto dib u dhaca doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka magaaladaasi lagu xaqiijinayey, iyadoo dhanka kalena lagu raadinayey rag shalay la sheegay in Bam gacmeed ku tuureen gurio ku yaalla magaaladaasi. Howlgalkan ayaa xooggiisa waxay ciidamada ka sameeyeen sida la sheegay xaafadda Wadajir ee Baydhabo, iyadoo dad badan lagu soo qabtay. Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada ay soo qabteen dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo su’aallo lagu weydiinayo saldhigga Baydhabo. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, halkaasi oo lagu wado in 19-ka bishan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si iskood ah magaalada Muqdisho uga sameeyey Bangi lagu keydiyo dhiigga. Maalin walba waxaa xaruntan taga dhallinyaro badan oo dhiigooda ugu deeqa dadka Soomaaliyeed kale ee u baahan. Waxa ay sheegeen dhallinyaradan in maadaama dalka aanu lahayn meel dhiig lagu keydiyo ay go’aansadeen in shaqadaasi ay dadkooda u qabtaan. Dhallinyaradan ayaa sheegay in si bilaash ah ku shaqeeyaan, islamarkaana dadka dhiigga u baahan ay si bilaash ah ku siiyaan iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Ibraahim-Xaaji-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Berbera)-Nin U Dhashay Dalka China Oo Dalxiis Ku Joogay Somaliland Oo Islaamay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka. Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan. Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen. Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday. Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay. Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow. Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin. Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah 1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo 2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin 3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Garoowe ( Sh. M. Network )-Jahwareer siyaasadeed ayaa xillagan ka taagan deegaanada maamulka Puntland, waxaana uu ka dhashay magacaabida laba guddi oo ay waqtiyo isku dhow soo kala saareen Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiilada maamulkaasi, waxaana xigtay magacaabistaas Digreeto midan la mid ah oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Arrintan ayaa waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo ka dhex oogmay labadaasi mas’uul. Sidoo kale deegaanada maamulka Puntland waxaa ka taagan hadal heynta khilaafka cusub ee arrimaha doorashooyinka maamulkaasi. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in Gaas uu baal maray habraacii loo marayay dhismaha guddigan, maadaama ay aheyd Dastuuriyan in uu kala tashado magacaabista guddigani, isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi. Dhankiisa Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo saacado ka hor la kulmay guddiga uu shalay magacaabay ayaa tilmaamay in guddigaasi uu ku dhisan yahay hab cadaalad ah, hadalkaas oo u muuqday mid ka soo horjeeda fikirka uu qabo ku xigeenkiisa Camey. Ugu dambeyn qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka sare ee Puntland oo shir jaraa’d maanta ku qabtay Garoowe ayaa ka soo horjeestay xubnaha Gaas u magacaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Puntland. The post Xiisado siyaasadeed Oo ka jira deegaanada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. An AU delegation led by the head of AMISOM, Francisco Madeira has arrived in Kismayu, the administrative capital of Jubbaland state. Jubbaland officials and AMISOM official have received the AU officials at Kismayu Airport. Officials held talks with Jubbaland authorities on security in Kismayu town. The sides focused on the liberation of areas under the control of Al-Shabaab. Both Jubbaland state and AU officials have agreed on Somali military and AMISOM launch joint operations against Al-Shabaab. Madeira who spoke to the media has commended Jubbaland state for its commitment to stabilize the region. “We appreciate Jubbaland for its efforts to achieve last peace. The leaders of Jubbaland have put more efforts stepped the security,” said Madeira. The president Madobe has praised AMISOM forces for their commitment to helping the state to defeat Al-Shabaab fighters. After the meeting, the two leaders accompanied by Mohamed Siyad Adan, the deputy president of Jubbaland and Hassan Guleid Hassan, Jubbaland Police commissioner attended a ceremony to opened a newly built police station in Farjano suburb. Among other AU officials who attended the ceremony is AMISOM acting Police Commissioner Ms. Christine Alalo. The post AU envoy holds talks with Jubbaland president in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA. Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ayaa sheegay in Ninkan uu maleegayay Qaraxyo ka dhaca gudaha dalka. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay xubin ka tirsan Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”. Ayaa lagu yiro qoraalkan oo lagu bogga Twitter-ka ee NISA. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha M/ Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Dalka ka socday Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM. The post Ciidanka amniga Oo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo shalay kulan la yeeshay wefdi ka socday midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. Madaxtooyadda ayaa waxa shaacisay in madaxweynaha iyo waftigu ay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-haddaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii hore mar uu safar ku marayay gobollada Bariga Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in uu joojiyay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joojiyay wadahadalada ayaa waxaa ka hore uga soo horjeestay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Warar xog-ogaal oo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in beesha caalamku ay Cadaadis ku saartay Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi uu bedelo mowqifkiisii ahaa inuu hakad geliyo wadahadaladiiSoomaaliya. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.Com Source
  15. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-04122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Talaabada bareerka ah iyo jar-iska xoornimada ah ee uu qaaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camey ee uu ku magacaabay gudiga aan [...] Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaan soo dhawayn dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland oo qorshaysnaa March 2019 in la qabto. Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaanay soo bandhigeen dhawr duruufood oo caqabad ku noqtay qabsoomida doorashadaas. Ma jiro wakhti weli loo cayimay inay doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan. Diblomaasi reer galbeed ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, maadaama oo aanu u xilsaarnayn inuu saxaafadda la hadlo, ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka Somaliland ka taageera doorashoyinka iyo dimuqraadiyadu aanay soo dhawayn dib u dhacan ku yimid doorashooyinka, “Waa wax laga xumaado, lagamana soo dhawayn dhankayaga. Waxa jira shir ay dalalka deeq bixiyayaasha ahi ka yeesheen dib u dhacan, mana aha mid la aqbali karo.” Sidaas waxa yidhi diblomaasiga u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Wefti ayaa loo soo diray Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada kale, waxaana muhiim ah inaanay Somaliland ka dhicin tareenka ay saarnayd ee magaca u soo jiiday ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka” Diblomaasigani wuxuu Geeska Afrika u sheegay inay muhiim tahay in xisbiyada iyo xukuumadu kulan wada jir ah ka yeesheen sidii loo xaadhi lahaa caqabad kasta oo ku gudban doorashooyinka, “Waa muhiim inay xukuumadda iyo mucaaradku yeesheen wada shaqayn oo ay soo celiyaan xidhiidhkoodii hore, haddii kale arrimahani uma wanaagsana Somaliland.” Ayuu yidhi. Wuxuu diblomaasigani sheegay inay jiraan aragtiyo soo jeedinaya in muddo kordhinta loo samaynayo wakiilada iyo deegaanka lagu koobo dhawr bilood si ugu dambayn doorashooyinka loo qabto bisha Oktoobar ee 2019, bilahaas koobana lagu xaadho caqabadaha yaala jidka doorashooyinka loo marayo. Source
  18. Wararka inaga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo lagu kala kacay uu dhacayey Saacadihii lasoo dhaafay oo udhaxeeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiye Mursal ayaa ka biyo diiday inuu sharci ka dhigo kala diristii Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka,Inuu tartami Karin Mukhtaar Rooboow oo Dawladu diidan tahay balse Mursal uu kasoo horjeedo qadiyadaas iyo Ciidankii la geeyey Baydhabo oo lagu murmay qudhooda. Madaxda Dawlada ayaa waxay seddexdaas Qodob sida uu uga istaagay Maxamed Mursal aysan ku qancin waana mida keentay in lagu kala tago kulamadii dhacay. Ma jirto warbaahinta Xog ay heshay intaan ka badan,waxaase la helay akhbaar hoose saraakiisha Xafiisyada Madaxda ka shaqeysa oo xaqiijiyey in la isku mari waayey kulamadii dhacay. Afhayeenka Golaha Shacabka waxa uu ku cel celinayaa inuusan ku qancin kala diristii gudiga Maaliyada Golaha Shacabka isagoo ku adkeystay inay shaqadooda sii wataan,xilli R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ay taas ka biyo diidan yihiin. Ambassador Mursal ayaa Mar soo noqday Wasiirkii Difaaca Dalka ka hor inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo dooran,kuna darso oo Xilkaan inuu helo waxaa usahlay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,lamana oga sida uu xaalka noqon karo hadii khilaafka sii socdo. PUNTLAND POST The post Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. War ka soo baxay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qabteen sarkaal katirsan Al-shabaab oo abaabulayay qaraxyo uu ka geysto Muqdisho. NISA oo war kooban soo saartay ayaa ku sheegtay in ay si farsamaysan u qabatay sarkaalkaasi, islamarkaasina uu san dhiig ku daadan. “Ciidanka amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA Hay’adda NISA ayaa howlgalo ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kaga hortageyso weeraro Al-shabaab ay ka gestaan Muqdisho. PUNTLAND POST The post NISA “Waxaan qabanay shabaab qaraxyo maleegayay” appeared first on Puntland Post.
  20. War saxaafadeed: Annaga oo ah golaha musharrixiinta dawladda Puntland 2019 oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin: 1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale) 2. Eng. Cabdirizaaq [...] Source
  21. Madaxweyne Gaas ayaa maanta kulankii ugu horeysay la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay. Madaxweynaha ayaa [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo, isagoo bogaadiyey tallaabadii ay Alshabaab ka qaadeen. Sheekha oo muuqaal soo duubay, isagoo xabsi guri uga jira dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Alshabaab ku raacsan yahay tallaabadii ay ka qaadeen Sheekh C/weli, isagoo dhinaca kale sheegay in khaladaadkooda leeyihiin. Sheekh Xasan Daahir wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aanadii culimada Soomaalida ka qaateen wadaadka reer Gaalkacyo iyo xukunka laga qaatay ee ahaa inuu ka baxay diinta iyo cidda fulineysa. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  23. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland. Isaga oo la hadlayay Voa-da Cameey ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland. Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha. Shalay Gelinii dambe ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland. 20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso Codka Camey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Madaxweyne-ku-xigeen-Cameey.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@Live.com
  24. 16 murasharax oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa ka hor yimid guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas. [...] Source
  25. At least ten people were reported to have been arrested in a massive security operation by Southwest State police in connection with a bomb attack in the region’s capital, Baidoa. Local residents said the sweep was carried out in parts of the city, targeting houses suspected to be the hideout for Al-Shabaab sleeping cells mixed into the population. The arrest came after a grenade attack on a house in Baidoa has left regional MP wounded on Monday afternoon. The attack happened amid rising tension in the Southwest State. The region is heading to the polls on December 19 to elect next president after former resigned last month in unprecedented move ahead of the presidential election. Several candidates including former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow are vying for the top seat in Southwest state of Somalia in the upcoming polls. The post A dozen detained in a massive security sweep in Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article