-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Barlamanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta qado-sharafeed xarunta Dalxiiska ee Hidda Raac Garowe ugu sameeyay Wafdi uu hogaaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil. Wafdigan ayaa dhawaan soo gaaray caasimadda Garowe iyagoo kasoo kicitimey magaalada Boosaaso, waxaana ujeedkoodu ahaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha doorashada Puntland. Senator Maxamuud Mashruuc ayaa Qado kadib u mahadceliyay wafdiga isagoo tilmaamay in Duubka dhaqanku qayb muhiim ah kaga jiraan jiritaanka Puntland. “Marka hore waan idiin ka mahadcelinayaa sida sharafta iyo qadarinta leh ee aad uga soo qaybgasheen munaasabaddan kooban oo aan ku sharfaynay hogaankeena Dhaqanka oo runtii Safar kusoo gaaray caasimadda Puntland ee Garowe, “ ayuu yiri Senator Mashruuc. Wuxuu tilmaamay inay lagama maarmaan tahay doorka hogaanka dhaqanka, isagoo xusay in Beeldaajuhu matalayo bulsho door muhiim ah kasoo qaatay aas-aaska Puntland. Mashruuc ayaa sidoo kale Beeldaajaha uga mahadceliyay kaalintii uu ku lahaa Gogoshii nabadeynta Qardho iyo middii lagu dhex-dhexaadinayay Beelihii ku dagaallamey deegaanka Dhumey ee gobolka Sool. Dhinaca kale Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ayaa Senatorka uga mahadceliyay soo dhaweynta iyo qado-sharafta uu u sameeyay, wuxuuna ALLE uga baryay guud ahaan shacabka Puntland in si guul ah uu dhammeeyo xaaladda kala guur ah ee lagu jiro. Beeldaajaha ayaa safarkiisa Garowe ka hor ka yimid magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo door muhiim ah kasoo qaatay nabadayntii la dhex-dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaallamay deegaanka Dhumey ee gobolka Sool. Sidoo kale Beeldaajaha ayaa haatan u jooga Garowe arrimaha Doorashada la filayo inay dhacdo 8 Janaayo ee sannadka 2019. PUNTLAND POST The post Senator Maxamud Mashruuc oo Qado Sharaf u sameeyay Wafdi uu hogaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha shan ka mid ah dalalka caalamka, ayaa daneynaya inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha howl-gallada iyo xiriirka caalamiga ee garoonka Aadan Cadde, Saciid Celiye. Saciid ayaa sheegay in ammaanka duulimaadyada iyo midka guud ee Soomaaliya ay ku dhiir-geliyeen diyaaradaha caalamiga ah inay duulimaadyo toos ah ka billaabaan Muqdisho. Waxa uu sheegay in Qatar Airways iyo diyaarado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Uganada ay muujiyeen inay danaynayaan inay duulimaad toos ah ka billaabaan Muqdisho. Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa iminka duulimaad toos ah ku taga Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways. Saciid ayaa arrintan shaaciyey kadib markii Kenya Airways ay shalay billowday duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho. Kenya Airways waa diyaaraddii saddexaad oo caalami ah oo Muqdisho duulimaad ku tagta, kadib Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirkii wasaaadda Arrimaha gudaha dowladda Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi(Tima-cadde) ayaa magaalada Garoowe kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland doorashada madaxtinimada ee qorshaysan in ay dhacdo 8-da Jennaayo 2019. Mudane Tima-cadde ayaa subaxnimadii hore ee saaka iska’ casilay xilkii wasiirnimo,waxaana uu isla duhunimadii maanta ku dhawaaqay murashaxnimadiisa,isagoo soo bandhigay qorshihiisa waxqabad haddii loo doorto madaxweyne ku xigeenka Puntland. Hadal kooban oo uu warbaahinta ku siiyay munaasabadda uu kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa, ayuu ku sheegay in uu ka shaqeyn doono;midnimada,wadajirka,difaaca iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland,islamarkaana uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalaha,caafimaadka iyo waxbarashada. PUNTLAND POST The post Tima-cadde oo ku dhawaaqay inuu u sharraxanyahay madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
-
Muwaaddin Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 20 jir kaasoo qorsheynayey inuu weerarro argagixiso ka fuliyo kaniisado ku yaal dalka Talyaaniga ayaa lagu xiray gobolka Bari. Qarax ayaa la doonayey in lagu fuliyo kaniisado iyadoo qarax weyn lala damacsanaa in lagu weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro ee magaalada Rome iyadoo qorshuhu ahaa in maalmaha Kirishmaska la qaado weerarradaas. Caddeymo la helay oo lagu ogaaday qorshaha ninkaan ayaa keentay in si degdeg ah loo xiro Mohsin Ibrahim omar oo loo yaqaan Anas Khalil. Xarigga 20 jirkaan Soomaaliga ah ee lagu xiray xabsi ku yaal gobolka Bari maalmihii ugu dambeeyey markii lagu helay dambiyo ah inuu aaminsan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Xaakinka maxkamadda gobolka Bari, Maria Teresa Romita ayaa soo gudbisay caddeymahaan 13kii bishan December. Anas Khalil ayaa hay’adaha ammaanku u arkeen inuu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee Soomaaliya xiriirna la leeyahay mid ka mid ah hawlwadeennada kooxda. Tani waa caddeymaha kasoo baxay Digos oo ah saldhigga Boliiska ee gobolka Bari. Caddeymaha hay’adaha ammaanku heleen waxaa lagu sheegay in ay jiraan weerar aad u xun in lagu soo beegi rabo maalmaha ciidda Kirismaska iyadoo la weerarayo kaniisado iyo meelo ay u badan yihiin dadka Kirishtaanka ah. Baareyaasha gacanta ku haysa muwaaddinkaan Soomaaliga ah ayaa sheegay iney baaritaan ku sameeyeen taleefankiisa iyagoo helay qalab badan oo laga shakisan yahay oo uu haystay 20 jirkaan waxayna intaas ku dareen in la helay sawirro carunta Vaticanka oo uu labaatan jirkaan kasoo dejiyey Internetka. “Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay 11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari. Subaxnimadii sabtida iyadoo uu la socdo qof difaacaya iyo turjubaan ayaa ninkan la tuhunsan yahay su’aalo lagu weydiiyey xabsiga ka horbaaritaanka xaakinka. Wuxuu ka jawaabayey su’aalaha illaa laba saacadood iyadoo xaakinka gobolka Bari ee isku-duwaha ka ah baaritaannada Giuseppe Maralfa, uu sii xoojiyey aadeymaha la xiriira argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Dec. 18 (Xinhua) — Improvement in aviation safety and general security situation in Somalia has prompted foreign airlines to launch flights to Mogadishu, an airport official said on Tuesday. Said Eliye, director of operations and international relations at the Mogadishu international airport, said with the rising confidence in the country’s security, more international airlines were in talks to launch flights to Mogadishu in the coming years. “We are always striving to have a safe airport as well as good service and safety. With support from AMISOM, the security has improved quite a lot,” Eliye said in a statement issued by the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM). His remarks came after Kenya Airways launched its direct flights from Nairobi to Mogadishu on Tuesday. The Kenyan carrier is the third international airline to fly the Nairobi-Mogadishu route. Turkish Airlines and Ethiopian Airlines are already operating daily flights into Mogadishu, while Qatar Airways recently announced plans to start scheduled flights to Somalia. Eliye said Qatar Airways and commercial carriers from Egypt, the United Arab Emirates, Saudi Arabia and Uganda have expressed interest in operating flights to Somalia. “The airport authority in conjunction with AMISOM have partnered to ensure there is security and safety. That is our number one priority,” he added. Source: XinhuaNet
-
At least 12 Ethiopian citizens have been killed during an army operation at a hotel in the border town of Moyale, according to reports from inside the country. Local sources say the incident took place as federal soldiers were holding talks with ethnic militia groups from the Oromia and Somali regions with regard to handing over security of Moyale. Various news sources and witnesses in the area say that violence continues, days after the initial gunfight that killed at least a dozen citizens. Citizens killed in Moyale gunfight Details about the gunfight and the civilian victims involved are in short supply. However, local reports say the incident took place at the Bekele Molla Hotel in Moyale, along the border with Kenya. Talks were in progress between the federal army, regional security forces and members from two warring factions of the Borana Oromo and Somali Garee, regarding the handing over of security for Moyale. Both the Oromia and Somali regional governments had reportedly agreed to hand over security for the town to the federal army. It remains unclear what triggered the initial gunfight but the sporadic exchange of fire has continued, according to various local sources. Ethnic violence has become the biggest domestic challenge for Prime Minister Aby Ahmed since coming into power in April. Last week, heavy fighting between two ethnic groups killed at least 21 people and injured 61. The increase in ethnic conflicts has forced thousands to flee their homes with many of them crossing the border into Kenya. Source: EastAfrica Monitor
-
Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Xildhibaan Axmed Macalin Nadiir oo ka mid Mudanayaasha Aqalka Sare ee BFS, ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo arrimaha bulshada ee Golahaasi ayaa soo dhaweeyay doorashada, hambalyana u diray Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Senotor Nadiir ayaa xusay in uu bogaadinayo tallaabada ay qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi, kuna doorteen Madaxweyne Lafta Gareen. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha cusub uu yahay mid wax ka bedali kara xaaladda K/ Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Ugu dambeyn Senotor Axmed Macalin Nadiir ayaa ugu baaqay shacabka iyo Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi. C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta noqday Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. The post Senator Nadiir Oo soo dhaweeyay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kampala ( Sh. M. Network )-Michael Kabango oo ahaa taliyihii qeybta shanaad ee Ciidamada Xoogga dalka Ugand ayaa loo soo magacaabay taliyaha cusub Ciidanka Uganda ee ka howlgala gudaha Soomaaliya. Taliye Kabango ayaa bedalaya Paul Lokech oo haatan ah taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya. Afhayeenka Milatariga Uganda Richard Karemire ayaa u xaqiijiiyay Wargeyska Daily Monitor is bedalka lagu sameeyay hoggaanka Ciidanka Uganad ee Soomaaliya. “Mr Kabango ayaa bishan loo magacaabay taliyaha Ciidamada Uganda”. ayuu yiri Afhayeenka Milatariga dlakaasi Richard Karemire. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in uu yahay taliye howlkar ah oo ka soo bixi kara howlaha loo igmaday. Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo u soo dira Soomaaliya, waxaana dalka ka jooga Ciidamo gaaraya 6000 oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Uganda Oo taliye cusub u soo magacawday Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi. Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay munaasibadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho. Wasiir Jamaal Maxamed, ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho. Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31-ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya. Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho. Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Tima Cadde ayaa maanta ku dhawaaqay in iska Casilay xilkaasi. Wasiir Tima Cadde oo shir jaraa’ad ku qabtay Garoowe ayaa shaaciyay is Casilaadiisa, waxaana uu sheegay in uu yahay musharrax u tagaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Dhawaan ayey aheyd markii uu is Casilay Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ahaa Wasiirkii duulista hawada iyo garoomada ee maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-puntland-wa.mp3 The post Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Oo is Casilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Buuggan oo ahaa mid lagu soo bandhigayay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta iyo halka ay hiigsanayso 5 sano ee soo socota ayaa maanta wasaaradda Haweenka Puntland ka daah-furtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Buugga ayaa waxaa soo diyaarisay,islamarkaana qoristiisa iyo isku’ dubbaridkiisa la hayd wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysa hay’adda Safe The Children. Munaasabadda lagu daah-furayay buuggan cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay marwada madaxweynaha dowladda Puntland ,wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka oo ay kamid tahay Safe The Children, iyo marti sharaf kale. Wasiirka Haweenka Mrs Maryan Axmed Cali oo ugu horrayn faahfaahisay buugan cusub ayaa sheegtay in uu ka koobanyahay 8 cutub oo uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta,waxaana ay u mahadcelisay hay’adda Safe The Children oo wasaaradda gacan ka siisay qorista buuggan. Dhinaca kale wasiirka waxbarashada Puntland,Abshir Yuusuf Ciise oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa si mugleh u soo dhoweeyay buuggan lagu diyaariyay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo uu ku tilmaamay mid dhaxal-gal ah. Sarkaal ka socday hay’adda Safe The Children,Cabdullaahi Muuse ayaa sheegay in hay’addiisu mar walba ay dowladda Puntland kala shaqeynayso horumarinta nolosha carruurta,wuxuuna hoosta ka xarriiqay in buuggan mudnaan gaar ah siinayo xaaladda carruurta Puntland ee dhinacyada waxbarashada,kobcinta garaadka iyo daryeelkoodaba. Ugu dambeyntii, marwada madaxweynaha Drs Hodan Siciid Ciise oo u qareenta xuquuqda dadka nugulka ah gaar ahaanna carruurta ayaa wasaaradda Haweenka ku bogaadisay dadaalka ay ugu jirto daryeelka carruurta iyo ka war-haynta xaaladahooda gaarka ah. Sidoo kale marwada ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay buuggan cusub ee uu ku diyaarsanyahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo wax badan ka iftiiminaya xaaladda carruurta heerka noloshooda. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wasaarada Haweenka Puntland oo daah-furtay buugga waxqabadka carruurta appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Faah faaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Bangarafta Soomaaliya oo ku sii jeeday deegaanka Balidoogle ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamadaasi, walow aysan cayimin inta uu la’egyahay. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay warkan ku sheegeen in mid ka mid ahaa Gawaaridii ay wateen Ciidamadaasi uu ka dhacay Kanaal Biyood mara halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolka Shabeeha Hoose. The post Al Shabaab iyo Ciidanka DFS Oo ku dagaalamay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Shabelle ayaa ka horyimid xilka qaadis la sheegay in ay ku sameysay Jubbaland. Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan awood u laheyn xilka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in madaxda maamulkaasi, gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa aysan imaan karin gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo dhawaan Jubbaland ay xilka ka qaaday ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkaasi oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan guddoomiyaha degmada Baardheere uu ka horyimid wareegto xilka looga qaaay oo ka soo baxday madaxda Jubbaland, taas oo keentay khilaaf dhinaca maamulka ah oo weli ka taagan degmadaasi. The post Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Oo ka horyimid xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiir ka tirsanaa Xukumada Farmaajo oo ku guulaystay Madaxweynimada Is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed+Taariikhdiisa Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa u muuqatay mid horey loosii ogaa, waxaana dhacday in la doortay ruuxii loo saadaalinayay. Tartanka maanta oo ay ka qeyb galeen Shan musharax ayaa waxaa codadka ugu badan helay Musharax madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Waxaa uu meesha ka saaray in la qabto wareegyo kale oo doorashada ah, isaga oo helay codadkii laga doonayay codad ka badan. Lafta Gareen ayaa helay in ka badan 100 xildhibaan codadkooda, taasi oo ah ka badan laba meelood saddex meel (2/3), waxaana uu noqonayaa musharaxii ugu horeeyay oo si toos ah ugu soo baxa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aan la qaban wareegyo kale. Musharaxa kusoo xiga ayaa helay inka badan 20 cod waana Aadan Saransoor. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:- 1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. 101 Cod 2-Siid Axmed sheekh Daahir 4 cod 3-Xuseen Cusmaan Xuseen 2 cod 4-Adan Maxamed Nuur Saransoor 22 od 5-Ibrahim Macalin Nuurow. 5 cod Waxaana xumaaday inka badan 10 cod sida guddiga ay sheegeen. Akhri sooyaalka taariikheed ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed. waa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ayuu ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed. Haddabawaa kuma Lafta-gareen. Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970. Wuxuu leeyahay hal xaas iyo saddex carruur ah. Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Xilal badan ayuu dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay. Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda. Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta. Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga. Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-191218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow doortay Madaxweyne cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 Musharrax, iyadoona lagu kala baxay isla wareegii koowaad ee Doorashadaasi C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa ku guuleystay doorashadan, kaas oo helay 101 Cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha cusub oo la dhaariyay doorashada kadib ayaa hoggaamin doona maamulkaasi Afarta sano ee soo socota. The post Lafa Gareen Oo ku guuleystay doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green), Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo dhowr jeer iska casilay jagooyin muhiim ah. Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta. Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda. Maanta waxaa uu ku guuleystay doorasho ay gacan ku siisay dowladda federaalka ah, waxaa kursiga uga horeeyey Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu is-casilo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The lawmakers of Southwest state assembly voted unanimously to elect Abdiaziz Lafta Gareen as new president during an election held on Wednesday in Baidoa city. Lafta Gareen won 103 votes against his closest contender Aden Saransor who garnered 22 votes, according to the electoral commision of Southwest State. Five candidates, including Lafta Garen have contested for the leadership of Southwest state. The election took place amid tight security in the city with troops blocked the roads. The post Southwest State elects former energy minister as new president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga doorashada koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen uu u guuleystay madaxtinnimada koonfur galbeed . Tartanka oo ku soo gabagaboobey wareegga koobaan waxaa loo kala helay : Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen.( 101) Ibraahim Macalin Nuur.(6 ) Aadan Maxamed Nuur Saransoor.( 22 ) Xuseen Xusmaan Xuseen.( 3 ) Am Sayid Axmed Shekh Daahir ( 4 ) halka 13 ay halowday. Tartanka waxaa laga reebay Mukhtaar Roobow, isaga oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com