Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaahira (Caasimada Online) – Soomaaliya waxa ay qorsheeneysaa in ay ku dhawaaqdo markii ugu horreeysay in ay Shidaal baaris ku qotoma xeerka caalamiga ah ay sameyso, waxa ayna Masar ka raadisay khibrad la xiriirta dhinacaas, sidaas waxaa sheegay Wasiirka Betroolka iyo macdanta ee Masar, Tariq el-Molla. Fursadaha ah in shidaal laga helo Soomaaliya ayaa sare u kacay maadama ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Africa, ayuu wasiirka yiri Jimcihii. Xilli uu shir la yeeshay wasiirka Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Abdirashid Mohamed, el-Molla waxa uu sheegay in mas’uulka soo booqday ku nuux nuuxsaday in dalkiisa raadinayo in uu ka faa’ideysto khibradda Masar marka ay timaado dhinaca shidaal sahminta iyo sida lagu bixiyo qandaraasyada caalamiga ah.” Wasiirka Masar waxa uu sheegay in Soomaaliya leedahay rejo ah in shidaal laga helo iyo sidoo kale in ay khibradda Masar ka faa’iddo. Waxa uu ku celiyey in Masar ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta macdanta Soomaaliya taas oo kobcinta doonta qeybaha kale ee Soomaaliya. Mollah waxa uu qiray in wadashaqeyntaas ay Soomaaliya ka faa’idi doonto maadama ay muddo dhaqaale burbur colaado sokeeye sababeen ku jirtay. Wasiirka Masar waxa uu sheegay in uu dhiggiisa ka ogolaaday in kulammo dheeri ah ay ka wada galaan sidii loo horumarin lahaa dhinaca shidaalka iyo sahmintiisa. Waxa uu ku nuux nuuxsaday sida ay Qaahira uga go’antahay in ay wadamada Qaaradda Africa uga gacan siiso kala shaqeynta meelaha ay danta ka wadaagaan bulshada Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelintii iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo way arkaayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee ay ku dhawaaqeen in doorashadu dib u dhaceyso. waxay aheyd in ay 6 bilood ka hor sii iclaamiyaan liiska codbixiyayaasha iyo jidwalka habsami u socodka hawlaha Diiwaan gelinta codbixiyayaasha. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii Saami-qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa Doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudada dheer. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen . Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida Badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku 6 bilood ka hor ay is cadeeyaan oo ay sii sheegaan in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsatay halka inaga ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay ansixin waayeen golaha baarlamaanku waa in uu madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu waqti dhow ugu qabsoonto. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu geygeyso ” !! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-02122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Wararka haatan naga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada daga. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa inta u dhaxeeyso deegaanada Maandheere iyo koongo ee duleedka degmada Jowhar. Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo beeraleey ah oo isku heeysto dhul beero ah oo ku yeela deegaankaasi. dagaalka ayaa galabta ilaa hadda halkaasi si toos ah uga socdo inta u dhaxeeyso Maandheere iyo koongo ee gobolka Sh/Dhexe. Maamulka Hir Shabelle ayaa isku dayaya in ay joojiyaan dagaalkaasi islamarkaasina dhinacyadaasi kala dhaxgalaan. Mid kamid ah dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya oo la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen dad doonaya in ay qaateen dhul beereedyo ay leeyihiin. Hoos ka Dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP Katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareeysi-Dagaal-Duleedka-Jowhar-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaal Caawa ka soconayo duleedka Jowhar appeared first on Puntland Post.
  5. Masuuliyiin sar sare oo katirsan ONLF ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay wariyaasha ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal ay maanta ku tageen Jig Jiga. Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay tagi doonaan deegaano katirsan ismaamulka Itoobiya islamarkaasina ay la kulmi doonaan dadka deegaanadaasi. Mar wax laga weeydiiyay in ay ka tanaasulayaan fikirkoodii ayuu sheegay in aanay ka tanaasulin fikradooda hayeeshee ay joojiyeen dagaalkii ay wadeen. Dhowaan ayeey aheyd markii heshiis ay wada gaareen Itoobiyo iyo ururka ONLF oo dagaal muddo dheer kula jirtay dowlada Itoobiya. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/cadaani-hirmooge.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Cadaani Hirmooge ” Si fiican ayaa naloogu soo dhoweeyay Jig Jiga” appeared first on Puntland Post.
  6. Dableey hubeeysan ayaa rasaas qasaare geeystay ku furay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah duleedka deegaanka Godin-labe ee gobolka Gal-Gaduud. 1 ruux oo dumar ahaa ayaa ku dhintay rasaastaasi tiro ku dhow 5 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray rasaastaasi. Cabdisalaan Axmed Mire oo ah gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi oo la hadlay Puntland Post xafiiska warqabadkeeda ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay. Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan sida ay u soo qaban lahaayeen kooxahaasi falkaasi geeystay. Gobolka Gal-Gaduud ayaa dadka ku safraya waxa ay la kulmaan dhibaatooyin ay u geeystaan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin u geeysta dadka safarka ee ku socdaalaya deeganada kala duwan ee gobolkaasi Gal-Gaduud. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Waxaana Wareeystay Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareeysi-Cabdisalaan-Axmed-Mire-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dableey hubeeysan oo rasaas ku furay dad shacab ah Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada ayaa sheegaya in nin uu xaday gabar uu awoowe u ahaa kadib markii uu sheeko uu ka qaato soo dejiyey, sida hooyada dhashay gabadha ay sheegtay. Odayga oo magaciisa lagu koobay MAQSUUD aya la sheegay inuu dhawaan dibadda kasoo laabtay, waxaana uu afduubay gabadha uu ku sugneyd guriga ay ka degenaayeen xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka Dheer. Odayga ayaa tagay Xaafadda Ubax oo ah hooyada Gabadha Dhashay oo uu abti u ahaa, waxaana gabadha uu kasoo kaxeeyay guriga isagoo markii ugu dambeysay sheegayay inuu Talaal caafimaad geynayo. Waxaa markii uu soo qaaday kadib laga wacay taleefankiisii gacanta, waxaana uu u sheegay Hooyo Ubax inay ka sabarto gabadha, “Ka sabar Gabadhaan Mid kale alle haku siiyo”, kadibna wuxuu dansaday taleefankiisii oo ilaa iyo hadda dansan. Warar soo baxaya oo dadka deegaanka ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in odayga uu dhaqaalo ka doonayo gabadha uu abtiga u yahay, walow aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn halka uu la aaday Gabadha yar. Waa dhacdo ku cusub dadka deegaanka Siinka Dheer, laakiin magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay in la afduubto caruurta kadibna oo xubnaha muhiimka ah lagala baxo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi indha qarshe ayaa galinkii dambe ee maanta kulan Muqdisho kula qaatay ciidamada cutubyo katirsan ciidamada Miltariga dowlada Soomaaliya. Indha Qarshe ayaa la kulmay guutada 14-ka Octobar oo ah dhalinyaro dhameeystay waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacada oo dhowaan ku biiray ciidamada Milatariga Soomaaliya. Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay qaadaan howlgal culus islamarkaasina dalk ay ka saaraan Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa balan qaaday in ay qaadayaan howlgalo culus oo ka dhan Kooxda Al-shabaab . Hoos ka Dhageeyso Codka Taliyaha https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Taliyaha-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya oo fariin u diray ciidamada Miltariga appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah. Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka. Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay. Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay. Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  10. A suicide car bomb has gone off at a checkpoint near Somalia’s parliament and interior ministry in the capital Mogadishu on Sunday afternoon, killing at least one and injuring 2. The bomb exploded at the heavily guarded area and a police checkpoint. The latest reports said a civil servant was killed after a bomb under his car went off while driving on the busy Makka Al Mukarama road in Mogadishu. The police sealed off the scene following the explosion and removed the wreckage of the car from the area, allowing then the public movement and transportations. Al Shabaab is blamed for the attack targeting the government official. The post One dead, two injured in Mogadishu bomb explosion appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo u ku sheegay in Somaliland laga abaabulo qaraxyo. Mustafe Cagjar ayaa sheegay in meelo ay Somaliland ka mid tahay laga soo abaabulayo qaraxyo laga fuliyo Itoobiya, isagoo sheegay inay abaabulayaan dad ka tirsanaa nidaamkii hore ee Itoobiya. Eedda Mustafe Cagjar Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa isagoo eeddo u jeedinaya Somaliland wuxuu yidhi “Qaar baa jira meelahan jaarka ah Somaliland, Puntland iyo Jubaland jooga oo iyaguna wali soo abaabulaya qaraxyo oo xidhiidh la sameeyay Al-shabaab oo iyagana laga war hayo markaas iyada oo la raacayo booliska adduunka sidii arintaas loo wajihi lahaa ayaanu ka shaqaynaynaa, marnaba ma dhacayso dadkii masaakiinta ahaa ee halkan joogay dadkii ciqaabayay in hantidii ay boobeen ay la tagaan dibada ay ku noolaadaan oo ay meelahaas ku haystaan wax dhici karaysa maaha.” Jawaabta Somaliland Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas. Waxaa Wasiirka oo u waramay telifishanka Bulsho uu yidhi “Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay. Markaas arintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arin aan meesha ku jirin oo khaldan.” Wasiirka oo la waydiiyay inay arintaas caalamka kala hadleen arrintan waxa uu yidhi“Aritaas dawladu waa ay ka hadashay, waraaqo iyo si kaleba waa laga wada hadlay” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Hoggaamiyihii sare ee jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka [...] Source
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degmada Xamar-wayne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xoogi Jaamac, oo ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, islamarkaana gaariga waday, ayaa ku geeryooday. Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo meesha uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo isku socodka saacado hakad geliyay. Xukuumada Soomaaliya kama aysan hadlin sidoo kale qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay. Waa qaraxii ugu horeeyay ee bishaan December ka dhaca magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu ahaa maalmihii aynu kasoo gudubnay mid ay si wayn usugayeen ciidaamda dowladda. The post Khasaaro ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzania. Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM). Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala. Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda. The post Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababar loosoo xiray appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-07112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho . inta laxaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dintay [...] Source
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay Maalin ka hor ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada la filayey inay dhacdo shanta Bishaan ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo inay Xildhibaano qorsheenayaan doorasho dhacdo shanta Bishaan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney doortaan Madaxweyne shanata bisha December oo shalay dib looga dhigay taas oo mar kale la mudeeyay 19-ka Bishaan. Xildhibaanada ayaa sheegay in shaqsiyaad doonaya dano gaar iyo Murashaxiin gaar ah ay dib u dhigeyn doorashada sidaas darteedna aysan ogolaan karin mudada dheeraadka ah ee lagu daray jadwalka doorashada. Siyasiyiinta qaar oo la hdlay wariyal ku sugan Baydhabo ayaa shegay in walaac ay qaban ay tahay in waqtiga doorahsda xiligan laga dhigay ee 19-ka Bishaan ay inta badan xubnaha matalaa beesha caalamka ay u baxayaan ciida kirismaska oo dabayqada bishaan ah. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa noqotay mid foodo ah waxaana dib loo dhigay illaa 3 jeer oo kala duwan taasoo aan illaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah. Waxaa jiro warar sheegayo inay qorshahaan wadato dowladda Federaalka Soomaaliya ayna dooneyso inay meesha ka saarto musharixiinta Qaar. Wararka qaar ayaa sheegayo inay dowladda dooneyso inay Meesha ka saarto Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay Guddiga Doorashada ku qasbeyso inay is casilaan si loo soo dhiso Guddi cusub isla markaasna loo dajiyo shuruudo cusub oo Roobow u diidayo inuu ka qeybgalo doorashada. Waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo is casilaan qaar ka tirsan Guddiga Doorashada, waxaadna aqbaaraadkaas kala socon doontaan Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. (SLT-Muqdisho)-Qarax ayaa goor-dhawayd ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa gaadhi yar oo lagu xidhay waxyaabaha qarxa. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada. Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale. Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen. Source
  19. (SLT-Jigjiga)-Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya. Xubnaha wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ayaa boqolaal ruux oo kamid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ay si weyn u soo dhoweeyeen iyagoo ruxaya calanka jabhada ONLF. Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida. Waxaana ka muuqday dadka ku nool magaalada Jigjiga farxad iyadoo ay tahay tobaanan sano kadib markii madaxda ONLF ay cagaha soo dhigaan magaalada Jigjiga. Kahor inta aysan ka soo ambabaxin magaalada Jigjiga ayuu guddoomiyaha ururka ONLF waxa uu ka sheegay xaflad lagu soo sagootinayay xubnaha wafdigiisa in halganka ay ku jiraan inuu yahay mid soo bilowday xilligii Axmed Gurey isla markaana uu yahay mid lagu doonayo gobanimo iyo caddaalad. Dhowaan ayaa dowlada uu madaxda ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis la galay dowlada Eritrea iyo weliba jabhadihii ka soo horjeeday dowlada Itoobiya oo fadhigoodu ahaa dalka Eritrea. Dhowaan ayaa boqolaal ciidamada jabhada ONLF waxa ay soo gaareen magaalada Jigjiga kadib markii uu ururka ONLF ahaa mid dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah kula jirey dowlada Itoobiya. Source
  20. Muqdisho (PP) ─ Agaasime waaxeed la sheegay inuu ka tirsan yahay wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Somalia ayaa ku dhintay qarax la sheegay in loogu xigay gaari uu watay oo marayay agagaarka isgoyska Sayidka ee Muqdisho. Mas’uulkan la dilay oo aan magaciisa la sheegin ayaa watay gaari nooca Carrib-ta loo yaqaan ah, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay, mana jirto cid kale oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan. Gaariga uu qaraxu qabsaday ayaa qaybta hore ka burburay, iyadoo goobta ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo maydka ka qaaday goobta, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysay qaraxan. Ururka Al-shabaab ayaa lagu eedeeyaa inta badan qaraxa iyo dilalka kala duwan ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo lala beegsado mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee gacanta siinaya Dowladda Somalia. Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii lasoo dhaafay sidan oo kale Qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeele iyo darawalkiisii, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Al-shabaab. Ugu dabmeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo laabatay inta badan qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro dadka bulshada dhexdeedda magaca ku leh iyo mas’uuliyiinta Dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Qarax lagu dilay mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia oo Goor-dhaw ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Jigjiga (PP) ─ Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha ururka ONLF ee dalka Itoobiya ayaa gaaray maanta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka DDSI. Xubnaha wafdigan ayaa waxaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shacabkii maanta Jigjiga kusoo dhaweeyay ay qaadayeen heeso kala duwan. Sidoo kale, Waddooyinka Jigjiga ayaa lagu sharxay Calammada DDSI iyo kan Jabhadda ONLE, waxaaa lagu wadaa in wafdigan ay kulamo kala duwan ay la qaataan mas’uuliyiinta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii boqollaal ka tirsan ciidanka Jabhadda hubeysan ee ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ciidamadii ku laabtay magaaladaas ka mid ah gabar ka tirsan ONLF oo iyada iyada iyo ninkeedii ay kala maqnaayeen in ka badan 10 sannadood. Ururka ONLF, ayaa in ka badan 20-sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in Gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale. Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa Jabhadda ONLF dhawaan ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo weliba is-beddelada ka socda dalkaas. Ugu dambeyn, Ururka ONLE ayaa waxaa deegaannada Soomaalida Itoobiya waxaa looga yaqaannaa UBO, iyadoo carruurta deegaannadaas lagu cabsi-gelin jiray jabahadda, balse haatan ayaa lagu wadaa in wixii hore isbedello lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Hoggaanka Ururka ONLF oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degamda Xamar-wayne ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay Qarax ka dhashay gaari, galabnimada Axada maanta ah. Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle ee in qaraxa uu ku geeryooday hal ruux, kaasi oo ahaa darawalka gaariga qarxay. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen gaarey ayaa bilaabay baaritaano, iyaga oo xariy jidka. Lama ogga illaa iyo haatan waxa uu yahay qofka gaariga saarnaa ee la sheegay inuu ku dhintay, xili ay la wareegeen meydkiisa ciidamada dowladda. Ma jirto, sidoo kale, koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada dalka uu mudooyinkii dambe ahaa mid liitay. Wixii kusoo kordha qaraxaan, kala soco radioshabelle.com The post DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-14 maalmood ka dib, Madaxweyne Biixi wuxuu shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Socdaalkiisa ayaa ahaa mid shaqo oo uu Madaxweynuhu ugu baxay shanta gobal ee kale, marka laga reebo maroodi-jeex, waxaanu maray caasimadaha gobaladaas iyo magaalooyinka kale ee muhimiika ah. Madaxweynuhu wuxuu shacabka u jeediyay khudbado kala duwan, waxaanu qaybaha kala duwan ee bulshada la yeeshay shir doceedyo. Khudbadaha uu jeediyay wuxuu Madaxweynuhu mid kasta oo uu shacabka kula hadlayay ku soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dawladooda. Dhammaan magaalooyinka uu maray ee uu khudahaba ka jeediyay wuxuu ku soo hadal qaaday dawladda Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Oodweyne oo uu kaga hadlay mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadiisu ka fulisay deegaankaas. Burco Markii uu Madaxweynuhu marayay magaalada Burco, wuxuu khudbadiisa qayb ka mid ah oo Soomaaliya iyo dawladda Farmaajo ku saabsan uu ku yidhi “Inamada Xamar ee shalay golaha amaanka ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nalala qabtaa waa go’doone, waxaanu u sheegaynaa Afawerki inta uu maray in ka dheer ayaanu u maraynaa,balana waxaanu idiinku qaadnay idinka oo yimaada idinka oo xornimadyada wada mooyaane in aynaan wada hadlin, ma suurtoobayso Soomaali ayaa laysu keenayaa kumana arkaayo, maaha Somaliland mid indhaha laga qarin karo.” Caynaba Markii uu ka tagay Madaxweyne Biixi magaalada Burco, wuxuu gaadhay Caynabo, waxaanu khudbadiisa qayb ka mid ah kaga hadlayaa Soomaaliya, waxaanu yidhi “Cidda aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika, waa dawlada uu hogaaminaayo Farmaajo, waxaan leeyahay waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah bal inuu Somaliya mideeyo oo Xamar ay dooratay oo ay u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dababaal degeen oo la yidhi maskax cusub oo horumar ah ayuu la imanayaa, waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Masiibada Somaliya maanta u taagani waa dawladaas Farmaajo ee Xamar taala ee Xamar iyo Somaliyana isku gubtay Somalilandna u soo hanqaltaagaysa.” Laasacaanood Imika, wuxuu Madaxweynuhu marayaa magaalada Lascanod, waxaanu soo hadal qaaday Soomaaliya, waxaanu yidhi “Walaaladeen Soomaaliya dhamaantood waxaynu u rajaynaynaa khayr, waxaynu u taagaynaa gacan nabadgalyo oo aynu nabad ku wada noolaano, Somaliland cidna colaad uma wado dagaalo baryo hore dhacay waa in laga gudbaa oo loo gudbaa horumar iskaashi iyo walaaltinimo iyo is aamin.” Tukaraq Madaxweynuhu wuu ka tagay magaalada Lascanod, waxaanu gaadhay deegaanka Tukoraq oo ay ciidamada qaranku fadhiyaan, waxaanu isagoo la hadlaya Soomaaliya, si gaar ah ayuu ula hadlayaa maamulka Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u khudbadaynaya ciidamada qaranka oo wuxuu yidhi “Walaalaha aanu iska soo horjeedno ee Puntland weerar kuma nihin ma necbin,waanu nabad galinaynaa iyagana intaas in leeg ayaanu ka rabnaa iyagana in alle garansiiyo ayaan ka rajaynayaa waayo wax hadal lagu dhamayn karo oo geed hoostii lagu dhamayn karo waa khaladan yahay ninka weerar ku galayaa.” Madaxweynuhu Wuu ka tagay Tukoraq, wuxuu gaadhay deegaanka Ceel-afweyn oo uu khudbadiisa culayskeeda ku saaray nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha deegaankaas wada degga oo ay dagaalo dhex mareen dhawr goor. Ceerigaabo Wuxuu Madaxweyne Biixi tagay Ceerigaabo, waxaanu yidhi isagoo Soomaaliya la hadlaya “Somaliland mid bay dood ka qabtaa oo aanay aqbalayn waxa weeye gurigaygii oo gubanaaya iigu kaalay oo ila gubo, haddii kale aan kaaga kula gubo oo iga tagi maysid oo dabkaad ila galaysaa oo waan ku jiidanayaa, waar dee caqli maaha.” Hargeysa 14 maalmood ka dib shalay ayuu Madaxweynuhu ku soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu khudbad uu u jeediyay shacabka soo dhaweeyay kaga hadlay isla Soomaaliya iyo dawladooda, waxaanu khudbadiisa oo laga yaabo inuu ku soo gunaanadayay eedaha uu dawladda Soomaaliya u jeedinayay mudadaas 14ka maalmood ah uu Madaxweynuhu ku yidhi “Qolada Xamar ku shirtay waxaan leeyahay soddon sanadood oo halgan iyo dagaal ah muran ahaa, toban sano oo halgan hubaysan ahaa 27 sanadood oo ay Somaliland xor ahayd ninka maanta leh waxaan u shirayaa inaan soo celiyo oo aan soo mideeyaa caqli malaha, garasho malaha, madaxweynaheedu waa uu hadlay oo waxa uu yidhi kolba ninka Somaliya neceb cadawgeeda u taga oo hub qaata, aad iyo aad ayaan ula yaabay caqligaabnida ninkaas dhan ee madaxweynaha ah, waxa uu ka firkirayaa wadadii uu Maxamed Siyaad Bare ka firkiraayay 1988 kii.” Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay dib u dhaca ka yimid Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha ka sugayaan Warqadii muddo kordhinta. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ku taliyey in laga dheerado wax kasta oo khilaaf iyo muran keenaya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Komishanka Doorashooyinku wey sheegeen in aanay Doorashooyinkii qorsheysanaa sannadka dambe inay dhacaan in aanay ku dhici karin muddada loo cayimay, sababahana aanay Doorashooyinku u dhici karina wey sheegeen, mar haddii ay Doorashooyinka dib u dhacayaana, Golaha Guuritda ayaa iska leh inay muddo kordhin sameeyso, Madaxweynaha ayaana hadda ka sugaynaa inuu noo soo gudbiyo warqadii ku saabsanayd arintan, markaas ayaana eegi doona, insha alaah, marka aanu isla eegno, Gole ahaan ayaanu ka mari doonaa waajibkayga Dastuuriga ah”. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed mar uu ka hadlaayey khilaafyada Xisbiyada ayaa yidhi “Somaliland inta badan waxay caan ku tahay, xalinta khilaafadka hadba soo kordha, iyo isku tanaasulka,carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, waxna waa la isku qabtaa, waana laga heshiiyo, waana la isla xaliyaa, ee balse aynu ka ilbaxno khilaafaadka siyaasiga ah ee soo noq-noqda ee ku saabsan Doorashooyinka, sababtoo ah mar walba oo la gaadho wakhtiga Doorashada, waa la is qabsada, khilaafaad baana yimaada, ee inta aan Doorashada la gaadhinba, wax walba oo ku xidhan, oo khilaaf iyo muran abuuri kara, ha la sii xaliyo, I jiid aan ku jiidana faa’iido ma keenayso, ee Xisbiyadu ha heshiiyaan, oo xal deg deg ah ha gaadhan” Source