-
Content Count
215,327 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa ka hadlay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay Cali-guley ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, kaasi oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay inuu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si kulul ucambaareeyay falkaan soo laab-laabtay, wuxuuna cod dheer kaga codsaday madaxda qaranka inay Guddi usaaraan arrintaan, si loola xisaabtamo ciidamadii ka dambeeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Share.mp3 The post Waxgarad cambaareeyay weerarkii Kenya ee xarunta Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Munaasabad lagu soo dhaweynayey Dr Axmed Mursi oo ku taqasusay cudarada Haweenka ayaa ka dhacday Xarunta Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ee magaalada Muqdisho. Xafladan oo si heer Sare loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Cisbitaalka, Dhaqaatiir, qaar kamid ah Howlwadeenada Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale. Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Cabdirashiid Maxamed C/laahi, oo madasha ka hadlay ayaa ugu bishaareeyay Haweenka xamaalida ah in muddo bil ah oo Isbitaalka ufidinayo adeegyo bilaash ah. Isaga oo sii hadlaya ayuu Agaasimaha soo dhaweeyay dhaqtarka cusub Axmed Mursi kaasi oo adeegan bilashaka ah ama la’cag la’aanta ah mudada 30 cisho ka shaqayn doono, isaga oo haweenka ugu baaqay inay ka faa’ideystaan. Dhinaca kale, qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa soo dhaweeyay adeegan uu Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ugu deeqay dadka danta yar, kuwaasi oo ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaasi oo uu ugu deeqo bulshada danta yar oo ay inta badan horay uga faa’iideesteen dadka aan awoodin qarashaadka. The post Isbitaalka Somali Syrian oo daahfuray adeegyo bilaash ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
President Bihi of Somaliland President Farmajo of Somalia Two Pictures Showing The Reality In The Horn Of Africa. These two pictures are of President Muse Bihi Abdi of Somaliland and the head of the federal entity in Mogadishu, Mr. Farmajo. Both men are in vehicles. President Muse Bihi is in a normal car driving through the streets of Somaliland, meanwhile, Farmajo is in an armored military vehicle. President Muse Bihi is standing clear for all to see, whilst Farmajo is covered head to toe in armored uniform. President Muse Bihi is being guarded by Somaliland officials, on the other hand, Farmajo’s bodyguards are entirely AU forces. Therefore, the question is, which one of these men was elected directly by his voters? Which one is the democratically elected leader? And which one is hiding behind outside forces? These two pictures clearly display the distance between Somaliland and Somalia. It is not a gap that can be easily bridged. Somaliland is built on dialogue, discussion and consensus. The people of Somaliland are united in their determination for sovereignty and fully support the reclamation of independence. Although, Somaliland still has some way to go in terms of fully mature democracy, it is nevertheless in a better position than many places in the Horn of Africe, the rest of Africa and even the Middle East. Somaliland enjoys de-facto status with regard to its relationship with the international community and in the fullness of time will attain de-jure recognition. Somaliland is a strong believer in the old proverb “learn to walk, before you can run”. We do not complain to sovereign nations or international bodies about “who got what in the region” or “who did what”. With great maturity, we debate the issue. What has occurred? What are reasons behind this matter? What can do or say about the matter? And so on. It is this kind of free and frank debate, that has made Somaliland, Africa’s Best Kept Secret. But, not secret for long. The international community has finally realized that after billions of dollars spent, and all manner of assistance; politically, Somalia is a lost cause. No doubt the ordinary people of Somalia are grateful for and worthy of all the assistance offered to them by the UN, EU, AU and other international organisations and nations, but it’s political leadership is both morally and intellectually bankrupt. This has dawned on the international community after the fiasco of the United Nations representative, Nicholas Haysom’s, undignified and diplomatically incorrect expulsion, along with the events in Baidoa, that nothing will ever change in Somalia. It is the same old same, with just new faces. The bereft of leadership in Somalia is encapsulated by the meeting held in Villa Somalia, Mogadishu, to discuss the response by the visit of UK Defence Secretary, Gavin Williamson’s historic visit to Somaliland. The Somalia PM, a neophyte in terms of politics and international diplomacy advocated the severing of ties with the UK and the UN. The very same UK and UN that keep the weak federal entity in place in Mogadishu!. Ergo, if Farmajo makes this fool his PM, then surely, he deserves to be driven around in an armored military vehicle. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari nooca ay Soomaalidu utaqano Qooqanta oo wadada marayay. Ugu yaraan hal askari oo qaybta dambe ee baabuurka saarnaa iyo qof shacab ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu leeyahay mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan oo kusoo aadaya xili amniga Muqdisho si wayn loo sugayo. The post Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayo munaasabad maanta lagu caleema saareyay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameeyay balan qaad cusub oo ku aadan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda dhexe ay wada shaqeyn wanaagan la yeelato dowlad goboleedyada, waxa uuna intaas ku daray in loo baahanyahay in si wadajir ah ay danaha shacabka Soomaaliyeed uga wada shaqeeyaan. “Waxaan balan qaadayaa in xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed aan la yeelan doono maamul goboleedyada, wayna ii muuqataa in xiriirka uu soo hagaagayo” ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si buu yiri loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Balan qaadkaani cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ifafaalo wanaagsan ka bixinayaa xiriirka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-16012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland. Barnaamijkani oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakare waxaana kamid ahaa hadaladiisii “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani qusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-deenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, inshalaah waxaanu qaban doonaa kulan noocan oo kale ahna ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka”ayuu yidhi Dr. Sakariye. Marwo Amaal, Dr.Adna Aadan Ismaaciil,Wasiirka Beeraha Somaliland,Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF ayaa dhamaantood ballan qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani. Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudabd ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadisata cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaaij weyn oo waxtar leh,waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi,waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu galabta baadhis deg-deg ah ka bilaabey dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana waxaa uu albaabada iskugu dhuftey oo uu qufushay dhammaan xafiis-yada uu baadhista ka bilaabaayo Hanti dhawraha guud oo warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay in uu baadhis buuxda ka bilaabay xarunta dawlada Hoose ee Hargeysa. Goor Dhaw La Soco Muuqaalka Warkan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey. Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka. Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda, islamarkaana uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii ay la lahaayeen dalalka Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia. Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, isla markaana uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Hotelka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadhiga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, hayeeshee ana weli lama cadeyn in uu ku xidhnaa qaraxa iyo in Wadada uu ku aasnaa. Qaraxa kadib ayaa Gaadhiga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cida saarneyd gaadhigaas iyo khasaaraha ka dhashay, hayeeshee waxaa goobta gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Source
-
The United Nations Children’s Fund (UNICEF) and Somali health ministry on Wednesday launched the first major nutrition survey in the country since 2009. Both the ministry and UNICEF said in a joint statement issued in Mogadishu that the Somali National Micronutrient Survey will be carried out in the next four months. Fawziya Abikar, minister of health, said they will be collecting data related to micronutrient at the household level that will help them better understand the health and nutritional status of children and women in Somalia. Jesper Moller, UNICEF Somalia acting representative, said the nutrition survey represents a major step forward towards improving the health and nutritional status of the country’s children and women. “We feel very honored to be part of the process. We call on all health partners to continue investing in data collection to help us accurately assess and respond to the health and nutritional needs of children,” said Moller. “By doing so we help build a stronger and healthier workforce and economic foundation for Somalia,” he added. The post Somalia, UN agency launch major nutrition survey for children, women appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya. Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi. Source
-
(SLT-Muqdisho)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalkaasi Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya. Sgaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Source
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Madaxweynaha JFS Oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub Ee Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Baydhabo uga qeeybgalay Caleema saarka Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa ku war-gelisay suxufiga lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan in uusan wax shir ah ama tababar ah ku qaban karin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo uu ku saxiixanyahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah. Mudane Faaruuq oo sheegta in uu yahay xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSEJ ayaa shalay soo gaaray magaalada Garoowe waxaana maanta sawirradiisa lagu arkay Facebook-ga isaga oo Garoowe la fadhiya dhowr qof oo saaxiibadiis lagu sheegay. PUNTLAND POST The post Puntland: Cumar Faaruuq oo laga mamnuucay in uu shirar ku qabto Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Hotel-ka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, haseeshee aanay weli caddeyn in uu ku xirnaa qaraxa iyo in waddada loogu aasay. Qaraxa kadib ayaa gaariga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cidda saarneyd gaarigaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseeshee waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka Dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay cidda lala bartilmaameedsanayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi. Mawira Mungania, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Gaarka ah ee Kenya ayaa sheegay in beegsiga weerarkaas uu ahaa shir ay dowladda Mareykanka soo qaban qaabisay oo lagu waday in uu ka dhaco Hotelka. Mawira Mungania ayaa sheegay in shirkaasi daqiiqadihii ugu dambeeyay ee weerarka ka hor laga beddelay hotelka Dusit, islamarkaana loo wareejiyay meel kale. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ragga Hotelka weerarka ku qaaday ay u suuragali weysay in ay tagaan hoolka shirka lagu qaban lahaa kaddibna ay isku qarxiyeen banaanka inta kalena ay dhismayaal kale ka dhexdagaallameen. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkaas la soo afjaray saaka,waxaa uu sheegay in 14 Qof ay ku dhinteen,Raggii weerarka geystayna la dilay. Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in dowladda Kenya ay billaabeyso howlgal ka dhanka ah kuwa weerarkaas ka dambeeyay, ciddii fududeysay,kuwa maalgeliyay iyo cidkasta oo uu raad galo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
