-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob ayaa waxa uu soo bandhigay arrimo fadeexad ku ah dawladnimada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku kacay intii ku guda jiray safarkiisii uu ku marayay gobolada bariga Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-031218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe[Puntland Post]-Musharax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, iyada oo ay soo dhaweeyeen boqolaal kamid ah shacabka magaalada Garowe waxaana looga hortagay musharrax Deni meel 20 KM dhanka Barriga ka xigta magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku muujiyeen Shacabka dareenkooda ay ku doonayaan rabitaanka dawladnimo aan laheyn musuqmaasuq iyo wax isdaba marin. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo dadweynaha kala hadlay barxadda ay caanka ku tahay caasimadda Puntlad, ayaa shacabka u balan qaaday Isbedelka ay doonayaan… “Garoowe waxay ku astaysan tahay Taariikhda casriga ah ee Soomaaliya taariikh wanaagsan oo marna aan go’i doonin, waxaa laga doonayaa shacabka Reer Garoowe iyo shacabka reer Puntland inay ilaaliyaan taariikhdaas quruxda badan iyo dowladnimadaas ayna dhidibada u aasaan kana ilaaliyaan turxaan kasta oo ku dhici karta”… Mudane Denni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay ku fashilantay in ay dalkaan gaarsiiso wax badan oo horumar ah, gaar ahaana wixii ay balan qaaday, 20 sanno ka dibna Puntland muran ay galiyeen xaduudaheedii Dastuuriga ahaa oo ay kala dhantaaleen midnimadii Dalka….”Waxaa nasiib darro ah shantii sano ee lasoo dhaafay, dowladda Madaxweyne Gaas in uusan ku guuleysan in uu horumariyo maamulkii dowladnimo, waxaan ognahay Wasaaradihii oo dhan inay xiran yihiin, waxaan la soconnaa shaqooyinkii Wasaaradaha oo dhan in Madaxtooyada la hoos geeyay, waxaan ognahay mashruucii soo baxaba in meel gaar ah loo leexiyo, waxaa kor u kacay Musuqmaasuqii, waxaa la hunguriyeeyay midnimadii Puntland, waxaa lagu soo xadgudbay xuduuddii dalka, waxaas oo dhan waxaa saldhig u ah hoggaanka maanta jooga oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo”…….. Musharaxa Siciid Deni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay is hor istaag ku sameysay Mashruuc ku kacayay 23 Malyan oo lacagta Midowga Yurub ah, taas oo wax looga qaban lahaa helitaanka biyo macaan, xiligii uu ahaa Wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya. Musharraxu wuxuu ka hadlay maqnaanshaha iyo kala dhantaalida maanta dul-hoganaysa Puntlandtii la wada dhistay 20 sanno ka hor, wuxuuna cadeeyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu yahay ninka bixiyey deegaanka Tukaraq oo u dambeysay….”Waxaan aad iyo aad uga xumahay in gobolka Sool gacanta Puntland ka maqan yahay, waa ceeb, Madaxweyne Gaas wuxuu yiri “Laascaano Faataxo laguma qabsan” laakiin Innaa Acdaynaa buu ku bixiyay Tukaraq saxna ma’ahan in loo hibeeyo annagoo leh awooddaas ciidan iyo awooddaas dhaqaale”…… Musharraxa ayaa ka hadlay hannaanka Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland ahayd cidda dhistay dawladda Faderaalka ee hadda jirta, isla markaasna ay ku bixisay Maal, waqti iyo dadaal nooc kasta oo uu yahay, Madaxda hadda joogtaana ay ka been sheegayaan xaqiiqada rasmiga ah ee wada hadalada ay la leeyihiin maamulka dawladda Faderaalka. Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Garoowe, isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Siciid Deni oo Garowe lagu soo dhaweeyay maanta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laga soo billaabo sanadkii 2014, dekedda Muqdisho waxaa ka taagan muran iyo is faham xumo u dhexeysa dhinacyada kala ah Wasaaradda gaadiidka, Dekdedda, ganacsatada wax ka dhoofisata kana soo degsata dekadda iyo gaadiidleyda suuqyada u daabusha Badeecadada kasoo degta Dekedda Xamar. Sababta ugu weyn ee keentay murankan iyo wadashaqeyn xumida waxa ay ahayd markii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kala dirtay ama ay baabi’isay Iskaashatii dekedda Muqdisho iyada oo lagu eedeeyey in Iskaashatadu ay muddo dheer ka shaqeyneysay dekedda, sidaas awgeedna ay tahay in la sameeyo shirkado gaar loo leeyahay oo qabta shaqada maamulka gaadiidka dekedda kashaqeynaya dekedda ee daabulaya qalabka iyo badeecadada kala duwan ee ka soo degta ama ka dhoofta dekedda, balse sameyntii shirkadihaas lama marsiin nidaamka tartanka furan, taas beddelkeedana waxaa sameynta shirkadahaas kawada shaqeeyey wasaaradda gaadiidka iyo shirkado ganacsi kuwaas oo 4 shirkadood markii koowaad si aan tartan iyo nidaam ahayn kusiiyey howsha gaadiid gelinta dekedda Muqdisho. Kaddib 2016 markii ay xilka timid xukuumadda Nabad & Nolol waxa ay wasaaradda gaadiidku iskudayday in ay wax kabeddesho qaabdhismeedka shirkadaha gaadiidka geliya dekedda, balse waxa ay wasaaraddu qaadday tallaabo uga sii dartay xaalka oo ay sababtay muran iyo khilaaf hor leh. Shirkadaha gaadiidka gelinaya dekedda ayay wasaaradda gaadiidku gaarsiisay 60 shirkadood oo mid walba ay adeegsanaysay dhaqaale si loogu daro Liiska shirkadaha, hayeeshee taasi waxa ay uga sii dartay xaalka, mar dambe ayay wasaaradda ku laabatay dib u habeynta shirkadaha, waxa ayna soosartay 6 shirkadood oo keli ah kuwaas oo aan tartan ku iman qandaraaska. Xilligii iskashadata gaadiidku waxa uu dekedda ku geli jiray lacag u dhexeysa Shsom 100.000 oo u dhiganta $4-7, balse waxa ay gaartay Shsom 3,300.000 (Saddex milyan iyo sadex boqol oo kun oo u dhiganta $150, waxa jirta lacag ay ogtahay xukuumadda Soomaaliya in laga qaado gaadiidka gelaya dekedda Muqdisoho oo gaareysa $70.00, taas oo lagu sheegay in loogu talagalay dhismaha Waddooynka, hayeeshee Wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaga gaarka looleeyahay ee maamula gaadiidka gelaya dekedda ayaa qaatay go’aan ah in lacagtaas lagu daro $80, taas oo wadarta lacagta kadhigtay $150. Cali Gacal Gaabow agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dekedda Muqdisho iyo Wasaaradda gaadiidku aysan ahayn gaadiidley balse ay yihiin Dallaal gaadiid oo doonaya in ay sidaas kushaqeystaan. Balse Dadka uu agaasimuhu ku sheegay dallaalka waxa ay dhankooda sheegayaan in gaadiidkooda lagu horayo bannaanka dekedda maaddaama aanay bixin karin lacagta laga doonayo si ay uga xamaashaan dekedda Muqdisho, taas beddelkeediina ay doorteen in ay cabasho u gudbiyaan hay’adaha kale ee dowladda, waxa ay agaasimaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ku eedeeyee in uu ku milmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee kashaqeeya gaadiidka dekedda Muqdisho. Madax katirsan shirkadaha ayaa sheegay in sababta lacagtaas loo qaado ay tahay in shirkaduhu u baahan yihiin dhaqaale ay ku shaqeeyaan oo ay kuwadaan howlahooda. Shiradaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeysta gelinta gaadiidka dekedda Muqdisho ayaa haysta awoodda ogolaanshaha iyo diidmada gaadiidka gelaya dekedda si uu uga qaybqaato daabulidda badeecada, shirkadahan ayaa awoodaas u adeegsada si keli ah oo aan cid kale kulugyeelan karin sidaas awgeed waxa ay xiriir iyo saaxiibtimo ku dhisan dhaqaale la yeesheen dhammaan madaxda iyo hay’adaha saameyn iyo go’aan ku yeelan kara wax ka beddelidda habkooda shaqada sida wasaaradda gaadiidka, maamulka dekedda Muqdisho, hay’adaha nabadgelyada iyo xitaa ganacsatada qaarkood. Waxa ay shirkadahani kusoo rogeen gaadiidleyda dekedda ka daabusha badeecada iyo qalabkaba xeerar adag oo ay sameysteen, sida in gaadiidkii raba in uu galo dekedda in uu bixiyo dabaaji lacageed oo u dhexeeya $1,000-$2,000 oo Dollar, sidaas oo kale waxa ay gaari kasta kaqaadaan maalinkii marka uu gelayo dekedda lacag kaladuwan oo u dhexeysa $140-165, taas oo ay shirkad walba oo kamid ah shirkadahan ay si iskeed ah uga qaaddo gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho, arrinta cajiibka ah ayaa ah in gaadiidka ay kaqaadaan lacagta u dhexeysa $140-$165 ay xaashida lacag qabashada (Receipt) ugu qoraan oo keli ah $10 (toban Dollar), Warqadahaas lacag qabashadu waa kuwo ay iyagu sameysteen oo aan marin xisaabta dowladda. Magacyada shirkadaha iyo lacagta ay ka qaadaan gaadiidka dekedda Muqdisho 6da Shirkadood ee gaadiidka gelisa dekedda Muqdisho waxa ay qaadaan lacag kala duwan oo aan isla ekeyn, waxaana lacagtaas lagu diraa taleefoonka gacanta, taas oo lagayaabo in ay tahay maamul xumo kale oo maaliyadeed. Sida loo wadaago lacagta Marka laga reebo lacagta waddooyinka loo qoondeeyey oo ay qudheeda ganacsatadu ku muransan yihiin ayna suuragal tahay in bixinteedu istaagto ayaa haddana lacagta dheeriga ah ee ay wasaaradda gaadiidka iyo shirakduhu kudareen gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho waxa jira hab lo wadaago oo si maalinle ah loogu qaybsado lacagtaas, madax katirsan Shirkdaha qaarkood ayaa sheegay saxnaanta habkan. Sida loo wadaago Gaadiidka 6da Shirkadood ee kashaqeeya gaadiid gelinta dekedda Muqdisho ayaa qaybsaday ama wadaaga oo keensada gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho sidaas awgeed gaadiid kale ee aan xiriir iyo saaxiibtinimo lalahayn shirkadaha ama aan iska bixin karin lacagta lagu gelayo dekedda ma shaqeynsan karo, taasina waa sababta ay gaadiidleyda qaarkood uga cabanayaan muddo dheer Wasaarada gaadiidka, Maamulka dekedda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula gaadiidka geleya dekedda Muqdisho. Radio Mustaqbal
-
Tacsi Tiiranyo Leh Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajacuun Geeridu waa Xaq!!!!. Maamulka,Saaxiibada & Dhamaan Bahda Qarannews waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada,Xasabada Qaraabada & Saaxiibada Qoyska Reer Xaaji Cumar,Khaas ahaan Muqtaar Garaad Xaaji Cumar & Walaaladii oo Aabood Garaad Xaaji Cumar xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeisa,Saakana lagu aasay Xabaalaha Baqiic. Waxaanu leenahay Alla ha u raxmado Marxuum Garaad,Qabrigana ha u waasiciyo,Reer Garaad oo dhana Samir & Iiman Saadiqa haka siiyo. Mar labaad Waxaan Alle ugu baryaynaa inuu Janatul-Firdoows ka waraabiyo,Ehelka & Qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir & imaan ka siiyo. Aamiin Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka kooban siddeed xubnood oo dhamaantood rag ah. Magacyadda Guddiga 1- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre (Guddoomiye) 2- Maxamed Cabdikariin Maxamuud 3- Burhaan Maxamuud Cilmi 4- Caydaruus Axmed Faarax 5- Axmed Cali Cabdullaahi 6- Maxamed Abshir Garaad Maxamed 7- Xaaji Xuseen Cali Xasan 8- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan (Xoghayn) Xeerkan ayaa la sheegay in loo cuskadey xeerarkii horay loogu magacaaabi jiray Guddigan, sidoo kale laguma xusin in wax talo ah la weydiiyey musharixiinta Puntland iyo cid kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
( Qeybti labaad ):Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviey Union ? Rushku iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan Bashe Cabdi Gabobe Haddaba markey bannaan baxyadi iyo qalalaasihi joogsan waayen aya 16 october, 2016 dalka lagu soo rogey xaalad deg dega, taaso sababtey in isgaadhsiinta, internetka, kulamada dadka iyo warbaahinta aad loo kontroolo dad badan na xabsiga loo taxaabo. Hasa yeeshey, kacdoonki shacbiga labada qawmiyadood Oromo iyo Amxaaro marna mu joogsan, waxaaney geyeysiisey dalka khasaare nafeed, dhaqaale, ammaan darro iyo sumcad xumo. Waxaana cambaareeyey xadgudubyada bani’aadamnimo dawladaha reer galbeed iyo hay’adaha ququuq al iinsaan ee adduunka. Haddaba markey xaaladdu halkaas mareyso ayey ka fursan weydey innu prime minister Haile Desalegn ku dhawaaqo 21 feb, 2018 innu iska casiley prime ministernimadi iyo guddoominimadi xisbiga isago qirey in loo bahan yahey hoggaan cusub oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira, ilaa inta xisbigu cid u dooranayana u sii heyn doono labada xil. Waxaana loo doortey mudane Abyi Ahmed, prime minister iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF 2 April, 2018. Mudane Abi Axmed wuxu markiba ku talaabsadey isbedel balaadhan oo xawli ku socda oo saameyn weyn ku yeeshey Ethoipia Iyo geeska Afrika muddada gaban ee ka soo wareegtey marki xukunka dawladda Ethiopia loo caleemo saarey April 2018. Wuxu la heshiyey Eriteria isago 5 June, 2018 aqbaley go’aanki ka soo baxey shirki nabadeynta Algiers ee xabad joojinta (Algiers Peace Accord ) iyo go’aanki 2002 ay diidaneyd Ethiopia ee ay soo saartey guddida xadeynta xuduudaha Ethiopia iyo Eriteria ( Ethiopia Eriteria Boundary Commission ) ee Jamciyadda quruumaha u xil saartey oo go’aamisey in mandaqadda BADME iyo dhawr goobood oo kale ay ledahey dawladda Eriteria, Ethiopiana ay waajib ku tahey iney ciidamadeeda iyo maamulkeeda ba kala baxdo. ( Xigasho, Abraham T Zere, Aljazeera ). Wuxu soo celiyey xidhiidhki diblumaasi, ganacsi iyo isu socodka ( dhul iyo cir ) labada shacab ee kala xidhna labaatanka sanadood ( 1998—2018 ) iwm. Wuxu cafis u fidiyey kumanaan maxaabis ah oo fikirkooda u xidhna iyo jabhado iyo ururo siyaasi ah oo maamulki hore ku tilmaamy argagixiso sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 Wuxu isbedel balaadhan ku sameeyey hay’adihi amniga, garsoorka, ciidamada iyo madaxdi goboladda oo qaar kood xabsiga loo taxaabey iyago lagu eedeyey xadgudubyo xuquuda bani’aadamnimo. Wuxu dhisey dawlad kooban ( labaatan wasiir, toban dumar iyo toban rag ah ). Waxaanu wasaarado muhim ah siiyey qowmiyadaha aan ku jirin EPRDF sida Somalida oo u siiyey maaliyadda iyo Cafarta oo u siiyey gaashaandhiga. Wuxu ka dhex bilaabey dib u heshisiin dawladdaha geeska afrika ee colaaduhu u dhexeyeen sida Somalia iyo Eritrea , Djibouti iyo Eritrea iwm… Wuxu hoos u dhigey colaaddi wabiga Nile ka ee u dhexeysey Ethiopia Masar Sudan ( waxa hakad galey mashruci weyna ee Daamka ( Grand Ethiopia Renaissance Dam ) Wuxu xoojiyey xidhiidhki ka dhexey Ethiopia iyo Marykanka- Europe iyo Carabta khaliijka ee hodanka ku ah shidaalka, dawladahaaso la tuhusan yahey iney ka dambeyaan siyaasadihisan cusub oo ka mid noqonaysa ka hortagga is balaadhinta dhaaqle iyo military ee China taaso ka duwan siyaasaddi hore ee isku dheeli tiraaysey reer galbeedka iyo xooggaga cusub ee dhaqaale sida India, Turkiga, South Afrika ( guud Afrika ), Brazil, China iyo iwm Haddaba waxeynu qireyna innu mudane raisal wasaare Abiy Ahmed ilaa hadda ay si habsami ah u socdaan talaabooyinka u qaadey ee kor ku xusan laakin imtixaan ka weyni wuxu imanaya marka axsaabta la furo oo doorashooyinka loo diyaar garoobaayo. Waayo, waxeynu wada oggsoonahey in Ethiopia aaney hore uga dhicin doorashooyin dimoqraadi ah oo xor oo xalaal ah, waayo arag la’aantaso warwarkeeda leh madaama shcabka Ethiopia u qeybsan yahey qawmiyado khilaaf ba’aan oo xuduudeed iyo xurgufo siyaasadeed oo gaamurtey ka dhexeeyaan. Qawmiyadaha laftoodu waxey u qebsan yihiin qabaa’il dhexdooda iska soo horjeeda iyo mandaqado dano kala duwan leh.Taaso u dheer tahey waayo arag la’aanta xukuumadda, jabhadaha muddo dheer halgan hubaysan ku jire oo tacadiyo ka tirsanaya guud ahaan EPRDF gaar ahaan hayadaha amniga ee u saraakisheeda sare ka mid aha Ahmed Abiy. Waxa xusid mudan in Axmed Abiy u ururka OLF kala kulmi doono tartan adag qawmiyadda Oromia dhexdeeda ee u ka soo jeedo madaama shacabka Oromia ay taageera xoog leh u hayaan ururka OLF iyago qadarinaya halganka dheer ee adag ee naf iyo maal ba u hureen si ay xuquuqda iyo kramada shacabkooda u badbaadiyaan. Waxa marag ma doon u ah taageerada xoogga leh ee ay shacabka Oromia u hayaan madaxda OLF sida xoog leh ee qiraysan ee ay ugu soo baxeen markey ka soo degeen Airporka Addisa baba. Eng Bashe C Gaboobe Email: gaboobe _3@hotmail.com Qaran News
-
Qaran News
-
Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda: Warkan ka soo yeedhay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee DDS ayaa dad badan fajac ku riday, waxase xaqiiqadu tahay waa war aanu ka fiirsan oo iska soo tuur ah. Waxaya hore u aragnay madaxweynihii isagaka horeeyey ee Ilay oo isticmaalaya hayadaha nabad gelyad oo dad u dhashy kililka shanaad o ku siugnaa xilligaa deegaananad uu madaxweynaha hadduu ku tiraabay in laga soo weerayo marba mid uu isagu garanayo odhan jiray dembibuu iga galaye ii oo dhiiba loona dhiibi jiray si loo ilalliyo nabad gelyada iyo wad shaqaynta. Kan hadda meesha yimi isna wadadii kii hruu hayaa waxan uu soo wadaana waa hebel iyo hebel ii soo dhiiba. Kani waa layli syaasadeed oo arrintii heer madaxweyne ayuu kaga bilaabay saxaafadana waa la soo fadhiistay, halka Ilay uu soo mari jiray haydaha nabad gelyada. Horaa loo yidhi siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh laakiin dano joogta ah ayay leedahaye, ninkani hadda isagaa kursiga ku fadhiya ee saddexda maamul ee uu magcaabayba waxan u soo jeedinyaa inay u dhiibaan dadkan uu ka baqanayo inay soo weeraraan, isagaana garnaya kuwa ay yihiin oo sheegi doona. Dad badan ayaa sheega in ninkani Somaliland oonu weligii arag waxna u gelin ku khafiiifay, haddana Jubbland iyo Puntland buu ku soo daray. Waa nin ay muuqato inaan fahamsanayn masuuliyadda ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa oo meelo kale oon lagaba aqoon isooga hanqal taagaya. Xilligii Ilay, kooxahaaa uu ugaadhsan jiray Ilray kuwa taageersani waxay odhan jireen Axmaraa baa loo dhiibay, inagoo og in Axmaaro warkeeda uu ugu dambeeyey xilligii Mangiste. Haddana kuwan uu Cgajar doonyao marka la dhiibo taageeryaashoodu waxy odhan doonaan Axmaaraa loo dhiibay. Taasi waxay ina tusaysaa inay Axmaar u yaqaanaan marba ka kursiga ku fadhiya. Abokor Baaruud Baruda2006@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirarkii Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golahaasi, kadib warbixin muran dhalisay oo ku saabsan miisaaniyada 2018. Guddoonka Baarlamaanka ayaan isku raacsaneyn qaabka loo kala diray Guddiga Maaliyadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo Sabtidii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu ku adkeystay in arrinta Guddiga Maaliyadda lagu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan. Waxaa horumar laga gaari waayey kulamo xiriir ah oo u socday madaxda dowladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo dhinaca kale Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa ay isla fahmi waayeen qaabka wajahayo khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda. Dhinaca kale waxaa Guddoonka Baarlamaanka horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxaan laga cabsi qabaa inay dhibaato noqoto heshiis ay saddexda nin ee guddoonka ah ka gaaraan arrimaha hor yaalla. Xarunta Guddoomiye Mursal ayaa noqotay mid mashquul badan, kadib markii ay halkaasi iska xaadiriyeen xildhibaannada mucaaradk ah oo olole ugu jira inay guddoomiyaha Baarlamaanka dhinacooda u soo jiidaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdishi Caasimad@live.com
-
Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan. Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn. Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa. Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal. Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa. Goobjoog News, Xogtan waxaa ay u gaar tahay Goobjoog News, lama qaadan karo xigasho la’aan Si, Akhri Goobjoog News Iyo Qormooyin La Xiriira Shidaalka: Ka Hor Shirka London, Wax Ka Ogow Soma Oil and Gas iyo Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya Wax Ka Ogow, Habraaca Ay Soomaaliya Ku soo Saari Karto Shidaal Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Banaadir ayaa 25-November dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho City Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay wax qabad wanaagsan kusoo bandhigtay tartamadda kubbadda cagta gudaha,Jaamacada carabta,Bariga iyo Bartamaha. “Dib usoo nooleenta kooxda Dowlada Hoose ee Muqdisho waxa ay qaadtay mudo afar sano ah waxayna soo wada martay gudoomiyaasha kala duwanaa ee soo maray xafiiska Gobolka Banaadir waan u mahad celinaynaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay dib usoo celinta kooxda dowlada hoose ee Muqdisho”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha u sheegay la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar). Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda caasimada oo marar badan codsaday soo celinta magacii taariikhiga ahaa ee Muqdishio City Club ayaa u mahad celiyay shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geestay arintan,iyagoo dhinaca kale balan qaaday in ay diyaar u yihiin talo iyo horomar ku aadan kooxdoodii ay usoo ciyaareyn. “Waxaa jiro heshiiyo ay horay u galeyn kooxda dowlada hoose ee Muqdisho iyo naadiga Ac-Milan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubbadda cagta dalka Taliyaaniga waxaan gacanta ku hayaan heshiiyo badan oo horay u dhaxmaray labada dhinac iminka waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino dhamaan kaalintii ay kooxda caasimada ay ku laheyd caalamka iyo dalalka dariska ah ee Afrika”waxaa sidaas Goojoog uga waramaya Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir. Naadiga dowlada hoose ee Muqdishio waxa ay ku guulaystay 3-jeer oo horyalka kubbadda cagta iyo 3-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse,halka intii u dhaxaysay 1986-1987 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta,iyagoo kaalin wanaagsan kasoo hooyay ciyaarihii ay ka qeyb galeyn. “Fursada ugu weyn ay haystaan xidigaha iyo macalimiinta iminka ku dheelya magaca dowlada hoose ee Muqdisho ayaa ah in ay helaan xaquuq rasmi maadaama Gobolka Banaadir dhaqaalo soo galo lagu maamulo dhamaan gobolada dalka tani waaa guul iyo horomar ku aadan horomarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir” waxaa Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah layliyaha kooxda kolayga ee Muqdisho. Horaanta sanadka cusub ee 2019 ayaa laga yaabaa in kooxda dowlada Hoose ee Muqdisho ay la ciyaarto kooxda Dekedda Somali Supper Cup madaama kooxdii hore ee Banaadir SC ayaa hanatay koobka Jeneraal Daa’uud,halka wiilasha Dekedda ay iyagana labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay ku guulaysteyn horyaalka Somali Premier Legaue waana tijaabada uga horeesaya ee laga sugayo kooxda dowlada hoose ee Muqdisho. Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Dib Usoo Celinta Kooxda Dowlada Hoose Ee Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dalka Qatar ayaa maanta oo isniin ah sheegay iney isaga baxayaan ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPEC, maalmo kadib kulan dhex maray shirkadda iyo xulafadeeda. Isaga oo shir jaraa’id ka hadlayey wasiirka tamarka Qatar Sacad al-Kaabi ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doonno OPEC January 1, 2019, taasi oo soo afjareysa urur ay xubin ka ahaayeen nus qarni. Sababta waxaa ay Qatar ku sheegtay si ay u wanaajiso kaalinteeda iyo istaraatiijijad ku saabsan dib u habeyn oo muddo dheer ah. Qatar inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu yar xagga wax soo saarka shidaalka marka la barbardhigo Sacuudiga, waxaa ay kaalinta 1aad uga jirtaa wax soo saarka gaaska dabiiciga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka. Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn. Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:- Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay . Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin. Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan. Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
-
Wararka laga helayo degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha degmadaas dabley hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda ee ka howlgala degmadaasi sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsn Maamuka degmada. Cabdi Qani Axmed Faarax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayey Xaley goor dambe waxaa toogasho ku diley Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado,iyagoona dilka ka dib halkaasi ka Qaatey Qori Ak47 oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi. Dableydii dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta isaga baxsadey,waxaana maanta Baladxaawo ka soconayaan baaritaanno ay sameynayaan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Reports from Jowhar indicate that the fighting took place at the outskirts of the town, which is the regional capital of Middle Shabelle. The tension which is brewing between two tribal militias who fought in the area in the past few days forced many families to flee their houses and seek shelters nearby villages. Meanwhile, Somali military forces were reported to have left for the battle zones to de-escalate the tension and prevent the continuation of the war in Mandheere and Kongo. Abdullahi Mohamed, one of the Somali military commanders in the region, told Radio Shabelle that the two sides welcomed the peace efforts by the Somali government. The post Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle appeared first on Shabelle. View the full article