Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SL-T Burco)Wadada Dubeerin Ayaa Kamida Wadooyinka Baylahan Oo Ay Inta badan Dhibaato Kala Kulmaan Bulshada Rayidka Ee Ku Safarysa, Xukumadda Somaliland Ayaa Umuuqata Mid Aaan War Ka hayn. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Source
  2. (SLT-Caynaba)-Khilaaf Ka Dhex Qarxay Bahda Garsoorka Iyo Taliska Booliska Gobolka Saraar + Taliyaha Booliska Oo Xoog Kula Baxay Maxabiis La Xukumay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Waxaa maanta warqadaha ka guddoomay madaxweynaha Uhuru Kenyatta. Nur oo duqa Muqdisho iyo guddoomiyaheeda ahaa inta u dhaxeysay 2010 ilaa 2014, waxaa uu 2016-kii ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxtinnimada, waxaa uu hadda baladayaa Jamaal Xasan oo ka mid ah golaha wasiirrada, waa wasiirka qorsheynta. Magacaabistiisa ka hor, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa uu ahaa la-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo. Maanta ayaa lagu qaabilay madaxtooyada Kenya, waxaana sidoo kale aqoonsiga laga guddomay 16 kale oo safiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamadani oo ah kuwa badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi, balse waxaa waayadan jirtay cabsi ay Kenya ka qabtay weeraro kaga yimaada Al Shabaab. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan. Muddooyinkii dambe ayaa Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Ciidanka Kenya Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Awdheegle ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaalia ee NISA ayaa ka hadlay weerar ay diyaarado dagaal ka qeyb qaateen oo xalay ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amnigu howlgal qorsheysan ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. NISA ayaa shaacisay in weerarkan lala bartilmaameedsaday goobo lagu farsameynayay walxaha qarxa. “Howgal Ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xarun Al Shabaab ay ku laheyd Tuulada Awdheegle ayaa lagu qabtay walxaha qarxa, Ciidanka ayaa naftooda u hura badbaada shacabka”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA. Hay’addu ma shaacin haddii uu jiro khasaare Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkaasi. Dhanka kale Al Shabaab ayaa ka hadlay howlgalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in ay iska caabiyeen, kana hortageen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Bankaraafta Soomaaliya. Waxaana Al Shabaab ay baahiyeen in Gantaallada qaar ay ku dhaceen Suuqa Caanaha Awdheele iyo xaafadda Caanoole ee degaankaasi, halkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah. Sidoo kale Al Shabaab ma shaacin wax khasaare ah oo iyaga soo gaaray ama dadka Rayidka ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaaday duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda K/ Soomaaliya. The post NISA Oo war ka soo saartay howlgal laga fuliyay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u bilaabeyso xariirkeedii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kaas go’sanaa 28 sano. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay sabab u tahay horumarka haatan ka hana qaaday Soomaaliya. Donald Yamamota oo haatan ku wajahan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu horkacayo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliy, kaas oo markii hore fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya. Dowladda Mareykanka ayaa xirtay Safaaradeeda Soomaaliya sanadkii 1991-kii, xilligaasi oo uu bilowday dagaalkii lagu burburiyay dowladdii dhexe ee dalka. Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa tallaabadani ku tilmaantay mid ay Soomaaliya horay u qaaday, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya dib loo aqoonsaday sanadkii 2013-kii. Afhayeenka ayaa intaasi ku dartay in labada dalba haatan ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, dimoqoraadiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa dhawaantani Safiir cusub u soo magacawday Muqdisho, isagoona sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee K/ Soomaaliya. The post Mareykanka Oo dib u bilaabaya howlihiisa Diblomaasiyadeed Ee Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay xanibeen guud ahaan dhaq dhaqaaqii Xildhibaanadaasi. Lama oga tiro ahaan inta ay la’egyihiin Xildhibaanadaasi ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu go’doomiyay halkaasi. Balse Xubnahani ayaa ka mid ah Mudanayaal ka horyimid guddi qaabilsan arrimaha doorashada oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Ciidanka J/land Oo Xildhibaano ku hareereeyay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka. Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka The post Wasiir Cawad Oo warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub Ee Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-051218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Falan qayn ku saabsan Casuumada Boqor salmaan u fidiyay Amiirka qadar Shirka Dawladaha Khaliika GCC Curfiga siyaasadeed ee aduun-waynaha ayaa dhigaya in dawlada marti galinaysa shir-gobaleed ama shir-qaaradeed uu Madaxwaynaha dalkaasu, ama Boqorka dalkaas, ama Amiirka dawladaas uu martiqaad rasmi ah u diro dhamaan madaxda dawladahaas ee shirku quseeyo. Warqada marti qaadka waxa qaadaya heer wasiir oo kaliya wasiirka arimaha dibada ama wasiirka kale ee Boqorkaas ama Madaxwaynahaasu u dirto, Ma qaadi karo warqadaas safiirka dawladaas kuu jooga waa hadii aad rajo laka leedihiin. Shirkaasu haduu ka dhacayo xarunta midawgaas muhiim maaha in dawladaasu dirto waraaqo wasiiro qaadan, sida shirarka sanad laha ah UNAITED NATION ka xaruntiisa NEW YORK iyo GENEVA ka dhaca, sida shirka AFRICAN UNION ee ka dhaca xaruntiisa ADDIS ABABA sida shirka JAMACADA CARABTA ee ka dhaca xaruntiisa QAAHIRA, iyo kuwa lamid ka ah ee caalamka. Hadaba 9 bishan waxa ka furmi doona sacuudiga shirka Dawladaha Khaliijka GCC oo isagu bilaa xarun ah, sidaan kor kusoo xusay Boqor Salmaan bin cabdi caziiz isagoo raacaya Curfiga siyaasadeed ee aduunka wuxuu warqado casuumadeed u kala diray dhamaan madaxda Dawladaha Khaliijka. Hadaba warqadii Amiirka Qadar muuqaadin wasiir sacuudi ah oo waata lakal goostay ee waxa qaaday xooghayaha guud ee GCC Dr. Abdiladiif bin Rashid Al Zayaani, oo ka sareeya heer wasiir kuna haboon qaadista warqadan wakhtigan oo kale Waxana soo dhaweeyay oo warqada gudoomay wasiira dawlaha arimaha dibada ee qadar Mr.Suldaan bin Sacad Al mariikhi karaamaduna waxay ku jirtay inuu Amiirku gudoomo warqada Boqorka. Intii xidhiidhka loo jaray QATAR Waa markii labaad ee Boqor Salmaan waraqad casuumadeed u diro Amiirka Qatar laakiin casuumadii hore muu-iman waxayna ahayd shirkii jaamacada carabta ee ka dhacay DAHRAAN waxa waqada casuumada loogu dhiibay wakiika Qadar ee jaamacada carabta ee xarun tiisu tahay Qahira, Qatarna isla isagii ayay soo direen, Doorkan Caalamka oo dhan ayaa eegaya inuu tana ka baaqdo iyo in kale maadaama aanuu warqada gudoomin isagoo dalka ku sugan. Alaa mahd leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
  11. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Xukuumaddu Afduubtay shirweyne ay Hargeysa ay ku qabsadeen Haweenka Somaliland. Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo shirka ka qayb-galay laakiin aan hadal ka jeedin ayaa dhaliilay hannaanka shirka loo qabtay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Puntland uu dhawaan isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ayaa madaxtooyada maamulkaasi waxaa kasoo baxay war qoraal ah oo lagu eedeynaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Horaan sidaan oo kale waxaa dowladda federaalka eedeyn midaan lamid ah u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku eedeeyay in doorashada maamulkaasi ay faragelin ku hayaan. Halkaan hoose ka akhriso warka qoraalka ah ee kasoo baxay Maamulka Puntland ee lagu eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
  13. Amiirka dalka Qatar oo ka jawaabay casuumaad uu ka helay boqor Salmaan Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9-ka bishaan magaalada Riyadh isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka. Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC. Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga. Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi. Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar. Qaran News
  14. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgall ay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandoosta iyo ciidan Maraykan ah ka sameeyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidankaan iyo sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana jira khasaare aan weli la shaacin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Goob joog u xaqiijiyey in diyaaradaha Maraykanka ay Labo gantaal ku dhufteen xaafad lagu magacaabo Caanoole, gaar ahaan xarun ay Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Muuse-Cabaas-Cusmaan-Weerarka-Awdheegle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Muuse Jiir ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka wakiillada iyo deeganka ku yimid ay sabab u yahiin xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI, balse aaney xukuumadu wax sabab ah ku laheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaashii golaha shacabka ee maanta guddoonkooda u gudbiyey qoraal lagu dalbanayo in laga doodo heshiisyadii uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Ethiopia iyo Eritrea ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraalkaasi. Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay doonayaan dood in laga sameeyo heshiisyada iyo is afgaradyada lala galo dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwii madaxweynaha lasoo galay dalalka deriska ah. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mooshinkan ay gudbiyeen uu mari doono habraaca rasmiga ah, islamarkaana maalinta Sabtida ah golaha lala wadaagi doono. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/xildhibaanka-golaha-shacabka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaadhan oo ay qaar kamid ah haween weynaha dalka Somaliland ku qabsadeen caasimadda Hargeysa. Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Somaliland wuxuu haweenka u soo jeediyay; in ay isku soo sharaxaan doorashada madaxtooyada ee soo socota oo ay dalka hoggaamiyaan, Halkan hoos ka DAAWO Source
  18. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho. Ajendaha maanta ee kulanka golaha shacabka ayaa ahaa akhrinta Saddexaad ee hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta. Waxaa kulankan maanta soo xaadiray 170 mudane iyadoo uu shir guddoominayey Mudane Mursal Maxamed Sheekh. Ugu dambeyn waxaa hindise sharciyeedkan la geliyey cod, iyadoo 167 xildhibaan ay sharciga u codeeyeen, waxaa diiday Hal mudane, iyadoo Labana ay ka aamustay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Maxamed-Salaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Goboka Awdal ee xisbiga WADDANI Maxamad Aadan Suldaan oo Fariin Kulul Hawada U Mariyay Madaxwayne Biixi Kana Warmay Safarki Gobolada Bariga Iyo Duufaanti Sanndakan Ku Dhufatay Xeebaha Gobolka Awdal Iyo Dayaci Xukuumada KULMIYE. Dhan kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay muqumaasuqday oo jeebka iskaga shubatay lacag ay midowga yurub iyo dawladda Soomaaliya ugu deeqeen dadkii ay saamaysay duufaantii sagar ee ku dhufatay gobolada galbeedka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah dib boodhka uga jafayso calaaqaadkii dublamaasiyadeed iyo safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd. Waxayna noqonaysaa markii koobaad ee safaarad Maraykanku leeyahay ay ka hawl gasho Muqdisho mudo soddon sano ku dhaw, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya. Warka waaxda arrimaha dibadda ka soo yeeray ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal. Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddiisa markii ay billawdeen colaadaha sokeeye, taas oo keentay in milatariga Mareykanka uu safiirkoodii xiliigaas iyo shaqaale kale oo Mareykan ah uu ka soo daad gureeyo Muqdisho. Sannaddii 1993 Mareykanka waxa Muqdisho lagaga soo riday labadii diyaaradood ee qumatiga u kacayay ee la oran jiray Black Hawk halkaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay. Waxaa sidoo kale dagaalkaasi ku dhintay dad lagu qiyaasay boqolaal qof oo Soomaali ah. Labadaas diyaaradood ee la soo riday ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk down. Mareykanka ayaa dowladdii cusbayd ee Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Mareykanka ayaa duqeymo uu ku bartilmaameedsanayo dagaalyahannada xarakada al-shabaab ka wada qaybo badan oo Soomaaliya ah, waxaana dhawaan booqasho Muqdisho ku tagay madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey wax ka bedel ay dhawaan golahaasi ku sameyeen xeerka Booliska oo dib golaha loogu soo celiyey. Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa sidoo kale waxaa uu hajnaad u diray dad uu ku sheegay in aaney sifo sharci aheyn u dhaliilayaan golaha Wakiilada, isla markaana waxaa uu haayadaha sharciga ugu baaqay inay talaabo ka qaadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenkiisa in uu khal-khal ka abuurayo doorashada madaxtinimada Puntland ee la qorsheeyay in ay dhacdo 8 Jan 2019. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay Puntland ku jirto,waxaana eedaha war-saxaafadeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland oo fulinaya awaamiir laga soo siiyay magaalada Muqdisho loo adeegsanayo khal-khal gelinta doorashada Puntland. Dhinaca kale war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu caddeeyay in doorashadu ay ku dhacayso wakhtigii loogu tala-galay,islamarkaana waxaa shacabka lagu wargeliyay in ay u diyaar-garooban doorashadaasi. PUNTLAND POST The post Gaas oo Camey iyo DFS ku eedeeyay in ay khal-khal ku hayaan doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka kulan maanta ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka waxa ay aqrinta 3-aaad geliyeen Mashruuca Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo shir gudoomiyay Kulanka oo ay Xaadiyeen 170mudane ayaa codka Kalsoonida geliyay Hindisahaan. 167 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2-Mudane ayaa ka aamustay halka uu diiday Hal Xildhibaan, sidaas ayuu ansax ku noqday sida uu ku dhawaaqay Shir Guddoonkii Maanta. Xeerkaan ayaa u gudbaya Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay iyanne u mariyaan aqrinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, ugu dambeyn kolka ay ansixiyaan waxa uu usii gudbayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu saxiixo uguna mid noqdo sharciyada. Guddiga soo gudbiyay Xeerkaan ayaa sheegay in sharcigaan uu ka qayb qaadanayo Miisanad sanadeedka 2019 si meel loogu yeelo Xuquuqda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaranka usoo shaqeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Kenya Airways has postponed the launch of its direct flight from Nairobi’s Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) to the Somali capital Mogadishu indefinitely. The national carrier which had initially planned to fly to Mogadishu beginning November 15 was to launch its direct flights to Aden Adde International Airport, Mogadishu, on Wednesday in a move that was expected to boost trade with the Horn of Africa nation. In a statement on Tuesday, Kenya Airways CEO Sebastian Mikosz however said the airline would not fly to Somalia until further notice as it is still facing a delay in getting “additional operational requirements” to fly on the route. “There is delay in KQ getting the additional operational requirement—-and the launch has been postponed until further notice,” said Mr Mikosz. The daily non-stop flight was to leave JKIA at 07:40 am to arrive in Mogadishu at 9:55 am local time. It was then expected to depart Aden Adde International Airport, Mogadishu at 10:45am to arrive back in Nairobi at 1:00pm. KQ was set to fly Bombardier Dash 8 Q400 on this latest route that is set to ease travel between the two cities. A ticket for the Nairobi-Mogadishu route was to go for about Sh42,000 ($403) round trip and Sh22,000 ($218) one way. The delay comes at a time when three East African countries have refused to allow KQ to use Bombardier planes to operate scheduled flights in their capitals, causing diplomatic tension. Burundi, for instance, declined the Bombardier DHC8-Q400 aircraft on grounds that it has no business class seats. Djibouti and Southern Sudan flatly declined KQ’s applications. KQ prefers use of Bombardier planes on short-haul flights because they are less costly to operate. Kenya Airways ‘s chief executive last week told Parliament that the rejections are “politically motivated” and are hampering the carrier’s regional expansion plans.