Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Masuuliyiin ol’olaha doorashada u qaabil sanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa email-ladooda la jabsaday ka hor doorashadii xiliga dhexe ee dalka Maraykanka, sida hadda soo baxday. Guddiga xisbiga Jamhuuriga ee Congres-ka oo magaciisa loo soo gaabiyo NRCC ayaa sheegay in email-ladooda loo dhacay, isla markaasna aysan garanayn cidda sidaas yeeshay, balse ay ku wargaliyeen hay’dda dambi baarista Maraykanka ee FBI. Masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay in aan la shaacinin email-ladii loo dhacay. Barta wararka daabacda ee Politico oo markii u horraysay warkan tabisay ayaa sheegtay in weerarkaas lagu bartilmaameed saday afar kaaliye oo sarsare. Waxay sheegtay in email ladaas lala socday bilooyin balse bishii Abriil ayuu ogaaday masuul ka tirsan NRCC kaas oo guddiga war galiyay. Guddiga NRCC ayaa isku duba rida ol’olaha murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee ka qaybqaadanaya doorashada Aqalka Wakiillada. Website-ka Politico oo soo xiganaya masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay guddiga NRCC uusan masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga la wadaagin macluumaadka email-lada loo dhacay. Guddiga ayaan sidoo kale la wadaagin xubnaha baarlamaanka taas oo adkaynaysa in la ogaado ciddii ka dambaysay dhibaatadaas. Source
  2. (SLT-São Paolo)-Gabadh caafimaad qabta ayaa dhalatay iyadoo la adeegsanayo makaan la talaalay oo laga soo jaray mayd. Qalliin 10 saacadood qaatay iyo dawayn dhanka taranka ah oo markii dambe la sameeyay oo ka qabsoomay magaalada São Paolo ee dalka Brazil sannadkii 2016. Hooyadan umusha ah oo 32 sano jirta ayaa dhalatay iyadoo aan makaan lahayn. Soddon iyo sagaal makaan oo ay ku tabaruceen dad nool ayaa horay loo tallaalay waxaana ku dhashay 11 carruur ah. Dadka tabarucaadaas ka qayb qaatay waxaa ka mid ah hooyo gabadheeda u hibaysay makaankeedii. Balse toban ruux oo dhimatay oo horay la isugu dayay in makaankooda qof kale loogu tallaalo ayaa natiijo la’aan ku dambeeyay ama carruur dilanta. Dawooyin la siiyay Arrintan hadda taaganse waa makaan ay ku tabarucday hooyo da’da afartameeyada ku jirtay oo saddex ilmood soo dhashay, taas oo u dhimatay dhiig maskaxda kaga furmay. Gabadhan loogu deeqay minka ama makaanka ayaa qabtay xannuunka Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser kaas oo ku dhaca mid ka mid ah 4,500 ee dumar ahba, kaas oo horseeda in uusan sidoodii u samaysmin xubinta taranka ee dumarka ama makaanka. Si kastaba ha ahaatee ugxanteeda ayaase fiicnayd, dhakaatiirta ayayna u suuragashay in ay ka soo saaraan oo ay ku bacrimiyaan mani ayna kaydiyaan. Gabadha ayaa la siiyay dawooyin daciifiya habka difaaca jidhkeeda si aysan u weerarin xubinta lagu tallaalay. Guul caafimaad oo la gaadhay Lix toddobaad ka dib ayay billawday in ay caado hesho. Toddobo bilood ka dibna ukumihii la bacrimiyay ayaa lagu tallaalay. Markii uu uurku caadi noqdayna qalliin ayaa lagaga dhaliyay 15 Disembar ee sannadkii 2017. Dr Srdjan Saso oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay in warkan uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan. Source
  3. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dib ufurayso xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Soomaaliya, ku dhawaad muddo 30 sano kadib. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald [...] Source
  4. (SLT-Washington)-Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka ayaa Talaadadi shalay sheegay in ay jiraan daliilo cad oo muujinaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ka danbeeyay dilki magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Kashikji. Mudanayaashaan ayaa diiday hadalki madaxweyne Trump ee ahaa inuunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga. Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaada laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay. Mudane kale oo ka tirsan xildhibaanada Jamhuuriga kana soo gala Koongareeska Mareykanka gobolka South Carolina, Senator Lindsey Graham ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Kashikji. Sacuudiga ayaa beeniyay in dhaxalsugaha Boqortooyada uu wax lug ah ku lahaa dilka saxafiga loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, labadii bishii October. Source
  5. (SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka ee Madaxweyne D. Trump, Micheal Flyn ayaa macluumaad aad u badan siiyey dambi baaraha gaarka ee faragalinta Ruushka ee doorashada Maraykanka Robert Mueller. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn. Waraaqahan maxkamadda ee uu xereeyey Robert Mueller ayaa faahfaahinaya kaalmada uu Flyn ka geystay baarista faragalinta Ruushka, isaga oo dacwad-oogashu ay la yeesheen 19 wareysi. Warkan ayaa imamaya labo toddobaad ka hor, xiligii Flyn la xukumi lahaa iyo muddo hal sano in yar ka badan xiligii uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda FBIda, shirkii uu la yeeshay danjirihii Ruushka ee xiligaas, isaga oo D. Trump wakiil ka ah. Source
  6. Axmed Aadan Carab oo kamida guddi khilaaf dhaliyey oo uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey inay noqdaan guddiga khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley kamid ahaanshaha guddigaas. Axmed oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay magacaabistaas mid aan lagala tashan, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne ku-xigeenka inuu ka noqdo magacaabistaas oo uu sheegay inay khal-khal ku abuuri karto Dawladnimada, wuxuuna intaa raaciyey inuu tageersan yahay uuna mida saxa uu arko gudigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas. Dhanka kale sida ay helayso PUNTLAND POST xubno kale oo ah guddiga uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa iyaguna qorshaynaaya inay iska casilaan saacadaha soosocda. Carab ayaa saxiibadiisa kale ee lala magacaabay ugu baaqay inay wadadiisa maraan si loo ilaaliyo wadajirka Puntland. Arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Camey ay iska soo dabasaareen labba guddi oo is khilaafsan, mana jirto wax xal ah oo illaa iminka khilaafkaas laga gaaray walow ay dad is xilqaamay dadaal ugu jiraan inay khilaafkan soo afjaraan. PUNTLAND POST The post Mid kamida guddigii uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post.
  7. Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay. Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Waxaa maanta lagu wadaa inuu qabsoomo kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Waxaa dib loo dhigay xal ka gaarista go’aankii kala dirista guddiga maaliyadda ee golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dhawaan dib ay u fureyso saafaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib u bilaabeyso dhaqdhaqaaqi diblomaasiyadeed ee joogtada ahaa ee magaalada Muqdisho. Go’aakaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo hagaagtay xaaladda Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay, waxaana ay horseedeysaa in Mareykanka ay dib safaaradooda kaga furtaan magaalada. Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeysay in dib u furashada Safaaradooda ay keeneyso sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu ku kalsoon yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka la wanaajiyo. Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray waxii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii, xiligaasi oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan. Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay Weerarkii Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD Siday hore idiinku sheegeen wariye Khaalid Foodhaadhi iyo wariye Abdi Bidhaan Dahir LIBERLAND dulkeedu wuxuu Dhanyahay 7km2. Hadaba Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay Dawlada ( Republic MONACO) oo dulkeedu dhan yahay 2km2, waxana dagan 38.000 qof Monaco waa dal ku dhex yaala FRANCE oo dunidana laga ictiraaf sanyahay. Waxa aad loo yaqaanaa naadiga kubada cagta ee Manoco kana ciyaara horyaalka France waxa hada tobabare u ah laacibkii waynaa ee Thierry Henry. Muwaadin kasta oo reer Monaco ah sanadkii waxa soo gala lacag dhan 151,000 iyagoo noqonaya shacabka ugu dakhliga badan dunida. Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay dawlada Vatican ka oo dhulkiisu leeg yahay 0.4km2 wuxay in yar ka wayn yahay garoonka kubada cagta ee Hargaysa. Ma ogtahay in dalka Republic of NAURU yahay dal la qoon sanyahay oo dhulkiisuna dhan yahay 21km2. Ma ogtahay in dalka TUVALU laqoon sanyahay dulkiisuna dhan yahay 26km2. 5taa dawladood een xusay Dhamaan tood waxa ka wayn magalada HARGAYSA oo dhan 33km2. Waa halkii TELESOM ee Muhiimadu waa TAYADA maaha Baaxada, LIBERLAND oo ah 7km2 waxay leedahay 80 safaaradood oo waxay qancisay sideetan dal inay xafiisyo kafurato. Inaguna, mee Rooble Mohamed . Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 5AAD Amb Ahmed Safiina Sawiradan hoosta ka muuqda waa MONACO oo dhan 2km2 11 Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan. Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn. Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa. Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal. Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Sawirka Todobaadka:Siyaad Barre oo dhaqanxumo ku sameynaya Madal Ilyartu isqabatey Qaran News
  13. Mareykan ah oo mas’uuliyadda dilkii wariye Khashoggi dusha u saaray Bin Salmaan Qaar ka mid ah xildhibaannada dalka Mareykanka ayaa sheegeen in iminka in ka badan sidii hore ay u rumaysan yihiin in dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu door ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi. Sanatarada ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay kulan gaar ah la yeesheen saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA. Weerar dhanka afka ah oo uu Sanatar Lindsey Graham ku qaaday dhaxalsugaha ayaa waxa uu ku sheegay “in kalsooni sare uu ku qabo” uu ku lug lahaa dilka wariye Jamal Khashoggi. Sanatarka ayaa ku tilmaamay boqortooyada Sacuudiga in ay yihiin “kuwa waalan oo halis ah”,. Dowladda Sacuudiga ayaa dilka wariye Jamal waxa ay u maxkamadeysay 11 qof. Balse dowladda Sacuudiga ayaa beenisay in dahaxalsuge binu Salman uu ku lug lahaa dilkaasi. Xubnaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee aqalka Sanet-ka lama aysan gabban erayadooda ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha hay’ada CIA Gina Haspel. Sanatar Lindsey Graham ayaa sheegay in uusan taageereyn dagaalka Sacuudiga ay ka wadaan Yemen ama in hub laga iibiyo xukuumadda Riyadh inta uu awoodda hayo dhaxalsugaha. Sanatar Bob Menendez, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa dhankiisa wariyayaasha u sheegay “in uu imika ku qanacsan yahay si ka badan sidii hore”in dhaxalsugaha Sacuudiga uu masuul ka ahaa. Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay qasab tahay”in ay diraan farriin cad oo ah in ficilada noocaas oo kala ah aan la aqbali Karin marka la eego marxaladda uu maanta caalamka marayo”. Sanatar kale oo lagu magacaabo , Bob Corker, ayaa wariyayaasha isna u sheegay: “in aysan maskaxdiisa wax su’aal ah uga jirin in dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka.” Sanatar Bob oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa intaa ku daray “in haddii maanta Binu Salmaan la horkeeni lahaa garsoore in 30 daqiiqa gudahod dambiga loogu heli lahaa.” Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageereyaasha gudoomiye ku xigeenkii hore ee Kenya Faarax Macallin, gaar ahaan Twitter-kiisa ayaa su’aal la yaab lahayd weydiiyey oo u dheceysay sidan- “Mudane sida aad ugu khafiiftay Soomaaliya waa mid dunidan ka baxsan…. Aaway codkaagii Waqooyi Bari….Mandera waxa ay leedahay qaraha ugu wanaagsan. Garissa waa magaalo dalxiis aan laga faa’ideysan. Sidii ayey noogu fududaan kartaa in aan u gaarno/tagno Wajeer? Ka warran haddii aad halkan Hormuud ka noqon lahayd? Taageerahan ahna muwaadin Kenyan ah, siiba qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn ayaa ka falcelinayey qoraal uu Twitter-ka kula talinayey Faarax Macallin Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre oo ku saabsanaa Kalluunka iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya xilli Madaxweynaha ka qeybgalayey shirkii Blue Economy ee Nairobi todobbaadkii hore ka dhacay. “Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta,” ayuu Faarax Macallin yiri isaga oo arrintaas ka hadlaya. Hadaba sidee ayuu Faarax Macallin ugu jawaabay muwaadinka Kenyan-ka ah isaga oo u marinaya isla Twitter-ka? “Kenyan badan ayaa la yaaban sababta aan waqti badan ugu hibeeyey arrimaha Soomaaliya/Itoobiya. Ma hagaajin kartid Kenya adiga oo aan hagaajin Soomaaliya. Ma hagaajin kartid Soomaaliya adiga oo aan hagaajin Itoobiya marka hore. Siyaasadda Geeska waa isku xiran yihiin. Waxaan rejeynayaa in saaxiibadeyda Kenyan-ka ah ay xaaladda fahmayaan.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan magaalada Dhuusomareeb uu kula yeeshay saraakiil Ajaaniib ah oo ka socotay dalka Mareykanka waxay kaga hadleen arrimo dhowr. Kulankaasi ayaa waxaa kasoo baxay seddex qodob oo madaxweynaha Galmudug ku tilmaamay inay muhiim u yihiin deegaaada Galmudug, sida uu sheegay Axmed Ducaale Geelle. Wararka caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee shirkaasi la iskula meel dhigay inuu yahay sidii dhaqso loo furi lahaa saldhig Mareykanka uu doonayo inuu ka dhiso bartamaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhuusomareeb. Qorshaha labaad ee la iska gartay ayaa ah in tababar loo siiyo ciidamo gaar ah oo looga maarmi doono joogitaanka ciidamada DANAB ee gobolada Mudug iyo Galgaduud, si mushaaraadka iyo tababarkaba ay u helaan ciidamadaasi. Arrinta seddexaad ayaa lagu sheegay inay tahay kordhinta duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geystaan deegaanada Galmudug oo Al Shabaab ay joogaan, iyadoo laga tixraacayo duqeymihii ugu dambeeyay. Lama shaacin waqtiga rasmi ahaan loo dhaqan gelinayo qodobada ay isla garteen madaxweyne Xaaf iyo saraakiisha Mareykanka ka socotay, laakiin dhismaha saldhiga Mareykanka ayaa muhiimada koowaad noqon doono. Madaxweyne Xaaf oo shalay isugu yeeray saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug aya ku wargeliyay qorshaha soo socdo iyo isbadalka amaan ee la doonayo in lagu sameeyo deegaanada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu wargeliyay kulanka maanta. Kulamada baarlmaanka ayaa hakad ku jiray muddo kooban, waxii ka dambeeyay buuqii ka dhashay eedeyntii wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir Loo jeediyay, taasi oo ugu dambeyn sababtay in guddiga la kala diro. Kulan shalay ay yeesheen guddiyadda joogtada ee baarlamaanka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu go’aamiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa akhrinta seddexaad ee hindise sharciyeedka Leelitirka, kaasi oo labi aqrin maray, kadibna xildhibaanada ayaa ansixin doona sharcigaasi. Arinta kala derista guddigii maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo, walow aysan ku jirin waxyaabaha loo gudbiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kala deristii guddiga maaliyadda uu dhawaan si deg deg u horkeeni doono baarlamaanka, balse ma uusan shaacin waqtiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka. Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka. PUNTLAND POST The post Cawad oo nuqul kamid ah aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee turkiga appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta la dhacsan hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado, ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo xilka uu rasmi ahaan ka hayo dowladda. Salaad Cali Jeelle, ayaa mar la weydiiyay waxa uu rasmi ahaan ka hayo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay lataliyaha siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, sida uu sheegay uu kala taliyo arrimaha siyaasadda iyo amaanka. Wuxuu mar labaad ku celiyay sababta uu horey ugu sheegay in Al Shabaab ay xubno ku dhex leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyneyso ergooyinka ay Al Shabaab ku dhex dileen magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan. Dowladda Soomaaliya ee hadda dhisan ayuu sheegay in laga doonayo in dalka ay gaarsiiso doorasho cod iyo qofkii ah, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan haddii aysan fulin balanqaadyadii horey ay hogaanka dalka u jeediyeen. Mar la weydiiyay sida isaga oo lataliye ah uu ula xisaabtami karo dowladda Soomaaliya ayuu yiri ”Madaxweyne Farmaajo waxaan saaxiib kula ahay wuxuu ii magacaabay la taliyihiisa Amniga iyo Siyaasadda oo heshiis ayaan kula jiraa, hadiise dalka doorasho qof iyo cod ah uu gaarsiin-waayo waa uu la xisaabtamayaa Xisbigeygu kamana aqbaleyno”. Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayuu Salaad Cali Jeelle sidoo kale kaga hadlay khilaafka ka dhashay qoraalkii kasoo baxay guddiga maaliyadda Soomaaliya ee sababay xiisadda badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Garowe (Caasimada Online) – Inta ugu badan Musharixiinta sanadkaan dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada ka dhaceysa deegaanada Puntland ayaa hal qabsi ka dhigta inay weerarayaan deegaanada Somaliland ay ka joogto Sool iyo Sanaag. Ujeedada ka dambeysa arintaan ayaa la sheegay inay tahay inay doonayaan codadka dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ee kamid noqonaya xubnaha baarlamanka ee maamulka Puntland, iyaga oo ku beer laxowsanaya inay deegaanadooda xoreynayaan. Sababta kale ee ka dambeysa ayaa ah inay jirto xiisad dagaal oo Qabali ah oo u dhaxeysa musharixiinta aan kasoo jeedin deegaanada Sool iyo Sanaag iyo maamulka Somaliland, taasi oo fursad kale u noqoneysa musharixiinta inay kula dagaalamaan Somaliland. Qaar kamid ah aqoonyahanada Puntland ayaa sheegay in musharixiinta ku dhawaaqda inay dagaal la galayaan Somaliland ay doonayaan inay dhiig kale ay daadiyaan, balse aysan xalka rasmiga ah dooneyn. Dad badan ayaa isweydiinaya deegaanadii uu horey u sheegay madaxweyne Gaas inuu kusoo celin doono gacanta Puntland sababta wali ay u maqan yihiin, waxaana hadda cariiri sii galay deegaanka Tukaraq. Musharixiinta waxay sheegeen in gobolada Somaliland iyo Puntland ku murunsanyihiin ay ka dhigi doonaan Aag dagaal, Waxaase isweydiin mudan xubnaha ay codadka ka doonayaan ee deegaanadaasi kasoo jeeda “Ma waxay deegaanadooda la doonayaan in dhiig ku daato”. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  20. Wargeyska afka dheer Ee kasoo baxo Dalka turkiga Yeni Şafak ayaa qoray isaga oo soo xiganaayo ila wareedyo Sacuudiga iyo falastiin in Maxamed Daxlaan oo ah lataliya dhaxal sugaha imaaarada dubia ah ninka ugu Awooda badan Iskutaga imaaraatka Carabta Maxamed Bin zaayid in uu la kulmay jirdil aa U xoogan isla markaane la dhigay Qeybta gargaarka deg dega kadib marki uu diiday in uu dusha saarto mas’uuliyada Shirqoolkii lagu Dilay Wariye Jamaal Khashogji. Sida wargeysku qoray Ilo ku dhow dhow maxamed bin zaayid iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin salmaan ayaa xaaqiijiyeen in Maxamed Daxlaan lagu casuumay Xaflad ka dhacay dusha Doon lagu raxeeysto magaalada Dubia taas oo qeyb ka eheed booqashada Maxamed bin salmaan isbuucii lasoo dhaafay oo ay ku kulmeen ayagoo ka dalbadeen in Maxamed daxlaan uu Aqbalo in uu noqdo maskaxdii qorsheysay kana danbeysay amartayne Dilka Wariye jamaal khashogji taas oo ujeedadeedu eheed in tuhunka laga Fogeeyo Maxamed bin salmaan Dushane laga Saaro Maxamed Daxlaan. Maxamed Daxlaan oo horay uga tirsanaan jiray ururka Xureynta wadaniga Ee falastiin marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (fatax) Ayaa diiday in uu Aqbalo Dalabka loo soo bandhiga oo ah in uu dusha uu saarto Mas’uuliyada Dilka Wariye Jamaal Khashogji taas oo sababtay in uu la kulmo jirdil aad u xoogan oo ay u geysteen Koox aan la aqaanin Waxa uuna jirdilka ka dhacay bartamaha Dubia kadib marki ay Soo dhamaatay Kulankii Doonta Ee Seddex geesood ahaay. jirdilka loo geystay maxamed Daxlaan ayaa sababay in uu ka jabo qoorta , Waxaan lagu Daweeynayaa goob ka mid isbitaalada magaalada dubia oo aad loo ilaalinaayo iyada oo aan la ogaleeynin in lasoo booqdo. Dhanka kale ilo wareedyo ku dhow maxamed daxlaan ayaa goor sii horeeysay baahiyeen in uu qoorta ka jabay Maxamed daxlaan kadib marki uu Shil gaari ku galay magaaladda dubia, lakin qoraalka ay baahiyeen Waa tirteen Saacaado kadib. Waxaa Xusid mudan in wargeyska Yeni Safak in uu tilmaamay in dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed bin salmaan iyo dhaxal sugaha imaarada dubia maxamed bin zaayid ay la kulmeen Wiilka uu Sodoga u Yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ahne lataliyahiisa Kuna Heshiiyeen Seddexdooda in Kiiska Dilka Wariye Jamaak Kashogji oo Dhameysitan Dusha laga saaro Maxamed Daxlaan. Maxamed Daxlaan ayaa horay loogu soo Eedeeyay in uu ka danbeeyay Dil Magaaladda dubia loogu geystay Xubin sare oo ka tirsanaan jiray Ururka Xamaas Sanadkii 2010 Oo lagu Magacaabi Jiray Maxamuud Almabxuux Waxaan la Sheegay in Daxlaan uu xiriir wanaagsan la leeyahay Maamulka Yahuuda. W/Q: Axmed Cumar
  21. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxaana lagu balansan yahay 19 bishaan December. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa u muuqda mid halis gali kara, haddii aanan wax laga qaban weerarada kusoo kordhay magaalada, kuwaasi oo aan dhici jirin xiligii talada uu hayay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Halista kale ee imaan karta ayaa ah in ciidamada cusub ee la geeyay magaalada oo aan kala aqoon ay waxyeelo gaarsiin karaan dadka rayidka ah inta ay la dagaalamayaan dadka falalka amniga ka hor imaanaya geysanaya. Amaan darada ayaa haddii ay sii kororto waxay saameyn ku yeelan kartaa doorashada Koofur Galbeed oo la qorsheynayo in 14 maalin kadib ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Arinta ayaa u baahan in si weyn loo eego xaalada amaan ee kusoo korortay magaalada Baydhabo, waxaa hadda magaalada ku sugan ciidamo dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay magaalada. Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay ayaa horey u sheegay inay ka war heleen qorshe Al Shabaab ay damacsan yihiin oo ah iney carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed. Arintan ayaa keeni karta in Al Shabaab marka ay sahmiyaan falcelinta laamaha amaanka ee weerarada bilowga ah kadib inay weeraro halis kale keeni kara ka geystaan magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ka qeyb galay madaxda Jubbaland, masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM. Waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, isaga oo shirka ka jeediyay warbixin la xiriirta xaaladda amaan ee deegaanada Jubbaland iyo qorshaha deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe, wuxuu shirka ka sheegay in sanadkaan AL Shabaab ay ka qabsadeen deegaano badan, islamarkaana ay ka wanaagsan yihiin amaan ahaan sanadihii lasoo dhaafay. Taliyaasha ciidamada AMISOM ee deegaanada Jubbaland ayaa dhankooda laga dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland iyo warbixin kale oo la xiriirta qorshaha sanadka cusub ee AMISOM. Qorshaha ugu horeeyay ayaa lagu sheegay in la isku furi doono wadada isku xirta Jamaame iyo Kismaayo iyo wadada kale ee xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow, iyadoo howlgaladaasi la bilaabi doono sanadka cusub. Dhammaan deeganada ka maqan gacanta Jubbaland ayaa la isla meel dhigay in laga saaro Al-Shabaab iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka AMISOM, kuwa Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  23. Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan guddiyada Baarlamaanka ayaa caawa waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah. Shirkaasi guddiyada ay yeesheen waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa faray in xildhibaanada Baarlamaanku ay si deg deg ah kulan bari ugu yeeshaan xarunta golaha Shacabka. Amb Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigii la sheegay in lakala diray ay horgeeyn doonaan Baarlamaanka. Waxaa xusid mudan in kulankii caawa ka dhacay Villa Hargeysa ay goobjoog ahaayeen guddigii la sheegay in lakala diray. In ka badan isbuuc waxaa hakad ku jiro fadhiga Baarlamaanka oo uu ka dhexjiro is qab qabsi ku aadan kala diristii lagu sameeyay guddiga maaliyada. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Amray in si deg deg ah loo furo kulanka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa looga hadlay caqabadihii keenay baaqashada kulamadii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka, oo hakad ku jiray maalmihii ugu dambeeyay. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qorshayaasha shaqo ee horyaala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhowr shaqo oo u baahan in baarlamaanka ka doodaan. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arintii kala derista guddiga maaliyadda ee baarlamanka sheegay inuu si deg deg ah u horkeeni doono golaha shacabka, isaga oo tilmaamay in la marsiin doono hanaanka saxda ah. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aamiyay waqtiga uu bilaabanayo kulanka, waxaana uu sheegay in maalinta beri ah kulamada baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyay. Xiisad ayaa ka dhalatay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horseeday khilaaf ugu dambeyn sababay in guddigaasi la kala diro. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com