-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka amniga ee DFS ayaa maanta fashiliyay qaraxyo Miino oo lagu aasay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa la sheegay in lagu soo wargaliyay Ciidamada, kadibna ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan mid ka mid ah qaraxyadaasi, halka kan kalena uu qarxay. Ma jiro wax khasaare ah oo ku dhashay qaraxyadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday gudaha magaalada Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qaraxyo lagu aasay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in xaasaskii Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray degmadaasi ay dib ugu soo laabteen. Arintan ka dambeysay kadib markii ay kulan yeesheen Odayaasha dhaqan degmada Beledxaawo iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab. Odayaasha iyo Shabaab ayaa waxaa ay ka wadahadleen ay culeyska ka dulqaadaan shacabka ku dhaqan degmada, islamarkaana ay xaasaskooda ay dib ugu soo celiyaan degmada is loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhacaya Degmadaasi. Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in La badali doono Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo, sida ay sheegayaan warar aan heleeno. Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii Maamulka degmada Beledxaawo ay Tabasho ka muujiyeen shacabka ku dhaqan degmadaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay go’doomineyso Beled-Xaawo haddii aan laga laaban go’aankaan xaasaskooda looga saaray degmadaas. Odayaasha Dhaqanka ayaa Maamulka degmadaas ku cadaadinayey inay go’aankaas ka laabtaan maadaama ay hanjabaad kala kulmayaan Kooxdaas. Xaasaaska iyo Carruurta Al-Shabaab ayaa dhawaan magaaladaas laga saarayo iyadoo ay dadka deegaanka isku khilaafsanayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Iyadoo maanta loo dabaal dagayo maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxa ay Naafada Soomaaliyeed ka cabanayaan dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan bulshada. Qaar ka mid ah dadka Naafada ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tacadi weyn loo geystay saakay, kaddib markii meel lagu xareeyay, la’iskuna Sawiray, iyaga oo aan waxba la siin. Sidoo kale waxa ay tilmameen in magacyo xun xun loogu yeero dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo aysan raali ka aheyn. Dhinaca kale war ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Naafada ah. “Caawinaad dhab ah iyo qadarin ayey u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee qaba baahiyaha gaarka ah” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Qaramada Midoobay. In ka badan 1 Billion oo Qof ayaa lagu sheegay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo 80% ay ku nool yihiin Wadamada soo koraya. The post Qaar ka mid ah dadka Naafada ah Oo dalbaday in la Caawiyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, ayaa shaqaaleeyey shirkad sardoon oo ajnabi ah, si ay u maamusho ololihiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020, oo uu isku soo sharxi doono, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Sida ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Galmudug ay Caasimada Online u sheegeen, ololaha doorashada Xuseen Caydiid ayaa waxaa maamuli doono SAACS Independent Intelligence Agency, gaar ahaan madaxa howl-gallada shirkaddaas Rey Santana. Guddoomiyihii hore ee isbahaysiga SNA, Xuseen Caydiid ayaa sida la sheegay doonaya inuu ololihiisa doorashada u galo qaab aan horey Soomaaliya uga dhicin, asaga oo shirkaddan sirdoon u adeegsanaya inay usoo ururiso xogta iyo macluumaadka musharaxiinta la loolamaya. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Xuseen Caydiid ayaa waxa uu si aad ah ula dhacay macluumaad uruurinta ay shirkaddan hore ugu sameysay madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo horey u shaqaaleeyey. Halkan ka akhri war arrintaas ku saabsan. Tallaabada Xuseen Caydiid oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa walaac gelin doonta musharaxiin badan. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Galmudug ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay M/ Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadani oo aad u badan ayaa lagu arkayay xaafado ka tirsan Dhuusomareeb, iyagoona fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka qeyb qaadaan doonaan xaqiijinta amniga iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud. Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa howlgallo xoogan ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday Dhuusomareeb appeared first on Shabelle. View the full article
-
Columbus ( Sh. M. Network )-Gabdhahani Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed ayaa ku Geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi. Sidoo kale waxaa shilkan ku dhintay Qof Saddexaad oo magaciis lagu sheegay Gabriel Reid. Ehellada Gabdhahaasi oo walaalo ahaa ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray Gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo iyaduna la dhalatay Gabdhaha Geeriyooday. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga naxay Geerida Gabdhahaasi Soomaaliyeed oo ahaa kuwo da’ yar ah. Dhawaantaan ayey ahayd markii meel War ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota laga helay Meydadka 2 Gabdhood oo Soomaali ah, kuwaasi oo aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa sababay Geeridooda. The post Gabdho Soomaaliyeed Oo ku Geeriyooday shil ka dhacay gudaha dalka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Inkasta oo ay adag tahay in si dhib yar xogtan si dhab ah loo wada ogaado haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay cadadka lacag cadaan ah oo la garab qaaday Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Doraad kaga soo guryo noqday Gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn diiran iyo Martigalin cudoon. Warar lagu kalsoon yahay oo lagu baahiyay Shabakadaha wararka ee ayaa iftiimiyay in safarkii 14-ka Maalmood qaatay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Gobolada Bari ee Somaliland ay kaga baxday lacag cadaan ah oo kor u dhaafaysa Hal milyan oo Dollarka oo lacagta Maraykanka ah, inkasta oo ay warar kale sheegayaan inay hawlwadeenada Safarka Madaxweynuhu ay markii dambe kordhisteen oo ay lacag kale soo dalbadeen oo laga daba geeyay kadib markii uu dhamaaday Halkaasi Milyan ee hore ee Gaadhi loo sii saaray Madaxweynaha, haddana majiro war rasmi ah oo arintaasi xaajiinaya in lacagtaasi laga daba geeyay ay jirto. Sida lagu baahiyay warbaahinta Qaar oo xogtan heshay, waxa safarka Madaxweynaha la socday Xisaabiyaha Khaaska ah ee Madaxtooyadda waxaanay lacagtaasi sida lagu tafsiiriyay ay ku baxaysay kulamada gaar ka ah ee uu Madaxweynuhu la qaadanayay Salaadiinta iyo Cuqaaasha Beelaha ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland oo uu Madaxweynuhu jufo jufo ula soo kulmay beelihii deganaa dhulkii uu safarka ku soo maray, waxaanu koox ahaan Cuqaasha iyo salaadiinta si muuqata ugu dhiibayay lacag Cadaan ah oo Dollar ah. Wararkan ayaa sheegaya in Cadadka Lacagta uu Madaxweynuhu gudoonsiinayay Salaadiinta iyo Cuqaasha la kulanta ay u dhexaysay 10-kun oo Dollar illaa 30-Kun oo dollar iyadoo uu ukala saraysiinayay hadba sida ay ukala tiro badan yihiin ee ay ukala xajmi wayn yihiin beel ahaan jufooyinkii uu kulamada la qaadanayay. Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasada Dawladdu ay Madaxweynaha ku dhaliilaan inuu handaraabay dalka oo ay cidhiidhi kujirto noloshii caadiga ahayd ee Shacabku iyagoo ula jeeda inay istaagtay lacagihii meertada ahaa ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ee ay iskaga noolaayeen dadka Magaalooyinka ku nooli. Sidoo kale Madaxweyne Biixi Oo Hore Loogu Xaman Jiray Gacan Adayg Iyo Inuu Handaraabay Irmaantii Afmiishaarku Ladaaban Jiray ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ayaa Noqday Madaxweynihii U Horeeyay Ee Lacag Cadaan Ah Jufooyin Hoose U Qaybiya oo waliba si badheedh ah oo muuqata lacag cadadkeeda la arkayo u qaybiya, lamana garanayo inay halkaasi kaga hadhi doonto naanaystii uu isaga laftiisu labada jeer ka hadlay ee Handaraab ee uu ku macneeyay inuu handaraabay Qasnadihii lacagta Dawladda,isagoo intii uu safarkiisan ku guda jiray oo uu Naanaystaasi ka hadlay ku sheegay inuu handaraabkii quful 99 ah u raaciyay. Source
-
Kulan wada-tashi ah oo ku saabsan dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajaceeyay oo ay soo gaban qaabisay wasaaradda Dastuurka Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa maanta Garoowe loogu qabtay xubno ka socday hay’adaha dowladda Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ah. Agaasimaha waaxda Dastuurka ee wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland, Yuusuf Ibraahim Saalax oo kulanka furay ayaa ka warbixiyay ujeedka ay u qabteen,wuxuuna sheegay in hadafku yahay sidii loo heli lahaa ra’yiga bulshada Puntland ay ka qabto arrimaha dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajiceeyay. Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in ay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland gaarsiin doonaan ra’yi uruurinta iyo wada-tashiga ku saabsan arrimaha dib u-eegista Dastuurka,islamarkaana bulshada lagu wacyi-gelin doono arrimahaasi. Dhinaca kale Caasho Cismaan Ismaaciil oo ah agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda Dastuurka Puntland ayaa ku boorrisay xubnaha kulanka loo qabtay in ay soo bandhigaan fikirkooda ku aaddan dib u-eegista Dastuurka oo aysan la gabban,islamarkaana ay si fiican u dhuuxan xog is-weydaarsiga kulanka. La-taliyaha wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland,Warsame Maxamuud Xassan(Kaytoon) ayaa sidoo kale xubnihii kulanka soo xaadiray sharraxaad ka siiyay hannaanka ugu wanaagsan ee wada-tashi bulsho looga samayn karo dib u-eegista Dastuurka,gaar ahaanna cutubyada waxka beddelka lagu sameeyya. Mudane Kaytoon oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan uu yahay sidii ra’yi uruurin iyo wada-tashi buuxa looga samayn lahaa dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan wada-tashiga dib u eegista Dastuurka oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay baahinayeen xogo diblomaasiyadeed oo ay sheegeen in ay ka heleen ilo wareedyo u dhuun daloola dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo sheegay halka ay salka ku hayso cadaadis ay ku tilmaamen in ay dawladda Itoobiya saartay Somaliland warkaasi oo idaacadaha iyo warbaahinta Online-ka ah ee Muqdisho si weyn u baahinayeen habeenadii ugu dambaysay. Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu yahay sarkaalka isagu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo laabo xidhiidhadii ay Itoobiya la lahayd maamul Goboleedyada dalkaasi iyo Soomaaliya iyo waliba inuu hoos u dhigo xidhiidhkii ay Addis Ababa la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo kalsooni weyn siiyey Madaxweynaha dawladda Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horena ugu ballan qaaday in Itoobiya ay Soomaalida hal jiho kala xidhiidhi doonaan oo ah dawladda Muqdisho ee Federaalka sheegata. Warbixinahan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahaysay cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweynaha Muqdisho Farmaajo. Xogahan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu yaraynayo heerkii diblomaasiyadeed ee dowladda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey iyada oo aanu wali Abiy Axmed kulan la yeelan Madaxweyne Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa. Ilo-wareedyada xogta laga helay ayaa sheegay Somaliland ay aad uga xumaatay dhawaan markii ciidamo ka socda Liyuu Booliska dalka Itoobiya ee Gaar ahaan Kililka shanaad ay dhexdhexaadin ka gaysteen beelihii walaalaha ahaa eeku diriray Gobolka Sool iyaga oo aan wax wada shaqayn ah kala yeelan arrinkaasi dawladda Somaliland. Arrinta layaabka leh ee wararkan ku jirta ayaa ah xogo ay sheegeen in ay ku heleen in dawladda Somaliland xidhiidh la samaysay maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya si ay cadaadis ugu saaraan dawladdooda dhexe oo ay garab ku siiso siyaasaddii ay Maamul Goboleedyadu ku wiiqayeen dawladooda arrinkaasi oo aan la ogayn xaqiiqadiisa iyo halka uu salka ku hayo. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhow la leeyahay oo uu haysto taageerada madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa. Tani waxa ay keentay in qaab lala yaabay uu Madaxweynaha Kililku Somaliland ugu soo daray mar uu ka hadlay xaalad amni oo uu sheegay in ay dalkiisa kaga imanayso Puntland, Jubbaland kuwaasi oo uu ku lammaaneeyey Somaliland. waa markii ugu horraysay ee Masuul dawladda Itoobiya ahi uu Somaliland ku xidhiidhiyo dhibaato ay gaysan karaan maamulada Soomaaliya oo ay Itoobiya u gaysan karaan. Arrinkaasi oo aad uga cadhaysiiyey Somaliland. Dhinaca kale xogtan waxa lagu sheegay in Farmaajo uu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Sool clan ee ku dagaalamay gobolka Sool ee Somaliland, kuwaas oo lagu heshiisiinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS lagu dilay magaaladaasi. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Askarigani loo dilay Qorigii uu watay dartiis, kaas oo ay horay uga sii qaateen Dableydii ka dambeysay dilkiisa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dikaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka M/ Beled-Xaawo oo ku aadan dilkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan saraakiisha amnigu ka hadlin baaritaanadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha magaalada Beled-Xaawo ka dhacayay falal amaan dari oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo weeraro intaba. The post Askari ka tirsanaa NISA Oo lagu dilay Beled-Xaawo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la dhisi karin guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa iyadoo aan la meelmarin sharciga la dagaalanka Musuqa. Hadalkaan waxaa sheegay wasiirka wasaaradda Xasan Xuseen Xaaji, isaga oo intaasi raaciyey in muhiimadda Koowaad tahay in sharcigan uu baarlamaanka ansixiyo kadibna uu madaxweynaha saxiixo. Markii intaas ay dhacdo ayuu sheegay in la qaban doono araajida xubnaha doonaya iney ka mid noqdaan guddigan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Wasiirka-Cadaaladda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Sheekh Aadan Cilmi, ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo uu ku joogo dalka Ingiriska, isaga iyo wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxa uu sheegay in ay kulamo kala duwan la yeesheen madax kala duwan oo ka tirsan gobolada dalka Ingiriiska iyo shir guddoonka baarlamaanada dalkaas. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid dalka Ingiriisku uu ka dheregsan yahay oo uu ogyahay in Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska. Isla markaana aanay jirin wax midaw ah oo ay Somaliland iyo Soomaaliya wada galeen oo sharci ahaa oo ku adkayn kara in Somaliland ay aqoonsi ku waydo. Waxaanu intaa raaciyay in qaddiyadda ictiraafka Somaliland tahay mid ay si wayn uga hawl gelayaan ka xukuumad ahaan, isla markaana u qabanayaan looyaro caalami ah oo u dooda madax bannaanida Somaliland, isla markaana xambaara oo goleyaasha baarlamaanada Yurub iyo dawladaha si xaqiiqo ah u hor dhiga dood adag. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in masiirka ummadda Somaliland uu ka wayn yahay wax koox yari ay iska afduuban karto oo siday doonto ka yeeli karto. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay shir aad u wayn oo ay u qabteen guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub oo isugu yimi shir ka qabsoomay London oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibedda gaar ahaan safiirka Somaliland u joogta dalka Ingiriiska Danjire Ayaan Maxamuud Cashuur, kulankaas oo jaaliyadda reer Somaliland ee dalalka Yurub ay wakiillo miisaan leh u soo dirteen. Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan muhiim ah oo ay kula kulmayaan guddiyada arrimaha dibedda ee labada baarlamaan ee Ingiriisa oo loo ballan san yahay shanta bishan oo lagaga hadli doono qaddiyadda Somaliland. Waxaanu sidaa ku sheegay wasiir Maxamed Xaaji Aadan waraysi gaar ah oo uu khadka Taleefanka ku siiyay wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. Ugu horrayn wasiirka oo ka hadlaya sida ay qadiyadda Somaliland tahay ee ay uga duwan tahay sida Soomaaliya ku doodo in Somaliland la midawday,ayaa yidhi. “horta qadiyadda Somaliland way ka duwan tahay sida ay Soomaaliya sheegato ee ah in la midoobay taasoo ah wax xaqiiqada ka fog oo aan jirin manay dhicin meel dadka reer Somaliland markii ay xorriyadda qaateen ee ay dawladnimadooda ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska meel umadda reer Somaliland wax lagu waydiiyay oo ay ku raaceen ama ku doorteen in ay Soomaaliya la midoobaan. Markii Somaliland boqortooyada Ingiriisku siisay xornimada ee loogu dhawaaqay waxay Somaliland yeelatay dawlad kooban oo ah 4 wasiir iyo 33 xildhibaan, tiradaa yare e wasiirada iyo xildhibaanada ah oo ah sahqsiyaad kooban,ayaa Xamar tegay oo dawlad Soomaaliya dhisatay uun isku dhex tuuray,laakiin may jirin meel dadka reer Somaliland afti lagaga qaaday oo lagu waydiiyay in ay Soomaaliya la midoobayaan iyo in kale markaa is raac wax la yidhaahdo oo dhacay oo sharci ahi ma jiro 60-illaa 91 ayay sharci darro iyo xaaraan Soomaaliya ku haysatay Somaliland taana waxaa soo afmeeray halgankii dadka reer Somaliland xorriyadooda ku soo ceshanayeen oo ka soo bilaabmay inqilaabkii 1961-dii.. sidaa darteed qadiyadda Somaliland waxaanu u qabanaynaa looyarro caalami ah oo ka dooda oo dhugmantiyada la hayo ee ingiriiskii aynu xornimada kaga qaadanay caalamka baarlamaanadooda kaga dooda illayn ma jiro wax dhugmati ah oo kaa ka dambeeyay oo Somaliland cid kula midawday iyo mid ay Soomaaliya gashay midna e,imikaba afar wasiir way la joogaan hadday Soomaaliya dal u hayaanna way u geyn lahaayeen e,markaa hawshaa waanu wadnaa wixii ay qoraalo iyo caddaymo u baahnaydna waanu wadnaa.” Wasiirka oo ka hadlayay shir weyn oo ay la yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee Yurub oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda gaar ahaan safiirka Somaliland u jooga dalka ingiriiska oo jaaliyadaha Somaliland ee Yurub wakiilo u soo dirteen,ayaa yidhi. “London waxaanu ku qabanay shir weyn oo la isku arkay oo ay ka soo qayn galeen dhammaan laaliyadaha Yurub ee Somaliland oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland gaar ahaan Denjiraha Somaliland u joogta dalka Ingiriiska Ayaan,waxaanan jaaliyadda kala hadalnay sadex qodob oo muhiim ah oo kala ah 1. In ay midnimadooda Somalilandnimadooda iyo isku duubnaantooda in ay illaaliyaan oo ay ka gudbaan qabyaaladda iyo kala xuluufaysiga isla markaana reer Somaliland ay ahaato waxa mideeya.2 in ay dalalka ay joogaan ay ka muuqdaan oo ay wax ka noqdaan iyo ta sadexaad oo ah in ay dalkoodii wax gasahdaan oo ay aqoon iyo maalgashiba ku soo celiyaan oo aanay qurbaha isku illaawin.sadexdaa qodobna aad ayay usoo dhaweeyeen waxaakale oo aanu ga waranay halka dalku marayo iyo sida asxaab iyo xukuumadba looga wada shaqaynayo danta qaranka iyo horumarintiisa waxaanan aad uga waaninay in ay ka fogaadaan waxyaabaha inta badan lagu xanto qurbe jooga ee ah hadalada iyo qoraalada aan wanaagsanayn ee lasoo dhigo baraha bulshada.” Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in kulan hore ay ula yeesheen shir guddoonka labada aqal baarlamaan ee Ingiriiska in ay ka codsadeen kulan ay la yeeshaan xildhibaanada labada aqal gaar ahaan gudiyada arrimaha dibedda taasoo laga aqbalay isla markaana loo muddeeyay in ay kulan wada yeeshaan 5 ta bishan,kulankaas oo uu tilmaamay wasiirku in ay ku soo bandhigayaan qadiyadda Somaliland. “waxaanu ka codsanay markii aanu kulanka koobaad la yeelanay shir guddoonka labada baarlamaan ee Ingiriiska in ay noo qabtaan kulan dambe oo aanu kaga qayb galno fadhiga labada guddi arrimo dibadeed ee baarlamaanka Ingiriiska si aanu qadiyadda Somaliland qoraal iyo hadal labadaba ugu soo bandhigno taana waa nalaga aqbay oo waxaanu ballan sannahay 5-ta bishan.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo isagooku sugan London u waramay wargayska Dawan. Source
-
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya. Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta. Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga. Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Maxamed Bin Zaid. Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada. Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan. Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas. Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa jimcihii Doraad Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay Safiirka Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya Baashe Cawil. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay u shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirkaasi ganacsi ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland, waxaanay arintaasi isku badeshay waji kale. Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo Masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Dalka Kenya James Meru oo isagu shirkaasi ka soo qayb galay islamarkaana hadal ka jeediyay. Wasiirada ka socday Xukuumadda Somaliland ee Hargeysa ka tagay oo kala ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay Maalgashadaan Wadanka Somaliland oo ay ganacsigooda soo gaadhsiiyaan. Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland iyo heerka uu marayo. Dawladda Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal Madax bannaan oo kale loola macaamilo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujiyay xaalad taasi ka duwan. Source
-
A statement from the Immigration and Naturalization Authority said the resumption of the Somali passport issuance after days-long hiatus. The agency has announced that it is extremely saddened by the convenience of passport issuance and apologized to the public at large. The statement further said that the agency in the past few days has been developing and reforming the Somali passport system and will resume operations on Tuesday 4 December. The Somali Immigration department has succeeded to open centers in cities in the country, thereby facilitating the public access to the passport in their regions. The post Somali government announced the resumption of passport issuance appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemnayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ciidamo fara badan ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Sida uu soo warinayo Wariyaha Shabelle ee Baydhabo Maslax Raage Ciidamadaasi ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan kuwa IItoobiya oo la dhigay gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Askar kale oo ay wataan qaar ka mid ah Musharraxiinta lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Arrintan ayaa wal wal weyn ku beertay dadka deegaanka oo ka cabsi qabo in xiisado hor leh ay ka dhashaan Ciidamadaasi. 19 bishan December ayaa la filayaa in la qabto doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 10 Musharrax. The post Xalad kacsanaan ah Oo ka taagan magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada, kaais oo ansixin doona dhammaan xildhibaanada ay beelaha soo xushaan, Magacaabistaan ayaa timid xilli Horay Musharaxiinta ay sheegeen in madaxweynuhu faragalin uu ku hayo howlaha doorashadda, ayna kasoo horjeysteen warqad uu soo saarey Gaas, oo ku saabsan jawdalka xulista Xildhibaanada cusub iyo doorashada madaxweynaha. Musharaxiinta qaar ayaa rumeysan in guddiga uu noqon karo mid ansixiya inta badan xildhibaano taabacsan Gaas oo sidaas uu doorashada ugu guuleysan karo. Doorashada Puntland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo sideedda bisha soo socota ee Janaayo, hase yeeshee waxaa muuqata inay jiraan khilaafyo dhowr ah oo dib u dhigi kara, waxaana laga cabsi qabaa in musharaxiin badan ay qaadacaan HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA GUDDIGA: