Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. “Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.” Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Madaxweynaha JFS Oo ka qayb-galay Xuska 75-aad Ee Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda. Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. “Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.” Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeeybgalay Xuska Aas Aaska ciidamada Booliska appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan maanta ay ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay mid ka mid ah Ganacsatada Bakaaraha, xilli uu ku sugnaa goob uu ku lahaa qeybta Qudaarta ee Suuqaasi. Raggii ka dambeeyay dilkan aya lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, dilka kadib. Ciidamo ka tirsan ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka bilaabay halkaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Ganacsadahaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan qaar koodna ay sheegteen Al Shabaab. The post Kooxo hubeysan Oo Ganacsade ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  4. The Peace and Security Council (PSC) of the African Union (AU), at its 817th meeting held on 11 December 2018, considered the report of its field mission to Somalia that was undertaken from 26 to 28 November 2018 and adopted the following decision: Council: Takes note of the presentation of the Report of the PSC Field Mission to Somalia by the Permanent Representative of Djibouti to the African Union, H.E. Ambassador Idriss Mohammed Farah, his capacity as both, the PSC Chairperson for the month of November 2018 and the Head of the PSC Delegation during the field mission, as well as by the Acting Head of the PSC Secretariat, Mr. Amadou Diongue; Also takes note of the progress made towards consolidating the gains made in stabilizing efforts in Somalia, in particular the adoption, by the Federal Government of Somalia (FGS), of four strategic pillars to drive actions on a number of critical areas, namely, security, economic recovery, inclusive politics and social justice and cohesion. Council further takes note of the progress also achieved by the FGS in promoting inclusive politics, the development of constitutional and legal frameworks for the 2020 elections, resource sharing with the Federal Member States (FMS), constitutional review, security sector reform and economic recovery. In this regard, Council commends the FGS and encourages it to remain committed and to persevere in its efforts; Notes with concern the continued political tension between the FGS and some of the FMS, particularly, in view that the situation has the potential to negatively impact on the hard-won political, security and socio-economic gains made so far in Somalia. In this regard, Council stresses the urgent need for constructive engagement and genuine dialogue between the FGS and the FMS as the only viable approaches of addressing any differences that may occur, pending the adoption of a final federal constitution that will further clarify the relations between the FGS and the FMS. Council calls on all Somali stakeholders at the two different institutional levels to exert utmost restraint in this very challenging moments of the history of Somalia and further stresses the need for the creation of conducive conditions for the successful organization of credible regional elections in the FMS; Reiterates the AU solidarity with the Government and people of Somalia in their efforts to completely defeat Al Shabaab and overcome the multifaceted challenges facing their country. Council also reiterates the unwavering commitment of the AU to continue to support Somalia in its efforts to find lasting solutions to the present challenges; Encourages all efforts aimed at promoting national reconciliation and healing across all layers of the Somalia society, including youth and women; Commends the African Union Mission in Somalia (AMISOM) for the critical role it is playing in the fight against Al Shabaab and for the achievements made to date. In this regard, Council, once again, pays tribute to the troop and police contributing countries (TCCs/PCCs) and, in particular, to all AMISOM men and women who have paid the ultimate sacrifice at the service of peace, security and stability of Somalia and Africa as a whole. Also commends AMISOM for facilitating the conduct of the AMISOM Operational Readiness Assessment (ORA) and the development of the new AMISOM Concept of Operations (CONOPs) 2018-2021. In this respect, Council takes note of the endorsement of the CONOPs by the AMISOM Military Operations Coordination Committee (MOCC) and expresses its readiness to adopt it as soon as possible; Takes note of the material, logistical and financial challenges facing AMISOM. In this regard, while expressing sincere gratitude to all partners for their continued support to AMISOM and to the FGS, Council appeals for redoubled efforts in mobilizing additional resources in order to enable the Mission to more effectively discharge its mandated tasks, in particular during the challenging transition period; Stresses the need to expedite the implementation of the Somalia National Security Architecture. In this regard, Council underscores the importance of building the capacity of the Somalia national security forces (SNSF), including through the provision of necessary equipment, in order to enable the forces to effectively take over security responsibilities from AMISOM when it withdraws from Somalia in 2021. In the same context, Council also underscores the importance of ensuring transparency and coordination, as well as complementarity of efforts between and among all bilateral partners of Somalia who are providing capacity building support to the SNSF, with a view to ensuring the building of one credible Somali national army with one doctrine and equal training standards; Also stresses the need for all stakeholders in Somalia to work together towards a smooth transition with regards to the progressive transfer of the primary responsibility in the maintenance of security from AMISOM to the SNSF and to ensure that this process is conducted in a manner that ensures the maintenance of the current momentum, as well as the preservation of the gains made so far, and avoids the creation of a security vacuum that could be capitalized by Al Shabaab; Stresses the need of ensuring effective state authority and control by Somali relevant institutions in all areas liberated from Al Shabaab, among others, by ensuring the provision of basic public services and other peace dividends to the population. In this respect, Council commends AMISOM for its continued engagement with Somali civil society organizations and encourages the Mission to intensify these efforts within the framework of its civil-military relations and public diplomacy. In this context, Council underlines the importance of enhancing the civilian component of AMISOM and ensuring its presence in all Sectors of the Mission; Stresses the importance of creating conducive conditions for encouraging the voluntary return and resettlement of both, internally displaced persons (IDPs) and refugees; Expresses its gratitude to the Federal Government of Somalia, AMISOM and the United Nations Support Office for Somalia (UNSOS) for facilitating the successful undertaking of the field mission in Somalia; Decides to adopt the report of its field mission to Somalia, undertaken from 26 to 28 November 2018; Decides to remain actively seized of the matter. The post Communique the AU Peace and Security Council on Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar sanadkii 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamaa hooyada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo ay jireen qeybaha kala duwan ee Ciidanka ayaa Sanadkii 1971-dii waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya. Dalkeenna waxaa uu ku lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhammaan haatanna lagu siiyaa qeybaha kala duwan ee Booliiska. Wixii ka horeeyay sanadkii 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade. WAAJIBAADKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED. Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:- 1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha. 2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara. 3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda.4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed. QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA. Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah:Taliyaha, Taliye xigeenno, Hoggaano, Qeybo, Saldhigyo, iyo Laamo. Hoggaannada Ciidanka waxay kala yihiin:- 1- HOGGAANKA Ciidanka, 2- HOGGAANKA Maalyadda, 3- Hoggaanka Saadka, 4- Hoggaanka Nabadgelyada waddooyinka, 5- Hoggaanka Tababarrada, 6- Hoggaanka Caafimaadka, 7- Hoggaanka Gaadiidka, 8- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha, 9- Hoggaanka Isgaarsiinta, 10- Hoggaanka Dhismaha, 11- Hoggaanka Baarista Dembiyada, 12- Hoggaanka Howlgelinta, 13- H oggaanka siyaasadda. LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA 1- Laanta Baarista Dembiyad, 2- L a a n t a Canshuuraha, 3- Laanta Socotada, 4- Laanta Birmadka Booliiska, QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA. 1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, 2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ). 3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ), 4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne), 5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ), 6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ), 7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ). 8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ). Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa: Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo. Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah. Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka. Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta. Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL. Haddaba maanta waa maalinta Booliiska Sopomaaliyeed uu 75 sano jirsaday, waxaa ayna dhigiyaan xaflado waaweyn, waxaana jira qorshe la doono in dib loogu dhiso dhismaha ciidamada lana gaarsiiyo 32 kun oo Askari, lana gaarsiin doono dhammaan Dalka oo dhan, Waxaan ku amaanayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya doorka ay ku leeyihiin hormarka Bulshada iyo amniga, waa geesiyaal xaalado kala duwan oo uu dalka soo maray ku soo shaqeeyay una dhabar adeegay sidii shacabka ay u heli lahaayeen xasilooni iyo kala dambeyn. Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxay ka midyihiin Awoodaha Ciidan ee uu qaranka Soomaaliyeed leeyahay waxuuna soo maray heerar kala duwan, laakiin maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo kabanayaa waxaana rajeynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaalo dheeraad ah ku bixiso Xoojinta iyo qalabeynta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana hambalyo u diray Madaxda ugu sarreeysa Dalka iyo taliyayaasha Ciiidamada, waxana u rajeyneynaa inay sanadkan kiisa ku gaaraan guul iyo horumar, maadama ay yihiin wehelka iyo saaxiibka ugu dhow Shacabka. The post Akhriso:-Marxaladihii ay soo mareen Booliska Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi. Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore. Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nuuca shaqaalaha (Service) iyo nuuca shacabkaba u soo saaro, halka milkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xiriirka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaari lahaayeen. Axmed Abuubakar ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xiray Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah. Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida. Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho. Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn ee laga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa looga qaataa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online ay macaash badan u noqotay Koofi. Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Koofi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Danish authorities have concluded that the situation in some parts of Somalia is safe and that Somalis no longer have valid grounds for asylum. Following a review of the situation in Somalia, which began in 2017, residence permits will, therefore, be withdrawn for no less than 1,000 Somalis. “It is time for them to go home now,” Denmark states. “If you no longer need our protection and your life and your health are no longer at risk in your homeland, you must, of course, return home and build up your country of origin”, says Minister for Migration Inger Støjberg, according to DR. The minister also points out that each case has been carefully examined and that they always base decisions on facts. Withdrawing or not renewing a residence permit has become possible since Denmark 2015 changed its immigration law. The legislative amendment was actually aimed at Syrians in connection with the asylum wave of the same year but was also applied to migrants from Somalia. Denmark has an agreement with Somalia that the home country should take back repatriated Somali citizens in exchange for help in building a police force. However, the agreement only applies to 12 persons per year. The post Danish Minister for Migration tells Somalis to go back home and rebuild their country appeared first on Shabelle. View the full article
  8. The Somali police force has marked its 75th anniversary since establishment on Thursday in the capital, Mogadishu. The occasion was preceded over by the President of the Federal government of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo accompanied by Internal security minister, Mohamed Abukar Islaw together with senior Somali security agencies officials. Also in attendance were the members of the diplomatic core led by the Turkish ambassador, Mehmet Yilmaz, the representatives from UN agencies and African Union mission in Somalia (AMISOM) In his speech, President Farmajo has promised his government’s efforts to equip Somali police force. “My government will ensure the training and equipment of the police force to strengthen law and order in the country,” the President said. Somali leader has also pledged to improve the welfare including remunerations and taking care of the families of the officers killed in the line of duty. Efforts by the international community including the AMISOM Police unit is helping the force to restructure by providing much-needed training and other facilities marked for operations. The post Somali Police Force celebrates 75th anniversary since its inception appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-20122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay nin ka ganacsan jiray Khudaarta ka soo go’da dalka. Dilka ayaa ka dhacay suuqa Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha qeybta Degmada Hodon. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay l in labo Nin oo Baskoolado watay ay rasaas ku fureen Nin da’ ah oo magaciisa lagu soo koobay Jeeri. Waxaa uu suuqa ku gadi jiray noocyada khudaarta sida; Bocorka, Barbarooni, Sabuulka iyo noocyada kale ee Khudaarta cagaaran. Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta dilka kaddib, waxaana markaas kaddib goobtii tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilalka loo geysanayo dadka ganacsatada ah ayaa ku badanaya Muqdisho, iyada oo inta badan bilihii la soo dhaafay la bartilmaameedsanayay Shaqaalaha sharikadaha Ganacsiga ee ka jira Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Gudoomiye ku xigeynka 2aad ee xiriirka kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ka mid wafdigii hogaaminayay xulka qaranka 20jirada ee todobaadkii lasoo dhaafay ka badiyay xulka Jabuti ayaa sheegay in kulankaas uu fursad iyo horomar u ahaa kubbadda cagta dalka. Soddon sano ka dib ayuu xulkeena ciyaar saaxiibtinimo u aaday dalka Jabuuti waxaana ciyaartaas wiilasha Ocean Stars ay 4-1 ugu badiyeen dhigooda Jabuuti,iyadoo arintaas ay albaabada u furtay gudaha sanadka cusub ee 2019 ay soo booqondoonaan xullalka dariska ah. “Ka dib markii lana doortay bishii lasoo dhaafay November waxaa soo muuqanayay is badalo waa weyn oo ka imaanayay safarada xulkeena waxayna natiijooyinkaas guul iyo horomar u aheyd qof walba oo Soomaaliyeed meelb oo joogo”Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah gudoomiyahay ku xigeynka 2aad xiriirka kubbadda cagta ayaa sidaas u sheegay Goobjoog Sports. Feysal Xasan Axmed ayaa saddex gool u dhaliyay xulka qaranka,isagoo noqday laacibkii ugu horeeyay hatrick u dhaliyay xulkeena waxayna arintaas farxad gelisay xirfadlayaal badan oo ku barbaaray qurbaha maadaam uu xidigahaas ka mid koox qurbajoog oo caasimada ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday bishii October wuxuuna Feysal iminka qaranka u dhaliyay afar gool wuxuuna ka kala dhaliyay wadamada Jabuuti iyo Ethiopia. “Waa in aan ku shaqaynaa Soomaalinimo koox,gobol ama cid kale sooma celin karto guulaha iminka ay bilaaweyn xulkeena,balse waxa ay ku timid wada shaqeynta wacan ee ka dhaxaysa xiriirka kubbadda cagta,Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,Gobolka Banaadir iyo xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada”waxaa sidaas Gooboog Sports u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah gudoomiye ku xigeynka 2aad xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta. Si kastaba Wararka qaar ayaa sheegaya in horaanta bisha Janaayo 2019 ay caasimada Muqdisho u imaanadoonaan xulka qaranka Jabuuti mudo 30-sano ka dib waxayna arintan go’gool u noqonaysaa in qaramadeena ay ku ciyaaraan garoomada gudaha ee kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Gudoomiye Cabdullahi Sheekh Oo La Hadlay Warbaahinta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden oo caasimada Muqdisho u soo gaartay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ay la soo saaray qaabka ay u ciyaarayaan. Shalay ay tababarkii ugu horeeyay ku qaateyn garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan waxayna ku rajadooda tahay in bulshada caasimada ay u soo bandhigaan kubad ku dheehan farsamo. “Runtii aad ugu faraxsanahay in aan dalka ay ku diyaarsan yihiin garoomada casriga ee aan anaga ku ciyaarno waxayna taas naga saacidaysaa in aan soo bandhigo farsamooyinka”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdiqaadir oo ah layliyaha kooxda Som United. Halkan Ka Eeg Kulamada Ay Ciyaarayso Kooxda Som United 21-12-2018-Muqdisho United VS Som United 24-12-2018-Som United VS Madbacada 26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United 28-12-2018-Som United VS Muqdisho City Maalmaha kale ee aysan ciyaaraynin kulamada saaxiibtinimo waxa ay booqandoonaan goobaha tariikhiga waxaana macquul ah in ay la kulmaan madaxda qaranka waana kooxda Saddexaad sanadka 2018 booqashao iyo ciyaaro saaxiibtinimo dalka u imaada. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa la sheegay inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed. Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo Qowmiyadda Oromada kasoo jeeda. Sarkaal howlgab ah oo ka mid ahaa Maamulkii hore ee Ethiopia una dhashay Qowmiyadda Tigreeda ayaa si cad u sheegay in Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya uu shaqsi ahaan ka dambeeyay magacaabista Dr Abiy Axmed. Sebaht Nega oo ah sarkaalka howlgabka ah ayaa sheegay in Abiy Axmed uu ku yimid rabitaanka Mareykanka, islamarkaana uu ka shaqeynayo danahooda, sida uu hadalka u dhigay. Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa ka jawaabtay hadalkaasi waxaa Afhayeen u hadlay uu beeniyay sheegashada sarkaalka Tigreega ah, waxaana uu intaas ku daray in Mareykanka uu ilaalinayo madaxbanaanida dalalka Caalamka. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ethiopia, Berekt Simoen, ayaa isaguna Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ku eedeeyay in uu faraha kula jiro arrimaha gudaha Itoobiya,waxaana uu tusaale u soo qaatay hadal uu dhawaan jeediyay oo ay ka mid ahayd “Ciyaartii Tigreega waa dhamaatay”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Taliska Uganda ayaa u magacaabay Brig Michael Kabango inuu badalo taliyahooda ciidamada ee Soomaaliya Brig Paul Lokech, kaas oo jagadaasi hayey tan December sanadkii tagay. Michael Kabango hadda waxaa uu ahaa taliyaha qeybta 5aad ee waqooyiga Uganda balse shaqadaasi ka hor waxaa uu ka shaqeeyey Soomaaliya, si fiicanna waa u yaqaan. “Waa Asakri aad u shaqo fiican, adag isla markaana ay Afrikaannimada ku weyn tahay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka Uganda Brig Richard Karemire . Ciidamada Uganda waxaa ay qeyb ka yihiin AMISOM, waxaa ayna Soomaaliya joogeen tan iyo 2007-dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Maamulihii Kastamka Lawya-Cado Yaxye Maxamed Sheekh Saleebaan, Taliyihii Laanta Socdaalka Lawyacado Fu’aad Caabi iyo Taliyihii Ciidanka Bariisle ee xarunta ku leh duleedka Koonfureed ee Lawyocado ayay Xukuumaddu xabsiga ku gurtay, waxaana si weyn looga hadal hayaa Xadhiga maasuuliyiinta Magaalada Xuduuda Somaliland ee Dhinaca Dalka Jabuuti ku taala ee Lowyacado ee Gobolka Salal ee Xeebta Woqooyi ee Somaliland. Masuuliyiintan ayaa sida Wargeyska Foore ku helay waxa ay ku kala xidhan yihiin dhawr meelood. Maamulaha Kastamka Lawyacado Yaxye Maxamed Sheekh ayaa isagu waxa uu ku xidhan yahay Xarunta Laanta Dambi Baadhista Hargeysa oo sida lanoo xaqiijiyay Habeen hore loo soo gudbiyay, halka uu Taliyihii Socdaalka Lawya Caddo Fu’aad Caabi isagu ku xidhan yahay Xerada Ciidankiisa ama Xarunta Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale Taliyiin Ciidanka Bariisle oo isna lasoo dhaadhiciyay ayaa sida la sheegay ku dhex xidhan Xero Ciidan oo Hargeysa kutaala, waxaana saddexdooda lagu hayaa Baadhis xoogan oo isla meel uu ku wad aroorta islamarkaana la xidhiidhay shaqadooda. Inkasta oo ay Warar iska khilaafsani kasoo baxayaan Xadhiga Masuuliyiintan, haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa noo xaqiijiyay in xadhiga masuuliyiintani uu ka bilawday Muran ka dhashay Tuulo yar oo u dhexaysa Dooxa la yidhaa Indha Biraale iyo Magaalada Lowyado Cado oo la yidhaa XAMAAM oo la baabiiyay dhawanaan kadib markii ay Dawladda Jabuuti ka cabatay in kootarabaanka Dalkeeda kasoo gala Dhinaca Somaliland lagu soo farsameeyo. Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Cabdilaahi Cabdi iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa horaantii bishan Tuuladaasi indho indhayn ku yimid islamarkaana masuuliyiinta Gobolka Salal kala heshiiyay in Tuuladaasi la baabiiyo, balse sida ay noo xaqiijiyeen Dad ku sugan Magaalada Lawyo Cado, waxaa markii Dambe khilaaf arintaasi ku saabsani ka dhex istaadhmay masuuliyiintan Xidhan iyo Badhasaabka Gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur,khilaafkaasi oo gaadhay in masuuliyiintaasi lasoo xidh xidho. Axmed Muuse oo ka mid ah Dadka Xog ogaalka ah ee ku sugan Magaaladda Lawyo Cado oo Wargeyska Foore khadka Telefanka kula xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi “Dawladda Jabuuti ayaa tidhi meeshaasi Xamaamka la yidhaa halanaga dumiyo, mashruuc yar ayay ku bixiyeen (Kharash), markaa Mashruucaas yar ee Xagga jabuuti laga soo bixiyay ayuunbuu ka dhashay Khilaafkani, oo dacwadan, buuqan iyo Qayladan faraha badan ee illaa imika soo gaadhay Madaxtooyaddu waxa uu ka yimid Mashruucaasi yar ee dhaqaalaha ah ee Jabuuti ku bixisay, ee Meesha lagu baabiinayay, uunbay ka xidhan iyo ka wax dacweeyay ee Badhasaabku ay isku khilaafeen, waa lakala hororsaday oo waxa u gacan fududaaday Qoloda Kastamka, markaa gacan fududaydkaasi looga gacan fududaaday Badhasaabka ee uu isna Habeenimadii ogaaday Badhasaabku ayuu khilaafkaasi yimid, waa aduunyo waxan la isku haystaaye waxan oo dhan waa la isla ogolaa marka hore”. Ayuu yidhi Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Wafti uu Taliyaha Jabuuti hogaaminayay ayaa yimid dhawaan si uu u eego sida loo Fuliyay mashruucii, marka hore waxay ahayd inuu Badhasaabku Waftigaasi soo daadihiyo, oo meeshii laga raray dadkii Xamaam deganaa iyo meeshii loo raray uu isagu soo tuso, kabacdi markii uu maqlay in shaqadii loo gacan waydaartay oo qolaadaasi maamulka Kastamku u gacan waydaartay ayuu qolada laanta socdaalka ku amray inaanu taliyaha Jabuuti soo galin Gudaha Somaliland, kabacdi Maamulka Kastamka lawya Caddo iyo Taliyaha Socdaalka Lawyacaddo ee Somaliland ayaa taliyihii Jabuuti soo galbiyay oo geeyay goobtii la baabiiyay markaasi ayuu Badhasaabku maqlay oo uu qaylo dhaantan faraha badan leh ee nasoo gaadhaysa ee ah waan iscasili iyo haddii wax laga qaban waayo, waa markii dambe ee uu arintani ogaaday, markaa nuxurku waa la isla ogolaa ayay ahayd ama Jabuuti ha kormeerato ama yaanay kormeerin, Baytal Qasiirkuna waxa uu ahaa Mashruucii yaraa ee ay Jabuuti bixinaysay ayuunbaa la yar kala hororsaday, oo lakala badsaday, oo loo gacan waydaartay Badhasaabka halkuu isagu ka qaabili lahaa ee uu ka qaadi lahaa ayay sidaasi u dhacday,waana laga wada dharagsan yahay Lawyacado”. Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Muuse. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey Golaha Guurtida, waxaanu ugu baaqay in aanay xiisad iyo xaalad kale oo khilaaf keenta aanay buurin ee muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay inay u kordhiso Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In ilaa hadda Xisbiyadu hawshooda si fiican bay socotaa, oo waa la isku soo dhawaanaya waana arin fiican, oo loo baahna, in Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga taladda hayaana inay wada hadlaan, oo ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jirana waa loo baahnaa, laakiin Doorashada wakhtiga ay ku dhacayso sida aan qabo waa la isla eegi doonaa, ee Guurtidu waa in aanay ka dheerayan heshiiska Somaliland, ee dhinaca Doorashada, waana inay noo kordhisaa muddo kordhin raali laga wada hayey mucaarad iyo muxaafidba, wakhti xaasaasiya ayeynu ku jirnaa ee Guurtidu waa in aanay abuurin xiisaad iyo xaalado kale oo muran siyaasadeed ka dhasho,awoodeeda dastuuriga ahna waa in aanay uga faa’idaaysan si aan umadda qancinayan, ee dhinaca wanaagsan ha uga faa’iidaysto, umana taag hayno mar walba doorashooyin dib inooga dhaca, iyo muddo kordhin joogto ah, ”. Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Farmaajo ayaa yidhi “Somaliland waxay xaqiijinaysaa rabitaankeedii ay ku dhawaaqday 1991, weyna ka midho dhalinaysaa rabiteenkeeda, taladduna dadkeeda ayey ka go’aysaa, laakiin Farmaajo iyo Barlamaankiisi maanta wey kala fadhiyaan, isaga iyo Goboladii wey kala fadhiyaan, Safaaradihii reer Galbeedka ee Muqdisho fadhiyey, dhammaantood arinta Baydhaba wey canbaareeyeen, cadaadisaka uu dadkiisa ku hayaana u keeni mayso guul la taaban karo, Somaliland ahaana ma necbin Shacabka Somaliya, maxaa yeelay waa dad islaam ah, oo aanu jaar nahay, ee inuu ALLE ka dulqaado dhibaatada ayaanu rajaynaynaa, Farmaajana intuu Somaliland waxyeeladeeda isku mashquulinayo, waxaa u roon inuu dhibaatada dadkiisa ka saaro, waxaa kale oo wax aad loola yaabo ah in isaga oo Madaxtooyadiisi aamini waayey, oo kolba Xerada Milatariga seexanaya inuu haddana Somaliland isku mashquuliyo, taasina waxba u tari mayso, waxna Somaliland kuma yeeli karo” Source
  17. (SLT-Ceel-afweyn)-Odayaasha deegaanka Ceel afweyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey laba qof oo ku eedeysan gacan ku dhiigle deegaanka Dararweyne qof socota ah ku dilay, taas oo muddo laga sugayey inay odayaashu soo qabtaan dambiileyaashaasi. Labadan qof ee ku eedeysan gacan ku dhiiglaha ayaa magacyadooda la kala yidhaahdaa Cabdirisaaq Cawild Ducaale iyo Axmed cabdi Cawad cabdulle, waxaana lagu wareejiyey dawladda, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen odayaashii marxuumkii ay hore u dileen ka soo jeeday. Odayaal u hadlayey marxuumkii hore loo dilay ayaa sheegay labadaasi gacan ku dhiigle lagu soo wareejiyey dawladda, isla markaana ay uga mahad celinayaan odayaashii ka hawlgalay soo qabashada dambiileyaashaasi dilka gaystay. Sidoo kale, odayaasha soo qabtay labadan gacan ku dhiigle ayaa cadeeyey inay gacanta dawladda ku soo wareejiyaan oo sharciga la hor geyn doonno. Dilkan ayaa ka dhacay deegaanka Dararweyne, waxaana marxuumka la dilay la odhan jirey Saleebaan Xuseen Maxamed, waxaana dilkaasi dhacay bishiii 5/11/2018, taas oo muddo lagu daba jiray soo qabashada ka dib markii lagu heshiiyey in qofkii qof dilla ay soo qabtaan odayaashiisu, halka beeshan hadda loo soo qabtay ay iyaguna nin xaaskiisii dilay soo qabteen ka dibna lagu wareejiyey gacanta dawladda. Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbiro ayaa u mahadnaqay odayaashii mudadda ku jiray soo qabashada dambiileyaasha,isla markaana sheegay in qof kasta oo qof dila sidaas loo soo qaban doono si aanu dambiilihii dambiga gaystay aanu reer u noqon ee uu shakhsi u noqdo. “Waxaan cadaynaya sida odayaashu sheegeen dhacdaddii u dambaysay ee ka dhacday Dararweyne bishii 11aad shanteedii,2018 ee lagu dilay marxuum Saleebaan Xuseen Maxamuud inay nagu soo wareejiyeen labadaasi gacan ku dhiigle ku eedeysan oo ay hada ku jiraan gacanta dawlada”ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sanaag. Deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa waxa ka dhici jirey dagaalo beeleed soo noqnoqday, taas oo ka dhalan jirey dad kala aargoosanayey oo marka qof la dilaba,isla markiiba beeshii qofka la dilay intay soo duulaan kuwo wax dilay beeshooda dad ka soo layn jirey, haseyeeshee waxa hadda lagu heshiiyey in wixii hore lskaga dilay magta la bixiyo, qofkii dambe oo qof dilla ay odayaashiisu soo qaban doonaan si sharciga loo horgeeyo, taasina waxay keentay in deegaankii nabadi ka hirgasho. Source
  18. Baydhabo (Caasimada Online)-Shacabka deegaanada Koofur Galbeed ayaa si cajiib ah kaga jawaabay doorashadii madaxweynaha Koofur Galbeed iyo sida aysan ugu qanacsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadii shalay. Shacabka ayaa muujiyay sida ay u faarujinayaan magaalada Baydhabo mar haddii la doortay madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, waxaana ay aheyd fal celin maad ah “Kaftan”. Qaarkood ayaa isku soo sawiray iyagoo wata alaabadooda iskana dhigaya ineey magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka qaxayaan Mar hadii la doortay shaqsi Aan ku imaan rabitaankooda, sida ay matalayeen. Shacabka ayaa taageero buuxdo u hayay musharixiinta kale oo uu kamid ahaa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  19. (SLT-Uganda)-Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u magacawday Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, iyadoo la bedelay Taliyihii ciidankaas Paul Lokech. Brig. Michael Kabango oo ahaa Taliyaha qeybta shanaad ee Ciidamada Waqooyiga Uganda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan. Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay in Brig. Michael Kabango uu yahay nin qibrad leh oo aad u wanaagsan, ayna rajeynayaan inuu ka qeyb qaato howlaha nabadeynta Soomaaliya. Sidoo kale Taliyaha la bedelay Paul Lokech oo horay u hoggaaminayay howlgalada Al-Shabaab looga saaray Muqdisho iyo deegaanada kale uu ahaa nin geesi ah oo ka qeyb qaatay xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya. Waxaa horay u jiray cabasho saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya u gudbiyeen Midowga Afrika, kaasoo ka dhan ahaa Taliye Paul Lokech, kaddib markii la isku qabtay awaamiir dowladda dooneysay inuu fuliyo, gaar ahaan qalalaasihii ka dhashay Mooshinkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari. Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM, in ka badan 6,000 oo askari ayaa ka jooga Muqdisho. Source
  20. (SLT-Dubai)-Dowlada Maraykanka ayaa ku taageertay shirkada xarunteedu tahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee DP World khilaafka kaladhexeeya dowlada Jabuuti ee dhismaha dekeda Dooraale. La taliyaha Arrimaha Ammaanka Qaranka ee dowladaMaraykanka John Bolton ayaa ku taageertay DP World khudbad uu ka jeediyay shirka dhacay dalka Jabuti kaasoo ku saabsanaa hay’adda Heritage Foundation. Bolton ayaa ku taageeray DP World isagoo ka hadlayay qorshaha cusub ee siyaasadda dowlada Maraykanka ee arrimaha Afrika. John Bolton ayaa ku eedeeyay dowlada Jabuti talaabadii ay horaantii sanadkan kula wareegtay dekeda Dorale oo ay ku baab’iisay heshiiskii ay la gashay shirkada DP World. Shirkadda DP World ayaa soo dhoweysay mowqifka dowlada Maraykanka waxana afhayeen u hadlay shirkadda sheegay in ay u mahad celinayaan dowlada Maraykanka,ayna shirkadda DP World ay weli raadinayso sidii xal loogaga gaari lahaa khilaafka dekeda Doorale. Mowqifka uu Maraykanku ka qaatay khilaafka dekeda Dooraale ayaa waxaa uu bilow u yahay siyaasada cusub ee dowlada Maraykanka ee ah in ay ugaga soo horjeestaan wadanka Shiinaha oo saameyn ku yeelanaya wadamada ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan Geeska Afrika. Source
  21. (SLT-Congo)-Booliiska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sunta dadka kaga ilmaysiisa waxa uu ku kala kaxeeyay taageerayaasha mucaaradka ee dhagxaanta tuurayay, xilli lagu wado in dalkaasi ay doorasho ka dhacdo maalinta Axadda ah ee soo socota. Goor sii horraysay ayaa barasaabka magaalada Kinshasa waxa uu magaalada ka mamnuucay dhammaan isu soo baxyada ololaha doorashada isagoo tilmaamay inay jirto cabsi dhanka ammaanka ah. Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu wadaa inuu xilka banneeyo, doorashadanna waxa ay noqonaysaa middii ugu horraysay in hoggaanka Koongo lagu badelo codbixin. Qulqulatooyin ayaa dalkaasi ka dhacay xilliyadii awoodda la isku wareejinayay. Booliiska oo isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa islamarkana xiraya musharaxa mucaaradka si ay uga hortagaan in uu qabto isu soo baxa ololaha doorashada ayaa ah walaac soo kordhay ka hor doorashada Axadda lagu wado in ay Congo ka dhacdo. Caasimadda Kinshasa waxaa ku xooggan taageerayaasha mucaaradka islamarkana tallaabada uu qaaday barasaabka oo ah nin si aad ah ugu dhaw madaxwaynaha taasi oo uu kaga mamnuucayo in ay mucaaradka qabtaan isu soo bax ayaa ah mid ay caro ka dhalan karto. Iyada oo ay xiisadda sii kordhayso ayaa walaaca jira waxa uu yahay ciidamada ammaanka Congo oo taariikh u leh in ay toogtaan dibadbaxayaasha mucaaradka. Sanaddii aanu soo dhaafnay toboneeyo qof ayaa dibadbaxyo noocan oo kala ah lagu dilay. Dhanka kale afhayeen u hadlay guddiga doorashada Congo ayaa BBC u sheegay in doorashada dib loo dhigi karo haddii qalabka doorashada uu diyaar noqon waayo waqtigi loogu talagalay. Kumannan ah qalabka casriga ee dooarsahada aya toddobaadkii aanu soo dhaafnay burburay ka dib markii uu dab qabsaday xaruntii uu qalabka yaalay. Source